Madaxda dalka oo war kasoo saartay geerida duqii hore ee Muqdisho

0
Monday October 02, 2023 - 12:23:13 in Wararka by
  • Visits: 338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda dalka oo war kasoo saartay geerida duqii hore ee Muqdisho

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

 Madaxweynaha Soomaaliya iyo mads’uuuliyiin kale ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay geerida ku timid AUN marxuum cali Ugaas Cabdulle oo maanta ku geeriyooday isbitaalka Digfeer, kaasoo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka, sidoo kalena dhalay Ugaaska Beesha Mudulood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska uu ugu horeeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, qaraabada iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Cali Ugaas Cabdulle ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey nabadaynta iyo horumarka dalkeenna

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cali Ugaas Cabdulle uu muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiliyadii adkaa ee uu dalkeenna soo maray, Alle ha u naxariistee Cali Ugaas ayaa soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Safiirka dalka Talyaaniga iyo Duqii Magaalada Muqdisho Sanadkii 1987-1990,

 

"Inna lillaahi wa inna ilaayhi raajicuun Alle ha u naxariisto Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Siyaasi ruug caddaa ah iyo Nabaddoon door weyn kasoo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo samatabixinta dadka soomaaliyeed” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiis, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ku geeriyooda Muqdisho.

 

  Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa muwaadin dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Xamza ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa oo uu ugu horreeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

 

Sidoo kale waxaa ka hadlay geerida ku timdi marxuumka inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, madax dhaqameedyada iyo qayabaha kala duwan ee bulshada.

Marxuum Cali Ugaas ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, kuwaas oo ay ugu muhiim sanaayeen Duqii Muqdisho iyo Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Talyaaniga.

Cali Ugaas Cabdulle oo ku geeriyooday Muqdisho




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip