Daawo: Shacabka Muqdisho oo qaatay go'aan culus iyo banaan-baxyo galabta dhacay

0
Friday September 29, 2023 - 12:11:01 in Wararka by
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Shacabka Muqdisho oo qaatay go'aan culus iyo banaan-baxyo galabta dhacay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Magaalada Muqdisho waxaa ka qarxay kacdoon bulsho kii ugu weynaa, dadka ku noolCaasimadda ayaa maanta oo Jimco ah isugu soo baxay wadooyinka, iyagoo qaadaya heeso wadani ah oo ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabaab.

Kacdoonkaan ayaa lagu taageerayaa dagaalka ay dowladu kula jirto Al-Shabaab, waxaana maanta isugu soo baxay boqolaal shacab, masuuliyiin iyo ciidan ah.

Wadooyinka waaweyn ee caasimada Muqdisho ayaa lagu soo maray socdaal, degmada Cabdicasiis oo ay ku taallo xeebta Liido ayey masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir kula hadleen bulshadii isugu soo baxday banaanbaxa.

 Agaasimaha waxbarashada ee maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Barre oo ka mid ahaa masuuliyiintii la hadashay bulshada isugu soo baxday fagaarayaasha Muqdisho ayaa sheegay in dalku aaday halgan dagaal oo loogu magac daray "Guul ama Geeri.”

Shacabka Muqdisho oo dhiiraday ayaa galabta ku dhawaaqayey erayo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo qaadayey heeso laga sameeyey Shabaab oo laga daaray gaadiid lagu soo xiray codbaahiyeyaal waaweyn.

Ciidamo iyo saraakiil boolis ah ayaa dhex socday dadka isugu soo baxay kacdoonkaan, sidoo kale fanaaniin ayaa heeso ka dul-qaadeysay gaadiidka booliska.

 

Sidoo kale qaar kamid ah saraakiisha booliska oo bulshada la hadlay ayaa dalbaday in dowladda lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab.

Dalka waxaa loo jiheeyey guluf dagaal oo loogu magac daray "Guul ama Geeri” waxaana hoggaaminaya Madaxweyne Xasan Sheekh oo laba bilood ka maqan caasimadda Muqdisho, kuna sugan furimaha dagaalka.

 

Cabsidii ay ka qabeen kooxda Al-Shabaab ayaa ka guurtay shacabka Muqdisho, waxayna maanta muujiyeen sida ay u dhibsadeen jiritaanka kooxdaan soo gumaadeysay sanadaha badan, iyagoo si buuxda u muujiyey inay dowladda ku garab taagan yihiin ciribtirka kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip