Waa kuma Dudaaye qareenka ku caan baxay kiisaskii musuqa ee maxkmadda Banaadir?

0
Thursday September 28, 2023 - 19:51:42 in Wararka by
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma Dudaaye qareenka ku caan baxay kiisaskii musuqa ee maxkmadda Banaadir?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dudaaye

Maanta waxaa soo gabangaboobay kiisaskii loo haystay qaar kamid ah shaqaalaha dawladda Soomaaliya, oo hanti dhawrka Qarnku ku eedeeyay inay lunsadeen hanti ay leedahay dawladda Soomaaliya.

kiisaskaan ayaa intii ay socdeen waxaa si toos ah looga baahinayay dhagaysigooda warbaahinta oo uu kamid yahay talefishinka Qaranka Soomaaliya.

Qareenada difaacayay eedeysanayaasha waxaa kamid ah, Cabdullaahi Macalin Muxiyadiin oo ku magac dheer Dudaaye. Laba eedeysane oo kamid ah shan ruux oo ka difaacayay eedo lagu soo oogay ayaa lagu kala xukumay maanta sideed bilood xarig ah iyo saddex sano oo xarig ah.

"Iyaga laftirkoodu way guuleysteen ayaa la dhihi karaa", ayuu yiri qareen Dudaadye. "Eedaha ugu cuslaa oo oo dawladdu ku eedeyneysa waxay ahaayeen inay lunsadeen lacagtii dawladda, oo ay yihiin dad tuugo ah, arrintaasina maxkamadii way ku waysay.

Xukunka lagu riday labadaas eedeysane ee uu difaacayay ayuu sheegay inuusan ahayn kii kama dambaysta ahaa ee ay ku qinci lahaayeen, ayna qorsheynayaan inay racfaan qaataan.

"Waxaan rajeyneynaa inaan racfaan u qaadi doono. Qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu muddo soddon cisho ah racfaan ku qaato, soddonka cisho ee soo aadan ayaan racfaanka ku qaadan doonaa, kadib marka ay farsamadiisa iyo wadtaashigiisa arimahaas ku aadan ay dhamaadaan", ayuu yiri Dudaaye.

Dudaaye

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

Waa kuma Dudaaye?

Cabdullaahi Macalin Muxiyadiin (Dudaay), wuxuu ku dhashay deegaanka Biyacadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo uu ku noolaa ilaa iyo intii ka gaarayay da'da 13 sano.

Dhaqanka miyiga ayuu sheegay inuu aad ugu dheereeyo marka la barbardhigo kan magaalada oo uu waqtigii ugu badnaa noloshiisa ku qaatay.

Intii uu joogay baadiyaha ayuu sheegay inuu bilaabay waxbarashada, isaga oo waqtigiisa ugu badan galiyay barashada Quraanka, oo sida uu sheegay waqtiga ugu badan uu ku bixin jiray.

Waxbarashada maadiga ah ee hoose, iyo dhexe ayuu sheegay inuu ku qaatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, isaga oo waxbarashadiisa heerka koobaad ee jaamacadda iyo kan labaadba ku qaatay isla magaalada Muqdisho.

Dudaaye ayaa sheegay inuu jaamacdda ku bartay kulliyada Shareecada iyo Qaanuunka, taas oo lagu barto sida sharciga islaamku u arko qaadista xukunnada iyo sidoo kale qaanuunka kale ee caalamiga ah. Dudaaye ayaa sheegay inuusan marnaba dibadda u aadin waxbarasho.

Qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa u qiray qareen Dudaaye inuu yahay nin isku kalsoon, balse isagu sidaas isuma arko.

"Waxaan isku arkaa nin aad daciif u ah", ayuu BBC u sheegay. "Qareeno badan oo iga aqoon bada ayaa jira, qareeno badan oo iga karti badan ayaa jira. Aniga hadda ma ogi sababta ay dadku u leeyihiin Dudaaye waa karti badan yahay".

Gudoonka

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

Erayada caan baxay ee maxkmadu ku qabsatay

Bilowgii kiisaska musuqa ee uu qareenka u noqday eedeysanayasha qaar, ayaa waxaa baraha bulshadaha ku baahayay hadalo kooban oo laga soo jaray weedhaha difaaca ee Qareen Dudaaye, kuwaas oo ay ka dhex buuxeen hadalo halhays u eg oo uu isticmaalayay qareenku.

'Adeer', 'Alle hakau barekeeyo' iyo 'Qayr allaha ku siiyo', ayaa kamid ahaa jumladaha uu isticmaalayay, kuwaas oo ay dadka qaar u arkeen kuwa xiiso leh.

"Dadka Soomaalida ah markey hadlaayaan, qofkasta waxay leedahay hadal halku dhig ah...hadaladaas waxay kamid ahaayeen hadalada uu aniga afkeyga uu yaqaano", ayuu qareen Dudaaye u sheegay BBC.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xilli ay socotay dhagaysiga dacwaddu ka dalbaday qareenka, inuu joojiyo isticmaalka weedhahaan, isaga oo u sheegaya 'in aan maxkmadda dhexdeeda wacdi loo joogin'.

Qareen Dudaaye ayaa ku macneeyay sababta guddoonka maxkmadu ugu sheegay inuu joojiyo isticmaalka erayadaan, in ay la xiriiri karto dareenka eedeysanaha ama dacwad oogaha oo ka fikiray guddonku.

"Marka maxkamadda la joogo waxaa mamnuuc ka ah hadal qofka dhaawici kara", ayuu yiri Duddaye.

"Gudoomiyuhu inuu arrinkaas iga diidaayay waxaan u arkay inuu u fikiraayay 'in qofka lala hadlaayo oo adeer la dhahaayay ama allaha ku barakeeyo la dhaahayay, yaan inta la beerjilicsado', yacnii nuucaas inuu fikiraayay ayaan isleeyahay".

Wali waxaa jiro eedeysanayaal kale oo lagu eedeeyay musuqmaasuq, kuwaas oo aan wali hor imaan maxkamadda, lana sheegay inay baxsad ku maqan yihiin



XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip