HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 28-KA SEPTEMBAR 2023-KA

0
Thursday September 28, 2023 - 08:35:26 in Wararka by
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 28-KA SEPTEMBAR 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHAC AB KA SOOMAALIYEED U DIRAY HAMBAL YO KU AADDAN XUSKA DHALASHADA NEBIGA CSW

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxa mu ud ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray ham balyo iyo farriin ku saabsan xuska dhalashada Xabiibkeenna Muxamed

nabad-gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay ku daydaan raadkii Nebiga CSW iyo dhaqankiisa suub ban, wuxuuna mar kale ugu digay in ay ka fogaadaan sharta khaw aarijta iyo qalloo cinta sunnada Rasuulka SCW.

Xaad oo war culus ka soo saaray dagaa lka Shabaab iyo abaabulka socda

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa shaaciyey inuu socdo abaabul dag aal oo culus oo lagu xoreynayo Ceelbuur iyo deegaanada kale ee beeshiisa.

Nabadoon Xaad oo shir jaraa’id qabtay ayaa dha mmaan Soomaalida ka dal baday in Ma daxweynaha ay ku garab istaagaan dagaalka uu hoggaam inayo ee furinta uu u joogo.

"Dagaalka Khawaarijta waa inaan dhamm aan teen daacad ka noqono oo dowladda lagu gac an siiyo” Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Xaad oo ku hadlay afka beelweynta Hawiye ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen dagaal ka, "Si buuxda ayaan ugu istaagnay dagaalka an wax kasta ayaana ku bixi doonaa,” ayuu yiri.

Xaad ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu bilaaba doono dagaal saf balaaran ah oo shacabka iyo ciidamada dowladda ay is garab soca doonaan, si loo gaaro deegaanada ku jira gacanta Khawaarijta Al-Shabaab.

Wuxuu ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka Al-Shabaab, "Dowladnimada Soomaaliyeed ay aa salka loogu dhigayaa dagaalkaan, haka ra adinina dan gaar ah, daacad halaga wada noq do dagaalkaan, sidaas ayaan ku baaqeynaa an agoo odayaasha Hawiye ah,” ayuu yiri Nabad oon Xaad.

Nabadoonka ayaa sheegay in dagaalkaan u u yeeshay natiijo wanaagsan oo deg deg ah, is agoo tusaale u soo qaatay sida ay u joogsade en qaraxyadii sida joogtada ah uga dhici jiray caasimadda Muqdisho. Nabadoon Xaad ayaa ka mid ah odayaasha gobolka Galgaduud ka abaabulaya doolaanka lagu xoreynayo deegaanada ay Galgaduud ka degaan beelaha Murusade iyo Duduble oo dha maantood gacanta ugu jira kooxda Al-Shab aab.

Taliyaha Asluubta oo Xabsiga dhexe ka dha gax dhigay qayb u gaar ah maxaabii sta qab ta cudurrada faafa

Taliyaha Ciidanka Asluub ta General; Mah ad Cabdirax maan Aadan ayaa xabsiga dhexe ka dhagax dhigay qeyb lagu karantiilayo maxaa biista qaba cudur rada faafa.Taliye Mahad ay aa sheegay in sheegay in saraakiisha Xabsigu ay usoo gudbiyeen in halkaasi lagu hayo dadka qaba cudurra da fa ara, kuwaas oo la ogaa do marka kiiskooda loo gudb iyo Maxkama daha, si caafim aadko oda loo ilaaliyana loo dhiso qayb gaar u ah buka anka.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay qaybtan ku dhisayaan si is-xilqaan ah, wuxuuna dowladda dhexe iyo bulshada Soomaaliye edba ugu baaq ay in ay ka qayb qaataan dhismaha gaarka ah ee loogu tala galay maxaabiista qabta cudurr ada faafa.

Shirka Wasiirada dhallinyarada Urur Goboll eedka IGAD oo lagu qabtay M/Nairobi

Shirka Wasiirada dhallinyarada Urur Gobolle edka IGAD oo lagu qabtay magaalada Nairobi

Waxaa Shalay M/Nair obi lagu soo gabagabe eyay shirka Wasiirada Dhallinyarada Dowlada ha xubnaha ka ah Urur Gobolleedka IGAD ayaa waxa DFS uga qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Md.Maxamed Barre Ma xamuud waxaana kulanka shir gudoominayay Wasiirka Wasaaradda dhalli nyarada dowlada Jabuuti.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu ansix iyay Siyaasadda Dhallinyarada IGAD, kaas oo loo sameeyay si uu wax badan kaga qabto ba ahiyaha ay qabaan Dhallinyarada ku nool Gobo lka. Shirkaan ayaa daba socday shir labadii maalmood ee lasoo dhaafay u socday xubnaha farsamada ee ka kala socday dalalka kubahoo bay Urur Gobolleedka IGAD, Wasiirada ayaana si aqlabiyad leh ku ansixiyay Siyaasadda dhal linyarada gobolka, iyagoo si wadajir ah ugu baa qay Dowladaha inay ka wada shaqeeyaan hirg elinta Siyaasaddan cusub.

Taliyaha ciidanka xoogga oo kormeeray guu tada 16-aad ciidanka kumaandoosta Danab

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Ibra ahin Sheekh Muxyadiin ayaa kormeeray Shal ay taliska guutada 16-aad ciidanka kumaandoo sta Danab , isagoona kulan la qaatay taliyaha guutada, taliye ku xigeenka guutada iyo qaar ka mid ka mid ah taliye ururada guutada 16-aad Danab iyo saraakiil kale.

Ujeedka kulanka ahaa siddii loo dardargalin lahaa hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, isagoona taliyuhu ku bogaadiyey ciidanka Da nab inay sii laba jibaaran dagaalka dalka looga xorreynayo Argagixisada.

Danab ayaa kaalin lix aad leh uga jirta dagaa lka dalka looga sifeyna yo kooxda Khawaari jta, iyagoo ka hawlgal aya qaybo badan oo ka mid ah furimaha dagaalka oo ay guulo waaweyn ka keeneen

Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo xilka la wareegay

Munaasabad uu xilka kula waregayay Tal iyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoo gga Dalka Soomaliyeed ayaa ka dhacday Taliska ciidanka dhulka XDS.

Munaasibadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka sooma liyeed,hoggaannada ciida nka, kan gaadi idka, xiriirka arrimaha dibedda ,hanti dhowr iyo marti sharaf kale.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed sarreeye Guuto; Madey Nuureey Sheekh ayaa Xilka u kala Ware ejiyey Taliyaha cusub ee xilka la wareegay gashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyihii hore ee Cii danka dhulka Sarreeye guuto; Ax med Aadan Cali.Taliye ku -xigeenka CXDS sarreeye Guuto Madey Nuureey Sheekh Ufuroow ayaa kula dar daarmay tliyaha cusub inuu dar dargeliyo how sha culus ee loo igmaday ,wuxuuna taliyuhu ee bbe uga baryay inuu Alle la garab galo waajiba adka adag ee horyaallo.

Xog: Mucaaradka hubeysan ee Puntland oo u midoobaya Saciid DENI

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland kuwoo da ugu miisaanka culus ayaa isku diyaarinaya in bisha soo socota ee October ay shirweyne ku yeeshaan caasimada maa mulka ee Garoowe.

Sida ay ogaatay Caasima da Online, shirweynahan ayaa waxaa lagu mideyn ayaa dhin acyada kala duwan ee mucaar adka hubeysan, kuwaasi oo qaarkood la shee gay inay dhinac saareen madaxwe ynaha Puntl and Saciid Cabdullaahi Deni.

Siyaasiyiintan oo ay ku jiraan ra’iisul wasa arayaal hore iyo madaxweynayaashii hore ee Puntland, ayaa la filayaa in magaalada Garo owe ee caasimada maamulka ay soo gaaraan ka hor bisha October ee soo socota.

Shirweynahan ayaa ujeedkiisa lagu sheeg ay sidii dhinacyada kala duwan ee mucaaradka ay uga hortagi lahaayeen muddo kororsi uu sa meysto madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni ayay siyaasiyiinta mucaaradka intooda badan ku eedeynayaan in barnaamijka "doora shooyinka qof iyo cod” uga dan leeyahay dam ac muddo kororsi, wallo uu madaxweynaha ho re u sheegay in doorashada xilligeeda lagu qab anayo.

Dhinaca kale waxaa isa soo taraya wararka sheegaya abaabul ay wadaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo doonaya in dowladda loo sameeyo muddo kordhin laba sa no ah, si loo dhammaystiro barnaamijka qof iyo cod, oo si weyn ugu ololeynayso kooxda Deni.

Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aada ya ayada oo weli xiisad ay ka taagan tahay gu daha M/Garoowe, taasi oo ka dhalatay doora shada kusoo foodka leh maamulka, ayada ma daxdii hore iyo mucaaradka ay si adag uga hor yimaadeen qorshaha Deni.


Farqiga mucaaradka Lafta-gareen iyo midka Aadan Madoobe – Saddex arrin ka ogow

Dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ayaa ka soc da labada maamul goboleed ee Koonfur Gal beed iyo Jubbaland. Labada hoggaamiye ee labadaas maamul ayuu waqtigii ka dhamaaday.

Lafta-gareen wuxuu sanad dheeriya ku he lay heshiis siyaasadeed kadib gacan ka had alkii magaalada Baydhabo, halka Axmed Mad oobe uu si iskiis ah u qaatay hal sano dheeriya, iyada oo ay ka daba qeylinayaan dhamaan saa mileyda siyaasadeed ee Jubbaland.

Si guud labada dhina cba dadka waxay doonay aan isbeddel hoggaamin eed, laakiin waxaa jira fa rqi u dhaxeeya labada mucaarad ee labadaasi maamul, oo keenay in Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ay Shalay isku xaalad ku sugneyn.

1. Aragtida mucaaradnimada

Mucaaradka Jubbaland oo dhowrkii sano ugu dambeysay la dirirayay Axmed Madoobe ayaa wax badan u hirgelin, sababta ugu weyn waxaa loo arkaa in mucaaradnimadii qabiilayeen.

Marwalba oo aad rabto in aad kursi siyaas adeed ka qaadato qofka ku fadhiya haddii aad muujiso in aad reer ahaan u diidan tahay qofka as ama sidaas u abaabulan tahay, waxaad ke enaysa in qofka kasoo horjeeda aad taageer ayaal qabiil u sameysid.

Diidmada Axmed Madoobe markii reer aha an loo eekeysiiyay isna wuxuu helay kuwa reer ahaan u taageersan oo siya asiyiin iyo shacab ah. Halka mucaaradka Koonfur Galbeed aanay aadin dariiqaas oo ay diidmadooda ku koobeen Lafta-gareen iyo hab maamulk iisa, waxayna jih adaas u sahashay in dadka, dowladda iyo addu unkaba uu dhag eysto sababaha ay u doonay aan isbed delka.

Marwalba hadafka mucaaradnimada iyo sida loo iibinayo waa muhiim.2. Labada nin ee la baro in laga kacsado kuraasta

Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha ugu waqtiga dheer madaxda labada heer dowl ade ed ee Soomaaliya ayaa Shalay daree mayn ca daadis lamid ah midka Lafta-gareen haysta.

Labada nin waxaa u xiran labo mag aalo waa Kismaayo iyo Baydhabo. Lab ada magaal aba waxaa jooga ciidamo ajnabi ah oo maamu lada la qaraabta balse adeegsada magaca ATMIS.

Axmed Madoobe wuxuu asbuucan ugu baa qay mucaaradkiisa inay yimaadan mag aalada Kismaayo oo ay la doodaan, halka Lafta-gare en uu diidan yahay in muca aradkiisa Baydha bo tagaan.

Mucaaradka Koonfur Galbeed wey ogol yih iin inay tagaan magaalada Baydh abo, halka ku wa Jubbaland ay ka cabsana yaan inay tagaan magaalada Kismaayo. Labadaas xaaladood wa xay fasirayaan farqiga labada magaalo iyo lab ada nin ee kala xukuma.

Haddii uu midkood baxayo labadaan hogga amiye ama uu la kulmayo cadaadis sax ah wax ay aheyd inuu kaasi noqdo Axmed Madoobe, maadaama isagu toban sano ka badan joogay xafiiska, laakiin xirfad xumada mucaaradka Jub baland ay aa sugnaan siisay dadka ka faall oonaya farqiga u dhaxeeya mucaaradka Jubba land iyo kuwa Koonfur Galbeed.

3. Farsamada mucaaradka labada dhinac

Afar dhinac markii laga eego farsamada oo kala ah; saameynta gudaha deegaanka, saxaaf ada, cadaadiska dowladda dhexe la saarayo iyo midka beesha caalamka intaba mucaara dka Koonfur Galbeed ayaa kaga horreeya ku wa Jubbaland.

Mucaaradka Koonfur Galbeed si joogto ah ayay dowladda dhexe u arkaan, uguna dhal iilaan gaabiskooda arrimaha Koonfur Galbeed, marwalba waxay cadaadiskooda u geeyaan wa kiiladda beesha caalamka, abaabulkooda gud aha iyo farriimahooda saxaafada ayaa sidoo ka le xooggan waana midda keentay cadaadiska Shalay haysta Cabdicasiis Lafta-gareen.

Mucaaradka Jubbaland dhinacyadaas cada adiska dhalin lahaa waqti iyo xoolo midna ma gelin waana midda keentay in aan Shalay sa ameyntooda la dareemin, Axmed Madoobe-na uu ku jiro marxala diisa caadiga aheyd.

Inkasta oo laga yaabo in dadka qaar ku doo daan in xubnaha Lafta-gareen kasoo horjeeda u badan yihiin rag dalka xilal sare kasoo qabt ay, taasina ay culeys ka dhigey so dooddooda, haddana waxaa taas la dhigin oo fursad aheyd in mucaaradka Jub baland ay iyaguna muddo fog heli kareen gobolka Gedo oo dhan oo ay wax badan shaqo ah ku qabsan kareyn laakiin ayka faa’iideysan waayeen

. Xigasho:Caasimadda.Net

Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya oo shacab ka ugu hambalyeeyay xuska dhalashada Nabigeenna (NNKH)

Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Dan jire Cabdulahi Warfaa ayaa shacabka Sooma aliyeed ugu hambalyeeyay xuska dhal ashada Nabigeenna NNKH oo si weyn dunida Muslim ka looga weyneynayo.

Danjire Warfaa ayaa yiri "Waxaan dhamm aan Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaa liyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalye ynayaa, xuska dhalasha Ne bigeenna NNKH. Oo ah maalin weyn oo ay tahay inaan kaga faa ’iidaysanno sadaqo, caawinta masaakiinta, Alledalkeenna in aan kaga barinno amni iyo barwaaqo. Dalkeena oo nabad ah iyo dadke ena oo barwaaqo ku nool”.

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay GEDO

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in xubnaha Al-Shabaab ay Shalay dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen gudaha gobolkaasi.

Ilo wareedyo lagu kal so on yahay ayaa innoo shee gay in Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen agagaarka deegaanka Yurkut oo hoostaga gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha Al-Shabaab oo wata hub iyo gaadiid dagaal ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen halkaas, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka. Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay doonay aan inay isku fidiyaan qaybo kamid ah gobolka, si ay weeraro ugu qaadaan ciidamada dowlad da iyo kuwa ATMIS ee jooga halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kac san, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horje edo laga dareemayaa aagga deegaanka Yur kut oo ah meesha lagu arkay xubnaha Al-Shab aab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraaki isha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbal and ee ku aadan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shab aab ee ka socda halkaasi.

Arrintaan ayaa loo sababeynayaa gaabis xa gga ciidamada ah oo ka jira Gedo, taas oo loo arko inay ka faa’iideys aneyso Al-Shabaab, ma adaama howlgallo aysan ka socon gobolkaasi.

Gedo ayaa kamid ah gobollo ay qaybo ka mid ah ka joogta kooxda, waxaana mararka qa ar ka dhaca duqeymo ay ka fuliyaan diyaarada ha dagaalka ee dowladda Kenya.

Si kastaba, waxaa dhowaan la filayaa inuu billowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shab aab, kaas oo xoogiisa ku wajahan maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Askari loo soo xiray Qaraxii lagu hoobtay ee Beledweyne

Waxaa weli isa soo tarata macluumaadka laga helaya qaraxii is-miidaaminta ee 23-kii bi shaan ka dhacay gudaha magaalada Beled we yne ee gobolka Hiiraan, kaas oo dhaliyay tu hun xoogan, maadaama uu dhaliyay khasaare xoogleh.

Taliyaha ciidanka Booliis ka ee degmada Beledweyne Axmed Cali Aadan oo u wa rramay VOA ayaa shaaca ka qaaday inay qaadeen tallaabooyin dheeraad ah kadib qaraxaasi, wuxuuna sheegay inay qaban tuhun ku aadan in Al-Shabaab lala fududeey aan weerarkaasi.

Axmed Cali Aadan ayaa xaqiijiyay in haatan la soo xiray askarigii ku qornaa koontaroolkii uu ka soo gudbay gaarigii ku qarxay Sabtigii gud aha magaalada Beledweyne ee sababay dhim ashada, dhaawaca iyo burbur xoogleh oo soo gaaray magaaladaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ku raad joogayaan shaqsiyaad kale oo loo jaray waaran soo qabasho, si loogula xisaabtamo dayacii amni ee sababay in gaariga uu gaaro halkaasi.

Weerarka oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa sababay dhimashada illaa 20 qof, dhaawac intaas ka badan, kuwaas oo ah rayid aan waxba Shalaysan.

Qaar kamid ah dhaawacyada oo gaaraya ill aa 16 qof ayaa la keenay magaalada Muqd isho, kadib diyaarad ay u dirtay dowladda Soo maaliya, si loogu dabiibo caasimada dalka.

Beledweyne ayaa waxaa horay weeraro xoo gan oo qaraxyo ah uga fulisay Al-Shabaab, ma adaama magaaladan ay xudun u tahay kacdo onka ka dhanka ah kooxdaasi.

Si kastaba Beledweyne ayaa ka mid ah ma gaalooyinka ay ka socdaan abuulka howlgalla da ka dhanka ah Al-Shabaab, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dee gaanka, waxayna sidoo kale noqotay magaa lada labaad ee ugu badan qaraxyada marka la ga tego magaalada Muqdisho oo ay inta badan Al-Shabaab ka fuliyaan weeraro culus.


XUSKA MAALINTA MOWLIIDKA HAA, HAA.

Sawirka shiikha fiiri Adiga oo mobilkaaga dhinaca kale u rogaayo. Nin Shiikh shee ga nayo ayaa Dad meel isagu yimid ku lahaa Xus ka Mowliidku ma banaano.Waxa uu Daliishanay

ay wax uuna isaguba Fahamsaneeyn.Dadkana waxaa soo Jiitay Garkiisa iyo Muuqaalka Cul umo iska yeelka ah, aad ayeeyna u dhage ys any een. Wiil yar oo meel u dhaw ku Ciyaaray ay, Gacmaha ku socday ayaa Gadi Gadi u arkay Muuqaalkii Saxda ahaay Ninkii Shiikha iska yeelayay, Mar kaliya ayuu ku Qeeyliyay: Waa Diiq, Waa Diiq.Dadkii ayaa Arkay Muuq aalkii Saxda ahaa ee Shiikh iska yeelkii ka dib na ka kala tagay.

Mobilkaaga kor- hoos u kala gadi si aad u aragto waxa wiilka yari arkay. (F.S: 1-2aad) Nin wahaabi ah ayaa lagu yiri: maxay tahay Cada awada aad u qabtiin Rasuulka CSW.Waxa uu yiri: isagaa Cadaawada noo bilaabay.

Waxa uu soo qaatay Xadiithkii ahaa: Rasu llka CSW ayaa yiri: Allow noo barakeey Yaman teena iyo Shaamteen.Nin Saxaabi ahaa ayaa yiri: Najdigeenana.Rasuulka ayaa Sadax mar ku soo celiyay, Saxiibigiina waxaa uu ku celcel iyay Najdigeenana.

Rasuulka ayaa yiri: Dhulka Najid waxaa ka dhacayo dhul gariir, Fidno, waxaana ka soo baxayo Quwadda Sheydaanka.

Bilaaddu Najdi waa halka ay ka yimaadeen Museylamata Bin Kadaab, Ninkii Nabinimada sheegtay iyo Maxamed Cabdulwahaab, wax kalena waa ka sugeeynaa.

Tusaale kale Ma og olo in la barakeeysto, lagu tawasulo, la siyaarto Qabriga Rasuul ka.

Waxa ay ka doodayaan in la Xuso Maalinta Mowliidka iyaga oo leh: lagama soo gaarin Ra suulka iyo Asxaabtii.Wixii aan intaa laga soo ga arinna waa Bidco.

Ogoow, Kitaabka Quraanka waxaa la urur iyay Rasuulka iyo Saxaabada kadib, waxaa loo qeeybiyay 7 Jalaad iyo 30 Jus.Aayadoo quraan ayaa loo kala qeybiyay.Aayad kasta gadaashe eda Calaamd kala soocee Aayadaha ayaa la dhigay.

Suuradaha Bilaawgooda Bisinka ayaa lagu bilaabay, shaqalka xuruufta iyo Shidka ayaa la gu daray.Suuradihii ayaa Dusua looga qoray Tani waa Maki ama Madiina oo ah halkii ay ku soo dagaty.Intaasuba waa ka dambeeyeen Ra suulka CSW iyo Asxaabtii, Kitaabkiina waan wa da wadanaa ee waa bidco miyaad na dhihi ra btiin. Masjidul xaram, manbarkiisu waxa uu ah aa 3 Darajo, hadda waa 10, Masjidku ma leh eyn meel sare oo laga Aadaamo iyo Codbaahiy ayaal.

Intuba waa ka dambeeyeen Rasuulka CSW iyo Asaxaabta. Saxiixul Muslin iyo Saxiixul Bu khari waxaa la qoray oo Axaadiithta lagu ururi yay Rasuulka SCW kadib.

Rasuulka ayaa yiri: waxaan Soomaa Maalin ta isniinta oo ah Maalintii aan dhashay.Meeyna aheeyn in uu Maalintaa Cibaado ku weeynee yay.

Anaguna aan ku weeyneeyno, Cibaado iyo in aan Barano Siiradii Rasuulka.

Dadka qaar ubadkoodu waa yaqaaniin Maal inta Kistmaska iyo Sanadka cusub, Maalmo kalena weey soo dhweeyaan,laakin Maalinta Mowliidka ma yaqaaniin.

Rasuulkeena ayaa na yiri: qofkii jideeyo Sunna wanaagsan Ajarkeeda ayuu leeyhay.

Nama dhihin, wixii aan suubi jiray oo kaliya suubiya, waxaa la rabaa wixii wanaag ah ee aan wax u dhimeeyn Diinta in aan ku darno.

Ogoow, Asxaabtii soo ma gaarin Mobile, ma bidcaa? Aqoon yari, iyo Cinaad isbiirsaday ay aa ku leh: Moowliidku ma banaano. FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

WQ:PROF. YAHYE AMIR

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan koox da Al-shabaab oo ka dhacay Galgaduud

Ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaal iya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saacada hii lasoo dhaafay howlgalo culus oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka sameeyay dee gaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamada is kaashanaya ayaa howlgal qor sheysanaa oo ay Dorraad galinkii dambe ka sameeyeen deegaanka Bulacle ee gobolka Gal gaduud ku dilay 3 xubnood oo ka tirsan koox da, islamarkaana sidoo kale nolosha ku qabtay xubin kale oo ka mid ah Al-shabaab.

"Ciidanka deegaanka ee ka howlgala aa gga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa Shalay soo afjaray koox Khawaarij ah, iya goo dilay seddax dhagar qabe, mid kalena nol osha ku qabtay, sidoo kale Mooto FEKON ah iyo ugu yaqaan hal qori oo AK47 ah ayaa laga furtay Khawa arijta" ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda.

Deegaanka Bulacle ayaa lagu soo ban dhi gay maxbuuska ciidanka ay nolosha ku soo qa bteen iyo meydadka xubnaha la dilay, waxaana deegaankaasi gaaray isla Dorraad masuuliyiin uu horkacaayay guddo omiyaha degamada Dhuusamareeb Maca lin Cabdiraxmaan Geeda qorow.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deeg aanka ee ku sugan deegaanada maamulka Gal mudug ayaa laba jibaaray bilahii lasoo dhaafay dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda Galmudug, kadib markii uu mada xweyne Xasan Sheekh magaalada Dhuusamar eeb ee xarunta gobolka Galgaduud uu ka dhig tay fariisin uu ka hoggaamiyo dagaal ka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Faahfaahino kasoo baxaya qarax Muqdi sho lagula beegsaday Taliye ka tirsan NISA

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khas aaraha ka dhashay qarax Shalay ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kaa soo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso oo la dhigay wad dada dhinaceeda, gaar ahaan wadda da dheer ee aadda halka loo yaqaano Guutaale.

Qaraxa miinada ayaa lala eegtay gaari uu watay Taliyaha Nabadsugida degmada Dayni ile Cabdiraxmaan Cali Waqooyi, kasoo la xaqi ijiyay inuu ka badbaaday qaraxaas.

Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku geeriyoo tay qaraxa miino oo mid ka mid ah uu yahay as karta ilaalada u aheyd taliyaha qaraxa lala eeg tay, waxaan ku dhaawa cmay laba ruux oo sha cab ah sida ay warbaahinta gudaha u sheege en dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa miino ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay mudo kooban dhaqdhaqaaqa iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadada laamiga ah ee uu qaraxa ka dhacay, waxaana qaraxaan uu kusoo beegmaya iyadoo mudoo yinkii dambe degmadaasi ay ka dhacayeen qaraxyo kala duwan oo qaarkood la fashiliyay

Garsoore ku sugan New York oo riday xuk un ka dhan ah Trump oo lagu helay inuu…

Donald Trump iyo wiilashiisa Eric iyo Don Jr waxay sameeyeen wax is-daba marin, iyagoo sanado badan sare u qaadayey qiim aha hantida ma guurtada ah iyo tan maaliyadeed ee shirkadda Trump Organization, waxaa sidaas Talaadadii xukmiyey garsoore ku sugan New York.

Xukunka garsoore Arthur Engoron ayaa dha bar jab ku ah madaxweynihii hore ka hor inta aan la qaadin dacwadda kiis madani ah oo bil laaban doonta Isniinta, waxayna guul qabyo ah u tahay xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka New York Letitia James.

James ayaa ku eedeysay Trump, labadiisa wiil ee ugu weyn iyo madaxda kale ee Trump Organization in ay sanado badan ka u been sheegayeen canshuur qaadayaasha, dayn bixi yeyaasha iyo shirkadaha caymiska, qiyaan adaas oo si joogto ah u buun-buuniyay qiimaha hantidooda.

Qareenada Trump ayaa ka codsaday garsoo raha in uu meesha ka saaro kiiska ka hor inta aan la qaadin dacwadda, isaga oo Trump sii naya waxa loo yaqaano xukun soo koobid ah.

James ayaa sidoo kale codsatay xukun soo-koobid ah, si kastaba ha ahaatee, waxay doon aysay in Trump lagu helo in uu mas’uul ka yah ay, waxaana uu garsooraha la saftay xeer-ilaal iyaha guud.

Ka sokow inuu ku helay Trump iyo labadiisa wiil inay qiyaano sameeyeen, garsooraha ayaa baabi’iyey shatiyada ganacsi ee u ogolaanayey Trump Organization inuu maamulo qaar ka mid ah dhismooyinka uu ku leeyahay New York.


"Shukaansiga shirqoolka": Qaar ka mid ah gabdhihii ragga garaacay oo lasoo qabtay

Booliiska M/Kismaayo ayaa Shalay soo ba ndhigay gabdho iyo wiilal ay sheegeen inay shir qooleen nin, ka dibna ay muuqaal ka duubeen iya goo garaacaya.

Dhamme Shukri Faarax Ducaale oo ka tirsan saraakiisha booliiska gobolka Jubba da Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wiilasha iyo gabdhaha ay gurigooda ku ballamiyeen wiilk an. "Booliiska waxaa u suurto gashay inay gacan ta kusoo dhigaan eedeysanayaasha oo kala ah afar wiil iyo labo gabdhood," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in gabdhaha ay marka hore wiilka ku ballamiyeen gurigooda, kadibna ay u diyaariyeen wiilal garaaca.

Wuxuu sheegay in eedeysanayaashan la horg eyn doono maxkamadda. Wuxuu ka digay in bu shadu ay ka foojignaato falkan oo uu sheegay in uu maalmahan heystay baraha bulshada, ciddii la gu soo qabtana shar ciga la marsiin doono. Jubal and Dhamme Shukri Faarax Ragga shukaansiga lagu shirqoolayo Waxaa dhowaan baraha bulsh ada Soomaalida qabsaday muuqaalka nin ay gar aacayaan labo haweeney, kaasoo ay ka muuqato cabsi weyn mararka qaarna la maqlayo isagoo oy naya oo gabdhaha ka codsanaya inay iska sii daa yaan.

Labadan haween oo sida uu ninkan afkiisa ka sheegayo lagu kala magacaabo Shamso iyo Dee qo ayaa la arkayaa iyadoo mid ka mid ah ay ul ku garaaceyso, halka midda kalena ay u muuqato inay muu qaalka duubeyso.

"Sow kuma dhihin ha isoo wicin, ma adigaan maaro kaa waayay, waa ley qab aa sow kuma dhi hin?" ayay mid ka mid ah gabdhaha weydiineysaa ninkan.

Sidoo kale muuqaalka ayaa laga arki karaa is agoo loogu handadayo inuu lacag u diro gab dhaha. Lama oga sababta dhabta ah ee ay gab dhahan u garaacayeen ninkan, iyadoo warar kala duwan ay sheegayaan in shu kaansi lagu shirqool ay. Warar kale ayaa sheegaya in arrintu ay ka bila abatay lac ago deyn ah.

Warar ayaa soo baxay oo sheegaya in laba dan gabdhood ay soo qabteen laa maha ammaan ka ee magaalada Muq disho, hase yeeshee arrint an lagama xaqi ijin booliiska magaalada.

Deeqo

Muuqaalka ayaa laga arkayaa wiilka oo lacag u diraya gabdhahan Ninkan oo muuqaalkaas kadib warba ahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in guriga mid ka mid ah gabdhaha oo Sham so lagu magacaabo uu u tegay lacag uu ku lahaa oo ay ku tiri waan ku siinayaa.

"Qoftaan waxaa naga dhaxeysay wada shaq eyn, waxay iga qaadatay deyn, muddo ayaa ka soo wareegatay, 60 doollar ayay ahayd, ilaa lix bil ood ama ka badan ayaa kasoo wareegatay," ay uu yiri.

Wuxuu sheegay in lagu yiri lacagta guriga ay ay taallaa ee soo doono, markii uu guriga tegayna la garaacay. Wuxuu xusay inuu yahay xaasle carruur leh, isla markaana lacagta ka maqan ay uga daran tahay dhaawacyada jirkiisa la gaarsi iyay iyo muuqaalka laga duubay.

Wiilkan ayaa markii dambe ay u suurtogashay inuu guriga gabdhaha ka baxsado, kaddib markii lacag 10 doollar ah uu telefoonkiisa uga diray gabdhaha. "Wax damac ah oo gabdhaha iiga jiray ma lahayn" ayuu intaas raaciyay.

Waa gacansade xoolaha ariga ah, wuxuuna sheegay in gabdhaha keliya aysan arrintu ahayn balse ay jireen rag kale oo qori ku hayay.

War cusub oo ka soo kordhay Safiirkii France ee diiday inuu ka baxo Niger

Safiirkii Faransiiska u fadhiyay Niger ayaa dalka ka dhoofay subaxnimadii Shalay ku dhawaad hal bil ka dib markii ay dowladda militariga amar ku bixisay in dalka laga saaro.

Xiriirka u dhexeeya Niger iyo France oo hore u gumeysan jir ay ayaa burburay tan iyo markii saraakiisha ciidamada ay la wareegeen awoodda bishii Luulyo.

Joogitaanka militariga faransiiska ayaa la soo afjarayaa sidoo kale, kuwaasoo la dagaalamayey kooxo Islaamiyiin ah oo dalkaas ku sugan.

saraakiisha Niger ayaa ku amray safiirka Fara nsiiska Sylvain Itte inuu dalka kaga baxo 48 saac adood gudahood dhamaadka bishii Agoosto, taa soo jawaab u aheyd waxa ay ku tilmaameen ficillo Faransiisku ku kacay oo ka soo horjeeda danaha Niger.

Faransiiska ayaa markii hore iska dhega tiray amarkaas, waxayna ku adkaysteen mowqifkoodii ahaa in dowladdii militariga aysan sharci ahayn, waxayna ku baaqeen in dib loo soo celiyo mada xweynihii la doortay ee Maxamed Bazoum, oo bishii July la afgambiyay.

Balse Macron ayaa Axaddii ku dhawaaqay in safiirku uu ku laaban doono Paris, ciidamada Far ansiiskana ay ka bixi doonaan Niger.

Ilo dhanka ammaanka ah oo Niger ku sugan ay aa sheegay in danjire Itte uu ka dhoofay dalkaasi. Warkan ayaa markii dambe waxaa xaqiijiyay xafi iska madaxweynaha ee Paris.

Waxaa jiray ku dhawaad maalin walba muda aharaadyo looga soo horjeedo Faransiiska ay ka dhacayeen Niamey tan iyo markii militariga uu xu kunka la wareegay. Dad aad u tiro badan oo taa geersan ciidamada milateriga ayaa maalmo ku su gnaa bannaanka xerada ciidamada Faransiiska si ay u dalbadaan bixitaanka ciidamada.

100 QOF oo ku dhintay aroos isku bedalay tacsi

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen markii dab uu kacay intii xaflad aroos ay ka socotay hool ku yaalla magaalada Qaraqosh ee waqooyiga Cir aaq, waxaa sidaas Arbacadii sheegay mas’uuliy iinta.

Isbitaalka ugu weyn magaaladan ay u badan yihiin dadka Kirishtanka ah ee ku taalla bariga Mosul, ayaa weriye ka tirsan AFP wuxuu arkay ba abuurta gurmadka deg degga ah oo imanaya iyo tobaneeyo qof oo safaf ugu jira inay dhiig ku deeq aan.

Ayada oo soo xiganeysa khasaaraha horudha ca ah, ayaa wakaaladda wararka ee ramsiga ah ee Ciraaq ee INA ay ku warantay in mas’uuliyiinta caafimaadka gobolka Nineveh ay "tiriyeen 100 meyd iyo in ka badan 150 qof oo ku dhaawacmay hoolka arooska ee Hamdaniyah,” oo ah magac sidoo kale loo yaqaan magaalada.

Khasaaraha nafeed ayaa waxaa sidoo kale AFP u xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda caafima adka Saif al-Badr. Badar ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah in tooda badan laga daweynayo gu basho ama oksi jiin la’aan, isagoo intaas ku daray in sidoo kale ay isbuurasho ka dhacday hoolka oo buux dhaafiyey. Hay’adda Bisha Cas ee Ciraaq ayaa sheegtay in ay diiwaan geliyeen in ka badan 450 khasaare, balse aysan awoodin in ay faah-faahin ka bixiyaan inta dhimatay.

War qoraal ah, oo ay soo saareen mas’uuliy iinta difaaca madaniga ah, ayaa lagu sheegay in gudaha hoolka xafladda ay ku jireen darbiyo ka sameysan walxo aad u holca.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Mohamed Shia al-Sudani ayaa ugu baaqay wasaara daha caafima adka iyo gudaha "inay abaab ulaan dhammaan dadaallada badbaa dinta,” si loo caawiyo dhibna naya asha dabka. VOA + AFP

Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Afrika oo ku dhawaaqay waddanka marti-gelinaya Koobka Qaramada Afrika ee 2025 iyo 2027

Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Afrika, Patrice Motsepe, ayaa hadda ku dhawa aqay wad danka marti-gelinaya Koobka Qaram ada Afrika ee 2025 iyo 2027 (Afcon). Sida la filayay, tar tanka 2025 ayaa lagu qaban doonaa Morocco. Waxa ay noqon doontaa markii labaad ee dalka kuyaalla waqooyiga Afrika uu martige liyo tart anka isagoo markii ugu horey say qabtay 1988.

Dalalkii kale ee 2025 (Algeria, Zambia iyo Ben in / Nigeria bid) ayaa dhamaantood ku he shiiyey inay tartanka kabaxaan taas oo keentay in Moro cco ay qaadato.

Waxay Morocco u ogol aan doontaa fursad we yn oo ay ku keeni karto Koobka Adduunka Afr ika ee 2030-ka taasoo qayb ka ah dalabk ooda wad ajirka ah.

Dhulgariir ka dhacay Jamhuuriyadda Jabuuti

Wararka ka imaanaya Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegay in aroornimadii hore ee saaka ay dadka dalkaasi ku dhaqan daree meen dhulgariir.

Dhulgariirkan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 4.9 magnitude ayaa la sheegay in si weyn looga dar eemay dalkaasi, oo ay ku jirto Caasimadda Dji bouti.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale dhulgar iirkan laga dareemay dalalka Yemen, Eritrea, Itoo biya iyo qayb ka mid ah Waqooyiga Somaliya. Dhulgariirka ayaa la sheegay in xuduntiisu tahay goob ku dhow Gacanka Tajuura (Tadjoura). Taju ura waa mid ka mid ah magaalooyinka dhaca dalkaasi Jabuuti.

Jaamac Faarax Xasan oo ah La taliyaha Duqa Magaalada Djibouti ayaa sheegay in dadku ay dhulgariirkaasi dareemeen, saacadda markay ahayd 4:22am.

"Saaka abaare 4:22 waxaa Caasimadda Djibo uti iyo guud ahaan dalka laga dareemay dhulgariir aad u xoogan, kaas oo Jabuuti muddo badan ka hor ay ugu dambeysay, waxaana lagu qiyaasay 4.9, wuxuuna ka yimid Gacanka Tajuura meel u jir ta 19km, caasimaddana 80km uga beegan dhina ca waqooyi.” Ayuu yiri Jaamac Faarax.

Jaamac Faarax ayaa yiri "Dhulgariirkan ka soo unkamay Gacanka Tajuura aad iyo aad ayaa looga dareemay dalka oo dhan, bulshadii oo dhan yaab iyo anfariir baa u yimid, Ilaahay masiibaa ha ina garab mariyo.”

Ma jirto wax khasaare ah oo dhulgariirkaasi uu gaystay, illaa iyo hadda inta laga warqabo, si da ay masuuliyiintu xaqiijiyeen.

Khasaaraha uu gaysan karo dhulgariirka ayaa aad u xididan, marba haddii uu cabirkiisu ka hoo seeyo 5 magnitude.


JACEYLKII MARYAN MURSAL IYO AXM ED CIGAAL IYO HEYBSOOCA GUURKA SOOMAALIDA


Qoraalka sawirka, Labada fanaan, Maryan Mursal iyo Axmed Cali Cigaal ayaa muddo kadib dib ugu ku lmay London,Article information,Author,Fatuma Taxadar Yuusuf,Role,Wariye madax banaan

Jaceylkii Boodhari iyo Hodan, waa sheeko jaceyl tan ugu caansan Soomaalida dhexdeeda. Laakiin ma ahan sheekada jaceyl ee keliya ee Soomaalida ee caan baxday. Waxaa jira sheeko kale oo jaceyl oo dhexmartay Maryan Mursal Ciise iyo Axmed Cali Cigaal, oo ah labo fannaan oo xilligoodii ugu caans anaa, islamarkaas na ileyska u shiday fanka, heesa ha iyo masraxiyada Soomaalida.

Labadaas fannaan waxaa dhextaal sheeko jac eyl, oo aan weli dhammaan si walba oo ay ugu eka ato inay qeyb ahaan dhammaatay, islamarkaas na horseeday xafladdii aroos ee ugu weyneyd mar, oo ay maalgelisay dowladdii kacaanka ee Soomaal iyeed.

Laakiin waa sheeko jaceyl oo Soomaal ida badh kood ku farxeen, badh kale na ka xumaadeen oo ka xanaaqeen. Waa jaceyl iyo guur loogu wanqalay do od la xidhiidha kala sarreynta reeraha iyo dadka So omaalida. Waa labo fannaan oo la wada jecel yahay, oo heesahooda si isku mid ah loogu raaxeysto, ha ddana aan loo arkin inay yihiin labo qof oo siman, oo isgeeya, oo dadnimadu na u wad adhan tahay.

Waa gabadh loo arko inay kasoo jeedo reeraha hooseeya ee la yaso ee Sooma alida, iyo wiil kasoo jeeda reeraha isu arka inay sarreeyaan, laakiin laba doodu dhib isu-maqabaan, oo way isdoorteen oo way is jecel yihiin. Laakiin dad kale oo aysan iyagu aqoon, una tirsaneyn baa isku heysta oo ka doodaya arrimahooda.

Sida uu ku curtay jaceylkii Maryan Mur sal iyo Axmed Cali Cigaal

Maryan Mursal

XIGASHADA SAWIRKA,MARYAN MURSAL

Qoraalka sawirka,

Maryan Mursal ayaa BBC uga wara ntay sheekada jaceylkii iyada iyo Axmed Cali Cigaal

Labadu ba waxay ahaayeen labo xiddig oo dhalinyaro ah oo fanka iyo heesahu kulmiyeen. Waxay ahayd horrantii toddob aatameeyadii, iyo da’da labaatameeyada, xilliyada geyaanka la midka ah, sida caadiga ah ay usoo fe edhaan deydeyashada, haasaawaha iyo guurka.

Fannaanda Maryan Mursal Ciise Bootaan, oo ka hor caan-nimada ay fanka heshay kasoo jeeda qoys, aabbe iyo awoowe horteed caan ahaa, oo lagu faa no, waxay BBC Somali uga sheekeysay qisadeedii jaceyl ee dhexmartay iyada iyo seygeedii koowaad, hobolka weyn Axmed Cali Cigaal.

"Walaalhi waxa aan jacaylkeenii ka sheekeen ka rno ma ahan. Labadayadu ba hadda waxaan nahay sodoh iyo sodog, laakiin Axmed Cali Cigaal waa nin gob ah. Nin loo dhigo ma jiro," ayay tiri Maryan Mu rsal oo dib u xasuusanaysa dhalinyaro-nimadoodii. Waxay sheegtay inay shaqada fanka ee ay wada hayeen isu-soo dhawey say, oo ay halkaas iska caa shaqeen. Laa kiin bilowgii ba haasaaw ahoodii waxa uu ahaa mid qarsoon, oo aysan dadka badidood og eyn ilaa goordambe.

"Guurkayaga dadku kuma wada farxin, oo waa la ga sheekeeyay, waana la duray," ayay tiri Maryan Mursal, oo intaas raacisay inay arrimahaas u dhacay een sababo la xirdhiidha reerka ay ka dhalatay awg eed, iyo heybsoocda Soomaalida dhexdeeda. Waa arrinkii gubay, oo Abwaan Maxamed Ibraahim War same "Hadraawi" Allaah ha u naxariisto, uu ku dhaliilay dhaqan xumida Soomaalida iyo heybsoo cda dhexdooda ah. "Anigu gob ku noqon maayo qof kale gunnimadii," ayuu yiri Hadraawi, taas oo horse eday tixdii Dhulgariir.

FacebookXIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Qoraalka sawirka,

Kooxda fanaaniinta Waaberi oo ay xubin ka ahaay een Maryan Mursal iyo Axmed Cali Cigaal

Laakiin waxay Maryan ku amShalayy Axmed Cali Cigaal oo hadda ku nool Mareykanka in uu dhe ga ka fureystay war-xumida iyo naceybka guurkooda loo muujiyay. Se guurka kahor ba, mar buu jaceyl kooda qarka u fuulay in uu haasaawe kusoo dhamm aado.

Waa markii haasaawahoodii qarsoo dida ahaa ay ku xan qarsatay hablihii kale ee fanaaniinta ahaa ee saxiibada ay ahaayeen, kuwaas oo iyageenna sirtii heyn waayay ee dibeda ula foofay. "Dumarku way is xaal wareystaan, naa yaa la socotaa ayaa la isweydiiyaa," ayay tiri Maryan, oo gabadhii u she egtay inay haasaawe iyo sheeko wadaag yihiin Ax med Cali Cigaal. Laakiin warkii baa durbadiiba ku dhex faafay bulshada, oo isla markiiba gaadhay Ax med Cigaal, taas oo ka cadheysiisay oo muddo gaa ban na hakad gelisay xidhiidhkoodii.

Waa halkii ay ka curatay heeskii caanka baxay ee Axmed ku luuqeeyay ee ‘Sheekadeennii Nacas’ taas oo uu Axmed ku canaantay in sirtoodii ay ban aanka gaysay, sida ay Maryan u sheegtay BBC.

Shallow baan ka dhacayoo

Dhiigga layga shubayaa

Mooyee lagu shukullayaa

Shantii nabar anoo qaba

Jacaylkuna ku shidan yahay

Ayaad igu shirbaysee

Maxaad sheekadeenii NACAS

Intaad shiraysay dumarkii DABAAL

Ugu sheegtay Dorraad Shalay

Hay sheegan inanyhay

Shiddada iyo jacaylkana

Intaan shaadh u galiyaan

Shalan bood la tagiyoon

Shib dheh odhan Shar iyo khayr

Laakiin, durba dib ay u heshiiyeen, oo wax aa loo dhigay mid ka mid ah aroosyadii ugu saameynta we ynaa ee Soomaalida. Se, si walba oo loo xafladee yay, oo Arooskooda loo marxabeeyay, dad baa ka gubtay oo diidmo kala horyimid in Maryan iyo Axmed in ay reer wada dhisan karaan.

"Markii la maqlay guurkeenna ayaa la yidhi ‘Wi ilkii wuu naga dhintay oo waxaa uu jeclaaday gab adh midgaan ah," ayay BBC Somali u sheegtay Mar yan. Laakiin Axmed wax walba waxa uu ka hormar iyay jaceylkoodii. "Wuu igu faani jiray, oo gacanta ay uu igu dhigay. Illaah cimrigiisa ha dheereeyo, maba ilaawi karo," ayay raacisay hadalkeeda.

Kunciil iyo Keenidiid: Fanaanka iyo mu’adinka ka beermay jaceylkii Maryan iyo Cigaal

Maryan iyo Cigaal

XIGASHADA SAWIRKA,MARYAN IYO CIGAAL

Qoraalka sawirka,xay labada fanaan isku guursadeen da'aada labaatameeyadaMaryan oo she egtay wanaag iyo bogaa din weyn u heyso qoys ka Cigaal waxay sheeg tay inay ilaa iyo hadda ay xi dhiidh wanaagsan leeyihiin, oo ay ku faanaan carr uurta. Maryan oo maanso ku cabirtay xidhiidhka kala dhexeeya qoyska Cigaal ayaa tiri:Waxa waaweyn ,Waxa wiilal loo dhalaa,Reer warsame khalafka,

Nimankii wanaagsanaa.

Laakiin waxa weli muuqda oo dunida dusheeda ku bulaalay astaanta iyo cadhaddii ay Maryan ka qa atay heybsooca iyo takoorka lagu la kacay. Waa lab ada magac ee ay labadeeda wiil ugu magac dartay ee ay ku caan baxeen. Waa Kun cii loo noqday fana an cod macaan oo dib u qaada heesaha aabehiis, iyo Keeni-diid oo isna hadda mu’adin ka ah masjid. Waxay sheegtay in cadhadii ay ka qaaday dadkii ka xumaaday guurkeeda inay magacyad as ugu bixi say labada wiil ee ay is xigay. Laakiin magacyado oda rasm iga ah waa Maxamed iyo Cabdiqaadir. Kan dambe waxaa loogu magacdaray adeerkii oo ahaa abwaan weyn, Cabdiqaadir Cali Cigaal.

Laakiin Maryan oo mardambe reer kale yeelatay waxa uu soo dhammaaday guurkii iyo calafkii isku keenay iyada iyo Cigaal oo markii dambe guursaday fannaanada kale ee weyn alle ha unaxristee Khadro Daahir Cige oo sanadkii hore ku geeriyootay Harg eysa. Maryan na waa tii ku heestay ‘Adaa beeray Jacaylka’ heestaas oo ay ku tilmaamtay tan ay ugu jeceshahay heesaheeda, oo ay marwalba dhegeysto islamarkaas na ay istaagto xitaa haddii ay maqasho iyada oo meel kale ka shidan.

Adaa beeray jacaylka

hadana baabi'inaayee

adaa beerka ii xaadhay

hadana beyd ku shubaayee

adaa been iga dhaanshey

hadana i bedalaaya

baxnaanadaydii

baruu kasoo reyntisii

waabar kuma taalee

waxaad la bugtee

la bogsanweydey

bushaaradaada

banaanka usoo saar

Hadda, Maryan iyo Cigaal waxay ku kala nool yihi in Ingiriiska iyo Mareykanka, laakiin waa labo fann aan oo xidhiidh wanaagsan dhexyaal islamarkaas na weli xidhiidha.

"Ilaa hadda wuu iga warhayaa, oo marka aan cab aar isweynaba ‘Naa ma nooshay’ ayuu isoo yiraa. Ill aah ha dhowro. Ilaah ha dhowro," ayay tiri Maryan. XIGASHO:BBC

HARGAB SHIMBIREED DILAY IN KABAN 2 MILYAN OO DIGAAGA AH EE KA DILAACAY KOONFUR AFRIKA.

Namibia ayaa hakisay wax soo saarka digaaga nool iyo dhammaan wax soo saarka digaaga ee ka iman jiray dalka ay jaarka yihiin ee Koonfur Afrika ka dib markii uu ka dilaacay hargab shimbireed ba’an.

Sida ay sheegtay wasaaradda beeraha ee Nami bia,Joojinta waxaa sabab u ah "faafidda naxdinta leh” ee hargabka loo yaqaan (HPAI) ee aadka u faafa ee Koonfur Afrika.

Kiisaska cusub ayaa la ga soo sheegay dhamma an noocyada digaaga ee goboll ada Kwazulu-Natal, Western Cape, Gobolka Free, Gauteng, Limpopo, Mpumalanga iyo Waqooyi Galbe ed siday u kala horreeyaan,” ayay wasaaradda ku soo qortay Facebook. In ka badan laba milyan oo digaag ayaa lagu soo waramayaa inay ilaa hadda u dhinteen

cudurka dilla acay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip