Xog: Mucaaradka hubeysan ee Puntland oo u midoobaya Saciid DENI

0
Wednesday September 27, 2023 - 18:17:07 in Wararka by
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Mucaaradka hubeysan ee Puntland oo u midoobaya Saciid DENI

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland kuwooda ugu miisaanka culus ayaa isku diyaarinaya in bisha soo socota ee October ay shirweyne ku yeeshaan caasimada maamulka ee Garoowe.

    Sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Online, shirweynahan ayaa waxaa lagu mideynayaa dhinacyada kala duwan ee mucaaradka hubeysan, kuwaasi oo qaarkood la sheegay inay dhinac saareen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

      Siyaasiyiintan oo ay ku jiraan ra’iisul wasaarayaal hore iyo madaxweynayaashii hore ee Puntland, ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ee caasimada maamulka ay soo gaaraan ka hor bisha October ee soo socota.

 

       Shirweynahan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii dhinacyada kala duwan ee mucaaradka ay uga hortagi lahaayeen muddo kororsi uu sameysto madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

       Deni ayay siyaasiyiinta mucaaradka intooda badan ku eedeynayaan in barnaamijka "doorashooyinka qof iyo cod” uga dan leeyahay damac muddo kororsi, wallow uu madaxweynaha hore u sheegay in doorashada xilligeeda lagu qabanayo.

       Dhinaca kale waxaa isa soo taraya wararka sheegaya abaabul ay wadaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo doonaya in dowladda loo sameeyo muddo kordhin laba sano ah, si loo dhammaystiro barnaamijka qof iyo cod, oo si weyn ugu ololeynayso kooxda Deni.

 

    Si kastaba, arrimahaan ayaa kus oo aadaya ayada oo weli xiisad ay ka taagan tahay gudaha magaalada Garoowe, taasi oo ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh maamulka, ayada madaxdii hore iyo mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen qorshaha Deni.
XIGASHO:-CAASIMADDA.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip