
Farqiga mucaaradka Lafta-gareen iyo midka Aadan Madoobe – Saddex arrin ka ogow
Dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ayaa ka socda labada maamul goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Labada hoggaamiye ee labadaas maamul ayuu waqtigii ka dhamaaday.
Lafta-gareen wuxuu sanad dheeriya ku helay heshiis siyaasadeed kadib gacan ka hadalkii magaalada Baydhabo, halka Axmed Madoobe uu si iskiis ah u qaatay hal sano dheeriya, iyada oo ay ka daba qeylinayaan dhamaan saamileyda siyaasadeed ee Jubbaland.
Si guud labada dhinacba dadka waxay doonayaan isbeddel hoggaamineed, laakiin waxaa jira farqi u dhaxeeya labada mucaarad ee labadaasi maamul, oo keenay in Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ay maanta isku xaalad ku sugneyn.
1. Aragtida mucaaradnimada
Mucaaradka Jubbaland oo dhowrkii sano ugu dambeysay la dirirayay Axmed Madoobe ayaa wax badan u hirgelin, sababta ugu weyn waxaa loo arkaa in mucaaradnimadii qabiilayeen.
Marwalba oo aad rabto in aad kursi siyaasadeed ka qaadato qofka ku fadhiya haddii aad muujiso in aad reer ahaan u diidan tahay qofkaas ama sidaas u abaabulan tahay, waxaad keenaysa in qofka kasoo horjeeda aad taageerayaal qabiil u sameysid.
2. Labada nin ee la baro in laga kacsado kuraasta
Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha ugu waqtiga dheer madaxda labada heer dowladeed ee Soomaaliya ayaa maanta dareemayn cadaadis lamid ah midka Lafta-gareen haysta.
Labada nin waxaa u xiran labo magaalo waa Kismaayo iyo Baydhabo. Labada magaalaba waxaa jooga ciidamo ajnabi ah oo maamulada la qaraabta balse adeegsada magaca ATMIS.
Axmed Madoobe wuxuu asbuucan ugu baaqay mucaaradkiisa inay yimaadan magaalada Kismaayo oo ay la doodaan, halka Lafta-gareen uu diidan yahay in mucaaradkiisa Baydhabo tagaan.
Mucaaradka Koonfur Galbeed wey ogol yihiin inay tagaan magaalada Baydhabo, halka kuwa Jubbaland ay ka cabsanayaan inay tagaan magaalada Kismaayo. Labadaas xaaladood waxay fasirayaan farqiga labada magaalo iyo labada nin ee kala xukuma.
Haddii uu midkood baxayo labadaan hoggaamiye ama uu la kulmayo cadaadis sax ah waxay aheyd inuu kaasi noqdo Axmed Madoobe, maadaama isagu toban sano ka badan joogay xafiiska, laakiin xirfad xumada mucaaradka Jubbaland ayaa sugnaan siisay dadka ka faalloonaya farqiga u dhaxeeya mucaaradka Jubbaland iyo kuwa Koonfur Galbeed.
3. Farsamada mucaaradka labada dhinac
Afar dhinac markii laga eego farsamada oo kala ah; saameynta gudaha deegaanka, saxaafada, cadaadiska dowladda dhexe la saarayo iyo midka beesha caalamka intaba mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa kaga horreeya kuwa Jubbaland.
Mucaaradka Koonfur Galbeed si joogto ah ayay dowladda dhexe u arkaan, uguna dhaliilaan gaabiskooda arrimaha Koonfur Galbeed, marwalba waxay cadaadiskooda u geeyaan wakiiladda beesha caalamka, abaabulkooda gudaha iyo farriimahooda saxaafada ayaa sidoo kale xooggan waana midda keentay cadaadiska maanta haysta Cabdicasiis Lafta-gareen.
Mucaaradka Jubbaland dhinacyadaas cadaadiska dhalin lahaa waqti iyo xoolo midna ma gelin waana midda keentay in aan maanta saameyntooda la dareemin, Axmed Madoobe-na uu ku jiro marxaladiisa caadiga aheyd.
Inkasta oo laga yaabo in dadka qaar ku doodaan in xubnaha Lafta-gareen kasoo horjeeda u badan yihiin rag dalka xilal sare kasoo qabtay, taasina ay culeys ka dhigeyso dooddooda, haddana waxaa taas la dhigin oo fursad aheyd in mucaaradka Jubbaland ay iyaguna muddo fog heli kareen gobolka Gedo oo dhan oo ay wax badan shaqo ah ku qabsan kareyn laakiin ay ka faa’iideysan waayeen.
Xigasho:-caasimadda.net
Farqiga mucaaradka Lafta-gareen iyo midka Aadan Madoobe – Saddex arrin ka ogow
.