Jaceylkii Maryan Mursal iyo Axmed Cigaal iyo heybsooca guurka Soomaalida

0
Wednesday September 27, 2023 - 14:43:33 in Wararka by
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaceylkii Maryan Mursal iyo Axmed Cigaal iyo heybsooca guurka Soomaalida

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Axmed Cali Cigaal/Facebook

XIGASHADA SAWIRKA,AXMED CALI CIGAAL/FACEBOOK

Qoraalka sawirka,

Labada fanaan, Maryan Mursal iyo Axmed Cali Cigaal ayaa muddo kadib dib ugu kulmay London

Author,Fatuma Taxadar Yuusuf,Role,Wariye madax banaan

Jaceylkii Boodhari iyo Hodan, waa sheeko jaceyl tan ugu caansan Soomaalida dhexdeeda. Laakiin ma ahan sheekada jaceyl ee keliya ee Soomaalida ee caan baxday. Waxaa jira sheeko kale oo jaceyl oo dhexmartay Maryan Mursal Ciise iyo Axmed Cali Cigaal, oo ah labo fannaan oo xilligoodii ugu caansanaa, islamarkaas na ileyska u shiday fanka, heesaha iyo masraxiyada Soomaalida.

Labadaas fannaan waxaa dhextaal sheeko jaceyl, oo aan weli dhammaan si walba oo ay ugu ekaato inay qeyb ahaan dhammaatay, islamarkaas na horseeday xafladdii aroos ee ugu weyneyd mar, oo ay maalgelisay dowladdii kacaanka ee Soomaaliyeed.

Laakiin waa sheeko jaceyl oo Soomaalida badhkood ku farxeen, badh kale na ka xumaadeen oo ka xanaaqeen. Waa jaceyl iyo guur loogu wanqalay dood la xidhiidha kala sarreynta reeraha iyo dadka Soomaalida. Waa labo fannaan oo la wada jecel yahay, oo heesahooda si isku mid ah loogu raaxeysto, haddana aan loo arkin inay yihiin labo qof oo siman, oo isgeeya, oo dadnimadu na u wad adhan tahay.

Waa gabadh loo arko inay kasoo jeedo reeraha hooseeya ee la yaso ee Soomaalida, iyo wiil kasoo jeeda reeraha isu arka inay sarreeyaan, laakiin labadoodu dhib isu-maqabaan, oo way isdoorteen oo way is jecel yihiin. Laakiin dad kale oo aysan iyagu aqoon, una tirsaneyn baa isku heysta oo ka doodaya arrimahooda

Sida uu ku curtay jaceylkii Maryan Mursal iyo Axmed Cali Cigaal

Maryan Mursal

XIGASHADA SAWIRKA,MARYAN MURSAL

Qoraalka sawirka,

Maryan Mursal ayaa BBC uga warantay sheekada jaceylkii iyada iyo Axmed Cali Cigaal

Labadu ba waxay ahaayeen labo xiddig oo dhalinyaro ah oo fanka iyo heesahu kulmiyeen. Waxay ahayd horrantii toddobaatameeyadii, iyo da’da labaatameeyada, xilliyada geyaanka la midka ah, sida caadiga ah ay usoo feedhaan deydeyashada, haasaawaha iyo guurka.

Fannaanda Maryan Mursal Ciise Bootaan, oo kahor caan-nimada ay fanka heshay kasoo jeeda qoys, aabbe iyo awoowe horteed caan ahaa, oo lagu faano, waxay BBC Somali uga sheekeysay qisadeedii jaceyl ee dhexmartay iyada iyo seygeedii koowaad, hobolka weyn Axmed Cali Cigaal.

"Walaalhi waxa aan jacaylkeenii ka sheekeen karno ma ahan. Labadayadu ba hadda waxaan nahay sodoh iyo sodog, laakiin Axmed Cali Cigaal waa nin gob ah. Nin loo dhigo ma jiro," ayay tiri Maryan Mursal oo dib u xasuusanaysa dhalinyaro-nimadoodii. Waxay sheegtay inay shaqada fanka ee ay wada hayeen isu-soo dhaweysay, oo ay halkaas iska caashaqeen. Laakiin bilowgii ba haasaawahoodii waxa uu ahaa mid qarsoon, oo aysan dadka badidood ogeyn ilaa goordambe.

"Guurkayaga dadku kuma wada farxin, oo waa laga sheekeeyay, waana la duray," ayay tiri Maryan Mursal, oo intaas raacisay inay arrimahaas u dhacayeen sababo la xirdhiidha reerka ay ka dhalatay awgeed, iyo heybsoocda Soomaalida dhexdeeda. Waa arrinkii gubay, oo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" Allaah ha u naxariisto, uu ku dhaliilay dhaqan xumida Soomaalida iyo heybsoocda dhexdooda ah. "Anigu gob ku noqon maayo qof kale gunnimadii," ayuu yiri Hadraawi, taas oo horseeday tixdii Dhulgariir.

Facebook

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Qoraalka sawirka,

Kooxda fanaaniinta Waaberi oo ay xubin ka ahaayeen Maryan Mursal iyo Axmed Cali Cigaal

Laakiin waxay Maryan ku ammaantay Axmed Cali Cigaal oo hadda ku nool Mareykanka in uu dhega ka fureystay war-xumida iyo naceybka guurkooda loo muujiyay. Se guurka kahor ba, mar buu jaceylkooda qarka u fuulay in uu haasaawe kusoo dhammaado.

Waa markii haasaawahoodii qarsoodida ahaa ay ku xan qarsatay hablihii kale ee fanaaniinta ahaa ee saxiibada ay ahaayeen, kuwaas oo iyageenna sirtii heyn waayay ee dibeda ula foofay. "Dumarku way is xaal wareystaan, naa yaa la socotaa ayaa la isweydiiyaa," ayay tiri Maryan, oo gabadhii u sheegtay inay haasaawe iyo sheeko wadaag yihiin Axmed Cali Cigaal. Laakiin warkii baa durbadiiba ku dhex faafay bulshada, oo isla markiiba gaadhay Axmed Cigaal, taas oo ka cadheysiisay oo muddo gaaban na hakad gelisay xidhiidhkoodii.

Waa halkii ay ka curatay heeskii caanka baxay ee Axmed ku luuqeeyay ee ‘Sheekadeennii Nacas’ taas oo uu Axmed ku canaantay in sirtoodii ay banaanka gaysay, sida ay Maryan u sheegtay BBC.

Shallow baan ka dhacayoo

Dhiigga layga shubayaa

Mooyee lagu shukullayaa

Shantii nabar anoo qaba

Jacaylkuna ku shidan yahay

Ayaad igu shirbaysee

Maxaad sheekadeenii NACAS

Intaad shiraysay dumarkii DABAAL

Ugu sheegtay shalay galab

Hay sheegan inanyhay

Shiddada iyo jacaylkana

Intaan shaadh u galiyaan

Shalan bood la tagiyoon

Shib dheh odhan Shar iyo khayr

Laakiin, durba dib ay u heshiiyeen, oo waxaa loo dhigay mid ka mid ah aroosyadii ugu saameynta weynaa ee Soomaalida. Se, si walba oo loo xafladeeyay, oo arooskooda loo marxabeeyay, dad baa ka gubtay oo diidmo kala horyimid in Maryan iyo Axmed in ay reer wada dhisan karaan.

"Markii la maqlay guurkeenna ayaa la yidhi ‘Wiilkii wuu naga dhintay oo waxaa uu jeclaaday gabadh midgaan ah," ayay BBC Somali u sheegtay Maryan. Laakiin Axmed wax walba waxa uu ka hormariyay jaceylkoodii. "Wuu igu faani jiray, oo gacanta ayuu igu dhigay. Illaah cimrigiisa ha dheereeyo, maba ilaawi karo," ayay raacisay hadalkeeda.

Kunciil iyo Keenidiid: Fanaanka iyo mu’adinka ka beermay jaceylkii Maryan iyo Cigaal

Maryan iyo Cigaal

XIGASHADA SAWIRKA,MARYAN IYO CIGAAL

Qoraalka sawirka,

Waxay labada fanaan isku guursadeen da'aada labaatameeyada

Maryan oo sheegtay wanaag iyo bogaadin weyn u heyso qoyska Cigaal waxay sheegtay inay ilaa iyo hadda ay xidhiidh wanaagsan leeyihiin, oo ay ku faanaan carruurta. Maryan oo maanso ku cabirtay xidhiidhka kala dhexeeya qoyska Cigaal ayaa tiri:

Waxa waaweyn,

Waxa wiilal loo dhalaa,

Reer warsame khalafka,

Nimankii wanaagsanaa.

Laakiin waxa weli muuqda oo dunida dusheeda ku bulaalay astaanta iyo cadhaddii ay Maryan ka qaatay heybsooca iyo takoorka lagu la kacay. Waa labada magac ee ay labadeeda wiil ugu magacdartay ee ay ku caan baxeen. Waa Kun cii loo noqday fanaan cod macaan oo dib u qaada heesaha aabehiis, iyo Keeni-diid oo isna hadda mu’adin ka ah masjid. Waxay sheegtay in cadhadii ay ka qaaday dadkii ka xumaaday guurkeeda inay magacyadaas ugu bixisay labada wiil ee ay is xigay. Laakiin magacyadooda rasmiga ah waa Maxamed iyo Cabdiqaadir. Kan dambe waxaa loogu magacdaray adeerkii oo ahaa abwaan weyn, Cabdiqaadir Cali Cigaal.

Laakiin Maryan oo mardambe reer kale yeelatay waxa uu soo dhammaaday guurkii iyo calafkii isku keenay iyada iyo Cigaal oo markii dambe guursaday fannaanada kale ee weyn alle ha unaxristee Khadro Daahir Cige oo sanadkii hore ku geeriyootay Hargeysa. Maryan na waa tii ku heestay ‘Adaa beeray Jacaylka’ heestaas oo ay ku tilmaamtay tan ay ugu jeceshahay heesaheeda, oo ay marwalba dhegeysto islamarkaas na ay istaagto xitaa haddii ay maqasho iyada oo meel kale ka shidan.

Adaa beeray jacaylka

hadana baabi'inaayee

adaa beerka ii xaadhay

hadana beyd ku shubaayee

adaa been iga dhaanshey

hadana i bedalaaya

baxnaanadaydii

baruu kasoo reyntisii

waabar kuma taalee

waxaad la bugtee

la bogsanweydey

bushaaradaada

banaanka usoo saar

Hadda, Maryan iyo Cigaal waxay ku kala nool yihiin Ingiriiska iyo Mareykanka, laakiin waa labo fannaan oo xidhiidh wanaagsan dhexyaal islamarkaas na weli xidhiidha.

"Ilaa hadda wuu iga warhayaa, oo marka aan cabaar isweynaba ‘Naa ma nooshay’ ayuu isoo yiraa. Illaah ha dhowro. Ilaah ha dhowro," ayay tiri Maryan.



XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip