HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH arbaco 27-KA SEPTEMBAR 2023-KA

0
Wednesday September 27, 2023 - 08:32:22 in Wararka by
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH arbaco 27-KA SEPTEMBAR 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wasiir Fiqi oo oo abaabulka dagaalka ka dhan ka ah Al-Shabaab ka wada Gobolka Mudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa booq asho iyo dhiirrigelin ugu tagay ciidamada Macaw islayda ee ku sugan deegaanka Wanane ee Gobolka Mudug.

Deegaankan oo ka tirsan degmada Xarardh eere ee Gobolka Mudug ayey ku kala warqaateen Wasiir Axmed Fiqi iyo qeybaha bulshada deega anka oo ay ku jiraan odeyaasha dhaqanka iyo Ciidamada Macawislayda ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab.

Odeyaasha deegaanka iyo Macawi slayda oo warbixin siiyay Wasiirka Arrima ha Gudaha ee Soomaaliya ayaa muujiyay diyaar garowgooda ku aadan ladagaalanka Al-Shabaab, iyaga oo ka dalbaday dowladda gacansiin dhan walba ah.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Guda ha, Feder aalka iyo Dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi waxaa uu bogaadiy ay sida geesinnimada leh ee ay ula dagaaleen Al-Shabaab, isaga oo carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay garab siiso dhammaan bulshooyinka ku gadooday Al-Shabaab, garab istaag iyo dhiirrigelinna uu ugu yimid, iyaguna laga rabo in ay u horkacaan la dag aalankooda

Wasiirro Ka Tirsan Galmudug oo Xarig ga Ka Jaray Xarunta Xanaanada Carruurta Ee Cadaado

Wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Galm udug, maamulka degmada Cadaado iyo marti sha raf kale ayaa ka qaybgalay furitaanka xarunta x anaanada Carruurta ee Misbaax oo galabta xariga laga jaray,taas oo ay hirgalinteeda iyo hawl socodsiint eeda iska kaashadeen wasaaradda waxba rashada Galmudug iyo hay’adda Save the children.

Axmed Xuseen Khayre oo ka tirsan wasaar adda waxbarashada Galmudug ayaa xusay in ma shruucan xananada carru urtu uu kaalin wayn ka qaadanayo horumarinta waxbarashada carruurta iyo in la yareeyo carruurta waxbarasho la’aanta ah ama ka daaha.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo wasaaradda waxbara shada Galmudug uga mahad celiyey inay Cadaado u xul atay mashru ucan ayaa balan qaaday in maa mulka degmadu uu kaalin wayn ka qaada nayo si dii xaruntan loo horumarin lahaa loogana faa’I ideysan lahaa.

Maxamed Xaashi Dhoorre wasiirka wasaa rad da waxbarashada Galmudug ayaa sheegay in wasaaraddu ay xaruntan u diyaarisay macalimiin xirfad gaar ah u leh tarabiyada Carruurta, wax aana uu bul shada Cadaado ku dhiirri galiyey inay ka faa’iideystaan.

Xaruntan ayaa qaata ilaa 120-Carruur ah, wax aana loogu tagalagalay in lagu siiyo xanaano, waxbaridda iyo tarabiyada, sidoo kalena ay heli doonaan cunno inta ay xarunta jooaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda beera ha Galmudug Xasan Cascaseey. wasiirka wasaa radda xanaanada xoolaha Galm udug Cabdulaahi Cabdiraxmaan Toot oole iyo mas’uuliyiin kale oo muna asabadda ka haday ayaa fursad muhiima ku tilmaamay hirgalinta xaruntan, iyagoo soo je ediyey in bulshada Cadaado ay dhamaystiraan waxyaabaka ka dhiman oo uu ka mid yahay gaarigii carruurta qaadi lahaa.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray deg aanka Cali Fooldheere

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guud laawe Xuseen ayaa gaaray deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellada dhexe, isago la hadlay Ciidanka Qaranka iyo Xoog agga xoreynta deega anka.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dadka Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga xoreynta deega anka ku ammaanay doorka ay ka qaateen la dagaallanka khawaarijta iyo sida ay ugu babbac dhigeen cadowga, wuxuuna ugu baa qay in inta yar ee halganka ka hartay ay dham maystiraan.

Md. Guudlaawe ayaa ku baaqay in laga wada qayb qaato da gaalka khawaarijta, cid kastana uu waajib ka saaran yahay in ay xoreyso degaan nada ay matasho ama ka tirsan tahay.

Dowladda oo sheegtay in ay waddo qor sho lagu yaraynayo dalagyada dalka loo ga keenayo dibedda

Agaasimaha waaxda ganacsiga ee Wasaa radda Ganacsiga iyo Wershadaha XFS, Axmed Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay in ay wadaan siyaasad lagu yareynayo waxyaabaha dalka loo ga keeno dibedda.

Agaasimaha oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in waayadii hore uu dha qaalaha Soomaaliya intiisa badan ku tiirsanaa waxya abaha dalka laga helo gaar ahaan beeraha, kallumeys iga, dalxiiska IWM, haatan na ay doo nayaan in ay soo celiyaan dhiirri gel inta wax soo saarka gudaha.

"Waxan wadnaa siyaasad lagu yareyn ayo wa xyaabaha dalka loo keeno ganacsi ahaan ee dal keena laga helo” Agaasime Axmed Sheekh Cab dullaahi.

Agaasimaha ayaa sababta keentay in waxya abo dalka laga helo mararka qaa rkood loo soo dhoofiyo dalka ku macnee yay soo noqnoqosha da abaaraha, fatahaadaha, dagaallada, gaar aha an bara kicinta ay khawaarijta ku hayaan beer al eyda iyo xoolo dhaqatada Soomaal iyeed, mar kaas oo uu yaraado wax soo saarka dalagyada gudaha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo deeq lac ageed gaarsiiyay Isbitaalka Madiina

Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboo yinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Md, Max amuud Macallim Cabdulle oo Shalay booqasho ku tagay isbitaalka Madiina ee magaalada Muq disho.Guddoomiyaha ayaa booqashada ka dib wux uu Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Gen eraal Sulub Axmed Firin iyo Maamulka sare ee isbitaalka ku wareejiyay 375,000 oo dollar, taas oo hor dhac u ah deeq loogu tala galay Wajiga ko obaad ee dhismaha Xarunta Gargaarka deg-deg-degga ah ee isbitaal Madiina oo uu dhagax dhi gay Ra’isulwasaaraha XFS.

Xaruntan ayaa loogu tala galay in lagula tac aalo muwaddiniinta Soomaaliy eed ee ku waxy eellooba Musiibooyinka ka dhaca dalka, si loo helo xarun Caafimaad oo ka jawaabta baahiyaha deg-degga ah ee soo bixi kara xilli kasta.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa ka mahad celiyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed iyo maamulka isbitaa lka, sidoo kale Guddoomiya ha iyo Taliyaha ayaa boqday qeybaha isbitaalka iyo dhaa wacyadii hay’adda dhawaan Muqdisho ay keentay, kuwaas oo ku wax yeelloobay qarixii ka dhacay magaalada Baladweyne.

Dacwad Loo Heysto Eedeysanayaal Ka tirsan Wasaaradda Shaqada oo La soo gabegabyey

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Shalay soo gaba-gabeysay dacwad loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bul shada dowladda FS, kuwaasi oo Xafiiska Xeer Ila aliyaha guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay in ay ku kaceen Musuq-maasuq, lunsasho hanti dad weyne, lacag dhaqid iyo sido kale dayacaadda masuuliyad loo igmaday.

Eedeysanayaasha ayaa ahaa ilaa afar ruux oo ay ku jireen labbo Agaasime guud oo hore usoo maray Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bul shada XFS oo kala ahaa Cabdullaahi Maxamed Cali Sultaan iyo Maxamed Cadde Muqtaar oo joo gay fadhiga Maxkamadda iyo sido kale Cabdiw aaxid Muxsim Ibraahim iyo Cabdiraxmaan Cabd ikariim oo maqanayaal ahaa.

Fadhiyadda Maxkamadda oo ahaa ilaa sagaal Gar-maqal ayaa waxaa lagu soo bandhigay do odo kala duwan oo u dhaxeeyay Xafiiska Xeer Ila aliyaha guud ee Qaranka iyo Qareenadda Difaacayay eedeysanayaasha oo gaaray Sagaal Abuukaate, Waxaa la is dhaafsaday cadeymo iyo xogo ku saabsan dambiyada lagu soo eedeeyay iyo doodaha ay isaga difaacayeen Qareenadda, waxaa sido kale fadhiyada qaar ee Maxkamadda la hor keenayay Marqaatiyaal iyo saraakiil ka socday Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo ahaa halka baarista dacwada ay kasoo bilaabatay ayada oo guddiga tashiga dacwadda oo ahaa garsoorayaal ay dhageysanayeen dhina cyada.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Bana adir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa soo ga ba-gabeeyay dacwadda manta, waxaana uu she egay in Xukunka ay soo saari doonto dhawaan laguna shaacin doono fadhi furan oo bulshada ay ka so wada qeybgali karaan, toosna looga daaw an karo Warbaahinta.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa bartam ahii bishaan soo gaba-gabeysay laba dacwadood oo hore kuwaasi oo ku saabsanaa Musuq-maa suq iyo xatooyo xoolo dadweyne, waxaana eede ysnayaal ka ahaa toddobo ruux oo ka tirsanaa wa saradda Maaliyadda, Bangiga Dhaxe iyo Hey’ adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.


CXDS oo Xarardheere ku qabtay Wiil 17 jir Shabaab ah una qaabilsanaa sahminta qaraxyada

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Xaraardheere ee gobolka Mu dug, ayaa gacanta ku dhigay Cismaan Maxamu ud Barre oo 17 jir ah oo katirsan kooxda Alsh abaab.

Saraakiisha ciidanka dowl adda ayaa sheegay, in ninkan dhallinyarada ah loosoo diray, si uu u sahmiyo waddooyinka fudud iyo meelaha laga soo gelin karo qaraxyada magaal ada Xarardheere.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaa liya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay, in Shab aabku bilaabeen in ay adeegsadaan caruurta yaryar.

Wasiirka arrimaha gudah Mr. Fiqi waxa uu sheegay in ciidamada iyo dadka deegaanka Xarar dheere oo isku xiran ay mar kasta fashiliyaan isku dayada Shab aabku ku doonayaan in ay ku dhibaaate eyeen bulshada.

Ciidanka Dowladda oo kaashanaya kuwa de gaanka ayaa magaalada Xara rdheere ka xoree yay kooxda Alshabaab bishii January ee san adkan.

Waxay ahayd magaalooyinkii ugu horeeyay ee lagu xoreeyay wajigii 1-aad ee howlgalka ka dhan ka ah Alshaabab.

Degmada Xarardheere ayaa xoraynta kaddib noqotay magaalo dadkii ka qaxay ay dib ugusoo laabteen, iyadoo dib loo furay xarumihii waxbara shada iyo dugsiya dii qur’aanka muddo 16 sano ah kaddib.

Tan iyo sidii loo xoreeyay weli Alshab aab uma suuro galin inay weerar kusoo qaadaan maga aladan.

Danjire Kullane oo ka qeyb galay furita anka shirka caalamiga ah ee isku xirka Tamarta 2023

Safiirka Jamhuuriyadda federaalka Soomaa liya ee Dalka Shiinaha Amb. Caw aale Cali Kull ane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay mu naasabadda furitaanka shirka caalamiga ah ee isku xirka Tamarta ee 2023.

Shirkan oo Shalay furmay ayaa waxaa soo qaban qaa bisay Hay’adda caalamiga ah ee isku xirka tamarta iyo hor umarinta iskaashiga ee Global Energy Interconn ection Development and Cooperation Orga nisation (GEIDCO), waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dawladda, hay’ adaha caalamiga ah, madaxda warsh adaha iyo khubaro ka kala socotay caala mka.

Inta uu shirka socday ayaa la isla gorfeeyay arrimo muhiim ah oo khuseeya tamarta caalam ka,isku xirka iyo horumar inta tamarta nadiifka ah, iyo nidaamyada tamarta waarta.

Ka qeyb galka Danjire Kullane ee shirkan ayaa tusaale cad u ah sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sahminta xalal tamareed oo waara si wax lo oga qabto caqabadaha adag ee hortagaan horum arinta dalka. Soomaaliya waxaa muhiim u ah heli taanka ilo tamar oo la isku halayn karo oo nadiif ah si aan u xaqiijino hamigeenna ku aaddan horu mar taabba gala.

Ugu dambeyntii, Safiirka Soomaaliya ee Shii naha ayaa tilmaamay sid ay Soomaaliya u daney neyso in ay beesha caalamka kala shaqeyso sidii looga faa’ideysan lahaa tamarta nadiifka ahee ka curta hawada iyo qoraxda.isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hindisaha iyo fikradda laga helay shirka.

Xukun dill ah oo lagu riday Maxamed Cabdi xa kiin Ganey oo Sabab layaab leh u dilay Saaxiibkiis

Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxam ed Saalax Ganeey ayaa lagu soo eedeeyay in uu dil kas u geystay Saaxibkiis marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir oo ay kawada tirsanaayeen Ururka 22aad guutada 23 aad ee Gungaar falkaas oo ka dhacay aargada degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Laba atankii bishii Todobaad ee Sanadkan.

Gacan ka hadal dhax maray kadib eed eysan aha ayaa ka hor istaag ay marxu umka in uu ra aco gaarigii ay ku wada qornaayeen un ugta.

Marxuumka ayaa ku adkeystay in gaariga uu yahay gaari dowladeed uuna raacayo, Eedeysanaha oo ka jawaabaya ta alaabadaas ayaa qori AK47 kala soo bax ay shirka gaariga kadibna madaxa ayuu xabad kaga dhuftay.

Marxuumka oo dhaawac ahaan looga qaaday goobta falka uu ka dhacay ayaa ugu danbayn u geeriyooday dhaawicii Lab aatan iyo afartii bishii July ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Max kamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kii skan waxaana laga ogolaaday Labaatan iyo ko wdii bishaan.

Garsoorka Maxkamdda Ciidmada oo dhageyst ay dhinacyada dacwadda waqti ku filanna siiyay ayaa ugu danbeyn Shalay ku xukumay Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Ganeey Dil toogasha ah tasoo ah qisaastii marx uum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxa med Cabdiqa adir.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore G/le Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Daraj ada 1aad Ee C/Q/ Sida.

Dhalinyaro ku geeriyootay Shil Gaari oo ka dhacay degaannada Somaliland

Shilka oo geystay khasaaro isugu jira dhim asho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deeganka Dub ur ee duleedka degmada sheikh ee degaannada Somaliland kaidb markii uu Rogmaday Gaari no oca raaxada ah oo ay wateen Kooxo fanaaniinah.

Inta la xaqiijiyay laba Dhalin yaro ah oo ahaa muuqaal duu bayaal katirsan Barta Youtube-ka ee Waqal Studio ayaa ku geeriyooday shilkaas, kuwaas oo lagu kala mag acaabi jiray Musatafe Saleemaan iyo liibaan Daa hir, halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

Shilka kadib ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in Gaariga uu dab ka kacay, kaas oo saameeyay goobo Ganacsi oo kuyaalla goobta uu shilka ka dhacay, waxaana dadka kale ee shil kaasi ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka degm ada Sheekh si halkaasi loogu daaweeyo.

Agaasimaha isbitaalka degmada Sheekh Xam se Maxamed Diiriye ayaa faah faahin ka bixiyay sida uu shilka u dhacay iyo khasaaraha guud ee ka dhashay iyo sidoo kale xaalada Caafimaad ee dadka ku dhaawacmay shilkaas.

Qaar kamid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida muuqaal duubayaashii ka tirsanaa Barta Youtube-ka ee Waqal Studio, iyaga oo qaarkood ku dhawaaqay inay fanka ka baxeen.

Maraykanka oo taageeray codsiga Soo maali ya ee dib u dhigista bixitaanka ATMIS

Dowladda Mareykanka ayaa taageertay go’ aanka ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Gol aha Ammaanka ee Qarama da Midoobay, kaasoo ah in dib loo dhigo bixitaanka ciidamada Midowga Afrika (ATMIS) saddex bilood.

Sii hayaha safaaradda Mar eykanka ee Soomaaliya, Shane Dixon oo wareysi gaar ah siiyay mid kamid ah warbaahinta gu daha ee dalka, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay taa geero siin doonto codsiga Soomaaliya.

"Safaaradda Mareykanka waxay taageeri doo ntaa baahida iyo codsiga Dowl adda Federaalka ah ee Soomaaliya," ayuu yiri Dixon isagoo xusay in ay mar walba waan taageersan yihiin codsiga la xiriira in dib loo dhigo wajiga 2-aad ee bixi taanka ciidamada ATMIS.

Soomaaliya ayaa codsi u dirtay Golaha Amm aanka ee Qaramada Midoobay todob aadkii hore, iyadoo ku dooneysa in muddo 90 maalmood ah dalka looga saaro 3,000 oo askari oo dheeraad ah oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Dowladda ayaa ku dooday in codsiga dib u dhigista uu sabab u yahay dib u dha cyo dhowr ah oo uu ka mid yahay weerar kii Al-Shabaab ay ku qaadeen Coosweyne ee gobolka Galguduud oo la sheegay inuu soo baxay daldaloolo badan oo dhinaca ciidanka dhexdiisa ah.

3,000 oo askari oo dheeri ah oo ATMIS ah ayaa la filayay inay ka baxaan Soom aaliya dha maadka bishan, iyadoo la raa cayo qaraarka gol aha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Somaliland oo sheegtay in uu hoos u dhacay ganacsiga suuqyadeedu

Xukumada Somaliland ayaa sheegtay in uu jiro hoos u dhac ku yimid ganacsiga, kadib hakad galay ganacsigii Wajaale iyo kii bariga.

Wasiirka Maaliy ada Somalil and Sacad Cali Shire, oo kulan la qaatay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Soma liland, ayaa sheegay in ganacsiga xooluhu uu aad u wan aagsanyahay, lakiin ganac siga suuqyadu uu hoos u dhacay.

"Ganacsiga xooluhu wuu fiicnaa sann adka, roob badana wuu da'ay, xooluh una way inoo caa fimaad qabaan, xoolo badan ayaa dhoofay, lakiin waxa uu gana csigeenu uu aad ugu xidhnaa gan acsihii Wajaale mari jiray kaasi oo uu hada hakad ku yimid, waxa inoo soo raacay kii bariga laftiisa" ayuu yidhi Shire.

Gubashada suuqii waynaa ee Waah een iyo dagaalka Laascaanood ayaa dhaa wacay dha qaalaha Somaliland, had ana dhawaan waxa uu dab waxyeelo wayn soo gaadhsiiyay suuqa wayn ee Wajaale, kaasi oo uu dhaqaale badani kasoo gali jiray Somaliland.

Wasiirka oo golaha kala hadlay dajinta miis aaniyada sannadka 2024, ayaa sheegay in dhaqa ale badan loo qoondayn doono difaaca Somalila nd iyo doorasho oyinka.


IMF oo Dhameystirtay dib u eegista 6aad ee Deyn cafista Soomaaliya (WARBIXIN)


Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dh ammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray han naanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo todd obaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Add uunka.

Soomaaliya waxa ay sii wadday dib-u-habeyn xooggan, waxq abadka barnaamijk una waxa uu ahaa mid lagu qanco. Madaxda IMF iyo maamul lada Soomaaliya ayaa gaaray heshiis heer-shaq aale ah oo ku saabsan dib-u-eegista lixaad ee habka amaahda la dheereeyay ee Soomaaliya (ECF). Dowladda Soomaaliya waxay sii wadeen inay horumariyaan, si ay u buuxiyaan shuruudaha lagu gaarayo Heerka Dhameystirka HIPC Disee mbar 2023-ka, markaas oo deynta dibadda ee So omaaliya laga dhimi doono wax ka yar US $ 600 milyan marka la eego qiimaha saafiga ah, marka la barbardhigo US $ 5.2 bilyan dhamaadka -2018-ka.

Maamulka ayaa weli ka go’an inay sii wadaan horumarinta dib-u-habeynta, si loo xoojiyo hey’ adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah iyo horumar inta xasilloonida dhaqaalaha guud iyo kobaca loo dhan yahay.

Taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalam iga ah waa lama huraan, si loo taageero dadaa lladan.

Washington, DC: Koox ka socota Hey’adda Lac agta Adduunka (IMF) oo ay hoggaaminayso Lau ra Jaramillo, ayaa Soomaaliya kulan kula yeeshay magaa lada Nairobi ee dalka Kenya Sebtembar 11-21, 2023-ka, waxayna gaareen heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegista lixaad ee deyn cafinta dheer Hab eynta Xarunta (ECF).

Heshiiskan wuxuu ku xiran yahay ansixinta Gud diga Sare ee IMF, iyadoo Gabagabadii doodaha ay Marwo Jaramillo waxay soo saartay bay aan kan:

"Soomaaliya waxay sii waday inay horumarro muhiim ah ka sameyso dib u dhiska dhaqaalahe eda iyo hey’adaha dowliga ah, laakiin caqabada ha ayaa weli ah kuwo muhiim ah, iyadoo ay jirto dib u curashada roobabka 2023-ka, dhaq-dha qaa qa dhaqaalaha waxaa lagu miisaamay saameynta joogtada ah ee abaarta, fatahaadaha, iyo xawa aladaha oo hoos u dhacay.

Cunto yarida ayaa weli ah mid walaac leh, wa xaana xaaladda amni ay tahay mid caqabad ku ah qaar ka mid ah gobollada dalka.Iyadoo ay jira an caqabad ahaas, maamulada Soomaaliya wax ay sii wadeen inay horumar ka samee yaan hirge linta barnaamijka ay taageerto ECF waxayna ka shaqeynayaan sidii loo gaari lahaa Barta Dham eystirka HIPC (CP) Diseembar 2023-ka.

Kobaca 2023-ka ayaa la saadaalin ayaa inuu dhexdhexaad noqon doono ku dhawaad ​​2.8 boq olkiiba iyo sicir bararka 5.7 boqolkiiba. Dakhliga gudaha ayaa si xoog leh u shaqaynayay, oo ay ku jiraan dakhliga kastamka. Haraaga guud ayaa la filayaa inuu noqdo khasaare yar oo ah 0.1 boqol kiiba GDP kaas oo lagu maalgelin doono haraaga lacageed ee hore. 2024-ka, dakhliga ayaa la fil ayaa inuu sii ahaado mid adag, oo ay taagee rayaan dib-u-habaynta muhiimka ah, oo ay ku jirto hirgelinta nidaamka iswada ee kastamka Muq disho. Miisaaniyadda waxaa la filayaa in ay qab ato kharashaadka taageeraya kobaca, amniga, iyo horumarka halka kharashyada kale ee ku-tal ogalka ah la filayo inay sii jiraan. Muhiimad aha an, 2024-ka dakhliga gudaha ayaa la filayaa inuu daboolo magdhowga shaqaalaha. Maalgelinta dibadda ee taageerada miisaa niyadda ayaa weli ah mid muhiim ah.

Mas’uuliyiintu waxay sii wadaan horuma rinta dib u habeynta maaliyadda. Dhaqdhaqaaqa dakh liga gudaha, dib-u-habaynta muhiimka ah ayaa ka socota casriyeynta kastamka, sharciga cusub ee canshuurta dakhliga, iyo kordhinta dakhli ururinta ganacsiyada waaweyn, oo ay ku jiraan qaybta is gaarsiinta. Maamulka maa liyadda dawladda ayaa la xoojiyay, waxaana socda hagaajinta ku aaddan midaynta dhammaan shaqaalaha, nidaa mka mu shaar bixinta, dabagalka qaanshee gyada, soo iibsiga, iyo maareynta hantida aan dhaqaalaha aheyn.

Horumar ayaa sidoo kale laga sameeyay qa ab-dhismee dka sharciga qeybta batroolka.

Bankiga dhexe ee Soomaaliya (CBS) ayaa horumarinaya maamulka hay’adaha dowladda iyo dib u habeynta waaxda maaliyadda. CBS waxay sii wadi doontaa inay xoojiso awooddeeda shar ciyeynta iyo kormeerka, oo ay ku jirto iyada oo loo marayo sharci iyo hirgelinta xeerarka taxaddarka ku saleysan ee khatarta ah. Tillaabooyinka muh iimka ah ayaa la qaaday si wax looga qabto laca gaha la dhaqay/maalgelinta khataraha argagixis animada, oo ay ku jiraan sharciga cusub ee cuna qabataynta maaliyadeed ee la bee gsaday iyo xe erarkiisa fulintiisa, in kasta oo caqabadaha weli taagan yihiin.

Tallaabo dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si wax looga qabto lacagaha la dhaqay/maalgel inta khataraha argagixi sada. Mas’uuliyiintu wax ay sii wadaan ka shaqeynta sidii loo gaari lahaa barta Dhameystirka HIPC Diseembar 2023-ka. Ku dhawaad ​​dhammaan qodobbada kicinta HIPC waa la fuliyay.

Laga bilaabo Luulyo 2023, heshiisyada cafinta deynta ee la saxeexay waxay ka dhigan yihiin 76.8 boqolkiiba qiimaha saafiga ah ee deynta ka dib deyn cafinta dhaqameed, oo ay ku jiraan dhammaan deyn bixiyayaasha Paris Club, San duuqa Kuwait ee Horum arinta Dhaqaalaha Car abta, iyo Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga.

Maamulka Soomaaliya ayaa codsaday barn aamijka beddelka ah ee ay taageerto IMF, si ay u sii wadaan horumarinta dib-u-habeynta lagu xooji nayo hey’adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah iyo kor u qaadista xasilloonida dhaqaalaha guud iyo kobaca loo dhan yahay. Wadahadaladu waa soc daan iyada oo laga duulayo horumarka ilaa hadda la sameeyay, siyaasadaha ugu muhiimsan ayaa ah in la sii wado xoojinta dakhliga gudaha, maa mulka maaliyadda guud, qoto-dheeraynta maaliy adda iyo ka mid noqoshada maali yadda, maamu lka, iyo tirakoobka.

Maalgelinta wakhtiga ku habboon iyo taage erada kobcinta kartida ee la-howlgalayaasha hor umarinta ayaa lagama maarmaan u ah hirgelinta guuleysiga istara atiijiyadda dib-u-habaynta ma amulka. Qaaraanka ka imaanaya saaxiibada Soo maaliya ay ku bixiyaan Sanduuqa Dalka Soomaal iya ayaa muhiim u ah xaqiijinta habsami u bixinta kaalmada farsamo ee IMF, si ay u taageerto aje ndaha dib u habeynta maamulada.

Howlgalku wuxuu jecel yahay inuu u mahad celiyo dhiggeena wada-hadal wax ku ool ah oo miro dhal ah. Waxaa kulamo la qaatay Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, mas’ uuli yiin kale oo dowladda ka tirsan, hay’adaha horumarinta ka shaqeeya iyo wakiillada ganacs iga gaarka loo leeyahay.”, ayay ku soo gababey say warbixinteeda Marwo Jaramillo.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya iyo Mar aykanka ayaa ka wada hadlay qodobbo muhiim u ah hannaanka deyn cafinta oo haatan maraya me el wanaagsan, ka dib kulan ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS, Biixi Iimaan Cige iyo ku-xigeenka Kaaliyaha Xog ahaya Waaxda Maaliyaadda Mareykanka ee Arr imaha Bariga dhexe iyo Afrika Mr. Eric Mayer. Shirka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, qorshayaasha horumar inta kadib marka lagaaro barta kama dambeysta ah ee deyn cafinta iyo taageerada dowladda oo ay ugu horreyso maalgelinta iyo mashaariicda la gu caawiyo dadka dan yarta ah ee Soomaaliyeed.

Ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya oo ku dagaalamay degmada Dooloow

Wararka ka imaanaya degmada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Shalay uudag aal ku dhexmaray gudaha degmada ciidamo ka tir san Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Militariga dal ka Itoobiya.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ciidamada Itoobiya ay ku amreen ciidan Bo oliis ah oo ku sugnaa barkoontarool oo ay ku lee yihiin agagaarka Buundada degmada Dooloow iney banee yaan koontaroolkaas, hayeshee arinta asi ay ka biyo diideen ciidankii ku sugnaa koont aroolka.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Mil itariga dalka Itoobiya ayaa halk aasi mudo kooban ku dagaalamay, balse lama sheegin wax khasa are ah oo ka dhas hay dagaalka.

Dagaalkaan Shalay Dooloow ku dhex maray ciidanka ka tirsan Booliiska Sooma aliya iyo kuwa Itoobiya ayaa kusoo beegm aya, iyadoo halkaas saacadahii lasoo dhaafay laga dareemayay xiisad u dhaxeysa ciidanka Itoobiya iyo ciidan taabacsan Siyaasi Barre Aadan Shire Hiiraalle.

Xiisada ayaa timid kadib markii Barre Hiiraalle u Dorrad shaaciyay in saraakiil iyo ciidamo Itoo biyaan ah ugu hanjabeen in dooloow hadii uusan isaga bixin 24 saac gudahood isagoo katiinad eysan diyaarad saari doonaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka Barre Hiiraalle ay difaacyo xoogan ka sameysteen xaafado ka tirsan degmada Dooloow, waxaana xusid mudan in Barre Hiiraalle uu shaa ciyay inuu la dagaalami doono ciidanka Itoobiya hadii ay soo weeraraan.

Gabagabadii ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Fedaraalka Soomaalya iyo maamulka Jubbaland oo ku aadan dagaalka Shalay ka dhacay degmada Doolow iyo xiisada u dhaxeysa Barre Hiiraalle iyo ciidanka Itoobiya.

Maraykanka iyo Kenya oo kala saxiix day heshiis ku saabsan la dagaalanka Al-Shabaab

Maraykanka iyo Kenya ayaa waxay ma gaalada Nairobi ku kala saxiixdeen heshiis dhin aca difaaca ah, kaas oo looga dan leeyahay in la gu xoojiyo la dagaalanka arg agixisada ee bariga Afrika iyo in taageero lo ogu muujiyo dedaalada ay Kenya ku doon ayso inay ku hoggaamiso ha wl-galka dhin aca amni ga ee dalka Haiti.

Xoghayaha difaaca ee dalka Marayk anka Llo yd Austin iyo wasiirka difaaca ee Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa qalinka ku duugay heshiis soconaya muddo shan san nadood ah.

Xoghaye Austin ayaa sheegay in Marayk anku "uu uga mahadcelinayo Kenya, hogga aminteeda ku aaddan xallinta duruufaha amn iga ee gobolka iyo weliba kuwa caalamka”, isaga oo sid oo kale uga mahadnaqay door ka hoggaamineed ee Kenya ee ku aaddan ciidamada caalamiga ah ee isku dhafka ah ee la doonayo inay dib u soo celiyaan xas iloonida Haiti.

Austin ayaa toddobaadkii hore, isaga oo ka qayb gelaya kulan doceed ka dhacay New York, intii uu socday shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku sheegay inay kala shaqayn ayaan Congresska Maray kanka, sidii loo ansixin lahaa lacag gaareysa illaa $100 milyan oo lagu bixiyo hawlgalka Haiti.

Austin oo ka hadlayey arrimaha gobo lka ayaa soo hadal qaaday ururka al-Shabaab, isaga oo sheegay in dawladda Maraykanku ay si gun-dheer ay u qiimaynayso iskaa shi gooda kala dhex eeya Kenya, ee ku aaddan la dagaalanka Al-Shabaab.

Austin ayaa intii uu ku sugnaa Djibouti, wuxuu aad u ammaanay ciidamada Soomaal iya, iyo hor umarada ay ka samaynayaan la dagaalanka Al-Shabaab, hase ahaatee wu xuu ka digay in weli kooxdu ay leeday awood ay debedda ugu dho ofiso falalkooda ay gey staan, iyaga oo ka faa’iid aysanaya gooba aha aan maamulku ka jirin.

Dowladda Kenya ayaa waxaaa ay kamid tahay dalalka dagaalka kula jira Al-Shabaab, waxaana meelo kamid ah degaannada Jubb land ka jooga Ciidamo aad u farabadan, kuwaas oo ku howl galla Magaca ATMIS

Khilaaf ka dhex-taagan booliska hubka qaata iyo dowladda UK

Dowladda Britain ayaa ka codsatay in ciida mada milatariga ay qayb ka qaataan ho wlihii ay booliiska hubka qaataa wadi jireen kadib markii boqolaal askar booliis ahi ay joo jiyeen shaqooyin ay ahayd in ay qaataan qoryo.

Arrintan ayaa ka dambe ysay kadib markii askari ka mid ahaa booliska qa ata hubka uu lagu riday xukun ka dhashay dil uu u gaystay nin kasoo jee da dadka madow.

Qaar kamid ah bulshada kunool dalka Ingiriis ka ayaa horay walaac uga muujiyay askarta hube ysan ee mararka qaar dadka dilalka u geysta, ku waas oo qaarkood xukun lagu ridayn

Askar u dhalatay dalka Baxrayn oo la di lay iyo qaar kale oo la dhaawacay

Wakaallada Wararka dalka Baxrayn ee BNA ay aa sheegtay in 2 Askari la dilay, dhowr kalena lagu dha awacay Duqeyn ay Diya aradaha Darooniska ka geysteen Koonfurta da lka Sac uudiga.

Kooxda Hubeysan ee Xuutiyiinta ayaa la she egay inay geys teen Weerarkaasi lagu dilay Aska rta Baxr ayn ee qeybta ka ahaa Isbahaysiga Mill iteri ee Hawlgallada Sacuudiga ee Yemen.

Labada Askari ee u dhashay dalka Bax rayn ee ladilay ayaa kala ahaa Sark aal iyo Ask ari darajo ho ose ahaa.

Masar oo qabanaysa doorasho madaxw eyne oo natiijadeeda lasii ogyahay

Masar ayaa qaban doonta doorasho mad axweyne oo socon doonta saddex maalmood bisha December, waxaa sidaas Isniintii ku dhowaaqay ma s’uuliyiinta, aya da oo la fil ayo in madaxweyne Cabdiftaxax al-Sissi uu xukunka kusii nagaado illaa 2030.

Waleed Hamza, gudd oom iyaha Ma amulka Doorashoo yinka Qaran, ayaa sheegay in cod bixinta ay dhici doon to December 10-12, ayada oo doorashada ku celiska ahna ay dhaceyso Ja naayo 8-10, ha ddii musharaxna aanu helin in ka badan 50% codadka.

Waxa uu intaas ku daray in dadka dibe dda da lka ku maqan ay codeyn doonaan De cember 1-3, halka tan ku celiska ahna ay codeyn doonaan 5-7.Siyaasiyiin dhowr ah ay aa durba ku dhowaaqay inay u taagan yihiin qabash ada xilka ugu sarree ya dalka, balse midk oodna loolan adag ma gelin doono al-Si ssi oo xukunka hayey tan 2014, isla mark aa na Reer Galbeedka kala kulma dhall eeceyn ku saabsan diiwaanka xuquuqda aadan aha Masar. Al-Sissi, wasiirkii hore ee difaaca, ayaa hogg aamiyey afgmabi xukunka looga turay madaxwe yne Maxamed Morsi 2013-kii kadib dibad-baxyo ka dhan ahaa xukunk iisa halka sano jiray.

Safiirka Sucuudiga u fadhiya Falastiin oo gaaray Daanta Galbeed

Wafdi ka socda Boqortooyada Sacuudi Carabi ya oo uu hoggaaminayo Safiirka Suc uudiga u fa dhiya Falastiin, oo ay weheliyaan Wakiilka Hay’a dda Labada Masjid ee Barak eysan iyo Qunsulka Guud ee Magaalada Quddus, ayaa Shalay oo Talaado ah gaaray Daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin.

Danjire Naa’if Al-Sed ari, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku sheegay in Shalay uu booqday qeybo ka mid ah dhulka re er Falastiin.War ka soo ba xay Wasaaradda arr imaha dibadda Falas tiiniyiinta ayaa lagu soo dho weeyay booqash ada safiirka Sacuudiga uu ku tag ay Daanta Galbeed, waxaana booqashada Danj iraha Sacuudiga lagu sheegay imid lagu xoojin ayo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Falastiin iyo Sacuudi Carabiya.

Wasaaraddu ayaa qoraalkeeda ku bogaad isay mowqifka walaaltinimo iyo taageeridda ay Boqor tooyada Sucuudiga la garab jogaan dadka reer Falastiin

Wariye Caan ahaa oo isku bedelay Darbi jiif xaaladu xumeesay oo codsi soo diray

Wariye caan ahaa oo u dhashay dalka Ke nya kana soo shaqeeyay mid kamid ah tel efishinnada dalkaasi ayaa isku bedelay derbi jiif, kaddib markii uu ka tagay shaqadii uu tel efishinka u hayay.

Kimani Mbugua oo 27-sanno jir ah ayaa ahaa barnaamij soo saare katirsanaa telefi shinka caanka ah ee Citizen, waxa uuna war iyahan shaqadiisa waayay sannadkii 2020-kii, waxaana xilligaasi waxii ka dambeeyay la soo darsay xaalado adag oo dhinaca nol osha ah.

Wariyaha xaaladu ku xumaatay ayaa mu uqaal uu soo duubay ku sheegay in uu haat an hoy la’aan yahay, isla markaana uu caaw imaad weydiisanayo taageerayaa shiisa iyo samafalayaasha kala duwan ee dadka caa wiya.

Waxa uu sheegay wariye Kimani Mb ugua in saddexdii sanno uu shaqo la’aanta ahaa la kulmay dhibaato badan, waxa uuna ninkan lumiyay magacii iyo sumcadii uu ku dhax lahaa saxaafada, waxa uuna isku bedelay mid hoy la’aan darbijiif ah.


XUSKA MOWLIIDKA - MAXAADAN KA OGAYN MAXAADSE KA OGTAHAY?


Sanooyin badan ayey Soomaalidu xusi jireen dhalashada nabi Muxamad NNK XIGASHADA SAWIRKA,RADIO DALJIRQoraalka sawirka, Sanooyin badan ayey Soom aalidu xusi jireen dhalashada nabi Muxamad NNK Bisha Mowliid ee taariikhda Hijriy ada waxaa qeybo badan oo ka mid ah dunida laga xusaa dhalashada nabi Muxammad CSW, laakiin waa arrin muran xoog leh ka dhex ab uurtay culumada Islaamka oo ay ku kala qeybsan yihiin.

Marka laga eego taariikhda Miilaadiga Nabi Mu xammad CSW wuxuu dhashay 22kii bishii Abriil ee sannadkii 571-kii, hase ahaatee waxay muslim iinta xuska maalintaas ku aaddiyaan bisha Mow liid. Shalay waxaa shaqooyinka fasax ka ahaa dad fara badan oo munaasabaddan awgeed loo siiyay fursad, dalalka Islaamka ee ay nasiinada ka jirtana waxaa ka mid ah Soomaaliya.

Dr Xasan Al Basri oo ah cilmi baare ka tirsan Jaamacadda Axqaaf ayaa isagoo ku sugan dalka Yemen BBC-da uga warramay saameynta ay mu naasabaddan ku leedahay dunida Muslimka, sida ay sax u tahay iyo sida ay muhiim ugu tahay dad ka muslimiinta ah.

"Waxay muhiim ugu tahay waa wakhtigii uu soo baxay rasuulkoodii oo ah nabigii ay rumeysnaay een, waa nicmo Alle looga mahad naqo midda u gu weyn, oo mudan in la is xasuusiyo waxaana arrint aas keenaya jacaylka ay dadka muslim iinta ah nabiga jecel yihiin".

Diinta Islaamka maxay ka qabtaa haybsooca?

Al-Shabaab oo addoonsata dumar si ay ugu galm oodaan

Maxay sameeyaan dadka xusa dhalshada Nabiga CSW?

Munaasabaddan ayaa si isku mid ah looga maamuusaa meelo badan oo ka mid ah dunida waxaana lagu weyneeyaa xaflado kala duwan.

Dr Xasan Al-basri oo ka hadlayay waxyaabaha ay sameeyaan dadka xuskan ka qeyb qaata ayaa yiri "Sida caadiga ah dadku wey kulmaan, waxay isugu yimaadaan meel fagaare ah, halkaas ayey nabi ammaan ku sameeyaan, dadka soo xaad irana wax ayaa la siiyaa, waxaana laga sheekee yaa taariikhdii uu nabigu lahaa. Meelaha qaar qur aan ayaa laga akhriyaa waxaana la is xasuusiyaa dhaqankii nabiga iyo waxyaabihii uu sameeyay sida dagaalladii uu diinta u soo galay".

Qaar ka mid ah culumada Islaamka ayaa mun aasabaddan si aad ah uga soo hor jeestay waxa yna ku tilmaameen mid aan sax ahayn.

Muranka la xiriira arrintan ayaa noqday mid mu ddo dheer la isku mari waayay is jiid jiid fara ban danna uu ka jiray.

Dad xusaya Mowliidka Dad xusaya Mowliidka

Sax ma tahay in dhala shada nabiga la xuso?

Al-Basri oo qodobkan ay BBC-da wax ka weydiis ay ayaa ku jawaabay. "Dabcan marka dib loo fii riyo taariikhda culumadii waaweyneyd ee islaam ka, dhammaantood wey soo dhaweeyeen, balse dadkaas kuwii ka dambeeyay ee hadda jooga aya ad moodaa ineysan barna amijkan jecleysan, waxayna adeegsadaan eragya 'bidco' oo ay ula jee daan inuusan nabigu waxaas sameynin". Wax aa jira muxaadarooyin fara badan oo ay cul umada islaamka ee ka soo hor jeeda ficilkan ay ka jeediyeen mowduucaas, iyagoo uga digay u madda muslimiinta ah iney arrintan sameeyaan.

Balse qeybo badan oo ka mid ah aqoonyahan nada diinta islaamka ayaa difaacay xuska maalin ta dhalashada rasuulka, iyagoo ku dooday iney tahay farxad loo muujinayo imaanshihii nabiga.

Nabigu ma xusay dhalashadiisa?

Mar aan su'aashan hor dhignay Dr Albasri ay uu yiri "Dib markii loo raacay qodobkan waxaa la ogaaday inuu sax yahay. Xadiiskii Qataata ee la gu wariyay Muslim ayaa nabiga lagu weydiiyay sa babta uu maalinta khaaska ah ee Isniinta u soo mo, wuxuuna ku jawaabay iney tahay 'maalintii uu dhashay ayna uga qiimo badan tahay maalmaha kale'. Dib markii arrintan loo sii raacay waxaa la ogaaday in nabigu qudhiisa uu si gooni ah maa linta dhalashadiisa ah u xusay".XIGASHO:-BBC

WAA KUMA GANACSADAHA LAGU EEDEEY AY INUU HUB U SOO IIBIYAY AL-SHABAAB EE LA LA'YAHAY?

hub ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada nisa

Warbaahinta gudaha Kenya gaar ahaan Daily Nation ayaa soo tabisay in la la’yahay halka jaan iyo cirib uu dhigay ganacsade lagu magacaabo Zaariya Kamaal Suufi Abashiekh oo horay ugu eedeysnaa inuu hub Shiinaha uga soo iibiyo koox da al-Shabaab.

Warbaahinta Daily Nation oo soo xiganeysa qo yska Zakariya ayaa sheegtay in Zakariya ay bi shan September xireen ciidamo ka tirsan booliska qeybta la dagaallaanka aragagixisada tan iyo mar kaasna la la’yahay.

Qoyska ayaa sheegay inay wiilkooda ay ka raa diyeen dhowr xarun oo boolis ah balse ay ka soo waayeen, sida ay daabacday warbaahinta Daily Nation.

Waxa ay ahyad in 22-kii bishan September uu ka soo muuqdo maxkamadda oo uu ka ballansa naa. Waa kuma ganacsadaha lagu eedeeyay in uu Soomaaliya geeyay hub ay al-Shabaab le edahay ee la waayay?

Kooxda Al-shabaab

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Zakariya ayaa bishii May lagu soo eedeeyay inuu si sharci darro ah qal ab ciidan iyo walxaha qar xa ugu raray kooxda al-Shabaab ee ka daga allanta Soomaaliya balse wa xaa markii dambe lagu sii daayay lacag dhan 1 Milyan oo Shillinka Kenya ah.

Waxa uu ku dhashay Xaafadda Mjengo ee ma gaalada Mombasa balse waxa uu ku noolaa mag aalada Lamu. Zakariya Kamaal Suufi Abashiekh ayaa lagu soo oogay dacwad ah in agab ciidan uu Al Shaba ab uga soo iiibiyay dalka Shiinaha, uuna ku soo raray saddex konteenar oo laga dejiyay magaalada Muqdisho.

Shiinaha ayaa la sheegay inuu aqoon wanaags an u leeyahay maaddaamaa uu halkaasi wax ka soo bartay. Waxaa markaasi la sheegay in mid ka mid ah konteenarrada laga soo saaray hubka halka labada kalena aan la ogeyn halka ay jiraan.

Dhanka kale 18-kii bishii May ayay ciidamada Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Sooma aliya ee NISA sheegeen inay gacanta ku dhigeen 'sa anad ciidan oo loo waday al-Shabaab’, kuwa as oo laga soo dejiyay garoonka iyo deked da Mu qdisho, sida uu sheegay wasiiru dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa.

Lama hubo in isla Zakariyte uu ka dambeeyay arrintaas.

Eedeysanaha ayaa xabsiga laga sii daayay ka dib markii uu muddo bil ah ku jiray, iyadoo baar ayaashu ay sii wadeen baaritaanka ku aaddan doorkii uu ku lahaa shixnad militari oo loo soo daabulay Soomaaliya.

Hase yeeshee Zakariya ayaa gaashaanka u daruuray inuu wax xiriir ah la leeyahay kooxda al-Shabaab inkastoo uu qirtay inay jiraan agab uu ka soo dhoofiyo Shiinaha uuna geeyo Soomaaliya balse aysan ahayn waxa ay dowladda soo ban dhigtay.

Waxaa la sheegay in shixnadda ay ka koo bnayd qalab ciidan oo kala duwan oo ay ku jiraan 5 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo awood u leh inay qaadaan 10 litir oo dareere ah oo jooggooda ka sarreeya 500 mitir heerka ba dda, doorobiinno, marada laga sameeyo darees ka ciidamada, 3000 mitir oo ah marada adag ee laga sameeyo teendhooyinka, muraayadaha cad ceedda, 18 xabo oo muraayadaha habeenkii wax lagu duubo, saacadaha basaaska, muraayadaha wax basaasa, muraayadaha dabaasha, 20 toosh iyo baytari iyo koofiyadaha adag ee milat ariga.XIGASHO:-BBC

Kenya oo samaysanaysa warshad soo saarta tamarta nukliyeerka.

Kenya ayaa bilaabi doonta dhismaha warshad tamarta Nukliyeerka dhalisa sanadka 2027, mas’ uuliyiintu waxay ku sheegeen ballan qaadkii ugu dambeeyay ee qorshayaasha. Warshadan kunka megawaatka ah, oo dhowr sano jidka kusoo jirtay, ayaa qayb ka ah hamiga dalkani uu ugu amba qaadayo dhanka tamarta nadiifka ah iyo kordhinta tamarta. Hadalo ku saab san soo dhowaanshaha bilawga mashruuca ay aa hore loo sheegay.

Ku-simaha Agaasima ha Guud ee Wakaaladda Korontada iyo Tamarta Nukliyeerka Justus Wabuyabo ayaa u sheegay Wargeyska Business Daily ee ka soo baxa Kenya in Hay’addu ay hadda waddo qiimeyn ku aaddan goobta iyo diyaarinta diyaargarowga furitaanka qa ndaraasyada dhismaha warshadda.

Justus Wabuyabo ayaa sheegay in warshadan laga dhisi doono gobolka xeebta ee Kenya muddo lix ilaa 10 sano ah, iyadoo warshadano shaqada bilaabi doonto sanadka 2034-ka marka ugu hore ysa. Qaar ka mid ah shacabka Kenya ayaa dhale eceeyay qorshahan, iyagoo ku andacoonaya in warshad Nukliyeer ah aan loo baahnayn, isla markaana aanu dalku lahayn awood uu ku ma areeyo qashinka Nukliyeerka.

"Waxaan haysanaa kheyraad ku filan tamarta biyaha, geothermal, qoraxda, iyo dabaysha.

Waxaa ka sii daran, uma maleynayo inaan ha ysano awood aan ku hubinno badbaadada warsh adda tamarta nukliyeerka ah ama nadiifinta marka ay musiibo dhacdo,” ayuu midi ku yiri bartiisa X.

Hadda, Koonfur Afrika waa dalka kaliya ee Afri kaan ah ee soo saara tamarta nukliyeerka gana csi ahaan.Wadamada kale ee Afrika ayaa bilaab ay qorshayaal ay ku qaadanayaan tamarta nukli yeerka, oo ay ku jiraan Rwanda iyo Masar, oo hadda dhisaya warshad ku kacaysa $ 30bn $




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip