(Sawirro) Meydadka xubno ka tirsanaa Al-shabaab & Maxaabiis lagu soo bandhigay..

0
Tuesday September 26, 2023 - 17:31:21 in Wararka by
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Sawirro) Meydadka xubno ka tirsanaa Al-shabaab & Maxaabiis lagu soo bandhigay..

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ciidanka degaanka ee ka howlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa maanta weeraray koox Al-shabaab, iyagoo dilay seddax dhagarqabe, mid kalena nolosha ku qabtay sida ay sheegtay warbaahinta DF

"Sidoo kale, Mooto FEKON ah iyo ugu yaraan hal qori oo AK47 ah ayaa laga furtay kooxdaas ka tirsan Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warka ay baahisay warbaahinta DF.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka fuliyey howlgalkaas ayaa sheegay in kooxdaas oo sideed xubnood ka koobneyd ay ku baacsadeen dhulka howdka ah ee deegaanka Bulacle, isla markaana ay ku guuleystaleen inay dilaan seddax ka mid ah, halka mid kale ay nolosha ku qabteen.

Saraakiil ka kala tirsan ciidanka deegaanka, hey’adda NISA, xoogga dalka iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqorow ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo lagu soo bandhigay meydka iyo maxbuuska Khawaarijta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip