Wariye Caan ahaa oo isku bedelay Darbi jiif xaaladu xumeesay oo codsi soo diray

0
Tuesday September 26, 2023 - 21:22:13 in Wararka by
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Caan ahaa oo isku bedelay Darbi jiif xaaladu xumeesay oo codsi soo diray

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wariye caan ahaa oo u dhashay dalka Kenya kana soo shaqeeyay mid kamid ah telefishinnada dalkaasi ayaa isku bedelay derbi jiif, kaddib markii uu ka tagay shaqadii uu telefishinka u hayay.

Kimani Mbugua oo 27-sanno jir ah ayaa ahaa barnaamij soo saare katirsanaa telefishinka caanka ah ee Citizen, waxa uuna wariyahan shaqadiisa waayay sannadkii 2020-kii, waxaana xilligaasi waxii ka dambeeyay lasoo darsay xaalado adag oo dhinaca nolosha ah.

Wariyaha xaaladu ku xumaatay ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in uu haatan hoy la’aan yahay, isla markaana uu caawimaad weydiisanayo taageerayaashiisa iyo samafalayaasha kala duwan ee dadka caawiya.

Waxa uu sheegay wariye Kimani Mbugua in saddexdii sanno uu shaqo la’aanta ahaa la kulmay dhibaato badan, waxa uuna ninkan lumiyay magacii iyo sumcadii uu ku dhax lahaa saxaafada, waxa uuna isku bedelay mid hoy la’aan darbijiif ah.

XIGASHO:-

Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip