
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 23-KA SEPTEMBAR 2023-KA
Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale si kulul uga hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soo maaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Habeen hore markale si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa ay kula jirto koo xda Al-shabaab oo uu tilm aamay inuu marayo heer gabagabo, maadama laga saaray kooxda dhul baax ad leh oo ay maamuli jirtay sanadahii lasoo dhaafay.
Madaxweyne Xasan ayaa ka digay in lala mac aamilo kooxda Shabaab, isagoona xusay in Al-shhabaab dadka ay dilaan kuwa u fududeeya ay yihiin kuwa soo damiinta Shabaab ama lacagaha u qariyo qabyaalad darteed.
"Dadka damiinta Shabaab waxan sheegaya in ey yihiin dadka wax haligayo qaybna ka qaadan aya dhibaatada uu geystay qofkaas ay damiinte en sidaas awgeed waxaa loo baahan yahay in la ga fogaado, Shabaab kuwa lacagta siinaya, kuwa u qarinaya in ay ku qabiil yihiin ogaada dadka ku wa laynayo waa idinka, nin baa ku dacwoonaya aniga ayaa garanayo oo kan Shabaab ma ahan" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iney isaga fogaadaan gooba ha ay ku sugan yihiin kooxda Shabaab, isagoona ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaan ka ku bogaadiyay sida geesimada leh oo ay uga hortagaan weerarada iyo qaraxyada kooxda oo uu ku sheegay iney muujineyso sida ay uga go`an tahay ciidamada in Shabaab dalka ka xureeyaan.
Wuxuu xusay in Al-shabaab haatan aysan ji rin meel uu dhaqaale kasoo galo, islamarkaana lala xis aabtami doono cid walba oo Shabaab dhaqaalo siisa ama u qariso.
"Geed dhulka lagu beeray ee kasoo baxay ma ahan qaraxyada oo lacag baa lagu soo same eyay, Gaarigu waala soo iibiyay, biyaha lagu war eejiyay ee aanay xabbadu Karin waala soo iibi yay, qaraxa uu sido oo 12 Shey la isku daray ah waala soo iibiyay, lacagtaas qof Soomaaliyeed baa dhiibay, sidee ayuu nagu qancin karaa lacag taas ma dhiibin, qaraxyadii waa weynaa ee dadka farha badan nooga dhintay gaar ahaan Soobe dadkii bixiyay sidee ayay u dhahaan wax ma dilin ama ma sameyn” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkaan kasoo yeeray madaxwe ynaha dow ladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay aa kusoo beegm aya, iyadoo madaxweynahu uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb mudo ku dhaw laba bilood, halkaas oo uu u joogo dham eystirka wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab
Ra’iisul wasaaraha JFS oo la kulmay madax weynaha dalka Mareykanka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriy adda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Ab di Barre ayaa magaa lada New York ee xa runta Qaramada Midoob ay kula kulmay Madaxwey na ha dal ka Mareykanka Joe Bi den, oo ay ka wada hadleen xooj inta xiriirka u dhaxeeya labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweyn aha kala hadlay sidii dowladda Mareyk anka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khaw aariijta, qaadista cunaqabateynta hubka ee saar an Soomaaliya, si ciidamadeena qaranku ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.
Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mare ykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta hor umar iyo isku filnaansho dhaqaale.
IMF oo sheegtay in Soomaaliya ay buuxi say shuruudihii ku jiray hannaan ka dib-u-eegista 6-aad ee Deyn-Cafinta
Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo ay ka muuqato inay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dham maan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta.
IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo bax day shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo todd obaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowl adda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.
Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Xukumadd a Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo soo saaray qoraal kooban ayaa soo dha weeyay Warbi xinta IMF ee hannaanka dib-u-eeg ista 6-aad. Sidoo kale Wasiirka Maaliya dda ayaa balan qaaday in Dowladdu ay ka go’an tahay sii wadiidda iyo joogteynta hannaan walba oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya.
Guddoonka Baarlamaanka Federaalka oo la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh
Gudoomiyeyaasha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Feder aalka, Cabdi Xa ashi Cabdullaahi ayaa Magaalada Dhuusamar eeb kula kulmay Madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Labada Gudoomiye ay aa Dorraad mag aaladaasi u tegay dhiirigelinta Cii danka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee maleeshiyada Al Shabaab kula dagaa lamaya bartamaha dalka.
Kulanka ayaa ahaa mid ay madaxdu isa ga wareysanayeen xaaladda amni ee dal ka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.
"Guddoomiye Aadan Madoobe oo Mad axwe ynaha ku bogaadiyay doorkiisa hoga amineed ee la dagaalanka Khawaarijta ayaa tilmaamay in dadk a Soomaaliyeed leeyihiin hal cadow oo caqa bad ku ah jiritaankooda, isla-markaana ay tahay in laga ciribtiro guud ahaan dalka.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoo miye Aadan Madoobe.
Qoraalka ayaa lagu sheegay "Gudoomi yaha ayaa sheegay in Baarlamaanka Jam huuriyadda Federaalka Somaliya, oo ah metelayaasha shac abka ay si buuxda u garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga Dal ka.”
Aadan Madoobe ayaa Arbacadii bogaa diyay hawlgalka ay ciidamadu ka wadaan deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, isa goona Dowlad Gob oleedyada Koonfur Gal beed iyo Jubbaland ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan wejiga labaad ee haw lgalka.
Waa kulankii ugu horreyay ee Madaxwe yne Xasan Sheekh uu la qaato Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaal ka, tan iyo intii uu Dhuusamareeb ka dhig tay bar uu kala socdo hawlgalada Gobol ada Dhexe
R/W/raha Somaliya oo kulan la qaatay Xoghay aha Guud ee Q/Midoobey
Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Magaalada New York kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Raysal Wasaaraha ayaa António Guterres kala hadl ay xoojinta wada shaqaynta u dhaxeysa Hay’adaha Q/ Midoobey iyo DFS.
Qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay si dhow uga wada hadleen, sidii la isaga kaa shan lahaa wax ka qabashada arrimaha amniga, nabadda, horumarinta, is bedelka cimilada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.
"Raysal Wasaaraha iyo Xoghayaha ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqaynta u dhaxey sa Hay’adaha Q/M. iyo Somaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday, sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, is bedelka cimila da iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
R/Wasaare Barre ayaa Q/Midoobey kaga qay bgalay meertada 78aad ee gola ha loo dhan yah ay ee Qaramada Midoobey.
D/Soomaaliya oo dalbatay in la hakiyo wajiga 2aad ee bixitaanka ciidanka ATMIS
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka codsatay Q/Midoobay in la hakiyo qorshaha waj iga labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya ee ciidanka ATMIS.
Dalabkaan ay dowladda Soomaaliya u gudbis ay Q/Midoobay ayaa kusoo aadaya, iyadoo qor shuhu yahay in 3000 oo askari ay ka baxaan Soom aaliya dhamaad ka bisha an.
Warqad uu qoray la taliy aha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaal iya ayaa QM.looga codsaday in arrimo farsamo darteed dib loo dhigo bixista ciidanka ATMIS.
Arintaan ayaa loo sababeeyay caqabadaha dhinaca amniga ah ee wali jira iyo dagaalada ciid amada dowlada kula jiraan Al-shabaab iyo khas aarahii ciidanka xoogga dalka kasoo gaaray dag aalkii ka dhacay deegaanka Coosweyne 26-kii bishii lasoo dhaafay.
Goobaha la qorsheeyay in ciidamada ATMIS ka baxaan bishaan dhamaadkeeda waxaa ka mid ahaa Madaxtooyada Soomaaliya iyo fariisimo k ale oo ku yaala gobolada dalka.
Si kastaba ha ahaate dowlada waxay sheeg tay inuusan wax isbadal ah ku imaan doonin qor shaha ay ATMIS guud ahaan uga baxayaan dalka dhamaadka sanadka soo socda ee 2024-ka, hay eeshee haatan ay dooneyso in dib loogu dhigo bi xitaanka ATMIS ee 3000 kun ee Askari mudo 90 cisho ah.
Lama oga jawaabta Q/Midoo bay ka bixin do onto codsiga DFS oo ku soo beegmay xili ciidan ka ATMIS ay bilaabeen qorshaha dhama adka bi shan dalka uga saarayaan 3000 kun oo askari.
7aadkan gudahiisa ayay ATMIS CXDS ku wareejisay saldhigii ugu weynaa ee ATMIS ku lah eyd deegaanka Biyo cadde ee G/ Sh/dhexe.
R/wasaaraha XFS oo kulan la ye eshay W/Arr imaha Dibadda Imaaraadka Carabta
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriy adda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Car abta Shiikh Cabdullaahi Bin Zayen Al Nahyan, oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriir ka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Sooma aliya iyo Imaaraadka Cara bta.
Ra’iisul Wasaare Ham za Abdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa kalfadhiga 78-aad ee Go laha Guud ee QM oo ka socda magaalada New York waxaa uu kulama doceedya la qaatay wafuu da heerka caalami ee shirka ka soo qeyb galay.
kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qara mada Midoobe ayaa sanadkan si gaar ah loogu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee ay dejisay Qaramada Midoobay.
W/Caafimaadka XFS oo ka qeybg alay kulan u qabsoomay Wasirada C/fimadka ee Dunida
Wasiirka Caafimaadka dowladda federaalka Sooaali Dr. Cali Xaaji Aadan oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ayaa Markii labaad Ka qeyb galay kulan ay isugu tageen wasiirada caa fimaadka ee Dunida. Kulanka asi oo ka dhacay xarunta Qarma da Midoobay,waxa uu ahaa shir doceed heer sare ah ,kaas oo looga hadlay baahinta barnaamij yada kutalagal ee la xiriira Caafimaadka loo dhan yahay ee dunida.
Wasiirka Cali Xaaji Aadan oo khudbad ka jeedi yey kulankaasi ayaa ka warbixiyay xaaladaha ad ag ee ka jira dalka,gaar ahaan nuucyada cudura da faafa iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in gacan laga geysto horumarinta adeegyada caa fimaad ee ay u baahan yihiin bulshada Sooma aliyeed.
Gud. G/Banaadir oo gaaray deegaanka Daaru-nicma ee Gobolka Sh/Dhexe
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Ji mcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Shalay gaaray Deegaanka Daaru-nicma ee Gobalka Shabeelaha Dhexe,halkaasi oo loogu soo dhoweeyay si diiran.
Guddoomiyaha ayaa go ob fagaara ah kula hadlay ci idanka qaranka iyo dadka de egaankaasi,isagoo ku dhiirgaliyay sida naf hornimada leh ee ay had iyo jeer ugu taagan yihiin baacsiga Argagixisada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yusuf Mada ale waxa uu ku amaanay ciidanka qaranka ,kuwa deegaanka iyo dadka kale sida geesinimada leh ee ay uga hortageem kooxahaasi iyo dadaalka ay ku muuiyeen in khawaarijta laga sifeeyo halkaasi. Deegaan ka Daaru-nimc waxa uu ka mid yahay deegaa nada istiraatiijiga ah ee laga saaray koo xaha Khawaarijta.
Raysal wasaare Xamse oo ka hadlay khilaafka ka dhaxeeya DFS iyo madaxweynaha Puntland
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markale ka hadlay khilaafka ka dhaxeeya dowladda fedaraal ka iyo madaxweyn aha maamulka Puntland Saci id Cabdullaahi Deni, isagoona sheegay in xiriirka kala dhaxeeyo shacabka reer Puntland inuu ya hay mid wanaagsan, hayeeshee uusan garaneyn ilaa hadda waxa ay salka ku hayso tabashada uu qabo madaxweyne Deni.
Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumaddiisa ay diyaar u tahay iney xaliso tabasha kasta uu la yimaado madaxeynaha maa mulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
"Deni intuu noo yimid nama dhihin waxan ayaa qaba, waan sugeynaa intuu noo imaado inuu na dhaho waxan iyo waxan waan ayaa raba iyo wax an ayaa ka gows qabsanayaa isaga ayaa sugay naa inuu noola yimaado” ayuu yiri Raysal wasa are Xamse Cabdi Barre.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Raysal wasaareXamse inuu diyaar u yahay inuu safar ku tago Puntland si loo xaliyo wixii mad madow ah ee ka dhex jira labada dhinac, islamarkaana xukuumadii sa ay marwalba diyaar u tahay in wax walba lagu xaliyo wada hadal.
"Wax kasta oo anagu gacanta ku hayno waa u furan yihiin dowladda Puntland, diyaar ayaa u nahay in aan tagno oo xalino wixii ĺa qabo. Waxaa rajeynaynaa in walaalahayaga, gaar ahaan mad axweynaha Saciid Deni isfahano" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.
Raysal wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in xiliga ugu wanaagsan ee lala fariisan karo madax weyne Deni iney tahay marka ay dhamaadaan do orashooyinka Golayaasha deegaanka oo haatan ay ku mashquulsan yihiin madaxda maamulka Puntland.
"Doorashooyinka wixii ka dambeeya in aan iskugu imaan karno arrimaha kale ayay ila tahay, oo diyaar ayaa u nahay in aan xalino haddii Sac iid Deni uu sheegayo wax ka maqan Puntland ama isaga shaqsiyan ka maqan diyaar ayaa u na hay" ayuu yiri Raysal wasaaraha Soomaaliya Xa mse Cabdi Barre.
Hadalkaan kasoo yeeray Raysal wasaaraha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudo ku dhaw hal sano uu khilaaf adag ka dhaxeeyo Puntland iyo dowladda Fedaraalka, kasoo sababay in Puntland ay ku dhawaaqdo iney u dhaqmeyso sidii do wlad madax banaan oo kale, islamarkaana aysan ka soo qeyb galin Puntland kulam ada Golaha Wada tashiga Qaranka iyo shirarka muhiimka ah ee dhe xmara dowla dda Fedaraalka iyo dowlad gobol eedyada dalka.
Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka arrinsa day iskaashiga Amniga
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mud ane Saalax Ax med Jaamac, ayaa kulan la qaatay Guddoom iyaha Guddiga Siyaasa dda iyo Ammaanka Mid owga Yurub Dan jire Delphine Pronk oo Dorraad soo gaartay Muqdisho.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dhinac, qaab-dhisme edka qorshe-hawleedka wadajirka ah (Joint Ope rational Roadmap) iyo mustaqbalka taageerada Midowga Yurub ee amniga Soomaaliya, waxa ayna soo bandhigtay Guddoomiye Delphine in Mi dowga Yurub ay kordhiyeen tageerada dhaqaale ee ay ku kabaan Ciidamada Xoogga dalka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Jaam ac, ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Midowga Yurub uu ka qaato amniga, xas illoonida, arrimaha bani’adannimada iyo dhaqaa laha. Waxa uuna uga mahadceliyey taageerad ooda ku aaddan sidii ay Soomaaliyed dib ugu soo kaban lahayd.
Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Am maanka ee Midowga Yurub Amb. Delphine Pronk ayaa tilmaamtay baahida loo qabo in laga faa’ ideysto dardargelinta iskaashigan muhiimka ah, si loo sii horumariyo iskaashiga mustaqbalka ee am niga Soomaaliya.
Waxa ayna carabka ku adkeysay in xasilloo nida iyo horumarka nabadeed ee Soomaaliya ay san muhiim u ahayn dalka iyo dadka Soomaali yeed oo kaliya, balse ay muhiim u tahay guud aha an Geeska Afrika.
Iskaashiga Midowga Yurub iyo Soom aaliya ayaa waxaa haga Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee EU-SOM, oo la bilaabay May 2023. Iyada oo Midowga Yurub uu Soomaaliya ku maalgeliyay tan iyo sanadkii 2014-kii lacag dhan 3.5 Bilyan oo Yuuro
Cali Jeyte "Madaxweyne haddii uu madaxaada fooraro adigo madaxaada fooraro kama tagi doontid Dhuusa mareeb"
Madaxweynaha maamulka Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa Habeen hore M Dhuusamar eeb kaga qeyb galay kulan wadatashi oo looga ha dlaayay dardarga linta dagaalka ka dhanka ah Shabaab, kaasoo ay goobjoog ahayeen madaxwe yne Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoon ka la bada Aqal, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan. kulanka wadatashi ay aa ahaa mid masuul iyi inta ay is kula gorfeeyn ayeen hab ka ugu fudud ee looga adkaan karo dagaal ka lagula jiro koox da Al-shabaab.
Md. Cali Jeyte Cismaan ayaa kulanka ka shee gay in Shabaab laga adkaan karo, islamarkaana haatan aysan jirin wax dambe oo ay ku qaldi kar aan dadka Soomaaliyeed.
"Al-shabaab qofkii ugu horeeyay ee la dagaala ma ayaan ahay waxan cadeyna in laga adkaan ka ro oo wad aragteen sidaan ugu jebinay dagaaladii aan la galnay, nadaxweynaha rajadiisa aan ka dhabeyno oo meelaha yar yar ee howdka ah oo ay kaga sugan yihiin Galmudug aan ka saaro wa an ka saari karnaaye, Diintii ay ka been shegaye en qof walba wuu ogaaday beentooda"ayuu yiri madaxweynaha Hiiraan State Cali Jeyte Cis maan.
Md. Jeyte ayaa sidoo kale kulanka wadatashiga ahaa ee Habeen hore Dhuusam areeb ka qabso omay ku balan qaaday in madaxweyne Xasan Sheekh isago mada xiisa hoos u fooraaro uusan ka tagi doonin magaalada Dhuusamareeb.
"Madaxweyne waxaan balan qaadaya inaad Dhuusamareeb ka tagto adigoo madaxada kor u taagan yahay oo cadawga laga adkaaday, daga alkana waan wadeyna" ayuu yiri Cali Jayte Cisma an.Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo mada xw eynaha DFS uu mudo ku dhaw laba bilood u joo go Dhuusamareeb dardar galinta iyo dhameystir ka wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah
kooxda Shabaab.
Khilaafkii u dhaxeeyay madaxweynaha M/mulka Galmudug iyo ku xigeenkiisa oo xal laga gaaray
Khilaaf siyaasadeedkii ugu dhaxeeyay madax weynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaa riye Qoor qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ay aa ugu dambeyn xal laga ga aray.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ay aa sheegay in la dhameeyay khilaaf maalmahii dambe ka dhex taagna isaga iyo madaxweynahiisa, hayeeshee muusan shaacin waxa lagu xaliyay khilaafka.
Inta la ogyahay khilaafka labadaan masuul ayaa ahaa mid ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyey wasiirka arrimaha gudaha Galmudug iyo gudoomiy ihii degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
"Arrimahaas ma aheyn khilaaf weyn waana laga gudbay. Galmudug saddex sano iyo bar ayay dhisan tahay waa khilaafkii koowaad ee banaanka u soo ba xa, iyadana waa laga wada-hadlay haatana wax wal ba waa caadi, Waqti fiican oo waddanka wax ugu qa ban karno oo ku xoreyn karno ayaa inoo dhiman oo sanad iyo wax la jiro ah, waxaana looga gudbayaa midnimo iyo wada-jir” ayuu yiri madaxweyne ku xige enka Galmudug Cali Daahir Ciid.
Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in khilaafka labada masuul uu soo faragaliyay madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan mag aalada Dhuusamareeb, kaasoo faray labada dhinac iney dhameeyaan khilaafka dhexdooda ah, islamar kaana xiligaan aan loo baahneyn inuu khikaaf yima ado maadama dalka uu ku jiro xaalad dagaal.
Axmed Karaash oo ka qayb galay kulan looga hadlay Nabadda Adduunka
Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Md.Axm ed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Dorraad daah-fu ray Shir-sanadeedka Barashada Naba dda ee PDRC iyadoo Dorraad la xusayo Maalinta Caalami ga ah ee Nabadda addu unka oo sanad walba la xuso 21-ka Septe mber.
Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Mada xweyne Ku-xigeenka Md. Axmed Cilmi Cismaan Kar aash ayaa mad asha ka sheegay muhiimada nab addu ugu fadhido aadanaha asaga oo xusay in dad ka reer Puntland inay yihiin dad nabada ku caan ah, mar walbana loo baahanyahay in nabadda laga shaqeeyo.
Shir-sanadeedka Barashada Nabaddaee ay soo qaban qaabisay hay’adda PDRC, oo socon doo na saddex maalmood ayaa waxaa ka qeybgalay Gol eyaasha Dowladda Puntland, dadka nabada u dhaq-dhaqaa ee Soomaaliyeed iyo qeyb aha kala duwan ee bulshadu ka koob antahay.
Maxay isku af-garteen Safiirka Mareyk anka iyo Muuse Biixi?
Ku simaha safiirka safaaradda Marey kanka ee Muqdisho, Shane Dixon, ayaa soo gabagabeeyay safar uu ku tegay magaalada Hargeysa ee Somaliland.
Waxaa uu halkaas kula kulmay madax weyne Muu se Biixi Cabdi iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan maa mulkaas. Waxaa uu sidoo kale la kulmay xubno ka tirsan bulsh ada rayidka, xis biyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID iyo uru rrada siyasadeed.
Waxyaaba ay kulankooda diiradda ku saareen waxaa kamid ah, arrimaha amn iga, xuquuqda aad anaha iyo muhiimadda ay leedahay in la qabto doo rasho dimuq raaddi ah.
Mr Dixon ayaa shegay, in Mareykanku soo dhow eynayo heshiiska arrimaha doorashooyinka ee ay garwadeenka ka ahaayeen odeyaasha dhaqanka. Waxaa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in wadahadal lagu soo afjaro xiisadda Laascaanood.
Shabaabka Gobolka Mudug oo la hareereeyay iyo hawlgalka oo galay wejigii ugu dambeeyay
Wararka ka imaanaya Koonfurta Gobol ka Mudug ayaa sheegaya in hawlgalka ka socda gobolkaasi uu galay wejigiisii ugu dambeeyay ee lagu soo geba-gabeynayo joogitaankii maleeshiyada Al Shabaab ee gobolka.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maleeshiyada ka saa ray inta badan deegaanadii ay ka haysteen gobolk aasi, haatana ay ku harsan yihiin deegaano faro ku tiris ah.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii qabtay de egaanka Bacaadweyne iyo kuwii kale ee la war eegay deegaanka Cammaa ra ee isugu tegay Cam maara ay hadda cagta saareen waddada aadda dee gaanka Caad. Caad waa deegaanka ugu muhii ms an ee xilligan Shabaabka uga sugan yihiin koonfurta gobolkaasi, marka laga soo taggo deegaanka Jowle, oo hoostagga Degmada Xar ardheere.
Saraakiisha Ciidanka Xo ogga Dalka ay aa sheegay in ciidamada ku wajahan Caad ay la hawlgalayaan ci idamo kale oo ka soo socda dhinaca Xarardheere, iy adoona la doonayo in labada ciidan ay meel dhexe isugu yimaadaan, isla-markaana ay isku furaan waddada.
Saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada ka ru qaansaday Xarardheere ay tahay inay la wareegaan deegaanada Dhal wo iyo Jowle, kuwa kale ee ku socda Caad-na ay tahay inay qabtaan deegaanada Eryaal iyo Miiroon.
Sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka oo ay kaab ayaan Xerta Ahlu Sunnada Gobol ada Dhexe ee fa dhigoodu yahay Degmada Baxdo ee Gobolka Galg aduud ayaa la sheegay inay ku sii gurguuranayaan dee gaanada Dumaaye iyo Dabagalo, waana wejigii ugu dambeeyay ee gulufka ballaaran ee lagu soo afjarayo maleeshi yada Shabaabka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciida madu ay jar een waddooyinka gala deeg aanada ay Shabaabku ku sugan yihiin, isla-markaana ay deegaanadaasi ka go’doomiyeen gobolka intiisa kale.
Ilo wareedyadu waxa kaloo ay sheeg ayaan ina anay jirin cid u gudbi karta gooba haasi iyo cid kaloo hubeysan oo ka soo bixi karta, Shabaabkana ay u furan tahay inay isa soo dhiibaan amaba inay dhint aan, iyagoo dagaalamaya.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Shab aabka ay u furan tahay hal waddo, waana waddada wareegga ee Caad illaa Jowle ee tagto Degmada Galhareeri ee Gobolka Gal gaduud.
Ciidamada hareereeyay deegaanadaasi ayaa wa xaa dhanka cirka ka taageeraya diyaaradaha dagaa lka ee saaxiibada caala miga, oo door muhiim ah ka ciyaaraya istir aatiijiyadda dagaalka ee Taliska Militariga.
Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu Gobolka Mudug noqon doono, gobolkii ugu horreyay ee si dhameystiran looga saaro Al Sha baab.
Wasiir Gaboobe ayaa sheegay in ciida mada ay intaasi ka dib u gudbi doonaan dhanka Gobolka Galgaduud, si ay gacan uga gaystaan dagaalka la doonayo in Shabaabka looga kiciyo gobolkaasi.
Gulufkan ayaa waxaa door muuqda ka qaad anaya Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee fadh igoodu yahay Degmooyinka Wisil iyo Baxdo, waana Xerta Ahlu Sunna oo ciidamada ka caawisay dagaal adii ay Sabtidii iyo Axaddii Shabaabka kaga saar een deegaanada Qodqod iyo Bacaad weyne. Shaba abka ayaa deegaanadaasi ka sameeyay iska caabin xoogan, oo ay ku doonayeen in ay ku difaacdaan, balse ay ku hungoobeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamu ud oo ku foogan dagaalkan ay tahay in la gu wiiqo Al Shabaab ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka samey stay bar uu kala socdo hawlgalada.
Madaxweynaha ayaa la tilmaamay in waqtigiisa uu iminka ku bixinayo isku dub aridka iyo darda rgelinta hawlgalka militari ay ciidamadu ka wadaan bartamaa dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wa cad ku mar ay in dowladdiisu ay ka adkaan doonto Shabaabka, ka dib lix iyo toban sano oo ay dalka ka dagaal amayeen.
Mareykanka oo kordhiyay lacagaha dul saaran madaxa hoggaamiye ka tirsan Al-shabaab
Dowladda Mareykan ka ayaa kordhis ay lacaga ha dul saaran madaxa Cabdullaahi Cismaan Max amed oo loo garasha ogyahay Injineer Ismaaciil Dhagacade oo kooxda Al-shabaab u qaabilsan farsamada qaraxyada, islamar kaana ah madaxa qeybta Warfaafinta Al-kataa'ib.
Mareykanka oo ninkaan mudo aad u dheer ra adinayo ayaa ka dhigay lacagaha madaxiisa saaran Cabdullaahi Cismaan Dhagacade 5 Milyan oo doolarka Mareykanka ah.
Ninkaan ayaa la tilmaamay inuu sanadkii 2020-kii ka badbaaday weerar aanan lagu guuleysan oo ciid amo Soomaali ah iyo kuwa Amerikaan ah ay ku qaa deen deegaanka Gandarshe oo uu ku sugnaa xiligaas.
"Maxamed, oo sidoo kale loo yaqaano Injineer Ismaaciil, waa khabiirka sare ee dhanka sameynta walxaha qarxa u qaabilsan kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab. Waxaa uu sidoo kale la taliye u yahay hoggamiyaha al-Shabaab Axmed Diiriye, isla mrkana waa hogaamiyaha waaxda warbaahinta u qabailsan al-Shabaab ee loo yaqaanno, al-Kataib” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda Mar eykanka.
Si kastaba ha ahaatee Cabdullaahi Cismaan Dhegacadde ayaa horay uga soo shaqeeyay qeybta Farsamada ee xafiiska Telefishinka Al-Jazeera ee xaruntiisa magaalada Muqdisho sanadihii 2005 illaa 2009-kii, waxuuna hada ka ka mid ah yahay ragga Mareykanka uu sida weyn u raadinayo.
Waxaa xusid mudan in dowladda Mareykanka ay sidaan oo kale tiro dhowr jeer oo hore lacago Mala ayiin doolar ah ay u duldhigtay qaar ka tirsan hogga amiya asha kooxda Al-shabaab.
Madaxweynaha Rwanda oo sheegay in markii 4aad u tartami doono, Xilka dalkaasi
Madaxweynaha Rwanda oo shaaciyey inuu mar kii Afaraad tartami doono, iskana laalay eedeymaha Reer Galbeedka
Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagame ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Murashax ka qeyb geli doono Doorashada Madaxtinimada ee la qaban doono sanadka soo socda ee 2024-ka.
Madaxweynaha 65-jirka ah waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu Dorraad siiyey Warbaahinta Toddob aadlaha ee Jeune Afrique oo Xarunteeda Dhexe ku taallo Caasimadda dalka Fara nsiiska ee Paris.
Mar wax laga weydiiyey Aragtida dalalka Reer Galbeedka ku naqdinayaan Isbedelka Dastuurka dal ka Rwanda ee Xil-haynta Madaxweynaha iyo Xilli-kordhinta Xukunkiisa, waxa uu si kulul u yiri: "Waxa ay Reer Galbeedka ka fekerayaan ma aha Dhibaata dayda”.
Madaxweyne Paul Kagame waxa uu Xilkaasi hayey tan iyo sanadkii 2000, iyadoo dib loo doortay Doorashadii Madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday sanadkii 2017-kii, isagoo Cod-bixintaasi ka helay in ka badan 98%.
MAXKAMAD KU TAAL AMESTERDAM OO GO’AAN KA GAARAYSA DACWADII MASJID QUBA & TAAGERAYAA SHA SHEEKH SULDAAN GASLE OO..
Maxkamad ku taal M/Amsterdam ee dalka Netherland, ayaa la filayaa in go’aan kama dambeys ah ey ka soo saarto billaha soo socda kiis dacwad eed u dhexeeya guddigii maamulka MASJID QUBA oo ah masjid dhismihiisa ay Soomaalidu qeyb weyn ka qaadatay, kuna yaal Magaalada Amsterdam.
Dacwaddan, oo muddo ka badan 2 sanno soo jiitameys ay ayaa u dhexeysay Guddo omiyihii guddiga maamulka masjidka & Iimaamkii masj idka Sheekh Suldaan Gasle & 2 xubnood oo guddiga masjidka ka tirsanaa [Sheekh Ibraahim oo loo yaqaan Abuu-Khadiija & Guuleed Weyrax].
Khilaafkan, oo ay ku soo baxeen waxgarad Soo maali ah oo Netherland ku dhaqan & culumaa’udiin ayaa soo maray maraaxilo kala duwan, iyada oo marxaladihii uu soo maray ay ka mid aheyd:-
1) Markii uu khilaafku billowday waxaa isku saf no qday 2-dii xubnood oo guddiga ka tirsanaa & xubn ihii kale ee qaadumka ka ahaa masjidka.
2) Waxaa dhinac noqday Guddoomiyihii Guddiga & Iimaamkii Sheekh Suldaan Gasle & qaar ka mid ah Jamaceedadii masaajidka, ee ku xirnaa duruustii uu bixin jiray & dad Soomaali ah.
3) Sheekh Suldaan Gasle, oo howl-maalmeedkiis aa ku jira, ayaa ciidamo boolis ah loogu yeeray masjidkana bannaanka lagaga saaray.
4) Soomaali, meel kasta oo ay joogto way ka car oodeen ihaanadii Sheekha ey kula dhaqmeen ragga masjidka ku haray, oo ahaa ardaydii uu macalinka u ahaa.
5) Guddi isugu jira culumaa’udiin & odayaal muct arif ah ayaa khilaafka ku soo baxay. Markii ay la kul meen 2da dhinac way u qoor-dhiibteen, waxaanna la gu balamay in wixii guddigaasi ay soo saaraan in ay ku qancaan. Inkastoo Sheekh Suldaan uu qaadacay dhexdhexa adnimada guddigaasi intii aysan soo sa arin go’aankooda kama dambeysta ahaa. Go’aankii ay guddigaasi soo saareen waxey eeda khilaafka masjidka dusha ka saareen Sheekh Suldaan Gasle.
6) Guddi kale oo si iskood ah isu xilqaamay, fa dhigooduna ahaa Amsterdam ayaa la kulmay raggii masjidka ku haray, waxeyna weydiisteen in ay 2da dhinac dhexdhexaadiyaan, hasse ahaatee xubnihii masjidka ku haray way diideen dhexdhexaadintaas.
Markii ergooyinkii Soomaalida ahaa, ay ku fashil meen in ay natiijo ka gaaraan khilaafka masjidka, wa xaa soo ifbaxday war sheegaya in mid ka mid ah 2dii daraf inuu dacwad geeyay maxkamad ku taal Amst erdam, iyada oo maxkamadii dacwadda furtay ay ma xkamad kale u sii gudbisay, waxaanna la filayaa in dhowaan in go’aan kama dambeys ah ay soo saarto maxkamadda. Taageerayaasha Sheekh Suldaan, ayeey booli sku ruqsad u siiyeen in Sheekhu mas jidka tegi karo, kaddib markii raggii masjidka ku har ay ku guul-dareysteen in ay ka saaraan nidaamka dii waangelinta sharciga ah ee (KVK) oo Sheekh Sulda an ku qoran yahay inuu yahay Guddoomiyaha guddi ga maamulka masjidka.
Haddaba, iyada oo ay soo baxayaan warar sheeg aya in Sheekha & taageera yaashiisu ey maalmaha soo socda ku wajahan yihiin masjidka, ayaa dad bad ani ey walaac ka muujinayaan arrintaasi, waxaana su’aalaha la isweydiinayo ka mid ah; Haddii She ekha & taageerayaashiisu ay masjidka tagaan waxa dhici kara.?
Qaar ka mid ah dadka masjidka ku xiran oo ka ga absaday in magacooda la xuso, ayaa aragtidooda ka dhiibtay halka ay xaaladu mareyso. "Tuduc ku jirtay Gabay uu tiriyay AUN Qamaan Bulxan, ayaa waxaa ku jirtay, "Baadida nin baa kula daydaya daalna kaa badane, aan doonahayn in aad heshana daa’in abi dkaaye, dadkuna moodi duul wada dhashaan wax u dahsoonayn” Sheekha waxaa habsaamiyay oo waqt igii ka qaaday raggan yiri, qaaraan baan ku uruurine ynaa, oo dacwad ayaa fureynaa, ee na sug, waxna uma aysan hayne way hurdisiinayeen; Qaarkood wa xeey isku xiran yihiin oo ay hoos kala socdaan ragga masjidka jooga, marka Sheekha waxaa u kheyr roon waa la dulmiyay, oo ardaydiisii baa dulmisaye ha sa bro, oo kiisa dacwadda ha xiro. Ragga Sheekha dul miyay na waxaan leeyahay magacyada ALLE waxaa ka mid ah; AL-CADLU, oo macnaheedu yahay in ALLE uu caadil yahay, dambigaas aad waddaadka ka gasheen ama ha soo daaho ama ha soo degdego mar wuu iman” Ayuu yiri mid ka mid ah Jameecada masjidka, kana gaabsaday inuu magaciisa xuso, wu xuuna xusay inuu aad kaga careysaysan yahay sida ay ragga masjidka ku haray Sheekha ula dhaqmeen, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in cadowtinima da ay Sheekha u qabaan gaarsiisay ilaa heer muxaa daro oyinkii Sheekha ee ku jiray bogga Youtu be-ka masjidka laga saaro.
"Maslaxada masjidka ayaa ka weyn tan Shee kha. Waxaan u arkaa qalad in la xagxagto ama laga been sheego ragga masjidka u qidmeynaya. Maxaa isku af ka dhigay guddigii culimada & aqoonyaha na da ahaa ee tilmaamay Sheekha qaladk iisa & culim adii kale ee adduunka dacalad iisa joogtay ee taage eray ragga masjidka ku haray.? Hadduu Sheekh Sul daan Gasle saxnaa maxaa loo waayay Sheekh ama waddaad muctarif ah oo soo garab joogs ada.? An iga waxaan u arkaa arrinta masjid ka in ay soo dham aatay, balse ay jiraan dad iska hadlaya, oo aan wax ba la socon” Ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada masjidka ku xiran, isaga oo intaasi ku daray in mas jidkaasi ay ka faa’ideystaan kumanaan kun oo dhalin yaro & caruur Soomaali ah oo ku bartay culuunta is laamiga ah.
Poland oo ku dhawaaqday go’aan wadn aha goo yey Ukraine (Maxaa soo kordhay)
Maraykanka ayaa Khamiistii sheegay in Poland ay weli sii ahaan doonto saaxiibka dhow ee Ukraine, ka dib markii dalka Poland uu ku dhawaaqay inaa nay jiri doonin hub iyo rasaas dheeraad ah oo loo di ro Kyiv, xilli ay sare u kacday xiisadda u dhexeysa la bada dal ee salka ku haysa dhinaca dhoofka wax soo saarka beeraha.
La taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad ee Maraykanka Jake Sullivan ayaa isagu hoos u dhigay xiisadda u dhexeysa labada dal.
"Markii aan subaxnimadii hore akhriyey qodoba da wararka ugu waaweyn, runtii waan werweray, wa xaana i horyimi su’aalo kala geddisan. Hase ahaatee waxaan markiiba arkay afhaye enka xukuumadda Poland oo ar rintan faahfaahiyey, isla markaa na caddeeyey mowqifka Wars aw, oo ah inay sii wadayaan, is la markaana ay weli garab taagan yihiin Ukraine” ayuu sheegay Sullivan.
Ra’iisal wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki oo arbacadii la weydiiyey taageerada dalkiisa ee Ky iv ayaa sheegay inaan wax hub ah oo cusub loo diri doonin Ukraine.
"Wax hub ah oo cusub u diri mayno Ukraine, sab abtoo ah, haatan annaga ayaa isku hubaynayna hub ka ugu casrisan” ayuu u sheegay Polsat News.
Warsaw ayaa markii dambe faahfaahis ay arrn tan iyaga oo sheegay inay sii wadayaan gudbinta hu bka iyo rasaasta, qaybta ka ahaa heshiisyadii hore loo gaadhay.
Murankan u dhexeeya labada dhinac ayaa soo bil aabmay ka dib markii dalalka Poland, Hungary iyo Slovakia ay qaateen go’aano iskood ah oo mamnuu cis ugu soo rogayaan in la soo dhoofsado cuntooyin ka ka soo go’a beeraha Ukraine, ka dib markii uu dhamaaday xannibaadii Midawga Yurub.Isha: VOA
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaat umo oo Magacaabay taliye ciidan
Hoggaamiyaha Golaha Fulinta Maa mulka SSC-Khaatumo, Md. Cabdiq aadir Ax med Aw-Cali ayaa Taliyaha Ciidan ka Xasillinta Amn iga Magaalada Laascaanood u ma gacaabay G/le Siciid Xasan Faarax. "Hoggaami ye Cabdiqaadir oo mudnaa nta kowaad siinaya amm iga iyo xasilloon ida Laascaanood ee Caasimadda SSC-Khaatumo iyo guud ahaan dee gaan ada SSC ayaa ku soo xulay Gaashaanle Sic iid Xasan Faarax aqoonta iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay hogg aaminta, sugidda iyo hawlaha la xiriira xasillinta” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay maa mulka Khaatumo SSC.
Taliyaha iyo Ciidanka Xasillinta Amma anka M/ Laascaanood ayuu Hogg aamiyuhu faray in ay si da acad ah, hawl-karnimo ku dheehan tahay u gutaan waajib aadka loo igmaday.
Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabd iqaadir Axmed Aw-Cali ay aa Dhinaca kale faray Ciidanka Xasillinta Amniga M/ Laascaanood inay si daacadnimo ah, hawl-karnimo ku dheehan tahay u gutaan saddexda waajibaad ee loo igmaday, kuwaasoo kala ah; Xasillinta amniga gud aha magaalada iyo baraha magaalada laga soo galo, la dagaalanka maandoor iyaha iyo suulinta hubka aan ammaanka ka shaqeyneyn ee Magaal ada lagu dhex sito.
Madaxweynaha Ukrine oo helay $128mn xilli uu booqday Mareykanka
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ay aa booqashadiisii labaad ku tagay magaalada Washi ngton ee dalka Mareykanka, tan iyo markii ciidama da Ruushka ay duullaan ballaaran ku qaad een dal ka Ukrine.
Madaxweynaha Mareykan ka Joe Biden oo Khamiistii isa ga iyo golahiisa wasiirada la ku lmay Ma daxweynaha Ukrine ay aa ku dha waaqay ama iftiimiy ay kaalmo cusub oo militari, oo ku kacaysa $128m. Kaalmada mileteri ee uu hadda bixiyay mar eykanka madaafiic badan, rasaas badan, hub badan iyo taangiyada Abraham oo Toddobaadka soo soc da, la xaqiijiyay in Maraykanka uu geyn doonaa Ukraine.”Madaxweynaha Ukrine Volodymyr Zelen skyy ay aa u mahadceliyay madaxda Mareykanka oo garab istaagay dalkaasi mudada 575-ta maalm ood ee ay ku iraan dagaalka tan iyo markii uu Ruushku uu kuduulay dalkaasi sanadkii 2022.
Dowlad Afrikaan ah oo loogu deeqay lacag dhan 127 Milyan dollar oo loogu tala galay…
Golaha M/YURUB waxay Dorraad oo Jimco ah shaaciyeen inay Dowladda Tunisia ugu deeqeen La bo Xirmo Lacag eed oo wadar ahaan dhan 127 mil yan oo Dollar
60 milyan oo Dollar waxaa loo qoond eeyey Taag eerada Miisaaniyada (Bud get support), halka 67 mil yan oo kalena lagu Taagee rayo Fulinta Is-Faham u dhexeeya Midowga Europe iyo Dowladda Tunisia (the implementation of the memorandum of understan ding ). Afhayeenada Golaha Europe, Ana Piso nero ayaa sheegtay in Taageerada Xirma da Koowaad ee Taageerada dalka Tunisia uu noqon doono Qanda raas oo degdeg loo bixin doono, iyadoo Asaas looga dhigayo Iskaashiga dhow ee 2da dhinac ee La-da ga alanka Shabakadaha Tahriibinta Sharci-darada ah.
D/Talyaaniga ayaa door muhiim ah ka qaa datay meel-marinta Heshiiska Is-Fahamka ee M/Yurub iyod /Tunisia, si Kharajkaasi loogu bedesho Xakam eynta Qulqulka Muhaajirii nta ka shira acda Xeebaha dalka Tunisia, una soo tahriiba Jesiirada Lampedusa
ee dal ka Talyaaniga.
BOGGA CIYAARAHA:----TARTANKA KOOBKA ADDUUNKA: XULKA SOO MAALIYA IYO 5 DAL OO AY ISKU BEEGMAYAAN.
Xulka Kubadda Cagta Qaranka ee Soomaaliya ayaa ku jira diyaar garow iyo tababar xoog badan si ay isugu diyaariyaan ciyaaraha isreebreebka koobka adu unka ee 2026 ka dhacaya Qaaradda Woqooyiga Ameerika.
Kooxaha Qaramada Afrika ayaa bisha Nofeembar ee sannadkan bilaabi doona tartanka isreebreeb ka koobka aduunka, halkaas oo kuwa soo baxa ay u socdaali do onaan Maraykan ka, Canada iyo Mexico oo si wada jir ah u qaba na ya kulamada koobka aduunka ee 2026.
Heshiiska wuxuu dhigayaa in Rachid Lousteque uu layliyo kooxda qaranka ilaa iyo 2025.
5 Luulyo 2022 ayuu heshiis hore ula galay xiriirka soomaaliyeed ee Kubadda cagta. Talaabadan ayaa loo arkayey mid la doonayo in lagu xoojiyo awoodda iyo xirfadda kooxda xulka kubadda cagta ee Soomaaliya.
Xulka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa kulamo tijaaba ah la ciyaaraya kooxo ajaaniib ah sida uu sheegay weriye Max amed Cumar Baakay oo ka faalooda ciyaaraha.
"Sannadihii u dambeeyay kubadda cagta Soomaaliya, kor bay usii socotay,” ayuu yiri baakay oo sheegay in isbadde llo badan la arkayey Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaar garow adag oo kooxda xulka Qaranka Soomaaliya iyo xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ay wadaan si ay uga rumeeyaan riyada ah in Soomaaliya markii u horeysay usoo baxdo koobka aduunka.
Tababaraha reer Morooko ee xulka qaranka Kubadda cagta ee Soomaaliya Rachid Lousteque ayaa bishoo Agoosto heshiis cusub oo laba sano ah la galay xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya. Rajo intee dhan ayey leedahay Soomaa liya? Qaaradda Afrika waxaa koobka aduunka usoo bixi jiray shan kooxood oo kaliya, balse ka dib markii uu dhacay koobkii aduunka ee u dambeeyay ee ka dhacay dalka Qatar, waxaa la kordhiyay tirada xulalka Qaranka ee qaaradda Afr ika ugasoo bixi kara koobka xiga ee 2026.
Waxaa lagu daray afar kooxood oo dheeri ah taas oo tirada markan ka dhigaysa 9.Sidaas dated waxaa loo qaybiyey xulalka qaramada Arika 9 qayb ood (gr oup) oo midkiiba ay ka kooban tahay 6 koox qarameed.
Qayb waliba si gaar ah ayey u tartamaysaa gudaheeda waxaana koobka aduun ka usoo baxaya kooxda gasha kaalinta kowaad ee qaybtaa.
Soomaaliya waxay isku qayb (group) yihiin dalalka Algeria, Uganda, Guinea, Mozambique iyo Botswana.Saas darted waxaan eegaynaa rajada ay Soomaaliya ka leedahay in ay qaybtan kasoo dhex baxdo si ay markeedii u horeysay ugusoo baxdo koobka kubadda cagta ee aduunka.
Aljeria:………Xulka kubadda cagta qaranka ee Algeria wuxuu ka mid yahay ku wa ugu adag qaaraddan Afrika.Dalalka woqooyiga Afrika sida Masar, Algeria, Tunusia iyo Moroko oo iyadu wacdaro ka dhigtay koobkii aduunka ee 2022 Qatar ka dhacay, ayaa ah koo xaha ugu ciyaaraha wanaagsan isla markaana ku tartama kaalmaha ugu sareeya ee tartamada qaaradda Afrika.
Aljeria waxay koobka qaramada Afrika ee kubadda cagta hanatay laba jeer oo kala ah 1990 iyo 2019, halka ay koobka aduunka usoo baxday 4 jeer oo kala ah 982, 1986, 2010 iyo 2014.
Kooxdani way adag tahay si guud waana kooxda ugu adag qaybta ay Soomaaliya ku jirto, balse hadii ay nasiib u yeelato in ay kooxdan meel saarto, waxaa sare u kacaya rajada Soomaaliya ee ah in ay usoo baxdo koobka kubadda cagta aduunka ee 2026.
Uganda:
Xulka kubadda cagta qaranka ee Uganda ayaan weligiis usoo bixin koobka aduunka.
Kooxda xulka qaranka Ugand waxay 1dii may 1926 ciy aarteedii ugu horreysay la gashay Kenya oo barbardhac 1-1 ah ay ku kala bexeen.Waxa ay u soo baxday markii ugu horeysay koobka qaramada Afrika 1962-dii, waana koobkii seddexaad ee tartanka, oo ay ciyaarayeen 4 kooxood oo kaliya.Waxaa lagu reebay nus dha maadka.Waxa ay dib ugu soo laabatay koobka qaramada Afrika 1974-kii, hal kaas oo lagu reebay wareegii koowaad ka dib 2 guuldaro oo ay kala kulmeen Ma sar iyo Zambia halka ay barbaro la galeen Ivory Coast.Waxaa lagu reebay ware egii koowaad ee koobkii qaramada Afrika ee 1976-kii, waxaana garaacay Itoo biya, Masar iyo Guinea.
Koobkii qaramada Afrika ee 1978dii, waxa ay Uganda ku dhamaysatay kaalin ta labaad ee wareega group-yada iyagoo ka badiyay Congo (3–1) iyo Morocco (3–0) waxaana 3-1 ku garaacday Tunisia.Nu dhamaadka waxa ay ku reebtay Nigeria (2–1) halka iyadana laba iyo eber ay Ghana kaga qaaday koobkii. 2017 waxa ay mar kale u soo baxday Koobka Qaramada Afrika 39 sano ka dib.Waxa ay ku dhammaysatray tartanka wareegii koowaad ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Ghana iyo Masar halka ay barbaro 1-1 ah la galeen Mali.Kooxdani uma adka sida Aljeria wallow ay haysato taariikh ciyaareed oo ka wanaagsan tan xulka Soomaaliya.
Mozambique:Kooxda kubadda cagta ee xulka qaranka Mozambique waxay koobka qaramada Afrika usoo baxday afar jeer oo kala ah 1986, 1996, 1998 iyo 2010, hase yeeshee weli umasoo bixin koobka aduunka.
Guinea:
Kooxdani waligeed uma soo bixin Koobka Adduunka ee FIFA, laakiin waxay u soo baxeen Koobka Qaramada Afrika afar jeer, Kooxdu waxay soo gaadhay afar dhama adka afartii tartan ee u dambeeyay (2004, 2006, 2008 iyo 2015).Kooxda ayaa qarankeeda ku matasha FIFA iyo xidhiidhka kubbada cagta Afrika (CAF) labadaba.
Sannadkii 2001, FIFA waxay dalka ka saartay isreeb-reebka Koobka Adduunka 2002 iyo Koobka Qaramada Afrika sababo la xidhiidha faragelinta dawladda ee kubbadda cagta.Waxay dib ugu soo laabteen ciyaaraha caalamiga ah Sebte mbar 2002 ka dib laba sano oo laga mamnuucay tartanka.
Botswana:
Dalkan iyo Soomaaliya oo kaliya ayaan weligood usoo bixin koobka qarama da Afrika iyo koobka aduunka midna.
Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 jirka ayaa sannadkii 2022 soo dheelmiyey koobkii qaramada Afrika oo ay lasoo ciyaareen kooxo adadag. Rajada laga qabo in Soomaaliya ay usoo baxdo koobka aduunka ayaa ah in ay la ciyaari doonto oo kaliya 5 kooxood iyo in diyaar garow xama asadaysan ay Soomaaliya ugu jirto kusoo laabashada saaxada kubadda cagta.
XIGASHO:- BBCSomali
Xisbiga Jamhuuriga oo bilaabay qorshe xilka looga xayuubinayo Madaxweyne Biden
Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada ee Maraykanka ay aa lagu wadaa inay toddobaadka soo socda qabtaan fadhigii ugu horreeyey ee lagaga hadlayo, xil ka qaadista madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.
Maadaama ay haystan aqlabiyad aad u yar, waa arrin aad u adag inay meel mariy aan xubnaha xisbiga Jamhu uri gu, mo oshinka ka dhanka ah madaxweyne Biden, kaas oo haddii ayba ansixiyaan ay maxk amadayntiisu ka dhacayso aqalka sare ee Senate-ka.
Guddida Kormeerka ee aqalka wakiil lada ayaa la filayaa inay Khamiista dam be lafaguraan eedaha loo jeediyey Biden ee ku aaddan, inuu si khaldan u adee gsaday xilkiisa, xilligii uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, isaga oo taageero u fidiyey ganacsiyada shisheeye ee wiilkiisa Hunter uu ku lug lahaa.
Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa sidoo kale ku eedeeyey Biden, inuu u ade egsaday xafiiskiisa inuu xidhiidhiyo deda aladaas iyo inuu ka ilaaliyo wiilkiisa in baa dhitaan lagu sameeyo.
Guddiyo kala duwan oo ay hoggaamiy aan xisbiga Jamhuuriga ayaa muddo bilo ah, waxay siyaabo kala duwan u baadheen eedahaas, hase ahaatee may celin cadday mo ku filan oo taageeraya sheegashooyink ooda.
Jerry Nadler oo ah mudane ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga isla markaana xubin ka ah guddida garsoorka ayaa sheegay in xubnaha xisbiga Jamhuurigu in ay lacago badan oo ay leeyihiin cashuur bixiyaya ashu inay u adeegsadeen baadhisyo kala duwan oo aan sal iyo raad toonna lahayn, kuwaas oo ka dhan ah Biden iyo qoyskiisa.Isha:VOA
Basaas u Shaqeynayay D/Itoobiya oo la gu Xiray Mareykanka
Qandaraasle kasoo shaqeeyey Waaxda Arrimaha Dibedda iyo tan Cadaaladda ee Mareykanka ayaa loo xiray eedeymo ku saabsan inuu u basaasay dal kale, oo la rumeysan yahya inuu yahay Itoobiya.
Abraham Teklu Lemma, oo ah muwaadin 50 jir Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya, ayaa la xiray 24-kii August, waxaana lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu sirta difaaca qaranka siiyey dowlad shisheeye, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda.
Dacwad dambiyeedka ka dhanka ah Lemma, oo degan magaalada Silver Spring ee gobolka Maryland, kaasi oo boggiisa LinkedIn ku qoray inuu yahay taxliiliye teknoolajiyad, ayaa waxaa shaaca laga qaaday Jimcaha Dorraad ah.
Bayaanka ay ku sheegtay xarriga Lemma, Waaxda Cadaaladda kuma xusin dalka uu u basaasayey, hase yeeshee waregeyska New York Times iyo warbaahinta kale ee Mareykanka ayaa dalkaas ku sheegay Itoobiya.
Sida ku xusan dukumenti uu qoray dambe-baare ka tirsan FBI-da, Lemma ayaa dhaq-dhaqaaqyadiisa basaasnimo fuliyey intii u dhaxeysay December 2022 iyo August 2023, isaga oo kumanaan dollar oo kaash ah ku shubtay akoonada bankiyo ku yaalla aagga caasimadda Washington DC. Lemma ayaa akhbaar sir culus ah ka min guuriyey daraasiin warbixino sirdoon ah oo yaalla Waaxda Arrimaha Dibedda, wuxuuna siiyey "sarkaal ku xiran sirdoonka dal shisheeye,” isaga oo ku diraya aalad la isugu diro fariimaha sirta ah.
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 23-KA SEPTEMBAR 2023-KA
..