Tartanka koobka Adduunka: Xulka Soomaaliya iyo shan dal oo ay isku beegmayaan.

0
Friday September 22, 2023 - 18:45:35 in Wararka by
  • Visits: 1477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartanka koobka Adduunka: Xulka Soomaaliya iyo shan dal oo ay isku beegmayaan.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Kooxaha Qaramada Afrika ayaa bisha Nofeembar ee sannadkan bilaabi doona tartanka isreebreebka koobka adduunka, halkaas oo kuwa soo baxa ay u socdaali doonaan Maraykanka, Canada iyo Mexico oo si wada jir ah u qabanaya kulamada koobka aduunka ee 2026.

Heshiiska wuxuu dhigayaa in Rachid Lousteque uu layliyo kooxda qaranka ilaa iyo 2025.

5 Luulyo 2022 ayuu heshiis hore ula galay xiriirka soomaaliyeed ee Kubadda cagta.

Talaabadan ayaa loo arkayey mid la doonayo in lagu xoojiyo awoodda iyo xirfadda kooxda xulka kubadda cagta ee Soomaaliya.

Xulka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa kulamo tijaaba ah la ciyaaraya kooxo ajaaniib ah sida uu sheegay weriye Maxamed Cumar Baakay oo ka faalooda ciyaaraha.

"Sannadihii u dambeeyay kubadda cagta Soomaaliya, korbay usii socotay,” ayuu yiri baakay oo sheegay in isbaddello badan la arkayey.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaar garow adag oo kooxda xulka Qaranka Soomaaliya iyo xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ay wadaan si ay uga rumeeyaan riyada ah in Soomaaliya markii u horeysay usoo baxdo koobka aduunka.

Tababaraha reer Morooko ee xulka qaranka Kubadda cagta ee Soomaaliya Rachid Lousteque ayaa bishoo Agoosto heshiis cusub oo laba sano ah la galay xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya.

Rajo intee dhan ayey leedahay Soomaaliya?

Qaaradda Afrika waxaa koobka adduunka usoo bixi jiray shan kooxood oo kaliya, balse ka dib markii uu dhacay koobkii adduunka ee u dambeeyay ee ka dhacay dalka Qatar, waxaa la kordhiyay tirada xulalka Qaranka ee qaaradda Afrika ugasoo bixi kara koobka xiga ee 2026.

Waxaa lagu daray afar kooxood oo dheeri ah taas oo tirada markan ka dhigaysa 9.

 

Sidaas dated waxaa loo qaybiyey xulalka qaramada Arika 9 qaybood (group) oo midkiiba ay ka kooban tahay 6 koox qarameed.

Qayb waliba si gaar ah ayey u tartamaysaa gudaheeda waxaana koobka aduunka usoo baxaya kooxda gasha kaalinta kowaad ee qaybtaa.

Soomaaliya waxay isku qayb (group) yihiin dalalka Algeria, Uganda, Guinea, Mozambique iyo Botswana.

 

Saas darted waxaan eegaynaa rajada ay Soomaaliya ka leedahay in ay qaybtan kasoo dhex baxdo si ay markeedii u horeysay ugusoo baxdo koobka kubadda cagta ee aduunka.

Aljeria:

Xulka kubadda cagta qaranka ee Algeria wuxuu ka mid yahay kuwa ugu adag qaaraddan Afrika.

 

Dalalka woqooyiga Afrika sida Masar, Algeria, Tunusia iyo Moroko oo iyadu wacdaro ka dhigtay koobkii aduunka ee 2022 Qatar ka dhacay, ayaa ah kooxaha ugu ciyaaraha wanaagsan isla markaana ku tartama kaalmaha ugu sareeya ee tartamada qaaradda Afrika.

Aljeria waxay koobka qaramada Afrika ee kubadda cagta hanatay laba jeer oo kala ah 1990 iyo 2019, halka ay koobka aduunka usoo baxday 4 jeer oo kala ah 982, 1986, 2010 iyo 2014.

Kooxdani way adag tahay si guud waana kooxda ugu adag qaybta ay Soomaaliya ku jirto, balse hadii ay nasiib u yeelato in ay kooxdan meel saarto, waxaa sare u kacaya rajada Soomaaliya ee ah in ay usoo baxdo koobka kubadda cagta aduunka ee 2026.

Uganda:

Xulka kubadda cagta qaranka ee Uganda ayaan weligiis usoo bixin koobka aduunka.

Kooxda xulka qaranka Ugand waxay 1dii may 1926 ciyaarteedii ugu horreysay la gashay Kenya oo barbardhac 1-1 ah ay ku kala bexeen.

 

Waxa ay u soo baxday markii ugu horeysay koobka qaramada Afrika 1962-dii, waana koobkii seddexaad ee tartanka, oo ay ciyaarayeen 4 kooxood oo kaliya.

 

Waxaa lagu reebay nus dhamaadka.

Waxa ay dib ugu soo laabatay koobka qaramada Afrika 1974-kii, halkaas oo lagu reebay wareegii koowaad ka dib 2 guuldaro oo ay kala kulmeen Masar iyo Zambia halka ay barbaro la galeen Ivory Coast.

 

Waxaa lagu reebay wareegii koowaad ee koobkii qaramada Afrika ee 1976-kii, waxaana garaacay Itoobiya, Masar iyo Guinea.

Koobkii qaramada Afrika ee 1978dii, waxa ay Uganda ku dhamaysatay kaalinta labaad ee wareega group-yada iyagoo ka badiyay Congo (3–1) iyo Morocco (3–0) waxaana 3-1 ku garaacday Tunisia.

 

Nu dhamaadka waxa ay ku reebtay Nigeria (2–1) halka iyadana laba iyo eber ay Ghana kaga qaaday koobkii.

2017 waxa ay mar kale u soo baxday Koobka Qaramada Afrika 39 sano ka dib.

 

Waxa ay ku dhammaysatray tartanka wareegii koowaad ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Ghana iyo Masar halka ay barbaro 1-1 ah la galeen Mali.

Kooxdani uma adka sida Aljeria wallow ay haysato taariikh ciyaareed oo ka wanaagsan tan xulka Soomaaliya.

Mozambique:

Kooxda kubadda cagta ee xulka qaranka Mozambique waxay koobka qaramada Afrika usoo baxday afar jeer oo kala ah 1986, 1996, 1998 iyo 2010, hase yeeshee weli umasoo bixin koobka aduunka.

Guinea:

Kooxdani waligeed uma soo bixin Koobka Adduunka ee FIFA, laakiin waxay u soo baxeen Koobka Qaramada Afrika afar jeer, Kooxdu waxay soo gaadhay afar dhamaadka afartii tartan ee u dambeeyay (2004, 2006, 2008 iyo 2015).

 

Kooxda ayaa qarankeeda ku matasha FIFA iyo xidhiidhka kubbada cagta Afrika (CAF) labadaba.

Sannadkii 2001, FIFA waxay dalka ka saartay isreeb-reebka Koobka Adduunka 2002 iyo Koobka Qaramada Afrika sababo la xidhiidha faragelinta dawladda ee kubbadda cagta.

 

Waxay dib ugu soo laabteen ciyaaraha caalamiga ah Sebtembar 2002 ka dib laba sano oo laga mamnuucay tartanka.

Botswana:

Dalkan iyo Soomaaliya oo kaliya ayaan weligood usoo bixin koobka qaramada Afrika iyo koobka aduunka midna.

Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 jirka ayaa sannadkii 2022 soo dheelmiyey koobkii qaramada Afrika oo ay lasoo ciyaareen kooxo adadag.

Rajada laga qabo in Soomaaliya ay usoo baxdo koobka aduunka ayaa ah in ay la ciyaari doonto oo kaliya 5 kooxood iyo in diyaar garow xamaasadaysan ay Soomaaliya ugu jirto kusoo laabashada saaxada kubadda cagta.

Xigasho: BBCSomali




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip