Daawo: CC Shakuur oo iska xaadiriyey furimaha dagaalka iyo qorshihiisa

0
Wednesday September 20, 2023 - 16:46:36 in Wararka by
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: CC Shakuur oo iska xaadiriyey furimaha dagaalka iyo qorshihiisa

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa galabta gaaray furimaha ay ciidamadu difaaca uga jiraan ee deegaanka Bulacle ee gobolka Galguduud.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ciidanka ku sugan deegaankaan oo bari ka xiga magaalada Dhuusamareeb wuxuu ku dhiirigeliyey halka ay Khawaarijta uga xoreynayaan dalka, isagoo ku dalbaday inay sii socdaan oo gaaraan deegaanada ay Galgaduud ka joogto kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaano kale oo heer federaal ah oo maalmahaan ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa kormeerkaan ku wehliyey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna ciidamada geesiyaasha ah ku amaaneen sida ay dhaxanta iyo qoraxda ugu joogaan difaaca dalka iyo dadkooda.

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta ka soo degay Dhuusamareeb, isagoo ka yimid Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu mari doono dhamaan furimaha ciidamada ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada uu maanta bariga Dhuusamareeb ugu tegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u badnaa geesiyaasha deegaanka ee hubka u qaatay inay dhulkooda ka xoreystaan kooxda Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur markii laga soo tago inuu yahay ergayga madaxweynaha dalka u qaabilsan gurmadka abaaraha, waa xildhibaan golaha shacabka ku metela dadka dega Dhuusamareeb iyo Guriceel, taas ayaa sabab u ah inuu ayaga ka bilaabo dhiirigelinta ciidamada dagaalka kula jira Khawaarijta Al-Shabaab.

 

 

Siyaasigaan oo lagu yaqaano mayal adeyg siyaasadeed ayaa hadda muujiya inuu aad ula dhacsan yahay hanaanka ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ula dagaalameyso kooxda Al-Shabaab, Madaxweynaha ayaa ajendihiisa koowaad ka dhigtay dagaalka kooxdaas.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa caawa ka soo noqday furinta wuxuuna ku hoyanayaa Dhuusamareeb, sidoo kale berri iyo maalmaha xiga wuxuu qorsheynayaa inuu tago furimo badan oo ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay kula dagaalamayaan argagixisada.

 

Hoos ka daawo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip