Daawo: Muxuu Indha-cadde ka yiri tallaabada uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh?

0
Tuesday September 19, 2023 - 14:09:01 in Wararka by
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Muxuu Indha-cadde ka yiri tallaabada uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay dagaalka ay haatan dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Indhacadde oo wareysi gaar ah siiyayTelefishinka Somali Cableayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo dagaalkan iyo doorka weyn ee uu ka qaadanayo madaxweynaha.

Jeneraalka ayaa guul u rajeeyay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo madaxweynaha oo ku hoggaaminayo dagaalka ka socda gobollada dalka.

 

 

"Madaxweynaha waan uga mahad-celinaa in dagaalkaas uu tuutaha u gashto oo uu hoggaamiyo, ilaaheyna waxaan ka baryeynaa inuu bad-baadiyo, Khawaarijta sharta ahna uu jebiyo si fiican ayaana u arkaa dagaalkaas” ayuu wareysiga ku yiri Indha-Cadde.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay "Waxay ka dhigan tahay inay ka go’an tahay madaxweynaha inuu dhinto ama guulaysto”.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay jirto khibrad yari haysato saraakiisha dhalinyarada ah ee dagaalka hoggaamineyso, isaga oo ku taliyay in arrintaas wax laga qabto.

 

 

"Khibrad yari waa ii muuqaneysaa meelaha qaar ka jirta waayo saraakiisha ciidanka hoggaamineyso waa dhalinyaro aan khibrad badan oo aan dagaal lahayn” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in loo baahan yahay in loo fiirsado xeeladda dagaal ee lagu wajahayo kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay halis ku tahay dalka iyo dariska.

 

 

"Waxay u baahan tahay dagaalka nimankan in la daraaseeyo sidii looga hortagi lahaana la gaaro, waana la sameyn karaa aniga aragtideyda” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guullo waa weyn laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, gaar ahaan howlgallada ka socda Galmudug iyo HirShabelle.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip