HALKAAN KA AKHRISO:- WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 20-KA SEPTEMBAR 2023-KA

0
Wednesday September 20, 2023 - 08:22:13 in Wararka by
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 20-KA SEPTEMBAR 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xamze Iyo Ilhaan Cumar Oo Wadahadal Gaar Ah Ku Yeeshay New York

Ra’iisul Wasaare Hamze Abdi Barre ayaa ku qaa bilay magaalada New York, Xildhibaan Rep. Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Marey kanka oo salaan ugu tagtay Ra’iisul Was aaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Waxaa sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taagee rada ay siiso Soomaaliya.

Madaale iyo shacabka Nuur-dugle oo isku dhaarsaday dagaalka Al-Shabaab

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Mada ale oo maalmahaan safar ku maraayey deegaanada Nuur-dugle, Cadcadey, Cadaanlaxey iyo deegaano kale ayaa Shalay fagaare kula hadlay shacabka dee gaanadaas, isagoo kala hadlay dagaalka Khaw aar ijta Al-Shabaab.

Guddoomiyaha iyo sha cabka deegaa nadaas ayaa isku dhaarsaday dagaalka, xilli abaabul xoog leh uu ka socdo dham aan deegaanada xorta ah ee HirShabeelle.

Duqa Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa furinta ayaa shacabkii uu Shalay la hadlay u sheegay in shaq adiisii uu kaga soo tegay sidii uu cidiisa ugu garab istaagi lahaa dagaalka ay isaga xoreynayaan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa shacabkii uu la hadlayey u sheegay dhulkooda in Shabaab sii joogo inay ceeb ku tahay, iyagoo heysta awood ciidan oo dhexdooda ah iyo garab istaaga dowladda.

Duqa Muqdisho sidoo kale wuxuu Shalay la ha dlay cutubyo ka tirsan ciida mada qaranka iyo kuwa deegaanka, isa goo ku dhiirigeliyey dagaalka Al-Shabaab iyo inay dadkooda ka dulqaadaan dhibaata da kooxda.

Dhammaan deegaanada xorta ah ee gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan ee Hir Shabeelle waxaa ka so cda abaabul dagaal kii ugu cuslaa, waxaana lagu raja weyn yahay in toddobaadyada soo socda ay de egaano badan ciidamo ka soo dhaqaa qaan, si loo ga adkaado Shabaab-ka ku har san gobollada dhexe.

Dhanka degmada Mahadaay ee gobolka Sh/ Dhexe waxaa weli ka socda howlgal lagu soo afjar ayo koox Shabaab ah oo dooneysay inay kasoo gudbaan wabiga, si ay uga dagaalamaan degmooy inka iyo deegaanada xorta ah ee Shabe ellada Dhe xe oo intooda badan sanad ka hor laga xoreeyey.

Duqeymihii kooxdaas ku bilowday afar maalin ka hor ayaa weli ka socda aagaas, waxaana laga laay ey dagaalyahano bad an, umana suurta gelin inay ka soo gud baan aagga degmada Mahadaay, sidoo kale dadka deegaanka ayaa dagaal toos ah la galay kooxdaas.

Ciidamo badan oo dadka deegaanka ah ayaa ku sugan aagga Mahadaay, kuwaas oo diyaaradaha ku garab siinaya in lasoo afjaro kooxda Al-Shabaab ee isku dayday inay ka soo gudubto jiinka Wabiga Sha beelle, si ay uga dagaalamaan deegaanada xorta ah ee Sh/Dhexe, taas oo hadii ay u suurtagasho culey ska ka yareyn kartay Shabaab-ka ku go’doonsan Galgaduud iyo qeybo yar oo ka mid ah Sh/Dhexe.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo yeeshay wad-hadallo gaar ayaa arrimo xasaasi ah ka wada-hadlay, kadib markii ay kulmeyn wasiirka shaqada iyo arrimaha bulsh ada Dr. Maxamed Cilmi Ibr aahim iyo safiirka dowwlad da Qatar u fadhiya Soomaa liya Safiir Dr. Abdolla Salem Alnuaimi.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimo ay kamid yihii n shaqo abuurka iyo xirfad siinta bulshada, kor u qaa dista wada shaqeynta, iskaashiga iyo mashariicda ay isla wadaan wasaa radda iyo dowwladda Qatar.

Wasiir Maxamed Cilmi ayaa Danjire Abdolla Sal em Alnuaimi uga xog-waramay dedaallada ay wasa araddu ka waddo kor u qaadista shaqo abuurka iyo horumarinta xirfadaha bulshada, gaar ahaan dhal linya rada.

Dhankiisa safiirka Qatar oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo u baahan in la sii xoojiyo.

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday inuu la shaqeyn doono wasaasaradda shaqada iyo arrimaha bu lshada, si ay ugu guulaysto howlaha adag ee hor yaallla.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa uga mah ad celiyay safiirka soo dhaweynta quru xda badan, isaga oo sidoo kale ballan qaaday xoojinta xiriirka.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taage era Somalia, waxaana lagu xasuu staa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay hel een, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelin ayo oo ku kacaya mal aayiin dollar, kuwa asi oo lagu dhaqaaqay qaar ka mid ah, ku wa kalena ay yihiin qabyo sida dhismaha waddooyinka, halka kuwa kalena haatan la dhamme ystiray.

Howlgal lagu dilay 2 horjooge Al-shabaab oo ka dhacay Jubbada Hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab gaar ahaan Ururka 5-aad guutada 16-aad ee xoogga dalka Soo maaliyeed ayaa Shalay howgalo qorshaysan ka ful iyay deegaano ku dhadhaw magaalada Bee rxaani ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday goob ay ku sug nayeen laba ka mid ah horjoog ayaasha kooxda Al-shabaab u qaa bilsana deegaanada gobolka Jubba da Hoose iyo ciidan ilaalo u ahaa.

Ciidamada ayaa la sheegay in how lgal ka ay ku dileen laba horjooge oo kooxda Al-shabaab gobolka Jubbada Hoose ugu qaabilsana qaadista lacagaha ay kooxdu ugu yeeraan sakawaadka iyo ilaaladii la socotay oo aanan tiradooda la xaqiijin inta ay dhan tahay.

Taliyaha Ururka 5-aad guut ada 16-aad ee Kum aandooska Danab Gaa shaanle Carab Dheeg Axmed oo hoggaamina ayay ciidamada howl galka ku dilay labada horjooge iyo ilaaladooda ayaa sheegay in ciidanku wali wadaan howgalo lagu baac sanayo Maleeshiyaadka Shab aab ee ku sugan deegaanada Jubbada Hoose.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada dow ladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa bilahii la soo dhaafay kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ay ku dooneyso iney kaga ciribtirto guud ahaan dalka.

Laba farriin culus oo ku jira go’aankii Dhaban cad iyo ‘xujo u baahan furid’

Danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan Dhab ancad mudanaha ugu da’da weyn Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soom aaliya ayaa isaga oo gac anta ka dhaaw acan lagu arkay furinta Bacaadweyn, oo xoog looga saaray kooxda Al-Shabaab.

Dhabancad oo waqti dheer kamid ahaa wasaa radda arrimaha dibadda ee Soo maaliya ayaa sanad kahor doortay inuu doorkan xildhibaano ku metelo dalkiisa iyo dadkiisa.

Waayo-aragnimadiisu waxay aheyd middii maar eysay doorashadii guddoonka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya xilli ay xaaladdo adag ay dirqinayeen doora shada.

Muddo xileedkiisa xildhibaannimo wux uu kusoo aaday dalka oo dagaal aaday. Reerka uu Dhaban cad sida gaarka ah u metelo argagixisada dhul gaar ah kama haysato hadda, laakiin markii magaca guud loo dego waa jireen illaa hadda waa jiraan dhul aan badneyn oo argagixisadu ay ka joogto.

Wuxuu maalmihii tegay kamid ahaa siyaasiyiin abaabul ciidan ka waday gobolka Mudug. Dhawaan argagixisada ayaa baabuur qaraxa ku weerartay madax uu ku jiray Dhabancad kadibna dhaawac fud ud ayaa kasoo gaaray xildhibaanka.

Marka laga eego da’da Xildhibaanka, xaalka furin ciidan iyo dhaawaca uu la kulmay dad badan ayaa sugaayay inuu kasoo noqon doono furinta dagaalka oo uu caafimaad iyo nasiino raadsan doono.

Laakiin in lagu arkay jiidda Bacaad weyn oo dorr aad laga saaray kooxda Al-Shabaab ayaa dhalisay dareen shacab oo xoog leh.

Laba farriimood ayaa ku jira in Dhaba ncad oo dhaawac ah uu weli furinta taagan yahay, kuwaasi oo kala ah;

1. Adkeysi iyo garasho masuuliyadeed

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad wuxuu Dorraad u abtiriyay waxa la yiraa hdo metelaada, wuxuu dadka fahamsiiyay in adke ysiga uusan da’da la xiriirin ee nuxurka uu yahay in aad leedahay garasho aad ku fahamto masuuliy adda ku saaran.

Ragg badan oo kuraasta Xildhibaanna da u waa lna xilligii doorashada aadna uga da’ yar Xildhibaan Dhabancad ayaa Shalay ka maqan difaaca dadkoo da, waxa yna fadhi ku dirir ku hayaan Kenya, Turk iga iyo Imaaraadka Carabta.

Farqiga xubnahaas iyo Dhabancad u dhaxeeya waa mushaar doon iyo metelaad doono.

2. Fahamka waaqica lagu jiro

Qaar kamid ah dadka Shalay xilalka iyo xoolaha hay sta waxay ula muuqata in noloshaan qabow, gaad iidka ay xabaddu karin, dabaqyadan Xamar laga dhistay iyo kuraastaan siyaasadeed inay sidaan usii jiri doonaan haddii ay argagixisada sii jirto oo ay sii xoogeysato, oo ay maalin walba deegaan cusub soo qabsato.

Laakiin xaqiiqadu aad ayay uga fog tahay midd aas, waxay u muuqata inay wax walba u dhici doona an taas caksigeeda. Dowladnimo, dollarka bangiy ada harqiyay iyo dabaqyaduna masii jiri doonaan haddii ay argagixisada adkaato.

Xildhibaan Dhabancad wuxuu u muuqda nin fah may waaqica la taagan yahay, wuxuuna Bacaad weyn ka sheegay inay laba uun midkood noqon doo nto, waa in argagixisada laga adkaado oo dalka iyo dadka laga badbaadiyo ama in dalka looga tego oo dal iyo dowladnimo laga sabro, ma jiro dariiq

saddexaad oo la yiraahdo aan wada noolaano.


Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya ka taageer eysa horumarinta wax-soo-saarka Beeraha

Xubno diblomaasiyiin ah oo ka socda Geeska Afr ika,islamarkaana uu hoggaam inayay Safiirka Soo maaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kul lane ayaa magaalada

Xianyang ee Dalka shiinaha ugu qeyb galay shir muhiim ah oo uu soo agaasimay Mudane Zhao Gang oo ah guddoomiyaha go bolka Shaanxi.

Guddoomiye Zhao Gang, ay aa si diirran ugu soo dhaweeyay dhammaan ka soo qaybgal ayaasha ban dhigga 30-aad ee carwada Beeraha iyo Tekno oojiyadda Shiinaha ee Yangling (CAF) , wu xuuna muujiyay sida ay Shiinaha uga go’an tahay in ay sii ballaariso iskaashiga gobolka Geeska Afrika ee horumarinta wax soo saarka Beeraha.

Danjire Cawaale Kullane ayaa ugamahad celiyay guddoomiye Zhao Gang soo dhoweyna milg aha iyo sharafta leh ee loo sameeyay isaga iyo waf diga diblomaasi yiinka geeska Afrika uu hoggaami nayay, wuxuuna carabka ku adkeeyay muhiim adda ay beeruhu u leeyihiin Geeska Afrika, sidoo kale, waxaanu aad uga mahad celiyay rabitaanka Shi inaha ee ah inay iska kaashadaan arrimahan muhiim ka ah.

Kulanka ka dhacay magaalada Shaanxi ayaa ahaa mid muhiim u ah xoojinta iskaa shiga dhinaca beer aha ee u dhexeeya Shii naha iyo dalalka Geeska Afr ika. Waxaana lagu asteeyay shucuur iskaashi, is ixti raam iyo go’aan laga gaaro wadaagida kheyraa dka, wax ka qabashada caqabadaha jirai yo fursadaha ka jira Geeska Afrika.

Hay’adda SoDMA oo dowladda Qatar kala wareegtay gargaar mucaawino ah

Munaasabadd Kooban oo Shalay ka dhacday Dekadda weyn ee Magalaada Muqdisho ayaa Gudd oomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qar anka Soom aaliyed ee SoDMA Md. Maxamuud Ma calim Cabdulle waxa uu dowladda Qatar kala war eegay deeq Gargaar mucaawino ah.

Goobta deeqdaan lagula kala wareega yey wax aa ku sugnaa Safiirka Dowladda Qatar u Fadhiya Soomaaliya, mudane Cab dalla Binu Saalim Al-nuc eymi, Guddoo miyaha hay’adda Mareeynta Musii boyinka Qaran ka Soomaaliyed ee SoDMA Md. Max amuud Macalim Cabdulle, Masuuliyiin katirsan Qatar Charity iyo Xubno ka socday Maamulka Dekadda.

Mucaawinadan ayaa gaaraysa 150-Tan oo Timir ah,waxaana loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka dantayar iyo kuwa ku nool deeganadii khawaarijta Al-shabaab laga saaray.

Indha-qarshe oo soo jeediyay in wasiir Jaam ac iyo xubno kale kasoo tagaan furinta

Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo ka hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa waxa uu walaac ka muujiyay sida ay dowladda u wado howl-galka.

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka ayaa wa xa uu sheegay in aan loo baahneyn in masuuliyiinta sar-sare ee ciidanka ay joogaan furinta, balse ay tahay in saraakiisha ciidanka loo daayo hagida iyo hoggaaminta ciidanka, si howl-gallada u noqdaan kuwa guuleysta.Jeneraal Indha Qarshe ayaa waxa uu si gaar ah walaac uga muujiyay joogista wasiirka gaashaan dhigga Soomaaliya Cab dulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ee furinta dagaalka, maad aama ay jiraan howlo ka muhiimsan oo aheyd in was iirka uu dhaq aajiyo, sida uu hadalka u dhigay. "Was iirka Gaasha andhiga loogama baahna furinta daga alka howlo badan oo laga rabay ayaa baaqanaya, taasi sax ma aha. Taliyaha xoogga dalka ayaan laga rabin xitaa furinta inuu tago, furinta rag baa u jooga taliye horin baa jooga, taliye guuto ayaa jooga,” ayuu yiri Jen eraal Indha Qarshe.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay si Al-Shabaab looga adkaado in howsha dagaalka looga dambeeyo saraakiisha deegaanka taqaana oo aysan tali yey aasha kale raacin, taasi oo ku macneeyay in me esha ka saareyso inay lumeyso kala amar qaada shadiii.

"Kala amar qadaashadii ayaa meesha ka baxe yso, isku xirnaantii ciidanka ayaa lumeysa, qof walba shaqadiisa haloo daayo oo yaan lagu fara gelin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Jeneraalka.

Hadalka Jeneraalka ayaa imanaya

saacado un kadib markii uu Dorraad madaxwe yne Xasan Sheekh wax ka bedel ku sameeyay hogg aanka ciidanka, isagoo taliyayaal cusub u magacaa bay xilalka taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka iyo taliyaha ciidanka lugta, iyada oo saraakiishii hore la ceyriyay lagu eedeeyay xil gudasho la’aan.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli furimaha hore ee dagaalka laga soo warinayo in mararka qaar ay masuuliyiinta ciidanka bixiyaan amaro is-khila afsan, kuwaas oo mararka qaar ciidanka dhexda ka galsha halis laga baaqsan karayay.

Isku soo wada duubo, dhameystirka wejiga koo waad ee dagaalka ayaa xilligaan dardar xooggan ku socda, ayada oo madaxweynaha uu xarun uga dhis tah soo afmeerkan wejigan magaalada Dhuusamar eeb, si loogu gudbo wejiga xiga oo ay qeyb ka noq onayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

W/Difaaca oo kormeer ugu tagay Ciidamo ka tirsan Kumaandooska dalka

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdu lqaadir Max amed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tagay ciid amada kumaandooska Gorgor iyo Danab ee ku sugan magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ciidanka ku boggaa diyey shaqada adag ee ay u hayaan shacabka Soo maaliyeed, lana joogo waqtigii si buuxdo dalka looga xore yn lahaa Khawaarijta, waxayna kula dardar meen inay sii labo jibaaraan howlah ooda shaqo ee ah Xoreynta dalka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo la hadlay ciid anka katirsan kumaandooska Danab iyo Gorgor ay aa sheegay in dalku ku jiro xaalad dagaal, waxa uu na ciidankan ugu baaqay in diyaar u noqdaan how lgalo ka dhan ah Al Shabaab.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa dha nkiisa ciid amada ku ammaanya sida ay heegan ugu jiraan difa aca dalka iyo dadka, waxa uuna ciidamada ku boori yay in ay u diyaar garoobaan howlgalkii ugu dambe eyay ee Al Shabaab looga saari lahaa Galmudug.

Midowga Yurub oo hakiyay gargaarka cunn ada ee Somaliya

Guddiga Fulinta ee Midowga Europe waxay si KMG u hakiyeen Dhaqaalihii loogu yaboohi jirey Xafi iska Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP, ka dib, markii la shaaciyey Xog ay soo diyaariyeen Baa rayaasha QM, loona gudbiyey Xoghayaha Guud ee QM bishii July 7-dii ee sanadkan.Baarayaasha ayaa soo ogaaday inay jirto Xatooyo Baahsan iyo in si qaldan loo isticmaalo Kaalmada looga hor tegi lahaa Mac luusha.

Midowga Europe waxay in ka badan 7 milyan oo Dollar ku bixiyeen Hawlgallada Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ee gudaha Somalia sanadkii hore ee 2022-ka.

Afhayeenka Golaha Europe, Balazs Ujvari oo ay Wakaallada Wararka REUTERS wax ka weydiisay arrintaasi, waa uu ka gaab saday inuu xaqiijiyo ama beeniyo Hakinta KMG ee lacagihii la siin jirey Xafi iska WFP ee Somalia.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Midowga Europe ayaa isagana sheegay in Go’aan kaasi la qaatay, kadib, markii ay Baarita anka QM lagu soo gebegebeeyey in Milkiil ayaasha dhulka, Maamulada Maxal iga, xub no ka tirsan Ciiddanka Ammaanka iyo Shaqaala ha Samafalka ay dhamaan tooda ku lug lahaayeen Xatooyada Kaalmo oyinka loogu talagalay dadka aadka u nugul.

Sarkaalkaasi oo aan fasax u haysanin inuu la hadlo Saxaafadda ayaa sheegay in Deeqdaasi la soo celin doono marka ay Hay’adda WFP turxaan bixiyaan La-Hawlgalayaashooda ku sugan gudaha Somalia

Sarkaal kale oo ka tirsan Midowga Europe ayaa sheegay inuu Golaha Europe si firfircoon kala shaq eynayaan WFP sidii loo soo celin lahaa Cillaha ka ji ra Nidaamka, wuxuuna meesha ka saaray in xilligan la hakiyey Gargaarkii la siin jirey Xafiiska WFP ee ka hawlgala gudaha dalka Somalia.

Dhinaca kale, Devex Media oo ah War baahin diirada saarta Horumarinta Caalam iga waxay Dorraad oo Isniin ahayd soo daabacday Warbixinta ay Baarayaasha Xaqiiqo- raadinta ee QM ka soo diyaa riyeen Lunsashada Deeqaha loogu tala-galay dadka Barakacayaasha (IDPs).

Baarayaasha waxay ka soo xigteen Barakacaya asha inay sheegeen in la siiyo Kala-bar Lacagaha Kaashka ee kaalmada oo ay ka helaan dadka Xila lka haya, oo ay kala kulmaan cabsi-gelin, Xarig iyo in laga saari doono Liiska dadka ka macaasho Deeq aha Xafiiska WFP ee Somalia.

Warbixibta Baarayaasha QM waxaa kaloo lagu xusay inay soo heleen in Xatooyo baahsan loo gey sto Deeqaha Aadminimo ee loogu talagalay Bara kacayaasha gudaha Somalia.

Si kastaba, 3 bilood ka hor, WFP iyo Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Horu marinta Caalamiga ee USAID waxay haki yeen Gargaarkii Cuntada ee Ethiopia, ka dib, Leexsasho Baahsan ee Deeqihii Caalamka.

Dagaal khasaare badan gaystay oo dhex-maray Soomaalida iyo Oromada

Wararka laga helayo dowlad deega anka Soom aali Galbeed ayaa sheegaya in uu dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada deega anka Oromada iyo kuwa dee gaanka Soomaalida kaas oo ka dhacay deega an lagu mag acaabo Qolaji. Faahfaahin dheeri ah lagama hayo kha saaraha dagaalka ka dhashay iyo waxa uu salka ku hayo, balse warar soo baxaya ay aa sheegaya in dagaalka oo saacado qaa tay uu gay stay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Deegaanka Qolaji waa deegaan ay ku sugan yih iin boqollaal barakacayaal ah Soo maali ah oo horey uga barakacay dagaallo dhex maray Oromada iyo Soomaalida.


Malaayiin Dollar oo loogu deeqay ciidan ka XDS ee dagaalka kula jira Al-shabaab

UK ayaa ku dhawaaqday lacag dheera ad ah oo dhan 5 milyan oo gini oo loogu talagalay taageerada Ciidamada Amma anka Soomaaliya, taas oo loo marinayo Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoob ay ee Soomaaliya (UNSOS).

Lacagtan cusub ayaa lagu shaaciyay kulan dhex maray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Am niga Qaran ka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh, mar ay booqasho ku timid Sooma aliya todobaadkii hore, sida lagu sheegay bayaan soo baxay dowladda UK.

"Iskaashiga amniga ee UK iyo Soom aaliya wuxuu muhiim u ya hay sidii xasil ooni iyo amni loogu soo dabbaali lahaa Soomaaliya iyo gobolka. UK waxay sii wadi doonaa taageerada dadaallada ay Sooma aliya hormuudka ka tahay ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo soo celinta xasilloo nida meelaha dib looga soo qabsado ee dalka.” ayay tiri Dame Sarah.

Bayaanka UK ayaa intaas ku daray ‘Iskaashiga u dhexeeya UK iyo Sooma aliya ee dhinacyada amn iga, dhaqaalaha iyo horumarinta ayaa Soomaaliya u horse edaya mustaqbal wanaagsan.’

UK ayaa sheegtay sii wadi doonto taag eerada ay siiso dowladda Soomaaliya ‘si ay u hesho Soom aaliya xasilloon oo amm aan ah.

Dagaal laba maleeshiyo beeleed ku dhex maray gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya deegaan nada laba galle, Balicad , Bali-Sonkor iyo laanjaamac ee waqo oyiga gobolka Galgad uud, ayaa sheegaya in halkaa uu ka dha cay Shalay dagaal u dhaxeeya beelo hal kaa wada dega.

Wararka ayaaa sheegya in da gaalka uu dalka ku haayo aano qabiil, ayaa waxaa ku dhaawac may dad ka badan afar qof sida ay noo sheegeen dad aan la hadalnay.

Deegaannada dagaalku ka dhacay ayaa ah aag aan kala fogeyn oo u dhaxeeya magaalooyinka Ca daado iyo Dhabad, waxaana la soo warinayaa in da gaalku hadda istaagay, balse mele eshiyo beeleedkii ay wali is hor-fadhiyaan.

Nabadoon Axmed Cabdi Cali oo ka soo jeeda degmada Cadoo ayaa ka hadlay colaada waaxaana uu sheegay in isaga waxgarad kale ay ku baxayaan daminta colaada haalkaas ka taagan.

Dhowr Jeer ayaa deegaannadaas dag aallo ku sal eysan qabiil ka dhaceen kuw aas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhawaacba lahaa.

Hadal haynta guuldarada Soomaaliya ee Ciyaar aha Caalamiga ah

Guul darro xoog leh ayeey Sooma aliya sana dihii udanbeyeey kala soo kulm aysay fagaarayasha tartanada orodka adduunka taas oo dadka u leh aqoonta isbedelka ciyaaraha fuduud ay u aaneyna yeen tababar la’aan ta dhalinyarada, musuq masu uq, ka dhex jira maamulka bahda ciyaaraha Soomaa liya iyo cimiladda waddamada ay ka qabsoomayaan ciyaar ahani oo dhalinyaradani anay u sahlaneyn in ay si fuduud kula qabs adaan. Arrinta hadalhaynta ugu ba dan dhalisay waxay ahayd mar kii Nasra Abuukar Ali oo matal eysay jaamacaha dalka ay guul darro kala kulantay tartankii jaamacadaha ee dhawaan ka dhacay dalka Shii naha, dad weynaha ayaa guuldaradaas ka sameye ey madadalo iyo falanqeyn aan wanaagsan eyn oo ku saabsan Nasra, waxaase la is weydinaya sab abta tartanka Iyo guuldar rada Nasra xoogga loo saaray.

Ciise Aaden Abshir oo ka mid ah khabiirada mud ada dheer ku soo jirey ciyaaraha Soomaaliya ayaa xusay in ay sabaab u tahay guul darada soo lalab atay ee dhanka tartanada orodka tababar iyo diyaar garow la,aan qabsata dhalinyarada ka hor inta aysan ka anba bixin Sooma aliya.

‘Soomaaliya tariikho waweyn oo mahadho ah ayeey ku leedahay tartanada orodka weli waxa jira dad badan oo hibo u leh tartanada orodka balse wax ay u bahan yihiin tababar dhiirigelin iyo in loo carbiyo sabaabto ah qofna kaligiis ma ordi karo balse Som alia ma ahan nabad sports kuna wuxuu ku kora waa xasilonida si aan caqa badaas uga gudubno waxaan u baha nahay in la garab istaago dhalinyarada hib ada u leh ciyaaraha fuduud weliba gana csatadu ay maalgeliso sida wadamada horumaray’’

Shamsa Mohamed abdi oo ka mid ah dhalinya rada ku nool magaalada muqdisho ee xiiseeya ciyaa raha oo bilan media la hadashay ayaa sheegtay edeynta ay la kulantay nasra ka hor inta anay ka amba bixin gudaha Somalia ay sabaab u tahay guuldarada ay kala soo kulantay tartankaas sido kale na ay niyad jab ku no qon karto haweenka da, da yare e dan eynaya tartanada orodka aduunka in ay ku matalaan Somalia.

‘’gabadhaas ayada oo aan wadanka ka bixin ayaa lagu bilaabay eddeyn iyo xad gudub shaqsiy eed aad Ayaan arintaas uga xumaadey hadaladaas aan wanagsaneyn ee gabadhaas lagula kacay wa xay niyad jabineysa haweenka sabaabto ah mar wal ba oo ay soo guul dareystaan wiilasha waan soo dhaweyna waan dhiirigelina annagana waxaan xaq u leenahay in nala garab istaago nala dhiiri geliyo oo aan nalagu eddeyn guuldarada,,

Shamsa ayaa qabta in Dhaliilaha soo laalabtay ee haweenka hibada u leh ciyaaraha ay kala kulm aan bulshada ayaa sabaab u noqon karta in ay dab ar goyso daneynta arimaha la xiriira sports ka ee haweenka haddii anay dowlada faderaalka ah ee So malia isku xil saarin taageerada iyo tayeeynta hawe enka ku jira bahda sports ka Somalia si looga baa qsado in haweenka ay caqabad kala kulmaan noocy ada kala duwan ee ciyaaraha dalka

Iqra Cabdulle Guure oo haweenka ka tageerta si da ay uga baaqsan karaan dhibaatooyiin dhanka bar aha bulshada ay kala kulmaan haweenku ayaa shee gtay in dhaliilaha uga imanaya baraha bulshada haw eenka ka qeyb galaya tartamada mihiimka ah ay sab aabtay haweenka somaliyeed oo aan ku baraarug saneyn sidii ay isku garab istaagi lahayeen marka ay la kulmaan xadgudub yadan oo kale

‘’haweenku kuma baraarugsana isticmaalka bar aha bulshada inta badana waa sabaabta keenta in ay baraha bulshada kala kulmaan tacadiyo shaqsiy eed mid shaqo iyo mid dumarnimo waxa mihiim ah si looga hortago xadgudu byada haweenku ay kala kulmayaan baraha bulshada in la baro lagu dhiiri gel iyo sida ay dumar ahaan isku difaaci karaan xaquuq dooda ay u ilaalsan karaan haddii aan xiliyada adag is garab istaagno waxaan soo afjareyna in aan dhib kala kulano baraha bulshada dumar ahaan’’

Iqra ayaa u sheegtay warbaahinta Bilan in ay mi hiim u tahay in haweenka la gu carbiyo sidii u difaaci lahayeen xaqu uqdooda dumarnimo xilliyada mihi imka ah ee qaranka Somalia ku mat alayaan fagaar ayasha calamka si loo difaaco in sharafta iyo shaq siyada gabdhaha soomaaliyeed an lagu xad gudbin.

Ciyaaraha kala duwan ee Soomaaliya ayaa ahaa kuwo caagan ka qeyb galka haweenka wixii ka dan beyeey burburkii dalka sabaabo la xiriira duruufo dhaqan iyo kuwo amni daro oo ku xeyn daabna haw eenka hibada u leh ka qeyb galka ciyaar aha dalka.

Balse sanadihii u danbeyeey waxa haweenka dhalinyarada ah ay helayeen fursado dahabi ah oo ay ku matali karaan dalkooda kuwaas oo Somalia ay u soo ban dhigayeen qaar ka mid ah wadamada ho ru maray balse guuldaroyiin is xigxiga oo ay la soo kul men ayaa sabaabtay in si joogta ah ay dhaliilo iyo kalsooni daro ay ugala kulmaan bulshada iyado lagu liidayo jinsigooda dumarnimo.

Balse dadka xiiseya ciyaaraha qarkood ayaa qa ba in guuldaroyiinka soo lalabtay ay sabaab u tahay xalada amni ee dalka musmaasuq iyo tayada ciyaar toyda soma aliyeed oo aan ahayn mid u diyaarsan ka qeyb galka tartanada mihiim ka ah.

TACSI TIIRAANYO LEH

Dr.Cismaan Axmed Jimcaale, {Dr.Jimmy} Xabiibo Axmed Jimcaale,Muxuddiin Axamed Jimcaale {Tusbax},Maxamuud Axmed Xsan {Xuurshe} Yuusuf Cismaaciil Axmed {Carrabeey}Salaado Axmed Jimcaale, Madiino Axmed Jimcaale, Mar yan Axmed Jimcaale ,Safiyo Axmed Jimcaale ,Maxamed Xasan Xuseen {Anaa leh} iyo Xaask iisa iyo Caruurtiisa, Raxmo Maxamed Maxamuud {Lajecel}, Qadro C/hi Cali,Hagareey iyo carruurte eda, Xamdi Cumar Xasan,Farxiyo C/casiis Cali, Nuurto Cali Cumar iyo caruurteeda, Nimco Cali Cu mar iyio Carruurteeda,Naasir Cali Cumar iyo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa,Najiib Cali Cumar iyo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa, Nuuraddiin Cali Cumar iyo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa, Nasro ,Cali Cumar iyo Carruurteeda, Cadi Cali Xasan Yuubane, Shiino Axmed Rooble iyo Carruurteeda dhamm aan dadkaasi waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dhammaan Ilmo Cismaan MaxamedGaar ahaan Binti Cismaan Maxamed oo Wala asheed ay aheyd Marxuumadda iyo Seygna Mar xuumadda iyo Carruurtii ay ka geeriyootay Mar xuumad Xaawo Cismaan Maxamed ku geeriyo otay Xalay Degmada Shibbis ee Magaalada Muq disho, waxayan leyihiin Alle Nax ariistiisa Janno ha uga bishaareeyo Marxuumma dda Ehelka iyo qaraabada Samir iyo iimaan Saad aq ah ha idinka siiyo aamiin aamiin aamiin.

Dilka Hardeep Singh oo Sabab u noq day in Khilaaf xooggan ka dhax curto Hindia iyo Canada

Hindiya ayaa dalkeeda ka ceyrisay dublamaasi sare oo Canadian ah. Wasa aradda arrimaha dibadda ee Delhi ayaa sheegtay in go’aankeeda uu ka tarjumayo waxa ay ugu yeertay welwelka sii kordhaya ee ku aaddan faragelinta diblomaasiyiinta Canada ee arrimaha gudaha ee Hindiya.

Hadalkan ayaa yimid saacado kadib ma rkii wasi irka arrimaha dibadda ee Canada uu ku dhawaaqay in dublamaasi u dhash ay dalka Hindiya la eryay.

Khilaafka diblumaasiyadeed ee sii kor dhaya ayaa salka ku haya sheegashada Canada ee ah in wakiilada dawladda Hindiya laga yaabo inay ku lug lahaayeen dilkii, bishii Juun ee sanadkan, loo gays tay nin u dhaqdhaqaaqi jiray arrimaha bulsha da Sikh Hindiya ee dalka Canada, kaasi oo lagu maga caabi jiray Hardeep Singh Nijjar.

Ninkaan dilkiisu waxaa uu ka dhacay gobolka British Columbia ee dalka Cana da.

Hindiya ayaa eedeyntaas ku tilShalayy mid aan caqli gal ahayn. Mareykanku wux uu muujiyay "wala ac qoto dheer” oo ku saabsan eedeymaha Canada wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in dambiilaya asha la horkeeno cadaaladda.


Xog: Kooxda Deni oo arrimo siyaasade ed u isticmaalay lacagtii dhismaha garoonka

Mashruuca dhismaha garoonka kubadda cagta ee Boosaaso ayaa qarka u saaranfashil kadib markii kooxda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ay lac agtii loogu tala-galay u isticmaashay arrimo siyaas adeed.

Sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Online, dhaqaalaha ku baxaya dhismaha garoonka kub adda cagta ee Boosaaso ayaa wa xaa horey ugu deeqay dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana akoonka lagala bax ay bishii Luulyo ee sanadkaan 2023.

Markaas ayaa waxaa lacagtan la gee yay magaa lada Garoowe, kadibna waxay kooxda madaxweyne Saciid Deni u isticm aashay qorshihii wax ka bedd elka Dastu urka Puntland, ayada oo loo qeybiyay Xil dhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa soo baxeysa in qeyb kamid ah lacagtan wax laga siiyay mid kamid ah guddoomiyey aasha ururrada siya asadda Puntland ee sida ga arka ah xulu fada la ah madaxweyne Saciid Deni.

Dhismaha garoonka kubadda cagta ee Boosa aso ayaa markii hore billowday ka dib markii Imaara adka ay ku deeqday lac agta ku baxaysa dhismaha, markaasi oo aheyd bilowgii sanadkan 2023-ka.

Madaxweynaha Puntland ayaa xilligaas waxa uu dhismaha garoonka uu si gaar ah ugu wakiishey agaasimaha ciidanka PMPF Cabdiraabi Cabdis amad Aw-Maxamed.

Xogaha ayaa intaas kusii daraya in ka gadaal markii lala baxay lacagtii loogu tala-galay dhismaha garoonka uu agaasime Cabdiraabi uu hadda qandar aas ku siiyay shirkad cusub in ay sii wado dhismaha aan loo hayn wax dhaqaale ah.

Dhalinyarada Boosaaso oo muddo badan la ildar neyd in ay hesho garoon kubadda cagta ah, si lamid ah magaalo oyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, ayay arri ntaan god kusii rideysa rejadii yarta aheyd ee u bidhaantay.

Sidoo kalena waxay arrintaan sida muu qata ay kooxda madaxweyne Saciid Deni ku noqoneysa taar iikh madow oo u gasha diiwaanka.

Si kastaba, Madaxweyne Deni iyo koox diisa ay aa sida la rumeysan yahay dano shaqsi ah iyo dam aca muddo kororsi inta badan u isticmaala dhaqa alihii dowlad da, taasi oo ah nasiib darro weyn oo maamul ka ku habsatay, maadaama dhaqaalaha arri maha bulshada loogu tala-galay loo isticmaalayo arrimo siyaasadeed oo lagu bixinayo laaluush.

Indhacadde: Madaxweynaha waxa uu Tuutaha u qaatay in uu dhinto ama…

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan u ga hadlay dagaalka ay haatan dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Indhacadde oo wareysi ga ar ah siiyay Telefishi nka S omali Cable ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhaweyn ayo dagaalkan iyo doorka weyn ee uu ka qaadanayo madaxweynaha.

Jeneraalka ayaa guul u rajeeyay ciidan ka Xoog ga dalka Soomaaliyeed iyo madax weynaha oo ku hoggaaminayo dagaalka ka socda gobollada dalka.

"Madaxweynaha waan uga mahad-cel inaa in dagaalkaas uu tuutaha u gashto oo uu hoggaamiyo, ilaaheyna waxaan ka baryeynaa inuu bad-baadiyo, Khawaarijta sharta ahna uu jebiyo si fiican ayaana u arkaa dagaalkaas” ayuu wareysiga ku yiri Indha-Cadde. Waxaa kale oo uu sii raaciyay "Waxay ka dhigan tahay inay ka go’an tahay mada xweynaha inuu dhinto ama guulaysto”.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay jirto khibrad yari haysato saraakiisha dhalinyarada ah ee dagaal ka hoggaamin eyso, isaga oo ku taliyay in arrintaas wax laga qabto.

"Khibrad yari waa ii muuqaneysaa mee laha qaar ka jirta waayo saraakiisha ciidan ka hoggaamineyso waa dhalinyaro aan khibrad badan oo aan dagaal lahayn” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in loo baahan yahay in loo fiirsado xeeladda dagaal ee lagu wajah ayo kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay halis ku tahay dalka iyo dariska.

"Waxay u baahan tahay dagaalka nima nkan in la daraaseeyo sidii looga hortagi lahaana la gaaro, wa ana la sameyn karaa aniga aragtideyda” ayuu kusoo gabagabe eyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guullo waa weyn laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, gaar ahaan howlgallada ka socda Galmud ug iyo HirShabelle.

Diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciida mada Kenya oo ku burburtay xad ka Soomaaliya

Diyaarad nooca qumaatiga u kacda ayaa Shalay oo Talaado ah waxa ay ku burburtay meel u dhow xuduudka ay Soom aaliya la wadaagto dalka Kenya.

Ilaa hadda ma cadda waxa sababay shilkan diyaaradeed ee ka dhacay gobolka Lamu ee xeebta dalka Kenya.

Ciidamada difaaca Kenya ayaa ka howlg ala aaggaas si ay gacan uga geystaan ka hortagga koo xda Al-Shabaab, oo saldhigyo ku leh xuduudka Soomaaliya.

Waaxda Difaaca Kenya ayaa sheegtay in diya aradda Helicopter-ka ee Ciidanka cirka ay burburtay xilli ay habeenkii roondo ku jirtay.

Guddiga baaritaannada ayaa la samee yay oo loo diray goobta si ay u ogaa daan sababta shilka ke entay.

Saraakiil magacooda qariyay, ayaa u sheegay wa kaaladda wararka ee Assoc iated Press in dhamma an askartii iyo sha qa lihii saarnaa diyaaradda helik obtar ka ay dhinteen.

Maalmo ka hor diyaaradaha Kenya ayaa duqay mo ka geystay gobolka Gedo, iyagoo sheegay inay bartilmaamsadeen saldhigyo Shabaabku lahaayeen.

Somaliland: Jabhada buurta Gacanli baax oo weerar ka gaysatay magaalada Burco

Jabhada buurta Gacanlibaax ayaa Shalay weerar ku qaaday magaalada Burco ee Somaliland, wax ayna afduubeen baa buur Lan kurusar ah oo xuku umadu leeda hay.

Jabhada oo wadat ay saddex baabuur oo ay ku jiraan baabuur ay hore booliiska uga dhaceen, ayaa afduub ku kaxaystay baabuur uu leeyahay m aareeye ku xigee nka Wakaalada Biyaha Burco, sidoo kale telefoonkii maareeyaha ayay qaateen.

Weerarkan ayaa noqonaya kii saddex aad ee ay jabhadu ku afduubato baabuur, iyaga oo dhawaan baabuur ay xukuumadu leedahay ka afduubtay deg mada Dhoq oshay ee isla gobolka Togdheer, inkasta oo ay markii danbe sii daayeen. Sidookale baabuur ay leedahay hay'a dda miino baadhista ee Hello Trust, ayay ka afduubteen mag aalada Oodwe yne, ilaa iyo hadana dib umay celin. Jabhada ayaa sidookale degmada Go'dayar oo u dhaw buurta Gacanlibaax ka gaystay weerar ay ku dileen in ka badan 10 askari oo booliis ah.

Odayaasha dhaqanka ayaa wada dad aalo jab ahada hubka lagaga dhigayo, iya da oo la sheegay in qayb ka mid ah hub ka dhigis lagu sameeyay, lak iin ilaa hada waxa muuqada in hoggaanka jabhadu anay ku qancin waan waanta iyo dadaalada hub ka dhigista.

Madaxweyne Biixi oo magacaabay xub naha cusub ee Komishanka xuquuqul Insaanka (Magacyada)

Madaxweynaha maamulka Somali land, Md.Mu use Biixi Cabdi ayaa Shalay wareegto Madaxw eyne uu soo saaray ku magacaabay xubnaha cusub ee Komishanka xuquuqul Insaanka u qaabilsan Somaliland.

Wareegtada uu soo saat ay madaxwe yne Muu se Biixi ayaana ku magacaab ay todobo xubnood oo no qoaya Komishanka xuquuqul Insaanka Somal iland, xubnahan uu magacaabay madaxweynaha ayaana dhammaan wada rag ah.

Xubnahan oo sida shar cigu dhigayo ay soo xul een guddida xulista xubnaha Komi shanka Xuquuqul Insaanka oo madaxweyn aha u soo gudbiyey 14 xub nood, si uu uga la soo ba xo madaxweynaha todobo xubn ood uguna soo sa aro xubnahan wareegto rasmi ah.

Halkan ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray madaxweynaha

Wareegto Madaxweyne

MagacaabidMarkaan Arkay: Qodobka 90aad ee Das tuurka Jamhuuriyadda Som aliland;Markaan Arkay: Xeerka Komi sha nka Xuquuqul Aadamaha, Xeer Lr. 39/2010;

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamaha, Xeer Lr. 39/2010;

Markaan Helay: Qoraalka Guddida Xuli sta Xub naha Komishanka Xuquuqul Aada maha;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Komis hanka Xuq uuqul Aadamuhu u leeyahay Dhismaha, Sumcadda iyo Horumarka Qar anka; Markaan Sameeyey: La-tashi;Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda Shalay aan u magacaabo xubnaha hoos ku xusan in ay noqdaan Xubnaha Ko mishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:

Tir Magaca Xilka

1. Maxamed Baaruud Cali Xubin

2. Maxamed Xasan Caalin Xubin

3. Mustafe Cali Cismaan Xubin

4. Baashe Maxamuud Faarax Xubin

5. Maxamed Jaamac Ibraahin Xubin

6. Cabdiraxmaan Cismaan Cabdulle Xubin

7. Muuse Jaamac Cigge Xubin

Wasiir cayriyey Ku-xigeenadiisa & Wasiiru-dowlihii

Wasiirka Difaaca ee Ukraine ayaa waxa uu shaq adii ka wada cayriyey dhamaan Ku-xigeenadiisa iyo Wasiiru-dowlihii.

Xil-ka-qaadistaasi waxay wa da saama ysay lixdii wasiir-ku-xigeen ee Wasaarada asi, kuw aasi oo kala ah: Hanna Maliar, Volodymyr Havrylov, Rostyslav Zamlyns kyi, Denys Sharapov, Andrii Shevchenko iyo Vitalii Deineha.

Sidoo kale, Wasiiru-dowlihii Difaaca ee dal kaasi,Kostiantyn Vashchenko ayaa isagana waayey Xilkiisa. Bishan September 6-dii, waxaa Wasii rka Difaaca ee dalka Ukraine loo magac aabay Siyaasi Rustem Umerov oo ah Mus lim asalkiisu Turkish yahay, wuxu una xilka kala wareegay Wasiirkii hore

oo lagu magacaabo Oleksii Reznikov.



NIN LA SHEEGAY INUU ‘GEERIYOO DAY 50 SANO KA HOR’ OO DIB U SOO LAABTAY


Joseph OdongoQoraalka sawirka,Joseph Odongo

Joseph Odongo wuxuu ahaa 30 jir markii uu ka tegey aqalka reerkooda ee ku yaalla tuulada Riwa ee gobolka Homa Bay 1972. Muddo 50 sa no ah reerkiisu waxba kama ay san ogayn halka uu ku sugnaa ilaa iyo 14ka bishan markii uu dib u soo laabtay isagoo 81 jir ah. Wargayska The daily nation oo sheeka dan qoray ayaa sheegay inuu dib u soo labtay, uuna ogaaday in hantidii uu lahaa oo uuka mid yahay dhul uu waalidkiis ka dhaxlay inay qaateen xubno ka tirsan qoyskiisa o u qaatay inuu dhintay.

Wuxuu ku sheegay sababta uu 51 sano u maqnaa inay ahayd isagoo doonayey inuu ka baaqsado murab dhex mara isaga iyo qoyskiisa.

Odongo oo ku magac dheer Osir Komo llo wuxuu sheegay in uu ku noolaa mag aalo-xeebeedka Momba sa muddadaas uu ka maqnaa qoyskiisa oo iyagu baa digoo bayey.Wuxuu sheegay inuu ku noolaa guri uu lah aa qof ajnabi ah.

"Halkaas waxaan ka ahaa qof guriga maamula, wax aanan dareemayey nafis intii aan Mombasa joogay, taa soo aa duga duwan markii aan joogay magaaladaydii Homa Bay” ayu yiri Odongo.

Dadkii 60 jirrada ahaa ee tuulada joogay way aqoo nsan kari waayeen markii u soo laabtay.

Caaqilka tuulada ayaa kalmo ka raads aday dadka waayeelka ah markii uu nink aas soo galay xafiiskiisa isagoo doonayey in loo shego halkii uu ku yaallay aqalka reer kooda.

Odongo iyo reerkiisa

Odongo wuxuu sheegay inuu qaatay go’aanka ah inuu iska haajiro markii ay is khilaafeen mid ka mid ah walaalihiis oo iminka geeriyooday. Waxaa kal oo dhin tay xubno kale oo qoyska ka mid ah intii la kala maqnaa. Walaaliis ayaa lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey ‘geerida Odongo’.

Wuxuu goaansaday inuu aado deegaan aad uga fog halkii u ku dhashay si aanay reerkiisu u soo daba gelin. Markii ay waalidkiis dhinteen, xaaskiisana kala dudeen, ayuu ninkaas dhowr bilood ka dib go’aansaday inuu dhaqaajiyo.

Wuxuu reerka u sheegay inuu aadayo xeebta Sikri oo dhowr KM u jirtay gurigooda. Qoyska qaarkood wax ay u haysteen inuu soo noqon doono dhowr maalmood ka dib, laakinse todobaadyadii ayaa bilo isu beddelay, bilihiina sannado ayey noqdeen.

Wixii wakhtigaas ka dambeeyey waxaa caqabad noq day in xiriir laga helo, waxaana adkaatay in la ogaado halka uu ku sugan yahay. Ugu dambaystii qoyska wax ay ku dhawaaqeen inuu geeriyooday.

Daudi Oketch oo ay deris ahaayeen wuxuu sheegay in dadkii tuulada ay u qaateen in ninka uu yaxaas cun ay. "Farriintii ugu dambaysay ee uu qoyska la wadaa gay waxay ahayd inuu aadayo xeebta. Aakhiritaankii waxaan go’aansanay inu yaxaas cumay” ayuu yiri.

Qoyskiisa waxay xoolo u qaleen dadkii tuulada aya doo soo laabashadiisa lagu farxay

XIGASHADA SAWIRKA,NATION MEDIA

Qoraalka sawirka,

Qoyskiisa waxay xoolo u qaleen dadkii tuulada ayad oo soo laabashadiisa lagu farxay

Xog xasaasi ah oo ku saabsan ninka loo heysto weerarkii Salmaan Rushdi

14 Agoosto 2022

Jacaylkii gabadha wadaad da ah ku keliyeeyay Har geysa iyo wixii ay ka tiri

1 Sebtembar 2023

Dumaashidiis oo 90 jir ah waxay sheegtay in ninkaas si wanaagsan loo soo dhoweeyey ayadoo qoyska ay der iska aoo dhan ku marti qaadeen hilbo. Marki ay dib u midoobeen wuxuu qoyskiisa u shegay in muddadii ay kala maqnaayeen uu ku noolaa Mombasa.

Wuxuu intaa ku daray in nolosha gobolka xeebta ee Kenya ay ahayd mid sahlan, isagoo dhaqsiyo u illoobay jahawareerkii qabsaday intii uu ku noolaa Homa Bay. Wakhtiba wakhtiga ka dambeeyey qofkii uu u shaqay nayey wuxuu aadi jiray safarro dhadheer, isaga oo kal iya ayaana guriga joogi jiray. Markii dambe wuxuu qof kaas u dhoofay Yurub.

"Fikrad ayaa markiiba igu soo dhacday, taasoo ah in aan dib ugu laabto tuuladii. Waxaan ka soo tegey wax kasta oo aan lahaa oo uu ku jiro mushaarkeyga”.

Muddadaas Odongo ma uusan guursan inkastoo uu mar ku hamiyey inuu guursado. Mid ka mid ah odayaas ha tuulada ayaa yiri "waa in qoyskiisu ay xaas u guuriy aan, si uusan u noqon nin keligii iska nool, ma haysto meel uu dakhli ka soo galo, waana inuu helaa taageer ada lagama maarmaanka ah ee uu u baahan yaha XIGASHO:-BBCy”.

Maalintii uu Mullah Cumar jabiyay astaanta geela ee hadiyad ahaanta loo siiyay

Safiirka Shiinaha iyo hoggaanka Taliban

XIGASHADA SAWIRKA,M.F.A

Dalka Shiinaha ayaa todobaadkii aanu soo dhaafnay no qday wad dankii ugu horreeyay ee safiir u soo maga caabay Kabul kadib markii Taliban ay la war eegtay aw oodda Afqa anistaan.

Ma jiro dal weli si rasmi ah u aqoonsa day maam ulka Taliban ee ka jira Afgaa nistaan, halka Shiinuhu uu sheegay in magacaabista safiirka Kabul ay tahay arrin caadi ah, islamaarkana Shiinahana uu doonayo inuu sii wado wadahadalka iyo iskaashiga Afghanistan.

Waa xusid mudan in 20-kii sano ee ciidam ada Mar eykanka ay ku sugnaayeen Afgaa nistaan, uusan Shiin uhu waligiis taageero milateri siin Taliban, taasoo muuji neysa in Shiinuhu uusan daneyneynin xiisadda milateri ee reer galbeedka uu la galo.

Si kastaba ha ahaatee, xilli Maraykan ka iyo dalalka xulafada ah ay dardarga liyeen wadahadal nabadeed oo lala yee sho Taliban, Shiinaha ayaa isna waddaasi raacay.

Wafdi heer sare ah oo ka socda Taliban ayaa boo qday Shiinaha horraantii 2017-kii, iyadoo ka hor wakiilo ka socda Shiinaha ay dhowr jeer la kulmeen Taliban.

Booqashada kale ee muhiimka ah ee wakiillada siy aasadeed ee Taliban ay ku tageen Shiinaha waxay ah ayd Luulyo 2021, markaasi oo Mareykanka uu ku dho waa in uu gabi ahaanba kala baxo ciidam adiisa Afgaa nistaan.

Mowqifka rasmiga ah ee Shiinaha ayaa markaas ah aa inuu doonayo inuu dhex dhexaadiyo dhinacyada is ku haya si gob olka xasilooni loogu soo dabalo.

Dhabahaantii, dhowr toddobaad ka dib kulankaan, Tali ban waxay la wareegtay ga can ku haynta Afgaanist aan, Shiinaha ayaa ka mid ahaa wadamada xiriirka la leh Taliban.

Xilli waddamo badan oo reer galbeed ah ay albaa bada u laabeen safaaradah ooda magaalada Kabul, ay aa Shiinaha waxa uu albaabada u sii furayay safaa radiisa. Joogitaanka safaaradda Shiinaha ee Kabul wax ay calaamad u ahayd isbe ddelka siyaasadda dalkaas ee ku aaddan Taliban.

Waxaa xusid mudan in Shiinuhu uu xiray safaara ddii uu ku lahaa Afgaanistaan ​​markii ugu horaysay ee Taliban ay qabsato magaalada Kabul 1996-kii,waxaana ay dib u soo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed kadib mar kii ay dawladii Maraykanka taageerayeen ay la ware egtay talada dalka Afganistan sanadkii 2002.

Xukuumadii hore ee Afqaanistaan ​​waxa ay xiriir aad u dhaw la lahayd Shiin aha. Sannadkii 2014-kii, Janan Musazai, oo ah safiirka Afgaanistaan ​​u fadhiya Beijing, ayaa sheegay in "Shiinuhu uu diyaar u yahay inuu tababaro askarta Afgaani staan."

Si kastaba ha ahaatee, taariikhda xiriir ka Shiinaha iyo Taliban ayaa ah muddo soo jiray waxaana uu soo bilaabmay markii ugu horeysay ee ay kooxdan dalkaasi la wareegeen.

Gabadha calooleyda ku iibisa TikTok iyo sida ay dad badan ugu xirmeen

Goorma ayuu bilaabay xiriirka diblu maa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip