Ururo Soomaali ah oo ku shiray Magaalada AMSTERDAM [VIDEO NEWS]

0
Monday September 18, 2023 - 21:28:18 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururo Soomaali ah oo ku shiray Magaalada AMSTERDAM [VIDEO NEWS]

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Waxaa shalay Magaalada Amsterdam ee dalka Netherland ku shiray ururada Soomaalida ah ee ku middeysan dalladda "Isutagga Ururada Soomaalida ee Nederland” oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN.

 
Dalladda FSAN, oo ay ku middeysan yihiin in ka badan 45 ururo Soomaali ah oo ka dhisan Nederlands, waxaa la aasaasay 1994-tii, iyada oo Guddiga dalladda oo la doorto saddexdii sanno halmar ay ka shaqeeyaan isku xirka Jaaliyadaha Soomaalida & Dowladda Nederland & Sidoo kale wacyigelinta mushtamaca Soomaalida.
 
Kulankii shalay waxaa lagaga hadlayay qoddobo ay ka mid yihiin:-
 
1] Miisaaniyada ururka
2]Qiimeyn lagu sameynayay waxyaabihii ururka u qabsoomay muddada sannadka & barka ah ee ay shaqeynayeen guddiga cusub.
3] Eegista & ansixinta 2 urur oo ku soo biiray dalladda.
4] Balaarinta xubnaha guddiga oo markii hore ahaa 5 oo laga dhigay 7.
& qoddobo kale.
 
Guddoomiyaha dalladda Maxamed C/llaahi [Askari], Guddoomiye ku-xigeenka C/qaadir Nuune, Xisaabiye C/wahaab Yariisow & Maxamed Cusmaan [Guurre] ayaa xubnihii metalayay ururada si guud ugu faahfaahiyay qoddobadii laga hadlayay.
 
Ururada ayaa ansixiyay in la ballaariyo Guddiga, waxaanna ku soo biiray saddex xubnood oo kala ah:
 
Cali Amiin
RaaxoC/shakuur Cilmi
 
HOOS KA DAAWO VIDEOW-GA KULANKA.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip