Halkee lagu Keydinayaa Xogta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya?

0
Monday September 18, 2023 - 22:21:11 in Wararka by
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee lagu Keydinayaa Xogta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

social

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

Author,Abdijaliil Osman,Role,Wariye Madax-banaan, Twitter,@Abdijaliilsamow,

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa noqday Labada muwaadin ee ugu hor qaatay kaararka aqoonsiga ee dalka oo markii ugu horeysay hab casri ah dalka looga bilaabay horaantii toddobaadkan.

Soomaaliya ayaa Sabtidii billowday bixinta kaararka aqoonsiga qaranka oo taariikhiga ah kaas oo noqon doono hannaan lagu diiwaan geliyo muwaadiniinta Soomaaliya ee ku nool gudaha jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waxaa uuna noqon doono mid la jaanqaada isbadalka dhijitaalka ah ee dunida sida ay shaaciyeen masuuliyiinta hay'adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta qaranka.

Hirgelinta nidaamka Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ah lacag malaayiin dollar ah oo dowladda Pakistan ay ugu deeqday Soomaaliya, waxaana dowladda Soomaaliya ka taageeraya dhinaca farsamada barnaamijkan ha’yadda keydinta iyo ilaalinta Xogta Qaranka ee Pakistan ee loo yaqaano (NADRA).

Sida aanu kasoo xiganay saraakiil ka tirsan Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Soomaliya ee NIRA doorka ha’yadda Pakistan ee arrintan ayaa ah in ay ka taageerto dhigeeda Soomaaliya dhinaca farsamada iyo tababarada shaqaalaha.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwangalinta iyo Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacade) oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in talaabada diiwaangelinta muwaadiintu ay tahay mid loo qaaday dhinaca wanaagsan, isla markaana ay sahli doonto in muwaadiniinta Soomaalida ay helaan aqoonsi Qaran oo gobalka iyo dunida laga tixgeliyo.

"Muhiimadu waa in la hayo xogta muwaadinka, si loogu jaan-gooyo xuquuqaadkiisa, haddii ay noqoto qorsheynta dowladda amniga iyo haddii ay noqotaba mid ku saleysan ka warqabkiisa” ayuu yidhi Timacade.

Facebook NIRA Somalia

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK NIRA SOMALIA

Halkee Lagu Keydin Doonaa Xogta Muwaadiniinta Soomaalida?

Sidda cad cutubka 3aad ku hawlaha , awoodaha, iyo qaab -dhismeedka hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ayaa leh masuuliyadda keydinta xogta balse dad badan ayaa shaki geliyay awooda dowladda Soomaaliya ee keydinta xogtan.

Maareeyaha Guud ee hay’adda diiwangalinta iyo aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adda NIRA ay si rasmi ah gacanta ugu hayn doonto xogta laga uruuriyo muwaadiniinta isla markaana lagu keydin doono gudaha Soomaaliya.

Mareeyaha ayaa sheegay in kaalinta hay’ada arimahan ka taageertay dowladda Soomaaliya ay tahay keliya fududeynta daahfurka nidaamka aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya, iyo taageerada kale ee caalamiga ah ee ay baahan yihiin balse ay tahay wajibaadka hay’ada NIRA keydinta iyo ilaalinta xogta muwaadiniinta.

"Dhammaan xogta aan ka qaadno muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaanu ku keydin doonaa gudaha dalka, hay’adda ayaana awood buuxda u leh uruurinta iyo keydinteeda” ayuu yidhi Agaasime Cabdiwali Cali Cabdulle.

Agaasimaha ha’adda NIRA ayaa sheegay in qaab elektaroonik ah ay u keydin doonaan xogta muwaadiniinta Soomaalida iyaga oo adeegsanaaya tignoolajiyada casriga ah.

"Muwaadin walba oo Jamhuuriyadda ku sugan ayaa yeelan doono lambarka aqoonsiga gaarka ah oo uu adeegsado inta uu nool yahay, waxaan xogtan u keydin doonaa qaab casri ah, waxaana ay lagu keydin doonaa gudaha Soomaaliya” Ayuu BBC-da u sheegay.

Dhinaca kale Maxamed Cabdullahi Juuni oo ah agaasimaha waaxda howlgelinta ee hay'adda ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in dhammaan goballada Soomaaliya ay ka hirgeliyaan nidaamka diiwaangelinta dadweynaha.

"Hadda waxaa aan ku suganahay furimaha dagaalka ee Galmudug, waxaa ay taasi ku tuseysaa in hay’adu ay diyaar u tahay in muwaadin kasta uu helo kaarka aqoonsiga meel walbo oo uu dalku kaga sugan yahay” ayuu yidhi.

Maxamed Juuni ayaa sidoo kale sheegay in hannaankani uu ka tarjumayo in Soomaaliya ay la jaanqado waddamada deriska ah iyo kuwa gobalka.

"Deyn cafintii, dhaqaalihii dalka iyo qorsheyntii ayaa ku xidhan in la helaayo xogta mawaadiniinta Soomaalida, wax badan ayaay ka caawin kartaa arintani dowladda oo ay kamid tahay xitaa ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bariga Afrika” ayuu sharxay.

OPM Somali

XIGASHADA SAWIRKA,OPM SOMALI

Diiwaangelinta Ajaanibta

Bixinta aqoonsiga qaranka ayaa u sahlaysa hay’adda NIRA iyo wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya in ay fuliyaan waajibaadkooda ku aaddan horumarinta dowladnimada, amniga, iyo horumarinta dhaqan-dhaqaale ee dalka iyadoo la siinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed aqoonsi Qaran .

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwangalinta iyo Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacade) ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in ay diiwaangelin doonaan dhammaan ajaanibta ku nool gudaha Soomaaliya nuucyadoda kala duwan.

"Waxaan sidoo kale kaarar aqoonsi ah oo ku meelgaadh ah siin doonaa ajaanibta dalka ka shaqeysta iyo kuwa barakacayaasha ah” ayuu hadalkiisu raaciyay Cabdiwali Cali Cabdulle.

Kaarkan Dadweynaha ee noqon doono mid shantii sano mar la cusbooneysiiyo iyadda oo sidoo kale aanu isbadali doonon lambarka muwaadinta sidda ay shaaciyeen saraakiisha ha’adda NIRA.

XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip