Siyaasiyiinta mucaaradka oo sheegay madaxweyne Deni inuu ku fashilmay nidaamka dimuqraadiyada Puntland

0
Monday September 18, 2023 - 12:33:42 in Wararka by
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiinta mucaaradka oo sheegay madaxweyne Deni inuu ku fashilmay nidaamka dimuqraadiyada Puntland

    Madasha siyaasiyiinta Puntland oo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay inuu ku guul daraystay inuu Puntland u horseedo hannaan dowladnimo oo sal adag leh. War saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madasha siyaasiyiinta Puntland oo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay inuu ku guul daraystay inuu Puntland u horseedo hannaan dowladnimo oo sal adag leh. War saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen damaca siyaasadeed ee madaxweyne Deni inuu horseeday hubanti la'aan amni, in dastuurkii loo beddelo sifo sharci darro ah, iyo in maxkamaddii dastuuri ahayd uu awooddeedii la wareegay golaha baarlamaanka. Waxay sheegeen doorashooyinkii Dowladaha hoose inay keeneen in bulshadii iska hor timaado. Waxay sheegeen in ururadii siyaasada ay haraysay isqabqabsi, boob iyo in lakala dhaco. Siyaasiyiinta mucaaradka waxay ku eedeeyeen madaxweyne Deni in uu mushahaarooyinkii ciidanka iyo shaqaalaha dowladda u adeegsanayo olole siyaasadeed. Waxay walaac weyn ka muujiyeen xaaladda amniga Puntland Waxay ku baaqeen in la isugu yimaada shir degdeg ah oo looga tashanayo xaaladda Puntland haatan ka taagan, iyagoo sheegay in madaxweyne Deni uu si toos ah uga leexday hannaankii dimuqraadiyaynta Puntland. Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Deni ayaa muddo bil ka badan ka maqan Puntland, waxaana ugu dambeysay isagoo bartamihii bishii August u ambo baxay dalka Imaaraatka Carabta.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip