Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay in Al-Shabaab ay ka faa'ideysan karto daldaloolada dhimista ciidanka ATMIS

0
Monday September 18, 2023 - 12:28:31 in Wararka by
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay in Al-Shabaab ay ka faa'ideysan karto daldaloolada dhimista ciidanka ATMIS

    Golaha nabada iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka geysteen Soomaaliya, kuwaas oo sababay dhimasho badan iyo dhaawac. War saxaafadeed kasoo baxay golaha nabada iyo amniga Midowga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha nabada iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka geysteen Soomaaliya, kuwaas oo sababay dhimasho badan iyo dhaawac. War saxaafadeed kasoo baxay golaha nabada iyo amniga Midowga Afrika ayaa hoosta looga xariiqday in al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu weyn ee nabadda iyo ammaanka Soomaaliya. "Golaha nabada iyo amnigu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa weerarradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab, oo sababay dhimasho dhowr ah iyo burburka xarumaha muhiimka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha, taas oo hoosta ka xariiqaysa xaqiiqada ah in Al-Shabaab ay weli khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya."ayaa lagu yiri war murtiyeedka Golaha Midowga Afrika u qaabilsan nabada iyo amniga. Goluhu wuxuu walaac ka muujiyay in Al-Shabaab ay ka faa'ideysan karto daldaloolo kasta inta lagu jiro ama ka dib dhimista 3000 oo askari oo katirsan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, haddii aan si miisaaman loo maamulin howsha dhimista. Midowga Afrika waxa uu ku celiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo guulaha nabadda iyo amniga ee Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay ka go'an tahay inay dalka ka saaraan 3000 askari, si loo fuliyo qaraarka golaha ammaanka ee sheegaya dhimista howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS. Waxa uu bogaadiyay Dowladda fedeaalku sida joogtada ah ee ay ugu hawlan tahay lahaanshaha iyo hoggaaminta buuxda ee howlgallada xasilinta iyo dib-u-heshiisiinta deegaannadii la xoreeyey.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip