Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cudub ee Midowga Yurub

0
Monday September 18, 2023 - 13:41:50 in Wararka by
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cudub ee Midowga Yurub

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka ka dhanka aragagixisada ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub marwo Karin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka ka dhanka aragagixisada ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub marwo Karin Johansson. Danjiraha cusub ee Midowga Yurub marwo Karin Johansson oo dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeysay guulaha laga gaaray dagaalka ciribtirka Khawaarijta ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo danjire Karin ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan howgallada sifeynta Khawaarijta iyo sigidda amniga dalka. Madaxweynaha ayaana u xaqiijiyay danjiraha in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip