Ra"iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dalka Maraykanka

0
Sunday September 17, 2023 - 12:52:33 in Wararka by
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra"iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dalka Maraykanka

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York oo ay uga qaybgalayaan Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Ra'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York oo ay uga qaybgalayaan Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Ra'iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona horumarradii ugu dambeeyey ee Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca amniga iyo xasilloonida; dhimista saboolnimada, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka, Xuquuqda aadanaha, Caddaaladda, dhismaha hey'adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimillada. Ra'iisul Wasaaruhu inta uu ku sugan yahay xarunta QM wuxuu kulamo kal duwan la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay; iyo sidoo kale madax ka tirsan Dowladda Mareykanka. Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sidoo kale kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka, kuwaas oo uu uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen ciribtirka Khawaarijta iyo horumarka dhinacyada kala duwan ay ka sameysay muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay.


 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip