Madaxweyne Xasan oo hal arrin ka codsaday shacabka

0
Saturday September 16, 2023 - 21:09:01 in Wararka by
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan oo hal arrin ka codsaday shacabka

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa soo duubay muuqaal cusub, isaga oo dalab culus u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa oo maanta qaatay kaarka Aqoonsiga daweynaha ayaa ka hadlay muhiimada uu aqoonsigan u leeyahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kobcinta amniga, sare u qaadida maamul wanaaga dowliga ah iyo ganacsiga.

Waxa uu sheegay in kaarkan uu miihiimad u leeyahay qof kasta oo Soomaali ah, sidoo kale uu door weyn ka qaadanyo sugidda amniga dalka oo dhan.

 "Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed wuxuu yeelanayaa lambar aqoonsi ah oo loo yaqaano, aqoonsi la’aantu dhib badan ayay nagu haysay, maantana daruufaha noogu adag waa daruufaha dhanka amniga” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu yiri "Qof kasta oo midabkeena leh afka Soomaaliga ahna ku hadla macnaheeda ma’aha inuu Soomaali yahay, midabkeena Ummado leh noo qaab eeg aan nagala aqoonin ayaa adduunyada ku nool, afkana waa la bartaa luqadda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed inay wada qaataan aqoonsiga, isaga oo sheegay inuu yahay mid lagama maarmaan ah.

     "Walaalaha Soomaaliyeedow meel kasto oo aad joogtaan lagama maarmo aqoonsiga aan yeelano aqoonsiga oo aan usoo deg-degno dhammaanteen” ayuu mar kale yiri.

Qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha ayaa waxaa maanta si rasmi ah u daah-furay raa’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdii Barre, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo lagu soo beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha ee 16 September oo maanta ku beegan.

 

"Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo kkhudbad ka jeediyay munaasabadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal arrin ka codsaday SHACABKA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip