
HALKAAN KA AKHRISO:- WARGEYSKA.M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 12-KA SEPTEMBAR 2023-KA
Golaha shacabka oo ka dooday Mow shin ku saabsan Xariga Jeneraal sheegow
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baar lam aanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaSheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ay aa Dorraad shir guddoomiyay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 25-aad ee Golaha Shacabka.
Ajandaha kulanka oo ahaa qeybinta iyo akhr inta 3-aad ee Hindise Sharciy eedka Qaxoot iga iyo Maga ngaliyo-doonka Sooma aliya, soo jeedin moo shin ku taariikhaysan 29-08-2023 ee ku saabs an Gen. Sheeg oow. Sidoo kale 16 Xildhibaan ayaa soo gudbiyay mooshin ku saabsan wax ka bedel sharciga akhrinta sade xaad maraya iyaga oo dalbaday in qodobo qaar wax ka bedel lagu sameeyo.
Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa akhri yay mo oshinka ku saabsan Jeneral Sheeg oow, wax aana uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka far ay in Ku-simaha Xoghayaha Guud uu ku waree jiyo Huddiga Amniga si ay baaritaan usoo sam eeyan warbixint oodana Golaha kusoo celi yaan.
Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulan ka soo xiray ayaa sheegay in Guddiga Arri maha Gudaha iyo Amniga kusoo daraan soo jeedinta xildhibaanada ee Hindise Sharciyeedka Qaxoot iga iyo Magangaliyo-doonka Soomaaliya isla markaana maalinta Arbacada la horkeeno fa dhiga Golaha Shacabka.
Raysal wasaare Xamse oo Dorraad Daah fur ay laba Mashruuc oo muhiim u ah Caafim aadka dalka
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaal ka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Dor raad magaalada Muqdisho ka daah furay labo mashruuc Caafim aad oo kala ah Da mal Caafimaad iyo Tallaalka COVID-19 oo laga hirg elin doono qaar ka mid ah gobollada dalka.
Rayaal wasaare Xamse ayaa sheegay in mashaariicdaan ay kusoo aadeen waqti baahi we yn loo qabo, islamarkaana deegaano badan oo muddo dheer ay maamulayeen kooxda Al-shabaab ah oo baahi weyn looga qabo adeegy ada kala duwan ee dowladda la gaarsiin doo no. Wuxuu sidoo kale xusay Raysal wasaaraha in mashaariicdaan ay wax badan ka badali do onaan marka la hirgaliyo baahiyaha Caafimaad ee ka jira inta badan gobolada dalka.
"Mashruucaan oo mudo dheer soo jiitama ayay oo ay dadkeena baahi weyn u qabeen oo is jiid jiid dheer kadib fool dheer kadib Wasa aradda Dorraad ayay dhashay aad ayaan ugu faraxsanahay in mashruu caan daah furano, waxaana rajeyna in dadkeenu ay ka wada faa' ideysan doon aan" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi barre. Raysal wasaaraha Xuku umadda fedaraalka ayaa sidoo kale ku amaan ay Wasa aradda Caafimaadka Soomaaliya, si da ay mudnaanta u siineyso bixinta adeegyada Caafimaadka ee muhiimka u ah dadka Soo maaliyeed.
"Xukuumadda DanQaran waxaa ka go’an in ay maalgeliso oo dhiirri geliso caafi maadka ma adaama uu aasaas u yahay nolosha bulshada, annagoo xoogga saara yna sidii aan u gaarsiin lahayn deegaan nada laga xoreeyey Khawaari jta adeeg yada caafimaadka" ayuu yiri Raysal wasa are Xamse Cabdi Barre.
Mashaariicdaan uu Dorraad daah furay Ra ysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa la shee gay iney ku baxayaan lacag dhan labo boqol oo Milyan oo doolar, kaasoo ay fulineyso dowl adda Soomaaliya.
Gabagabadii Raysal Wasaare Xamse ayaa si cad u sheegay in lagula xisaabtami doono mashaariicdaan hay’adaha hirgelin aya si loo xaqiijiyo miro dhalka mashaariicdaan.
DF oo min labo darajo dalacsiisay ciidankii Dorraad Shabaab ku laayey Awdheegle
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibr aahim Sheekh Muxyadiin ayaa Dorraad gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo Dorraad si weyn loogu laa yey Khawaarijta Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday ciidanka dowladda.
Taliyaha oo ka baxay Shabeellada Dhexe ay aa halkaas ku tegay amar uu bixiyey Madaxwe yne Xasan Sheekh oo ciidankii ka dagaalamay Awdheegle dalacsiiyey.
Dhamaan ciidankii ka dagaalamay Aw dheegle ee Dorraad cashirka u dhigay Al-Shab aab ayaa la dalacsiiyey min laba darajo, taasi oo ciidanka u noqotay fursad dhif iyo naadir ah.
"Waxaan rabaa ciidamada labada guuto ka kala tirsan ee Dorraad halkaan guusha ka dhaliyey, cashirkana u dhigay Khawaarijta, in la sii soo qoro magacyadooda, waxaa la dalacsi iyey mid laba darajo,” ayuu yiri Taliyaha xoo gga.
Wuxuu sidoo kale ciidanka gaarsiiyey ham balyo iyo bogaadin uu kaga siday Madaxweyne Xasan Sheekh oo taliyaha ku amray inuu ciid ankaas deg deg ugu tago oo min laba daraji dal acsiiyo.
"Waxaan idiin balan qaadayaa in dalacaada an kadib aan qiimeyno kala sareynta ciidanka alif ilaa seddaxle, darajo kasta lacagteeda ay aad qaada doontaan,” ayuu yiri.
Sidoo kale Taliyaha Xoogga ayaa sheegay in liiska saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka dagaalanay Awdheegle uu u gudbi doono madaxweynaha, si ay u helaan abaal-marinta ay mudan yihiin.
"Guusha aad gaarteen Khawaarijta niyad jab ayey ku riday, waxaan kai mid Nuurdugle, dha maan dhulkaas waa isaga baxeen markii ay ku niyad jabeen sida aad u jebiseen,” ayuu tali yuhu hadalkiisa ku sii daray. Ugu dambeyntii Taliyaha xoogga ayaa sara akiisha iyo ciidanka xasuusiyey in nin kasta ma alinta uu joogo uu qarankaan u adeego, "Dalk aan ninba maalin ayuu u soo dagaalamay, inta aad nooshihiin dhiigiina haku nasteen shacab ka walaalihiin ah,” ayuu yiri.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo Muqd isho ka furay shir looga hadlayo cunnada iyo nafaqada
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuum adda federaalka Soomaaliya mudane Saal ax Axmed Jaamac ayaa Dorraad furay shirwaynaha cunta da iyo nafaqada oo uu soo qaban-qaabiyey xafiiska Ra’iisul was aaraha dalka.
Kulanka ayaa looga hadlay helidda nidaam cunto caafimaad leh, hagaajinta nidaamyada cunnada iyo tayeynta wax-soosaarka dalka.
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka oo muna asa badda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo sugida am niga cuntada dal ka, si looga weecdo baahi soo food saarta bul shada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay dunida ka jiraan abaaraha daba dheeraada iyo xasaradaha baajiya waxsoosaarka cuntada.
Md. Saalax ayaa sheegay in Sooma aliya leed ahay dhul dihan iyo wabiyo war aabin kara ha dii si fiican loo qorsheeyo ka faa’iidaysiga khayr aadka dhulka, isagoo intaa ku daray in Xukuum adda Danqaran ay ka go’an tahay taabogalinta siyaasad furfuran oo dhiirrige lineysa saamile yda wax soo saarka cuntada.
Shirka waxa ka soo qayb galay Wasaarad aha Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Caafi ma adka, Ganacsatada Saamilayda wax soo-saar ka iyo Hay’adaha Caalamiga ee Soomaaliya ka taageera dhinacdyada horu marinta kaabayaa sha dhaqaale.
Guddiga gaarka ah ee arrrimaha xabsiga dhexe ee Xamar oo la kulmay guddoomiya ha gobolka Banaadir
Guddiga gaarka ah ee arrrimaha xabs iga dhexe ee Xamar golaha shacabku u magacaa bay ayaa kulan la yeeshay gudd oomiyaha gob olka Banaadir ahna duqa Muqdisho, kaas oo uu shir guddoominayey guddoo miyaha gudd iga Xil. Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko).
Intii uu socday kulanku ayaa guddoo miye Yusuf Madaale warbixin guud ka siiy ey guddi ga waxyaabaha mamulka gobo lku ka qabtay xabsiga, isagoo xusau in mudna an gaar ah la siin doono xabsiga, si la mid ah sida maamulka gobolka muhii mada u siiyo degmooyinka gobolka Ban aadir.
Ugu dambayn guddoomiyaha guddiga Xil. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa u mahad celiyay guddoomiyaha gobolka qaab kii wanaagsaneyd ee uu uga wara may inta uu kala socdo xaala da ka jirta Xabsiga, sidoo wuxuu sheegay inuu ka rajeynayo in warbixin dhameystiran uu guddi ga kula soo laabto kadib marka uu booqdo xar unta xabsiga dhexe ee Xamar
Ciidanka Xoogga oo la wareegay gacan ku haynta Magaalada Ceelgaras
Wararka ka imaanaya Gobolka Galga duud, gaar ahaan magaalada Ceelgaras ayaa shee gaya in Dorraadeyd ay Ciidan ka Xoogga dalka ay si buuxda ula ware egeen Magaaladaasi.
Wararku waxaa ay sheeegayaan in Ciid an ka Qaranka oo kaasha naya Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa si bu uxda ula wareegay Mag aalada Ceelg aras ee Gobalka Galguduud halkaas oo ahayd xudunta dagaalamaayaasha As.
Ciidamada la wareegay Ceelgaras ayaa haa tan wada howgalo ballaaran oo xaqijin ah, sida ay soo sheegayaan dadka dega anka.
dagaalamayaasha Alshsbaab ee gac anta horay ugu hayay magaalada ayaa isa ga baxay kadib markii sida la sheegay ay hareereeyeen Ciidanka Qaranka iyo Ciida nka Difaaca Shac abka.
Ceelgaras ayaa ah Magaaalo muhiim ah, waxaana ay ka mid ahayd meelaha ay ku xoo gganaayeen As, waxaana sidoo kale qabsa shada magaalaasi ee Ciidanka Xoogga ay qayb ka tahay wajiga 2aad ee howgalka ka dhanka ah Alshabaab, kaasi oo si xooggan kaga socda degaanada maamulka GALMU DUG.
General Odawaa oo wax ka hoggaaminaya hawlgalka Gobolada Dhexe
Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, Ge neral Odawaa Yuusuf Raage ayaa ku biiray Sa raakiisha Ciidamada ee hoggaaminaya hawlga lka militari ee Gobolada Dhexe.
Ka dib wada hadal dhex maray Madaxwey naha Dowladda Federaal ka, Xasan Sheekh Maxa muud iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa keentay in Taliyuhu uu ku laabto furimaha da gaalka. Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dal ka ayaa la qorsheeyay in uu hoggaamiyo cii damada lagu abaabulayo Gobolka Shabellaha Dhexe, ee la doonayo in maleeshiyada Al Sha baab ka sifeeyaan xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud. Ciidamada duulaanka ka qaadaya aagga ho re ee cirifka labada gobol ayuu qorshuhu yahay inay socdaan illaa M/ Ce elbuur ee Bar iga Gobolka Galgaduud.
Gen.Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa ha wlgalkan ku wehlinaya Saraakiil sarsare, oo uu ka mid yahay General Cali Caraaye Coso ble (Gacma-duule), oo ka tirsan Saraakiisha CXDS oo kaashanaya xo ogaga deegaanka ayaa la doonaya in jihooyin kala duwan dagaal kaga fur aan maleeshiyada Shabaabka.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qor sheynaya in muddo kooban lagu soo afjaro mi ntidiinta Al Shabaab ee ka hawlgala bartamaha dalka. Abaabulka iyo diyaargarowga xoogga leh ee ka jira Gobolada Dhexe ayaa kuu muu qaneysa in ciidamadu ay haatan u diyaarsan yi hiin dagaal adag, oo ay la galaan kooxaha ar gagixisada. Hawlgalka Gobolada Dhexe ayuu dib-u-dhac ku yimid daba-yaaqadii bishii Aug ust, ka dib weerarkii xooganaa ay Shabaabku 26-kii bishaasi ka gaysteen deegaanka Cowsw eyne, oo sababtay in ciidamadu dib uga soo gu rtaan degmooyin iyo deegaano ay kol hore ka saareen maleeshiyadaasi.
Xoghayaha golaha shacabka oo shir uga qaybgalay Dooxa Qatar
Xoghayaha guud ee golaha shacabka Baar lamaanka JFS Md. C/ma an Muxumed C//le Jaa biri ayaa ka qeybgalay shirka gu ddiga fulinta ee xog aya asha Baarlama anka Jaamaca dda Ca ra bta oo Dorraad ka dhac ay M/Dooxa ee dalka Qatar.
Kulanka oo uu shir gudoominayey Gud oom iyaha guddiga Dr Axmed Fadaala ayaa waxaa lagu diyaarinayey ajendayaa sha kulanka xub naha guud ee xogayayaa sha Baarlamaanka Jaamacada Carbata oo barri ka furmi doona magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Sidoo kale guddiga ayaa waxaa ay ka dood een nidaamka asaasiga ah ee Jamc iyadda oo dib u eegis lagu sameeyay, si ay u horgeeyaan xubnaha guud ee golaha Jamciyadda.
Maxkamadda Sare ee dalka oo u fariisatay dacwad ka dhan ah Maamulka G/Banaadir
Maxkamadda Sare oo mar kale u fariisatay dacwad ka dhan ah Maamulka G/Banaadir
Maxkamadda sare ee dalka, gaar ahaan qeyb teeda maamulka ayaa Dorra ad u fariisatay dhageysiga gar-maqalkii 3-aad ee dacw ad lid ku ah maamulka gobal ka Banaadir oo ay kala dhaxayso shirkadda Power Technology Industries.
Dacwadda oo khusaysaa heshiis ay hore u wada galeen labada dhinac oo uu ka baxay ma amulka gobalka Banaadir ayey shirkadda hes hiiska looga baxay kiiskeeda horgeysay garso orka, si ay qaab sharci ah ugu muujiso caba shada ay ka qabto dhnaca kale.
Guddoomiyaha maxkamadda sare JFS Md. Bashe Yuusuf Axmed oo ay wehelinayaan gars ooreyaal ka tirsan maxkamadda sare ee dalka ayaa waxay halkaas ku dhageysteen abukaate yaasha labada dhinac, waxaana garmaqalkan 3aad fadhiyey matelayaal ka socday maamulka gobalka Banaadir oo soo ajiibay u yeerista ay horay maxkamaddu ugu dirtay.
Garmaqalka 3-aad ee dacwadda ayaa ku soo dhammaaday, iyadoo aan la gaarin wax go ’aan ah oo maxkmaddu riday, waxaana loo bal anay kulanka xiga.
Shirkadda Power Technology Industries, ay aa ku doodaysa in si sharci darro ah uu Maam ulka Gobalka Banaadir uga baxay heshiis kala dhaxeeyey kaas oo khuseeyey waxyaabaha daabacaadaha shahaadooyinka laga soo saaro xafiiska Maamulka, waxaana ay ku doodayaan inay ka maqan tahay lacago aad u tiro badan oo ay halkaas ku soo bandhigeen.
Madaxweynaha Galmudug & Wasiirka G/ dhigga oo gaaray Aagga deegaanka Ceel-garas
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Ka ariye, W/Gdhigga XFS, C/dir Maxamed Nu ur, Taliyaha Hay’adda NISSA Md.Mahad Maxame d Salaad ay aa gaaray Aagga deega anka Ce el-garas ee gob olka Galgaduud oo Dorr aad la ga xore eyey Al-Shabaab oo muddo ba dan bu lsha da ku dhi baateyneysay.
Masuuliyiinta ayaa Boga adiyay XDS iyo xoogg aga difaaca Shac abka ee Cadowga ka xor eey ey deegaano Badan oo dhaca Bariga Galgad uud waxana ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Shacabka Ceel-garas la ga dulqaaday Cadow gii muddo dhibaateyna yay.
2 Xildhibaan oo Galmudug ah oo ku geeriy ooday Qarax miino oo ku haleelay Ceel Garas
Xildhibaan Maxamed Maxamuud (Max amed yare), oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug iyo Cabdullaahi Ibraahim, oo ka tirsanaa Gola ha deegaanka Caasimadda Galmudug ee Dhu usamareeb ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Deegaanka Ceel-gar as ee Galgaduud.
2da xildhibaan ayaa muddooyinkii ugu dam beeyay waxay qeyb ka ahaayeen gulufka colaadeed ee Alshabaab lo oga xoraynayo degaanada Galgaduud, waxa yna la socdeen CXDS. Maamulka Galmudug ayaa sheegay xildhi baanadan inay u geeriyo odeen iyag oo ku jira waajibaadka xoraynta de gaanad ooda. Wuxuu maamulku sheegay geer idoodu inay horseed ay xoraynta magaal ada istaraatiijiga ee Ceel Garas.
Dhinaca kale, wasaaradda gaashaan dhig ga Soomaaliya ayaa ayaa xaqiijisay CXD oo ga rab ka helaya kuwa deega anka ay si buuxda ula wareegeen gacan ku he ynta deegaanka Ceel Garas ee G/ Galgaduud.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa dega anka ayaa howlgallo nadiifin ah kawada hareeraha magaalada, iyadoo la sheegay in kooxda Alsha baab ay isaga carareen markii ay ciidamadu dhinacyada ka haree reeyeen. W/ G/dhiggu wa xay she egtay qabashada Ceel Garas in astaan u tahay guusha weyn ee laga gaaray dag aalka lagula jiro kooxda Alshabaab.
Ciidamo katirsan Ururka 12-aad ee Gor gor oo Tababar loo soo xiray
Wasiiru Dowlaha W/Gaashaandhigga oo ta babar u soo xiray Ciidamo katirsan Ururka 12-aad ee Gorgor ee CXDS* W/dowlaha W/G/dhigga So omaaliya Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa dugsiga tabab arka CXDS ee Turk-Som tababar u gu soo xi ray Ururka 12-aad ciida nka Gorgor ee CXDS kuwaas oo ku biiri doona guutada 18-aad ee Ciidanka.
Ciidamadan oo ah kuwo qaba tababar dham meystiran ayaa ku biiri doona haw lgalada ay ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanku dalka kaga saari lahaa yeen AS. W/dowlaha ayaa ka ga mahadceliyay Madaxweynaha JFS Md. Xa san Sh.Maxamuud sida ay kaga go’an tahay dhismaha ciidan qaran oo awood u leh difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta.Wasiir C/nuur oo boga adiyay dadaalada ciidanka qaran ka ayaa sidoo ale u mahad celiyay macalimiinta dalka aan
walaalaha nahay ee Turkiga iyo macalimii nta
Soomaaliyeed ee juhdiga ku bixiyay Ciidankan intii uu tababarka socday.
Sanbaloolshe oo shaaciyey dardaaran cajiib ah oo Xasan Tuure uu ka reebay
Taliyihii hore ee NISA Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa ka sheekeeyey sida uu ku bilowday halgankii lagu xoreeyey gobolka Hiir aan, isagoo soo bandhigay qisada sidii uu daga alka ku soo galay Taliye ku xigeenkii ciidanka Danab Xasan Tuure oo markii dambe lagu dil ay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud
Sanbaloolshe ayaa sheegay inuu wacay Xasan Tuure oo Jowhar jooga, heystana 150 ask ari oo Danab ah, isla mar kaana uu ka codsaday in Cali Jeyte uu dagaalka ku garab siiyo, si loo furo jidka Beledweyne ilaa Matabaan oo Shaba ab ay jareen.
"Xasan Tuure wuxuu maalinkaas igu yiri diy aar ayaan ahay ee madaxda iga sareysa la xi riir, Odawaa ayaan u tegay, Madaxweynaha ay uu ii diray, Xasan Sheekh anigaa u tegay, waa na ogolaaday, sidaas ayuu ku bilowday howlga lkii,” ayuu yiri Sanbaloolshe.
Xasan Tuure iyo Cali Jeyte dhowr bilood oo dagaal qaraar ay kula jireen Al-Shabaab kadib, waxaa u suurta gashay inay ka adkaadaan Sha baab-kii joogay bariga gobolka Hiiraan, iyagoo xoreeyey dhamaan deegaanada bari ka xiga wabiga Shabeelle oo beesha Xawaadle ay degto.
"Hiiraan markii uu soo xoreeyey Xasan Tu ure oo Galgaduud u gudbay ayaan maalin kale dardaarankii ugu dambeeyey ku kala qaadanay Hotelka Decale ee Muqdisho, wuxuu ii sheegay inuu socdo, wuxuuna igu yiri, ‘Galgaduud hada an aado, labo ayey mid noqonee, askarta aan wato in la wada laayo ama inaan Shabaab ka soo taqaluso’ labadaasna dhib kuma qabo,” ay uu yiri Sanbaloolshe oo ka sheekeeyey darda arankii ugu dambeeyey ee Xasan Tuure.
Sanbaloolshe oo hadalkaan ka sheegay Mo qokori ayaa xusay in dardaarankii Xasan Tuure ay ku jirtay in dagaalkii ay ku xoreeyeen Hiir aan uu u galay dhamaan umadda Soomaaliy eed sidii cowga looga dul-qaadi lahaa, isla mar kaana uu codsanayo hadii uu dhinto in aan la qabiileyn halgankaas.
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu codsaday in Xawaadle uusan difaac gelin ee beelaha kale ay ku garab siiyaan sidii ay isaga kici lahaaye en cadowga ku habsaday, inta uu noolyahana uu isagu sii wadi doono dagaalka ilaa uu ka ciri btiro argagixisada.
"Hadaan dhinto qabiilkeyga iyo Soomaali oo dhan madaxeeda ayaan dagaalkaan u galaye hala sii wado oo dagaalka yaan la joojin, dagaa lka yaan xuduud loo yeelin, yaan la qabiileyn, hana la ii soo aaro, ayuu Xasan Tuure igu yiri, walaahi kalaan been ah kuma da rin,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo Moqokori ka sheegay darda arankii Xasan Tuure.
Ugu dambeyntii Sanbaloolshe ayaa beeshi isa Xawaadle ka socday inay difaaca ka baxa an oo dagaalka galaan, "Walaahi ma jirto cid idi nka geesisan ee qaraaboy dagaalka gala,” ay uu yiri Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Allaha u naxariistee Taliye Xasan Tuure oo dardaarankaan laga reebay wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii iyo abaanduulihii ciidamada kuma andooska Danab, weerar culus oo Shabaab ay ku qaadeen degmada Galcad ee gobolka Gal gaduud ayaa lagu dilay dhowr bilood ka hor.
Jen.Cirro "Shacaboow haddaad Shabaab ku sii dhex jirtaan dhibkii idin gaara idinka ayaa isku geystay"
Taliye ku xigeenka ciidanka Lugta xoo gga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabd ullaahi Aad en Xuseen Ciro oo ka hadlay howlgalada ka dhanka kooxda Al-shabaab ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaali yeed iney ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab.
Jenaraal Ciro ayaa she egay in qeyb aha kala duw an ee ciidamada qalabka si da iyo kuwa deegaanka ay diyaar u yihiin ciribtirka Shabaab, islamarka ana dadka loo baahan yahay iney ka dheeraa daan xarumaha Shabaab si aysan waxyeelo u soo gaarin.
"Shacaboow waxaan idin leeyahay is aga dheerada meelaha Shabaab joog aan, dadkaas waa kuwa la beegsanay, waa la duqeyna bad iyo dhulba waa lagu beegs anaya ee hadad ku sii dhex jirtaana dhibkii idin gaara idinka ayaa isku geystay shacab oow taas ogaada" ayuu yiri Taliye ku xige enka ciidanka Lugta xoogga dalka Jener aal Cabdullaahi Aaden Xuseen Ciro.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in kooxdu ay ku harsan yihiin dhul kooban oo ay ku dhuu lameysanayaan, islamarkaana ciida nka ay uga daba tagayaan meel kasta oo ay tagaan.
Hadalkaan kasoo yeeray Taliye ku xigeen ka ciidanka Lugta xoogga dalka Soomaa liyeed Jenaraal Ciro ayaa kusoo beegma ya, iyadoo todobaadkan gudahiisa duqeyn xubno ka tirsan Al-shabaab lagula eegtay gobolka Galgaduud ay ku dhinteen dad shacab ah.
NISA Oo Qabatay Sarkaal Shabaab Ah Isagoo Ka Dhoofaya Garoonka Baydhabo
Ciidamada Nabad Sugida maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shab aab oo damacsanaa inuu si dhuu maaleysi ah uga dhoofo garoon ka diyaaradaha Shaati Guduud ee magaalada Badhabo.
Ninka la qabtay oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Ismaacii, magaciisa afgarashadana uu yahay (Nuur) oo 40 sano jir ah ayaa ayaa sheegay inuu ku noolaa magaalada Gaalkacyo kadibna uu usoo gudbay magaalada Muqdisho.
Isagoo ka sheekenayay qaabka loosoo qab tay ayuu tilmaamay in ciidamada NISA ay ka qabteen gudaha garoonka, isagoo soo jartay tikidkii diyaarada.
"Waxaa markii dambe naloo soo qaaday ma gaalada la yiraahdo Iidaale halkaas ayaan ani ga uag soo kacay markan halkaan imid diyaar ad tikidkeedii baa la’iisoo diray aniga oo rabab inaan garoonka ka baxo ayaa waxaa i qabtay ciidamada Koonfur Galbeed” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay inuu tababar soo siiyay Mahad Karataay oo katirsan hoggaanka sare ee kooxda Al-Shabaab, shaqadiisana ay eheyd inuu ahaa macalin qaab Online ah qurba joogta ku bara qur’aanka kariimka.
"Marka uu tababarka noo dhammaaday wax aa naloo qaybiyay tuute, meesha waxaan ku galnay dhoolatus, tababarkaas waxaa loogu maac daray Xasan Barsane, waxaana noo soo xiray Mahad Karataay” ayuu mar kale ware ysiga laga qaaday ku yiri Cumar Maxamed.
Dowladda Soomaaliya ayuu cafis ka dlab aday, isagoo tilmaamay inuusan jirin cid uu dhibaato u geystay, sida uu yiri
Somaliland oo sheegtay in ay waxbara shada bilaash uga dhigayso shacabka ka barakacay Laascaanood
Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalil and oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dadka ka barakacay magaal ada Laascaanood ay si bilaash ah u dhig an karaan dhamaan heerarka kala duwan ee waxbarashada, waxa kale oo ay ka digeen in la faquuqo shacabka Laascaan ood.
"Ardayda degmada Laascaanood dag ana an jirtay ee degmooyinka kale u guu ray, in wax barashadoodu ay lacag la'aan tahay, oo dug siga iyo goobaha kale ee waxbarashada ay lac ag la'aan ku dhig an doonaan, ilaa inta ay ku laaban ayan degm ada Laascaanood" Wasiirka Waxbarash ada Axmed Maxamed Diiriye Too rno ayaa sida yidhi.
Wasiiradu sidookale waxay ka digeen in wax faquuq ah loo gaysto bulshada asal ahaan ka soo jeeda magaalada Laascaan ood ee ku dha qan gobolada iyo degmo oyinka Somaliland.
"Dalka waa la wada leeyahay, qofkasta oo ku kaca fal kasoo horjeeda iyaga ku kacana ciidanka ilaalada amniga waxaanu faraynaa, in ay gacan bir ah ku qabtaan" Wasiirka Wasaar ada Beeraha Axmed Muumin Seed ayaa sida yidhi.
Waxa uu sheegay in dad qurba joog ah oo ah oo uu ku eedeeyay in ay hore Laascaanood qalalaasaheeda uga qaybqaateen, ay hadana bilaabeen in ay cabsi galiyaan shacabka reer L/Canood ee ku nool magaalooyinka Har gaysa kamid tahay.
Wasiirka Wasaarada Tignoolayiyada Cabd iwali Cabdillaahi Suufi ayaa sheegay in dad u jeedooyin lihi ay baraha bulshada ku baahin ayaan muuqaalo been abuur ah oo la rabo in cabsi iyo colaad lagu dhexdhigo shacabka /LCaanood iyo shacabka kale ee Somaliland.
SSC Khaatumo oo Somaliland ku eedaysay in ay qorshaynayso dagaalo hor leh
Qoraal kasoo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu sheegay in Somaliland ay qorshay nayso dag aalo ay ka fuliso deegaanada SSC.
Qoraalkan oo jawaab u ah qoraal ay daraad xukuumada Somaliland ku sheeg tay in ay oga atay in boqolaal dagaaly ahan oo argagixiso ah ay Laascaanood soo galeen, ayaa lagu she egay in Somaliland ay hadalkeeda ugu gogol xaadhayso weeraro cusub.
"SSC Khaatumo waxa ay fahantay in Somaliland qoraalkii u danbeeyay ay ugu gogol xaadhaysay weeraro ay ka fuliso deeganada SSC, taasi oo hadii ay dhacdo ay SSC Khaatumo kaga jawaabi doonto talaabo ku haboon" ayaa lagu yidhi qoraalka.
SSC Khaatumo qoraalkan waxay ku tilDorraady mid aanay waxba ka jirin, iyo wax lagu qoslo, iyada oo sheegtay in qora alka Dorraad aanu ka duwanayn qoraalo ay hore usoo saartay Somaliland oo ay ku tilDorraady been abuur.
SSC Khaatumo waxa ay sheegtay in Somaliland looga fadhiyo in ay caddayso halka 600 ee argagixisada ahi ay kasoo galeen magaalada Laascaanood, waxayna intaa ku dartay in Somaliland ay masuuliyadeeda qaadi doonto hadii ay wax talaabo ah qaado.
Madaxa sirdoonka oo sheegay in Israel ay diyaar u tahay inay weerarto Tehran
Madaxa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad ayaa Axaddii sheegay in Israel ay diyaar u tahay inay weerarto "bartmaha Tehran” si ay u daba-gasho kuwa uu she egay inay ka dambeeyaan in ka badan 20 isku day oo Iran ay ku beegsatay danaha Israel iyo Yahuudda ee caalamka.
Isaga oo ka hadlayey shir amni, ayaa David Barnea waxa uu sheegay in Israel iyo xulufadeeda ay sannadkii tegay, 27 we erar ku fashiliyeen Yurub, Afrika, koon furbari Asia iyo Koonfur America.
"Shirqoolada ay wadaan kooxahan wax aa soo agaasimay, hagayey oo ka dambee yey Iran,” ayuu Barne u sheegay shirka Reichman University ee Tel Aviv. Waxa uu intaas ku daray in "hadda oo aan hadlayno” Iran ay isku dayayso inay qaado weeraro dheeraad ah. "Farriinteenu waa mid qaylo dheer oo cad oo go’aan uu ku dheehan yahay,” ayuu yiri.
SIDA GABDHAHA SOOMAALIDA KUBADDA KOLAYGA UGA FAA'IIDDAY DHULGARIIRKII MOROOKO
Dhulgariir baaxad weyn ayaa Jumcihii ku dhuftay dalka Morooko kaas oo laga dareemay dalalka deriska ah. Hal mar waxaa joogsaday ama carqalad ku timid nidaamyadii adeegga bulshada iyo guud ahaan noloshii dadkii ku sugnaa halka uu dhul gariirku ka dhacay. Dad ka badan labo kun oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirkaas.
Dalkani wuxuu ka mid yahay dalalka waaweyn isla markaana saamenta leh qaaradda Afrika, saa darteedna waxaa ku sugan dadyow badan uu aan u dhalan dalkaan una joogay dano kala duwan.
Waxaa dadkaas ka mid ahaa Kooxda Qaranka ee Gabdhaha Kubadda Kolayga Soomaaliyeed oo halkaas kaga qayb galaya tartanka ciyaaraha Kubadda Kolayga Dumarka ee Dalalka Jaamacadda Carabta.
Hablahan oo ka tirsan kooxda lagu magacaabo Gifts Club oo ah naadi ka kooban hablo Soomaali ah oo ka kala yimid dalalka Australia, Maraykanka, Kenya iyo Soomaaliya ayaa magaalada Marrakesh ee dalka Morocco kaga qayb gelayey koobka Arab Basketball Club Champions oo sannadkan halkaas lagu qabtay.
Sucaad Cabdillaahi Galow oo ka mid ah madaxda ururka Somali Women Foundation oo iyadu hoggaaminaysay kooxdan ayaa BBC-da uga warrantay xaaladdii ay dareemeen iyo wixii ay la kulmeen markii habeenkii Jumcaha dhulgariir culusi ku dhuftay qaybo ka mid ah dalkaas. (Halkan ka akhriso sheekadaas), balse hadda waxaan eegaynaa sida kooxdan Soomaaliyeed faa’iidday saameynta dhulgariiska.
Dabcan marka la eego dhibaatada kasoo gaartay dadka walaalahood ah ee ku dhintay, ku dhaawacmay amaba ku barakacay wax wanaag ah kuma jiro oo aan ka ahayn murug iyo naxdin. Balse kooxdan hablaha Soomaaliyeed ayaa dhibco aysan shaqaysan helay ka dib markii dhul gariirku dhacay.
Qoraalka sawirka,
Dhulgariirka Morocco
Ka dib markii uu dhacay dhul gariirku, maalintii xigtay waxaa dhacday in qof waliba oo aan degganayn dalkaas uu isku dayo inuu ka boxo kadibna waxaa buuxsamay dhamaan diyaaradihii.
Kooxda Soomaalida oo ka koobnayd 8 ciyaartoy iyo ilaa 7 hawl wadeen ayaa isku dayey in ay ka baxaan dalka waxaase ku adkaatay inay ka baxaan magaaladii ay ciyaaruuhu ka dhacyeen iyo weliba in ay soo hor mariyaan tikadhatooda oo laabashadu ahayd 16-ka bisha.
Waxay intaas ka dib kooxdu go’aansadeen inay ka duulaan magaalo kale oo ay islahaayeen waxaad ka helaysaan diyaarad, "Waxaan go’aansannay inaan Kasablanka ka baxno oo noo jirta saddex saacadood, waanu ku guuleysannay,” ayey tiri Sucaad.
Maadaama ay kooxdu dalal kala duwan u bixi lahaayeen waxaa ku adkaatay inay soo hor mariyaan dhaamaan tikidhadiida.
Saas darteed qaar ka mid ah ayaa loo helay inay baxaan 11-ka bisha halka ay 16-ka ka bixi lahaayeen. Hase yeeshee waxaa lasoo xiriiray, Xiriirka Kobadda Kolayga ee Jaamacadda Carabta oo u sheegay in aan laga baqayn dhulgariir kale sidaas darteedna ay ciyaaruhu sii scon doonaan.
SAWIRKA
Runtii anaga markaas waxaa noo harsanayd saddex kooxood oo kala ah, Kuwait, Imaaraatka iyo Sucuudiga oo aan runtii ku rajo weynayn inaan ka awood badannahay, ayey tiri Sucaad oo hoggaaminaysay kooxdan.
Intaas ka dib waxay kooxdii Soomaalidu go’aansatay inay dib isu aruursadaan oo ay sii wataan ciyaarahooda, waxayna tikidhadii ama xilliga bixitaankooda dib ugu dhigeen 16ka bishan oo awal lagasoo badalay.
Balse mar kale waxaa lasoo xiriiray, Xiriirka Kobadda Kolayga ee Jaamacadda Carabta waxayna u sheegeen, kooxihii Imaaraatka iyo Sucuudigu "idinlama ciyaarayaan” sidaasna waxaa lagu siiyay dhibcihii labada kooxood oo wadar 12 dhibcood ah, waxayna u gudbeen kama dambeysta. Balse waxaa sidoo kale loo sheegay in ay 13-ka bisha la ciyaarayaan kooxdii kale, 14-kana loo baahan yahay inay ka baxaan dalka madaama 'la xirayo hoteelka ay degan yihiin'.
Waxay Sucaad Sheegtay in "tikidhadii oo lacag aad u farabadan naga gashay aan hadana mar kale badelnay.”
Waxaase weli u harsan hal koox oo ay Dorraad la ciyaarayaan waxaana loo sheegay in isla Dorraad oo 11-ka bisha sebteembar ah ay bixi karaan taas oo ka dhigan in ay mar kale badeli doonaan xilliga ay baxayaan.
Kooxdu weli waxay ku sugan tahay dalka Morooko wixii warar ee kasoo kordhana isla qormadan ayaan idinkula socodsiin doonaa.
XIGASHO:-BBC
MOROKO: WAA GABAR KU DHALATAY DHULGARIIR NOLOSHUNA UGA BILAABATAY WADADA DHINACEEDA
Gabar ku dhalatay dhulgariir Ilmaha ay dhashay Khadiijo weli magac ma leh, laakiin gurigeedii ugu horreeyay waa teendho waddada dhinaceeda ku taal.
Waxa ay dhalatay daqiiqado yar ka hor dhulgariirkii ku dhuftay Moroko habeenimadii Jimcaha.
In kasta oo hooyada iyo gabadheeduba bed qabaan, haddana cusbitaalka Marrakesh oo ay ku jireen waa laga saaray. Baaritaan degdeg ah ka dib, waxaa laga codsaday inay baxaan saddex saacadood ka dib dhalmada.
"Waxay noo sheegeen inaan ku qasbanahay inaan baxno cabsi laga qabo dhulgariir dambe awgii," ayay tiri khadiijo.
Iyaga oo umul cusub ah, Khadiija iyo ninkeeda waxay isku dayeen inay taksi u raacaan subaxnimadii hore ee Sabtida gurigooda oo ku yaal magaalada Taddart ee buuraha Atlas, oo qiyaastii 65km u jirta Marrakesh.
Laakin markii ay halkaasi ku sii socdeen ayaa waxa ay ogaadeen in wadooyinku ay go’een dhul go’ay uu dhul gariirku keenay awgii, waxa ayna dhaafi waayeen tuulada Asni.
Qoyskan ayaa tan iyo markaas daganaateendho ku taal wadada weyn dhinaceeda.
"Wax caawimo ah ama gargaar ah kama helin mas'uuliyiinta," ayay noo sheegtay, iyadoo haysa ilmaheeda oo dugaal ka dhiganaysa qorraxdana kaga gabanaysa teendhi jilicsan.
"Waxaan ka codsanay dadka qaar ee tuuladan inay bustayaal nagu caawiyaan."
Tan iyo markaas, waxay ku guuleysteen inay dhistaan teendho iska nugul. Khadiija waxa ay noo sheegtay in ay ilmaha yar u hayso oo kaliya hal joog oo dhar ah.
"Ilaah oo keliya ayaan leennahay," ayay raacisay.
Saaxiibada xaafadooda ayaa qoyska u sheegay in gurigoodu uu aad u burburay, mana garanayaan goorta ay heli karaan meel ku haboon inay degaan.
Moroko
Cadhada sii kordhaysa
Meel aan ka fogayn teendhadii Khadiija waxaa ka muuqda calaamado muujinaya niyad-jabka sii kordhaya ee ka imanaya caawinta yar ee gaadhay magaalooyinka iyo tuulooyinka dhulka miyiga ah ee buuraleyda ah ee koonfurta Marrakesh. Asni waxa ay 50km u jirtaa Marrakesh, balse dadku waxa ay sheegeen in ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah. Dad cadhaysan ayaa isku gadaamay weriye deegaankaas ka tirsan, iyaga oo cadhadii kula kufay isaga. "Annagu ma haysanno cunto, ma haysanno rooti iyo khudaar, waxba ma haysanno," ayuu yiri mid ka mid ah dadkaas oo diiday in magaciisa la sheego.
"Cid noomay iman, waxbana ma hayno, Ilaah iyo boqorka oo keliya ayaannu haysannaa."
Tan iyo markii uu dhulgariirku ku dhuftay waxa uu ku noolaa hareeraha waddada weyn ee tuulada isaga iyo afar carruur ah oo uu dhalay. Gurigiisii weli wuu taagan yahay laakiin dhammaan gidaarada ayaa aad u dildilaacsan, waxayna aad uga cabsi qabaan inuu dumo.
Xoogaa busteyaal ah ayey soo qaateen waxayna ku guulaysteen in ay soo laabtaan hadda busteyaasha oo kaliya ayey ku seexdaan.
Gaari weyn oo nooca xamuulka qaada ah ayaa soo ag maray waxayna dadka qaar isku dayeen in ay joojiyaan, iyaga oo rajo ka qaba inu agab iyo cunno sido. Laakiin orod ayu uku dhafay.
Weriyaha oo ku sugnaa bartamaha dadka ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidamada booliska, waxaana weli daba socday dad doonaya cid ay ku cadha baxaan.
Teendhooyin
Dadka qaar ayaa sheegaya inay teendhooyin ka heleen maamulka, balse ma jirto tiro teendhooyin ah oo ku filan dhammaan dadka u baahan.
Waxaa halkan ka dhow Mbarka, oo ah qof kale oo ku nool teendho.
Waxay nagu hogaamisay waddooyin u baxa dhinaca gurigeeda oo aanay hadda ku noolaan karin.
"Ma haysto wax aan ku dhiso guriga, ma garanayo waxa dhici doona," Mbarka ayaa yiri.
"Waqtigan xaadirka ah, dadka deegaanka ayaa na caawinaya."
Waxay la noolayd labadeeda gabdhood, wiil ay soddoh u tahay iyo saddex ay ayeeyo u tahay.
Markii gurigu bilaabay inuu gariiro ayay bannaanka u soo yaaceen, waxaa ku sigtay inuu kusoo dumo guri aad uga weyn kooda oo dhidibbadu u dilaaceen kadibna soo siibtay balse u dhacay dhinaca kale.
"Waxaan u maleyneynaa in dowladdu ay na caawin doonto," ayuu yiri wiilka ay soddogga u tahay ee Abdelhadi, "laakiin waxaa jira 120 tuulo oo aagga ka dhow." XIGASHO:-BBC
OGAYSIISKA CALAAMADA GANACSIGA
WINSTON
OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadda ganacsiga ee kore ay tahay hantida JT INTERNATIONAL S.A. of 1, rue de la Gabelle, 1211 Geneva 26, Switzerland iyo in calaamad ganacsi oo isku mid ah loo isticmaalo badeecadaha soo socda:
fasalka 34: tubaakada, ha ahaato mid la warshadeeyay ama aan la warshadayn; tubaakada sigaarka, tubaakada tubaakada, tubaakada gacanta lagu duubo, tubaakada ruugista, tubaakada snuska; sigaarka, sigaarka, sigaarka; Walxaha sigaarka lagu cabbo si gaar ah ayaa loo iibiyaa ama lagu qasay tubaakada, midna uma aha dawooyin ama dawooyin; buuriga;Qodobbada sigaarka cabba ee lagu daray fasalka 34; warqadaha sigaarka, tuubooyinka sigaarka iyo taraqyada
Waxa kale oo la ogaysiinayaa in JT INTERNATIONAL S.A. ay sheegato dhammaan xuquuqaha la xidhiidha sumadda ganacsiga ee aynu kor ku soo xusnay ee Soomaaliya, isla markaana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto qof kasta ama qof kasta oo lagu helo inay u isticmaalayaan calaamadaha ganacsiga ee aynu kor ku soo sheegnay ama calaamado kale oo ganacsi si khiyaano ah ama jahawareer la mid ah amahaddii kale ay ku xad gudubto xuquuqdeeda.
HALKAAN KA AKHRISO:- WARGEYSKA.M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 12-KA SEPTEMBAR 2023-KA
..