Daawo: DF oo min labo darajo dalacsiisay ciidankii shalay Shabaab ku laayey Awdheegle

0
Monday September 11, 2023 - 14:17:07 in Wararka by
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: DF oo min labo darajo dalacsiisay ciidankii shalay Shabaab ku laayey Awdheegle

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa galabta gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo shalay si weyn loogu laayey Khawaarijta Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday ciidanka dowladda.

Taliyaha oo ka baxay Shabeellada Dhexe ayaa halkaas ku tegay amar uu bixiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidankii ka dagaalamay Awdheegle dalacsiiyey.

Dhamaan ciidankii ka dagaalamay Awdheegle ee shalay cashirka u dhigay Al-Shabaab ayaa la dalacsiiyey min laba darajo, taasi oo ciidanka u noqotay fursad dhif iyo naadir ah.

 

"Waxaan rabaa ciidamada labada guuto ka kala tirsan ee shalay halkaan guusha ka dhaliyey, cashirkana u dhigay Khawaarijta, in la sii soo qoro magacyadooda, waxaa la dalacsiiyey mid laba darajo,” ayuu yiri Taliyaha xoogga.

Wuxuu sidoo kale ciidanka gaarsiiyey hambalyo iyo bogaadin uu kaga siday Madaxweyne Xasan Sheekh oo taliyaha ku amray inuu ciidankaas deg deg ugu tago oo min laba daraji dalacsiiyo.

"Waxaan idiin balan qaadayaa in dalacaadaan kadib aan qiimeyno kala sareynta ciidanka alif ilaa seddaxle, darajo kasta lacagteeda ayaad qaada doontaan,” ayuu yiri.

 

Sidoo kale Taliyaha Xoogga ayaa sheegay in liiska saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka dagaalanay Awdheegle uu u gudbi doono madaxweynaha, si ay u helaan abaal-marinta ay mudan yihiin.

"Guusha aad gaarteen Khawaarijta niyad jab ayey ku riday, waxaan kai mid Nuurdugle, dhamaan dhulkaas waa isaga baxeen markii ay ku niyad jabeen sida aad u jebiseen,” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku sii daray.

 

Ugu dambeyntii Taliyaha xoogga ayaa saraakiisha iyo ciidanka xasuusiyey in nin kasta maalinta uu joogo uu qarankaan u adeego, "Dalkaan ninba maalin ayuu u soo dagaalamay, inta aad nooshihiin dhiigiina haku nasteen shacabka walaalihiin ah,” ayuu yiri.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin oo...................... - YouTube


Hoos ka daawo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip