Masaajidka Somalia ee ku yaalla Morocco ee ka facawayn xornimada Soomaaliya

0
Sunday September 10, 2023 - 16:17:07 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masaajidka Somalia ee ku yaalla Morocco ee ka facawayn xornimada Soomaaliya

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Masaajidka Soomaaliya

XIGASHADA SAWIRKA,.

Magaalo ku taalla wuqooyiga Morocco oo lagu magacaabo Ouarzazate, ayaa waxay muddo dheer ahayd meel halbowle u ah ganacsiga Afrikaanka, gaar ahaan kuwa doonaya inay suuq wanaagsan ka helaan wuqooyiga qaaradda iyo Yurub. Sidaas daraadeed ayay ku qaadatay naaneysta ah 'albaabkii saxaraha'.

Ganacsatada halkaas tagi jirtay ayaa waxaa kamid ah Soomaalida, oo xiriir ganacsi la lahayd Morocco, kuwaas oo la sheegay inay dhiseen masaajidka loogu magac daray Soomaaliya ee loo yaqaano (Mosquée Somalie).

Sanadihii 1920-tameeyadii ayaa la sheegaa in xiriirka ganacsi ee ugu badan ee Soomaalida iyo Morookaanka dhexmaray uu jiray.

Darbiyada masaajidkaan ayaa waxaa ku xardhan waxyabo dhaqan ka turjumayo oo kamid yahay geela, kaas oo dhaqan ahaan ay isticmaalaan labada waddan.

Masjidka Somalia ayaa ah masaajidku ugu weyn magaalada Ouarzazate kaas oo ay ku tukudanaa musliinta ugu badan ee dalka, maadaama uu ku yaallo bartanka magaalada oo ah meel u dhaw suuqa ugu saxmadda badan magaalada.

Taariikhdu waxay sheegeysaa in masaajiddo ay horay ugu yaaleen magaalada, ka hor inta aysan Soomaalidu dhisin midkaan, inkasta oo aan la ogayn sababta ganacsatadaas Soomaaliya ya u go'aan sadeen dhismaha masaajidkaan taariikhda galay.

Mudada uu dhasan yahay ayaa haatan gaaray hal qarni.

Magaalada Ouarzazate

Magaaladaan waa mid yar, balse waxay xuddun u ahayd ganacsiga Afrika ee doonay inuu isaga kala goosho qaaradaha Afrika iyo Yurub. Waxaa imaan jiray ganacsatada doonaya inay ganacsigooda balaariyaan oo ay suuq u helaan.

Ouarzazate waxay sii balaaratay waqtigii gumaystaha Faransiiska uu maamulayay, taas oo noqotay magaalo maamul dagan yahay iyo sidoo kale meel ganacsi ku kala goosho.

Markii waddanka uu isaga tagay gumeystihii faransiiska sanadihii kontomeeyadii, waxaa ka bilowday magaalada ganacsiga aflaamta, ilaa iyo hadda sidii uu u bilowday ayuu u bulaalayaa.

Ouarzazate waxay noqotay magaalada kaliya ee marar badan ka soo muuqatay filimada, guud ahaan Morocco, waxayna u noqotay tusaale.

Magaaladaan ku taalla buuraha sare ee ku yaalla waqooyiga Morocco ee Atlas, ayaa loo garan ogyahay 'albaabka laga galo saxaraha'.

Waxaa ku yaalla qasriga la dhisany qarnigii sagaal iyo tobnaad ee Taourirt Kasbah, iyada oo leh deegaan daawashada ku wanaagsan kaas oo ka soo muuqday filimaan badan oo Hollywood ah.

Waxaa u dhaw magaalada ciid gaduudka ah ee Aït Ben Haddou, iyo sidoo kale magaalada dhagaxda badan ee lagu magacaabo Todra Gorge.

 

XIGASHADA SAWIRKA,.

Masaajidda kale ee ku yaalla Ouarzazate

Morocco oo ah dal muslim ah ayaa waxaa ku yaalla masaajiddo badan oo qadiimi ah, kuwaas oo soo jiita dalxiisayaasha waddankaas taga qaarkood.

Qaar kamid ah masaajidada ku yaalla magaalada Ouarzazate ayaa waxaa kamid ah:

  • Masaajidka Al mouqaouma
  • Masaajidka Al Massira
  • Masaajidka Al Wahda
  • Masaajidka El wahda Sofla
  • Masajidka Ait kdif
  • MasaajidkaAl Qouds

Masaajidaan ayaan sidaa masaajidka Soomaaliya oo kale lahayn taariikho aad u facwayn, balse waxay caan ka yihiin magaalada

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip