Maxaa laga ogyahay 'Taalo Tiiriyaadyada ama Xabaal Tiiriyaadyada' dhulka Soomaalida

0
Saturday September 09, 2023 - 20:25:15 in Wararka by
  • Visits: 1364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxaa laga ogyahay 'Taalo Tiiriyaadyada ama Xabaal Tiiriyaadyada' dhulka Soomaalida

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Mid ka mid ah xabaal tiiriyaadyada

XIGASHADA SAWIRKA,ADRIADRE VAN ZANDHER

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah xabaal tiiriyaadyada
Dhaqanka Soomaalida ama kan gobolka geeska Afrika marka laga hadlayo, wax badan lagama sheego aathaar qadiimi ah oo qarniyaal jira, kuwaasoo laga helo dhul baaxad weyn oo ku teedsan deegaannada ay Soomaalidu degto.

Arrinta aan ka hadlayno ayaa ah ‘Taallo Tiiriyaad’ ama ‘xabaal Tiiriyaad’.

Khubaradu waxay isku raacsan yihiin in taallo tiiriyaadyadu ay u samaysan yihiin qaab u eg kan ahraamta Masar oo kale ee ay dhiseen faraacinadiii hore.

"Taallo tiiriyaadka waxay u eg yihiin ahraamta oo waa dhisme dhagax ka samaysan, halka Xabaal tiiriyaadka ay yihiin meel dhagxaan la tubay” ayuu yiri prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ka mid ah macallimiintii muddada dheer wax ka dhigi jiray kulliyadda luqadaha ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, cilmi baarisna ku sameeyey dhaqanka iyo Afka.

"Waxaa laga dhex helaa lafo dad iyo agabkii qarniyaal ka hor la isticmaali jiray” ayuu sii raaciyey Prof. Mansuur. Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan dhowr taariikhood oo la xiriira cidda dhistay taallo tiiriyaadyada.

"Qaar baa yiraahda boqorro hore ayaa ku aasan, taariikh kalena waxay sheegaysaa in dad la oran jiray reer Tiiri ay dhiseen, waxayna ku badan yihiin gobollada Bari, Sanaag, sool, Togdheer iyo degmada Harar” ayuu yiri borofasoor Mansuur.3

 

XIGASHADA SAWIRKA,ABDALLA MANSUR

Qoraalka sawirka,

Macluumaad ku saabsan Tiiriga waxay ku jiraan buuggan

Wuxu meesha ka saaray taariikhda ah inay jiraan boqorro hore oo dhisay ama ku aasan, Wuxuu aamisan yahay in Xabaal Tiiriyaad iyo Taallo tiiriyaad ay isku mid yihiin, laakin guddoomiyaha Akadeemiyada Fanka, Dhaqanka iyo Suugaanta C/qaadir Nuur Xuseen Maax wuxuu isagu u kala qaaday labo. "Taallo tiiriyaad waa dhisme, halka Xabaalo tiiriyaadna ay yihiin qubuuro.

Labada cilmi baare waxay isku raacsan yihiin in halkaas ay ku aasan yihiin dad la oran jiray "reer Tiirri”.

"Reer Tiiri waa dad dhaadheer oo xoog leh, lagana cabsan jiray, kuwaasoo ka talin jiray gobollada waqooyi bari ee Soomaaliya” ayuu sii raaciyey Prof. Mansuur.

Labada cilmi baare ma aysan sheegin sannadihii loo malaynayey in dadkaas ay jireen, waxayse isku raaceen inay ka horreysay xilligii diinta islaamku ay soo gaartay Soomaaliya, waxayna intaa ku dareen in loo baahan in baaritaan dheeraad ah lagu sameyo ayadoo la adeegsanayo cilmiga Degel-baaridda (Archaeology).

 

XIGASHADA SAWIRKA,X

Qoraalka sawirka,

Prof. Cabdalla Cumar Mansuur

Maax iyo Prof. Mansuur waxay BBC u sheegeen in waagii ay reer Tiirri jireen la isku inkaari jiray "waran tiiriyaad kugu dhac”, taasoo ilaa hadda mararka qaar ay Soomaalidu adeegsato.

"Qaar ka mid ah dadkii taariikhdaas baaray mar aan waraystay waxay ii sheegeen in aathaarta ku duugan Xabaal tiiriyaadyada ee la aaminsan yahay inay reer Tiirri ku duugeen laga baqi jiray in dibadda loo soo saaro ayadoo la aaminsan yahay in Jin uu ku jiro halkaas” ayuu Maax u sheegay BBC.

"Jiritaankooda arrimaha lagu yaqaanno waxaa ka mid ah Ceel loo yaqaanno Ceel Tiirri ama 'Biri-qodday', waxaana laga helaa dhulka Soomaalida, sababta loo yirina waxay ahayd inay lahaayeen cilmi ay dhulka uga soo saaraan birta ka samaysanta danabka cirka ka soo dhaca ama biriqda, birtaasoo ah mid aad u adag oo dhagxaanta lagu jabin karo, ka dibna waxay ku qodi jireen ceel Tiirri la yiraahdo oo laga helo dhulka dhagaxa ah ee aadka u adag” ayuu yiri Maax.

Xabaal tiiriyaadka ama taallo tiiriyaadka laga helo dhulka Soomaalida waxay khubaradu isla qireen inay ku jirto taariikh weyn oo qadiim ah iyo xadaarad boqolaal sano gaaraysa oo muujin karta raadad la xiriira noloshii iyo ilbaxnimadii ka jirtay gayiga Soomaalida.

 

XIGASHADA SAWIRKA,YOUTUBE

Qoraalka sawirka,

Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax)

Taallooyinkaas oo si teelteel ah looga helo min Harar ilaa iyo Baardheere ilaa iyo deegaannada waqooyiga bari ee Soomaaliya waxay Cabdalla Mansuur, C/qaadir Maax iyo dad kale oo dhaqanka Soomaalida u dhuun daloola ku taliyeen in laga shaqeeyo sidii ay suurtogal u noqon lahayd in baaritaan dheeraad ah ay ku sameeyaan degel-baareyaal (Anthropologists/archaeologists) macluumaad intan ka badan ka keeni kara taariikhda Taallo tiiriyaadka.

Arrinta kale ee muhiimka ah ee ay tilmaameen khubarada waa in la dhowro oo maamullada deegaannada ka jira ay xafidaan taallooyinkaas qadiimka ah si aysan u dayacmin ama isbeddelka cimilada uusan dhibaato u geysan inta laga helayo culimo baaritaan ku samaysa.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip