
HALKAAN KA AKHRISO:- WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 5-TA SEPTEMBAR 2023-KA
Ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdigiisa oo gaaray dalka Qatar
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda jamh uuriy adda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii balaarnaa ee uu hog gaaminayo ayaa si diirran gal abta loogu soo dhaweeyay magaalada Do oxa ee caasimadda dalka Qatar.
Ra’iisul wasa are Xamse oo casuuma ad ka helay dhiggiisa Qatar Sheekh Max amed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani ayaa isaga iyo waf digiisa waxa booqasho 3 ma almood oo rasmi ah ay ku joogi doonaan dalkan Qatar, isaga oo kala hadli doona madaxda Qatar xoojinta xir iirka iyo iska ashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaal aha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.
Mudulood oo 6 qodob kasoo saaray dagaal ka Al-Shabaab, iskana ururinaya qaaraan
Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Mudul lood ayaa shirweyne muhiim ah ku yeeshay ma gaalada Muqdisho, waxaana shirkaas ka soo baxay go’aano adag oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Shirka Mudullood wax aa ka soo baxay war-mur tiyeed ka kooban lix qodob oo quseeya xoreynta dee gaanada beesha iyo sidii mus ta qbalka looga difaaci lahaa koox da Al-Shab aab.
Sidoo kale Mudullood waxay codsi la xiriira cunaqabateynta saaran dalka u dir een beesha caalamka, iyagoo codsaday in dowladda Soo maaliyeed lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.
Taliyihii hore ee NISA Jeneraal Cabdi raxma an Maxamed Turyare ayaa akhriyey bayaanka ka soo baxay beelaha Mudulood ee Muqdisho ku shiray, waxaana gogosha dhigay duqa Muq disho Yuusuf Madaale.
"Shir weynaha beelaha Mudulood wa xaa la gu qaadaa dhigay mudiimada ay lee dahay in dib la isku abaabylo, loona xoo jiyo dagaalka, iyadoo deg deg loo soo gab agabeynayo joo gitaanka Khawaarijta ee deegaanada Mudul lood,” ayuu yiri Tuur yare oo bayaanka akhr iyey.
Lixda qodob ee bayaankaan ayaa ka ah:
1 – In si deg deg ah beel kasta oo Mudull ood ka tirsan ay deegaanadeeda uga xorey sato Khawaarijta, iyagoo aan u kala harin.
2 – In deegaanadooda ay ka abaabula an ciidamo deegaankooda difaaca Khawaa rijta oo garab siiya ciidanka xoogga dalka, iyagoo saa nadda iyo tababarrada ka kasha doona ciidan ka qaranka, waxaana arrin kaas dabageli doo na siyaasiyiinta.
3 – In beel kasta oo Mudulood ka mid ah ay dhaqaale ahaan isku tashato oo si qaaraan ah ay ku uruursadaan dhaqaale ku filan, si aag agga loo asteeyey ay u joogaan. 4 – Beelwey nta Mudullood waxay si we yn u taageersan tahay una garab taagan tahay ciida mada qaranka iyo dowladda uu hoggaami nayo Madaxweyne Xasan Sh.
5 – Beesha Mudulood waxay guddiga Amn iga ee Q/Midoobey ugu baaq aysaa inay DFS ka qaadaan cunaqabateynta hub ka, si looga adkaado argagixisada. 6 – Sidoo kale bee sha Mudulood waxay ugu baaqeysaa bee sha ca alamka inay kor dhiyaan kaalmadooda iyo gar ab istaago oda DFS, si ay u soo gab agabeyso dagaal ka ay kula jirto Khawaarij ta .
Fanaankii weynaa Axmed Naaji Sacad oo Xalay geeriyooday
Sida ay xaqiijiyeen qoyskiisu waxa magaala da London ku geeriyooday Fanna ankii weynaa ee Axmed Naaji Sacad. ka dib xanuun deg deg ah oo ku soo booday.
Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalx iiska, Wasiir ku-xigeen ka, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha Wasa aradda Iyo shaqaalaha Wasaara da Warfa afinta, Dhaqan ka iyo Dalxiiska JFS waxay tacsi tiiraanyo leh u dieen qoyska, qara abada, ehelada iyo Hobol adda Qaranka ee Waaberi oo uu ka baxay All ah u naxari istee Marxuum Al Fanaan Ustaad Axmed Naaji Sacad.
Marxuumka waxaa uu ka mid ahaa aas-aase yaasha iyo udub dhexaadka fanka So omaali yeed, gaar ahaan hobalada Qaran ka ee Waa beri.
Sannadkii 1939kii ayuu ku dhashay de gma da Shibbis ee Muqdisho oo xilligaas la odhan jiray Billaajo.
Axmed Naaji Sacad waqtigii uu barba ara yay waxa dugsiyada Muqdisho lagu dhigan jir ay Af Carabiga iyo Af Talyaaniga, marka laga yimaaddo maaddada Quraan ka oo si guud dugsiyada loogu dhigan jir ay. Kolkii uu ilaa du gsi sare ku dhammays tay xaafaddii uu ku dha shay ayuu u guuray Xamarweyne gaar ahaan xaafadda Iskura ran.
Halkaas ayuu Axmed Naaji ka maqli jir ay heesaha laga qaadayo xarunta Leega da oo u dhowayd Iskuraran.
Xiligii xorriyadda la qaadanayey, Axmed wu xuu ahaa nin gaashaanqaad ah oo da ’da laab aatanka ay wax u dheer yihiin oo uu markan ku sii batay jacaylka uu u qabo fanka, isaga oo aad u dhagaysan jiray Radio Muqdisho oo ay ka heesi jireen fan naaniin ay ka mid yihiin Suu fi Cali, Faad umo Kiinya Faadumo Hirad) iyo Khadiijo Cabdillaahi Camey "Dalays.”
Fanka Axmed Naaji waxa uu kor u kac ay kolkii ay Axmed Naaji isdhexgaleen fan naa niintii Woqooyiga ka timid, sida Cabdil laahi Qarshe, Xuseen Aw Faarax Dubbad, Axmed Cali Haaruun (Dararamle) Cisma an-gacanlow iyo kuwo kale. Raggaa qaar ka mid ahi waxa ay Axmed ka caawiyeen dhisidda erayada suugaanta.
Sannadkii 1962kii ayaa si rasmi ah Axmed Naaji la qoray Radio Muqdisho, waxaana lagu qaatay hees Banaadiri ah ayd oo la odhan jiray "Wuu ahaaday add uunkan.”
Waxa uu ku soo baxay barnaamij maalin kasta oo Axad ah bixi jiray oo la odhan jiray "Lugo-baxsi” oo idaacadda Ra dio Muqdisho fannaaniinta ku tartansiin jir ay.
Tiyaatarka Qarnka oo si rasmi ah uga bi llaawday tartanka Hirgeli Hibadaada
Xarunta Wakaaladda Murtida iyo wac yigal inta Qaranka ee Tiyaatarka Qaranka waxaa Shalay si rasmi ah uga furmay bar naamijka tartanka Hirgeli Hibadaada oo ka qeyb gala yaan bahda Sugaanta qeybaho oda kala duwan.
Tartanka oo uu horay u daah furay Gud doomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xa ashi Cabdillaahi ayaa muddada uu soco nayo tartamayaasha ku soo bandhigi doo naan sugaan ka hadleeyso falalka guracan oo ay khawaarijtu ku heyso shacabka Soo maaliyeed iyo ka qayb qaadashada dagaal ka lagula jiro kooxda Khawaarijta.
Tartamayaashii Shalay lagu daah-fu ray ay aa halkaas ku soo bandhigay heeso iyo gab ayo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaa rijta, iyo halista kooxaha argag ixisada ah.
Mid kamid ah tartamayaasha hirgeli hiba daada oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cabdullaahi ayaa ayaa yiri "Ma daxweyne ge esi ah markuu talada miisa amay iska dila mar iidkana na yiri ee midn imo duula milatari careysani markuu Mii gga amar siiyey”
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dal xii ska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ay aa daah-furkii toddobaadkii hore ka shee gay in u jeedka yahay sidii kaalin weyn Abwaaniinta So omaaliyeed uga qaadan lahaayeen dagaalka lagula jiro kooxda kha waarijta, noqdona wejiga saddexaad ee khawaarijta loogula dagaala mayo dhanka Fikirka.
Dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ay ey Shacabka iyo dowladda Soomaaliye ed u mi doobeen, iyadoo Slsuugaantu ka mid tahay ti irarka ugu muhiimsan ee Soomaal idu fari imaha isku gaarsiiyaan, iyadoo barn aamujkan qayb ka noqonayo qorshaha do wladda ee lagu ciribtirayo fikirka xagjirka.
Xubin Ka Tirsan Kooxda Al-Shabaab Oo Isu Soo Dhiibay Ciidamadda Xoogga Dalka
Hafow Cabdulqaadir Ibraahim oo maga ciisa afgarashada Shabaab uu ahaa (Saa bir)kana tirsanaa Nabadiidka Alshabab ayaa isku soo dh iibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60-aad.
Hafow ayaa muddo 1-sa no ah Khawariijta u qaabil sanaa Jabhadda, wuxuu na ka soo howlgaley deegaano ka tirsan Jubb ada Hoose iyo Bakool. Ugu dambeyn wuxuu baaq udiray saaxibadiisa kale ee ku jira Khawariijta in ay isaga soo baxaan oo ay isku dhiibaan ciidanka dowladda.
Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay waday qorshe ay isugu soo dhiibeyso cii damadda xoogga dalka, dadka isa soo dhiib aya ayaa isugu jira askar iyo saraakiil, waxa ana ugu danbeeyay madixii amniga Shabaab ee gobolka Mudug oo dowladda isu soo dhii bay.
Taliska xoogga dalka oo faahfaahin ka soo saaray dagaal Shalay ka dhacay Daarunicma
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Axmed Aadan Cali oo shir jaraa’id ku qabtay banaanka hore ee Mas
jidka caanka ah ee deegaanka Daarunicma ay aa faahfaahin ka bixiyey dagaal culus oo Shalay ka dhacay deegaankaas.
Kooxda Al-Shabaab ayaa Shalay soo weer artay degaanka Daarunicma, wuxuuna Taliy uhu sheegay in halkaas jab culus lagu gaarsi iyey kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay is far asaareen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dee gaanka.
"Waxaan joognaa Masjidkii weynaa ee Daar unicma, waxaa deegaankaan gacanta ku haya ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka, si wa naagsan ayaan uga guuleysanay kooxdii wee rarka soo qaaday oo aad ayaa loogu jebiyey da gaalka,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka.
Jeneraal Axmed Aadan oo shirkaan jaraa’id qabtay casir liiqii Shalay ayaa sheegay in ciid anku ay howdka ku sii baacsanayaan Al-Shab aab-kii weerarka soo qaaday oo jidanaya mey dad iyo dhaawacyo ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay Daarunicma.
"Waxaan ciidanka xoogga iyo kuwa deega anka uga mahadcelinayaa sida gee sinimada leh ee Shalay ay isaga difa aceen cadowga we erarka soo qaaday, waa dagaalanteen waxaa na tihiin geesiy aal naftooda huray,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka.
Wuxuu ku faanay in ciidanka xoogga dalka aysan ka baqin geerida, isagoo ku tilmaamay geesiyaal aan la maleysa karin sida ay u dag aalamayaan iyo qadiyadda adag ee ku jirta.
"Hadidi mar kale ay Khawaarijtu isku daydo weerar kale inay soo qaado waxay u jebi doonaan sida Shalay oo kale, hadda ka dib ku ma sugi doono halkaan ee how dka ay galeen ayaan uga dabageli doo naa,” ayuu yiri Taliye Axmed Aadan.
Markii laga soo tago ciidanka xoogga dalka, deegaanka Daarunicma waxaa ku sugan ciid amo is abaabulay oo dadka de egaanka ah, ku waas oo marar badan Al-Shabaab ka difaac day, kuna jebiyey weer arro ay ku soo qaadeen deegaankaas.
Halkee ku dambeeyay kiiska madaxii AL-SHABAAB ee Mudug ee isku dhiibay DF?
Dabayaqada bishii dhamaatay ee August waxaa ciidanka dowladda federaal ka ah ee ku sugan aagga Wisil ee gobolka Mudug isku soo dhiibay Nuur Cabdullaahi Maalinguur oo loo ya qaano Nuur-deeq, oo ahaa madaxii argagixi sada ee gobolka Mudug.
Ninkan ayaa muhiim u ahaa kooxda marka la eego awoodooda gobolka Mud ug, waxaana isku soo dhiibistiisa loo arkay mid kamid ah astaamaha muujinaya in kooxda sii jabeyso.
Markii uu isa soo dhiibay dood badan ayaa ka dhalatay sida loola macaamili doono iyo waxa uu mudan doono, waxaana dib loo soo saaray dhacdooyin dilal iyo weeraro ah oo ka dhacay gobolka Mudug oo lagu eedeeyay inuu door ku lahaa.
Dadweynaha ayaa si adag oo diidmo ah uga fal-celiyay qoraal garab istaag u muuqday oo la sheegay inuu ka yimid mid kamid ah xil dhibaannada ninkaan ku met ela golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Haddaba waxay dadka badi isweydi inaya an halkee ku dambeeyay horjooga han ka tirs anaan jiray kooxaha argagixi sada ee isku dhii bay dowladda Sooma aliya.
Midda koowaad sida uu ahaan jiray dhaqan ka soo jireenka ah ee la waafajin jiray argagi xisada isa soo dhiibta ninkaan waxaa lagu wareejiyay hay’adda Sirodo onka iyo Nabad-sugida ee NISA. Halkan waa meesha lagu hu biyo inuu isa soo dhiibaha toos uga soo dhama aday kooxda ama inuu ma agan yahay dabino qarso on. Xogaha qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Nu ur-deeq uu bixiyay xogo caawimaad u no qon kara dagaalka iyo in arg agixisada si fudud loo soo dhaafiyo deegaan ada Galmudug iyo HirShabeelle.
Ninkaan waxa uu isa soo dhiibay iyada oo uu jiro go’aan madaxweyne oo ah in la caf inaayo kuwa ka towbad keena fikirka qariban ee argagixisada ee sababay dhim ashada kum anaan ruux oo Soomaali ah.
Inkasta oo ay jiraan dad eed taban siiyay siyaasiyiinta metela horjoogahan, haddana wa xaa soo baxeysa in siyaasiyiin taas ay marn aba isku dayin inay sharciga baalmaraan oo qof argagixiso ah dhabarka marsadaan.
Siyaasiyiintaan ayaa sidoo kale la shee gay in kaalin ka qaateen in ninkaan uu kasoo tago argagixisada, waana midda keentay in halkii uu iska soo dhiibay ay siya siyiinta qaar ugu taga an oo ay kasoo wadaan.
Ma cusba in horjoogayaal waaweyn oo arg agixiso ah ay isa-soo dhiibaan laakiin waxaa marwalba aad loo duraa daac adnimadooda da mbe iyo waxyaabaha ay kuwii hore kusoo bii riyeen dowladnimada Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.
Ninkaan ka tirsanaan jiray kooxaha arg agi xisada ee la yiraahdo Nuur-deeq xaa lkiisa iyo u qalmidiisa in markale bulshada lagu dhex da ayo waxaa go’aan ka gaari do onta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamu ud iyo dowladiisa waxay dhowr jeer ku cel-celiye en in kuwa isa-soo dhiiba inta kagu jiro daga alka in loo sameyn doono habkii ay bulshada caadiga ah ugu soo dhex noqon lahaayeen lo ona badbaadin lahaa noloshooda iyo mus taqbalkooda.
Taas oo la sheegay inay gudaha argag axi sada ka noqotay farriin togan oo ay arg agixiso badan ka fikirayaan inay ka faa’iid eystana, maadaama shacabkii Soomaali yeed ay soo jeesteen oo adag tahay in fikir ka argagixisada kasii shaqeeyo Soom aaliya
Howlgalo ka dhacay gobolka Galgaduud oo lagu dilay 43 ka mid ah kooxda Al-shabaab
Ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaal iya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaa nada Xiin tubaal iyo Ceel cali weyd oo ku yaala Koonfur Bari ee gobolka Gal gaduud ku dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaa radda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ay howlgala daasi ku dileen 43 xubn ood oo ka mid ah Ururka Al-shabaab, islamark aana lagu burburiyay saddex gaari oo ay lah aayeen kooxda.
"Khawaarijta halkaas lagu laayay waxay ah aayeen maleeshiyaad halkaas ay ku uruuri yeen Khawaarijtu kuwaas oo ka kala yimid goo bo kala duwan oo horay loogu weeraray Khaw aarijta" ayaa lagu yiri Wars axafadeedka Wasa aradda Warfaafinta kasoo baxay.
Warsaxafadeedka kasoo baxay dowlad da ayaa sidoo kale lagu sheegay in deega ano ku yaala galbeed gobolka Galguduud ciidanka dowladda Shalay ka sameeyeen hawlgal saf balaaran ah oo kooxda Shaba ab looga sifee yay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Dhinaca kale waxaa Warsaxafadeedka la gu sheegay in ciidamada dowladda ay Shalay ka hortageen weerar kooxda Shab aab ku qaa day deegaanka Daarunicma ee gobolka Shab eellaha dhexe, islamarkaana kooxdii weerarka asi soo qaaday jab lagu gaarsiiyay.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wa saa radda Warfaafinta oo faahfaahsan:-
Ottawa: Khasaare dhimasho & dhaawac oo ka dhashay toogasho ka dhacday goob xaflad Aroos ay ka socotay
Wararka ka imaanaya magaalada Ott awa ee Caasimadda dalka Ca nada ayaa sheegaya in weerar dhaliyay dhimasho iyo dhaawac ay koox hubeysan ku qaadeen hool ku yaala Koon furta magaalada as oo xaflad Aro os ah ku dhi ganayeen lamaane Soomaaliyeed.
Weerarkaas ayaa inta la xaqiijiyay wax aa ku geeriyooday 2 ruux, halka ay ku dha aw acmeen 6 ruux oo kale, hayeeshee wali lama garan heybta kooxda hubeysan ee rasaasta mar qura ku furtay dadkii ku sugnaa hoolka xaf lada arooska ah ay ka dhaceysay.
Labada ruux ee weerarkaasi ku dhintay ay aa magacyadooda lagu kala sheegay Saciid Maxamed Cali oo 26 jir ahaa iyo Cabdishakuur Cabdi Daahir oo 29 jir ahaa, waxaana xusid mu dan in goobtii farxada taalay ay mar qura isku badeshay murugo iyo meel dhiig badan dur eero.
Ciidamada Booliiska magaalada Otta wa ay aa sheegay iney wadaan baaritaano ku aadan weerarkan khasaaraha dhaliyay, iyagoona ka codsaday dadkii xaflada joo gay ee ka bad baa day weerarka iney usoo gudbiyaan macluuma adka dadka weerarka geestay.
Dhacdadaan ayaa ah mid si weyn looga had al haayo magaalada Ottawa ee dalka asi Can ada, kadib markii goob ay farxad iyo reyn reyn taalay mar qura isku bada shay goobo murug badan.
Faysal Cali Waraabe oo sheegay in ciidan ka Somaliland dib u qabsan doono Laa scaanood
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somal iland ee UCID Faysal Cali Waraabe oo ku sug an taliska Oog ee ciidamada So maliland, ayaa sheegay in Somaliland ay dib u qab san doonto Laas caanood.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in jabkii ciidan ka soo gaadh ay uu ahaa qa dar, isla markaana uu ku kalsoon yahay in ciidanku uu guulaysan doono talaaba da xigta. "Shalay ta dhacday waa qadar Ila hay, Nabi Maxamed waad ogtihi inoo Uxud waa maalintii 70ka asxaabi laga dil ay isagoo Badar guulay stay, markaa waxan hu baa in aynu gu ulaysan doono, inagu dulmi sa mayn mayno la kiin wax an xaq u leenahay in aynu xuduude eda sugno" ayuu yidhi Fay sal.
Waxa uu sheegay in shacabka reer Sool ay yihiin reer Somaliland, lakiin uu shishe eye ku soo duulay sida uu hadalka u dhig ay, isaga oo xusay in jabkii ciidanka soo ga adhay ay baraa rujisay shacabka Somali land.
Waxa uu ku dooday in xuduuda Soma liland ay ka mid tahay xuduudihii Afrika ee isticma arku sameeyay 1885, isla mar kaana anay suu ragal ahayn in la badalo, garaadada SSC ayuu sidookale ugu baa qay in ay ka shaqeeyaan sidii ay Somal iland wax ula dhisan lahaayeen.
Ciidamadii Somaliland ee dhawaan laga soo saaray saldhigyadoodii magaal ada Laascaa nood, kadib jab kasoo gaa dhay dagaal dhe xm aray ciidamada SSC Khaatumo ayaa hada dib isugu urursaday taliska Oog ee gobolka Sool.
Golaha Wakiilada Somaliland oo guddi mur an dhalisay u saaray xeerka doora shooyin ka isku sidkan
Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Somalil and ayaa guddi 11 xildhibaan ka ko oban u sa aray iswaafajinta xeerka doora shooyinka iyo soojeedintii madaxda dhaq an ka ee khilaafka doorashada. Guddidan oo loo asteeyay in ay keento xeer doorasho oo waa faqsan isasaarka door ashoo yinka madaxweynaha iyo urur ada siyaasada, ayaa buuq ka dhexdhalisay golaha iyadoo xi ldhibaanada qaar ka biyo diideen qaabka loo soo xulay.
Haddaba xildhibaanada qaarkood ayaa shee gay in ay la hadleen Guddoomiye Yaasiin Ma xamuud Xiir Faratoon, isla mar kaana dib u si xid lagu samaynayo, iyada oo bogga golaha oo hore loogu baahiyay magacyada guddida hada laga saaray.
"Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in uu ku qaybiyay guddida qaab deegaame ed, waxa anu guddoomiyaha u soo jeedinay in xeerka cida samaynaysa ay noqoto guddida arrimaha guddaha iyo amniga" mid kamid ah xildhibaan ada diiddan qaab xulista guddida ayaa sida yi dhi. olaha Wakiilada ayaa sidoo kale aqb alay digreetadii madaxweynaha ee fara ysay in xeer laga sameeyo isla ma rkaana la dhaqan galiyo taladii odaya asha ee xalka u no qotay khi laafkii xukuumada iyo muca aradka.
ICRC oo sheegtay inay aastay 42 askari oo looga tagay goobihii lagu dagaala may ee Laascaanood
Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in ay aastay 42 mayd ah oo lagasoo saaray jiida hore ee dagaalka Sool. Hay'adda ICRC waxay si doo kale booqatay in ka badan 300 oo max buus oo kamid ah ciid a madii Somaliland ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Laas caanood.
War-saxaafadeedka ICRCda ayaa lagu xu say in toddobaadkii la soo dhaafey 110 qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaalada, halka 42 me yd ah lagasoo soo ar uur iyey goobihii lagu dag aalamay si loogu same eyo aas. "Waa muhiim in maxbuus kasta, laba da dhinac, loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini'aadantini mada. Taas ma cneheedu waxa weeye in qof kasta oo xidhani uu helo cunto iyo biyo oo aanu la kulmin in si xun loola dhaqmo,” ayay tiri hay’adda caalam iga ah ee ICRC.
Dagaalada gobolka ayaa socday tan iyo bilo wgii sanadkan, waxaana colaaddu ay sababtay dhimasho iyo dhaawac ba dan, burbur hantiy eed oo baahsan iyo boq olaal kun oo qof oo ka barakacay gury ahoodii.
Erdogan & Putin oo ku kulmay Moscow, arr imo xasaasi ahna ka wada hadlay
Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ay aa ka dib kulan uu la yeeshay dhigiisa Ruushka Putin waxaa uu sheegay inay dhowaan suurto gal noqon doonto in dib loo soo nooleeyo he shiiskii qamadiga ee Q/Midoobay ay sheegtay in ay ka caawisay in la yareeyo dhibaatada cun tada iyada oo la iibinayo qamadiga Ukraine.
Ruushka ayaa ka baxay heshiiska bishii Luu lyo – sanad ka dib markii ay dhex dhe xaadina yeen Qaramada Midoobay iyo Turkiga
Putin ayaa sheegay in Ruushku uu ku soo laab an karo heshiiskii qamad iga haddii reer galbeedku ay fuliyaan qoraal gooni ah oo ay Q/M.isla garteen si loo fudud eeyo dhoofinta cuntada iyo bacri minta Ruushka.
Isaga oo garab taagan Erdogan, Putin waxa uu sheegay in Ruushka uu ku soo laaban karo heshiiska balse waa haddii reer galbeedku jooj iyaan xaddidaadda dho ofinta beeraha Ruush ka ee soo gaartay suuqyada caalamka.
"Waxaan diyaar u noqon doonaa inaan tixg elinno suurtagalnimada dib u soo noo leynta he shiiskii qamadiga, waxaanan u sheegay mad axweyne Erdogan arrintan mar kale Shalay – waxaan sameyn doo nnaa tan sida ugu dhakh saha badan dham maan heshiisyada qaad ista xayiraadaha dhoofinta wax soo saarka beeraha Ruu shka si buuxda loo fuliyo,” ayuu yiri Putin.
Waxa uu sheegay in sheegashada reer gal beedka ee ah in Ruushku uu kiciyay cunno yari ka dib markii uu joojiyay ka qay bgalka he shii ska qamadiga ay tahay mid aan sax ahayn ma adaama qiimaha uusan kor u qaadin ka bixita ankiisa heshiiska. In kasta oo dhoofinta cunta da iyo bac riminta Ruushku aanay ku jirin cun aqabatayn reer galbeedka ah oo lagu soo rog ay ka dib markii Ruushku ku duulay Ukraine iyo Ruushku dhoofiyay xaddi sare oo sar reen ah sannadkii hore, Moscow iyo dhoo fiyeyaasha beeraha ayaa sheegaya in xay iraadaha lacagaha, saadka iyo caymiska ay caqabad ku noqdeen shixnadaha. "Reer Galbeedku waxay sii wadaan inay xannibaan sahayda iyo bacrimi nta ka imanaysa Ruushka ee suuqyada addu unka,” ayuu yiri Putin, isagoo intaa ku dar ay in reer galbeedku ku khiyaameeyeen” Ruushka heshiiska sababtoo ah wadam ada qaniga ah waxay heleen in ka badan 70% badarka la dhoofiyo ee hoos yimaada heshiiskan
Putin waxa uu sheegay in Russia ay filayso in sanadkan la soo saaro qamadi dhan 130 milyan oo tan oo 60 milyan oo tan ka mid ah la dhoofin karo.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Khamii stii sheegay in uu u diray Wasiirka Arrima ha Dibadda ee Ru ushka Sergei Lavrov "qo rsheyaal la taaban ka ro” oo looga gol leey ahay in dib loo soo nool eeyo heshiiska.
Mid ka mid ah dalabaadka ugu weyn ee Moscow ayaa ah in Bangiga Beeraha ee Ruu shka lagu xidho nidaamka lacag bix inta caal amiga ah ee SWIFT. Midowga Yu rub ayaa jar ay bishii Juun 2022 taasoo qayb ka ah cuna qabatayn ballaaran oo la gu soo rogay Ruu shka ka dib duulaanka Ukraine
Putin waxa uu sheegay in qorshe ilaa 1 mi lyan oo tan oo qamadiah oo Ruushku ku keen ayo Turkiga qiimo jaban si loogu far sameeyo dhirta Turkiga iyo dhoofinta dalal ka aadka ugu baahan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Ruushka uu ku dhow yahay heshiis lix dal oo Afrikaan ah la gu siinayo qamadi sida Burkina Faso, Zimba bwe, Mali, Somalia, Central African Republic iyo Eritrea mid kiiba 50,000 oo tan oo qamadi
Jeneraal xilka madaxweynaha ka tuuray Ina adeerkii oo Shalay loo dhaarinayo Madaxwe yne
Madaxa militariga ee Gabon, Jeneraal Brice Oligui Nguema, ayaa lagu wadaa in loo dhaa riyo xilka madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi. Ciidamada ayaa xilka ka tuuray mada xweyne Ali Bongo Arbacadii wax yar kadib ma rkii la gu dhawaaqay in uu ku guuleystay doora sho lagu murmay.
Taageerayaasha hoggaanka milateriga ee dalka Gabon ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan cal eema saarka Gen Nguema. In kastoo xaaladda waddanku deg gan tahay haddana ammaanka ayaa aad loo adkeeyay. Hogaamiyaha afgambiga sameeyay ayaa la sheegay in ay ilmo adeer yihiin madax weynihii xilka laga tuuray ee Ali Bongo, taasoo keentay shakiga laga qabo in tani ay dhab ahaantii soo afjarayso 55-tii sano ee Bongo.
Jeneraal Nguema ayaa sheegay inuusan ku degdegi doonin inuu dalka dib ugu celiyo xukun rayid ah, si looga fog aado khaladaadkii ho re.Mucaaradka ayaa iyaguna diginin u jeediyay milatariga xuk unka la wareegay. Gabon waa waddankii lixaad ee ku hadlaaf ka Faransiiska ee hoos taga xukun milatari sad dexdii sano ee la soo dhaafay, waxaana sii kor dhaya dalalka Afruika ee ka dhacayana af-gembiga.
SIDEE DALKAN UU MADAXWEYNE XAS AN KU HAL-QABSADAY UU UGA HORMA RAY SOOMAALIYA OO AY ISKU DURUUF HAYSATAY?
Singapore
XIGASHADA SAWIRKA,AFP/GETTY IMAGES
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxa muud iyo Lee Kuan Yew
adaxweynaha Soomaaliya oo 7baadkii hore ka hadlayey barta X (oo loo aqoon jiray Twitter) ayaa u sheegay dadkii dhegeysanayey "ma lihi Soomaaliya waxaan ka dhigayaa sida Singapore, iyo Dubai, laakiin waxaan doonayaa in aan al-Shabaab dalka xoreeyo, ka dibna aan u jihaysanno horumar dalku gaaro”.
Wuxuu ku halqabsaday dalka Singapore oo ah dal yar oo Aasiya ku yaalla, oo muddo yar horumar weyn ku gaaray. Baaxad ahaan Singa pore waa 734 KM oo iskuwareeg ah, waxaana lixdamee yadii ay dhaq aale ahaan iyo horumar ahaanba la mid ahayd Soomaaliya, laakiinse Shalay xagga dhaqaalaha horumar weyn ayey ka samaysay.
Haddaba sidee ugu suurto gashay jasiiradaas yar ee markeedii hore ay Malaysia kala go’een in ay kaalinta 36aad kaga jirto dhaqaalaha caalamka, kaalin intee le’eg ayuuse ku lahaa hogaamiyihii ugu horreeyey ee dalkaas Lee Kuan Yew.
Shaafici Shariif Maxamed waa dhaqaal eyahan wax ku soo batay jaa macad ku taalla Malaysia, wuxuu ka warramayaa sida uu Singapore ku gaaray horumarka muddadaas 50ka sano ah iyo kaalintii uu ku lahaa Lee Kuan Yew. Somalia
XIGASHADA SAWIRKA,EPA
Billowga horumarka Singapore
Singapore XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
"Dalka waxaa ku nool seddex qowmiyad ood oo kala ah Malay, Hindi iyo Shiine. Qowmiyadda dalka u badnayd oo ahayd Malay muslimiin ah ayuu Ingiriisku heshiis kula galay inay madax banaani qaataan haddii ay nabad galinayaan Hindida iyo Shiineeska” ayuu yiri.
Dalkaas wuxuu Malaysia kaga go’ay afti loo qaaday, ayadoo ay sidas codsadeen labada qowmiyadood ee Hindida iyo Shiinaha.
Inta badan ra’iisul wasaaraha dalka wuxuu ka yimaadaa qowmiyadda Shiina ha. Lee Kuan Yew wuxuu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horree yey ee dalkaas. Wuxuu aad xoogga u saaray in dadka dalka ku nool ay noqdaan dad aad wax u barta oo tacliinta loo dareero.
"Waxay shiinaha oo uu hogaaminayo Lee Kuan Yew la yimaadeen istaraatijiyad xagga dhaqaalaha lagu horumarinayo, wa xaana hadaf kooda 1aad uu ahaa in la dhiso ama la horumariyo warshadaha, iyi sidoo kale in ganacsiga la horumariyo. Qar amada midoobay ayaa aad uga taa geertay oo dhanka khubarada dhaqaa laha kala shaqaynaysay” ayuu yiri Shaafici. Wuxuu intaa raaLciyey in dadka dalkaas ay aqoonta ka dhis meen. Wuxuu intaa ku daray in dalalka Aasiya oo ganacsigii u furfuray, nidaamyadoodana hagaajiyey, warshadihii oo si fiican uga hanaqaaday, iyo maamulka bankiyada oo dalkaas ka hirgalay ilaa Shalayna uu ugu horreeyo qaaraddaas ay u saamaxeen Sin gapore inay tiigsato yool fog.
XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
"Arrimaha uu la yimid ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalkaas waxaa ugu horra ysa hogaamin daahfuran iyo ka go’naan sho ay daacadnimo la socoto, wuxuuna aad ula diriray, una cirib tiray musuqmaas uqa” ayuu yiri Shaafici Shariif.
Wuxuu aad u adkeeyey nidaamka wax barashada si ay u soo baxaan dad aqoon toodu sarrayso maadaama uusan dalku la hayn wax soosaar. "Xataa manhaj ka Mal aysia laga isticmaalo waa kan Sing apore” ayuu sii raaciyey.
Dalkaas wuxuu soo jiitay ganacsiga caa lamka, waxaana xafiisyo ku leh shirkad aha ugu waaweyn dunida. Shirkadaha mar aakiibta iyo bankiyada ayaa u badan shir kadahaas. Waxaa intaas dheer in Lee Kuan Yew uu Singapore ka dhigay dal aan raacsanayn dhinac ka mid ah dhinacyada isku haysta siyaasadaha caalamka. Wuxuu kaloo wax weyn ka qabtay shaqa la’aanta.
Shaqsi ahaan Lee Kuan Yew waa nin bartay sharciga. Wuxuu dhashay xilligii gu maysigii Ingiriiska. Markii uu iskuulka dham eeyeyna wuxuu galay jaamacadda Raffles College oo hadda aah jaamacadda Natio nal university of Singapore, ka dibna wux uu waxbarasho u aaday London School of Economics oo uu uga sii gudbay jaamacad da Cambridge oo uu isku mar ka qaatay laba shahaado.
Wuxuu xafiiska hayey Juun 1959 ilaa Nofembar 1990. Waana wakhtigaas xilliga uu horumarka aadka u weyn gaarsiiyey Singapore. Wuxuu geeriyooday 23 Maarso 2015 isagoo 91 jir ah.XIGASHO:-BBC
Gen. Al-Burhaan oo soo geba-gebeeyey socdaalkii uu ku tegay Suudaanta Koonfureed
Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, ahna Taliyaha Guud ee Ciid danka dalkaasi, Jeneral C/Fataax C/raxma an Al-Burhan ayaa dib ugu laabtay Caasi madda KMG ee Port Sudan.
Jeneraal Al-burhaani ayaa booqasho hal maalin qaadatay waxa uu ku tegay Caa simadda dalka Suudaanta Koonfureed ee Juba, oo uu Dorraad gaaray.
Jeneral Al-Burhan ayaa waxa uu kulan khaas ah la soo yeeshay Madaxweynaha dalkaasi, Salva Kiir Mayaradit,
Kulanka ayaa labada dhinac uga wada hadleen Iskaashiga Wadajirka iyo Danaha labada dal iyo dadaalka Xal-u-helista Col aada dalka Sudan.
Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Port Sudan ayaa waxaa ku soo dhaweey ey Jeneral Ibraahim Jaabir Ibraahim oo xubin ka ah Golaha KMG ee dalkaasi, Jeneral Maxamed Al-qaali Cali Yuusuf oo ah Xoghayaha Guud ee Golahaasi iyo Tiro Wasiirada Wilaayadaha Badda Cas.
W/Q Ustaad Nuradin
SOMALIA
OGAYSIISKA DIGNIINTA CALAAMADA GANACSIGA
MERGEFIELD CATCHBENNY
MERGEFIELD LOGOTYPEOGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamada-ganacsiga ee sare ay tahay hantida:MERGEFIELDDYNAMIC_NAME1DAVITA TRADING (PTY) LIMITED, A company with head office at MERGEFIELD DYNAMIC_NAME215 Stellar Drive, Crown Extension 4, Crown Mines, Johannesburg, 2092, South Africa.
calaamada ganacsiga waxaa loo isticmaalaa alaabta soo socot
fasalka 29: maraq, budada maraq iyo diyaarinta maraq; xabadaha saamiyada; hilibka, kalluunka, digaaga iyo ugaarta; hilibka laga soosaaray; miraha iyo khudaarta la keydiyay, la barafeeyey, la qalajiyey lana kariyey; jellies, macaanka, compotes; ukunta, caanaha iyo caanaha; saliidaha la cuno iyo dufanka. Ogaysiis sidoo kale waxaa la bixiyaa in dacwad sharci ah lagu soo oogi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamad isku mid ah ama ku dayasho, ama cid kasta oo ku xad gudubta xuquuqda lahaanshaha ganacsiga.
OGAYSIIS CALAAMAD GANACSI
BLEDINA
OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadda ganacsiga ee sare ay tahay hantida BLEDINA a Société par actions simplifiée of 81 rue de Sans Souci 69760 Limonest FRANCE iyo in calaamad ganacsi oo isku mid ah loo isticmaalo badeecadaha soo socda:
fasalka 05: caanuhu waxay khamiiraan ujeedooyinka daawooyinka iyo lactose; Cunto carruurta yaryar, kuwaas oo kala ah: burka caanaha, maraqa, maraqa qaabka fuuqbaxay, caano, caano budada ah, maraqa khudaarta, khudaarta saafiga ah, khudradda saafiga ah ee qaabka fuuqbaxa, casiirka miro iyo khudradda, roodhida; Suxuunta yaryar ee la diyaariyey (cuntada loogu talagalaydhallaan) oo ka kooban hilib, kalluun, ham, digaag, bariis, khudaar iyo/ama baasto
fasalka 29: Hilibka, kalluunka, hilibka digaaga, ugaadha; miraha iyo khudaarta la ilaaliyo, la qalajiyey iyo/ama la kariyey; compotes, compotes miro, miraha saafiga ah; maraq; cuntooyinka ugu muhiimsan ee ka kooban hilibka, kalluunka, digaaga ama khudaarta; Cuntooyinka baakadaysan ee ka kooban inta badan hilibka, kalluunka, digaaga ama khudaarta;cuntooyinka barafaysan ee ka kooban hilibka, kalluunka, digaaga ama khudaarta; cunto baakadaysan oo ka kooban hilib, kalluun, digaag ama khudaar; cuntooyinka la diyaariyey oo ka kooban hilib, kalluun, digaag ama khudaar; miraha iyo khudaarta la ilaaliyo, la qalajiyey, la kariyey oo la qaboojiyey; hilib, kalluun,miraha iyo khudaarta la ilaaliyo; caanaha, caanaha budada ah, caanaha jellied ee dhadhanka leh iyo caanaha subagga iyo beddelka, beddelka caanaha ee asalka dhirta; badeecooyinka caanaha ku salaysan dhirta ama lowska; waxyaabaha caanaha laga sameeyo, taasi waa macmacaan caano, yoghurt, caano fadhi, mouss, custard, macmacaankiriimyada, farmaajo la faafin karo, farmaajo, gaar ahaan farmaajo beeralayda, Petit-Suisse; cabitaanada inta badan laga sameeyay caanaha ama caanaha, cabitaanada caanaha (caanaha badankooda), cabitaanada caanaha oo ay ku jiraan miro; caanaha dabiiciga ah ama dhadhanka khamiirsan
fasalka 30: Kookaha, shukulaatada, cabitaannada kookaha, cabitaannada shukulaatada, sonkorta, bariiska, bariiska la kariyey, tapioca; bur, tart iyo keeg (macaan ama macaan); baastada dabiiciga ah ama dhadhanka leh iyo/ama cufan, diyaargarowga laga sameeyay badarka, quraacda; suxuunta la diyaariyey oo inta badan ka kooban baasto; suxuunta diyaarsanasal ahaan ka kooban baasto; rootiga, rushka, buskudka (macaan ama macaan), maraqa, waffle, keega, macmacaanka; macmacaanka, barafka, barafka laga sameeyay yogurt, jalaatada, yoghurt baraf ah (barafka)
Ogaysiis sidoo kale waxaa la bixiyaa in BLEDINA ay sheegato dhammaan xuquuqaha marka la eego calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan ee Soomaaliya oo ay bilaabi doonto tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta ama qof kastaoo lagu helo iyaga oo isticmaalaya calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan ama calaamad kasta oo kale oo ganacsi si khiyaano ah ama jahawareer la mid ah, ama haddii kale ku Xad gudubta xuquuqdeeda


0 



HALKAAN KA AKHRISO:- WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 5-TA SEPTEMBAR 2023-KA
..