HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA O HH AH SABTI 2-DA SEPTEMBAR 2023-KA

0
Saturday September 02, 2023 - 08:19:10 in Wararka by
  • Visits: 624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA O HH AH SABTI 2-DA SEPTEMBAR 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xog: Kulan ay Gaalkacyo ku yeelan lahaa yeen Xassan Shiikh & Deni oo baaqday (Sababta)

Waxaa meesha ka baxday rajadii laga qabay inay magaalada Gaalkacyo ku kulmaan Madax weynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo hogaamiyaha Punt land Siciid Deni

Deni oo weli ku maqan sa far dibadda ah ayay wararku sheegayaan inuu ka baaq day socdaalkii magaalada Gaalkacyo.

Axmed Karaash oo ah Madaxweyne ku xige enka Puntland ayaa gelinka hore ee Shalay ku wajahan magaalada Gaalkacyo halkaasoo uu ka furayo Koobka Gobollada Puntland.

Wararka ku dhow madaxtooyada Punt land ayaa sheegaya in Deni oo ku sugan M/Nairobi uu toos u aadi doono Garowe.

Waxaa sidaas meesha uga baxay hada l-ha yntii sheegaysay in Siciid Deni iyo Xasan Shi ikh ay kulan gaar ah ku yeelan doonaan Gaal kacyo si ay uga wada-hadlaan khilaafka labada dhinac oo haatan maraya meel adag.

Golaha Wasiiradda oo Shalay meel mariy ay heshiisyo ay wada gaareen Sooma aliya iyo Itoobiya

Shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiirad da XFS oo uu Shalay Md.Shir gudoomiyay R/wasa araha XFS MXamse Cabdi Barre ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka, islamar kaana lagu meelmariyay he shiisyo is afgarad oo dhexmaray Soomaal iya iyo Itoobiya

R/wasaare Xamse Cabdi barre ay aa ugu horey Golahiisa Wasiirad da la wadaagay safar hal maalin ah oo uu Dorraad ku tagay D/Aad an Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu ku sheegay inuu la xariiray dhiiragalinta cii da nka dowladda ee dagaalka kula jira Ururka Al-shabaab.

Kulanka waxaa sidoo kale Goluhu ay ku me el mariyeen heshiisyo ay wada gaareen dowla daha Soomaaliya iyo Itoob iya oo la xiriira arri maha Dibadda, Caafimaadka, Waxbarashada, Warfaafinta, Dalxiiska iyo tayeynta maamulada dowliga ah. Shirka 7Baadlaha ee G/Wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa warbixino la xariira amn iga guud ee dalka looga dhageystay Wasaar adaha G/dhigga & Amniga Gudaha, kuwaas oo Golaha u soo bandhigay guulaha laga gaaray how lgaladii ugu dambeeyey.

Golaha Wasiirrada XFS ayaa sidoo kale si weyn u bogaadiyey guulaha ay ciidamada xoog ga dalka ay ka gaarayaan furimaha dagaalka Shabaab looga xureynayo dalka.

Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo gobola da Galgaduud, Mudug, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay ka socdaan abaa bulkii ugu dambeey ay ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab loo ga ciribtiraayo guud ahaan dalka.

Md.C/llaahi Maxamed Nuur oo shaaciyey tirada 10 cisho uga soo goosatay Al-Shabaab

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya oo ha dda ah la-taliye ka tirsan xafiiska Madaxweyna ha dalka, sidoo kalena ah Agaasimaha Xarun ta Qaran ee Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nu ur ayaa ciidam ada qaranka la wadaagay tira da dagaalyah anada iska soo dhiibay Al-Shab aab. Agaasime Cabdullahi oo ka mid ahaa ma suuliyiin ciidanka kula hadashay furimaha dag aalka ee G/Sh/Dhexe ayaa sheegay in horjoo gayaasha & dagaalameyaasha Al-Shabaab ka soo goostay 10-kii cisho ee u dambeysay ay ka badan yihiin 200 oo qof, sida uu sheegay.

"Intii aad howlgalkaan ku jirteen 10-kii cisho ee u dambeysay, waxaa iska soo dhiibay oo ka soo baxsaday Khawaa rijta dhalinyaro aad u badan oo 200 ka bad an,” ayuu yiri. C/hi M .Nuur ayaa intaas ku sii daray in hoggaamiyeyaashii kooxda ay bilaabe en inay isisoo dhiibaan, maadaama aysan jirin sabab ay u sii dagaalamaan.

Wuxuu sidoo kale ciidanka ugu laab qaboo jiyey inay Shabaab jabeen oo sidii hore ay wax badan ka niyad xunyihiin, taas oo macquul ka dhigeysa inay is wada dhiibaan, hdadii lagu sii wado dagaalka.

"Dadka aad la dagaalameysaan ma garanay aan waxa ay ku dagaalamayaan oo waa ogyihi in inay ku socdaan wado qaldan, kuwii ugu sar eeyey oo is dhiibaya ayaad idaacadaha ka ar agteen, raggaas carruurta islaameed qaldaya waxay carruurtooda u diyaariyeen nolol wanaa gsan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Agaas ima ha xarunta Tubsan.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in xa fiiskiisa uu waajib ka saaran yahay in qof kasta oo la xaqiijiyo inuu ka soo haray fikirkii Khawa arijta ay u sameeyaan dhaq ancelin, si loogu soo celiyo bulshada isagoo badqaba.

"Waajibka na saaran, diinteena suuba na ay na fareyso waa in qofkii ka soo hara fikirkaas oo cadeeya in la qaldan aan dhaq an celino, fur sado wanaagsan ayuu heli doonaa qofkii soo doonta cafiska loo fidiy ey,” ayuu yiri C/hi.M.N R/W/re Xamsa: "Lama Aqbali Doo no in La Xagal Daaciyo Halganka Dalka Looga Xor eynayo Khawaariijta

R/W/ha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ay aa sheegay inaan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga u soo daatay ee dalka looga sife ynayo Alshabaab.

Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la majo xaabiyo, cid walba waa la gula xisaabtam ayaa masuuliyadda saar an, idin kuna wax aad tihiin geesiyaal diyaar u ah duru ufta u gu adag in ay kula dagaalamaan cadowg ooda, waxaad u dhimanaysaan, u- gaajoo nay saan waa waddankiina oo aad cado wga ka dif aacaysaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasa araha oo meel fagaaro ah kula hadlayay ciida mada.

R/Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in da gaalka uu sii socon doono inta ay ku harsan yih iin Alshabaab taako ka mid ah dhulka Soomaal iya, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta Soo maaliyeed inay garab iyo gaashaan u noqdaan difaac ayaasha qaranka ee dhiigooda u huraya xoreynta dalka.

Tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Cows wane waxaa soo baxayay warar shee gaya in saraakiil ciidanka Dowladda katir san ay masu ul ka yihiin guul darrada ciidan ka Dowladda, ta asoo keentay in ciidamadu kasoo baxaan furi maha dagaalka, inkastoo hadda dib loogu celi nayo.Madaxweyne Xasan Sheikh Maxam uud ayaa sheegay in gaaray waqtigii lala xisaabtami lahaa kuwa uu sheegay in ay ku tagri faleen awoodda ciidamadu lahaay een. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu isbed del ku sameeyo saraakiisha hogg aaminaysa howlgallada militari ee ka socda Galmudug, si loosoo celiyo mooraal ka ciidanka

Sh. Shariif "Dagaal wuxuu u baahan ya hay istiraatiijiyo Cad & qorshe siyaasadeed”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay daga alka ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda, isago ona soo saaray Baaq ku socda madaxda dowl adda Federaalka iyo saraakiisha ciidamada.

Sheekh Shariif oo Qoraal kusoo qoray barti isa Facebook ayaa waxa uu marka hore uu ku sheegay in Mowqifkiisa ku aaddan la dagaallan ka Shabaabka uu yahay mid soo jireen ah oo aan maranaba isbeddelin xilli kasta iyo marxa lad walba.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tilmaamay inuu si buuxda u garab taagannahay dagaalka Ciidamada Qala bka Sida iyo kuwa deegaanka ay kula jiraan dagaalamayaasha Al-Sha baab.

"Qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa lag ama aamusi karo, masuuliyadiisana waa in dad ka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yim aadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midki hore. Geesiyaasha dhiigoo da huray ma rna ma aqbalayno inay dayac maan, cidna ugu ma heeybeeysanee yno ina difaacno xuquuq dooda” ayuu yiri Shariifka.

Wuxuu intaas kusii daray "Markale, waxa an codsanaynaa inaan la marin habaa bin dag aalka lagula jiro Argagaxisada, lana siyaasad ayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan la gu mashquulin waxya abo aan waxba ka so kordhineen. Dagaal wuxuu u baahan yahay ist iraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caal ami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalka”

R/wasaarihii hore ee dalka oo ku baaq ay in la garab istaago ciidanka Qaranka

R/wasaarihii hore ee dalka Cumar Md. C/r ashiid Cali Sharmaarke oo warb aahinta la hadl ay ayaa ku baaqay in la garab istaago ciidanka Qaranka ee daga alka kula jira Khawaarijta.

”horay dalku uma socon karo haddii aan la soo afjarin khawa arijta,sidaa daraa deed waxaa la gama maarmaan ah in shacabka ay sii wadaan taageerada ku aadan dagaalka looga horjeedo khawaari jta”ayuu yiri R/was aarihii hore .

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxa uu tilmaamay in cadowgu mar kasta ay guul u tahay kala qaybsanaanta umad da,waxaana waajib ah ayuu yiri in loo midoobo dagaalka lagu xoreynayo dalka.

"in la guuleysto waxay dan u tahay dadka iyo dalka,sidaa aawadeed,waxaan ku boorinayaa shacabka in ay garab istaag aan dowladdoo da”ayuu yiri R/wasaarihii Hore ee dalka

Aw Xirsi oo cambaareeyey ‘bahdilka iyo masaafurinta’ Mahad Sheekh Muxyidiin

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Deega anka & Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Dr. Aadam Ibraahim Aw-Xirsi ayaa si adag u cambaar eeyey bahdil, jirdil iyo tarxiilid la sheegay in Jub baland ay u geysatay Mahad Sh. Muxyidiin oo horay ay uga soo wada tirsanaayeen golaha wasiir rada ee maamulkaas.

Aadan Aw-Xirsi oo aad u muc aarada maamulka Jubbaland ee Axmed Mado obe hoggaamiyo oo mar uu wasiir ka soo noq day ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray camb aareyntaan ku socotay maamu lka Jubaland.

"Bahdilka iyo masaafurinta lagula kacay saaxii bkeygii hore ee aannu ka wada tirsanayn Gol aha Wasiiradda Jubaland Mahad Sheekh Muxy idiin oo ay sameey een ciidamada maamulka uu muddo-xile edku ka dhamaaday ee mag aalada Kis maayo aad baan u cambaaraynay aa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Aw-Xirsi.

Waqtiga uu ku soo aaday beegsigaan ayuu sidoo kale farta ku goday wasiir Aw-Xirsi, isa goo sheegay in shaki weyn ay ka qabaan in tar xiilkaan uu la xiriiro dagaalka Al-Shabaab.

"Ku soo beegidda falkaan xilli ay umad da So omaliyeed dagaal aan waxba la isula harin kula jirto argaggixisada Al-Shab aab-na waa mid shaki weyn abuuri karta,” ayuu yiri Aw-Xirsi.

Dawladda Soomaaliya oo horay u sheegtay in aan qofna laga celin karin, lag ana musaafuri karin dalkiisa, balse hadda ma jiro war raami ah oo ku saabsan tarxiilkaan cusub ee maam ulka Jubbaland uu ku kacay oo ka soo baxay dowladda federaalka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoo be ayaa siyaasad adag ku maamula dhulka uu ka arrimiyo maamulkaas, taasi oo u sahashay inuu in ka badan 10 sano sii heysto xukunka, iyadoo mucaarad kasta uu waxaba ka qaadi wa ayey.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xa san Sheekh ayaa aad u xushmeysa Madaxwe yne Axmed Madoobe oo saaxiib dhow la ah R/ wasaaraha dalka, sidoo kale wuxuu Axmed Ma doobe galaangal xoogan ku yeeshay gudaha dowladda dhexe, sida baarlamaanka, wasiirr ada iyo xafiiska Madaxweynaha intaba.

Wasiir Cabdirisaaq oo shaaciyey 3 arrin oo xasaasi ah oo ay Maxaas u tageen

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo ma suuliyiin kale ayaa Shalay ka degay mag aalada Be ledweyene ee gobolka Hiiraan.

Wasiir Cabdirisaaq oo warba ahinta kula hadlay garoonka diy aaradaha ee magaal adaas ayaa sheegay inay u sii gudbayaan M/Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wasiir Cabdirisaaq ayaa shaaci yey in seddax arrin ay u tegayaan magaalada Maxaas, waxay kala yihiin:

1 – In ciidanka xoogga dalka ee Maxaas joo ga ay ku dhiirigeliyaan dagaalka Khawa arijta looga xoreynayo dalka, kuwaas oo ka soo laab tay furinta deegaanka Wabxo, isla markaana isugu tegay Maxaas.

2 – In ay dhiirigeliyaan ciidanka dib u xore ynta deegaanka ee Macawiisley, kuwa as oo ku guuleystay inay kooxda Al-Shaba ab ka xor eeyaan dhamaan deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan. 3 – Inay garab istaag u muujiy aan Madaxwe ynaha Qaranka Xasan Sheekh Maxamuud oo sida uu sheegay wasiirku aad ugu baahan gar ab istaaga dadkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in wixii ka dambeeya berri oo Sabti ah uu safar ku tegayo degmada Max aas ee gobolka Hiir aan, halkaas oo7aadkaan ay gaareen ciidamo ka soo gadooday furimaha dagaalka.

Maalmihii lasoo dhaafay jaho wareer xoog leh ayaa soo wajahay howlgalka dal ka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shab aab, kadib mar kii ciidamada qaranka ay soo baneeyeen furi maha dagaalka ee deegaanadii laga xoreeyey kooxda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb ayaa qorsheyn aya in uu Maxaas kula kulmo saraakiisha ciidankii soo baneeyey furimaha, sidoo kale r/wasaaraha ayaa todobaadkaan ciida madaas qaar uga hor tegay degmada Aad an-yabaal, isagoo ka cod saday inay fur imaha ku laabtaan.

Cabdiweli Gaas "Sida aan wadkayga u hubo ayaan u hubaa in Shabaab laga guuleys anayo”

R/Wasaarihii hore ee Somaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu taag eersan yahay dadaalka ay DFS ugu jirto, sidii ay dalka uga ciribtiri lahayd maleeshiyada Al Shabaab

"Nimankaasi dhowr iyo toban ka sano banneystay dhiigga dad ka Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan codkayga iyo taageera dayda ku biiriyo madaxdii hore ee hadashay, ee ku saabsanaa halganka iyo dagaalka lagu la jiro nimankan Khawaarijta ah ee banneystay dhiigga dadka Soomaali yeed.” Ayuu yiri Ray sal Wasa arihii hore ee dalka.

Wuxuu sheegay in Somaliya ay leeda hay cadow badan, balse cadowge eda ugu weyn ee Shalay uu yahay Shaba ab, isag oona ku baa qay in qof kasta uu doorkiisa ka qaato la dagaa lanka maleeshiyadaasi.

"Cadowgeennu waa badan yihiin, laakiin cad owga ugu xoog badan ee Shalay ay Somaliya leedahay waa cadowga Al Shabaab weeye. Marka waa in la iska kaashado oo qof walbaa ba meeshii uu ka leeyahay masuuliyaddiisa uu ka qaato la dagaalanka nimankaas, dalkana a anu ka xoreyno, si dalkayagu uu nabadgelyo, amni, kala dambeen iyo horumar dowladn ima da uu u gaaro.” Ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadalkan ku sheegay muuqaal uu Shalay soo duubay.

Waxa kaloo uu yiri "Dagaalka Shalay lagu la jiro Khawaarijta, haddii uu guule ysto Soomaali oo dhan baa wada guuley satay, haddii dagaal kaasi lagu guuldareyst ana Soomaali oo dhan baa guuldareysat ay, qof gaar ah ma guul dare ysanayo, qof gaar ahina guul ma gaarayo, waa waajib ina wada saaran dhamShalayyada.”

Cabdiweli Gaas ayaa Culima’udiinka Sooma aliyeed ugu baaqay "Waxaan si gaar ah ugu tar tarsiinaya Culimada Soom aaliyeed meel kasta ay joogaan in ay dagaalkaasi qaybta ugu fiican ka qaataan, oo dadka ay hoggaamiyaan, una sheeg aan waxa ay wadaan inaysan diin ahayn iyo inay tahay Alle ka fogaansho waxa ka soo horjeeda Diinteenna Islaamka, qofka Muslimka ah oo dhiiggiisa la xalaaleystaa inaysan Islaam nimo ahayn, inaysan diin ahayn iyo in dhalliny aradeennu laga wacyigeliyo dhibta nimankaasi ay dalka ku hayaan.”

Sidoo kale ganacsatada ayuu ugu baaqay "Ganacsatadu in iyana ay jeebk oodu furaan oo la taageero dagaalka lagu la jiro nimankaas Khawaarijta ah, sababtoo ah cidda haddii amni la helo ka faa’ii deysaneysa oo ku baraareysa, kuna horu mareysa ganacsatadu weeye. Marka waxaan rabaa iyaguna inay qaybtoodu ka qaa taan.”

Gaas ayaa siyaasiyiinta ugu yeeray in wax kasta oo siyaasad ah oo la isku hayo ama kala aragti duwanaansha ahi ee jira in meel la iska dhigo, loona midoobo la dagaalanka Shabaab.

"Marka innagoo Soomaali ah, innaga oo mid ah, innaga oo meel u wada jeedna ayaanu ka guuleysan karnaa Shabaab, haddii aanu qayb sano way guuleysan ayaan, haddii aanu midow no annagaa ka guuleysanayna.” Ayuu yiri Gaas oo intaasi ku daray "Guushu waa dhowdahay, waana hubaa sida aan wadkayga u hubo aya an u hubaa in ugu dambaynta laga guuleys ana yo, waxaa laga yaabaa inuu waqtiga dheeraa do, inuu gaabtana waa dhici ka taa, laakiin ani ga way ii muuqataa meesha u dambeyso ee la isugu imaanayaa inay tahay Shabaab oo laga guuleystay, Soo maali oo midowday oo horu marta.”

Safiirada Soomaaliya iyo Talyaaniga ee Ethi opia ooKa Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjiraha JFS ee Ethiopia Md./hi Maxamed Warfaa ayaa kulan muhiim u ah horumarka Qa ranka Soomaaliy eed waxa uu Magaalada Add is Ababa kula yeeshay dhiggiisa Amb. Agostino Palese oo ah safiirka Taly aaniga ee Ethiopia.

Danjire Warfaa ayaa dhigg iisa Talyaaniga la wadaagay horumarada hana qaaday ee ay ku guulaysattay Daw ladda Soomaaliya,gaar ahaan arrimaha la xiri ira adkaynta amniga, cirib tirka arga-gixisada, horumarinta arrimaha bulshada iyo xoojinta xirii rka ay Soomaaliya la leedahay caalamka intiisa kale.

Ambassador Agostino ayaa dhankiisa bogaa din iyo hambalyo la wadaagay dhiggiisa Sooma aliya Cabdullaahi Warfaa, wuxuuna Jamhuuriy adda Soomaaliya ku ammaanay dadaalka ay u gu jirto soo af-jaridda khawaarijta, kobc inta Da wlad wanaaga iyo adkaynta Nab ad-gelyada, isagoo caddeeyey in Jam huuriyadda Taly aanigu ay si buuxda u garab taagan tahay JFS.

Xubno ka socotay 2-da Gole oo xarigga ka jaray qeyb waxbarasho oo laga hirgaliyay Wisil

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka XFS Axmed Xasan iyo xildhibaan C/salaam Xaaji Dhabannacad ayaa xari gga ka jaray qeyb wax barasho oo lagu kordhiyay Magaalada Wisil ee G/Mudug.Xafladdii xarig jarka wa xaa si doo kale ka qeybgalay Se nator Duniya , xubno kale oo ka socday maamulka magaaladaasi iyo ururada bulshada.

Isu duwaha caafimaadka Gal mudugh Max amed Macalin iyo Guddoomiyaha deegaanka Wisil Cali Xasan ayaa ka mahad cel iyay dad aalka lagu dhisay dugs igaasi oo uu la haa xi ldhibaan Dhaban nacad.Dhismaha qeybtaan cu sub oo ah dugsi sare,waxaa laga hirgaliyay aga gaarka dug siga Hoose iyo Dhexe ee M/ Wisil.

Cali Guudlaawe oo aqoonsi degmo siiyey degaan ka tirsan Hirshabelle

Madaxweynaha D/Hirshabeelle Md.Cali Gu udlaawe Xuseen oo Shalay gaaray M/Al-kow sar ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay halk aas. Madaxweynaha oo so cdaal dhiirigalin ah ku mar aya furimaha Cii danka Xoo gga dalka iyo kuwa dib u xoreynta de egaanada aya a waxaa bartamaha M.ku soo dhoweeyay Senator Ax med Maxamed Cali Afcadeey, Waxgarad ka Magaalada iyo boqolaal dadweyne ah

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay bulsha da sida diiran ugu soo dhoweeysay Magaalada isagoo ku amaanay sida geesi nimada leh ay isaga xoreeyeen kooxda alshabaab iyo garab istaaga ay u muujiyeen qeybaha kala duwan ee Ciidanka.

Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayay bulshada ayaa ku dhawaa qay in Shalay wixii ka dambeeya Alkowsar ay ka mid tahay degmooyinka Dowladda Hirshabeelle deg degna loo dhameystiri doono adeegyadii muh iimka ahaa sida fulinta mashaariicyada ho rumarinta.

Madaxweynaha ayaa shacabka Degm ada Alkowsar iyo guud ahaan bulsha da Soomaaliy eed ugu baaqay inay u soo baxaan dhameystir ka haraadiga cadowga alshabaab oo maraya marxaladoodii ugu dambeysay ee looga cirib tirayo dalka.q

Hooyo iyo labadeeda gabadhood oo ku gee riyooday dhisme 8 dabaq ah oo kusoo dumay

Hooyo iyo labadeeda gabdhood ayaa ku geeriyooday, ka dib markii dhismo siddeed dabaq ah uu kusoo dumay hoyga ay degenaay een oo kuyaala degmada Howlwadaag ee mag aalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa ku warramay in dhis mahan uu kusoo dumay dhismo kale oo afar dabaq ah oo isna dhismihiisu uu socday, wax aana taasi ay keentay in burburka ka dhashay dhismayaashan ay kusoo dhaceen guriga ay degenaayeen qoyskan.

Kooxda gurmadka deg dega ah ee gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in ay soo saareen me ydadka saddex qof oo kala ahaa hooyo iyo lab adeeda gabdhood. Ko oxda gurmadka waxay sidoo kale soo badbaadiyeen labo qof.

"Dhacdadan naxdinta leh waxay dhac day ma rkii dhismahan oo siddeed dabaq ahaa oo dhis mihiisu socday uu ku dumay dhismo kaloo afar dabaq ah, Waxaan ku guuleysanay inaan gur iga ka soo saarno labo qof oo nool,” ayuu yiri xubin ka tirsan gurmadka.

Kooxda gurmadka deg deg ah ayaa eedda dusha u saaray Injineerka qandara aska ku qa atay dhismaha dumay, iyagoo sheegay in qala daad badan uu ka muuq day habka dhismuhu u socday.

"Sababta dhibaatadan keentay waa Inji neer ka qandaraaska lagu siiyay inuusan kormeerin dhismaha. Waxay u muuqataa in injineerku kha ladaad badan uu sameey ay, oo aanu u hogga ansamin heerarka lag ama maarmaanka u ah dhismayaasha ma gaalada dhexdeeda,” ayuu xubin kooxdu ku daray.

Dadka deegaanka ayaa wa laac xooggan ka muujiyay dhi smooyinka dhaadheer ee M/ Muqdisho ku soo badanaya, iyadoo inta badan ay jiraan inj ineero aan u hogaansamin shuruu cda dowl adda.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa ku soo badana ya magaalada dhow rkii sano ee la soo dhaafay, iyadoo da dka deegaanka ay ku andacoonayaan in la’a anta nidaam dowladeed oo ay dheer tahay Inj ineerada eeganaya jeeb kooda, ay ke entay in la dhiso dhismayaal aan ku habo oneyn in la dego.

ICRC oo booqatay maxaabiista ciidanka Somaliland oo ay qabteen xoogagga SSC

Hay’adda caalamiga ah ee ICRC ayaa waxay shaacisay inay booqatay max aabiista la bada dhinac ee dirirtu dhexm artay, ee Somali land iyo SSC- Khaatumo, kuwaas oo ku kala xi ran magaalooyinka Hargeysa iyo Laascaan ood.

Warbixin ay hay’addu soo saar tay ayay ku sheegtay, in ujeeda da booqashadeeda ayah ayd, mid bini’aadan tini mo, iyo inay hubiya an in dhammaan maxa abi ista loo la dhaqmo si bini’aadantinimo iyo in qo ysaskoo da ay ogaadaan halka ay ku sugan yihiin.

"Waa muhiim in maxbuus kasta, labada dhin ac, loola dhaqmo si waafaqsan shar ciga caala miga ah ee bani’aad amnimada. Tani waxay ka dhigan tahay in qof kasta oo xiran uu heli karo cunto iyo biyo, waana in aysan marnaba la kul min in si xun loola dhaqmo,” ayuu yiri Pascal Cuttat, madaxa wafdiga ICRC ee Soomaaliya.

Si loo wanaajiyo xaaladaha xabsiga, hay’ad da ICRC waxay sheegtay inay gaarsiiyeen bust ayaal iyo furaashyo loogu geeyay xabsiyada ay ku xiranyihiin ee magaalada Laascaanood.

Hay’adda ICRC oo kaashanaysa Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa si doo kale fududaysay in afar maxbuus oo dha awac ah loo soo wareejiyo Isbitaalka Qaran ee Garoowe, halkaas oo daweyn gaar ah loogu sameynayo.

Dagaal u dhexeeya ciidamada Soma liland iyo SSC Khaatumo ayaa billowgii sanadkan bil lowday, kaasoo sababay in boqolaal kun oo qof ay ka barakacaan guryahooda. M/Laascaano od ee xarunta gobolka Sool ayaa ah halka ugu badan ee uu dagaalku ka socday, waxaana ka dhashay burbur baahsan oo soo gaaray kaa bayaasha dhaqaalaha.

Somaliland oo sheegtay in lagu xadgud bay maxaabiisteeda ku xidhan Laascaanood

Somaliland ayaa sheegtay in si arxan daro ah loola dhaqmay askarteeda dagaalkii Jimcihii hore lagu qabtay, ee ku xidhan M/Laa scaa nood.

Qoraal lagu baahiyay mareegta Wasaarada Arrimaha Dibada Som aliland, ayaa lagu sheegay in bara ha bulshada ay qabsa deen saw iro iyo muuqaalo muujinaya askar dhibaato loogaysanayo. "Maalmihii lasoo dhaafay muuqaalo iyo saw iro muujinaya askar Somaliland ah, oo si daran loo jidhdilayo, qu dha laga jarayo, iyo maydad la bahdilayo, ayaa lasoo galiyay baraha bulsh ada" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Somaliland beesha caalamka ayay ugu naaq day inay arrinta ka hadasho, oo qolada maxa abiista haysa ay u sheegto in ay ula dhaqmaan si waafaqsan sharciyada caalamiga ah.

Hoggaamiyaha Golaha fulinta ee SSC Kha atumo C/dir Axmed Aw Cali Firdhiye, ayaa dha nkiisa sheegay in maxaabi ista si wana agsan loola dhaqmay.

"Maxaabiistii la qabtay waxaa laysla gartay in si wanaagsan loola dhaqmay, waxaan filay aa ciidamada amiga iyo kuwa jeelashu in ay ila aliyaan amniga maxaabiista"ayuu yidhi Firdhiye

Dhanka kale, Garaad Mukhtaar Gara ad Ca li Buraale, ayaa isna bartiisa Twi tterka ku she egay in ay jiraan dad duubaya muuqaaalo aan qalbiga iyo indhaha aadam aha u fiicnayn.

"Halgankii waa ku guul dareysaney, ciid ama deenii guusha ay inoo soo hooyeen, waxa ka daba yimid kuwo duubaya muuq aalo isha iyo qalbiguba diidayaan. Ogow in muuqaalkastaa la mid yahay madfac ama hoobiye lanagu soo tuurey, ciidanka lagu soo tuurey, maatada lagu soo tuurey" ayu yidhi Garaadku.

Dagaalkii Jimcihii ka dhacay duleedka Laasc aanood, ayaa Somaliland lagaga saa ray saldhi gyo muhiim ah, iyadoo laga qabtay gadiid, hub iyo maxaabiis.

Jabhada Gacanlibaax oo ku gacansay dhay heshiiskii siyaasadeed ee Somaliland

Jabhada Gacanlibaax ayaa ku gacansaydh ay in ay aqbasho heshiiskii siyaas adeed ee la ga gaadhay khilaafka siyaa sada Somaliland, iyo heshiiskii jabhada buurta lagaga soo dajinayay.

Hoggaamiyaha jabhada oo loo yaqaan Oofwareen ayaa sheeg ay in aanu cidna ka ama rqaadanayn, isla mark aana uu u qorshaynayo in uu weeraro madaxt ooyada Somaliland iyo guriga madaxwe yne Muuse Biixi hadii uu iscasili waayo.

"Anagu ma baryayno ilaa oo aanu gacanta kusoo dhigno Muuse Saamiri, iyo gabaaraydii sa, ma miyirsanayno, xukuuma daasi haday is casili waydo ciidankayga wa anu soo dhaqaaj inaynaa gurigiisa iyo mad axtooyada ayaanu ku habsanaynaaye hala ogaado" ayuu yidhi Oof wareen.

Waxa uu sheegay in ciidamada millat eriga ay laba uuni u banaantahay in ay isku dhiibaan ciidanka SSC iyo in ay isku soo dhiibaan jabh adiisa, wuxuuna ciidam ada SSC ka codsaday inanay dagaalka joojine ay soo weeraraan mil lateriga.

Qayb ka mid ah heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan laga gaadhay murankii siyaa sadeed ayaa farayay in beesha uu Oofw areen kasoo jeedaa ay jabhada buurta ka soo dajiso taasi oo ay odayaasha bee shiisu aqbaleen.

Hadalka Oofwareen ayaa ka dhigan in uu gabi ahaanba diiday heshiiskii ay beeshiisu qa adatay, waxa uuna sheegay in cidii isaga ka amar qaadan wayda uu dilayo.


300 oo macalimiin Kenyan ah oo saba bo amni u diiday inay ka shaqeeyaan gobolka waqooyi bari

Ugu yaraan 300 oo macalimiin Kenyan ah ayaa sameeyay dibadbax ay kaga soo horjee daan ku laabashada degmooyinka Man dheera, Gaarisa, iyo Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.

Macallimiintaan ayaa wax ay isugu tageen xarunta guddiga adeegga maca limi inta ee Nairobi (TSC). Macallimiintu waxay muujiyeen in aysan ku qanacsan ayn xaal ada ha shaqada, iyagoo sabab uga dhigaya cabs ida joogtada ah ee weerarada kaga imaanaya kooxda Alshabaab.

Nathaniel Kiplagat,oo ah wakiilka maca limi inta ayaa yiri. "Waxaa na soo maray cag ajugle yn badan. Qaar naga mid ah aad bay u na xay aan markaan hadl ayno. Ma awo odno inaan fulino waajibaa dkeena macali miin ahaan xaal adahan oo kale. Kuma laab an karno Mandhera ”

Macalimiinta ismaamulada Mandera, Waj eer, iyo Garissa ayaa isugu soo baxay wad ooyinka kadib weeraradii bilihii la soo dhaa fay ka dhac ayay goboladaas. Waxa ay muuj iyeen sida ay uga xun yihiin iyo cabsida ay ka qabaan am maanka sii xum aanaya, gaar ahaan dhanka Al-Shabaab.

Jafan Kitui, oo ah macalinka wax ka dhiga du gsiga hoose dhexe ee Al Huda ee ku ya ala bar iga Mandera, ayaa iftiimiyay dhibaa tada amni darro ee soo gaartay noloshooda. Wuxuu carra bka ku adkeeyay in si degdeg ah loogu baahan yahay in madaxweyne Ruto iyo wa iirka arrima ha gudaha Kindiki ay mu dnaanta siiyaan am maanka degmada Mandheera.

Bishii Jannaayo 2023, in ka badan 14, 000 oo macalimiin ah ayaa loo ware ejiyay gobollo kala duwan ee Kenya, wax ayna ujeedadeedu ahayd in la isku dheel litiro heerarka shaqaalay n ta iyo wanaajinta ilaha waxbarasho ee dalka as oo dhan.

Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa la daa laa dhacaya walaacyo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid weerarrada Alshabaab,kuwaas oo walaac amni ku abuuray macalliminta Gb olka.

Waqtiga xilka loo dhaarinayo Madaxwey na ha KMG ee GABON oo lagu dhawa aqay

Taliyihii Ilaaladda Madaxtooyada dalka Gabon, ahna Ninka haatan ugu Awooda ba dan Sa raakiisha Milliteriga dalkaasi, Ge ne ral Brice Oli gui Nguema ayaa la filayaa in maalinta Isniinta ee soo socota (Sept. 4) loo dhaariyo Xilka Mad axweynaha KMG ee dalkaasi. Munaasabadda Dhaarint iisa ayaa waxay ka dhici do ontaa Maxkamadda Das tuuriga (The Constitutional Court) oo ku taa lla Caasimadda dalkaasi ee Libre ville.

Afhayeenka Guddiga Xilliga Kala-Guurka iyo soo-celinta Hay’adaha (The Committee for the Transition and Restor ation of Insti tutions), Ulrich Manfoumbi oo ka hadlay TV-ga Qaranka dalka Gabon ayaa sheegay in Madaxweynaha Cusub ee KMG uu Qaabayn doono Hay’adaha Dowladda ee xilliga KMG.

Go’aanka ay Guddiga Saraakiisha Millit eri ga ee la wareegay Talada dalkaasi ayaa waxa uu ku soo beegmayaa hal maalin ka dib, markii ay Talada ka tuureen Madaxweyn ihii Sharciga ee dalka Gabon, Ali Omar Bon go Ondimba, oo Xilkaasi hayey tan iyo san adkii 2009-kii.

Zelenskyy: ma jirto nabad illaa aan ka xore yneyno dhulalka la heysto

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zel ens kyy ayaa sheegay in aan la gaari Karin wax na bad ah illaa Kyiv ay dib u soo cesh ato dhulalka uu Ruushka qabsaday.

Madaxweynaha oo la ha dlay qaar kamid ah warbahi nta ayaa sheegay in xal kas ta oo nabad ah la gaari karo haddi Ruushka ay dib uga laabtaan gobolada ay qabs adeen oo ay ku jirto Crimea.

Hadaladaan ayaa imaanaya xilli Gantaal rid dada dheer ah uu ku dhacay shirkad gaar loo leeyahay oo ku taalla gudaha Vinnyt siawaxaa na ku dhaawacay saddex qof, si da ay sheege en saraakiisha Ukraine.

Dhinaca kale,diyaarad Drone ah oo laga le ey ahay dalka Ukrain ayaa duqeysay magaa lo ku taal galbeedka Ruushka, halkaas oo ay ku taa llo xarun tamarta Nukli yeerka,waxaa na warku intaa raaciyay in aysan jirin waxyee lo soo gaa rtay warsh addaasi sida ay shee geen saraaki isha Ruushka.

Prigozhin: "Kuwa u maleynaya inaan gee riyooday, waxaan leeyahay weli waan noo lahay”

Hogaamiyihii kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin, ayaa faahfaahin ka bixiyay hanj abaad loo jeed iyay kaddib markii uu soo bax ay muuqaal loo badinayo in la duu bay maa lmo kahor intuu san ku geeriyoon shil diyaar adeed.

"Kuwa u maleynaya inaan geeriyooday iyo in kale, waxaan u sheegayaa in aan weli noo lahay oo ay wax walba caadi yihiin”, ayuu Pr ogozhin ku yiri muuqaal aad u kooban oo la soo dhigay barta Telegramka.

Ma uusan sheegin cida u hanjab tay ba lse wuxuu u muuqday qof si weyn u aami nsanaa iney jirto halis ku soo wajahan nolo shisa

Prigozhin iyo sagaal qof oo kale ayaa ku geeriyooday shilka diyaaradda oo dhacay 23-ki bi shii Agoosto. Geeridiisa ayaa dhal isay jahwa reer.

Kremlin-ka ayaa sheegay in baarayaa shu ay ka fiirsanayaan suurtagalnimada in diyaarad da sidday madaxii kooxda caloo shood u shaq eystayaasha Yevgeny Prigo zhin si ula kac ah loo soo riday, taasoo ah qir ashadii ugu horrey say oo cad oo laga yaabo in la dilay.

Diyaaradda gaarka ah ee Embraer jet ee Pr igozhin ay ku socotay St Petersburg kana soo duushay Moscow ayaa ku burb urtay wa qooyiga Moscow 23-kii Agoosto, waxaana ku dhintay dhammaan 10-kii qof ee la socday, oo ay ku jiraan laba qof oo kale oo sarsare oo ka tir sanaa hogaanka kooxda Wagner, afartii ilaal ada ee Prigozhin iyo shaqaale saddex ah.

Sababta ilaa hadda ma cadda, balse da dka tuulada ka ag dhawaa ayaa waka aladda wararka ee Reuters u sheegay in ay maqle en jug ka dibna ay arkeen diyaaradda oo dhulka ku soo dhacday.

Diyaaradda ayaa burburtay laba bilood oo keliya tan iyo markii uu Prigozhin la war ee gay gacan ku haynta koonfurta magaala da Rostov dabayaaqadii bishii June, taa soo ahayd gadood ruxay aasaaska Ruu shka ee Madaxwe yne Vladimir Putin.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal khasa aro badan dhaliyay oo ka dhacay Ceel-Afweyn

Wararka ka imaanaya degmada Ceel-Afw eyn ee gobolka Sanaag ayaa sheega ya, in dad gaaraya sideed iyo toban qof ay ku dhi nte en dagaal laba beelood ku dhex maray halk aas, halka sodon qof oo kalena ay ku dhaawa cmeen.

Wefdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo tagay degmadaas, iyo waxg aradka deega anka as iyo mas’uuliyiin kale, ayaa xabad joojin ugu baaqay labadaas beel ood oo dagaalamayay 7adii maalmood ee la soo dhaafay.

Guddoomiye xigeenka golaha wakiil ada So maliland, Siciid Mire Faarax (Giirre) oo ho gga aminaya ergada halkaas xabad-joojinta kaga dhawaaqday ayaan ka wareysannay.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in loo baa han yahay in maleeshiyaadka dagaa lam aya in ay joojiyaan Colaada, isla mark aana wax kasta oo dhinacyada isku hay aan lagu dhameeyo wa da-hadal iyo nabad, si uusan u daadan dhiig kale.

Si kastaba marar badan ayaa waxaa sid aan oo kale deegaanka Ceel-Afweyn ee Gob olka Sanaag uga dhacay dagaal culus oo dhexmaray maleeshiyo beeleed halka asi wada daga, iyagoona iska dilay dad faraba dan, kuwo kale na iska dhaawacay.



JACAYLKII GABADHA WADAADDA AH KU KELIYEEYAY HARGEYSA IYO WIXII AY KA TIRI


Jacayl

XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA

Qoraalka sawirka,

Jacaylkii kalinamada iyo xishoodka

Waa dhacdo dhab ah oo ku dhacday gabar Soomaaliyeed oo Harg eysa ku nool. Waa gabadh wadaad ah, oo xishoob badan. Suug aan, heeso iyo maansooyin dhowr ah ayaa laga tiriyay qis adan.

Jacaylku waa dareen aadane kasta uu Eebbe weyne ku beero, iyadoo qof waliba uu k usoo wajaho xaalado kala duwan. Qof ayey u noqo taa sidii uu rabay halka kan kalana uu ku ree bo uur ku taalo &mahadho lama ilaabaan ah.

Inta badan abwaaniinta iyo qoraayaa sha Soomaaliyeed waxa ay qormooyinko oda ama maansooyinkooda kaga faallood aan arrimaha la xiriira jacaylka haddii uu ahaan lahaa mid lagu guuleystay iyo mid aan lagu guuleysanba.

Dad badan ayaa is weydiiya horta jacayku muxuu yahay maxaase lagu mic neyn karaa? Balse jawaabtaasi oo kooban waxaa mid ka mida kaalimaha suugaanta kusoo gudbiyay Saalax Qaasim oo yiri:

Waa macaan amba waa qaraar Kolba waa siduu kugu soo maro!

Aynu usii dhaadhacno dulucda sheekadeenna’e, In aad jeclaato qof aan ku rabin waa xaalad adag, qofka wax jece lna uu u maaro waayo.

Markan waxa aynu soo qaadan doonnaa sheeko si dhab ah u dhacday oo ku saabsan gabadh dhallinyaro ah oo Soomaaliyad ah oo jeclaatay wiil aan qalbigiisu usoo jeedin.

Mar waxa ay u adkaysan la’dahay doo nista qalbigeeda u dabran qof aan doonayn, mar waxa ay ka xishoonaysaa in ay cabato iyada oo ah qof dumar ah, marna waxa ay u taag la’dahay in ay qaadato go’aan ay kaga hadho.

Maxay qoyska Shaah-macabbe ka yiraa hdeen warka sheegaya inuu geeriyo oday

Gabadhaas oo aynaan halkan ka ba ahindoonin magaceeda waxa ay u war rantay Sahra Xasan Daahir oo ah abwaa nad xaalladeeda ka samaysay erayo iyo suugaan ka turjumaya.

Abwaanad Sahra oo ugu horreyn ka hadleysa sheekada ay gabadhu la wadaagtay ayaa tiri "wiilka marka hore xiriirka waa uu la waday gabadha oo waxa ay u muuqdeen kuwo is jecel, balse markii dambe wa xa ay gabadhu aragtay in gaabis uu ka yimid dhankiisa, taasi oo keentay in ay jacaylka kali ku noqotay”.

Abwaanadda ayaa sheegtay in gabadhu ay tahay qof wadaad ah oo xishood badan isla markaana awoodi weyday in ay wiilkii ay jecleyd ku tiraahdo maxaa kugu dhacay oo aad iiga gaabisay

Abwaan Sahra ayaa sheegtay in maalin maalmaha ay suura gashay in ay wada xiriiraan wiilka iyo gabadha, sababta ayaa ahayd muuqaal loogu diray aaladda WhatsApp-ka, "maalin maalmaha kamida ayuu wiilku soo wacay gabadha, waxa uu u sheegay in loosoo diray muuqaal ay duubtay gabadh indha shareeraan iyadana u eg, muuqaalka ayaa lagu sheegay magi ciisa oo saddexan iyo in la jecelyahay, isagoo weydi iyay in qofkaasi ay iyada tahay, balse abwaanadda ayaa sheegtay in gabadha ay markaasi ku adkaatay in ay ka jawaab bixiso” ayey tiri abwaanad Sahra. BBC

Qoraalka sawirka,

Abwaan Sahra Xasan Daahir ayaa ka sheekeysay Jacaylkii kalinimada iyo xishoodka ee haleelay gabadhii Soomaali yeed

Abwaan Sahra ayaa maanso kaga jawaabtay Su’aasha gabadha la weydiiyay iyadoo ahayd qofka kaliya ee ay gabadhan u sheegay jirtay arrimeheeda la xiriira jacaylka wiilkan ay u qaadday ee kalinim ada ku noqday waxa ayna tiri abwaan addu,

"kuma derin kumana aan dayicin kaama meel dayane

Kaamana dal doorsane adaa diiday simihiiye

Dami kaama gelin oo xumaan kulama dooneyne

Dambarkiisa caashaquna waa daawo labo ruuxe

Daran doorri weeye hadduu daraf ku koobnaado

Darbi iyo hadduu meel ka dhaco dabaqyo dhaahdeer leh

Dusha wuxuu ka ruugaa qofkuu goonida u dego’e

Waa kii cilmiba daadiyay ee aakhirkii dilaye

Anna deytan Shalaya runtii duub cas ii geli.

Il nugeylka dumarkiyo xishood beyla daadagaye

Inkastoon ku doortoon indhaha kugu daweynaayay

Inkastoon ku daabacay qalbigan dee qow magacaaga

Inkastoon rajada daahday iyo calafka doonayaay

Dadab iyo in aan reer dhisnoon deyrsan wada taagno

Daa’inkaa I khaaligay rabbiga dunida wada meegaaray

Adigaa jacaylka dafiray duhur dharaareede

Adigaa dab qabadsiiyoo dow ka raaridaye

Adigaa dambaabiray hankii daacadda ahaa”……

XIGASHO:-BBC

Xukun ka farxiyey Trump oo ka soo ba xay Maxkamad ku taalla Mareykanka

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa lagu waayey dambigii ahaa kiiska musuqmaasuqa doorashada ee goblka Georgia, tan oo meesha ka saaraysa inuu ka soo muuqdo maxkama dda toddobaadka soo socda.

Donald Trump ayaa ka mid ah 19 qof oo lagu eedeeyay inay maleegeen beenabuur ku saabsan natiijadii codbixinta ee 2020-ka ee gobolka Georgia ee Mar eykanka

Waxa uu iska dhiibay xabsiga Fulton County ee Atlanta usbuucii hore,halkaas oo laga qaaday sawirkiisa.

Trump ayaa marar badan iska fogeeyay inuu wax khalad ah sameeyay, isagoo ku tilmaamay kiiska mid siyaasadeysan.

Dukumeenti maxkamadeed oo la gudbiyay Khamiistii, ayuu Trump ku sheegay inuu "si buuxda u fahmay” nooca eedeymaha iyo xaqa uu u leeyahay inuu ka soo muuqdo maxkamadda.

"Aniga oo fahmaya xuquuqdeyda, waxaan si xor ah oo iskay ah uga tanaasulayaa xaqa aan u leeyahay in aan goobjoog ka ahaado dacwaddeyda eedda iyo xaqa aan u leeyahay in la igu akhriyo maxkamad furan,” dukumeentiga saxiixan ayey sidaasi ku qornayd.

Donald Trump, oo hadda ah ninka ugu cadcad musharaxnimada xisbiga Jamhuu riga ee 2024, ayaa ka soo muuqday mid kasta oo ka mid ah saddexdii dacwadood ee hore.

Weerar Ismiidaamin ah oo lagu dilay 9 askari

Saraakiisha dalka Pakistan ayaa sheegay in weerar is miidaamin ah oo loo adeegsaday mooto, in lagu weeraray kolonyo ciidamo ah oo marayey gobol aad u durugsan oo ku yaalla woqooyiga galbeed ee dalka Pakistan.

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa lagu dilay ugu yaraan 19 ka mida ciidamadii la bartilmaameedsaday, halka tiro kalena lagu dhaaw acay.

Weerarka ayaa ka dhacay degmadda Bannu oo ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa oo ku yaalla xuduudda Pakistan la wadaagto Af ghanistan, sida laga soo xigtay garabka warbaahinta ee ciidamada milateriga.

Ra’iisal wasaaraha xil gaadhsiinta ee Pakistan, Anwaar-ul-Haq Kakar, ayaa fariin uu ku daabacay boggiisa X, ee hore loo oran jiray Twitter, ku cambaareeyey wee rarka.

Illaa haatan ma jirto cid sheegatay weerarkan.

Hase haatee weerarkan ayaa ka dhacay gobol ay weeraro joogto ah ka fuliyaan kooxda la mamnuucay Talibanta Pakistan.

Toddobaadkii hore uun bay ahayd markii lix askari oo u dhashay dalka Pakistan lagu dila, is rasaasayn ka dhacday degmada Waziristan, kaas oo ay ku lug lahayd kooxda Talibanta Pakistan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip