
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGYESKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMSII 31-KA AGOOSTO 2023-KA
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Taliska hoggaaminta dagaalka Al-shabaab u badal aya degmada Maxaas
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soo maaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mudo ku dhaw hal bil ku sugan magaalada Dhuusamar eeb ee Caasimadda maamulka Galmudug oo uu u tagay hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu ku wajahan yahay magaa lada Maxaas ee gobolka Hiiraan
. Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagaayo ma gaalada Maxaas ayaa la xariirta inuu doonayo in halkaasi uu ka hoggaamiyo howlgalada ka dhan ka ah kooxda Al-shabaab ee loo ga ciribtiraayo deegaanada maamulka Galmu dug.
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay shabakada HOL ayaa sheegaya in madaxwey ne Xasan uu wadahadalo la yeeshay madax weynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan oo caan ku ahaa la dagaalanka Shabaab iyo Ugaaska Beesha Xawaadle Uga as Yuusuf Ugaas Xasan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa doo naya inuu degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan uu ka dhigto xarunta uu ka hoggaaminaayo howl galada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana mu uqaneysa in haatan ay isku soo dhawanayaan madax weyne Xasan iyo Cali Jeyte Cismaan oo loo magacaabay inuu noqdo madaxw eyn aha Hiiraan State, kadib markii uu xilkii guddo omiyaha gobolka Hiiraan uu ka qaaday madax weynaha Hirshabeelle.
Talaabadaan uu madaxweyne Xasan She ekh uu taliska hoggaaminta dagaalka uga dhig anayo Maxaas oo uu kaga soo guurayo mag aalada Dhuusamareeb ayaa kusoo beegmey sa, iyadoo dowladda cu leysyo iyo fashil kala kulantay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dha cay deegaan ada ku yaala Bariga gobolka Gal gaduud, waxaana xusid mudan in madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in la joogo waqtigii la isla xisaabtami lahaa Xigashi:hiiraan.com
Ra’isul Wasaare Xamse oo tagay furumaha hore ee dagaalka lana dar-daarmay ciidanka
Ra’iisul Wasaaraha DFS, Md.Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo si diir ranay ugu soo dhawee yeen Saraakiisha Ciid anka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safark iisu ay tahay sidii uu u dhiirigelin lahaa geesi yaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deeg aan ka ee gacanta birta ah ku ciribgoynaya inta yar ee kaga harsan kooxaha Khawaariijta Gal mud ug iyo Hirshabelle.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kuurgeli doona is beddellada nololeed ee ka jira deegaannadii la ga sifeeyey Khawaarijta, oo ay ka mid tahay de gmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal, isla mar kaana kulamo gaar ah la yeelan doonaa qeyb aha kala duwan ee bulshada iyo Taliska Cii danka X.D.S ee laga hoggaamiyo dagaalka ka socda Galmudug iyo Hirshabelle ee lagu sife ynayo argagixisada.
Waa safarkii labaad ee uu Ra’iisul Wasaar uhu ku tago degmada Aadan Yabaal, taas oo muujineysa ahmiyadda ay Xukuumaddu siin eyso xoreynta iyo sugidda amniga dalka
Madaxweyne Shariif oo ku baaqay in wada ha dal lagu dhammeeyo colaadda Laas caanood
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa baaq nabadeed ka soo saaray xaaladda maga alada Laascaanood ee gob olka Sool, isaga oo ku baaq ay in wad ahadal la gu dha mmeeyo colaadda
"Dagaalkan wuxuu qixiy ay shacab badan oo xaala do kala duwan ku sugnaa in tii uu socday, waxaa ku dhintay dad aan waxba Shalaysan waxaas oo dhibaato ahna waxay ahayd wax laga baaqsan karay.
Maadaama ay dhibaatadu socotay in mud do ah horeyna baaqyo kala duwan aan uga soo saarnay waxaan markale ku celinaynaa in da gaal dambe uusan dhicin, dadkii guryahooda ka barakacay dib ugu soo noqdaan, colaadda na lagu dhameeyo wada hadal.” ayuu ku yiri ba yaan uu soo dhigay boggaiisa rasmiga ah ee Facebook.
"Labada dhinac ee dagaallamay waxaan ku dhiirra gelinaynaa in Nabadda fursad la siiyo, miiska wadahadal kana shuruud la’aan lagu soo noqdo, annagoo
fahamsan heerka xun ee ay colaaddu gaar tay haddana waxaa indheer garadka iyo isima da dhaqanka la gudboon inay u istaagaan sidii dagaalka halkiisa loogu joojin lahaa, dadka dai ska ah ee walaalaha ah ee waligood deeg aan wadaagga ahaana loo heshiisiin lahaa.” ayuu raaciyay.
Sheekh Shariif ayaa dhica kale DF ugu baa qay inay qaadato ‘dowrkeeda ku aaddan Nab adaynta iyo Heshiisiinta labada dhinac.’
"Waxaana adkaynaynaa in dagaal dambe uusan wiil hadda nool nooga dhiman, Carruur kale aan la agoontayn, Hooyo Soomaaliyeed Asaay aan loo saa rin, loona ogolaado dadka shacabka ah inay guryahooda dib ugu soo laa btaan si nabad ah.” ayuu Sheekh Shariif kusoo gaban gabeeyay.
Duqa Muqdisho oo gaaray Aadan yabaal
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Du qa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuussuf Xu seen Jimcaale Madaale ayaa gaaray taliska cii damada Xoogga Dalka ee degmada Aadan Ya baal, halkaas oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoo ga Dalka.
Ujeeddada safarka GuddoomiyahaGobolka Banaadir ayaa ah sidii uu u dhiirrigelin lahaa geesiyaasha ciidan ka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee ho wlgallada sifeynta Khawaarijta ka wada dee gaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug iyo Hirshabelle. Magaalada Aadan yabaal ayaa waxaa si doo kale ku sugan Ra’iisul wasaaraha XFS, Ma daxweynaha Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo halkaasi ka wada sidii loo dhiirri gelin lahaa Ciidanka xoogga dalka iyo bulshada hal kaasi ku dhaqan, kuwaas oo u diyaarsan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen howlgallada lagu dabar jarayo khawaarijta
Madaxweyne Qoor-qoor oo gaaray deeg aanno hoos taga Ceelbuur
Ceelbuur:-Madaxweynaha Dowladda Galmu dug Md, Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray de egaanno hoostaga degmada Ceelbuur oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shaba ab. Safarka Madaxweynaha ayaa ujeedkiisu ya hay u kuurgelidda xaalada deegaanadaas iyo dhiirragelinta ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah iyo shacabka deegaanka, kuw aasoo u awood sheegtay kooxaha khawaarijta ee argagaxisada ah.
Dowladda Fedaraalka oo ugu baaqday xub naha Al-shabaab iney ka faa'ideysa taan Cafiska loo fidiyay
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi oo ku sugan maga alada Xarar dheere ee gobolka Mudug ayaa markale ugu baaqay xubnaha kooxda Al-shabaab iney ka faa'ideystaan cafiska uu u fidihay madaxwey ne Xasan Sheekh ee ah iney isa soo dhiibaan
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in cid wala oo dooneysa iney ka faa'ideysato fursada cafiska oo isaga soo baxeysa kooxda shabaab in la soo dhaweynaayo.
"Kooxaha Khawaariijta waxaan u sheegaya iney ka faa'ideystaan fursada loo fidiyay oo ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda, Shabaab waqtigooda waa dhamaaday ee waxaan idin leeyahay khasaaraha nafeed ha isku badina isa soo dhiiba fursad ayaad haysataane" ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wuxuu sidoo kale sheegay wasiirka in cid ka sta oo ka tirsan kooxda Shabaab ee isku soo dhiibta gacanta dowladda in la marsiin doono nidaamka la marsiiyo xubnaha Shabaab ee isku soo dhiiba dowladda.
Axmed Macalin Fiqi wuxuu sidoo kale si kul ul u dhaliilay kooxo oo uu sheegay iney Shaba ab ku difaacaan baraha bulshada oo sida Sha baab oo kale wax ugu qora baraha Facebook iyo Twitter.
"Dowladda talaabo ayay ka qaadi doonta ku wa Khawaariijta ku difaaca bar aha bulshada ee dacaayadahooda fidiya" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi.
Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka arrimaha gudaha Soonaaliya ayaa kusoo beegmaya, iya doo Dorraad ciidanka dowla dda ee deegeenka Wisil ee gobolka Mudug uu isku soo dhiibay horjooge ka tirsan kooxda oo lagu magacaabo Nuur Cabdullaaho Maalin guur.
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in howlgallada Al-shabaab ay sii socon doonaan ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeysa
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab aysan joo gsan doonin ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeysa.
Hadalkan ayuu jeediyay maalmo kaddib mar kii ciidamada dowladda ay isaga baxeen ma gaalooyin dhowr ah, kaddib weerar khasaare badan dhaliyay oo Al-shabaab ay ku qaadeen askar ku sugnaa tuulada Cowsweyne Sabtidii.
"Ama goob dagaal aan ku weyno ama qof war khaldan faafiyo, da gaalku wuu sii socon doonaa, ma joogsan doono, kama laabaney no halka aan joogno,” ay uu yiri. "Waxaan ga ari doonaa guusha ugu da mbeysa ee aan raadineyno, muhiimadu waa gaarista guusha ugu dambeysa, guusha ugu dambeysa ayaa soo dhow."
Wuxuu ammaanay ciidamada dowladda ee ku guulaystay inay Shabaab ka saaraan dhul ballaaran tan iyo markii uu bilowday duullaanka sanadkii hore, wuxuuna ammaan u jeediyay dagaalyahanadii deeg aanka ee ka qeyb qaa tay howlgalladaas.
"Al-Shabaab Shalay waa ay ka daciifsan yi hiin, tiro ahaan waa ka yar yihiin,” ayuu yiri. "Waan ka khibrad badannahay, ka tiro badan nahay, ka qalab badanahay. Waxaana leenna hay guushu gacanteenna ayay ku jirtaa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Alshaba ab, xabaalo wadaraeedyo ay ku aaseen mal eyshiyaadkii uga geeriyooday dagaaladii ka dhacay Galmudug. Wuxuu sheegay dowladdu inay soo bandhigido onto xabaalo wadareedk aas, si baaritaan loogu sameeyo.
"Waxay dhameeyeen dhaawacyado oda, [sababtoo ah] ma haystaan isbitaallo, dawo uma haystaan," ayuu yidhi. "Ciidanku waxay ga ari doonaan xabaalo-wadareedkaas oo ay baar itaan ku sameyn doonaan," ayuu yiri madax weynuhu
Farmaajo iyo Shiikh Shariif oo kulamo xasa asi ah ku yeeshay Magaalada Ankara
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon ya hay oo ilo wareedyo muhiim ah laga helay ma gaalada Ankara waxaa kulan uu ku dhex maray Madaxweyneyaashii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farm aajo.
Kulankan oo uu dalbaday Farmaajo ayaa ujeedadiisu ahayd in Madaxweyne Farma ajo cafis ka dalbado Madaxw eyne Shariif, gaar ahaan dha cdooyinkii dhacay mudaddii uu xukunka hayay Farmaajo sida weerarkii Hotel Maa’idda iyo xanibaaddii diyaaradaha.
Labada Madaxweyne ee hore ayaa labo jeer is arkay, kulanka hore ayay keli ku ahaay
een, halka kulanka labaad uu Farmaajo la so cday Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.
Wararka ayaa intaa ku daraya in labada dhinac ay ka wada hadleen xaalada siyaa sa deed ee dalka, iyadoo Farmaajo iyo Fahad
Yaasiin ay muddaba raadinayeen siyaasi ku beel ah Xassan Shiikh oo ay ku dagaal galaan.
Lama oga in kulanka labada dhinac uu ku koobnaa raali gelin iyo iney ku sameysteen isbaheysi siyaasadeed oo mucaaradsan dowl ada Madaxweyne Xassan Shiikh.
Waxaa kulankooda ku soo aadayaa, iyadoo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay dagaal xooggan kula jirto Argagix isada.
Laftagareen oo xariga ka jaray Mashr uuc weyn oo laga hirgeliyey Baydhabo
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbe ed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxa med Laftaga reen iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Md.Ismaaciil C abdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa xari gga ka jaray Wajiga 1-aad Dhismaha Wadoo yinka M/ Bay dhabo ee Xarunta Go bolka Baay.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Md.Ismaaciil Cabdira xmaan Sheikh Ba shiir iyo wafdi Xildhi baanno ah oo uu hogga aminayo ayaa magaal ada Bay dhabo u gaaray furitaanka mashr uucan.
Mashruucan oo lagu dhisay jidad badan oo ku yaalla magaalada Baydhabo ayaa waxaa maalgeliyey dhismihiisa bankiga Adduunka si da uu sheegay Madaxweynaha Dowladda Koo nfur Galbeed
Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa intaas ku daray in mashruucan uu yahay wejigii koowaad, ayna jiri doonaan dhowr weji oo sidoo kale jidad badan looga hirgelinayo ma gaalada.
Waxaa uu xusay in dhismayaasha jidadkan ay kaalin weyn ka qaadan doonaan soo celinta bilicda magaalada, horumarka, ganacsiga iyo sugida amaanka.
Waxaa uu u mahad celiyey bankiga aduun ka iyo heyadihii kale ee gacanta ka geystay dhi smaha mashruucan isagoo shacabka magaa lada Baydhabo ugu baaqay iney ka shaqeeya an nabada iyo horumarka.
Farmaajo: Waa waajib in laga qeyb galo da gaalka ciidamadda Qalabka sida ay kula jira an Alshabaab
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxa med Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in laga wada qeyb qaato dagaalka Ciidamadda Qalabka sida ay kula jiraan kooxda Alshabaab.
Madaxweynihii hore, Farmaajo wuxuu sheegay howlgaladda dalka looga xoreyn ayo Shabaab oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u da
nbaysay, in ay waajib tahay in la garab istaago ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed
"Waxaan ugu baaqayaa mu waadin kasta oo Soomaal iyeed in uu garab istaago ha lganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qar anka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soom aali yeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula ji ro argagixisada,” ayuu yiri Farm aajo.
Waa markii ugu horreysay oo madax weynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo ka hadlo gulufka colaadeed ee ay Dowladda Soomaaliya ay kula jirto Alshabaab, tan iyo markii uu xilka wareejiyay.
Habeen hore ayay ahayd markii madaxwey ne Xasan Sheikh uu ku baaqay in af iyo addim looga qeyb qaato dagaalka dowl addiisu kula jirto Alshabaab. Madaxwey nuhu wuxuu muu jiyay in dagaalka Alshabaab uusan ahayn mid siyaasad laga dhex raadin karo, isagoo sheegay inuu yahay wax taabanaya jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
Guuleed oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, fariina u diray dad uu sheegay
Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Shir Jara’id ku qabtay magaalada Dhuusamar eeb ayaa nasiib daro ku tilmaamay in la siyaasadeeyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab.
Cabdikariin Guuleed oo ah ergayga Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somalil and ayaa sidoo kale farriin u diray ciidam ada qaranka ee dagaalka adag kula jira Khaw aarijta "Waxaan aad uga xumahay in dadka q aar ay siyaasade eyeen hal ganka adag ee dowla ddu ay ku jirto, damiirka iyo dadni ma du ma aqbali karo sida ay dadka qaar u dhamaya an,” ayuu yiri Guuleed.
Sid oo kale wuxuu sheegay in masuul iyadda dagaalka Khawarijta aan loo gaar yeeli karin ama looga hari karin dowladda kaliya, isla mar ka ana loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato.
"In dadka qaar ay masaalix siyaasadeed ka dhex raadiyaan dagaalka Khawaarijta waa wax aad looga haboon yahay, arrinta dagaalka waa mid salka ku heysa jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, dadkaas waxaan leeyahay All aha soo hanuuniyo waa fadeexade,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.
Cabdirakiin oo tusaale u soo qaatay weerar kii Cowsweyne ayaa sheegay in la siyaasadeey ey, isla markaana ay dhici karaan weerarro ka as lamid ah, balse loo baahan yahay in laga feejignaado faafinta farrimaha u adeegaya cadowga.
"Waxaa muuqata in ciidanka lagu niyad jeb inaayo hadallada siyaasiyiinta qaar, kala saara masaalixdiina siyaasadeed iyo jiritaankeena, ciidankeena qaranka wax aan leeyahay Hamb alyo, waa laga guule ysanayaa cadowga mar aan fogeyn insha allah.
Cabdikariin ayaa Madaxweynaha, ciid anka iyo shacabka uga mahad celiyey sida ay dhe xda ugu xirteen soo afjarida Khaw aarijta ra gaadisay hormarkii iyo nolosha dadka Soomaal iyeed.
WARARKII UGU DAMBEEYAY KHILAAF KA TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA IYO WASIIRKA GAASHAAN DHIGGA
Khilaaf ayaa soo kala dhex galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sh eekh Muxudiin Caddow iyo Wasiirka Gaa shaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaa mac), ka dib weera rkii xooganaa ee ay mal eeshiyada Al Shabaab Sabt idii ka gaysteen de egaanka Cowsweyne ee Gobolka Galga duud.
Taliyaha ayaa la sheegaya in Madaxweyn aha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu la wadaagay cabasho uu shee gay inay ka yihiin Saraakiil door hoggaamineed ku leh hawlgalka Gobolada Dhexe, isla-markaa na ka amar-qaata Wasiirka Gaashaandhigga.
Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxwe ynaha ayaa ku waramaya in Taliyuhu uu hagardaamo iyodibin-daabyo ku eedey nayo Saraakiishaasi, oo sida la sheegay aanan ku shaqeyn awaami irta Taliska Cii danka Xoogga Dalka.
Wararka ayaa sheegaya in Taliyuhu uu ku andacoonayo in Saraakiishaasi ay caqa bad ku yihiin ka guul gaaridda istiraat iijiyadda dagaal, ee ay u dejiyeen in lagu maquuniyo maleeshiya da Shabaabka ee ka hawlgala deegaanada Gal mudug, ee ah inaanay ciidamadu la wareegin degmooy inka iyo deegaanada muhiimka ah, iy adoo aanan maleeshiyadaasi laga sifeyn wadd ooyinka, tuulooyinka iyo dhulka miyiga ee goo bahaasi hoostagga, si meesha looga saaro khatarta amni, ee ay mustaqbalka ku noqon kar aan magaalooyinka iyo deega anada la doona yo in la xoreeyo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Tal iyu hu uu Wasiirku la wadaagay walaac ooda ku aaddan Saraakiishaasi, balse aanu waxba ka qaban.
Ka dib weerarkii Cowsweyne, ciidama da ay aa Isniintii soo banneeyay fariisimihii ay ku laha ayeen Degmooyinka Galcad & Ceeldheer iyo deegaanada Masagawaa, Budbud iyo Wabxo, iyagoo markaasi gad ood ka muujinaya eedey maha loo tirinayo Wasiir Jaamac.
Ciidamada oo Talaadadii gaaray Deg mada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhe xe ayaa waxaa halkaasi kaga hortegay Saraakiil ka tir san Ciidanka Xoogga Dalka, siyaasiyiin iyo ga nacsato deegaanka ah, iyagoona ku qanciyay inaanay halkaasi soo dhaafin.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xubnah an ay ciidamadu ka dhaadhiciyeen in ay gadoodka joojiyaan, isla-markaana ay dib ugu laabtaan goobihii ay dib uga soo gur teen.
Dadka ka faallooda arrimaha militariga ayaa sheegaya inaanay Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee is gar absanaya ku adk aan lahayn inay soo afj araan Shabaabka Gal mudug, haddii aanay jiri lahayn xubno ku dhex jira ciidamada oo lugaha ku dhegan in horumar laga same eyo dagaalka lagu wiiqayo argagixi sada ka dagaalameysa bartamaha dalka.
Tani ayaa la sheegay inay keentay in Mada xweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si dhow u eego cabashada ciidanka dhexdiisa ah, isag oona hadda ka shaqey naya, sidii khilaafkaasi looga gudbi lahaa. Madaxweyne Xasan She ekh oo Habeen hore khudbad u jeediyay Ciida mada Qalabka Si da ayaa ka dhawaajiyay in la joogo, xilligii lala xisaabtami lahaa kuwa ciidam ada u hoosaasinaya kooxaha argagixisada. "Waxaa la joogaa waqtigii kuwa awoo dda ciidanka ee la siiyay ku takri-falay, qiy aanada sameeyay, dadka mar dab-dabee yay, waagii lala xisaabtami lahaa bilowge edii waa la joog aa, waana la isla xisaabta mayaa, dowladnimo waa isla xisaabtan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha oo muuqaal uu soo doo bay kula hadlayay ciidamada dagaalka ku jira ayaa wuxuu yiri "Kuwa ka shaqeynaya in ciidan ka ay tashwiish geliyaan, ogaada waa Shaba ab, noogama sokeeyaan kan Shabaabka ah ee qoriga iyo qaraxa wato, noogama sokeeyaan.”
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidam ada la dardaarmayay ayaa yiri "Geesiy aasha Ci idanka Xoogga Dalka Soomaali yeed ceebna ma lihdiin, cannaana ma lihd iin, waad dadaa sheen, waadna qabateen doorkii idiinku filnaa. Dad idiinku dhex jiro Sarkaal ha ahaado ama askari ha ahaado ama qof kale ha ahaadee oo khalad sam eeyay hadduu jiro, waa lala xisaabt amay aa, laakiin khaladkiisa yaanu qofna ku garab siinin.”
Shacabka Soomaaliyeed oo muddoo yinkii ugu dambeysay si dhow ula socday hawlgalka militari ee ka socdo Gobolada Dhexe ayaa had alhaya, waxa lagu shee gay sida soo boodada ah ay ciidamadu u soo banneeyeen dhulkii laga xoreeyay min tidiinta Al Shabaab, bedelkii laga dhaw rayay in goobo hor lihi ay gaaraan.
Wasiir Roobow "Khawaarijta waa laga adk aanayaa, meelo badan ayaana looga adkaa day”.
Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta dow ladda FS Md.Mukhtaar Roobow iyo qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho
ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaareen furimaha dagaalka, iyagoo caddeeyey in dagaalkan uu yahay mid xaq ah oo lagula dirirayo koox burcad ah oo diinta Islaamka ka been sheegtay. Wasiir Mukhtaar ayaa xus ay in dowladda Soomaaliya Shalay ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaarijta, madaxda Qaranku na ay joogaan furimaha si ay ciidanka u hogga amiyaan, islamarkaana awoodda dowladda ugu jiheeyaan furimaha dagaalka. Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada shirka jaraa’id qaybta ka ahaa ayaa caddeeyey in Khawaarijtu ay yihiin koox shar badan oo diinta Islaamku ba yaanisay, islamarkaana ay waajib tahay in lala dagaalamo, maadaama dilkooda laga helayo aj ar iyo xasanaad. Sheekh Bashiir Axmed Sal aad ayaa isna xusay in ciidamada qalabka sida iyo ciidamada deegaanka ee la dagaalamaya Khawaarijta iyaga oo haya shaqadii ay Asaxaa badii hayeen oo ah la dagaalanka Khawaarijta inay gartaan ahmiyadda dagaalka oo ay ku dhiiradaan ciribtirka kooxdan argagixisada ah.
Madaxda Al-Shabaab oo uu saameeyay culeyska dagaalka
Nuur Cabdullaahi Maalinguur oo loo yaqa ano Nuur-deeq oo ahaa madaxii kooxda Al-Sha baab ee gobolka Mudug ayaa Dorraad isku dhi ibay ciidanka dowladda federaalka ah ee ku sugan deegaanka Wisil ee gobolka Mu dug. Ninkaan ayaa la sheegaa inuu xub in muhiim ah u ahaa kooxda, kal hore waxa uu ka bad baaday guri uu Gaalkacyo ka deganaa ku qaad een Marey kanka, PSF iyo Danab. Waxa uu fu re u ahaa jo ogista kooxda ee guud ahaan gob olka Mudug.
Halka uu iska dhii bay ee Wisil waxaa ku sugn aa xubno si yaasiyiin ah oo uu kamid yahay wa siirka arrimaha gudaha ee do wladda federaalka ah Axmed Macalim Fiqi.
Ninkaan ayaa ka faa’iideystay xeerka cafis ee uu sameeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Imaatinka ninkaan ayaa ka dhigan inay xitaa amiirada kooxda gar waaqsadeen culeyska dagaal haysta, ayna go’ aansadeen inay umadooda dib ugu soo noq daan.
Nuur-deeq Maalinguur argagixisada kahor wa xa uu ahaa nin si weyn looga dhex yaqaano bul shada gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacyo. Dhawaan waxaa idinla wadaagnay inay jiraan xubno badan oo argagixiso ah oo raba inay soo baxsadaan oo ay halkaasi ku joojiyaan gum aadkii shacabka, balse ay la’yihiin qaab ay ku soo baxsadaan, qaarkoodna ay kooxda ilaalo ka hayso.
Madaxii argagixisada ee gobolka Mudug ee Dorraad isa-soo dhiibay, wuxuu sida muuqata helay xiriirka siyaasiyiinta beeshiisa, si loo waa fajiyo hanaanka isa soo dhiibida ee dowladda dhex, kuwa kale ee soo socdana isla dariiqaas ayaa u furan.
Wasiirka arrimaha gudaha ee DFS Axmed Macalim Fiqi oo faafiyay qoraal uu kaga hadlaa yo isa-soo dhiibida madaxii Al-Shabaab ee go bolka Mudug, ayaa sheegay in ninkaan sidoo kale kooxda uga masuul ahaa hoggaaminta da gaalada ay ka fuliso gobolka Mudug, wicitaan ka ganacsatada, dhaqanka iyo bulshada, isaga oo dadka ku amri jiray inay yimaadan M/ /rdh eere. Fiqi waxa uu intaa ku daray in isa-soo dhiibida madaxii Al-Shabaab ee gobolka Mu dug inay cadeynayso in kooxda si weyn niyad ahaan hoos ugu dhacday, lana siibay Shalay qodaxdii gobolka Mudug.
Hadda howsha askari waa ka tagtay waxaa isa-soo dhiibaya madaxdii heer gobol ee koo xda, tani waa farriin furan oo xog ugu filan qof walba oo raadinaya inuu ogaado halka ay mar eyso xaaladda kooxaha argagixisada ee Soom aaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud ayaa weli ku sugan M/Dhuus amareeb, halkaasi oo uu ka wado guluf lagu dhameystirayo wejiga 1aad ee dagaalka argagi xisada, xilli asbuucan ay
ciidanka dowladda gacanta ku dhigeen deg mada Ceelbuur. Isa-soo dhiibida madaxii koo xda Al-Shabaab ee gobolka Mudug, xubno kale oo iyaguna dhawaan iska dhiibay deegaanka Wabxo iyo kuwo ay kooxda dishay iyaga oo ka baxsanaya oo raba inay is dhiibaan, ayaa dha maan si fudud u qeexaya sida uu ballanqaadkii cafiska u gaaray gudaha kooxaha argagixis ada. xigasho:-caasimadda.net
Axmed Karaash oo kormeer ku tagay Xeradii Goojacadde ee laga saaray Somaliland
Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Md.Axmed Cilmi Ci smaan Karaash, oo safar shaqo ku jooga Gob olka Sool ayaa Shalay kormeeray taliska Go oj acade, oo ahaa saldhigii ugu weynaa xarum aha lagala wareegay maam ulkii Somaliland ee laga saa ray Gobolka Sool.
Axmed Karaash ayaa korm eeray xarumaha kala duw an ee taliska Goojacade, waxa uuna indhihiisa kusoo arkay fariisimihii ciidanka maamulka So mali land laga saaray maalintii Jimcaha.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa ko rmeerka kaddib kulan la qaatay saraakiisha cii danka ee halkaasi ku sugan adda, isagoo ku boggaadiyey guusha ay usoo hooyeen dadkoo da iyo deegaankooda.
Dagaalkii bilooyinka ka socday magaalada Laascaanood iyo duleedkeeda ayaa soo dham maaday, kaddib markii ciidanka Somaliland da gaal looga saaray saldhiggii Goojacadde oo ah eyd taliskii ugu weynaa ee maanulka Somal iland ku lahaayeen gobolka Sool.
Wasiir Al-Cadaala oo weerar culus ku qaad ay ‘kooxo uga daran’ Al-Shabaab
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxm aan Yuusuf Caddaala oo ka hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa shee gay inay jiraan kooxo Al-Shabaab uga daran.
Kooxahaan ayuu sheegay in ay la shaqeeyaan Al-Shabaab, ayna isku dayayaan inay fashiliy aan howl-gallada dagaal ee socda, maadaama ay aaminsan yihiin in ay san noolaan karin Shaba ab la’aantood, sida uu hadalka u dhigay.
"Dadka Soomaaliyeed waxaa la wadaagey naa inay illaa billowgii howlgalka ay jireen koo xo abaabulan oo magacyo kala duwan wata oo Khawaarijta la shaqe eya oo kamid ah lakaby ada Khawaarijta ku dul nooshahay si dadka So omaaliyeed u haystaan oo u dhibaateeyaan,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.
Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxahan ay qeyb ka yihiin siyaasiin, ganacsato iyo kuwa magacyo kala duwan ku dhex jooga bulshada, ay ka shaqeynayaan inay suurad xumeeyaan howl-galka Al-Shabaab ka dhanka ah, iyaga oo colaad ka dhex ridaya qabaa’ilka Soomaali yeed dhexdooda, sida uu sheegay.
"Wey ku fashilmeen oo Ilaahay ku fashiliyay inay hor istaagan howlgalka. Bilihii dhexe wa xay aad iskugu dayeen kooxahaasi inay kala qeybiyaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ee Khaw aarijta la dagaalamayay, waxaan ognahay in qabaa’ilka qaarkood lacago u direen, in ay siy aasad ahaan u dhex galaan oo dhahaan idinka kuma jirtaan dagaalka ee ka hara, taasina waa ku fashilmeen oo dadka Soomaaliyeed iyaga
oo mideysan ayay dagaalka Khawaarijta gal een.”
Al-Cadaala ayaa sidoo kale waxa uu ku eed eeyay kooxahaasi ay wadaan isku-deygoodii u dambeeyay, kaasi oo ah inay baranbogaado iyo been abuur la dhex-galaan ciidanka qaran ka ee dagaalka ku jira. "Waxaa dadka Sooma aliyeed u sheegaynaa in isku-deygoodii u
Dambeeyay ee doonayeen in Khawaarijta ku bad baa diyaan oo shacabka Soomaaliyeed uga jeediyaan guulaha aan la qarin karin ee laga gaaray furimaha Khawaarijta, in isagana uu fashilmay oo uu meel mar uu noqon waayay isku-deygooda.”
Waxa uu intaas kusii daray "Dadkaas idinku dhex jira ee siyaasiyiinta, qoraay aasha, gana csatada iyo magacyada kala duwan idin shee ganaya ee la yiraahdo Dhabar Khawaarij waa darbiyo ama lakab kamid ah kuwa ay isticma asho Khawa arijta, waana nuuc
aaminsan inay noolaan karaan inta Khawa arijta jirto, dadka Sooma aliyeed waxaa rabnaa in aan fahansiino oo uga digno in aysan rume ysan, beentooda yeysan idin saameyn.”
Ugu dambeyntiina wuxuu digniin u diray koo xahaasi uu sheegay inay la shaqeeyaan Al-Sha baab, "Farriimaha Khawaarijta waa dembi Soo maaliya, nuuc kasta iyo cidkasta oo Khawaar ijta adeegeeda haysa waxay kamid tahay Kha waarijta, sidooda kala loola dagaalamaya wa ana lagu daba jiraa.”
Soomaalida ku nool dalka Maraykanka oo ka cabasho ka muujiyay qiimaha baasa boorka Soomaaliya
Soomaalida ku nool dalka Maraykanka ay aa cabasho weyn ka muujinaya qiimaha ay ku helayaan baasaboorka Soomaaliya.
Qiimaha ay safaaradda Soomaaliya ee Wa shington ku bixiso baasaboorka Soomaaliya ay aa afar jeer ka badan qiimaha lagu bixiyo baasaboorka Maraykanka.
Soomaalida deg an Mareykanka ee doonaya baasaboor ka Soomaaliya, ayaa ka cabanaya in laga qaa do lacag $430. waxay sheegeen lacagahaasi in aanay ahayn kuwa ay u dajisay hay'adda socd aalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.
Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo is kaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal (Isaaq Fanax) oo safar ku jooga Maraykanka ayaa sheegay in dowladdu aysan ka war-hayn lacagtaas, ayna wax ka qa banayaan cabashada shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda oo la hadlay VOA Somali ayaa sheegay inay qaad ayaan tallaabo degdeg ah oo wax looga qaban ayo qiimaha saa’idka ah ee baasaboorka Soom aaliya.
"Ma yeelayno wax muwaadinka Sooma aliy eed dhib ku ah. Sababta safaaradda meeshaan u joogto waa inay fududaysaa adeegga muwa adinka Soomaaliyeed ee meeshaan jooga ama dalkaan soo gaaray. Markii haddii arrintaas jirto oo culays ka jiro, waxaan ka qaadidoonaa talla abo degdeg ah.” ayuu yiri wasiirku.
Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay inay so cdaan dadaalo ku aadan in qofka wata baaba saboorka Soomaaliya laga tixgaliyo Maraykan ka iyo waddamada kale. Wuxuuse sheegay in ay jiraan caqabado badan oo u baahan wa qti.dhan.
Ciidanka Milatariga Gabon Oo Afgam biy ay Dowlada Dalkaas Maamulaysay
Saraakiisha ciidamada ay aa ka soo muuqday telefi shinka qaranka Gabon iya goo sheegay inay la
wareegeen xukunka. Waxa ay sheegeen in ay baabi’inayaan natiijadii doorashadii Sabtidii ka dhacday dalkaasi oo lagu dhawaaqay in mad axweyne Cali Bongo uu ku guuleystay.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in Mr Bongo Afgambigiisu uu soo afjari doonaa 53 sano oo qoyskiisu ay xukunka Gabon hayeen.
12 askari ayaa kasoo muuqday telefiis han ka iyagoo ku dhawaaqaya inay baabi’ inayaan natiijadii doorashada isla mark aana ay kala direen "dhammaan hay’a daha dowladda”.
Mid ka mid ah askartaas ayaa TV-ga Gabon ka sheegay: "Waxaan go’aansan nay inaan difa acno nabadda anagoo me esha ka saarayna maamulka hadda jira.”Mr Bongo ayaa xukunka qabtay markii aabihiis Cumar uu dhintay sanad kii 2009-kii.
Sannadkii 2018-kii, waxaa ku dhacay xanu unka faaligga kaas oo sababy inuu maqnaado muddo ku dhow sannad, waxaana loogu baaq ay inuu xilka isaga dago.
Midowga Yurub oo talaabo qaadaya ka dib afgembigii ka dhacay dalka Gabon
Sida uu sheegay madaxa siyaasadda arrim aha dibadda ee ururka Josep Borrell, Wasiira da difaaca ee Midowga Yurub ayaa ka wada hadlaya xaaladda Gabon oo Shalay uu ka dha cay afgembi Milateri.
"Haddii tani la xaqiijiyo, waa afgambi kale oo militari kaasoo kordhinaya xasillo oni darrada gobolka oo dhan,” Wakaaladda wararka ee Re uters ayaa ka soo xigatay Mr Borrell isagoo ka hadlayay shir ay wasiirrada difaaca Midowga Yurub ku yeesheen magaalada Toledo ee dal ka Spain.
"Gobolka oo dhan, laga bilaabo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, ka Mali, ka dibna Burkina Fa so, hadda Niger, laga yaabee Gabon, waxay ku jirtaa xaalad aad u adag oo hubaal la’aan ah wasiirada waa inay si qoto dheer uga fikiraan waxa halkaas ka socda iyo sida aan u hagaajin karno siyaasad eena ku aaddan dalalkan,” ayuu yiri Josep Bor rell.
Saraakiisha ciidamada ayaa ka soo muuq day saakatelefishinka qaranka Gab on iyagoo sheegay inay la wareegeen xukunka.
Waxa ay sheegeen in ay baabi’inayaan nat iijadii doorashadii Sabtidii ka dhacday dalkaasi oo lagu dhawaaqay in madaxw eyne Cali Bo ngo uu ku guuleystay.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in Mr Bongo Afgambigiisu uu soo afjari doo naa 53 sano oo qoyskiisu ay xukunka Gab on hayeen.
GABDHO TIMAHA LAGA XIIRAY KADIB MARKAY 'SI QALDAN U XIRTEEN XIJAABKA'
Gabdho xijaaban oo arday ah
XIGASHADA SAWIRKA,AFP
Iskuul waxbarasho oo ku yaal dalka Indonesia ayaa 19 gabdhood ka xiiray timaha ka dib markii lagu eedeeyay in aysan si wanaagsan u xiran xij aabka, sida lagasoo xigtay maamulaha dug sigan.
Dhacdadan ayaa ka dhacday dugsiga dhexe ee SMPN 1 ee ay dawladdu leeda hay oo ku yaalla magaalada Lamongan, ee Bariga jasiiradda Java. Macallimad aan la magacaabin ayaa qayb ahaan ka xiirtay timaha 19-kan gabdhood ee Muslimiinta ah Arbacadii ina dhaaftay (August 23).
Maamulaha oo magaciisa kaliya lagu sheegay Harto ayaa sheegay in wixii intaa ka dambeeyay Iskuulku uu bixiyay raalig elin, islamarkaana uu shaq ada ka joojiyay macalinkii falkaasi geystay.
Harto ayaa u sheegay wakaaladda wara rka ee AFP in aysan jirin wax waajib ah oo rasmi ah oo ka saaran gabdhaha ardayda ah in ay xirtaan xijaa bka, balse waxaa lagu dhiirigaliyay in ay xirtaan koofiyadaha hoose ee xijaa bkooda si ay ugu soo muuq daan kuwa asturan. Nasiib darro, arday dani ku ma ay hoggaansamin taladan, iya goo timahooda dhinacyada ka baneeyay.
XIGASHADA SAWIRKA,AFP
Maamulaha SMPN 1 Lamongan, Harto, ayaa she egay in dhacdadii mac alinka bid aarta ku dhufatay 19 gab dh ood oo arday ah ay dhacday Arbac adii (23/08) markaas oo macallimiinta ka tirsan kooxda anshaxa dugsiga ay edb inayeen ardaydii ku xad-gudbi jirtay sha rciga.
Sida lagu sheegay warbixin ay qortay Kompas.com oo soo baxday Tala adadii , macalinka oo magaciisa lagusoo koobay EN waxa uu qirtay in uu marar badan xas uusin jiray ardayda habl aha ah inay xirtaan xijaabka ama qamaarka sida koofida loo gashado ee luq unta iyo timahaba astura. Tiro dumar ah oo arday ahaa xilligaas ayaa la sheegay in aanay raacin tilmaa mahan.
Ka dib waxaa u yeeray macalinka marka ay guriga aadayeen. Harto waxa uu shee gay in macalinku uu sidaan ku sameeyay 19-ka gabdhood ee arday da ahaa isagoo isticmaalaya qalabka korontada ku shaqe eya ee lagu xiirto.
"Ka dib waxaa dhacay wax aanaan do onayn, Alle mahadii, Shalaykaas mid kasta oo ka mid ah waalidiinta waxaa loo cade eyay sida ay wax u dhe ceen," ayuu yiri maamulaha SMPN 1 Sidodadi Lamongan, Harto mar uu warbaahinta kula hadlay afa afka hore ee dhismaha dugsiga Talaadadii.
Waxa uu sheegay in Iskuulka iyo waa lidiinta uu dhex dhexaadin u samee yey, wa xaana uu ku andacoodey in arrintu ay si nabad ah ku dhammaatay, isla markaana macalinkii la hadal hayey shaqada laga eryay.
Intaa waxaa dheer, dugsigu waxa uu ba llan qaaday in uu hablaha u fidiyo gargaar nafsiyeed si ay uga caawiyaan sidii ay uga kabsan lahaayeen dhib ka soo gaaray.
hablo arday ah
XIGASHADA SAWIRKA,AFP
Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa si kulul u cambaareeyay fa lka ay ku kacday macalinka, waxayna dalbadeen in shaqada laga eryo.
Andreas Harsono, oo ah cilmi-baare Indonesian ah oo ka tirsan hay’adda Hum an Rights Watch, ayaa ku tilmaamay dha cdadii Lamongan mid ka mid ah dhacdo oyinka cabsida leh ee abid ka dhaca Ind onesia. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in cunaqabateyn lagu soo rogo macalinka iyo in dhibanayaasha loo fidiyo talo nafsi.
Dhacdadani maaha mid ku cusub dalk an. Warbixin ay soo saareen kooxaha xuq uuqul insaanku 2021kii, ayaa iftiimisay kii sas gabdhaha iskuu leyda ah oo si qasab ah tinta looga jaray ka dib markii ay si qal dan u xirteen xijaabka ama aysan xiranba, qaarkoodna waxay wajaheen ganaaxyo iyo cayrin.
Dhacdooyinkan ayaa hoosta ka xariiqa ya walaaca laga qabo kor u kaca dulqaad la'aanta diimeed ee Indonesia, oo ah wad dan si rasmi ah u aqo onsan lix diimood oo waaweyn.
Arrinka xijaabku wuxuu soo jiitay dare enka dalkan sannadkii 2021 kadib markii arday Masiixiyiin ah oo ku nool Galbeedka jasiiradda dalkan ee Sum atra lagu cadaad iyay inay xidhaan xijaabka, taasoo iftiimi say caqabadaha ballaadhan ee la xidhi idha xorriyadda diinta iyo kala duwanaan shaha Indonesia.XIGASHO:-BBC
RUUSHKA OO SHEEGAY IN DIYAARADDA PRI GOZHIN LAGA YAABO IN SI ULAKAC AH LOO SOO RIDAy Kremlin-ka ayaa sheegay in baarayaashu ay ka fiirsanayaan suurtagalnim ada in diyaaradda sidday madaxii kooxda calooshood u shaqeystay aasha Yevgeny Prigozhin si ula kac ah loo soo riday, taasoo ah qirashadii ugu hor reysay oo cad oo laga yaabo in la dilay.
"Waa wax iska cad in noocyo kala duwan la tixgeliyo, oo uu ku jiro nooca – waad garanaysaa waxa aan ka hadlayno – aan nidhaahno, weerar ula kac ah,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov oo sux ufiyiinta la hadlay markii wax laga waydiiyay baar itaanka.
Mar la weydiiyay haddii Hay’adda Duuli maadyada Caalamiga ah ay baar itaan ku sameyn doonto shilka, Peskov wuxuu sheegay in xaaladdu ay ka duwan tahay, inkastoo uu ka digay in baarayaashu aysan weli go’aan rasmi ah ka gaarin waxa dhabta ah ee dhacay.
"Aan sugno natiijada baaritaankeena Ruushka,” ayuu yiri Peskov.
Diyaaradda gaarka ah ee Embraer jet ee Prigozhin ay ku socotay St Pet ersburg kana soo duushay Moscow ayaa ku burburtay waqooyiga Moscow 23-kii Agoosto, waxaana ku dhintay dhammaan 10-kii qof ee la socday, oo ay ku jiraan laba qof oo kale oo sarsare oo ka tirsanaa hogaanka kooxda Wagner, afartii ilaalada ee Prigozhin iyo shaqaale saddex ah.
Sababta ilaa hadda ma cadda, balse dadka tuulada ka ag dhawaa ayaa waka aladda wararka ee Reuters u sheegay in ay maqleen jug ka dibna ay arkeen diyaaradda oo dhulka ku soo dhacday.
Diyaaradda ayaa burburtay laba bilood oo keliya tan iyo markii uu Prig ozhin la wareegay gacan ku haynta koonfurta magaalada Rostov dabayaaqa dii bishii June, taasoo ahayd gadood ruxay aasaaska Ruushka ee Madaxwe yne Vladimir Putin.
Ruushka ayaa ku wargeliyay hay’adda baarista diyaaradaha ee Brazil ina ysan baaritaan ku sameyn doonin burburka diyaaradda Embraer (EMB R3.SA) ee Brazil lagu sameeyo iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah.
Mar wax laga weydiiyay warbixintaas, Peskov wuxuu yiri: "Ugu horreyntii, baaritaanku wuu socdaa, guddiga baarista ayaa arrintan ku hawlan.”
"Xaaladdan ma jiri karto hadal ku saabsan dhinac kasta oo caalami ah,” ayuu yiri Peskov.
Guddiga kormeera baaritaannada shilalka duulista ee Ruushka, ayaa she egay in aysan baarayn shilkan, iyaga oo intaa ku daray in aysan ka hadli doo nin xaaladaha shilka. ”
Maalin ka dib shilka, Putin waxa uu tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhin tay, wuxuuna sheegay in uu muddo aad u dheer garanayay Prigozhin, tan iyo sannadihii fowdada ahaa ee horraantii 1990-meeyadii.
Kremlin-ka ayaa diiday oo ku tilmaamay "been buuxda” soo jeedinta qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer galbeedka iyo falanqeeyayaasha oo ah in Putin uu amray in Prigozhin la dilo si aargoosi ah inkastoo aysan jirin wax cadeyn ah oo arrintaas muujinaya.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in aanu la yaabin geerida, isla markaana aanay aaney ka dhicin Ruushka oo aanu Putin ka dambeyn.
In kasta oo uu ku guulaystay dagaalkii ugu dhiigga badnaa ee Ukraine uu Putin ku qabsaday Bakhmut, haddana Prigozhin waxa uu aad uga carooday wax uu ku sheegay fashilaadda khiyaanada ah ee ciidammada Putinwax ana uu ka digay in Ruushku lumin karo dagaalka Ukraine oo
CIYAARAHA:-MAXAY TAHAY KOOXDA AL-SHABAAB EE DHA WAAN UU GOOLASHA KA DHALIYAY RONA LDO?
Kooxda Kubadda Cagta al-Shabab ama Naadiga Kubadda Cagta Dhallin yarada, waa koox kubbadda cagta ah oo ka dhisan dalka Sucuudi Cara biya, fadhigeeduna yahay magaalada Riyaadh.Waxaa la aas aasay sanadkii 1947-dii, waxaana markii hore loo bixiyay Shabaab Al Riyaadh, taasoo macn aheedu
yahay Naadiga Dhalinyarada ciyaaraha ee Riyaadh, balse sanadkii1967-dii ayaa loo bixiyay magaca Al Sha baab. Haddaba kooxdaan ayaa dhawaan waxaa ay kul an ciyaareed la yeelatay kooxda kale ee ka dhisan isla Sacuudiga ee Al-Nassr. Qaar ka mid ah ciyaaryahanndii hore ee horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo kala ah Cristiano Ronaldo, Sadio Mane iyo Riyad Mahrez, ayaa ku jira liiska gool dhalinta. Laacibkii hore ee Manchester United Ronaldo ayaa laba rigoore u dhaliyay kooxda Al-Nassr taas oo horseedday in 4-0 looga adkaado kooxda Al-Shabaab. Waxaa jiray gool kale oo uu dhaliyay oo u dhaxeeyay rigoora yaashan balse laga diiday.Ronaldo ayaa helay rigoore saddexaad balse wax aa uu u sallaxay Cabdiraxmaan Ghareeb, laakin fursadaas kama faaiideys an. Ronaldo wuxuu ka caawiyay Mane goolkii seddexaad, wuxuu na kubad madax ah ku dhuftay birta, waxaana dhaliyay Sultan Al-Ghannam


0 



HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGYESKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMSII 31-KA AGOOSTO 2023-KA
..