Sida baaritaanka kaadida ee uurka loo isticmaali jiray 4000 oo sano ka hor

0
Monday August 28, 2023 - 21:15:10 in Wararka by
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sida baaritaanka kaadida ee uurka loo isticmaali jiray 4000 oo sano ka hor

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Maanta, ogaanshaha haddii aad uur leedahay inta badan waa mid aad u fudud, baaritaanka uurka ee lagu qaado guriga ayaa markii ugu horreysay la ictiraacay sanadkii 1960-kii.

Wixii intaa ka danbeeyana waxay ka shaqeynayeen inay ogaadaan hoormoonka (gonadotropin chorionic (hCG)) ee bini'aadamka ee kaadida, kaas oo ay badanaa soo saaraan unugyada mandheerta xilliga uurka.

Jawaabta tijaabada dhiiga ayaana lagu heli karaa 11 maalmood gudahooda ka dib, dabcan, baadhitaan kasta oo uurka ah ayaana ka dhigneyn ama damaanad qaadeyn ubad iyada oo shantii uurba uu mid kamid ah noqdo dhicis.

Weli, dadka qaar ayaa tijaabada togan badanaa u arka bilowga safarka hooyonimada iyo aabbanimada.

Laakin arrimuhu aad bay uga duwanaayeen waagii hore. Calaamadaha sida caadada seegtay haweeneyda ama rabitaanka cunto gaar ah ayaay micnaheedu noqon kareen uur.

Kim Phillips, oo ah borofisar taariikhda ka dhiga jaamacadda Auckland, ayaa daraasad ku samaysay "uurka dumarka", qoraal caafimaad oo qarnigii 13-aad la diyaariyay ayaa muujiyay in haddii naasaha gabadhu hoos u jeedaan, ay la macno tahay inay uur leedahay.

"Kaalinta Kaadida Ee Uurka”

Getty images

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Maanta, baadhitaanka kaadidu waa furaha lagu helo jawaabta saxda ah ee uurka.

In kasta oo ay u muuqan karto hab casri ah, haddana xaqiiqadda ayaa taa ka fog. Saddex Xusuus-qor, oo Masari ah ayaa muujinaya in adeegsiga kaadida si loo ogaado uur la isticmaalaayay 4,500 oo sano.

Hababka casriga ah ee baadhitaanka

Baadhitaanada uurka ee kaadida ayaa horumarro kala duwan laga sameeyay sanadihii u danbeeyay.

Halka kala duwanaanshiyaha baadhitaanada kaadida ku saleysan ay ku soo noqnoqdaan qoraallada caafimaadka ilaa qarnigii 17aad.

Haddii kaadida haweeneyda lagu hayo weel xiran dhowr maalmood, "wax noolaha ah" ayaa lagu arki karaa tijaabada, sida uu qabo buugga 1656 ee "Fahanka Umulisooyinka."

Tijaabo kala ayaa ahayd in la karkariyo kaadida, haddii khadadka cadcad ay soo baxeen, haweeneydu waxay leedahay uur.

Baaritaan kale oo cilmi-baadhis ah ayaa lagu ogaaday in 70% waqtiga kaadida haweenka uurka leh ay dhab ahaantii muujiso "dhaqdhaqaaqa wax nool, inkastoo aysan jirin wax xiriir ah oo ay taasi la laheyd jinsiga ilmaha.

Marka kaadida ragga ama dumarka aan uurka lahayn la isticmaalay, wax saameyn ah kuma yeelan.

Sida cad, waxaa jiray walax gaar ah oo ku jirta kaadida kuwa haweenka uurka leh sida ay daraasaduhu tibaaxayaan.

"Jiirka, Raha Iyo Bakaylaha”

Bakayle
Qoraalka sawirka,

Bakayle

Weli, hab kale oo loo isticmaalo baadhitaanada kaadida ayaa soo baxday 1920-meeyadii iyo 1930-kii.

Marka hore, jiir iyo bakayle ayaa lagu duray kaadida haweeney uur leh , ka dibna waa la dilay si loo arko haddii ugxan-yaridoodu isbeddeshay.

Ka dib, nooc la door biday oo ah raha Afrikaan ah, ayaa loo isticmaalay in lagu duro kaadida haweenka si loo ogaado haddii ay uur leedahay, raha ayaa sii daayay ukunta.

Sannadihii 1960-naadkiina, cilmi-baadhis cusub oo ku saabsan unugyada difaaca jirka ayaa horseeday baaritaannada aan maanta naqaanno.

Uurka ayaa waligii door muhiim ah ka cayaaraayay taariikhda haweenka.

Uurka ayaa lagama maarmaan u ahaa arrimaha dhaxalka. Taariikhda imtixaannada uurka waxay muujinaysaa in dadku ay eegayeen jihada saxda ah, xitaa ka hor intaanay helin qalabka si loo hubiyo natiijooyinka.

XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip