
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 29-KA AGOOSTO 2023-KA
Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in la soo afjari doono Al-Shabaab
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka ka dha nka ah Al-Shabaab ee xilligaan ka socda meelo kamid ah gobo lada dalka sigaar ah Gobolka Galgaduud, kaas oo lagula wareegay degaano dhowr ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatooyin kala duwan u geysteen dadka Soomaali yeed, hayeeshee dhawaan ay soo afjari doonaan ayna sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in ddegaanoa muddo 15 sano ah ay gacanta ku hayeen hadda sinabad ah lagu marayo, isla ma rkaana dowladda Soomaaliya ay ka go’an tah ay in ay gacanta ku dhigaan dhul kasta oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Sooma aliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in dhulka Soomaaliya uu yahay mid baaxad weyn oo aan bilo kaliya Al-Shabaab looga saari kar in, balse inta ay tabartoodu tahay ay dadaali doonaan.
Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli howlgallo Maalmihii la soo dhaafay ay fuliyeen Ciidamada dowladda Soo maaliya ay kula wareegeen degaano iyo deg mooyin katirsan Gobolka Galgaduud.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo Dhuusam areeb kulan kula qaatay guddiga xasillinta Galmudug.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saal ax A xmed Jaamac ayaa magaalada Dhuu samare eb kulan kula qaatay guddiga xasillinta Galm udug.
Guddiga oo ah heer wasiirro ayuu Ra’ii sul wasaare ku-xigeenka ka dhagey stay warbixin ku saabsan halka ay maray aan arrimaha xas illinta iyo adeeg gaadhsi inta shacabka ku dhaq an deegaannada dhawaan laga saaray Al-Shabaab.
Xubnaha guddiga ayaa dhankooda ballan-qaadeen inay dedaal dheeri ah gel in doona an sidii adeegyada bul sho ee aas aasiga ah loo gaadhsiin lahaa dad ka Soom aaliyeed ee iska xoreeyey khawaa rijta.
Kulanka Baarlamanka oo Dorraad looga do oday habraaca wax ka bedelka dib u eegista Dastuurka
Guddoomiyaha golaha shacabka baarlam aanka JFSo Md.Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo gudd oomiyaha gola ha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi iyo ku xigeennada 2da Aqal ayaa Dorraad shir gu ddoomiyey kalfadhiga 3-aad kulankiisa 5-aad ee wadajirka ah.
Ajandaha kulankaan oo ahaa akhrinta iyo ka doodista habraaca wax ka bedelka dib u eeg ista Dastuurka KGM ee JFS, Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal baarlamanka JFS Xil. Xuseen Iidow iyo xo ghayaha guddiga Senator Siciid Cawke ayaa fa dhiga golaha ka hor aqriyay warbixinta iyo hab raaca wax ka bedelka Dastuurka Federaalka, iyagoo xildhibaannada u sharxay habraaca wax ka bedelka dastuurka. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa mid mid u dul istaagay qodobo dhowr ah oo muhiim u ah hanaanka geedi soc odka dowladnimada dalka.
Guddoomiyaha golaha shacabka baarla manka JFS oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in Xildhibaannada beri ay soo laabtaan si halkii sa looga sii wado dooda xildhibaanada ee akhr inta habraaca wax ka bedelka dib u eegsita Dastuurka KMG ah ee JFS.
Guddoomiyaha G/Banaadir oo Toban Hala ad oo Geel ah ku wareejiyay Taliska Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimc aale (Madaale) ayaa Dorraad Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliy eed ku wareejiyay Toban Halaad oo Geel ah oo loogu talagalay ciidamada geesiyaasha qar anka ee ku sugan furimaha dagaalka.
Munaasabadda dee qda lagu wareejinaye ay aa ka dhacday Saldhiga Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Galm udug,iyadoo ay goobjoog ahayeen Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmu dug, Taliyaha qeybta Bolii ska, Guddo omiyaha Gobolka Galgaduud iyo mas’uuliyiin kale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Du qa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxa uu sheegay in had iyo jeer uu garab taagan yahay Ciidamada qalabka ee ku howlan ciribtirka Khawaarijta.
Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga dalka Korneel Cabdi salaad Cali iyo Guddoomi yaha Gobolka Galgaduud ayaa Guddoomiyah ugu mahadceliyay sida uu marwalba isugu ho wlo garab istaaga ciidamada qalabka sida.
Madaxweyne Cali Guudlaawe oo sheeg ay inay Guddi u saarayaan khasaaraha ka dhashay dabkii Suuqa Jowhar
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirsh abeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo Dorraad dib ugu soo laab tay Magaalada Jowhar ee Caasi madaHirshabeelle ayaa booqday goobihii ganacsiga ee ku gubtay dabkii Habeen hore ka kacay qeybo kamid ah Suuqa Mag aalada Jowhar.
Madaxweynaha oo u kuurgalayay qasaar aha xoogan ee uu geystay dabkii Habeen hore ayaa dul istagay dukaamo iyo ganacsiyo kale oo uu kbaabi’iyay dabka waxa uuna sidoo kale Ganacsatada u diray fariin ka turjumeysa sida uu uga xun yahay khasaaraha kasoo gaaray dabka. Cali Guudlkaawe ayaa xusay in guddi soo qiimeeya inta ay la egtahay qasaaraha hantiy eed uu saari doono xaalada suuqa M/Jowhar, isaga oo sidoo kale Ganacsatadii ku hanti beelay dabka alle ugu baryay in wax khe yr qaba ugu bedelo.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo dhaliil ay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Galmudug
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Ax med Maxamed Islaam Madoobe oo khudbad ka jeediyay xeritaankii shirka golaha wadatashi ga qaranka ayaa si adag uga hadlay dagaalka dowladda Soomaa liya ay kula jirto Al-Sha baab.
Madaxweyne Axmed Mado obe ayaa ugu horeyn khudbad iisa ku bogaadiyay kaalinta ma daxweynaha dowladda Fedar aalka Xasan Sheekh Maxam uud ee ku aadan hoggaaminta dagaalka ka dhanka Ururka Al-shabaab oo uu u joogo maga al ada Dhuusamareeb mudo ku dhaw hal bil.
Axmed Madoobe ayaa sido kale tilmaa may in dagaalka ka socda deegaanada Galmudug inuu yahay mid gaabis ku bilaawday, islamar kaana xusay in howlga lka sida uu u socdo iyo sida looga hadlaa yo aysan aheyn wax isku dhigma.
"Hubka la wato dowladda waa u diiwaanga shan yihiin, haddii uu dhab noqon waayo dagaalka uu meesha ka baxo hubkaasi, waxa fursad weyn heli doo no kooxda Shabaab” ay uu yiri madaxw eyne Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska dul qaadaan kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay ka baxan gumeysiga ay ku hayso kooxda.
Ciidamada dowladda oo isaga baxay deegaanka wabxo iyo Al-shabaab oo la wareegtay
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galga duud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheeg aya in kooxda Al-shabaab ay Dorraad dib ula wareegtay deegaanka wabxo.
Wararka ayaa sheegaya in dagaal am ayaasha Ururka Al-shabaab ay si nabad ah kula wareegeen gac an ku heynta deegaan kaan, kadib markii ay Dorraad halkaasi isa ga baxeen ciidamada dowladda Fedaraalka.
Maalmo kooban ka hor ayay aheyd markii ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay la wareegeen deegaanka Wabxo ee gobol ka Galgaduud.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka da mbeysa in ciidamada dowladda Fedaraalka ay baneeyaan deegaankaan oo dhawaan uun gac antooda soo galay, hayeeshee saraakiisha dow ladda ayaa inta badan ku sheega sab ab aha ay uga soo baxaan deegaanada ay ka qabsad aan Ururka Al-shabaab xeelado la xariira istar aajiyad dagaal.Qabshada Al-shabaab ee dee gaanka Wabxo ayaa culeys kale ku noqoneysa ciidanka dowladda Soomaaliya ee dhaw aan la wareegay degmada Ceelbuur, maadama Wab xo ay ka mid tahay deega anada muhiimka u ah difaa cida Ceelbuur.
Xigasho:-hiiraan.com
Xog: Xasan oo ka baaqday Ceeldheer iyo Galcad oo ciidamada DF ay ka baxeen
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dhuusa mareeb ayaa Dorraad qorsheystay inuu safar ku soo maro magaalooyinka Ceeldheer iyo Galcad oo aagag muhiima u ah howlgalka ka socda gobolka Galgaduud.
Markii la diyaariyey saf arka Madaxweynaha oo ku bixi lahaa diyaarado Drones ayaa waxaa soo baxday xog sheegeysa in ciidankii joogay Ceeldheer ee am niga madaxweynaha sugi lahaa ay magaalada isaga baxeen.
Intaas kadib waxaa la diray Taliyaha NISA Mahad Salaad iyo Korneyl Shuute oo Muqd isho ka yimid oo markaas Dhuusam areeb ka soo degay, labadaas sarkaal ayaa lagu beda lay safarkii madaxweynaha.
Markii ay Mahad iyo Shuute ka degi rabaan Galcad waxaa loo sheegay in ciid ankii joogay magaalada ay hadana isaga baxeen, taas oo diyaaradihii siday kolo nyada labada masuul ku kaliftay inay ku laabtaan Muqdisho.
Ilaa hadda ma jirto cid xog rasmi ah ka bixi say sababta ay ciidamadu uga baxeen maga alooyinka Galcad iyo Ceeldheer oo madaxda hogaamineysa dagalka ay safar ku tegi rabeen.
Xogta ay heyso Caasimada Online waxay intaas ku dareysaa inuu jiro gadood ciidan oo ka dhashay weerarkii ciidanka lagu laayey ee ka dhacay degaanka Cowsweyne, waxayna cii damada iyo saraakiisha qaar ka xumaadeen in wax jawaab ah aysan dowladu ka bixin wixii Cowsweyne ka dhacay.
Markii laga soo tago xogta sheegeysa gado odka ciidan ee jira, lama yaqaan cida bixineysa amarka ay ciidamadu ku soo baneynayaan fu rimaha dagaalka ee gobolka Galgaduud.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo ku sug naa degmada Aadan-Yabaal ayaa gal abta saf ar dhulka ah ugu baxay dhanka Galcad, si uu uga hor tago ciidankii faaru jiyey saldhigyadii ay ku lahaayeen Galcad iyo Ceeldheer.
Warar soo baxay waxay sheegayaan inuu ji ro khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya Wasiirka G/dhigga iyo Taliyaha Xoogga, kaas oo sabab u ah jahawareerka soo wajahay ciidamada qa ranka ee daga alka adag kula jira Khawaarijta Al-Shabaab.Xigasho:-Caasimadda.Net
War ay Ciidamada dowladda ka faafiye en kooxda Farmaajo oo la beeniyay
Saraakiil iyo Xildhibaanada hoggaami naya dagaalka Alshabaab ee ka socda Gobolka Gal gaduud ayaa beeniyay War ay faafiyeen koox da ku xiran Madaxweyn ihii ho re ee Farmaajo.
Warkaas ayaa ahaa in ciid amada dowladda ay isaga bax een degmada Ce eldheer oo bishii Janaayo ay qabsadeen ciidamada dowladda, waxaana isla markii warkaasi soo baxay jawaabo culus soo saaray saraakiil, mas’uuliyin iyo xildhibaano oo arrintaas ku tilmaamay mid lagu taageerayo Alshabaab.
Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxam uud "Yaasiin Farey” oo ku sugan degmada Ceeldh eer ayaa beeniyey inay ciidamada dawladdu ka baxeen, dibna uga soo gurteen degmada Ceel dheer.
Wuxuu caddeeyay in ay wararkaasi yihiin be en abuur, isaguna ku sugan yahay magaalada, wuxuuna xldhibaanka faahfa ahin ka bixiyay dagaalkii Sabtidii ka dhac ay degaanka Cows-weyne.
Wararkii ugu danbeeyay ee hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay ka baxeen degaano dhowr ah oo ka tirsan aagagga Galgaduud.
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo Baarlamaanka u gudbisay Xisaab xirka maaliyadeed ee 2022
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Dorraad u gudbisay Golaha Shacabka Xisaab -xirka miisaaniyad sanadeedkii Wasiir Ku-xige enka Maaliyadda, Cabdiqa faar Cilmi Xaange ayaa Gol aha Shacabka ee Baarlama anka Federaalka Soomaali ya ku wareejiyay Xisaab-xirka Miisaaniyad sanadeedkii 2022-ka oo soo maray dhammaan hab-raacyadii sharciga ahaa
Hanti-Dhowrka guud ee Dowladda, ayaa baaris maaliyadeed ku sameeyay xisaab-xirka an oo la soo saaray bishii Abriil, 2023, waxaa na natiijada baaritaanka lala wadaagay Baarla maanka. Wasaaradda maaliyadda ayaa she egtay inay sii wadi doonto xoojinta nidaamada isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta maamulka Guud ee maaliyadda iyo dowlad wanaagga.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arri ma ha Diinta XFS oo kulan la qaatay Culimada Wasaaradda
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrim aha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roo bow oo uu weheliyo agaasim aha guud ee Was aaradda Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa Dorr aad kulan la qaatey qaar kamid ah culimada iyo ducaadda Wasaara dda.
Ujeedada kulanka ay aa ahaa dardar gelinta iyo xoojinta howlaha wa cyigelinta bulshada Soomaaliyeed ee ka horta gga iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah, maad aama lagu guda jiro dhameystirka wajiga 1aad ee dagaalka ay dadka iyo dowlada Soomaaliy eedba ay kula jiraan Khawaarijta.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrim aha Diinta ayaa ducaadda uga ma had celiyey doorkii muuqdey ee ay kasoo qaateen baraaru jinta bulshada iyo ciidam ada qalabka iyo cad deynta xaqnimada dagaalka hubeysan iyo mid da fikirka ah ee lagula Khawaarijta iyo guud ahaan garab istaagii iyo taageeradii ay culim aa,udiinka Soomaaliyeed u muujiyeen DFS, si Dalka loo xoreeyo haraadiga Khawaarijta.
Xog: Qoor Qoor iyo Wasiir Jaamac oo safar dhulka ah ku aaday Ceelbuur
Sida ay ilo wareedyo xog ogaal ah u xaqiij iyeen Caasimada Online, Madaxweyn aha Gal mudug iyo Wasiirka Gaashaand higga XFS ay aa ku wajahan magaalada Ceelbuur ee gobol ka Galgaduud, halkaas oo ay ku tegayaan safar dhulka ah. olanyo ay la socdaan labadaas masuul ayaa la sheegay in Dorraad ay ka soo amba-baxeen magaalada Dhuusamar eeb, iyagoo ku wajahan magaalada Ceel buur oo maalmo ka hor laga xor eeyey Khawaarijta Al-Shabaab.
Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiir Jaamac ayaa Dorraad maqrib adii ka gudbay Guriceel, sida ay Sheegtay in ay ogaatay Caas imada Online, waxayna Ceelbu ur ka soo gela yaan dhanka Wabxo.
Ciidamo xoog leh oo isugu jira kuwa deega anka iyo xoogga dalka oo Danab ay hoggaam ineyso ayaa ku sugan Ceelbuur, ciidankaan ay aa ku guuleystay in si nabad ah ay gacanta ugu dhigaan magaalada.
Safarka Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiir Difaaca Qaranka wuxuu ku soo aadayaa iya doo Dorraad uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalooy inka Galcad iyo Ceeldheer ee gobolka Galg aduud.
In Madaxweynuhu ka baaqdo safark aas waxaa sababay tallaabo ay qaadeen ciidamadii ku sugnaa magaalooyinkaas oo sabab aan la shaacin uga baxay Dorraad.
Waxaa jira gadood ciidan iyo amarro is dii dan oo ay marti-gelineyso wasaaradda gaasha andhigga Soomaaliya, taasi waxay sababtay in ciidan badan lagu laayo Cowsweyn, Dorraadna la baneeyo furimihii Ceeldheer iyo Galcad.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa isna Dorraad ka soo baxay degmada Aadan-Yab aal, isagoo qorsheynaya inuu ka hor tago ciida madii soo baneeyey furim aha Galcad iyo Ceel dheer.
Howlgalka ka socda Galmudug ee Khawaar ijta looga xoreynayo dalka ayaa maalmahaan wajahaya jaha-wareer xoog leh oo hadda ban aanka u soo baxay, waxa ana sixitaanka wixii qaldamay ku howlan Madaxweyne Xasan She ekh oo ajendihiisa koowaad ka dhigtay hogga aminta daga alka.
G/Hey’adda maaraynta musiib ooyinka oo qaabilay danjiraha ururka iskaashiga Islaamka
Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musii booyinka Md.Maxamuud Maca llin Cabdulle ay aa Dorraad xafiiskiisa ku qaabilay safiirka So omalia u fadhiya ururka Iskaashiga Islaamka H. E.Ambassador, Moham ed Bamba M.Boba.
Ujeedka kulanka wuxuu ahaa in uu guddoo nsiiyo hay’adda SoDMA kaalmo lacageed oo dhan $50,000 oo doolar, taas oo ay balan qaadeen Islamic Solidaarity fund (ISF) booqashadoodii ay ku imaadeen xarunta hay’ adda maaraynta musii booy inka bishii febarayo 2023, si abaaraha wax looga qabto.
Guddoomiyaha hay’adda mudane Ma xam uud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahad celiyay ISF iyo OIC, garab istaagga ay u muujiyaan um adda Soomaaliyeed ma rkasta iyo marxalad waliba oo ay mara yaan. Dhanka kale safiir Ba mba ayaa ballan-qaaday in uu si dhaw ula sha qeyn doono hay’ adda SoDMA oo wadda howlo aad u baaxad wayn si Soomaaliya ay uga baxdo dhibaatada bani’aadannimo ee haysata.
Mudaharaad weyn oo ka dhacay Gaalkacyo + Ujeedka
M/Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa Dorraad lagu qabtay dibadbax weyn oo ay dhigeen shacabka ku dhaqan koo nfurta magaala daasi.
Dibadbaxan ayaa wax aa lagu taageer ayay cii damada Xoogga dalka, gaar ahaan howlgallada ka socda gobollada Galg ad uud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Waxaa mudaharaadkan soo qaban qaabi yay maamulka degmada, ayada oo ujeedku ahaa in reer Gaalkacyo ay taage ero ugu mu ujiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa deega anka ee haatan guullo ka gaaray howlgallada ka socda deegaanada maamulka Galmudug.
Dibadbaxayaasha ayaa isugu so baxay barx adda Five Star ee Gaalkacyo, iyaga oo ku qalin ayay erayo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, wa xayna sidoo kale siteen booray lagu soo ko rdhay erayo ay taageero ugu muujinayaam ciid amada huwanta ee gulufka ka waday gobol lada dhexe ee dalka.
Waxgarad iyo abwaano ka hadlay mudahar aadka ayaa sidoo kale shacabka ku booriyay inay qaataan doorkooda, ayna garab istaagaan ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.
Mid kamid saraakiisha laamaha amma anka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ka go’an tahay la dagaallanka Al-Shab aab, balse ay u baahan yihiin taageerada shacabka.
"Annaga ciidamo amni ahaan Shabaab wax aa naga go’an inaan a dirirno dhiige ena inaan ku bixino gudaha iyo bannaan ka, waxaana rab naa inaad na taageertaan” ayuu yiri.
Dhankiisa Duqa Galgakacyo, Cabdira xma an Sheekh Xasan oo gabagabadii hadalka qaat ay ayaa xusay in Gaalkacyo ay diyaar u tahay halgalka xoreynta ee ka socda Galmudug.
Isku soo baxan ayaa qayb ka noqon aya ab aabulka culus ee hadda ka socda Galmudug, kaas oo qorshihiisu yahay in kooxda Al-Shab aab looga saaro guud ahaan Galmuudg.
Wadahadallo ku saabsan wejigii 2aad ee ka bixitaanka Atmis ee Soomaaliya oo bilowday
Saraakiisha sare ee Midowga Afrika, Soomaa liya, iyo Q/Midoobay ayaa billaabay kulamo wa datashi ah oo looga tashanayo wajiga 2aad ee dhimista ciidamada ATMIS, bisha September, sida uu sheegay howlgalka Midowga Afrika.
Hawlgalka ku meel gaadhka ah ee Mido wga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) ayaa la fil ayaa in bisha soo socota ay dhimaan tirada cii dammadooda 3,000 oo dheeraad ah ka dib markii ay ku guula ysteen in ay kala baxaan 2,000 oo askari, oo ay sidoo kale Dowladda ku wareejiyeen lix saldhig oo milatari bishii June.
Mohammed El-Amine Souef, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midow ga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa Atmis, ayaa sheegay in guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ay xubno ka yihiin Atmis, dowladda, iyo Xaf iiska Taa geerada Qaramada Midoobay ee Soo maaliya (UNSOS) ay ku shirayaan naq shadaynta saldhigyada ciidan ee laga soo saari doono 3,000 oo askari.
"Maadaama aan wadno howlgalo dagaal oo firfircoon, qorshaynta dhimista waa in si wa naagsan loo waafajiyaa oo si habsami leh loo fuliyaa si guulihii la gaaray ilaa hadda aan khat ar loo gelin," Souef ayaa ku yiri hadal uu ka soo saaray Muqdisho.
Intii uu socday kulanka ka dhacay Muqd isho, Souef waxa uu ku ammaanay QM iyo do wladda taageerada joogtada ah iyo wadashaqe ynta ay la leeyihiin Atmis si loo xaqiijiyo guusha wejiga koowaad.
Madaxa UNSOS Aisa Kirabo Kacyira ayaa u sheegtay guddiga farsamada in ay tixg aliyaan cashiradii laga bartay wajigii 1aad, si loo xaq iijiyo guusha wejiga labaad.
"Qaramada Midoobay waxay hubin doontaa in qalabka iyo tas-hiilaadka kale ee lagu ware ejiyay ciidamada ammaanka Soomaaliya mar ka ay ka baxaan ciidam ada Atmis ay xaaladdo odu wanaagsan tahay, ciidamada Soomaaliy ana ay awood u leeyihiin sidii ay u isticmaali lahaayeen," ayay tiri Kacyira.
Sida uu dhigayo Qaraarka Golaha Am maanka ee Qaramada Midoobay ee tirsig iisu yahay 2687 (2023), Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa looga baahan yahay inay same eyaan qiimeyn farsamo dhamm aadka Agoosto si ay u qiimeeyaan Wajiga 1aad ee dhimista, ayna bixiyaan macluu maad dheeri ah marka la gaaro Sebtembar 15 oo ku saabsan diyaarga rowga wejiga labaad.a
Hoos u dhigista ciidanka ATMIS, waxaa fara ya Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qa ramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628 iyo 2670, kaa soo dhigaya in Atmis ay si tar tiib tartiib ah ugu wareejiso mas 'uuliyadda amniga ciidama da ammaanka Soomaaliya ka hor ka bixitaanka Soom aaliya 31-ka December, 2024-ka.
Ururada Siyaasada Somaliland oo diid ay go'aankii kasoo baxay Guddida oday dhaqameedka ah
6 kamid ah tobbanka urur siyaasadeed ee dhawaan la aasaasay, ayaa diiday go'aankii khilaafka doorashooyinka Somal iland ay kasoo saareen hoggaanka beesha Habar-jeclo.
Go'aankan ay ururada qaar diideen ayay be eshu ku dalbatay in la is raaciyo doorashooyin ka ururada iyo madaxtoo yada, isla mark aana labada doorashaba la qabto 13, Nove mber, 2024.
"Go'aankaa anagu waxa aanu ka aaminsa nahay urur ahaan, sharciyada aya anu ka taag anahay, distoorka iyo shuru ucda ka fircanta waxay ka qabaan ayaanu ka qabnaa" Hoggaa miyaha Ururka Hors eed Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal), ayaa sida warbaahinta u she egay. Hadaba ururada kala ah Rajo, Talo-wadaag, Waabari iyo Hilaac ayaa shaki galiyay midnimada ururada, iyaga oo qaarkoodna ay taageereen go'aanka hog gaanka beesha, qaarna ay sheegeen in ay ka tashanayaan.
Guddida Beesha Habar-jeclo ayaa la sheegay in ay kalsooni ka haysteen dha mma an daneeyayaasha doorashooyinka, sida 3-da xisbi iyo ururada, haddaba waxa laga war suga ya in dhinacyada kale ay aqbali doonaan go'a anka guddida
Madaxweynaha DF oo laba qodob kala hadlay Taliska Ciidanka ATMIS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somali ya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaa lada Dhuusa mareeb kula kulmay Mad axda Ciidanka Nabad Ilaa linta Midowga Afrika ee ATMIS. Madaxweynaha ayaa qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee dalka ahna Madaxa Ciid anka Nabad Ilaalinta ee Hawlgalka ATMIS, Da njire Mohamed El-Amine Souef iyo Taliyaha Ciidanka ATMIS, General Sam Okiding.
2da dhinac ayaa ka wada hadlay hawlgalka ballaaran ee Dowladda Federa alka dalka kaga saareyso maleeshiyada Al Shabaab, sida lagu sheegay warka Habeen hore ka soo baxay Taliska ATMIS.
Warka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay sidoo kale ka wada hadleen wejiga labaad ee qorshaha lagu dhimayo tirada Ciidanka ATMIS iyo halka ay mare yso qiimeynta farsam ada ee wadajirka ah, iyadoo laga duulayo qar aarka Golaha Ammaanka ee QM ee tirsigiisu yahay 2687.
"Waxaan ka hadalnay hawlgalada socda, waxayna ahayd fursad wanaagsan anigoo ku hadlaya magaca M/Afrika inaan ugu hambalyey no Madaxweynaha iyo DFS hawlgaladii ugu da mbeeyay iyo guulaha laga gaaray dag aalka ka dhanka ah Al Shabaab.” Ayuu yiri Danjire Souef.
Danjire Souef ayaa sheegay inay meel wan aagsan mareyso qorshaha dhimista ee ciidam ada, bisha soo socoto ee Septe mber-na ay sa mayn doonaan qorshe kale oo dhimis ah.
"Arrimuhu waxay u socdaan si habsami leh, waxaana rajeynaynaa in dhammaadka Septem ber la sameeyo wareegga labaad ee yareynta ciidamada, taageero buuxda ayaanu ka haysa naa Madaxweynaha.” Ayu u yiri Souef.
Taliska ATMIS ayaa daba-yaaqadii bishii Ju ne dalka ka saaray qaybtii 1aad ee ciidamada, waxaana wareegga labaad ee dhimista la samayn doonnaa bisha Septem ber, markaas oo saddex kun oo askari dal ka laga saarayo.
Wareegga saddexaad ee dhimista ayaa la samayn doonnaa bisha June ee sanad ka 20 24, waxaana xigi doona wejigii ugu dambeey ay ee ka bixitaankooda dalka, oo la samayn do ono 31-ka bisha December ee sanadkaasi.
Illaa iyo hadda Ciidanka ATMIS ayaa bann eeyay 7 Saldhig, oo ay la wareegeen CXDS, tani oo bilow u ah qorshaha ay ciidamadu kula wareeg ayaan amniga dalka. Madaxweyne Xa san Sheekh ayaa waxaa kulanka ku welinayay xubno uu ka mid yahay Wasiirka G/dhigga, Ca/dir Maxamed Nuur (Jaamac).
Xisbiga UCID oo soo dhaweeyay go'aan ka guddida dhexdhexaadinta
Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID ayaa soo dhaweeyay go'aankii ay khilaafka doorashooyinka Somaliland kasoo saar een guddida dhaqanku.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo isaga oo tuute ciidan xidhan la hadlay warbaahinta ayaa she egay in ka xi sbi ahaan ay aqbaleen go'a ankii guddida dhaqanka.
"Hadaanu nahay xisbiga cadaalada iyo daryeelka, waxaanu doonaynaa in aanu idin ogaysiino in aanu soo dhawaynay go'aankii gu ddida, anaga kiniin qadhaaq ayuu nagu ahaa, lakiin waxa la yidhi hadii shaadhkaaga lagugu qabsado waa laga gar baxaa" ayuu yidhi Faysal.
Faysal waxa uu sheegay in danta Som aliland, wadajirka iyo nabadgalyada darteed ay u aqbaleen go'aanka ay soo saareen guddida dhexdhexaadintu, shac biga guud ahaan ayuu usoo jeediyay in ay go'aanka soo dhaweeyaan.
Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa isaguna aqbalay go'aanka guddida dhexdhexa adintu ay soo saartay, ilaa hadana 6 kamid ah tobanka urur siyaas adeed ayaa diiday.
Ugu danbayn, madaxweynaha Somal iland Muuse Biixi Cabdi, iyo xisbigiisa Kulmiye ayaa la sugayaa go'aanka ay ka qaadan doonaan go'aanka guddida.
Guddi dhaqan oo isku xilqaantay dhexdhex aadinta khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, ayaa Habeen hore go'aam iyay in la isku sidko doorashooyinka urura da iyo mad axtooyada, ilaa iyo hada qaar kamid ah urur ada cusub ayaa diiday go'aaanka guddida.
Muxuu Korneel Caare ka yiri guul-darr ada Somaliland ee dagaalka Laas caanood?
Korneel Saciid Cawil Caare oo horay u soo noqday hoggaamiyaha jabhad la dirirtay Somaliland, balse markii dambe la heshiiyay Muuse Bixi ayaa markii ugu horreysay ka had lay dagaalka ka socda magaalada Laascaa nood ee Sool.
Korneel Caare ayaa si lama filaan ah uga ha dlay guul-da rrada ciida mada Somaliland ka soo gaartay dagaalkii ugu dambeeyay ee looga qabsad ay taliskii ugu weynaa ee Goojacadde.
Waxa uu tilmaamay in guul-darradu ay keen to guul, isla-markaana loo baahan yahay in la dhiso muraalka ciidamada, isaga oo tacsi u dir ayu askartii ku geeriyootay dagaalkaasi
"Dhammaan ciidamada qaranka ee Laas caanood kasoo guuray arrinta ku dha cday aa d-baan uga xumahay, laakiin guusha waxay ku jirtaa inaad guul darey san karto, waxayna u wanaagsan tahay gu ushaada dambe” ayuu yiri Korneel Saciid Cawil Caare.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay "Ciidamada Somaliland waxaan leeyahay in badan waad guuleysateen, haddii Dorraad la’idinka guuley stay, berri ayaad guuleysan doontaan”. Caare oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin culus u diray guud ahaan shacabka Somaliland, wuxuuna ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamado oda ku sugan jiidda dagaalka.
"Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay is barbar taaga ciidanka” ayuu mar kale yiri Kor neel Saciid Cawil Caare.
Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday dag aal beeleedkii maalin ka hor ka dhacay dule edka degmada Ceel-Afweyn ee gobolka San aag, kaas oo dhaliyay khas aare kala duwan.
Korneelka ayaa ugu baaday beelaha diriraya inay dagaalka joojiyaan, isla-markaana ay la shaqeeyaan ciidamada ay Somaliland u dirtay halkaasi.
"Qolada Ceel-Afweyn waxaan leeyahay ma ilbaxdaan, kama il baxdaan qof aad dishaan war dadku nolosha ayuu ku wacan yahay jooj iya xabadda, ciidankana la shaqeeya” ayuu yiri.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkan ay SSC dharbaaxo kulul ku dbhu fatay Somaliland, kadib markii ay ka qabsaday xerada Goojacadde iyo maxaabiis fara badan.
Xisbiga Waddani oo aqbalay go'aankii G/ dhexdhexaadintu ay ka gaadheen khilaafka Dor/Somaliland
Xisbiga Waddani ayaa ku dhawaaqay in uu is buuxda u aqbalay go'aankii ay guddida dha qanku kasoo saareen khilaafka siyaasadeed ee Somaliland.
Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Wad dani Cabdiraxmaan Max amed Cabdill aahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay in xisbig iisu uu aqbalay go'aanka guddida dhaq anka.
"Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo mag aca xisbiga Waddani dhamaantii wax aan hal kan ka caddaynayaa, in aanu aqba lay go'a amadii ay Habeen hore soo saareen erga da dhexdhexaadinta waday ee beelwaynta Habar-jeclo" ayuu yidhi Cirro.
Musharax Cirro ayaa dhinacyada kale oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somali land Mu use Biixi Cabdi, ayuu usoo jeediy ay in ay aqb alaan go'aanka ergada madaa ma oo ay kalso oni buuxda ergada siiyeen.
"Xisbi ahaan waxaanu ku adkaynaynaa Gol aha Guurtida iyo Golaha Wakiilada, in la dham aystiro dhamaan qabyooyinka sha rci, dalka nina xoog kuma haysan karo, nin kalena qori caaradii ku iman karo" ayuu yidhi Cirro.
Guddi dhaqan oo isku xilqaantay dhex dhex aadinta khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, ayaa Habeen hore go'aamiyay in la isku sidko doorashooyinka ururada iyo mad axtooyada, ilaa iyo hada qaar kamid ah urura da cusub ayaa diiday go'aaanka guddida.
Waxa kale oo laga war sugaya madax weyn aha Somaliland iyo xisbiga Kulmiye, oo la shee gay in ay iyaguna dhankooda kalsooni buuxda siiyeen guddida dhex dhexaadinta.
Wasiirka arrimaha dibedda Libya oo shaqa da looga joojiyey arrin la xiriirta Israel
Hoggaamiyaha dowladda Libya ayaa Axaddii sheegay inuu shaqo ka-joojin ku sam eeyey wasiirkiisa arrimaha dibedda kadib mar kii dhiggeeda Israel uu ku dhowaaqay
inay wada-hadallo ku yeesheen Rome, toddob aadkii tegay.
Najla al-Mangoush "si ku meel-gaar ah” ay aa loo hakiyey, waxaana "baaritaan maamul” ku sameyn doona guddi uu hoggaaminayo was iirka cadaaladda, waxaa sidaa habenekii Axa ddi yiri ra’iisul wasaare Abdulhamid Dbeibah, oo qoraal rasmi ah soo dhigay Facebook.
Wasaaradda arrimaha dibedda Libya ayaa ku qeexday "fursad iyo kulan aan rasmi aheyn,” hase yeeshee warka ku saabsan kulanka ayaa horseeday dibad-baxyo ka dhacay waddooyin ka dhowr magaalo oo ka tirsan Libya.
Muranka siyaasadeed ayaa qarxay Axaddii kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda Isr ael ay sheegtay in wasiirada arrimaha dibedda labada dal ay kulmeen toddobaadkii tegay.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Israel Eli Cohen iyo dhiggiisa Libya Mangoush, ay ku wada-hadleen kulan ka dhacay Rome oo uu marti-geliyey wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga Antonio Tajani.
War-saxaafadeedka Israel ayaa ku qeexay hindisihii ugu horreeyey ee diblom aasiyadeed ee noociisa ah ee dhex-mara laba dal.
"Waxaan wasiirka arrimaha dibedda kala hadlay suurta-galnimada weyn ee labada dal xiriirkooda,” ayuu ku Cohen ku yiri bayaanka ay baahisay wasaaradda arrimaha dibedda Israel.
Hase yeeshee wasaaradda arrimaha dibed da Libya ayaa Axaddii sheegtay in Mangoush "ay diiday inay la kulanto dhinac kasta” oo mat alaya Israel.
"Waxa ka dhacay Rome waxay ahaayeen fursad iyo kulan aan rasmi ah aheyn, intii uu socday kulanka dhiggiisa Talyaaniga, kaasi oo aan ku jirin wax wada-hadal, heshiis ama wa da-tashi ah,” ayaa lagu yiri bayaanka wasa aradda.
Wasiirka ayaa ku celisay "si cad oo aan mugdi ku jirin mowqifka Libya ee ku aadan qad iyadda Falastiin”, ayaa lagu yiri baya anka.
Wasaaradda arrimaha dibedda Libya ayaa ku eedeysay Israel inay isku dayeyso "inay dha cdadan u ekeysiiso” sida "kulan ama wada-hadallo.”
Bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Israel ayaa kasoo xigtay Cohen inuu yiri in laba da dhinac ay ka wada-hadleen "muhiimadda ila alinta dhaxalka Yahuudda Libya, oo ay qeyb ka tahay dayac-tirka macbadyada iyo xabaalay aasha Yahuudda ee dalka.”
"Cabirka Libya iyo goobta muhiimka ah ee ay ku taallo waxay fursad weyn u tahay Qaran ka Israel,” ayuu yiri.
Ma jiro wax xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan kulanka oo laga helay dhanka Rome.
VOA + AFP
SULDAANKII MUSLIMKA AHAA EE MAALIN WALBA CUNI JIRAY SUNTA IYO HALKUU KU DAMBEEYAY
Mahmud Shah
Qarnigii 15-aad, ayaa waxay ku beegneyd aasaaskii boqort ooyadii Muzaffari ee Gujarat, dalka Hindiya, mid ka mid ah boqorrad eeda ayaa xukumayay boqortooyadan 53 sano.
Waa Suldaankii siddeedaad ee bo qortooyadii Muzaffari - Mahmud Shah, oo lagu naanaysi jiray Begda.
Hal shay ayaa maskaxda ku soo dhacaya, marka magaca Maxmuud Begda la sheego; taasoo ah sun.
Taariikhdu waxay xustay in Maxamuud uu isticmaali jiray xaddi sun ah maalin kasta. Boqortooyadii Muzaffari, ayaa waxaa la aasa asay 1407-dii, waxaana aasaasay Sultan Zafar Khan Muzaffar, oo awoowe u ahaa Sultan Mahmud Begda.
Maxmuud Begda, ayaa waxa uu taajka boqortooyada la ware egay sanadka markuu ahaa 1458, waxa uuna xukunka hayay illaa iyo sanadkii 1511. Sanadkii 1572-dii Mughal-ka, ayaa waxay afga mbiyeen saldanada boqortooyadan, waxayna taliskooda ka dhise en Ahmedabad.
Sida laga soo xigtay qoraaga Sadupta Mishra, Boqortooyada Muzaffari ee Gujarat, ayaa waxay noqotay mid baahsan intii lagu guda jiray xukunka Maxmuud. Soohdimaha Saldanada, ayaa wa xay gaartay Malwa dhankeeda bari, illaa iyo gacanka Kutch ee gal beedka.
Maxmuud maalin walba sun buu cuni jiray Xaruntii boqortooya dii Mahmud Shah
Fateh Khan, ayaa wuxuu ahaa magaca asalka ah ee Mahmud I. Wuxuu ahaa ina Mahmud II iyo Mughal Bibi. Mughali Bibi, ayaa waxay ahayd ina Sami, oo ahaa taliyihii Sindh. Maxamuud marar badan, ayaa la sumeeyay yaraantiisii.
Ludovico de Wertheima oo u dhashay dalka Talyaaniga ayaa qoray warkan, "Waxaan weydiiyey mid kamid ah gacan yarayaa shayda, sida Suldaanku sun u cuni karo. Jawaabta ganacsatada qaar, ayaa ahayd in aabbahood uu bilaabay inuu siiyo qiyaas yar oo sun ah illaa carruurnimadoodii”.
Qoraaga Bortuqiis ah Duarte Barbosa wux uu isna leeyahay, "waxyar bay suntan ka cuni jireen dadkan ka midka ah boqorto oyada." Sababta ay sidaas u yeelayaan ayaa ahayd – in haddii ca dowgu isku dayo inuu laayo iyaga, iyadoo la sumeynayo, markaa suntu waxba ma yeeli doonto."
Sida uu qabo taariikhyahan Manu Pillay, "Mahmud wuxuu u ba ahday in loo ilaaliyo sida ilmo." Maxmuud Begda waxa uu ahaa boqor, isagoo 13 jir ah.
AAFOOYIN YAAB LEH Xaruntii maamulkii Sindh
XIGASHADA SAWIRKA,MAAMULKII SINDH
Suldaanku waxa uu isku dayay inuu barto luuqada Bortuqiiska, bal se kuma guulaysan. Ma uusan lahayn taariikh da waxbarasho rasmi ah, laakiin intii uu hogga aminayay boqortooyada suugaan badan oo Carabi ah, ayaa loogu turjumay afka Faaris.
Nin talyaani ah oo musaafir ah oo wax ka qoraya Maxamuud, ayaa waxa uu yiri "Subax walba markii uu Suldaan Maxamu ud kasoo baxo qasriga boqortooyada (calasha an banaanka qasriga) waxa soo dhawayn jiray kontomeeyo mar oodi ah, marka cuntada la cunayo waxa la tumayaa konton illaa iyo lixdan nooc oo qalab muusig ah, iyadoo shaarbaha kuwa gara acaya qalabka music-ga ay u xirnaayeen sida timaha dumarka u xirtaan, garkiisuna aad buu u dheeraa. Sida laga soo xigtay Vartema, "Maxamuud wuxuu isticmaali jiray sun maalin kasta, taasoo ah xadi kooban, sidaas darteed jirki isa, ayaa aad ula qabsaday suntaasi."
Waxaa jirtay sheeko ah in haddii Maxmuud haddii uu doonayo inuu qof dilo, waa loo keeni jiray, kadibna Maxamuud laftiisa, ayaa miro sumeysan cuni jiray, ka dibna mirahaasoo kale, ayaa lasiin jiray qofkaas. Nus saac gudahood, ayuu ku dhiman jiray qofka la siiyo miraha sume ysan.
Sida laga soo xigtay jariiradda socdaalka ee Talyaanigu, Suld aan Maxam uud waxa uu qabay inta u dhaxaysa saddex ilaa afar kun oo haween ah. Haw eeneyda uu habeenkii la seexdo, ayaa su baxdii dhiman jirtay. Waxaa la sheegay in taasi ay dhacday, maad aama jirka Maxmuud uu ahaa mid ay ka iman karto halis, maada ama uu inta badan cuni jiray waxyaabo sun leh.
Sidoo kale, waxa la yiri Suldaan Maxmuud ayaa faraanti lahaa. Markii uu damco inuu u galmoodo naa gtii uu doo rtay, ayaa faraantigan afka loo galin jiray, si aanay su nta suldaanku u saamayn.
Dharkii uu Maxmuud xiran jiray lama ist icmaali jirin. Dhar cusub, ayaa loo diyaarin jiray maalin kasta. Dha rka uu xirtana, waa la gubi jiray maalinta dambe.
Sida Barbossa u qoray, "jirka Maxmuud wuxuu ahaa mid si we yn looga argagaxo, xitaa haddii cayayaanka kutaanka/dhilqaha qaniino Suldaanka, cayayaanka ayaa sidoo kale dhiman jiray."
Laakiin taariikhyahannada maxalliga ah, ayaa arrintan fikrad ka duwan qaba. Waxa la buunbuuniyay sheekadii ku saabsanayd sunta Suldaanka. Haweenkii boqorada ahaa, ama haweenkii uu la tuman jiray, midkoodna uma dhiman sun ka timid jirka boqor Ma xmuud.
Markaa waxa runta ah iyo waxa beenta ah ee ku saabsan sun ta iyo xaasaskiisa, lama xaqiijin karo.
Nooca cunto ee Maxmuud
Xarunta boqortooyada
Sida laga soo xigtay Campbell, Mahmud Shah, ayaa wuxuu lahaa saddex carruur ah - Muhammad Kala, Apa Khan iyo Ahmad Khan. Saddexdan wiil, ayaa waxaa u dha shay Rani Rupmati.
Wiilkii ugu horeeyay ee Kala, ayaa ku dhi ntay shil. Wiilka labaad oo lagu magac aabo Apa Khan, ayaa la helay isagoo sii gal aya guriga Suldaanka, wa ana la sumeeyay, oo waa uu dhintay. Wiilkii saddexaad ee Axmad Khan, ayaa beddelay aabbihiis.
Cuntadii iyo cabbitaannada Suldaan Maxamuud, ayaa iyaguna caan ahaa. Waxa la yiri - malab, subag iyo 150 xabo oo muus ah buu mar kaliya cunay.
Sida laga soo xigtay Barbosa iyo Vartema, Sultan Mahmud cun to maalmeed kiisu wuxuu ahaa 35 ilaa 37 kilogaraam. Suldaanku haddaanu caloo shiisa dhergin, wuxuu cuni jiray nacnac shan kiilo ah, oo bariis laga sameeyey.
Satish Chandra waxa uu yiri, "Mahmud waxa uu cuni jiray cunto badan maalintii, waxa uu sariirta agtiisa u ooli jiray sambuus, si uu uga dhergo, oo uu gaajada uga gaashaanto illaa iyo habeenka danbe. Mahmud Shah Begda, ayaa wuxuu ahaa ruux aad u xoog badan XIGASHO:-BBC


0 



HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 29-KA AGOOSTO 2023-KA
..