Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo qodobo laga soo saaray (Akhriso)

0
Sunday August 27, 2023 - 23:59:59 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo qodobo laga soo saaray (Akhriso)

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..


Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo labadii cisho ee ugu dambeysay uu shir uga socday Magaalada Dhuusamareeb ayaa caawa la soo geba-gaboobay.

Shirka 7aad ee Golaha Wadatashiga Qaran oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban qodobo dhowr ah.

Warmurtiyeedka ayaa marka hore lagu sheegay in goluhu ay shirkooda diiradda ku saareen dhameystirka hawlgalada dib-u-xoreynta ee deegaanada ay ka arrimiyaan maleeshiyada Al Shabaab iyo dardargelinta wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi, xasillinta deegaanada la xoreeyay & deegaanada lagu xoreyn doono wejiga labaad ee hawlgalka iyo dib-u-heshiisiinta beelaha ku dhaqan dhulka la xoreeyay.

Golaha ayaa bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya shacabka ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee Al Shabaab looga saaray deegaano dhaca Gobolka Galgaduud. Goluhu wuxuu bogaadiyay doorka hoggaamineed Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee gulufka ka socda deegaanada Galmudug.

Dhanka kale Golaha Wadatashiga Qaran ayaa walaac ka muujiyay xaaladda murugsan ee ka taagan Gobolka Sool, waxaana uu dhinacyada ugu baaqay inay is xakameeyaan, kana fogaadaan wax kasta oo dagaalka u sii seenta dheereen kara. Golaha ayaa dhinacyada ugu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista, iyadoo uuna ku baaqay in loo gurmado dadka ku barakacay colaadda gobolkaasi.

Qodobada shirka ka soo baxay:-

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ayaa fallanqayn dheer ka dib ku heshiiyay qodobada hoos ku xusan.

Goluhu wuxuu adkeynaya in Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah oo isku tashi leh u xaqiijiyaan amniga, una xajistaan deegaanada la xoreeyay.

Goluhu wuxuu isku raacay in hawlgalada la waafajiyo istiraatiijiyadda qaran ee la dagaalanka Khawaarijta, leeskuna duba-rido dadaalada kala duwan ee hay’adaha dalka.

Goluhu wuxuu adkeynaya in dalku uu ku jiro xaalad dagaal, ayna waajib tahay inaan loo kala harin dadaalada dib-u-xoreynta dalka.

Goluhu wuxuu go’aamiyay in la mideeyo qorshaha iyo hoggaanka hawlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta, lana ballaariyo hawlgalada dib-u-xoreynta.

Xasillinta deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta:-

Goluhu wuxuu adkeynaya ahmiyadda ay leedahay hanashada guulaha qiimaha weyn ugu fadhiya ummadda Soomaaliyeed ee laga gaaray dagaalka lagu la jiro Khawaarijta.

Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda inay mideeyaan qorsheyaasha mashaariicda iyo adeegyada bulshada, ee ay sida degdegta ah ugu baahan yihiin deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta, sida maamul u sameynta, amniga, caafimaadka, caddaaladda iyo waxbarashada.

Goluhu wuxuu ka codsanaya ganacsatada, hantileyda Soomaaliyeed iyo kuwa khayrka jecel inay ka qayb qaataan dadaalada deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta, si waafaqsan qorshaha xasillinta ee dowladda.

U diyaargarowga wejiga labaad ee hawlgalada:-

Goluhu wuxuu isla qaatay in si wadajir ah loo dardargeliyo diyaargarowga Dowladda Federaalka Somaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay ugu jiraan wejiga labaad ee dagaalka lagu xoreynayo deegaanada weli ku jira gacanta Khawaarijta ee Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle (Galbeedka Webi Shabelle).

Goluhu wuxuu ku boorinaya dhallinyarada iyo horjoogeyaasha Khawaarijta inay isu soo dhiibaan dowladda, iyagoo ka faa’iideysanaya fursadda xeerka cafiska, kana tanasulaan fekerka xagjirnimada.

Dib-u-heshiisiin iyo nabadeyn bulsho:-

Goluhu wuxuu go’aamiyay dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, si colaadaha ay Khawaarijta dhex dhigeen xal waara looga gaaro.

Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda inay dardargeliyaan fulinta istiraatiijiyadda iyo qorshaha qaran ee dib-u-heshiisiinta, nabadeynta bulshada & ciribtirka xagjirnimada.

Qodobo kale:-

Goluhu wuxuu adkeynaya midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay colaadda ka taagan Sool, wuxuuna ugu baaqaya labada dhinac inay is xakameeyaan, kana fogaadaan tallaabooyin sii dheereen kara colaadda.

Goluhu wuxuu ugu baaqaya labada dhinacba inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista.

Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqaya in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku barakacay dagaalada Sool.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip