HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 26-KA AGOOSTO 2023-KA

0
Saturday August 26, 2023 - 08:41:31 in Wararka by
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 26-KA AGOOSTO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan oo Xalay la kulmay Masuu liyiin iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Galgaduud

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxa muud ayaa Xalay magaalada Dhuusamar eeb ku qaabilay, qaar ka mid ah siyaasiyi inta iyo bulshada Galmudug .

Xasan Sheekh ayaa dadka uu la kulmay kala hadlay xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada Al Shabaab iyo qorshaha dowlada ku gaarsiineyso adee gyo bulsho oo dhameystiran.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixiso dabar-goynta kooxaha argag ixisada ah oo ay ciidamada qaranku kasoo hooyeen guulo wax ku ool ah, isaga oo bogaadiyay garab istaaga dadka deegaa nka ee halyeeyada ciidamada qalabka sida.

Xog: Golaha Wadatashiga Qaranka oo shir deg deg ah isugu imaanaya + Sababta

Shirka 7-aad ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo la isku yiraahdo ‘Madasha Wadatashiga Qaranka’ ayaa saacadaha soo socda ka furmaya magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa noqday hoggaamiyaha ugu soo horeeya madax goboleedyada ee Dhuusamareeb u tegay ka qeyb galka shirkaas.

Saacadaha soo socda waxaa lagu wadaa inay Dhuusamareeb soo garaan madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo HirShabeelle, waxaana la ogeyn in shirkaan uu ka soo qeyb geli doono madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo shirarkii hore ka maqnaa.

Inkastoo aan la shaacin goorta uu furmayo shirkaas iyo ajendaha looga hadlayo toona, hadana xogta ay heyso Caasimada Online waxay sheegeysaa in xoogga la saari doono qorshaha qaran ee dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre Shalay soo gaaraya Dhuusamare eb, si uu uga qeyb galo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleed yada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre Shalay ku wajahan Dhuusamareeb, si uu uga qeyb galo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleed yada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Madax weyne Qoor Qoor iyo Taliye Mahad Salaad ayaa horay ugu sugnaa Dhuusam areeb oo xudun u noqotay qorshaha dagaal ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Dowladda federaalka ayaa xiligaan muhiimad gaar ah siineysa dagaalka Al-Shabaab, waxaana lagu wadaa in shirka Dhuusamareeb lagu go’aami doono qorshaha xiga markii Galmudug laga nadi ifiyo argagixisada.

Howlgalka sifeynta Khawaarijta ee Galmudug ka socda ayaa hadda meel xasaasi ah maraya, waxayna ciidamada xoogga dalka kaabiga ku hayaan degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur, halkaas oo lagu wado in saacadaha soo socda ay gudaha u galaan.

Golaha Wasiirada oo ansixiyay qaraar cusub iyo xubno ka mid noqonaya

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa Shalay guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah, waxaana goobjoog ahaa inta badan xubnaha golaha.

Shirka ayaa waxaa ugu horreyntii lagu ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Ban giga Dhexe, kadib soo jeedinta Wasaar adda Maaliyadda.

Xubnahaas ayaa kala ah Prof. Cabdullaahi Sheekh Ibraahim(Qaloocoow), Faysal Cabdulaahi Warsame iyo Maxamed Xasan Cumar.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa Shalay kulankooda ku meel-mariyay qaraar lagu xoojinayo u hogaansanaanta sharciyada iyo xeerarka dakhliga, kaas oo lagu bogaadiyey shacabka bixinta cansh uuraha oo laf dhabar u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Golaha ayaa sidoo kale warbixin la xiriirta hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka 2060 ka dhagaystay golaha dhaqaalaha qaranka, iyadoo la ayiday in guddi hwaleed farsamo oo heer Wasaradeed ah lagu kaabo, si looga mira dhaliyo hiigsiga 2060.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa waxaa lagu soo qaaday arrimaha amma anka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

Wasiirada ayaa warbixin la xiriirta wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta ee ka dhanka ah Al-Shabaab ka dhagey stay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Labada wasaaradood ayaa golaha la wadaagay guulaha laga gaaray howlgal ladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, gaar ahaan gobolka Galgaduud ee bartam aha dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligan si dardar leh uga socdo guluf dagaal oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo uu ujeedkiisu yahay in lagu tir tiro Al-Shabaab.

Sh. Shariif oo War culus kasoo saaray Kiiska Jen. Sheegow iyo xaalada Beesha Jareer

Madaxweynihii hore ee Somaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xariga Sheegow Axmed Cali oo ciidamada dolwadda ku xireen dagaal uu galay iyo dhibaatooyin soo wajahay Beesha uu kasoo jeeda ee Jareer.

"Waxaan aad uga walwalsa nhay qadiyadda Beesha Jareer Weyne iyo kiiska Janaral Sheegow siday isku dhax galeen. Janaraalka Dambi wuu gali karaa waa insaan laakin habka so xiristiisa uma muuqanin hab ka fiirsasho leh! Taas waxay sababtay khatar xooggan iyo inay kiciso caadifadda beesha oo idil”.” ayuu yiri Shekh Shariif oo qoraal kasoo saaray arrintan.

Odayaasha iyo waxgaradka beesha Jareer weyne ayuu shegay inay la xariireen, una sheegeen cadaadis lagu hayo. "Waxay ii sheegeen inaysan isku imaan karin, gaari raaci karin xitaa aroos dhigan karin oo Askarta dowladda kala dirayso si faquuq lehna ula dhaqmaayan! Loona diidan yahay xuquuqdooda asaa siga ah ee muwaadinnimo.”

Sheekh Shariif ayaa sheegay in cab ashada Beesha Jareerweyne ay ku dha lisay welwel xooggan, ayna dhaawac wayn ku tahay wadajirka bulshada Soomaaliy eed, sila markaana uu rajaynayo in fiiro gaar ah loo yeelan doono.

Madaxweyne Qoor Qoor oo War kasoo saaray la wareegida ciidanka huwanta

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu hambalye eyay Ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Galmudug kadib dib xoreyn ta argagaxisada Sl Shabaab lagaga xoree yay degmada qaddiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciid amadda xoogga dalka, daraawiishta Galm udug iyo xoogagga deegaanka ee soo hooyay guushan taariikhiga ah.

Madaxweynaha ayaa yiri " Xorreynta Ceelbuur iyo deegaannada kale, waxey ka dhigantahay gaaridda Galmudug ka caag gan kooxaha argagixisada. Waxaan xoog ga saari doonaa gaarsiinta adeegyada bulsho oo ay khawaarijtu ka hortaagneyd dadweynaha muddo dheer. Dowladda Galmudug waxay si dhaqsa ah u gaarsiin doontaa dadweynaha adeegyada aasaa siga, waxayna ugu baaqeysaa hey’adaha gargaarka, saaxiibbada caalamiga ah in ay gacan ka geystaan adeegyada bulshada.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa yiri " Dadweynaha ku nool deegaanada laga eryay Al Shabaab, waxaan la wadaagey naa farxadda, waxaana ciidanka geesiya da ah ku ammaaneynaa sida ay u dhowre en xuquuqda muwaadiniinta intii ay ku gu da jireen howlgalada iyo sida ay neecawda xorriyada ula wadaageen, una soo dhawee yeen oo ay u muujiyaan wanaagga dowlad nimada. Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dadweynaha iney ka qayb qaataan dhamm eystirka halganka dib looga xoroobayo aragagixisada, islamarkaana soo dhaweey aan ciidamadda geesiyaasha iyo hay’ adaha Dowladda.

Ra’iisul wasaaraha JFS oo gaaray Maga alada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray M/ Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Md.Cali Daahir Ciid ayaa garoonka diyaar adaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuu samareeeb ku soo dhaweeyay R/wasaare Xamse Cabdi Barre iyo R/w ku xigeenka Saalax Axmed Jaama.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay ka qeyb-galka shirka Madasha Wadatashiga Qaran kaas oo ka furmi doona Dhuusamarreeb.

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duqa M/Mu qdisho oo Dhuusamareeb gaaray

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuu suf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimada Dowladda goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa Garoonka Diyaaradaha M/Dhuusa-mareeb kuso dhoweyey Wafd iga uu hogaaminayey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Ujeedka socdaalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ah ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda DFS, Kuwa Dowlad Goboleedy ada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu wado inuu ka furmo M/ Dhuusa-mar eeb ee Caasimadda Galmudug.

Ciidamada dowladda oo la wareegay Ceelbuur howlgalna ka wada

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada hubeysan ee degaanka ayaa si rasmi ah gacanta ugu dhigay Degmada Qadiimiga ah Ee Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay maamulayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Janeraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa xaqiijiyay qabashada degmada Ceelbuur, isaga oo sheegay inay Xalay Ciidamadu howlgallo xoogan ka wadaan.

Howlgalka lagula wareegay Ceelbuur ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guu tada Cali Abii Daalib ismaaciil Cabdi ma alik, Taliyaha Ciidamada Danab G/le Ceyd aruus iyo Abaanduulaha danab G/le Maxa med Sheikh iyo Saraakiil katirsan Ciidam ada degaanka.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in M/Ceelbuur ay gaaraan mas’uu liyiin katirsan Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya igo mas’uuliyiin kale.

Booliiska oo mamnuucay in magaalada Muqdisho lagu qabto banaan bax

War qoraal oo Xalay kasoo baxay taliska ciidanka booloiiska gobolka Banaadir ayaa lagu mamnuucay in magaalada Muqdisho lagu qabto bannaan-baxyo aan loo marin hab-raac ah sax ah.

Booliiska ayaana sheegay in sababo amni darteed loo joojiyay in magaalada Muqdisho lagu qabto dibad-baxyo aan loo marin habraac sax ah,waxa ayna booliiska sheegeen in tallaabo sharci ah laga qaadi doono ciddii qabata ama abaa busha dibad-bax.

”Dadweynaha Soomaaliyeed, ee ku dhaqan Caasimada iyo nawaaxigeeda, waxaa lagu wargalinayaa, sababo amaan dartood, in aan la abaabulikarin, la qaban karin banaan-bax aan loo marin habraac saxan, sida ku cad Xeerka Nabadgalyada Guud. Cidii ku kacda ama lagu helo iyada oo abaabulaysa, waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan” ayaa lagu yiri warka Xalay kasoo baxay booliiska.

Mamnuucida dibad-baxyo in lagu qabto magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xilli dhawwaan magaalada Muqdisho dibad-baxyo rabshado watay ka dhigeen dad kasoo horjeeda xarig ciidanka dowladda u geesteen Jeneraal Sheegow.

NISA oo soo afjartay maxkamadihii Ja mbaluul soona bandhigtay mootooyin

Ciidanka NISA ayaa howlgal qorsheysan Shalay ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa howlgalkaas ku burbur iyey Maxkamad Beenaadkii Khawaarijta ee deegaankaas iyo goob ay lacagaha baad da ah uga qaadayeen shacabka.

Sidoo kale 5 Mooto FEKON ayaa howl galka Jambaluul looga furtay kooxda Al-Shabaab, sida ay tebisay warbaahinta dowladda.

Ciidamada dowladda ayaa aad u baac sanaya kooxda Al-Shabaab, waxaana soc da howlgallo kala duwan oo socda gobol lada Shabeelooyinka, Galgaduud iyo Mu dug.

Dhinaca kale, ciidamada qaranka ayaa Shalay xaqiijiyey gacan ku heyta D/Ceel buur, iyagoo aan la kulmin wax dagaal ah.

Kooxda Al-Shabaab oo abaabul dagaal maalmahaan ka waday Ceelbuur uma suurta gelin inay difaacato magaaladaan, waxaana Shalay la galay magaalada oo cidlo ah.

Wasaaradda Gaadhaandhigga Soomaa liya ayaa war ka soo saartay howlgalkii Shalay lagu xoreeyey degmada Ceelbuur, kaas oo weli socda.Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidanku ay gudaha u galeen magaalada, halkaas oo howlgallo amni xaqiijin ah ay ka wadaan.

"Ceelbuur waxay aheyd goobta ugu weyn ee Galmudug iyo Hirshabeelle ay Khawaarijtu ka joogtay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda difaaca qaranka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa qoraa lkaan ku balan qaaday inay faahfaa hin ra smi ah ka soo saari doonto markii lasoo gabagabeeyo howlgalka ka socda Ceel buur.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya oo kulan la yeeshay xoghaynta xafiiska Midowga Africa

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Md. Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiis kiisa ku soo dhoweeyay xoghaynta xafiiska Midowga Africa Mss Dalitso Bon ongwe, wafdigan booqashada ugu yimid safiirka waxaa sidoo kale ka mida ahayd Ms Laura Rakoton andrasana oo ah madaxada isgaarsiinta ee Midowga Africa.

Labada dhimac ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo wada shaqaynta ee ka dhexee ya Safaaradda Soomaaliya iyo Midowga Africa gaar ahaan arrimaha khuseeya nabad-galyada gobolka iyo guud ahaanba

27 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shab aab oo lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidamada dowladda fedaraalka Sooma aliya oo kaashanaya saaxiibada Caalam iga ah ayaa Habeen hore howlgal qorsheysan ka sameeyay beerta Sheekhoow oo qiyaas ahaan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose u jirta ilaa 16 KM.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada ay ku dileen 27 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shab aab oo la tilmaamay iney isku aruursan ayeen beerta Sheekhoow, islamarkaana sidoo kale lagu burburiyay saanad ciidan iyo fariisimihii kooxda ku laheyd halkaas.

Wararka waxay intaasi kusii darayaan howlgal kale oo ciidamada dowladda ka fuliyeen jiinka wabiga ee deegaanka Basra lagu dilay ilaa 5 xubnood oo ka mid ah Ururka Al-shabaab.

24 saacadood gudahood waxaa deega ano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ciidamada dowladda Soomaaliya ka same yeen ilaa sadax howlgal oo lagu beegs aday goobo kala duwan oo Al-shabaab isku aruursanayeen.

Tirada guud ee howlgaladaasi looga dilay 24-kii saac ee lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab ayaa noqoneyso 47 dagaal ame oo ka mid ah Ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusa mareeb

Madaxweynaha Dowlad Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Shalay si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmud ug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid, Gudoom iyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug u tegay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo maalmaha soo socda ka furmi doona Dhuusamareeb.

Madaxweyneyaasha Hirshabel le, Jubbaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Ban aa dir ayaa la filayaa in sidoo kale ay gaaraan magaaladaasi.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheeg aya in Raysal Wasaaruhu uu isna ka qaybgelayo shirkaasi.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaa dyadii ugu dambeysay ku sugnaa Magaala da Dhuusamareeb, oo uu u joogo dagaal ka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada Galmudug.

Taliyihii qaybta 12aad ee Ciidamada So maliland oo Ciidamada SSC Khaat umo gacanta ku dhigeen

Taliyihii Guutada 12aad ee Ciidamada Somaliland ee aagga Maraagga ee bariga magaalada Laascood, ayaa la rumaysany ahay in uu kamid yahay askar ay Shalay ciidamada SSC Khaatumo qabteen.

Bootaan ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu caansan ee ciidamada Somaliland ka dhex muuqday tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Laascaanood 8 billood ka hor.

Waa markii kowaad ee jab intaa la`eg loo gaysto ciidamada Somaliland, iyadoo laga qabsaday 2 saldhig oo muhiima oo kala ah saldhigii Maraagga iyo saldhigii caanka ahaa ee Goojacadde.

Sidookale ciidamada Somaliland ayaa laga qabsaday baabuur iyo maxaabiis, tani ayaana guul muhiim ah u ah ciidamada SSC Khaatumo oo muddo 8 billood ah dagaal kula jiray ciidamada Somaliland ee aagga Laascaanood.

Dagaalka Shalay ayaa khasaare wayn soo gaadhsiiyay millateriga Somaliland, ilaa iyo hadana lama oga in ciidamada Somaliland awoodi doonaan in ay dib u qabsadaan saldhigyada laga qabsaday.

Xukuumada Somaliland ilaa iyo hada kama hadal dagaalka Shalay dhacay, marka laga yimaado xaga SSC Khaatumo oo warsaxaafadeed kasoo baxday lagu sheegay in ciidankoodu ay guul wayn gaadheen.

Ra'iisul wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ugu soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliy eed Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TurkSom.

Ra'iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay in xiritaanka tababarkani uu ku soo aadey xilli muhiim ah oo uu dalku ku jiro dagaal lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, isla markaana baahi weyn loo qabo ciidan difaaca Qaranka. "Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad si degdeg ah u howl gashaan isuna diyaarisaan in aad dalkiinna iyo dadkiinna ugu adeegtaan si daacad ah, qaybna aad ka noqotaan dadaallada dalka looga cirib tiraayo Khawaarijta." ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Xamsa. Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay ka go'an tahay dib-u-dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareegga sugidda amniga dalka, waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kaalintooda ka qaataan sugidda amniga iyo ciribtirka Khawaariijta. Ra'iisul Wasaaraha ayaa uga mahadc eliyey walaalaha Turkiya taageerada ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan tababarrada ay siinayaan ciidanka X.D.S, isagoo u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyey Shalay dadaalka ay muujiy een, una rajeeyay in ay kaalin wax ku ool ah ka geystaan dagaalka socda.

Maamulka G/Banaadir oo ku dhawaaq ay in lala wareegi doono Garaashayada iyo Guryaha lagu dhex farsameeyo waxyaabaha Qarxa

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir la xariirta xaqiijinta ama anka magaal

ada Caasimadda ah ee Muqdisho, taasoo ku socota Garaashyada iyo Guryaha ku yaala degmooyinka Mu qdisho.

Awaamiirta kasoo baxday maamulka gobolka ayaa lagu faray hay'adaha amaan ka iyo qeybaha kala duwan ee shacabka ku nool Muqdisho iyo nawaaxigeeda iney ka wada shaqeeyaan amniga Muqdisho.

Amarka kasoo baxay gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in lala wareegi doono Garaashyada iyo Guryaha laga soo tuuro ama lagu dhex farsameeyo waxyaabaha qarxa.

"Maamulka gobolka waxa uu faraya dadka leh guryaha banaan ee aan deega an aheyn ee ku dhaxyaala magaalada iyo hareeraheeda iyo waliba garaashyada ku yaala koonaha magaalada Muqdisho in lala wareegi doono gurigi ama garaashkii laga soo tuuro ama lagu farsameeyo waxyaabaha qarxa" ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Saalax Dheere.

Talaabadaan uu Shalay shaaciyay maamulka G/Banaadir ayaa kusoo beeg meysa, kadib markii maalin ka hor Muqd isho uu ka dhacay shir looga hadlaayay dardar galinta amniga Muqdisho oo uu shir guddoomiyay Raysal wasaaraha Xukuuma dda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhaayay falalka amnidarada ah iyo weerarada kooxda Al-shabaab ay geys anayaan oo isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah, waxaana u dambeeyay weerarkii habeen ka hor Al-shabaab ay ka geysatay Saldhiga Booliiska degmada Kaxda, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Xaasaskii Alshabaab ee la socday Gaari sida Agab Qaraxyo oo xukun lagu riday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Shalay xukunno kala duwan ku riday rag iyo haween lagu soo eedeeyay inay la socdeen Gaari qaraxyo sida oo ka yimid degaanada Alshabaab.

Gaarigan oo ahaa Land Cruozer nooca Leyla-calawi ayaa kasoo baxay deegaanka Kuunya-Barow ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la socday shan haween ah oo ua badan xaasad xubno ka mida Alshabaab, iyadoo dacwad lagu soo oogay haweenkaasi, darawalkii gaariga iyo nin kirishboy ka ahaa.

Maxkamadu waxay Yuusuf Cali Nuune Aadan oo ahaa darawalkii gaariga ku xukuntay 3 sano oo xabsi ciidan ah, markii lagu helay inuu iska hubin waayay rarka uu kusoo qaaday Gaarigiisa.

Waxay kaloo Maxkamadda ku xukuntay in haweenkii gaariga la socday muddo laba sanno ah isha ay ku hayaan Booliiska, kana bixi karin Muqdisho, waxayna kala yihiin:

1- Khadra Maxamed Ciise Warsame

2- Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax

3- Sahro Xuseen Ciise Maxamuud

4- Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow

5- iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi.

Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada ayaa sii deysay oodambi ku weysay Max amed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa kiriSdbowgii Gaariga lagu qabtay Qaraxy ada siday.

Nin suldaan ah oo suldaan kale ku toogtay magaalada Hargaysa

Mid kamid ah salaadiinta Somaliland ayaa magaalada Hargaysa ku dhaawacay suldaan kale kadib markii uu muran dhexmaray.

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo loo yaqaano suldaan Habaar, ayaa xabad lugta kaga dhuftay Suldaan Mahad Care esh, oo isna kamid ah salaadiinta Somali land, kadib markii sida la sheegay labada suldaan ay ku murmeen arrin.

Ciidamada booliiska ayaa goobta soo gaadhay kadib markii ay toogashadu dhacday, iyaga oo gacanta ku dhigay Suldaan Habaar oo isagu toogashada gaystay, sidookale suldaankii kale ayaa dhakhtarka loo qaaday.

Suldaan Habaar ayaa sannadkii hore dhawaacyo soo gaadhsiiyay Xildhibaan Guruuje oo kamid ah Golaha Wakiilada Somaliland, kadib markii uu ul adag ku garaacay xildhibaanka.

Habaar ayaa kamid ah suldaamada Somaliland ka caan ka ah, isla markaana waxa lagu yaqaanaa in uu isticmaalo luuqad adag marka uu warbaahinta ka hadlayo.

DAACISH oo xirtay qaar ka mid ah ganacsiga Boosaaso

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in weli ay xiran yihiin qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso, cabsi laga qabo darteed kooxda Daacish ee ku sugan dhulka baraleyda Galgala.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in arrintaan ay gooni u tahay shirkadaha ka shaqeeya qalabka dhismaha, kadib markii uu is faham waa soo kala dhex-galay iyaga kooxda Al-Shabaab oo la sheegay inay lacago ka qaado ganasatada Boosaaso.

Muddo todobaad ah ayaa waxaa xiran xarumaha ganacsiga shirkadaha Towfiiq, Gufurre, Horseed iyo Oomaar, kuwaas oo albaabada la’isugu dhuftay, sidaay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Online.

Saddex shirkadood ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan in la gubi doono xarumahooda, si lamid ah shirkadihii dhawaan lagu gubay magaa ladaasi.

Khilaafka soo kala dhex-gaay ganacs tada iyo Daacish ayaa yimid, kadib markii ay kooxda ku amartay inay gana satadu bixiyaan lacago canshuuro oo boqolaal kun oo dollar ah, haddii kalena ay la kulmi doonaan weeraro, hanjabadaas ayaana keenay inay xiraan mehradahooda.

Lacagta ay Daacish ku soo rogtay goobaha ganacsiga ee hadda xiran ayaa u dhexeyso 300,000 illaa 500,000 oo dollar sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amm aan ka Puntland oo ku aadan xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ee saameyn ta ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga magaaladaas.

Qaar kamid ah ganacsatada ay saamey say arrintaan ayaa sidoo kale Dorraad kulan la yeeshay maamulka gobol ka Bari, iyaga oo u gudbiyay cabash ado oda, si wax looga qabto, maadaama arrin ammaan darteed ay u xireen goobahooda ganacsi ee Boosaaso.

Ma’aha markii ugu horreysay oo ay Daa cish ay xirto ganacsiga Boosaaso, waxa yna dhacday dhowr jeer oo hore, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsatada ku dhaqan magaal adaasi.

OGOW SABABTA HORTAAGAN IN DALALKA SAFKA HORE AY KUSOO BIIRAA N DAGAALKA AL-SHABAAB

Dalalka deriska la ah Soomaaliya ee loo yaqaan safka hore ayaa ballan-qaaday inay ka qeyb-galaan wejiga labaad ee da gaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay Soomaaliya usoo dirayaan ciidamo ka madax-banaan ATMIS

Ballan-qaadkan ayaa lagu sameeyey shirkii kowdii Febreeyo ee sanadkan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen hogg aamiyeyaasha dalalka Djibouti, Itoobiya, Kenya, iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo shirkaasi marti galiyay.

Wixii imarkaas ka dambeeyay ciidam ada Soomaaliya iyo shacabka oo iskaa shanaya ayaa guulo ka garay wajigii 1aad ee dagaalka Al-Shabaab, iyagoo male eshiyaadka Al-Shabaab ka saaray dee gaano badan.

Si kastaba, waxaa sidii la rabay aan u socon diyaar-garowga wajiga labaad ee howlgalka la magacbaxay Libaaxa Mad oow (The Black Lion), oo ku wajahan dee gaanada Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin maamullada Jubaland iyo Koonfur Gal beed ee Soomaaliya, kaasi oo uu qor shuhu ahaa inay qeyb ka noqdaan ciidamo ka socda dowladaha deriska la ah Soomaaliya.

Maxaa hortaagan dalalka safka hore?

Dalalka deriska ah ayaan weli ka dhabeyn ballan-qaadkii ahaa inay ciidamo ka mad ax-banaan ATMIS usoo diraan Sooma aliya. Dadka amniga fallanqeeya ayaana sabab uga dhigaya culeyso amni oo ka jira gudaha dalalkaas qaarkood.

Dalka Itoobiya, dagaal ayaa ka billowd ay gobolka Amxaara, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo jabhadda Fano ee gobolka. Sidoo kale, Kenya ayaa waxaa haysta culeyso amni oo dhanka gudaha ah.

"Kenya oo kale marka aad eegtid, mee laha furimaha ah ee ciidamadooda joog aan, ma ahan meelaha ay Al-Shabaab dag aalka ku hayaan. Waxaan ognahay in Al-Shabaab ay gudaha Kenya dhibaato ba dan ku hayaan, oo ay weeraro badan ka gaysanayaan, marka qofka marka uu kuu gurmanayo waa in tiisi uu marka hore uu meel saaraa, qof tiisaba aanan meel saarin inuu kuusoo gurmado culayskeeda ayay leedahay,” waxaa sidaas yiri wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirash iid Cabdullahi Maxamed oo la hadlay VOA.

"Itoobiya markaan ka hadalno, dagaallo badan ayaa ka socda gobolka Amxaarada maalmihii lasoo dhaafay, waa tii ay ku jir tay dagaakii gobolka Tigray, marka dhan walba marka aad ka eegtid, marka hawlgal kan dib u dhaca waxaa ku keenaya, Itoob iya waxaa haysata dhibaato gudaheeda ah, Shalay iyo berri, uma muuqato inay cii damo soo diri karto, Kenya, markii horeba saadka ayaan idinka caawinaynaa ayay dhahday, marka dowladdu waa inay ku talogashaa in ciidankeedu uu hawglgalka fuliyo, ATMIS-na ay ka caawiso wixii qorshe iyo caafimaad ah,” ayuu ku daray Cabdirashiid.

Culeysyo siyaasadeed

Ka sokow caqabadaha amni, Dr. Cabdi Cali Xassan, oo soo noqday wasiiru dowl aha arrimaha gudaha iyo amniga Sooma aliya ayaa aaminsan inuu jiro culays siyaas adeed oo hortaagan inuu billowdo waj iga labaad ee gulufka dagaal, kaasi oo u baahan inay marka hore ka heshiiyaan dowladda Soomaaliya iyo dowladaha safka hore ee uu qorshuhu yahay inay qeyb ka noqdaan hawlgalka.

"Culeys siyaasadeed waaye, horta ogoow dagaal inta aadan gelin, siyaasiyan inaad diyaarsan tahay waaye, haddii ATMIS iyo dowladaha safka ay dowladdu garab uga baahan tahay, dagaalka inta aanan la gellin ka hor waa inay ka heshii yaan, qorshe ayay u baahan tahay, dowl adaha safka hore qorshahooda wuu qoran yahay, haddii uusan heshiis jirin cagajiid ayaa imaanaya, mar kasta ayaa lagaaga bixi karaa ballanta,” ayuu yiri Dr. Cabdi Cali Xassan.

Waxa uu intaas ku daray in Sooma aliya iyo dalalka caawinaya ay tahay inay heshiis qoran oo siyaasadeed u beddelaan ballan-qaadkii ah inay la-dagaalamayaan Al-Shabaab.

"Siyaasaddu waa qaabkii aad u fulin lahayd iyo farsamadii aad isticmaali laha yd, marka ATMIS siyaasad qoran ayay lee dahay, iyo qorshe fulinayd oo siyaasa ddaas raacaaya, kuna salaysan sharciga ku qoran xeerka Midowga Afrika, qodob kiisa 4-aad ee ka hadlaayo hawlgallada, siyaasiyan qaabka hadda dagaalka loo galaayo waa ka duwan yahay qaabkii hore, ATMIS qaab ay u gasho dagaalka ayay lee dahay, marka hadii aad wada hawlgala ysaan, qaabka dagaalka loo galaayo in la ga heshiiyo, tirada ciidamada waa inay kaa la xaajoodaan,” ayuu yiri Dr. Cabdi Cali Xassan.

Soomaaliya ma isku filan tahay?

Saraakiisha iyo aqoonyahanada dhanka hawlgallada dagaalka ee Soomaal iya ayaa VOA u sheegay in Soomaaliya ay ka go’a ntahay inay toddobaadyo dhow soo geba-gabayso hawlgalka wajiga 1aad, islamarkaana ay horey ka billaabi doonto wajiga labaad ee hawlgallada, ee ku wajah an xorraynta deegaanada Koonfur Galb eed iyo Jubaland, haddii ay taageero ka he sho dowladaha safka hore iyo haddii kal eba.

Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare, taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda Qaranka (NISA), ayaa qaba in taageerada dowladaha safka hore ay muhiim u tahay howlgalka wajiga labaad, balse Soomaal iya ay ka go’an tahay inay hawlgallada sii waddo.

"Waxaan is leeyahay, dowladahan de riska ah inaysan diyaar ahayn, dagaalka dabcan si waa u saamaynee oo xooggii la rabay oo degdegta ahaa in nimanka lagu wareejiyo oo afar gees ama saddex gees laga soo galo, xooggii waa kala dhantaa lmayaa, laakiin waxaan is leeyahay Soo maalidu go’aankeeda illaa madaxweynaha illaa dowladda, haddii qeybtaan ka dhiman wajiga koowaad la soo dhameeyo, in wajiga labaad horay laga galayo, haddana hawlo ay sii billowdeen oo meesha ciidamo joogaan, oo aanan loo joogsanaynin haddii caawin la helo oo dowladaha deriska ah iyo hadaan la helinba, oo Soomaalidu ay ka go’an tahay, dowladda ay ka go’an ta hay, ciidamada iyo saraakiisha ay ka go’an tahay,” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare.

"Dabcan wakhtigu waa iska dheeraan karaa, laakiin waxaan is leeyahay sannadk an inta uusan dhamaanin, labadaas gobol ee Koonfurta ah, gobol ka mid ah in laga xorreyn doono ayaan rajaynayaa, dowlad aha deriska ahna wali lagama wada quus an, waxaa laga yaabaa inay farsamo u kala xiran yihiin, isku daruuf ma ahan iyaga naftoodu,” ayuu yiri sii raaciyey Jeneraal Tuuryare.

Si kastaba, doodda ku saabsan wejiga 2aad ee dagaalka iyo ka qeyb-galka dalal ka safka hore ayaa xoogeysan doonta, marka DFS ku guuleysato soona afjarto wejiga 1aad, taasi oo weli aan dhicin, balse madaxweyne Xasan Sheekh uu dart eed saldhig uga dhigtay magaalada Dhuus amareeb ee caasimadda Galmudug.Source-Voa

MADAXWEYNE PUTIN "YEVGENY PRIGOZHIN WAXA UU AHAA NIN XUMAAN IYO WANAAGBA LEH”

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ka hadlay wararka isa soo taraya ee sheegaya in shil diyaaradeed uu ku dhintay Madaxii xoogaga calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner, Yevgeny Prigozhin.

Madaxweynaha Ruushka ayaa ka tacsiyeeyay shilka diyaaradeed ee loo maleynayo inay Arbacadii ku dhinteen toban qof oo uu ka mid ahaa Hoggaam iyihii Wagner.

"Marka hore waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro dhammaanba qoysaska dhibaneyaasha. Had iyo jeer waa masiibo shilalka diyaaradaha.” Ayuu yiri Madaxwey naha oo Habeen hore ka soo muuqday Telefishin ka Qaranka ee dalkaasi.

Madaxweynaa ayaa tilmaamay in muddo dheer uu garanayay Yevgeny Prigo zhin, isla-markaana uu ahaa nin xumaan iyo wanaag, labadaba leh.

"Waxaan garanayay Prigozhin waqti aad u dheer, illaa horraantii 90-meeyadii. Waxa uu ahaa nin isu miriqsan oo wanaag iyo xumaanba leh, wuxuu galay khaladaad halis ku ah noloshiisa, balse hibada uu lahaa ayaa ka dhigtay inuu waxqabad wanaagsan la yimaado.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxa kaloo uu yiri "Waxa uu ahaa qof ama ganacsade karti leh, kamuu shaqayn dalkayaga oo keliya, balse sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay dibadda, gaar ahaan Afrika. Waxa uu halkaas ka sameeyay ganacsiga saliidda, gaaska, macdanta iyo dhagxaanta qaaliga ah.”

Waxa uu sheegay in la baari doono dhacdada shilka, ha yeeshee wuxuu sheegay in waqti qaadan doonto natiijada rasmiga ah ee baaritaanka DNA-da.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay inaanay Moscow ilaabi doonin gacantii ay Xoogaga Wagner ka gaysteen dagaalka Ukraine.

Baareyaasha shilalka ayaan weli si rasmi ah u aqoonsan haraadiga meydadka la helay, baaritaankuna uu waqti qaadanayo, sida Madaxweyne Putin uu sheegay.

Magacyada liiska tobanka qof ee shilkan ku dhintay ayaa waxaa ka soo muuqday Yevgeny Prigozhin, Hoggaamiyihii Wagner iyo Dmitry Utkin oo ka mid ahaa Saraakiisha sarsare ee Wagner. Ninkan waxaa lagu tilmaamay gacanta midig ee Prigozhin.

Inkastoo Madaxweyne Putin uu amaan kala duldhacay Madaxii Wagner, haddana waxaa jira shaki laga qabo in ciidamadiisa ay dileen ninkaasi.

Reer Galbeedka ayaa tuhunsan in ninkaasi loo dilay afgembigii dhicisoobay ee daba-yaaqadii bishii June ka dhacay dalkaasi, isla-markaana uu hoggaamin ayay Prigozhin, kana dhan ahaa Taliska Ciidamada Militariga.

Madaxweyne Putin oo xilligaasi si adag u cambaareeyay isku daygaasi afgembi ayaa ku tilmaamay qiyaano iyo dhabar ka toogasho.

Putin waxa uu si cad u sheegay in la ciqaabi doono kooxda Wagner, inkastoo dhexdhexaadin uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Belarus, Alexander Luka shenko lagu heshiiyay in Hoggaamiy aha Wagner uu musaafuris ahaan ugu noolaado dalkaasi.

Aqalka Kremlin-ka oo shaaciyay heshi iskaasi ayaa sheegay, si loo baajiyo dhiig daata in Prigozhin iyo qaar ka mid ah daga alyahanadiisu ay aadi doonaan Belarus, isla-markaana la joojin doono kiis demb iyeedka ka dhanka ah ninkaasi ee la xiriira gabood-falada hubeysan ee uu ku kacay.

Madaxweyne Biden "Lama yaabin geeri da Yevgeny Prigozhin”

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay inaanu la yaabin wararka sheegaya in shir diyaaradeed uu ku dhintay Madaxii xoogaga calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner, Yevgeny Prigozhin.

Yevgeny Prigozhin iyo sagaal qof oo kale oo Arbacadii diyaarad ka raacay Magaalada Moscow, kuna sii jeeday Magaalada St. Petersburg ee dalkaasi Ruushka ayaa ku burburtay Gobolka Tver,

oo waqooyi galbeed kaga beegan Caasi madda Moscow.

Waaxda Gaadiidka Ruushka ayaa soo saartay liis ay ku qoran yihiin magacyada dadka ku dhintay shilkaasi diyaaradeed, oo uu ku jiro Hoggaamiyihii Wagner.

Madaxweynaha Mareykanka oo dhacd adaasi ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa yiri "Ma garanayno xaqiiqdii waxa dhacay, balse lama yaabin.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in inta badan aanay Ruushka ka dhicin, wax aanu ka dambayn Madaxweyne Vladimir Putin.

"Ma jiraan waxyaabo badan oo ka dhaca Ruushka oo aanu ka dambayn Vlad imir Putin.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Madaxweyne Biden ayaa intaasi ku daray "Ma hayno caddeymo ku filan waxa laga yaabo inay ku dhaceen Hoggaamiyihii Wagner.”

Hoggaamiyeyaasha Gaashaanbuurta NATO ayaa tuhunsan in shirqool lagu dilay Yevgeny Prigozhin iyo Dmitry Utkin oo ka mid ahaa Saraakiisha sarsare ee Wagner, sidoo kalena diyaaradda la socday. Dmitry Utkin waxaa lagu sheegay gacanta midig ee Madaxii Wagner.

Xeeldheereyaasha ayaa sheegaya in tani ay noqon karto farriin uu Madaxweyne Putin u dirayo Saraakiisha kale ee Ciidamada Ruushka ee isku dayi kara falal liddi ku ah Aqalka Kremlin-ka ee dalkaasi looga arrimiyo.

Yevgeny Prigozhin ayaa daba-yaaqadii bishii June lagu eedeeyay in uu sameeyay isku day afgembi.

Prigozhin ayaa xilligaasi sheegay in gadoodka xoogagiisa uu la xiriiray, ka dib markii uu dhibsaday sida uu sheegay habdhaqanka Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka, Sergei Shoigu, kaas oo muddo oyinkii ugu dambeysay uu ku eedeynayay inuu xagal daacinayo dagaalka Ukraine.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruusha oo ka carooday afgembiga dhicisoobay ayaa ku goodiyay inuu ciqaabi doono koo xda Wagner, inkastoo dhexdhexaadin uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Bela rus, Alexander Lukashenko lagu heshiiyay in Madaxa Wagner uu musaafuris ahaan ugu noolaado dalkaasi.

Madaxweyne Putin ayaan weli ka hadlin geerida Prigozhin.

Liiska dadkii la dhintay Prigozhin oo la shaaci yay iyo Nin Mareykanka xayiraad saaray oo ku jira

Shil diyaaradeed oo ka dhacay meel ku dhow tuullada Kuzhenkino ee gobalka Tver ee dalka Ruushka ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen toban qof uu ku jiro madaxii kooxda calooshoos u shaqeystayaasha ee Wagner.

Diyaarada oo bur burkeeda shaki badan hareeyay ayaa soo dhacday xilli ay hawa da ku jirtay, waxaana warar soo bax aya sheegayaan in diyaarada ay soo rideen ciidamada difaaca cirka ee Ruushka.

Hayádda duullimaadka rayidka ee dowladda Ruushka ayaa shaacisay in dhammaan ay dhinteen rakaabkii diyaara da saarnaa, waxa ayna hayádda soo ban dhigtay magacyada tobanka qof ee shilka asi ku geeriyooday.

Dadka ku dhgintay shilka diyaaradeed waxaa ku jira xubno aad ugu dhawaa madaxda kooxda Wagner, waxaana dadkaasi ku jira nin dowladda Mareykanka ku soo rogtay cunaqabateyn sababo la xari ira ku lug lahaanshaha dagaalka Ukrane.

Dadka diyaarada bur burtay dhintay ayaa kala ah.

1- Madixii Shirkadda Milliteriga PMC Wagner Group (Private Military Company), Yevgeny Prigozhin,

2- Dimitry Utkin,

3- Sergey Propustin,

4- Yevgeny Makaryan,

5- Alexander Totmin,

6- Nikolay Matyuseyev iyo

7-Valery Chekalov

Duuliyaasha iyo shaqaalaha diyaarada ee iyana dhgintay ayaa kala ah :

1- Alexey Levshin, Duuliyaha Koowaad,

2- Rustam Karimov, Kaaliyaha Duuliyaha iyo

3- Kristina Raapopova oo ahayd U-Khid maynta dadka Rakaabka.

Dowladda Ruushka ayaa shaacisay in ay socdaan baaritaanka sababta keentay bur burka diyaarada nuuceedu ahaa Embraer-153BJ (EBM-135BJ), waxaana shaki badan la galinayaa in shirqool lagu dilay madaxii Wagner iyo dadkii la socday.

Sirdoonka Maraykanka oo ka hadlay shi lkii diyaaradeed ee lagu dilay madaxii Wagner Group

Qiimayn hordhac ah oo ay sameeyeen sirdoonka Maraykanku ayay ku sheegeen in shilkii diyaaradeed ee loo malaynayo in lagu dilay hoggaamiyihii kooxda caloosho od u shaqaystayaasha ah ee Wagner Group, Yevgeny Prigozhin, inuu ahaa mid uu sababay qarax ula kac ah, xilli Madaweynaha Ruushka Vladimir Putin uu khamiistii ammaan u jeediyey hoggaamiy aha la dilay.

Qaar ka mida saraakiisha Maraykanka iyo kuwa reer Galbeedka ayaa sheegay in qiimaynta hordhaca ahi ay muujinayso, inay u badan tahay in hoggaamiyaha kooxda Wagner Group in la bartilmaamee dsaday. Waxayna qaraxan la xidhiidhiy een, madaxweyne Putin, "oo caan ku ah inuu aamusiiyo dadka ka soo horjeesta”.

Masuuliyiintan oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo, maadaama aanay awood u lahayn inay arrintan ka hadlaan, ayaan faahfaahin intaas ka badan ka bixinin sababaha keenay qaraxa, taa soo loo malaynayo inay sidoo kale ku dhin teen, saraakiil si dhow ula shaqaynaysay Prigozhin.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Maraykanka Gen. Pat Ryder ayaa u sheegay warbaahinta, inaanay sax ahayn, in gantaal dhulka laga tuuray uu soo riday diyaaradda, sidoo kale wuxuu ka gaab saday, inuu ka falceliyo, in Maray kanku uu aaminsan yahay in bam loo adeegsaday shilkan


MAXAY TAHAY CABSIDA AY WAJAHAY AAN XALAY TIKTOOKLEYDA SOOMAALIYA? XAFSA

XIGASHADA SAWIRKA,ABDISHUKRI HAYBE

Shalay oo ah 24 ka bisha Agoosto, ayaa ah taariikhda loo qabtay shirkadaha interne tka ee Somaaliya, inay xiraan madalaha TikTok iyo Telegram, iyo madasha kale ee lagu qamaartamo ee 1XBet. Madasha 1XBet ayaanba Shalay ka shaqaynayn ma gaalada Muqdisho.

Dad badan xayiraad daan dhaqan galaysa manta waxay u tahay dhamaadka ganacsigooda. Balse wasaaradda isgaars iinta Soomaaliya waxay ujeedka ku tilmaa mtay inay ka hortagayaan buunbuuninta argagixisada iyo faafinta anshax-xumada.

Bilaal Bulshaawi, nin dhallinyaro ah oo caanka ah baraha bulshada ee Soomaal ida, loona garan ogyahay ‘madaxweynaha TikTok’, ayaa kamid ah dad badan oo mustaqbal bidhaamaya uusan u ifaynin.

Isaga oo dhigta dugsi sare oo 18 jir ah ayuu bilaabay isticmaalka bartaan caan baxday, isaga oo muuqaallo maad leh la smaeyn jiray ardey ay isku iskuul ahaaye en.

Hadda waxay u noqtay bartaan bulsho isha dhaqaale ee noloshiisa oo dhami ku tiirsan tahay, waxaymna badashay nolosh iisa oo dhan.

"Waxaa jirtay marar badan oo aanan bajaaj raaci karin – oo lacagta lacgu raaco ii ganbin jirtay. Laakiin hadda gaariga aan rabo ayaan maalin walba wataa – nolshe yda ayaan ku raaxeystaa. Dalxiis ayaan u aadaa gobolada dalka oo dhan”. Ayuu Bilaal u sheegay BBC.

Bulshaawi wuxuu bartiisa TikTok oo ay ku xiran yihiin 1.3 milyan oo taageerayaal ah xayaysiino uga sameeyaa ganacsiyo. Wuxuu noo sheegay inuu todobaad walba ka faa’iido lacag u dhaxeysa $500 ilaa $1000. Lacagtaas ayuu u isticmaala inuu is aga bixiyo kirada guriga cuntana ku iibsado, sidoo kale wuxuu ku biilaa hooyadiis.

"Hooyadeey inay shaqada iska dhaafto ayaan u sheegay” ayuu yiri Bilaal, "Isbitaal ayay ka shaqayn jirtay, sidaas ayay igu soo korisay. Markaan bilaabay inaan ka shaqeeyo baraha bulshada, ayaan iri iska naso aniga ayaa shaqaynaya”.

Wuxuu sheegay ina si daran u saam ayn doonto xayiraadaan noloshiisa iyo tan hooyadiisba. "Laba jiko ayuu dabku ka dami doonaa,” ayuu yiri.

Filimka Soomaaliga ah ee malaayiinta Doollar lagu bixiyey ee Shalay ka soo baxay Malaysia

Xafsa Xilkas, waxay bilowday isticma alka TikTok sanad ka hor. Waxay ku soo gudbisaa muuqaalo maad ah, kuwa prank-yo ah iyo madadaalooyin kale. Saddexdii bilood ee uu horeysay ayay heshay in ka badan 500,000 oo taageerayaal ah, kad ibna waxay bilowday in ay ganacsi waxya alaha la isku carfiyaha ku dhex sameyso barteeda.

"Waxaa dalabyo aad u farabadan ka helaa dhamaan gobolada Soomaalida,” ayay tiri Xafsa.

Dhawaan ayay noqtay qof madaxbana an nolol ahaan kadib markii ay dhaqaale heshay. Gabadhaan 19 jirka ah ayaa cabsi ka qabta inay shaqo la’aan ku dhacdo. Xafsa ayaa aaminsan in ay xoriyadeeda lumin doonro saacadda uu dhaqan galo xayiraadda TikTok.

Soomaaliya, sidaas uma sahlana in gabaryar oo Xafsa oo kale ah markiiba shaqo hesho, sabab la xariira dumarnima deeda. Xafso waxay u sheegtay BBC in xitaa qoyskeedu uusan raalli ka ahayn inay banaanka u baxdo oo ay TikTok ka shaq aysato.

"Qoyskeygu waxay igu dhaheen ‘Iska guurso, gabar ayaad tahay’. Waalid iinteydu waxay ii sheegeen inaanan u baa hanayn inaan banaanka aado oo shaqe eyo”, ayay tiri Xafsa. "Laakiin anigu waxa an rabaa inaan noqdo gabar xor ah”.

Xafsa iyo Bilaal

XIGASHADA SAWIRKA,ABDISHUKRI HAYBE

Bilaal iyo Xafsa labaduba waxay sheeg een inay adagtahay in shaqo tan lamid ah ay ka bilaabana baraha bulshada ee kale, waqti dheerna ay qaadan doonto in lala qabsado.

"Waa sida adiga oo suuq wayn lahaa oo uu kaa gubtay. Waqti badan ayay kaa qaadan doontaa inaad ka soo kabato dhibaatada ku gaartay,” ayuu yiri Bilaal.

Dhawrkii sano ee la soo dhaafay TikTok wuxuu noqday barta bulsho ee ugu caa nsan Soomaaliya iyo qurbahaba. Dad badan ayaa u adeegsada madadaalo ah aa, balse ma wada aamisana dadkaasi inuu faa’iido u lahaa bulshada.

Samiira Maxamed waa aradayad, saac ado badan ayay noo sheegtay inay ku bix iso daawadashada TikTok, balse waxay u aragtaa inuu hoos u dhigayo sharafta gabdhaha Soomaaliyeed.

Sababta ayaa ah in madashaan lagu xayysiiyo muuqaalada anshax-xumada ah ee dadka laga duubo, mar dambana lagu soo bandhiigo Telegram ka.

"Iyada dhanba waa qarxis. Waxay dha awacaysaa qiyamkii dadka, gabdho ban danna waxay ku kaliftay inay xijaabka dhig taan,” ayay tiri.

Balse fikir kaas ka soo horjeeda waxaa qaba Sakariye Maxamed oo isticmaala Tik Tok, isaga oo aaminsan in uu fursado u ab uuray dhallinyaada Soomaaliyeed ee daw ladoodii ku fashilantay nay u abuurto jawi ay shaqo ku heli karaan.

Sakariye ayaa yiri: "Waxay il dhaqaale u tahay dhalinyarada waxbaratay iyo kuwa aan wax baran intaba. Sidoo kale waxay ka jeedisay xanuunka shaqa la’aanta”.XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip