Maxay soo ogaadeen xildhibaannadii booqday xabsiga dhexe ee Xamar

0
Monday August 14, 2023 - 18:33:24 in Wararka by
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay soo ogaadeen xildhibaannadii booqday xabsiga dhexe ee Xamar

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Baarlamaanka Soomaliya

XIGASHADA SAWIRKA,GETTYIMAGES

Baarlamaanka Soomaliya ayaa maanta dood adag ka yeeshay xaaladda ay ku sugan yihiin maxaabiista ku xidhan xabsiga dhexe ee Muqdisho, laba toddobaad kaddib markii taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliya, Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu qaylo-dhaan ka soo saaray maxaabiis gar sugayaal ah oo ku xidhan xabsiga dhexe ee Muqdisho muddo ka badan 10 sannadood.

Dhamaadka bishii Juulyo ayay ahayd markii taliyaha Asluubta Soomaaliya oo ka hadlayay furitaanka shirweynaha qaran ee wada-shaqaynta Xeer Ilaalinta iyo Booliska oo Muqdisho ka dhacay uu ka sheegay in dhibaatooyin badan ay ka taagan yihiin qaar kamid ah xabsiyada dalka gaar ahaan xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Hadalka taliyaha ayaa yimid maalmo ka dib markii isla xabsigaasi ay booqdeen Guddiga Xuquuqal-Insaanka, Haweenka & Arrimaha Bani’aadanimada ee Soomaaliya si ay usoo eegaan xaalada xuquuqul insaanka ee ka jirta xabsiga.

Taliye Mahad ayaa carrabka ku dhiftay in maxaabiista ku xidhan xabsiga dhexe ay mudan yihiin in ay helaan caddaalada ugu horeysa ee ay fuliyaan ha’adaha garsoorka dalka, isaga oo ku baaqay in hay’adaha garsoorka dalku ay dhex yimaadaan xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Taliye Mahad oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay hay’adaha garsooka dalka in ay yimaadaan xabsiga dhexe oo ay ka bilaabaan cadaaladda, waxaanu yidhi: "Aniga oo aan hadal ku dheeraanayn, meeshaa iyada ah fiiro gaar ah haloo yeesho, kitaabkiinoo dhan meesha ayuu yaallaa, u imaadda wixii sax ahna ka qaata wixii qaldana ka taga.”

Qaylo-dhaantan waxa kale oo ka horreeyey, in waqtiyo kala duwan sannadkan gudihiisa ay xabsiga booqdeen guddiyada kala ah: Guddiga Xuquuqal-Insaanka, Haweenka & Arrimaha Bani’aadanimada, Guddiga Cadaalada, Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Guddiga Horumarinta Adeega Arimaha Bulshada si loo hubiyo nolosha dadka ku xidhan xabsiga, isla markaana loo xaqiijiyo in ay heleen caddaalad.

Guddoomiyaha Guddiga xuquuqal-Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada Xildhibaan Xaawo Cali Sokor oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay in ay ku soo arkeen xabsiga dhexe marxalado kuwan duwan oo isugu jira kuwa u baahan garsoor madax-banaan, xuquuqul insaan iyo kuwo arrimo bulsho.

Xildhibaanad Xaawo ayaa sheegtay in xabsiga dhexe ee Muqdisho ay wakhti xaadirkan ku xidhan yihiin dad gaadhaya ilaa 1,338 (Kun, saddex Boqol, Sodon iyo Sideed) qof oo siyaabo kala duwan loo soo xidhay.

Dadkan ayaa isugu jiro kuwa lagu xukumay danbiyo kala duwan halka tiro dhan 318 (Seddax Boqol, toban iyo siddeed) qofna ay yihiin dad u xidhan rummaan.

Guddida isku-dhafka ah ee baarlamaanka oo ka koobnaa 5 (shan) xubnood oo 1dii Agoosto 2023 booqday xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa sheegay in waxa ugu horeeya ee ay la murugoodeen ay tahay in Xabsiga Dhexe oo loogu talo-galay in lagu hayo 900 oo maxbuus uu hadda la ciirciirayo maxaabiis gaadhaysa 1338, taas oo muujinaysa in xabsigu uu buux dhaafay isla markaana ay ka dhalatay cidhiidhi iyo xaalado kale oo bani’adamtinimo.

Warbixinta guddiga oo nuqul kamid ahi ay heshay BBC-da ayaa muujinaysa in maxaabiista ku xidhan xabsiga dhexe ay u kala xidhan yihiin Maxkamadda Gobalka Banaadir, Maxkamadda Sare, Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadda Gobalka Shabeelada Hoose, sidoo kalena ay jiraan maxaabiis u xidhan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka rummaanka ugu xidhan xabsiga dhexe ay tiradoodu gaadhayso 318 (saddex boqol, toban iyo siddeed) qof oo ay ku jiraan dad waayeel ah oo ay da’doodu u dhaxayso 50 (Kontan) ilaa 80 (siddeetan) iyo sidoo kale carruur da’dooda u dhaxayso 14 ilaa 17 oo aanu wali xukun ku dhicin.

Abukaate Sakariye Yuusuf oo ah sharci-yaqaan ayaa xadgudub sharci ku tilmaamay in muwaadin Soomaaliyeed uu ku xidhnaado xabsiga dhexe muddo ka badan inta uu sharciga qabo.

"Qodobka 47 ee xeerka habka ciqaabta Soomaaliya ayaa caddeeyay muddada xabsi ku haynta ee qofka eedeysanaha ah. Waxa uu xaq u leeyahay qofku in la horgeeyo garsooraha toddobadii maalmood ee walba, sina la’isagama haysan karo muwaadin muddo ka badan inta uu sharcigu qabo " ayuu yidhi.

Abukaate Sakariya ayaa qaba in eedeysanuhu uu xaq u leeyahay in la sii daayo haddii uu dhamaysto muddada rummaanka isla markaana aan loo soo bandhigin garsoorka caddaymaha eedaha lagu haysto.

"Haddii ay dhamaato muddada rummaanka ee 90-ka maalmood oo ah danbiyadda waaweyn sida dil, waxaa sharci ah in la xidho galka baadhista isla markaana la sii daayo eedaysanaha " ayuu Abukaate Sakariye yidhi.



Taariikhda xabsiga dhexe:-


Xabsiga Dhexe

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa la dhisay waqtigii Gumeystihii Talyaaniga ee sannadkii 1910kii, wuxuuna dhisan yahay 113 sano. Wuxuu ku yaallaa meel xeeb ah, taasoo keenaysa in dhismaha xabsigu uu u-baaho dayactir lixdii biloodba mar, sida ku xusan warbixinta guddiga xuquuqul insaanka ee ay heshay BBC-da.

Madaxa ciidamada Asluubta Soomaliya ayaa sheegay in xabsiga aan muddo afar sano ah wax dayactir ah lagu samaynin isla markaana uu halis ugu jiro in uu ku soo dumo dadka ku xidhan.

Guddoomiyaha Guddiga xuquuqal-Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada Xildhibaan Xaawo Sokor Cali ayaa u jeedisay dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha deeq bixiyeyaasha ah ee fadhigoodu yahay Soomaaliya in garab lagu siiyo dhismaha iyo dayactirka xabsiga dhexe ee Muqdisho.

"Waxaan ugu baaqayaa dowlada federalka oo uu madaxweynuhu ugu horreeyo in dayactir lagu sameeyo xabsiga dhexe, waa mid aad u duqoobay waxaanu halis ugu jiraa in uu ku dumo dadka halkaasi gar-sugayaasha ku ah.” ayey tidhi Xildhibaan Xaawo Sokor Cali.

Xabsigu waxa uu ka kooban yahay shan qaybood oo maxaabiista lagu xidho waxayna kala yihiin: Qaybta Dumarka, Qaybta Dadka waaweyn, Qaybta Carruurta, Qaybta Dilka ku xukuman iyo Qaybta Rummaanka (Maxkamad Sugayaal).

Xildhibaan Xaawo Cali Sokor ayaa sidoo kale shaacisay in waxyaabaha kale ee xabsiga dhexe ay ku soo arkeen ay kamid yihiin qof u xidhan $10 (Toban) dollar isla markaana aanu awoodin in uu iska bixiyo.

"Muwaadin Soomaaliyeed oo saddex sannadood u xidhan 10 dollar, waxaynu dowlad u ahaano oo jaakado u gashano oo halkaan u fadhino waa ceeb” ayey tiri Xildhibaan Xaawo.

"Waxaanu soo aragnay dad u xidhan lacago yaryar, kuwa u xidhan taleefoon niicla ah oo la xaday iyo kuwa muddo u xidhan danbiyo fudud balse masuuliyad-darro aan dib loo eegin” ayay raacisay.

Guddoomiyaha Guddiga xuquuqal-Insaanka, ayaa sidoo kale wax aan suurto-gal ahayn ku tilmaantay in xabsiga dhexe ay ku xidhnaadaan dad maxkamad fasaxday iyo kuwa diyadii lagu lahaa laga megay haddana lagu xukumay 20 sano oo xadhig ah.

"Waxyaabaha kale ee aan la fajacnay waxa kamid ahayd dad maxkamad fasaxday oo haddana ku xidhan xabsiga iyo kuwa diyadii laga magay, haddana mar kale dib loo soo xidhay oo aan garanayn cidda ay u xidhan yihiin” ayey tidhi guddoomiye Xaawo.

MUXUU YAHAY KIISKA XILDHIBAAN HORE MUNA IBRAHIM ABUKAR

Xabsiga Dhaxe ee Muqdisho.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Warbixinta guddiga isku -dhafka ah oo ka koobnayd 9 (Sagaal) bog ayaa waxaa lagu xusay kiiska Muna Ibraahim Abuukar oo muddo labo sano iyo labo bilood ah ku xidhan Xabsiga Dhaxe ee Muqdisho. Muna waxay hore u soo noqotay Xildhibaan iyo wasiir ku xigeen.

Warbixinta laguma xusin sababaha loo xidhay iyo cidda ay u xidhan tahay, balse waxaa loogu baaqay Guddoonka Golaha Shacabka in ay si gaar ah ula socdaan.

BBC-da uma suurto-gelin in ay hesho qoyska xildhibaan Muna si aan wax ugu weydiino xadhigeeda.

Ugu danbeyntii saddexda guddi ee garsoorka, xuquuq insaanka iyo arrimaha bulshada ayaa soo jeediyay in caddaalad loo helo kiisaska ka jira xabsiyada dalka gaar ahaan xabsiga dhexe ee Muqdisho, in si gaar ah gacanta loogu qabto kiiska xildhibaanad hore Muna Ibraahim Abuukar oo muddo ku xidhan halkaas, in maxabiista u xidhan lacago yaryar looga raadiyo hay’ado iyo dad muxsiniin ah si cidhidhiga xabsiga ka jira loo fududeeyo iyo in maxabiista kiisaska yaryar u xidhan cafis looga dalbo Madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu guddigu soo jeediyay in si degdeg ah loo dayactiro xabsiga dhexe Muqdisho oo ay sheegeen in uu qarni dhisan yahay.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa lagu xidhaa maxaabiis loo haysto danbiyo kala duwan sida Al-Shabaab, Daacish iyo shaqsiyaadka kale ee dambiyada kale lagu eedeeyo, waxaana marar badan dadka arrimahan ka faallooda ay sheegaan in caddaalad-darro badan ay tirsadaan dadka nugul ee ay hayaan laamaha ammaanku.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip