Bushaaro Baandey oo lacag bixisay kadibna laga sii daayay xabsiga

0
Tuesday August 15, 2023 - 17:39:08 in Wararka by
  • Visits: 439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bushaaro Baandey oo lacag bixisay kadibna laga sii daayay xabsiga

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Waxaa muddo 94 maalmood ah kadib gelinkii dambe ee maanta xorriyadeeda dib u heshay Wariye Bushaaro Cali Baandey oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku xirneyd gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.

Bushaaro ayaa waxaa saaka xukun hal sanno ah oo la iibsan karo ku ridday maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Hargeysa Bushaaro ayaa lacag ahaan u bixisay xabsiga lagu xukumay, kadibna waxaa sii daayay Booliska gacanta ku haya xabsiga Gibiley.

 

Sidoo kale qoyska Bushaaro Cali Baandey ayaa durba soo dhaweeyay sii deynteeda, ayada oo Hooyada dhashay ay muujisay sida ay ugu faraxsan tahay go’aanka ay maxkamaddu ridday.

Bushaaro oo bishii May ee sanadkaan la xiray ayaa dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, taasi oo walaac ka muujiyeen Wariyeyaasha iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

Ilaa iyo hadda lama Bushaaro lama hadlin warbaahinta, waxaase la filayaa inay dib ka bixiso faahfaahin ku aadan xaaladeeda iyo waxa ay la kulantay muddadii ay ku xirneyd.

Waxa jiray dhaawacyo la sheegay in la gaarsiiyay Bushaaro, taas oo hadal heyn badan oo isugu jirta beenin iyo rumeyn ka dhex dhalisay baraha bulshada muddadii ay xirneed.

 

Somaliland ayaa horay ugu eedeysay qaran dumisnimo iyo inay faafisay warar been abuur ah oo liddi ku ah maamulkaasi, sida ay shaaciyeen madax ka tirsan xukuumadda Hargeysa.

Si kastaba, Bushaaro Baandey ayaa muddada ay xirneyd waxaa xukuumadda Muuse Biixi Cabdi cadaadis lagu saarayay sii-deynteeda, ayada oo hay’adda u doodda xuquuqda weriyayaasha ee The Committee to Protect Journalist (CPJ) ay horey ugu baaqday in deg-deg loo sii daayo Wariye Bushaaro Baandey oo markaas lasoo warinayay in xaalad caafimaad darro ku haysato gudaha xabsiga.

Caasimada Online | News From Somalia




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip