
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEW2SPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10-KA AGOOSTO 2013-KA
Xasan Sheekh iyo odayaasha dhaqanka Galmudug oo hal go’aan ku dhawaaqay
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galm udug, isagoo kala ha dlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaa yeen daga alka looga xoreynayo khawaarijta Al-shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Gal mudug. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaa sha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qor shaha ciribtirka khawaarij ta, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in ca qabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tah ay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan ya hay in odaya asha dhaqanku ay horseed u noqda an mi dnimada shacabka & taageriddaDowladda .
Sidoo kalena ay door weyn ka qaatan ku gac ansiinta Ciidanka Qaranka in ay dal ka ka sifeey aan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna. Dhankooda, odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ballan qaaday in ay Madax weyn aha Jamhuuriyadda ku garab istaaga yaan sidii lo oga mira dhalin lahaa Sooma aliya xor ka ah argagixisada.
Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Galmud ug waxay sheegeen in muhiimad gaar ah ay siina yaan nabadda ay u baa han tahay bulshada Gal mudug oo hadda dowladda dhexe ay diyaar ula ta hay inay ku garab siiso.
Sida ay horay u sheegeen madaxda DFS, da gaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shaba ab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfu rta Soomaaliya looga bilaabo howlgallo militeri oo ay ka qeyb qa ada doonaan ciidamada wadama da safka hore.
Dagaalka dalka Soomaaliya looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab waxay dowladdu qorshe ysay inuu yeesho wajiyo kala duwan, hadda wax aa socda wajigii koowa ad oo soo bilowday markii dib loo soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, wax aana Faise Two loo gudbayaa markii la xore eyo gobollada dhexe goobaha ay Al-Shabaab ka joogaan.
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa u diyaarsan duulaanka kooxda looga xoreynayo dhulka ay heystaan, sidoo kale waxaa jira ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo ka garab dagaalami doona ciidamada qaranka.
Ugu yaraan 10 kun oo askari ayaa u diyaarsan dagaalka maalmaha soo socda la qorsheynayo in al-Shabaab looga xore eyo magaalooyin ka tirsan gobollada Mud ug iyo Galgaduud oo dhaca bar tamaha Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladdu.
Aadan Madoobe oo shaaciyey magacy ada xil dhibaano carqalad ku ah…
Golaha Shacabka ayaa wajah aya kooram la’aan mararka qaar sa ameysa shaqada guud ee baarl amaanka federaalka Soo maaliya.
Kulankii Shalay oo uu ajen dihiisu ahaa akhrinta labaad ee hindishe sharciy eedka hanti dhowrka guud ee qaranka ayaa ku dhowaaday inuu baaqdo, kadib markii la waayay kooram buuxa, taas oo keentay in saacado kale lagu daro, si ay xarunta usoo gaaraan xildhibaan ada maqan oo qaarkood aad u soo daahay, ka dibna sidaas ayuu ku furmay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka hadlay arrintan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xildhibaanada qaarkood ay gaba an waajibkooda.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qa aday in xildhibaanada qaar iyaga oo jooga Muqd isho aysan soo xaadirin kulamada baarlamaanka, balse ay tallaabo ka qaadayaan.
"275 xubnood inaan ka weyno 140 waa nasiib daro, iyaga oo qaarkood magaalada joogaan, dad ka fasaxa rasmiga ah ku maqan 50 kama badno” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay isla aadayaan xeer hoosaadka, si tallaabo looga qaa do xildhibaanada iska maqan ee aan inta badan soo xaadirin kulamada baarlamaanka.
"Haddii aan xeer hoosaadka loo hogg aansam in qof kasta rabitaankii iyo qiyaarkii ayada oo mag aalada la joogo fasax la’aan la’iska maqnaado, taas macnaheeda wux uu noqonayaa inaan la qa darineynin waajib aadka aan u dhaarana ee Umm ad da Soomaaliyeed aan wakiilka uga ahe yn” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha baarlama anka Soomaaliya.
Intaasi kadib guddoomiyaha baarlama anka federaalka Soomaaliya ayaa faray in golaha laga baafiyo magacyada xildhibaan ada ka maqan shaqadooda.
"Waxaan magacyadooda yeerineynaa xildhiba anada iska maqan shaqo la’aan iyo fasax la’aan isaga maqan si ay ogaadaan dadka ay metalaan” ayuu sii raaciyay.
Halkan hoose ka aqriso magacyada xildhibaanada maqan oo uu golaha u akh riyay habdhowraha baarlamaanka Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux.
1-Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxa muud 2-Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim Maxamuud 3- Xildhibaan Diini Cismaan Yuusuf 4-Xildhibaan Asli Cabdirisaaq Max amed5-Xildhibaan Faarax Yuusuf Cumar 6-Xildhibaan Cabdirashiid Maxa med Ducaale 7-Xildhibaan Xuseen Xasan Max amed 8-Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxa muud 9-Xildhibaan Sahra Jaamac Cali 10- Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir 11-Xildhibaan Cumar Yuusuf 12-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishak uur Warsame 13-Xildhibaan Maxamed Cabdalle Axmed14-Xildhibaan Aweys Saciid Cabdalla15 -Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Cali Cabdalla 16-Xildhibaan Maxamed Aadan Maxamed 17- Xild hibaan Farxiyo Maxa med Cabdi 18-Xildhibaan Madoobe Axmed Aadan 19-Xildhibaan Maxamed Barre Max amuud 20-Xildhibaan Maxamed Yuu suf Xasan 21-Xildhibaan Maxamed Cismaan Cu mar, 22-Xildhibaan Isxaaq Maxamed Maxamuud, 23-Xildhibaan Mahad Cabdira xmaan Aadan 24-Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Jiley 25-Xildhi baan Cabdullaahi Maxamed Cali 26-Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed 27-Xildhibaan Saad aad Maxamed Nuur Caliyow 28-Maxamed Cabd uqaadir Maxamed 29-Xildhibaan Cabdiladiif Mu use Nuur (Sanyare) 29-Xil dhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib 30-Xildhibaan Maxamed Xasan Max amed 31-Xildhibaan Yacquub Ismaaciil Yuusuf 32-Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale 33-XildhibaanIsxaaq Maxamuud Mursal 34-Xildhi baan Fardowso Cismaan Cigaal 35-Xildhibaan Is mcaaciil Cabdiraxaam Sheekh Bashiir 36-Xildhi baan Cali Maxa med Aadan 37-Xildhibaan Nuura diin Cabd ullaahi Coljoog 38-Khadra Maxamed Dukaale 39-Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi 40-Xil dhibaan Maxamed Nuur Abuubakar 41-Xildhibaan Cumar Shariif Maxamed 42-Xildhibaan Cabdi wahaab Cabdi Cumar 43-Xildhibaan Cabdi Cabdi Ibraahim.
Dowladda Soomaaliya oo Shirkadaha Turkiga ku eedeysay wax isdaba marin dhanka Dakhliga ah
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay shirkado laga leeyahay dalka Turkiga oo qaabilsan howlaha Dekedda iyo Garoonka Diy aaradaha, Favori LLC iyo Albeyrak inay ku guuld araysteen inay raacaan habraacyada hubinta dakhliga ee ku xusan heshiiska faa'iidada wadaa gga ah ee u dhexeeya dawladda iyo shirk adaha.
Labadan shirkadood ee Turkiga laga leeyahay ayaa muddo toban sano ku dhow maamulaya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo Dekedda Mu qdisho.
Hanti dhowraha guud Axmed Ci ise Guu taale ayaa shaaca ka qaaday in shir kadahan ay soo gudbiyeen xog aan sax ahayn oo ku saabsan dakhligooda, iya doo ujeedadu tahay in la dhimo saamiga dowl adda.
"Dowladda Federaalka Soomaaliya wa xay xaq u leedahay inay sheegato 25% dakhliga soo gala shirkadda Favori LLC, halka heshiiska laba ad ee faa’iidada wada agga ah ee shirkadda Albayrak uu dowl adda siinayo 62.17% dakhliga Albayrak,” ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah heshiiska faa’iidada.
Isku darka dakhliga ay dowladdu ka he shay la bada shirkadood intii lagu jiray san nad-ma aliyadeedka 2022 waa $32, 442, 286.00, taasoo loo kala qaybiyay Albayrak ($29,332,006.00) iyo Fivori LLC ($3,110,280.00), balse waxay hoos uga dhacday saadaasha sida ay sheegeen la-tali yayaasha maaliyadeed ee dowladda
Mr. Guutaale oo hadalkiisa sii wata ayaa she egay in loo baahan yahay in la helo xog hufan oo la xiriirta dhaqaalaha soo galay iyo lacagaha ka baxaya labadan shirkadood.
Si kastaba ha ahaatee, Labadan shirka dood ee warbixinta lagu sheegay ayaa kaa lin lama hur aan ah ka qaata in dowladda Soomaaliya ay ka caawiyaan arrimaha la xiriira horumarinta adee gyada garoonka Aadan Cadde iyo dekeda Muqdisho.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bann aan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastu urka Md.Burh aan Aadan Cumar oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gudd iga Md.Maxamed xasan Idriss (Ganeey) ayaa shir guddoomiyay kulanka Shalay ee guddiga oo looga doodayey hannaanka door ashooyinka ee heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaranka. Isla-markaana siiq ad Dastuuriya loogu badeli lahaa.
Xubnaha guddiga oo ahm iyadda 1aad siinaya sidii loo dhameystiri lahaa qabyo qora alka Dastuurka KMG ah ayaa kulan kooda Shalay diirada saaray ka doodista Heshiikii Madasha Wadatashiga Qaran ee Door ashada iyo sidii uu ula fal-gali lahaa cutubka 4aad ee dastuurka oo ka hadlaya matalaada shacabka.
Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis cusub + Faa’iidada
Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawda Soomaaliya Fardowso Cismaan Cigaal ay aa Shalay heshiis duul im ad la saxiixatay dhige eda dalka Kenya Kipchu mba Mukomen.
Heshiiska cusub ee Shalay ay kala saxiixdeen wasiiradaan kala metela yey Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhigaya in diyaaradaha ka diiwaan gashan gudaha Soom aaliya ay duulimaadyo ku tegi karaan dalka Ken ya.
Sidoo kale heshiiskaan xoojinaya wada shaq aynta duulimaad ee Soomaaliya iyo Kenya, hey’a daha labada dowladood u qaabilsan duulimaad yada hawada ayaa lagu heshiiyey inay aqoon is weydaarsi sameeyaan.
"Waxaan Shalay saxiixnay heshiis duulimaad hawada ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, faa’iidada Soomaalida ugu jirta waa in dalkaan Ke nya loo fasaxayo diyaaradaha Taargada Soomaal iya wata,” ayey tiri Wasiir Fardowso.
Sidoo kale wasiir Fardowso waxay xust ay in fa a’iido badan ay ugu jirto heshii skaan ganacsa tada Soomaaliyeed ee iska leh diyaaradaha Soo maaliya ka diiwaan gashan oo hadda loo ogola aday inay Kenya imaadaan.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Ambass ador Maxamed Axmednuur (Tar san), Agasimaha Guud Wasaaradda Gadi idka iyo Duulista Haw ada Bashiir Macalin iyo masuuliyiin ayaa wasiir Fardowso ku wehliyey kulankii ay ku saxiixday heshiis kaas.
Sidoo kale guddiyada diyaaradaha lab ada dal ayaa shirka lagu saxiixay heshii skaan ku weh liyey wasiirrada gaadiid iyo duulista hawada ee labada dowladood.
"Wax kasta oo xuquuq ah oo duulimaadka Ke nya ay yeeshaan ayey yeeka doonaan shacabka Soomaaliyeed, heshiiskaan ma ahan qarsoodi, Muqdisho iyo Nairobi ayey u kala gooshi doonaan diyaaradaha labada dalka, hadda ayuu heshii skaan horay ka dhaqan gelayaa,” ayey tiri wasiir Fardowso oo heshiiskaan ku saxiixday magaa lada Nairobi.
Wasiirka Kalluumaysiga XFS oo Furay Shirka Wasaaradaha Kalluumaysiga oo socon doona laba cisho
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaq aalaha Buluugga ah ee Xuuum adda Federaalka Soomaaliya Mudane Ax med Xasan Aadan ayaa furay shir wad atashi ah oo u dhexeeya wasaa ra dda iyo Wasaaradaha Kalluumey siga Iyo Khey ra adka Badda ee dowlad Goboleedyada
dalka Shirkan oo socon do ona muddo laba maalin ah ayaa diiradda lagu saara yaa horumarinta Kalluume ysiga dalka, dib u eegidda waxa ka qabsoomay mashaaari icda la xiriira Kall uumeysiga, xoojinta iskaa shiga iyo wadashaqe ynta u dhexeysa Wasaaradaha.
Wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga XFS ay aa furitaanka shirkaan ka sheegay in ay muhi imad weyn u leedahay Qaranka Soomaaliyeed xo ojinta wadashaqeynta iyo in la iska kaashado sidii loo horumarin lahaa Kalluumeysiga iyo ka faa’iid eysiga Kheyraadka Badda. Waxa uu xusay in shir kaan uu ka filaayo in ay kasoo baxaan qodobo wax ku ool ah oo u ogol xaaraya xaqiijinta hadafy ada la doonayo in la gaaro si loo helo horumar la taaban karo oo ku saabsan Kalluumeysiga dalka.
Shirkan waxaa ka qeybgalaya wasiir ada wa saaradaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowlad goboleey ada Jubaland Mudane Ma xamed Cumar Bu uno, Galmudug Md.Garaad Yu usuf, Hir shabeelle Md.Iidle Siyaar Sheikh Khaliif iyo K/Galbeed Cabdifitaax Maxamed Cali.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay Taliska Ciidanka ATMIS
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibra ahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Ma daxa Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Hawlgalka AT MIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef iyo Tali yaha Ciidanka ATMIS, General Sam Okiding.
Kulanka ayaa looga hadlay wejiga labaad qor shaha dhimista ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Mido wga Afrika, waana xilli dhammaadka bisha Septe mber lagu wado in Taliska ATMIS uu dalka ka saaro saddex kun (3,000) oo askari.
Hawlgalka ATMIS ayaa daba-yaaqadii bishii June dalka ka saaray saddex kun oo askari, kuwaa oo bilow u noqday qorshaha uu hawlgalku dalka uga saarayo ciidam ada.
Wareegga saddexaad ee dhimista ayaa la samayn doonnaa bisha June ee sanadka 2024, waxaana xigi doona wejigii ugu dambeeyay ee ka bixitaankooda dalka oo la samayn doono 31-ka bisha Decem ber ee sanadkaasi.
Xeryaha ay ka baxayaan Ciidanka ATMIS ay aa waxaa la wareegaya Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoona illaa iyo hadda ay ciidamadaasi banne eyeen illaa toddobo saldhig.
"General Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in uu kalso oni buuxda ku qabo in Ciidanka Xoogga Dalka ay la wareegi Karaan amniga guud ee dalka, ayna u diyaarsan yihiin.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo ba xay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.
Kulanka oo gelinkii dambe ee Talaadadii ka dhacay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay Saraakiil ka tirsan Ciid anka Xoogga Dalka iyo kuwa ATMIS. Xerada Xal ane ayaa ah Taliska Ciidanka ATMIS.
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku riday Nin lagu helay fal anshax xumo ah
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Shalay waxaa ay xukun ku riday Nin la sheegay in uu ku Shaqeeys anayay Sixir iyo Turufo, isla markaana dumar badan uu Kufsi kula kacay isagoo Muu qaalo Anshax xumo ah ka duubay.
Ninkaan oo lagu magacaabo Abuukar Maxa med Xasan Shooble ayaa Ciidamada Booliska Soomaaliya soo qabteen kadib markii ay Maxka madda Gobolka Banaadir kusoo dacweeyeen qa ar kamid ah dadka dhibanayaasha ee uu dhib aateeyay.
Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa sheegay in bill aawgii sanadkaan baaris uu sameeyay lagu oga aday falal faaxisho ah oo uu sameeyay Abuukar Maxamed Xasan Shooble oo ay dhibanayaal u yihiin Haw een badan oo uu kula kacay kufsi iyo in uu muuqaalo ka duubay, isaga oo adeegs an aya taleefoono casri ah.
Haweenka qaarkood ayaa maxka madu shee gtay inuu ka helay lambaradooda Baraha Bul shada halka qaarkood uu la raacay Gawaarida dadweynaha ee Bi’eelka loo yaqaano.
Qareenka difaacaya eedeysanaya ayaadhan kiisa qaba dood ka duwan mida ay qabto Xeer ila alinta, sida uu sharaxayo mid kamid ah qaree nada u doodaya eede sanaha.
Xeer ilaaliye kuxigeen Xiis ayaa Maxka mad da dalbaday in cadeymaha ay soo gudbiyeen dart eed eedeysanaha loo ciqaabo falalka xun uu u geystay dhiban ayaasha.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Makx madda Gobolka Banaadir Saalax Cali Max amuud Dab aan oo fadhiga Shalay soo xiray ayaa ku dhawa aqay xukunta lagu rid ay Abuukar Maxamed Xasan Shooble oo ah 10 Sano oo xabsi ah.
Guddoomiyaha degmada Howlwadaag oo she egay in qofkii u soo gudbiya mac luu maad halis ku ah amniga inuu siin ayo Abaalmarin
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal Habeen hore si wadajir ah uga sameey een ciidamada Booliiska iyo Nabadsugida Soom aaliya xaafado ka tirsan degmada Howlwadaag ee magaalada Muqd isho.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha degmada Howlwadaag bashiir Cabdi Maxamed iyo Taliyaha qay bta Waliyow Cadde, Daa’uud Axmed Cara ale, waxaana howlgalkaasi ay ciidamada kusoo qabqabteen Inta uu socday tiro dad ah oo u badan dhalinyaro.
Guddoomiyaha degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed oo la hadlay warb aahinta ayaa sheegay in ujeedka howlg alka uu ahaa la daga alanka maan dooriy aha, ciyaal weerada iyo ka hortaga weerarada kooxda Al-Shabaab.
GuddoomiyeBashiir Cabdi Maxamed ayaa wa rbaahinta ka hor sheegay in qofkii soo gudbiya macluumaad halis ku ah amniga degmada sida Al-shabaab, shaqsiy aadka ka ganacsada waxyaa baha maanka dooriya ee degmada ku dhex isticm aalla iyo kooxaha Ciyaal weerada inuu siin doono abaalmarin.
"Saddex cadaw ayaan leenahay oo Soo maal iya horumar ka gaari la’ dahay waxa ana ay kala yihiin: Garan-waaga oo ah ‘AS’, Daraagiska & Ci yaal weerada, cid soo adeegsatay ma naqaano. Si looga hortago aniga oo ah Guddoomiyaha De gmada ayaa ballanqaadaya oo iigu imaanee Xar unta Degmada iyada oo aan la ogaan inaad tahay qofka maclumaadka nala soo wadaagay” ayuu yiri Guddoomiyaha Deg mada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxa med.Taliyaha qaybta Waliyow Cad de, Daa’uud Axmed Caraale oo dhankiisa warba ahinta la hadlay ayaa ugu baaqay shacabka Soo maaliyeed iney la shaqeey aan ciidama da ama anka, islamarkaana ay la soo wad aagaan xoga ha ay helaan, si loo helo bul sho iyo Boolis isku xi ran.
Gabagabadii howlgalkaan ayaa kusoo beeg maya, iyadoo maalmihii ugu da mbeeyay Muqd isho ay ka dhacayeen falal amaan daro oo isugu jiray dilal, qaraxyo iyo dhac ay geysanayaan bur cad hube ysan.
Gaari dad shacab ah la socdeen oo qarax ku haleelay Gobolka Shabellaha Hoose
Qaraxan oo ahaa miino waddada dhinaceeda lagu aasay ayaa si xun u waxyeelay gaari dad shacab ah la socde en, oo isugu kala gooshayay M/Marka iyo Degmada Qoryooley ee Gobo lka Shabellaha Hoose.
Gaariga oo noociisu Caasi ahaa ayaa dad rakaab ah ka qaaday Magaalada Marka, iyad oona uu ku sii jeeday Degmda Qoryooley.
Wararka ay aa sheegaya in gaarigu uu qaraxu qabsaday, mar uu marayay aagga beeraha Abiika row, oo ku yaa la inta u dhaxeyso Shalambood iyo Kabtan-laas.
Inta la xaqiijiyay lix qof ayaa ku dhintay qaraxa asi, halka laba iyo toban kalena ay ku dhaaw acm een.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in dha mmaan dadka qaraxaasi ku waxyeeloobay ay ra yid ahaayeen.
Dadka qaraxa ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah darawalkii gaariga, oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Shariif Cismaan (Cafiif).
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse maleeshiyada Al Shabaab ayaa inta badan sheegta qaraxyada ciidamada lagu la eegto gob olkaasi.
Dagaalka jabhadeynta ay Shabaabku dalka wadaan oo ay qayb ka yihiin qaraxy ada ayay wa xyeelo ka soo gaartaa dadka shacabka ah
.Kooxda Al-shabaab oo xayiraad kusoo rogt ay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud
Warar saacadahii lasoo dhaafay si weyn isu soo taraayay ayaa sheegaya in kooxda Al-sha baab ay xayiraad kusoo rogtay shirkada isgaarsi inta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ugu waa weyn dalka ee dhanka isgaarsiinta
. Xayiraada kooxda Al-shabaab ay kusoo rogtay shirkada Hor muud ayaa wararku sheegayaan iney salka ku hayso isfaham waa ku yimid amar kasoo baxay kooxda oo ay shir kaddu diiday iney fuliso.
Amarka khilaafka uu ka dhashay ee kasoo bax ay kooxda ayaa la sheegay inuu ahaa in shirkada Hormuud ay joojiso nida amka ay mushaarka ku qaataan ciidamada dowladda Soomaaliya ee Sala ama Bank oo ay ciidamada ku helaan taleefanad oo da, kaasoo shirkada Hormuud ay diiday iney joojiso.
Khilaafkaas kadib waxaa la tilmaamay in Ur urka Al-shabaab iney xayiraad ku soo rogaan ilaa 35 xarumood oo ay shirkadda Isgaarsiinta Hor muud ku leedahay qaar kamid ah gobolada dalka.
Si kastaba ha ahaatee ilaa hada ma jiro baya an rasmi ah oo kasoo baxay kooxda oo cadeyn aya wararkan la xariira in Shabaab ay xayiraad ku soo rogtay shirk ada isgaarsiinta Hormuud, hayee she wax aa xusid mudan in kooxda ay horay uga xayirtay deegaanada ay ka taliso dhaq dhaqaaqa gaadiidka shirkada.
Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya iyo shir kada isgaarsiinta Hormuud ilaa ha da kama aysan hadlin waxa ka jira wara rkaan sheegaya in Al-shabaab ay xayiraad kusoo rogtay shirkada isga arsiinta Hor muud Telecom.
Ciidamada dowladda oo howlgal kula wareeg ay degaano cusub
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo gacan ka helayay kuwa dadka deegaan ka ayaa Shalay howlgallo ka sameeyay deegaanno hoost aga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas ay ku sug naayeen dagaalamayaal katirs anaa Al Shabaab.
Howlgalka ay ciidanka xoogga iyo kuwa dadka deegaanka sameeyeen ayey ku gaa reen dee gaannada Maraay Suuleey, Hil owle Gaab, Ciid Kuus iyo Xusseen Cag eey oo hoostaga degm ada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandoo ska Gor gor Gaashaanle, Saahid Jaamac Faarax oo how lgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ciidama da bur buriyeen far rii simo dhowr ah oo Al Shab aab ku lahaay een deegaanna da ay howlgalka ka sam eeyeen.
Waxa uu sheegay taliyaha in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan Galgaduud ,waxa uu na xusay in ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ka goántahay sidii Al Shabaab looga saari lahaa degaa nada Galmudug.
Dowladad Federaalka Soomaaliya ay aa dha waan qorsheneysa fulinta howlg al ballaaran ay ku dooneyso in Al Shabaab lo oga saaro degmo oyinka Ceelbuur , Gal hareeri iyo deegaannada hoostaga oo si buuxda ugu jira gacanta Al Shabaab.
Mucaaradka Somaliland oo ka baaqday shir uu ugu yeedhay madaxweynuhu
Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa ka baaqday kulan lagaga hadla yay arrimaha doorashooyinka oo uu madaxwe ynuhu ugu yeedhay.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali War aabe, ayaa sheegay in kadib markii ay ka tashadeen cods iga madaxweynaha uga yi mid ay go'aansadeen in anay ka qayb galin kulanka.
"Wax Muuse uu anaga Shalay noogu yeedhaa ma jirto oo hadhay, ilaa iyo ma alintii uu yimid xuk unka, wixii ay Soma liland kusoo caano maashay, ee sharci ahayd, tanaasul iyo wadatashi wuu laa bay" ayuu yidhi Faysal.
Doorashada ururada ee dhawaan ay guddida doorashooyinku qorshaysay in ay kasoo horayso doorashada madaxtooyada ayuu ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, oo aan lahayn nidaam sha rci oo loo raaco, wuxuuna madaxweynaha ku eed eeyay in uu qorshaystay in aanu xukunka ka ta gin. "Wuxuu daraato usoo sameeyay digre eto doorasho oo aan sharcina ahayn, shar cigeediina aanu samaysnayn" ayuu yidhi Faysal isaga oo ka hadlaya digreeto uu madaxweynuhu 7 August ku meelmariyay jadwalkii doorashooyinka ee guddi da door ashooyinku soo saartay.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay kulan lagu dardargalin ayo qabsoom ida doorashada ururada la yeeshay ururada siyaa sada, kadib markii ay mucaaradku ka baaqdeen kulanka.
Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhii bay Ciidamada xoogga dalka
Maxamed Coloow Maxamed oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciida mada xoogga dalka Soomaali yeed ee gulufka da gaal ee ka dhan ah Al-Shabaab ka wada degaano katirsan Gob olka Galgaduud.War kasoo baxay dowladda Soomaa liya ayaa waxaa lagu sheegay in Maxamed uu sigaar ah isu gu soo dhiibay Ciidamada guutada Khaalid Bin Waliid kadib markii uu la soo xiriiray saraakiil kati rsan.
Maxamed Coloow Maxamed ayaa sheegay in inta uu ka tiranaa Al-Shabaab uu ku dhuumaale ysaneysay deeganada miyiga ah ee Gobolada Galgaduud, balse uu sheegay inuu u adkeysan waayey Gulufka culus ee Ciidanka xoogga ay ka wad aan Gobolka Galgaduud.
Waxaa uu ugu baaqay Saaxiibadiisa kala ee weli katirsan Al-Shabaab, inay isaga soo baxaan, isla markaana ay isku soo dhiibaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Saraakiisha Ciidamada guutada Kha alid Bin Waliid ee soo dhaweeyay Maxa med Coloow Max amed ayaa dhankooda sheegay inay soo dhawe yn doonaan xubin kasta ee kasoo baxda Al-Shabaab, isla markaana weli fursado badan ay heystaan.
Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay afd uu bkii ay jabhada buurta Gacan libaax ka gaysatay Oodweyne
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somalil and ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in muranka doorashooyinku uu sababay falalka jabhadaynta ah ee ka dhacaya Somaliland.
Faysal oo ka hadlayay afduubkii ay jabhada bu urta Gacanlibaax ka gaysatay deegaanka Dabag orayaale ee degmada Oodweyne, ayaa sheegay inay tahay bilow rabshadeed oo muranka do orashoo yinku sababeen.
"Dhacdada Shalay ka dhacday Dabagoroyaale waa bilow rabshadeed weeyi waa taan ka digayay, balaayo ma dax la qabto ayay leedehee dabo la qabto ma leh, cii damadii uu geeyay buurta ee la yidhi ka soo qaad hada wuu sii kordhiyay ayaa la yidhi" ayuu yidhi Faysal.
Waxa uu sheegay in doorasho aan lay sla ogo layni anay Somaliland ka dhici doo nin, isla mark aana ay beesha deegaan kiisu go'aansatay in an ay galin doorasho aan ahayn doorashada mada xtooyada. "Waxaan leeyahay Muuse wuu tasha day, reer Somaliland-now tashada, waar aynu um ad ahaan u tashano, waar dalka haynaga burbur inin waar Shalay xabad ayaa layskugu keen dhii bayaa" ay uu yidhi Faysal.
Jabhada buurta Gacanlibaax oo falal afduuba gaysatay marar kala duwan, ayaa ka dhalatay mu ranka wali ka taagaan doora shooyinka ee u dhex eeya mucaar adka iyo muxaafadka.
Dowlada Kenya oo wadahadalo la bilaw day mucaaradkeeda.
Dowladda Kenya ayaa bilowday wada hadal ay la gasho mucaaradka si ay isku daydo in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed oo keenay dibadba xyo rabshado wata oo ka dhashay qiimaha ma cii shada oo aad u sarreeya, waxaana lagu baa qay in isbedel lagu sam eeyo doorashada.
Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, ay aa soo abaabulay dibad baxyadii ugu dambeyay.
sarakiisha ayaa sheeg ay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen iska hor imaad dhexma ray ciidam ada ammaanka iyo dibadbaxayaal. Laakiin kuwa dadka u dhaqdhaq aaqa ayaa sheeg aya in tirada ay intaa aad uga badan tahay. Rabshadah aasi ayaa qeylo dhaan ka dhaliyay gudaha iyo dibadda, waxaana lagu ba aqay in la dhexdhexaa diyo si meesha looga saaro xiisadda taagan.
ALTEESO IYO DADKII KALE EE MARKA AY KA DEGEEN SOMALILAND LA XIRAY
Wararka aanu ka heleyno Magaalada Hargeysa ee jamhuuriyadda goonni isu taaggeeda ku dha waaqday ee Somaliland ayaa sheegaya in Habeen hore halkaas lagu xi ray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Idiris Alteeso, kaas oo kamid ah dadka wax ku soo qora ba raha bulshada gaar ahaanna Facebook-ga.
Wiilkan ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaab ay, xilli uu ku sugnaa hoteel ku yaalla xaafadda Jigjiga yar. Idiris wuxuu kamid yahay dhalinyarada qoraallada kala duwan soo dhiga baraha bulshada, balse ilaa hadda ma cadda in sababta loo xiray ay la xirriirto qoraallada uu soo dhigo bartiisa Facebook-ga.
Booliiska Somaliland ayaan war kasoo saarin sababta loo xiray.
Idiris uguma horreeyo dadka caanka ah ee lagu xiray Somaliland, isla markaana xariggoodu uu had alheynta badan dhali yay.
Waxaa sidoo kale ka mid ah: Cumar Seerbiya
Qoraalka sawirka, Cumar Seerbiya
Bishii June ee sanadkii hore ayaa Cum ar Xasan Seerbiya oo ka mid ah weriyeyaasha Soomaalida, gaar aha anna ka hadla arrimaha fanka ayaa she egay in lagu xiray garoonka Hargaysa oo uu markaas ka dagay.
Ma uusan sheegin sababta, balse farriin uu soo dhigay degelkiisa Facebook ayuu ku sheegay in la xiray.
Cumar ayaa ka hawlgala talefishinka Astaan ee magaalada Muqdisho, isaga oo daadihiya barnaam ijyada fanka, wuxuuna dhowaan qorey buug ka hadlaya fanka Soomaaliya.
XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL
Bishii Oktoobar ee sanadkii 2020 waxaa magaalada Burco ee Somaliland lagu xiray fannaanka Maxamed Cabdi Cabdullaahi (Qamar Suugaani).
Fanaanka ayaa inta uusan ku laaban Hargeysa ku sugnaa magaalada Muqd isho, isaga oo bandhigo faneed dhowr ah ku qabtay. Laamaha amniga Somali land kama aysan hadlin sababaha ay u xireen fannaanka Qamar Suugaani.
Fanaanka oo dhowaan tegay Hargeysa kaddib muddo uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee caas imadda Kenya, ayaa waxaa soo baxay warar shee gaya in mar kale la xiray xilli uu ku sugnaan garo onka Cigaal ee Hargeysa.
Hase yeeshee, maamulka garoonka ayaa BBC-da u xaqiijiyay inaan la xirin fannaanka, balse saacado kooban uu ku sugnaa garoonka.
Abwaan Ilig
AbwaanBishii December ee sanadkii 2021 booliska Jahmuuriyadda iske ed ugu dhawaaqday mada xbanaa nida ee Somaliland ay aa xabsiga u taxaabay nin dhal inyaro ah oo abw aan ah oo lagu magacaabo Idiris Siciid Ma xamed (Ilig). Wararka qaar waxay shee gayaan in abwaan ka loo xiray riwaayad ay jileen oo lagu magacaabo 'Ruwaay adda Xaaji Dicin iyo Xuku umadda'Hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay xiritaanka abwaanka, guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa cambaareeyay xilligaas.
"Waxaan halkan ka cambaareynayaa xarigga dhal inyaradii sheekadii qosolka sameysay ee matale ysay dowlad aan waxbo qaban laakiin inamo yar yar oo dhalinyaro ah oo sameeyay riwaayad qosol ah marka la yiraahdo waa la xiray marka xoriyatul qo wlkii baa meel kaha dhaceynaa" ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo la hadlayay warbaahinta.
Wuxuu ugu baaqay madaxweynaha in lasoo da ayo abwaanka la xiray.
Idris Siciid Maxamed ayaa barta TikTok kusoo ban dhiga maansooyinka Somalida.
Bilaal Bulshaawi
Somaliland Sanadkii 2020 ayaa waxaa Hargeysa lagu xiray Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaa nna Tiktok.
Xariggiisa ayaa dhaliyay hadalheyn badan, iyadoo ay soo baxeen baaqyo badan oo ku aaddan sii deyntiisa.
wasiirka arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Som aliland, Maxa med Kaahin Axmed ayaa sheegay inuu aqbalay codsiyada ah in la sii daayo Bilaal Bul shaawi oo loo yaqaanno Madaweynaha TikTok.
Qaar ka mid ah dad ka soo qeyb galay munaa sabad ka dhacday magaalada Hargeysa xilligaas oo billad sharaf lagu guddoonsiinayay duuliye hore Axm ed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) oo la sheegay inuu diiday in diyaarad uu waday ay duqeyso Har geysa sanadkii 1988, ayaa ugu baaqay dowladda Somaliland inay sii daayaan wiilkaas.
Wasiirka oo isagana munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aqbalay codsiyada loo soo jeed iyay, ayna arrinta wiilkaas tallaabo ka qaadi doo naan.
Muuqaal laga soo duubay qoyska Bilaal ayaa wax ay sidoo kale codsi ugu gudbiyeen Somaliland inay sii deyso wiilkooda.
Booliiska ayaa sheegay in Bilaal loo xiray muuq aal uu iska soo duubay isaga oo shaah ku midab eysan calanka Soomaaliya ku cabaya maqaayad ku taalla Hargeysa.
Ajakis Ajakis Qoraalka sawirka,
Allaha u naxariistee majaajil iistihii Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) ayaa ka mid ah dadka aadka loo xusuusto ee lagu xiray garoonka Hargeysa.
Sanadkii 2017 ayaa Ajakis laga qabtay garoonka Hargeysa, waxaana markii dambe dib loogu soo cel iyay magaalada Muqdisho oo uu ka yimid, waxaana la sheegay uu uga sii gudbi lahaa Dowlad Deeg aanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Ajakis oo markii uu magaalada Muqdisho ku soo laabtay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sida uu hadalka u dhigay lagu eedeeyay in uu aflagaaddo ku geystay madaxweynihii xilligaas ee Somaliland.
XIGASHO:-BBC
Somaliland: Jabhada buurta Gacanlib aax oo afduub ka gaysatay deegaanka Oodweyne
Jabhadii dhawaan gashay buurta Gacanlibaax ee gobolka Saaxil ee Soma liland, ayaa Shalay 2 baabuur iyo nin ka afduubtay deegaanka Daba-gorayaale ee degmada Oodweyne ee gobolka Togdheer. Sida uu qof goob-jooge ahi u xaqiijiyay Bakayle Media jabhada ayaa Shalay weerar kusoo qaaday deegaanka Daba-gorayaale oo dhaca xuduudka Somaliland iyo Itoo biya, iyaa ka hor intay anay afduubka gay say qoryihii xoog kaga qaatay booliiskii deegaanka.
"7:00dii subaxnimo waxa noo yimid cii dan uu Oofwareen wato, saldhigii iyo kast amkii ayay weerareen oo nimankii joogay ayay qoryihii ka qaadeen intay rasaas ku bilaabeen" ayuu goobjooguhu u sheegay Bakayle media.
Waxa uu sheegay in kadib markii ay askarta hubka kala wareegeen ay afduub u gaysteen laba baabuur oo ay lahayd hay 'adda miino baadhista ee Hello Trust, iyo dirawal hay'adda u shaqaynayay.
"Ka dib xaga hay'ada Hello Trust ayay u kaceen oo gaadhigii yara ayay kaxaysteen, hadana xeradii ayay galeen oo gaadhigii waynaa yay kexaysteen, iyo ninkii baabuur ka waday, Axmed Aadan Cumar ayaa la yidhaa" ayuu yidhi.
Goobjoogaha ayaa intaa ku daray in taliyaha watay jabhada oo ku magacdheer Oofwareen uu bulshada deegaanka u sheegay in anay bixin cashuurta.
Dhawaan ayay isla jabhadani afduub u gaysteen 8 qof oo iskugu jira saraakiil ciidan iyo odayaal isku dayay in ay la hadlaan, oo ku qanciyaan in ay hubka dhigaan lakiin markii danbe way soo daayeen
Dab Xooggan oo ka kacay Keymaha Boortaqiiska
Ciidamada dab-damiska Boortaqiiska ayaa la tacaalaya sidii ay u xakamayn laha ayeen dab ka holcaya kumanaan hek tar xilli heerkulku cirka iskusii shareerayo.
Ku dhawaad 800 oo shaqaale ah ayaa ka qaybgalay deminta dab ka kacay meel u dhow magaalada koonfureed ee Ode mira habeenimadii Isniinta, iyadoo in ka badan 1,400 oo qof ay ku qasbana adeen inay barakacaan.
Ugu yaraan sagaal dab-damis ayaa ku dhaawacmay la tacaalida dabka. Heerku lka ka sarreeya 40C (104F) ayaa la filayaa inuu ka dhaco inta badan jasiiradda Iberia toddobaadkan.
Saddex dab oo waaweyn oo gubay boqollaal hektar oo ku yaal Spain dham maadkii isbuucii hore ayaa la xakameeyay, laakiin digniinaha cimilada ayaa weli ka jira dalka intiisa badan.
Dhul gariir khasaaro geystay oo ka dhacay dalka Tanzania
Waxa Habeen hore Dhul-gariir uu ka dhacay Deegaan 33 KM dhanka K/Bari kaga too san Degmadda Ikungi ee Gobalka Singida ee dalka Tanzania, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.
Dhul-gariirka Halbeegiisu waxa uu ahaa 5.5 Richter Scale, lamana soo shee gin dad wax ku noqday, inkastoo uu jiro burbur soo gaaray qaar ka mid ah Dhism ooyinka.
Dadka ku nool Deegaanka uu Dhul-gariirku ka dhacay ayaa sheegay inay bur bur soo gaareen Muraayadaha Daaqadaha iyo Khaanadaha oo soo wada daatay. Dhanka kale, Dhul-gariirka wax aa laga dareemay Deegaanada iyo Degmooyi n ka kala ah:Puma,Itigi, Mungaa, Mtinko&Dodoma.
MAXAA KA JIRA IN GOOBAHA CILAAJ YADA 'LAGU FARAXUMEEYO' HAWEE NKA?
SudanAdduun qarsoon oo xadgudubyo jinsi iyo dhiig-miirasho ay ku kacaan rag sida ay sheegtaan ku shaqeeya ‘daaweynta ruuxiga ama cilaajyada’ " ayaa ay dhawaan daaha ka qaadday BBC-da qaybte eda Carabida.
Baanashada ruuxiga ah, oo si doo kale loo yaq aan "isku daaw eynta Qur'aanka ",waa dhaqan ca an ka ah Carab ta iyo Dunida Muslimka. Inta badan dumarka ayaa ah kuwa soo booqda dadka daaweeyntaas ku shaqaysta -iyagoo aaminsan in ay ka xallin karaan mashaakilaadka haysta ee bada naa ku aroora ‘shaydaanka’.
Kuwaas oo iyaguna ka saaraya jinka qofka ku jira, sida ay ku andacoodaan.
Dhibbanayaal gaadhaya 85 haween ah oo ay BBC-du soo ururisay muddo ka badan sannad ayaa lagu dabagalay ‘daaweeyeyaal’ 65 qof ah oo ku kala nool Marooko iyo Suudaan - waa labada waddan oo hab daaweynta noocan ah aadka looga jecel yahay. Waxaana ragga shaqadaa qabtaa badanaa lagu eedeeyaa kufsi, handedaad, iyo xadgudubyo kale.
Waxay BBC-du bilihii u danbeeyey ka shaqayna ysay la hadalka NGO-yo, maxkamado, qareenno iyo haween, intii lagu gudo jirey aruurinta iyo xaqiijinta sheekooyinka xadgudubyada ee ka dhaca goobaha as soomaalidu u taqaan cilaajyada. Wariye qarsoon oo lagu daawe eyay mid ka mid ah goobahaas, si aannu indhahayga ugu aragno waxa ka dhacata me elahaas ayaa lafteeda si aan habooneyn loo taabtay ka hor inta aysan ka baxsan goobtii.
Dalal (ma aha magaceeda dhabta ah) waxa ay xilli ay niyad jabsanayd daaweyn ka raadsatay daaw eeyaha ruuxiga ah ee ku nool magaalo u dhow Cas ablanca dhawr sano ka hor, markaas oo jirtey da’a adda 20-meeyada. Waxay sheegtay in daaweeyaha uu u sheegay in niyad-jabka uu ka dhashay "Jin je cel" oo ay u afduuban tahay.
Kulamadii ay yeesheen mid ka mid ah ayaa wa xa uu ka codsaday in ay uriso udgoon uu sheegay in uu yahay Miski- balse ay hadda aaminsan tahay in uu ahaa nooc ka mid ah daroogooyinka,
sababtoo ah way miyir doorsoontay.
Dalal oo aan horay u soo marin wax galmo ah ay aa sheegtay in ay soo toostay xilli danbe iyada oo dharkeedii hoose laga bixiyey, ayna xaqiiqsatay in la kufsaday.
Waxay sheegtay markii ay bilowday inay ku qayl iso ninkii sidaa falay (daawe eyihii Quraanka), iya doo waydiinaysa waxa uu ku sameeyay.
"Waxaan ku idhi: Maxaad sidan iigu samaysay?" Wuxuu iigu jawaabay – in jinku jidhkaaga ka baxo.
Waxa ay sheegtay in aysan ci dna u sheegin wixii maalintaas dhacay, maaddaama ay aad uga xishoon jirtay, isla marka ana ay hubtay in lagu eedeyn doono. Waxaase xaa lku isku beddelay markii ay ogaatay dhawr toddob aad ka dib inay uur leedahay, way argagaxday.
Xataa waxay ku fikirtay inay nafta iska qaaddo.
Markii ay u sheegtay daawooyinkii uurka ku jiray, waxa uu ugu jawaabay malaha jinku wuu uureeyay. Dalal waxa ay sheegtay in ay aad uga naxday wa ayo aragnimada ay la kulantay,taas oo keentay in markii ubadkeeda dhashay ay diiday in ay eegto oo ay qabato ama xataa ay magac u bixiso oo ay u dhiibtay in ay korsato.Qaar badan oo ka mid ah haweenka aan la had alnay ayaa sheegay in ay ka baqayaan in iyaga lafto oda lagu eedeeyo haddii ay soo sheegaan xadgu dubyada loo geysto, sidaas darteedna tiro aad u yar ayaa qoysaskooda u sheegay, iska daa booliiska’e.
Qaar ayaa sheegay in ay sidoo kale ka walaac san yihiin in haddii la sheego waxa dhacay ay keeni karto in jinku uu ka aargoosto.
Dalka Suudaan, haweenay lagu magac aabo Sa wsan ayaa noo sheegtay in markii guursaday gab adh labaad - sida ayu bannaysay shareecadu ( shar eecada Islaa mka ) – Waxa ay la kulantay xaalad ad ag, taas oo gaadhsiisan heer ay dhakhtar u tagto si ay u caawimo u raadsato. Waxa ay sheegtay in ay rajaynayso in uu ninkeeda siiyo nooc daawo ka dhigi karta in uu yada si wanaagsan ula dhaqmo ama u jajabnaado
Laakiin may filaynin daawaynta uu soo jeediyay.
Qoraalka sawirka,
Sheekh Ibraahim
"Wuxuu ii sheegay inuu ila galmoodo oo uu isticmaalo dareeraha jidhkayga ka iman aya si uu uga sameeyo daawo aan ku quu diyo nink eyga."
"Waxaana xilliga uu taladaas soo jeed in ayey u uku kalsoo naa in aan cidna u shee gayn, ninkay ga, booliska iyo cid kale toon na” ayay sii raacisay
Sawsan waxa ay sheegtay in halkii ay kaga kac day oo aanay dib ugu soo noqon ninki iyo goobtiiba.
Saddex ka mid ah 50 haween ah oo aan Suuda an kala hadalnay kuwaas oo ka hadlayey xadgudub ka ay la kulmeen, waxa ay isku mid u sheegeen oo soo noqnoqday qof ay ku magacaabeen Shiikh Ibr aahim, oo hoggaamiye diimeed oo ka mida dadka hawlahaa ku shaqaysta.
BBC ayaa Sheekh Ibraahim wax ka weydiisay waxa lagu eedeeyey. Wuxuu beeniyay inuu faraxum eeyay ama uu wax geeystay wax haween ah, ee kel iya uu isku dayo in nuu caawiyo, wuxuuna si lama fil aan ah u soo afjaray waraysigayagii.
Waxaa se raggaas ka duwan oo shaqo beddel u ah tooda halista badan haysa una samaysa dumar ka u baahan daawaynta nafsadeed, Shiikh Faadum.
Waxaan la xidhiidhnay mas'uuliyiinta siyaasadda ee Marooko iyo Suudaan laba daba annaga oo tus ayna caddaymaha aannu soo ururinnay.
Suudaan, Dr Alaa Abu Zeid, oo ah mad axa qoys ka iyo waaxda bulshada ee Wasa aradda Arrimaha Islaamka, ayaa markii hore ka cago jiiday in uu rumaysto in du mar badan ay noo soo sheegeen in ay la kulmeen xadgudubyo. Laakiin waxa uu qirtay in sharci la'aanta goobaha cilaajyada ahi jirto ayna ‘hawl fawdo ah’ sida oo kal ena ay tahay "xirfad ay ka shaqeeyeen kuwa aan shaqo haysan’ .
Waxa uu BBC-da u sheegay in xaalad dan uu ho re u arkay, balse xasillooni darr ada guud ee dalka ka jirta aanay hawshani imika u ahayn waxyaalaha mudnaanta leh.
Marooko, Wasiirka Arrimaha Islaamka Axmed Tu fiq ayaa sheegay in aanu rumay snayn in loo baahan yahay sharci gaar ah oo khuseeya daawoyinka ruux iga ah.
"Way adag tahay in si sharci ah loo soo farageliyo arrimahan, xalku wuxuu ku jiraa waxbarashada diin ta iyo wacdiga,” ayuu noo sheegay.
In kasta oo dhammaan caddaymaha aanu urur inay aannu tusnay, masuuliyiinta Morocco iyo Sudan way ka caga jiideen inay tallaabo qaadaan.
Taas oo ka dhigan in dumarkaasi xaalad adag wejahayn, xilli ay kuwii danbigaasi ku dhuumanaya an xirfadda ‘isku daaweynta diinta ama ruuxigaa’.
XIGASHO:-BBC
Magaalada Omdurman Oo Laga Raadin ayo Dadka Xabaalaha Qoda Kadib Mar kii Meydadka La Aasi Waayay
Magaalada Omdurman ee mataanaha la ah caasimada dalka Sudan ayaa waxaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay hareeyay duqeymo xagga cirka ah iyo dagaallo culus, iyadoo uu sii xoogeysa nayo colaadda u dhaxeysa ciidamada dow lada iyo ciidamada RSF.
Dagaalka oo galay bis hii Shanaad ayaa wax aa baraha bulshada labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu soo bandhiga yay baaqyo la xiriira in loo baahan yahay dadka xabaalaha qoda maadaama meydadka ay buux dhaafiyeen magaalada Omdurmaan.
Wararka ayaa sheegaya in meydadka ay buux dhaafiyeen magaalada iyadoo ba mbooyinka xag ga sare laga soo tuurayo & firirka & rasaasta hee rka dhulka ah ay ku dhacayeen dadka rayidka ah.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in mey dadka lagu aasayo xabaalo wadare edyo maada ama aysan dadku heli karin wax xabaalaha qoda.
Dad ku sugan isbitaalka kaliya ee ka shaqeeya Omdurman ayaa sheegay in 33 qof oo rayid ah la dilay tan iyo Isniintii, markaasoo iskahorimaadku u muuqday mid waji cusub galay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaal kan uu yahay kii ugu xooganaa tan iyo markii uu daga alka bilowday bishii April.
Ciidanka dowlada oo isku dayaya in ay ka saar aan ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ee ku sugan qeybo ka mid ah Omd urman, ayaa duqeyn cirka iyo dhulkaba ah ku garaacayay magaalada.
Waxay isku dayayaan inay gacanta ku dhig aan buundada muhiimka ah ee mara wabiga Niil, ee isku xira Omdurm an iyo Khartoum Nor th, oo ay RSF istic maasho.
Weerar madaafiic ah oo habeenkii Talaad ada lagu qaaday galbeedka Omdurman ayaa sababay dhimashada laba qof oo rayid ah iyo dhaawaca tiro kale.
Waxa kale oo ay keentay qax cusub oo dad ba dan oo rayid ah lagu arkay iyagoo saaran basas yar-yar, qaarkood waxay ku sii jeedaan waq ooyiga Omdurman, halkaas kuwa kalana ay ka baxayeen gebi ahaanba caasimada.
Waxaa jira weli isku dayo caalami ah oo lagu doonayo in labada dhinac ay wada hadlaan balse lama hubo in in taliyaha ciidamada Gen Abdel Fat tah al-Burhan ama madaxa RSF Mohamed Hamd an Dagalo oo loo yaqaano Hemedti ay diyaar u yihiin in ay wadahadlaan.
UNHCR waxay sheegtay in ugu yaraan afar milyan oo qof ay ku barokaceen, oo ay ku jiraan in ka badan 900,000 oo u qaxay dalalka deriska ah oo ay horay ula daalaa dhacayeen colaado iyo dhibaatooyin dhaqaale.
Tiradii ugu badnayd – in ka badan 377,000 – ayaa u qaxay Chad iyagoo ka soo qaxay galbeed ka Sudan ee gobolka Darfur, halkaas oo goob-joo gayaal ay ku eedeeyeen maleeshiyaad carbeed oo taabacsan RSF-ta inay mas’uul ka yihiin mow jadaha weerarrada isir ahaan lala beegsanayo ee ka dhanka ah kooxaha aan Carabta ahayn.


0 



HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEW2SPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10-KA AGOOSTO 2013-KA
..