Haween lagu qabtay gaari siday qaraxyo oo la geeyay maxkamadda ciidamada

0
Tuesday August 08, 2023 - 11:21:12 in Wararka by
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haween lagu qabtay gaari siday qaraxyo oo la geeyay maxkamadda ciidamada

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa maanta la horgeeyay afar haween ah oo ah xaasaska Al-Shabaab, isla-markaana loo haysto kiis xasaasi ah oo ku aadan inay wadeen gaari siday walxaha laga far sameeyo qaraxyada.

Afarta haween ayaa waxaa lagu kala magacaabaa 1-Caasho Muxudiin Maxamuud, 2-Khadra Maxamed Ciise, 3-Naciimo Faarax Sheekh Doon, 4-Sahra Xuseen Ciise.

Haweenkan ayaa la qabtay 21-kii April ee sanadkan 2023-ka, xilli ay kasoo laabteen deegaanka Kunyo-barrow oo ay ugu tageen raggooda oo ka tirsan Al-Shabaab, waxay xilligaas kusoo dhaceen bar-koontarool oo ku taalla deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay joogeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka.

 

Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen haweenkan ayaa laga helay agabka laga sameeyo qaraxyada, sida moobeelo, diinamooyinka dabka dhaliyo, biro iyo fiilooyin.

Sidoo kale waxaa haweenka lala qabtay darawalkii gaariga ku waday iyo ninkii iska lahaa baabuurkaas oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Caasho Muxudiin oo ka hor hadashay maxkamadda ayaa qiratay inay Kunyo-barrow ugu tegtay ninkeeda oo Al-Shabaab ah, isla-markaana la qabtay soo laabashadeeda.

 

"Inaan Kunyo-barrow tegay ninka i qabo oo joogo ayaan ugu tegay kana soo laabtay, aniga Al-Shabaab ma’ihi isaga ayaa ah, kuna guursan Al-Shabaab ahaan, isaga oo i qaba ayuu noqday” ayay tiri Caasho Muxudiin Maxamed oo kasoo muuqatay maxkamadda ciidanka.

Sahra Xuseen Ciise oo ku jirta afarta haween ee kasoo muuqday maxkamadda ayaa iyadu tiri "Marna wuu imaadaa marna uu baxaa ninkeyga, mana aqaano meel uu ka shaqeeyo”

 

Baaraha kiiskan ee maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa isna goobta ku soo bandhigay agabka kala duwan ee lagu qabtay gaariga siday walxaha qarxa.

"Gaariga Layla Calaawiga ah qalabka saarnaa wuxuu ahaa 69 moobeel oo niiclayaal ah, siddeed xirmo isteeg oo koola maastaro ah, 7 kashawiito, 5 bokis oo kaloofis ah oo marka waxyaabahaas la sameyn lahaa gacmaha la gashan lahaa ah, mid kamid diinamooyinka dabka dhaliya, biro iyo fiilooyin yar yar” ayuu yiri baaraha kiiska.

Dhanka kale darawalka gaariga oo lagu magacaabo Yuusuf Cali Nuune ayaa ku dooday in qalabkan uu usoo dhiibay nin dulaal ah, isla-markaana uusan ogeyn inuu qarax ahaa.

 

"Waxaa alaabta kasoo qaaday Kunyo-barrow dulaal ayaana isoo saaray, 5 dollar lacag ah ayaana ku waday” ayuu ku dooday darawalka gaariga.

Intaas kadib xeer ilaalinta ayaa ka dabatay maxkamadda ciidamada in afarta haween loo ciqaabo marin habaabinta ay sameeyeen iyo qarinta qaraxa loo soo dhiibay, halka darawalkana ay dalbatay in laga qaado tallaabo ku aadan u adeegidda kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga, wuxuuna shaaca ka qaaday in maxkamadu ay dib kasoo sheegi doonto go’aanka ka dhanka ah eedeysanayaasha.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip