Muxuu yahay hawlgalka ka dhanka ah ajaaniibta ee ka socda Turkiga?

0
Sunday August 06, 2023 - 21:10:00 in Wararka by
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu yahay hawlgalka ka dhanka ah ajaaniibta ee ka socda Turkiga?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Suuriyaanka ayaa bilaabay in ay ku laabtaan dalkooda.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Wixii ka dambeeyay doorashadii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan dib loogu doortay sannadkan, Turkiga ayaa qaaday hawlgallo ballaadhan oo uu wax kaga qabanayo dhibaatooyinka soo galootiga ee ragaadiyay dalkaasi muddo sannado ah.

Iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka soo galootiga ah ee magangelyo doonka ah ee dalkiisa ku sugan, Turkiga ayaa dhaqan-geliyay siyaasad lagu tarxiili karo dadka ajanabiga ah, taasi oo jawaabo kala duwan ay ka bixiyeen bulshada gudaha iyo tan dibadda.

Kaddib markii uu ka soo laabtay shirkii NATO ee ka dhacay Lithuania, Madaxweyne Erdogan iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha ayaa ku baaqay in la joogo wakhtigii Turkigu qiimayn ku samayn lahaa dadka magangelyo doonka ah iyo guud ahaan ajaaniibta ku nool Turkiga.

Hadalka Erdogan ayaa xoojiyay dareenka guud ee dadka dalkaasi oo iyagu si weyn ula dhacsanaa xakameynta dadka soogalootiga ah.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa intii lagu gudo jiray doorashadii May ee sanadkan ka dhacday Turkiga waajahay mucaaradad badan iyo culays siyaasadeed oo kaga imanaya hoggaamiyaha mucaaradka Kılıçdaroğl, taas oo la xidhiidha siyaasadda dadka ajaaniibta ah ee Turkiga soo galay intii uu Erdogan xafiiska joogay.

Sida laga soo xigtay xogtii ugu danbaysay ee laga helayo Madaxtooyada Turkiga ee laanta Maareynta Socdaalka (PMM), in ka badan 5.1 milyan oo ajanabi ah ayaa ku sugan Turkiga, 3.8 milyan oo ka mid ah dadkan ayaa raadinaya magangelyo caalami ah. Badankoodu waa Suuriyaan (3,435,298 qof) kuwaas oo la siiyay heerka ilaalinta ku meelgaadhka ah. Waddamo ay ka mid yihiin Ciraaq, Afgaanistaan iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Soomaliya ayaa sidoo kale muwaadiniintoodu kamid yihiin dadka ajanabi ah ee uu dalkaasi la ciirciirayo.

Dhibaatada Soogalootiga Turkiga

QAXOOTIGA SUURIYA

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Turkiga oo ku yaalla halka ay iska galaan qaaradaha Yurub iyo Aasiya, ayaa muddo dheer xuddun u ahaa muhaajiriinta iyo qaxootiga doonaya inay nolol wanaagsan ka helaan Yurub. U dhawaanshiyaha juqraafiyeed iyo xudduudaha xad-dhaafka ah ayaa ka dhigay waddan ay sii maraan shakhsiyaadka ka soo cararaya dalalka dagaalladu aafeeyeen, xasillooni darro siyaasadeed, dhaqaale xumo ka jirta waddamada deriska ah sida Suuriya, Ciraaq, Afgaanistaan, iyo Iiraan. Sidaas darteed, Turkigu waxa uu qaabiley malaayiin muhaajiriin ah sannadihii la soo dhaafay, taas oo culeys weyn saartay khyraadka iyo kaabayaasha bulshada ee dalkaas.

Kaddib doorashadii Erdogan ee dhacday horaantii sannadkan, dowladda Turkiga ayaa qaaday tallaabooyin adag oo wax lagaga qabanayo dadka soo galootiga ah ee mar walba sii kordhaya. Madaxweyne Erdogan iyo Xisbigiisa, Caddaaladda iyo Horumarka (AKP), ayaa ku adkaystay in siyaasadda masaafurinta looga dan leeyahay in la yareeyo culayska saaran dhaqaalaha iyo bulshada Turkiga.

Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Turkiga bishii Luulyo, siyaasadda musaafurinta ayaa inta badan lagu bartilmaameedsan doonaa muhaajiriinta sida sharci darada ah ku soo galay dalka ee aan loo aqoonsan qaxootinimo iyo kuwa aan haysan deganaashiyaha kala duwan ee dalka. Dadkan ayaa loo arkaa inay culays ku yihiin khayraadka dalka, waxaana loo arkaa inay ka qayb qaadanayaan kor u kaca heerka shaqo la’aanta iyo hoy la’aanta ee goballada kala duwan ee dalka.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ika jawaabaysa cadaadisyadaas, ay qaadi doonto tallaabooyin lagama maarmaan u ah ilaalinta daryeelka muwaadiniinteeda iyo in la ogaado kuwa sida shuruucda waafaqsan ku dalbaday dal ku jooga Turkiga.

"Waxaa naga go'an inaan xakameyno gacmaha wasakheysan ee soo gaadhaya Turkiga"

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga oo sita Sawirka Carruur Qaxooti Suuriyaan ah oo doonayay inay gaaraan Galbeedka Yurub.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo ka qayb galay xafladda qalin-jabinta dugisyada farsamada gacanta ee booliska ee Gölbaşı ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka go’an tahay in ay jebiyaan gacmaha wasakhaysan ee soo gaadhaya Turkiga meel kasta oo ay joogaan, iyo in gabi ahaanba laga saaro dalka ururrada argagixisada ah ee khatarta ku ah jiritaankooda.

Waxaa kale oo uu Erdogan sheegay in ay muhiim tahay in Turkigu uu ka takhaluso aafooyinka kaabayaasha bulshada kasoo gaadha magangelyo doonka sharci darrada ah.

"Ilaa 36 kun oo tahriibayaal ah ayaa la qabtay, 16 kun oo ka mid ah ayaa la tarxiilay, Inta soo hadhayna waxaa hawshooda ku gudo jira laamaha ammaanka sidii lagu xaqiijin lahaa. Waxaan rajeynayaa arrintan in ay dhamaato; Waxaanu qaadi doonaa tallaabooyin waafaqsan dhaqankeena, caqiidadeena, sharcigayaga iyo sinnaantayada,” ayuu yidhi Erdogan mar uu ka hadlayay dadka magangelyo-doonka ah.

"Waxaynu nahay ummad gob ah oo soo dhawaysay kuwii dhibka soo maray, kuwii la dulmay taariikhda. Waxaan sidan samaynay markii walaalaheen Ciraaq la dhibaateeyay sagaashamaadkii. Waxaan sidan yeelnay markii deriskayaga Suuriya ay gabbaad nooga soo galeen colaadaha.

Kuma habboona inaan u janjeedhno afkaarta shisheeye nacaybka ee khatarta ku ah dadkeenna. Halkan khadkayagu aad buu u cad yahay, nabadgelyadayadana gorgortan ka geli mayno, shacabkeena dhib ma gelinayno.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Erdogan.

Dhaleecaynta iyo walaacyada xuquuqda aadanaha

Inkasta oo ay jirto sababta dawladda Turkigu, haddana dadka dhaleeceeya waxay ku doodayaan in siyaasadda masaafurinta ay kor u qaadayso walaacyo halis ah oo dhinaca xuquuqda aadanaha ah. Hay'adaha xuquuqul insaanka ayaa ka dhawaajiyay walaac ku saabsan suurtagalnimada takoorka, isir soocidda, iyo nidaam la'aanta sharciga ee dacwadaha masaafurinta. Waxay ku andacoonayaan in siyaasadahani ay horseedi karaan in shakhsiyaadka si qasab ah loogu celiyo dalalkooda, halkaas oo ay la kulmi karaan cadaadis, rabshado, ama xitaa dhimasho.

Waxaa intaa dheer, dadka shakiga qaba waxay u arkaan tallaabooyinka masaafurinta inay tahay isku-day uu madaxweyne Erdogan ku doonayo inuu ku xoojiyo awooddiisa si uu taageero dheeraad ah uga helo cod-bixiyayaasha gaar ahaan codbixiyayaasha mucaaradka ah.

Qorshaha dowladda ee la xidhiidha masaafurinta dadka magangelyo-doonka ah ayaa dab ku sii shidday doodaha siyaasadeed ee ku xeeran socdaalka, xuquuqul insaanka, iyo dimoqraadiyada gudaha Turkiga.

Ajaaniibta Tukriga tegayay oo Soomaaliduna ay ka mid tahay ayaa qayb ka ahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Tukriga oo ku sallaysnayd in dalka Turkigu uu yahay dal taariikh fog leh, oo dalalka deriska la ah iyo kuwa Muslimiinta iyo dalalka kale ee caalamkaba ay xidhiidh qoto-dheer la leh oo ay tahay in kuwooda masaakiinta ay Tukriga yimaadaan kana shaqaystaan.

Dalka Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay noqday meel ay ardayda Soomaalidu u raadsadaan waxbarashada gaar ahaan jaamacadaha.

Qaar ka mid ah jaamacadaha Turkiga ayaa waxay deeqo waxbarsho u fidiyeen kumannaan arday Soomaliyeed ah.

Walaaca Soomalida ku nool Turkiga

Dabaal dagyo ka dhacay Soomaaliya xili Madaxweynaha Turkiga uu hogaaminayay doorashada

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Dr Cabdicasiis Cawil Maxamuud oo ah guddoomiyaha hay’adda SOMYED oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha Soomalida Turkiga oo aanu wax ka weydiinay hawlgalka ka dhanka ah magangelyo-doonka ah ayaa sheegay in uu yahay mid ay Soomalida Turkigu aad ugu walaacsan yihiin. "Inkasta oo olalahan aanu gaar u ahayn Soomaliya oo uu yahay mid lagu dhimayo dhammaan ajaaniibta bilaa sharciga ah, haddana waxaa jirta cabsi xooggan oo soo wajahday dadkii deganaashaha haystay iyo dadkii ganacsiga ku haysta wadanka Turkiga” ayuu yidhi Dr. Cabdicasiis Cawil Maxamuud.

"Waxaa lagu geyn karaa saldhigga laamaha ammaanka adiga oo haysta sharcigaaga, waana arrin ay dadku aad isu weydinayaan” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Hawlgalkaan ayaa saameeyay ganacsiga Soomalida Turkiga kaddib markii laamaha ammaanku ay si joogta ah u booqdeen xarumahooda sida uu BBC-da u sheegay mid kamid ah ganacsatada Soomalida ah ee Turkiga.

"Waxaa hoos u dhac ku yimid dadkii soo booqan jiray maqaaxiyaha ee dhalinyarada u badnaa, waxa ugu badan waa in laamaha ammaanku ay si joogta ah u yimaadaan xarumaha gacansiga isla markaana ay baadhaan sharciyadda, waa iska caqabad joogta ah,” ayuu yidhi Maxamed Daahir oo kamid ah ganacsatada caasimadda Ankara.

Tirokoobyada ay hayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ganacsiga Turkiga uu ka sameeyay Soomaaliya wuxuu gaadhay $187.3 milyan sannadka 2018 halka $250.85 milyan uu gaadhay sannadka 2019, sida uu qoray wargeyska Daily Sabah ee Istanbul kasoo baxa.

Sannadkii 2020-kii, baaxadda ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay 280 milyan oo doollar, waxaana lagu qiyaasaa in shirkadaha Turkiga ay maalgashi ku sameeyeen dalka ay gaadheen $100 milyan.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Dekedda Muqdisho waxaa maamula shirkado laga leeyahay dalka Turkiga.

Bilihii u danbeeyey Turkiga ayaa sidoo kale joojiyay bixinta Visa-ha Dalxiiska ee uu siin jiray dadka Soomalida ah ee kasoo socdaala Somaliya, waxaana sidoo kale cidhiidhi badan uu ka jiraa visa-ha caafimaadka sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ilo si dhow ula socday arrintaan.

Xubno kamid ah jaalliyada Soomaaliyeed ee Turkiga oo aanu arrimahan wax ka weydiinay ayaa noo cabiray culeyska ay leedahay hawlgalkan dhimista ajaanibta Turkiga.

"Waa wakhti kala guur ah dalkan Turkiga. Mukhaadaraadka, maafiyada iyo wax kasta oo sharci darro oo dhinaca ammaanka” Waxa sidas yidhi Cabdicacasiis Maxamed Nuur Arwaax oo kamid ah jaalliyada Soomalida Turkiga

Cabdicaciis Maxamed ayaa ugu baaqay safaaradda Soomalida ee Turkiga in ay si dhow ula socota dadka magangelyo-doonka ah ee Soomaaliyeed ee u baahan in ay helaan deganaasho caalami ah iyo xitaa Aradada Soomalida ah. "Waxaa jiri kara shaqsiyaad Soomali ah oo u baahan magangelyo caalami ah, waxaanu u baahanahay safaaradda Somaliya ee Ankara in ay arrimahaa kala hadasho dowlada Turkiga” ayuu yidhi Cabdicasiis.

Go’aanka Turkiga uu ku dhaqangelinayo siyaasadda masaafurinta ajaaniibta magangelyo-doonka ayaa kiciyay dood muran badan dhalisay oo ku saabsan isku dheelitirnaanta danaha qaranka iyo xuquuqda aadanaha. Iyadoo ay dawladdu ku adkaysanayso in tallaabadani ay lagama maarmaan tahay si loo dhimo tirada muhaajiriinta kusoo qulqulya dalkaasi iyo in la yareeyo cadaadiska bulshada.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip