Qeybta 2aad Aniga iyo godka Jilicoow by Awil Dahir

0
Thursday June 23, 2016 - 20:45:42 in Maqaallo by
  • Visits: 1141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qeybta 2aad Aniga iyo godka Jilicoow by Awil Dahir

    Ma rabo inaan niyada kaa xumeeyo oo dib kuu xasuusiyo soo jireenka taariiqda sababihii godka jilicoow loo sameeyay iyo waxii lagu qaban jirey xiliyadii barisamadkii ee dowladii milateriga aheeyd iyo waqtiyadii ka dambeeya Anoo ka marqaati kacaya xaru

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma rabo inaan niyada kaa xumeeyo oo dib kuu xasuusiyo soo jireenka taariiqda sababihii godka jilicoow loo sameeyay iyo waxii lagu qaban jirey xiliyadii barisamadkii ee dowladii milateriga aheeyd iyo waqtiyadii ka dambeeya Anoo ka marqaati kacaya xaruntaas in aay caburin iyo gabood falo ka dhaceen waqtiyadii tegey.
Anigoo murugada iyo dhibkii ka soo gaarey la qeeybsanaya dadka wali nool ee aay waxyeelo ka soo gaartey, waxaana sad kaga dhigayaa "qof kasta oo dambi galaa haduusan dunida ku arkin aaqiradiiisa ayey hortaal (waxii dhacey weey dheceen dhcadada xalay dhalay ka noqo) waa wax fiican oo ku wanagsan diinta, damiirka iyo dadnimadaba in waxii kugu dhacey aad cafiso, balse waa lagama maarmaan in tiraab (qoraal) dhaxala loo reebo jiilka soo socdaa si uu feejignaan, taxadar iyo tusaaleba ugu noqdo waana dhiiragalinya cid kasta oo dambi xadgudub ku ah xuquqaha aasaasiga ee qofka geysta in la maxkamadeeyo,si loo gaaro cadalad waarta hadii dulamanuhu iska aaso dambigii laga galay, xadgubuha dambiilaha ah waa ku sii dhiranayaa in uu mid kale falo.

Hadii xumihii dhacey aan xusuus iyo maamuus loo sameeynin ma noqoneeyno bulsho xumo diid ah, waa wajib na saran in aan ka danqano waxii luminaya xuquuqda qofka muwadinka ah mana haboona in loo eego heybtiisa,meesha uu ka soo jeedo, waxa uu aminsanyahay iyo shaqadiisa waana xikmad dhameytiran walaalkaa xaqiisa ilaali si xaqaaga loo ilaaliyo.

Somaalida manta nool waxaa baabi,iyey nin jecleysi iyo daneeysi qofkastaa waxuu eegayaa qabiilkiisa, dantiisa iyo kooxdiisa,ma kula tahay dadka badankiis ineey ku faraxsan yihiin dunuubaha ka dhacaya guud ahaan soomaliya iyagoo taageeraya maamul beeledkooda dantooda ama kooxda uu dhareer wadaaga la ahaa "aawey Soomalinimo?”.

Iga filan arar iyo gogol dhig aan u dhaadhaco taxanaha qormada la magac baxdey "Aniga Iyo Godka jilicooow”. oo aan hubo in aay halbeeg lama iloobaan ah u noqon doonto tacdiyada ka dhex dhaceya dalkeena  mana haboona in aan qarino shaati dhiiglaha bulshada ku dhex dhuumanaya.

Somaliya waa dalkaygii hooyo, dalka kale ma lihi oo soomali baan ahay, qofka soomaliga waxaa loo yaqaan inuu yahay soomali ka soo jeeda geeska afrika gaar ahaan soomaliya. anigana milyan jeer waa ku faraxsanahay inaan soomli ahey waana ku faanaa soomalinimada, ilaaheygii iga dhaliyayna waa u mahd naqayaa.

Anigoo taas qalbiga ku hayaa ayaan goostey 2011 kiii biloowgeedii in aan dib ugu noqdo dalkeygii hooyo oo mudo 10 sano aan ka abaadey, xiisaha iyo jaceeylkii aan u qabeyna lama soo koobi karin, waxaa hareer socdey inaan indhaha ka qaado hooyadeey xaadsan oo ka nooleeyd labadeydii waalid oo aan hubo ababinteedii iyo dadaalkeedii inuu ku dhisan yahay jiritankeyga iyo wax qabadkeyga, waxaana rabi uga barayaya aduunyadana cafimaad, cibaado iyo camal wanaagsan aaqirana jano, dhamaan hooyooyinka soomaliyeed oo dhana sidas oo kale ayan ilaah uga baryayaa ileeyn waa hooyo macaan.

Waa arabaco taariiqdu waa 23 marso ee 2011 sacaduna 12kii iyo 29daqiiqo waxaan tegey caasimadii dalka hooyo ee mogdishu oo ah magaaladii aan ku soo barbaarey waxna ku bartey cimiladu waa kuleeyl dadka oo dhan waa dhididayaan garoonka waxaa ii tagaan mid ka mid weriyaashii aan radio mogdishu ka wada shaqeeyn jirnay Cabdi Sheeekh doon Nageeye oo ka shaqeeynayay hayada cilmibaarista iyo wadatashiga ee CRD.

Dad badan oo warbaahinta tvga ugu bartey ayaa ugu soo xoomay qaar waa isla keey sawireen qof aan garaneyo intaan garoonka dhex socdey ma jirin, garoonka waxba iskama badalin marka laga reebo garoonka oo la furey oo gacantuna aay dowlad ku heyso iyo rinjiga la mariyey darbiyada, dusha sare ee garoonka waxaa ku qoran garoonka caalamiga ah ee Aden Cade.

Salaan dheer kadib waxuu ugu yiri waa ku faraxsanahay shaqadada barnaamijkaagana waan jeclahay,waana daawadaa, sida dadka aad u kala celisana waa ku raaxeeystaa , ku soo dhawoow mogdishu, waxuu ii sii raaciyey oo qalbigeyga dhiiragalisay waxaa loo baahan yahay dhalinyaro dalka u shaqeeysa dibada ka kaalaya  wax qabta anaga waqtigeena waa soo qaadany.

Magaaladan jeclaa ee mogdishu ayaan dhex galay inkastoo aay dowladi jirto awood badan ma lahayn, dadka qaar can ka ah bushada dhexdeeda waa la dilaa sababtuna waxeey noqotaa waxaa loo diley dowlada ridada ah ayuu la shaqeeynayay qaar kale waxaa loo dilaa in la muujiyo in aaney magaldu nabad aheeyn waana xume tusaaleeyn, ala kariim waa mogdisho iyo maalintaas, dadka badankiis waxaa ka muuqataa radadakii dagalada jir ahaan ama maskax ahaan dagmooyinka qaar deegan ahaan waa teelteel xaafada ugu camirana waa ceelsha biyaha oo loo qaxey wadada ugu camirana waa maka al mukarama xaalku waa bacdaada dhuuqso ninboo naftaa arimuhuna anigeey ugu cusubaayeen oo la yaabsanaa  ee dadku waxaa ii sheegayaan in xaladu intii hore ka wanaagsan tahay.

Jeedalin iyo dhiiranaan kadib waxaan noqdey ruux soomali ah oo dhibka iyo dheefta la qeeybsanayay Soomaalida gudaha dalka ku nooleeyd gaar ahaan magaalada mogdishu waxaana ka shaqeeynayay oo aan can ku aha in dadka soomaliyeed aay soo gaaraan in aay madaxdooda la xisaabtamaan si siyasigu uusan waxuu rabo u sameeynin, waxaana inta badan is horkeeni jirey madaxada sare iyo qeeybaha ururda bulshada si cid walbaa aay u ogaato in aay dowladnimada aay wax ku leedahay fekradaas dadka soomaliyeed waa aay soo dhaweeyeen qaar fara badan oo siyaasiyiin ahna waa u guuxeen laakiin siyaasigu marna ma jeclo in xumihiisa la fafiyo ama waxii uu qaban waayey la sheego , taas waxaa ka sii daran koox la yiraahdo camirayaal, is xilqamayaal, ma daalayaal, been ma sheegayaal is been fartiimo ama dowlada ku jira ama wax cun la leh oo ah qudumiin qalbiga siyaasiga ilaaliya oo u qabilsan in aay la diriraan oo waliba ku xadgudbaan cid kasta oo aay u arkaan inuu wax xaqa ah ka hadlayo oo isku daya inuu ka dhex baxo xariiqanta madoow ee xeyndaabka siyaasiga siyasada guracan wata.

Qeybtii 1aad (Guji/Riix)

La soco qeyb kale


Waxaa Qoray Cawil Dahir Salad

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip