Daawo: Nasra Abuukar Cali oo soo hadashay: "Wax loo ordo horta maba istaahishaan"

0
Thursday August 03, 2023 - 17:10:01 in Wararka by
  • Visits: 1652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Nasra Abuukar Cali oo soo hadashay: "Wax loo ordo horta maba istaahishaan"

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 Nasra Abuukar Cali oo ah gabadhii Soomaaliya ku metaleysay tartankii orodka ee lagu qabtay dalka Shiinaha ayaa bixisay wareysigeedii ugu horreeyay, kadib fadeexaddii iyo guul-darradii kasoo gaartay tartankii ay ka qayb-gashay.

Nasra oo u warantayWariye Munasar Maxamedayaa ka faahfaahin ka bixisay hadal heynta ka dhalatay tartanka ay ka qayb-gashay oo sumcad xumo usoo hooyay Soomaaliya.

Ugu horreyn gabadhaan ayaa beenisay inuu diray xiriirka ciyaaraha fudud, waxayna shaaca ka qaaday in wax shaqo ah uusan ku laheyn safarkeeda & tartanka balse ay u tartameysay jaamacaddeeda oo ay ku sheegtay Jobkey, uuna tartanka ahaa ururo Jaamacadeed.

 

"Aniga waxaa u tartamayaa jaamacad oo tartanka wuxuu ahaa ururka jaamacadaha, waxaa isoo xushay guddoomiye Caraale xiriirka shaqa uu ku leeyahay maba jirinbo jaamacadda aan ka socday oo aan u ordaayay waxaa waayey JobKey” ayay wareysiga ku tiri gabadhu.

Sidoo kale waxay tiri "Aniga oo dhaawacan ayaa idin ordaayay, wax loo ordo horta maba istaahishaan hadda inta aan garoonka ku jirnay waan xanuunsaday muruq ayaa i booday”.

Waxa ay intaasi kusii dartay inay isku day sameysay, isla-markaana ay magaca Soomaaliya ay dhex geysay dowlado weyn, balse ay la kulantay guul-darro ayna tahay wax caadi ah.

 

"Maanta ma jirto gabar Soomaaliyeed inay intaas oo dowladeed ay dhex gasho oo inay is-muujiso ordeyso maanta aniga waxaan sameeyay isku day, haddii aan guul keeni lahaa madaxaa i saara laheydeen” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Nasra oo wax laga weydiiyay su’aalaha ka dhashay qaab dhismeedka iyo inay uur leedahay iyo hadalkii wasiirka ayaa ka jawaabtay, waxayna meesha ka saartay inay uur leedahay.

 

 

"Marka aan waxaas maqlay aniga ayay lama filaan igu noqotay waayo aniga gabar ayaanba ahay. Wasiirka wuu ogaa aniga iyo asiga garoonkaa ku kulanay ” ayay ku jawaabtay Nasra.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn iyo carro xoogan, waxayna sidoo kale ay keentay in shaqo joojin lagu sameeyo guddoomiyihii xiriirka cayaaraha fudud Khadiijo Aadan Daahir oo la sheegay inay qaraabo ahaayeen Nasra Abuukar Cali oo fashilka u keentay Soomaaliya

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip