HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 3-DA AGOOSTO 2023-KA

0
Thursday August 03, 2023 - 08:50:40 in Wararka by
  • Visits: 588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 3-DA AGOOSTO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Aqalka sare ee BFS oo ansixiyay gudd iyada joogtada ah ee golaha

Mudanayaasha golaha Aqalka sare Baa rlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay guddiyada joogta da ah ee golaha oo isku shaan-dheyn lagu sameeyay.

Kal fadhiga 2aad, kulankiisa 3aad Aqalka sare ee BFJS ayaa waxaa guddoo minayay , guddoomiyaha golaha Aqalka sare Sen; Cabdi Xaashi Cabdull aahi iyadoo ay goob joog ahaayeen labad iisa ku xigeen.

Dood dheer ka dib, waxaa isku shaan dhaynta guddiyada joogtada ah ee golaha Aqalka sare ku dhowaaqay xoghayha guud ee golaha Aqalka sare BFS, Cabdinaasir Ibraahim.

Guddiga xeer hoosaadka anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka Sanatarrada

1-Sen; Cabdi wali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) guddoomiye

2-Saen; Duniyo Maxamed Cali -Guddoomiye ku xigeen

3-Sen; Bilaal Idiris Cabdullaahi –Xog haye

4-Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) Xubin

5-Xasan Ibraahim Yaroow- Xubin

6-Iftiin Xasan Iimaan-Xubin

Gudiga garsoorka, arrimaha diinta awqaafta, xuquuqul insaanka haweenka iyo carruurta

1-Sen; Naciima Xasan Xaaji Maxa muud–Guddoomiye

2-Sen; Leyla Nuur Maax- Guddoomiye ku xigeen

3-Sen; Cali Maxamuud Gacal –Xog haye

4-Sen; Cabdi Ismaaciil Samatar-xubin

5-Sen; Farxaan Cali Maxamuud -xubin

DF oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay howlgaladii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday Al-shabaab

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xuku umada Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys Jaamac oo Maanta shir jaraa'id u qabtay wariyaasha ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay howl galadii ugu dambee yay ee ciidamada dowladda ka sameeyeen todob aadyadio lasoo dhaafay deegaano ka tirs an gobolada dalka.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalo ka dhacay deegaano ka mid ah maamulada Galmudug, Hirsha beelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab khasa are aad u xoogan.

"Xadka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe waxa lagu dilay ilaa 100 ka tirsanaa Al-Shabaab, deegaanka Goofgaduud buureey oo ka tirsan gobolka Baay waxaa sidoo kale lagu dilay 60 kale oo ka mid ah dalgaalamayaasha Al-shabaab" ayuu yiri Wasiir Daa'uud Aweys Jaamac

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya in howlgaladaasi ciidanka dowladda ay kusoo furteen hub iyo saanad ciidan, isagoona xusay in guulaha ay gaareen ciidanka ay horseed u yihiin qorshaha ciidamada Soomaaliya ay kula wareegayaan amniga dalka dhama adka sanadka 2024-ka.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada dowla dda Soomaaliya oo kaashanaya saaxiib ada Caalamiga ah ayaa maalmahii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deeg aanada maamulada Galmudug, Hirshab eelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, iya doo lagu wado in dhawaan uu si rasmi ah uu u bilaawdo wajiga labaad ee dagaalka dalka looga ciribtiraayo Ururka Al-shabaab.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo kormeer ugu tagay guddiga madaxa banaan ee Dastuurka

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee dalka mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo maamta kormeer ugu tagay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirg alinta Dastuurka ayaa warbixin ka dhaga ystay guddiga.

Guddoomiyaha guddiga mudane Burh aan Aadan Cumar ayaa guddoom iyaha aqalka sare ku soo dhaweeyey xarunta guddiga, waxaana uu guddoom iyey kula nka maalin laha ah ee guddiga oo looga doodayey dib u eegista qodobada Dast uurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa gudd iga ku bogaadiyey shaqada culus ay hay aan, isagoo kula dardaarmay iney laba jiba araan shaqada ay Qaranka u hayaan, Isla-markaana bulshada Soomaaliyeed ka sugayaan soo af-jarida dib u eegista dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Fadeexad kale oo yaab leh oo kusoo ba xday xiriirkii Shiinaha u diray gaba dha fashilantay

Tan iyo markii ay fashilantahay gabadhii ciyaaraha ororada ee ka dhacay dalka Shi inahaku meteleysay Soomaaliya waxaa isisoo tarayey fadeexadda ka jirta gudaha xiriirka cayaar aha fudud ee Soomaaliya.

Xiriirkaas waxaa guddoomiye ka ah gabar lagu magacaabo Khadiija Aadan Daahir, ku xigeena waxaa ka ah nin lagu maga caabo Faarax Cali Macalin, sida ay ogaa tay Caasimada Online xiriirkaas waxaa ku adeegta dad isku qoys ah.

Qeybta caafimaadka ee xiriirkaas waxaa madax ka ah Caasho Aadan Daahir oo ay walaalo yihiin guddoomiye Khadiija Aadan Daahir, naadiga caafimaadka ee Iimaanaan Hosbitaal waxaa heysta gudd oomiye Khadiijo seedigeed oo lagu maga caabo Asad.

Sidoo kale Caasimada Online waxay ogaatay in Nasra Abuukar Cali oo ku soo fashilantay ciyaartii orodka ee dalka Shiinaha lagu qabtay ay habaryar u tahay guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, waxaana dhashay Deeqo Aadan Daahir.

Sidoo kale nin lagu magacaabo Caraale oo ku sugan dalka Mareykanka, guddoom iyana ka ah qeybta jaamacadaha ciyaara ha fudud ayaa kaalin ka qaatay in gaba dhaas loo diro tartan aysan u diyaarsan eyn, balse waxaa aragtida iyo go’aanka lahaa gabadha habayarteed guddoomiye Khadiija Aadan.

Caasimada Online sida ay shegtay oo oo baaritaan ku sameysay arrintaan waxay sidoo kalesheegtay in ay soo ogaatay in wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ay wax ka ogeed arrintaan, waxaana masu uliyiintii garoonka ka sagootisay gaba dhaas ku jiray agaasimaha guud ee wasa aradda dhalinyarada iyo cayaaraha.

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre oo dhowr jeer ku celceliyey in wasaaraddu aysan waxaba ka ogeyn go’aankii lagu diray gabashaas ayaa caawa shaqadii ka joojiyey guddoom iyaha xiriirka ciyaaraha fudud Marwo Khad iija Aadan Daahir.

Sidoo kale Wasiir Maxamed Barre ayaa qoraalkii uu soo saaray ku sheegay in gu ddoomiye Khadiija iyo madaxda xiriir kaas ee qeybta Jaamacadaha Soomaali yeed uu maxkamad ku soo taagi doono kiis ka an, isagoo ku eedeeyey sumcad dil qaran.

Cabdi Xaashi oo shaaciyay xog ku aad an weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markii ugu horreysay si faah-faahan uga hadlay qar axii is-miidaaminta ahaa ee maalmo kahor ka dhacay Kuliyadda Siyaad ayaa shaac iyay xog ku aadan weerarkaasi.

Cabdi Xaashi ayaa qiray in Al-Shabaab lagala shaqeeyay qaraxa, wuxuuna tilma amay in ninka weerarka fuliyay la dhexe geeyay gudaha xerada, kadibna uu is qarxiyay.

"Nasiib darrada jirtaa waxaa weeye xeradii ciidamada ayaa lasoo ge liyay qof yacnii mujrima oo dadkaa laayay arrimaha as oo kale annaga ayay naga heleen” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrint aas ay ku lug leeyihiin saraakiil ciidan, isla-markaana haatan lagu daba jiro, maa daa ma ay socoto baaris ku aadan dha cda daasi.

"Haddii aynaan annaga gacan ku siin ma gaareyn meeshaas waxaa la leeyahay saraakiil ayaa lagu eedeynaa inay arrinta as ka dambeeyeen” ayuu hadalkiisa sii raa ciyay.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay inay ka war sugaya an xukuumadda iyo baarista socota, si loo qaado tallaabo la xiriirta weerarkaasi.

"Waxaan filayaa hadda in xukuumaduu ay faraha kula jiro waxaa la qabtay tobane eyo qof oo arrintaas loo hayaa, waxaan su geynaa natiijada” ayuu mar kale yiri Cabdi Xaashi.

Ugu dambeyn wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan ehellada askartii lagu laa yey Kulliyadda Jaalle Siyaad oo lagu dilay illaa 30 askari, halka lagu dhaawacay 70 kale.

Si kastaba, weerarkan ayaa dhaliyay tuhun xoogleh, maadaama lalal beesaday mid kamid ah xeyaha ciidamada dowladda, taas oo keentay in su’aallo waa weyn la’is ka weydiiyo,

W/Qorshaynta & waxbarashada oo ka wada shaqaynaya horum arinta qorsh aha waxbarasho ee dalka

Wasiirka wasaaradda qorsheynta, ma algashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xuk uumadda federaalka So omaaliya mudane Ma xamuud Cabdiraxm aan Sh. Faarax (Beenebee ne) ayaa kulan miro dhal ah la qaatay wasiirka wasaaradda wa xbara shada, hiddaha iyo tacliinta sare mu dane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ma anta booqasho ku tagay xarunta was aara dda. Kulanka labada wasiir ayaa waxa uu ku saabsanaa sidii talooyinka wasaara dda waxbarashada loogu biirin lahaa qo shaha horumarinta Qaranka (NDP), gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinaca waxba rashada, waxaana labada mas’uul hoosta ka wada xariiqeen sidii loo mideyn lahaa dadaallada, iyadoo loo marayo hannaanka cusub ee deeqaha (Aid Archit ecture).

Wasiirka difaaca XFS iyo ku xigeenkiisa oo maanta hor tagay guddiga difaaca Qaranka ee Aqalka sare BFS

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee BJFS oo gudanaya waajibaadka ka saaran kor joogtaynta iyo la xisaa b tanka Hay’adaha Dowladda ayaa maanta u yeeray Wasiirka Wasaaradda Gaasha andhigga XFS , Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Cabdifitaax Qaasim, Wasiir ku xig eenka Wasaaradda difaaca si ay su’aalo uga weydiiyaan how laha Wasaa radda.

Mas’uuliyiinta Wa saaradda Gaasha an dhigga wax laga waydiiyay warbixin guud oo ku saabsan howlaha Wasaaradda, hal ka ay marayaan howlgallada Dalka looga xoreynayo arga gixisada, guulaha laga gaaray wejigii koow aad, qalabka iyo tabab arrada Ciimada ma da, weerarkii kulliyadda Jaalle Siyaad iyo su’aalo kale, taas oo Wasiirka iyo Wa siir ku xigeenku ay si faahfaahsan xubnaha Guddiga ugu war bixiyeen.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare Senator, Aadam Cab dinaasir oo kulanka shir guddoomi nayay ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda uga mah ad celiyay sida hufan ee ay warb ixinta uga siiyeen howlaha Wasaaradda iyo su’aalihii kalaba.

Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jub baland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaa ray Magaalada Muqdisho ee Caasi mada Dal ka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa Waxaa garo nka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay ma suuliyiin katirsan lab ada gole ee Dowla da Fed eraalka ah ee So omaaliya iyo dadw eyne kala duwan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha dowlad Goboleedy ada ay ka qeyb geli doorman marka laga reebo Madaxwey naha Puntland munaasa bad loogu dabaal dagayo salad guurada koowaad ee kasoo wareegatay markii la Magacaabay Golaha Wasiirada Xukuu ma dda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre

Xasan Macallin oo ‘caddaalad degdeg ah’ u ballan-qaaday maxaabiista Xabs iga Dhexe

Wasiirka Dastuurka iyo Caddalaadda dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin oo saaka booqasho ku tagay Xab siga Dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa maxaabiiska u ballan-qaaday inay heli doo naan caddaalaad degdeg.

Xasan Macallin ayaa sheegay inay billa abeen baaritaan la xiriira maxaabiis uu taliyaha As luubta Jeneraal Mahad Ca bdira xmaan oo loo yaq aan Taliye Shub uu ku sheegay in muddo 10 sano ah ay xabsi yada ku jiraan maxaabiis aan maxkamadi xukumin.

"Waxaan idinkugu nimid in caddaaladdu sugnaato oo aad caddaalad heshaan. Waxaan heynaa dambiga aad ku eedey san tihiin” ayuu Xasan Macallin u sheegay koox maxaabiis ah oo uu la hadlayay, sida ay baahisay warbaahinta dowladdu.

Wasiirka oo qiray inay jiraan maxaabiis dhaafay muddadii sharcigu oggolaa in xa bsiga lagu hayo maxkamad la’aan – ayaa dhinaca kale dafiray hadalkii taliye Shub ee ahaa inay jiraan maxaabiis 10 sano xiran, iyaga oo aan maxkamadi xukumin.

"Hadalkii taliyaha waxaan u qaad aneynaa qeylo-dhaan. Ma jirto cid dhaaftay 10 sano” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka iyo Caddaaladda Xasan Macallin.

Waxaa booqashadiisa Xabsiga Dhexe ku wehliyay xubno uu ka mid ahaa Xeer Ila aliyaha Guud ee dalka Sulaymaan Mamed Maxamuud iyo xubno kale oo ka socday garsoorka iyo maxkamadaha.

Ciidanka Kenya oo dilay 60 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa deegaanka u dhaxeeya Lamu iyo Tana River ku dilay In ka badan 60 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, sida uu sheegay sarkaal lagu magacaabo Kithure Kindiki.

Howlgalkaan oo dhacay maalinim adii shalay ayaa yimid,kadib markii kooxaha argagixisada ay weerareen afar bas oo ay saarnaayeen in ka badan 200 oo rakaab ah.

Wararka ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen rasaastaasi, tob an qof oo kale na waxaa soo gaaray dha awacyo ,kadib markii ciidamada Kenya ay ku baxeen shilkaasi. Wasaaradda Arrim aha Gudaha. Kenya ayaa sheegtay in ay wadaan ba aritaanno iyo howlgallo ka socda kaynta Boni,kadib markiikooxahaasi lagu jabiyay dagaal ka,isla markaa ay ku carareen dhulka howdka ah


Madaxweyne Deni oo markii ugu horray say shaaca ka qaaday inuusan diyaar u ahayn muddo kororsi

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabd ullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay wuxuu shaaca ka qaaday in uusan diyaar u ahayn inuu muddo kororsi sameysto.

Madaxweyne Deni ayaa ballanqaaday in siddeeda January ee sanadka 2024 ay Pun tland ka dhicidoonto doorashada axsa abta badan, isagoo she egay inuu ogsoon yahay dhibaatada mu ddo kororsiga.

Deni wuxuu sheegay haddii laga guulay sto isaga iyo xisbigiisa in ay si nab ad ah xilka u wareejin doonaan. Wuxuu caddeey ay in ka go’an tahay inuu ka dha beeyo himilada reer Puntland ay ku tama ayaan ee ah in la gaaro nidaam dimuqraad iyad eed oo ay dadku si xor ah isku doora nay aan.

"Dadka reer Puntland waxa aan u shee gayaan in doorashada aan xilligeeda ku qa banno, ma hadlo Deni baa la dhahay ee maanta ayaan idinla hadlay, waxa aan di yaar u ahay tartan axsaab ah 8-da Jan uary... waxa aan ballan qaadayaa in haddii layga guuleysto in aan xilka si nabad ah u wareejiyo.. dalka nabad halloo daayo." ayuu yiri Deni.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkan wu xuu xalay ka sheegay xafladda sanad guu rada 25-aad ee aas aaskii Puntland, isa goo ku baaqay ku baaqay in la isku diyaa riyo tartanka axsaabta badan, wux uu na hadalkiisa kusii daray in wax kaste oo dha cay la iska hilmaamo, loona diyaar garo obo doorasho.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa yimid iyadoo dadku walaac weyn ka muujinaye en hubanti la'aanta doorashada 8 january 2024, taasoo loo arkayay inay horseedi ka rto khilaaf iyo burbur ku yimaada Puntland.

Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud Oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa shaqada ka joojiyey guddoomiyaha xiriirka cayaaraha fudud Marwo Khadiijo Aadan Daahir kadib amar ka soo baxay Wasaa ra da Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaal iyeed.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Olombi kada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Marwo Khadiija lagu sameeyey shaqo joojin ku meel gaar ah kadib markii ay ku kacday ku takrifal awoodeed oo la xiriirta soo xulista gabadhii u meteleysay tartanka ciyaaraha orodada jaamacadaha adduu nka dalka Soomaaliya.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa amray in shaqada laga joojiyo Gudo omiyaha Xiriirka Cayaaraha Fudud ee Soomaaliyeed Khadiijo Aadan Daahir.

Go’aankan ayaa la xiriira fadeexad ka dhalatay sida loo xulay gabar Soomaaliya ku matashay tartanka orordada Jaamacad aha Adduunka.

Wasiirka ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Xiriirka Ciyaar aha Jaamacadaha Soomaaliyeed, oo ahaa xirriirkii magaciisa looga qeyb galay tar tanka oo ka dhacay dalka China, aysan wax diiwaan galin ah ka haysan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed.

"Waxaa wasaaradda u caddaatay, in Nasro Abuukar Cali aysan ahayn Ciyaary ahanad orodada ka tirsan, iyo in marwo Khadiijo Aadan Daahir oo ah Gudoomiya ha Xirriirka Ciyaaraha Fudud ay samaysay ku tagrifal awoodeed, eex iyo sumcad dil qaran,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasiirka.

Baraha Bulshada ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay waxaa hareeyay muran ku saabsan gabar ku ordaysa magaca Jaa macadaha Soomaaliya oo ka qaybga shay tartanka Jaamacadaha dunida ee lagu ma gacaabo FISU, oo sannadkan lagu qabtay magaalada Chengdu ee dalka Shii naha.

Koonfur Galbeed oo xaasaska iyo dhall aanka Shabaab ka saareysa Baraawe

Koonfur Galbeed ayaa shaacisay in xa asaska iyo carruurta maleeshiyada Al Shabaab laga saarayo Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xa san Cabdiqaadir Maxamed ayaa ugu yee ray xaasaska iyo carruurta maleeshiy ada asi in ay isaga baxaan degmadaasi.

Wasiirka oo Talaadadii gaaray Baraawe ayaa sheegaya inaanan la aqbali doonin in Shabaabku ay dhibaateeyaan dadka deeg aanka, isla-markaana ay qoysaskoodu jog aan magaalada.

Wasiirka ayaa tilmaamay in uu socdo qorshe xaasaska iyo carruurta Al Shabaab lagaga saarayo Magaalooyinka Koonfur Galbeed, xilligan oo sida uu sheegay uu heer geba-gabo ah marayo u diyaargarow ga wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

Wasiirka ayaa maamulada degmooyin ka faray in ay iyana u diyaarga roobaan wejiga labaad ee hawlgalka.

Xasan Cabdiqaadir Maxamed, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa xusay in muddada uu ku sugan yahay Baraawe inuu la kulmi doono Saraakiisha Ciidama da Booliska, Nabad Sugidda, Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga Dalka.

Baraawe waa Xarunta Dowlad Gobole edka Koonfur Galbeed, walow maamulku uu hadda si ku-meel-gaar ah ugu shaqe eyo Magaalada Baydhabo.

Baraawe ayaa mar ahayd xaruntii ugu weyneyd ee Al Shabaab, iyadoona dagaal looga saaray 5-tii bishii October ee san adkii 2014.

Qoyska wariye Hargaysa ku xidhan mud do billo ah xukun la'aan oo hadlay

Odayaal kasoo jeeda qoyska wariye Bushaaro Cali Baande, oo muddo ku dhow 80 cisho ku xidhan magaalada Hargaysa xukun la'aan ayaa xukuumada ka codsaday in lasii daayo.

Odayaashan oo warbaahinta kula hadl ay magaalada Burco, ayaa si toosa Mada xweyne Biixi uga codsaday in uu xoriya deeda usoo celiyo wariye Bushaaro.

"Waxaanu leenahay mudane madax weyne xagaana u baydhi mayno, xagaana u baydhi maynee adiga ayaanu kula hadl aynaa, inantaa siidaa, uma dulqa adana yno in hablahayagu xidhnaadaan" mid kamid ah odayaasha ayaa sida yidhi.

Waxa ay sheegeen in Bushaaro ay ku xidhantahay dulmi "Waxanu u aragnaa in ay dulmi u xidhantahy, waxaanu u aragnaa in lagu xadgudbay sharafteeda inannimo iyo muwaadinnimo, wax may dilin oo wax may dhicin".

Odayaasha ayaa dhinaca kale sheegay in ay maqleen warar sheegaya in Busha aro ay u xidhantahay qaar kamid ah wiila sha madaxweynaha Somaliland.

Xildhibaan Axmed Khaliif oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa dhaw aan sheegay in Axmed Muuse Biixi oo ah sarkaal uu dhalay madaxweyne Biixi uu u sheegay in anay jirin cid Bushaaro siidayn karta oo aan isaga ahayn.

Bushaaroayaa la xidhay xili ay Somalil ad kasoo gashay dhinaca xuduuda Wajeel ee Itoobiya, wixii wakhtigaa ka danbeey ayna todobbaadkasta maxkmada ayaa la geeyaa dacwadeeduna ma dhamaan, waxa la sheegay in loo haysto eedo la xidhiidha dad kicin iyo faafin warar been abuur ah.


Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorshey san ka fuliyay Gobolka Sh/dhexe

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Howgallo qorsheysan oo Ciidanka Xoogga dalka ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha dhexe.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay wararku sheegayaan in si gaar ah uu uga dhacay degaanno dhowr ah oo hoos taga Ruunirgood, waxaana Saraakiisha Ciidanka ay sheegeen in ay gaadiid iyo saanad ku qabsadeen howgalkaasi.

Deegaanka Sigsato ayuu ka dhacay howlgalka xoogiisu, waxaana lasoo sheeg ayaa inuu jiro khasaare, balse wax faah faahin ah lagama bixin tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Degaanno badan oo ka tirsan Gobo lkaasi Shabeellaha dhexe, ayaa waxaa inta badan ka dhaca howgallada qorshey san ee ay fulinyaan Ciidanka Dowladda, waxaana mararka qaar ay la kulmaan iska caabin kaga timaadda dhanka dagaalam ayaasha Al-Shabaab, xilliyada ay ku gudajiraan howlgalada.

Maxaa ka jira Wararka Sheegaya in Taliy ihii Booliska Somaliland uu iscasilay?

Somaliland ayaa ka hadashay warar dhawaan soo baxayay oo sheegayay in Taliyihii Booliska Somaliland uu iscasilay, xili wararkaasi si weyn loogu baahiyay baraha Bulshada.

Wararka la faafiyay ayaa tilmaamayay in Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi uu iska casilay Xilkii u a hayay, balse qoraal kasoo baxay Booliska Somaliland ayaa lagu beeniyay arrinkaasi.

Waxaana qoraalka kasoo baxay Taliska Somaliland lagu sheegay in taliyaha uu dibadda ugu maqan yahay arrimo shaqsi ah.

"Taliska Ciidanka Booliska Somaliland waxa beeninayaa warar beena oo lagu faaf iyay baraha bulshada kaasi oo sheegaaya ina uu iscasilay taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi , Taliska Ciidanka Boolisku waxa caddayna yaa inaanay wararkaasi waxba ka jirin , tahayna warar been abuura oo ay faafina yaana cadawga Somaliland. Taliyaha Ciid anka Booliska Jamhuuriyadda Somalil and waxuu dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya , waxaanu iman ayaa ma alinka berri ah subaxnimada haddii eebbo idmo” ayaa lagu yiri qoraalka kas oo baxay Taliska.

Soomaalidii gashay Canada oo la kulmay caqabado ah in lasoo musaafu rinayo

Waxaa soo badanayaa tirada dadka Soomalida ah ee dowladda Canada ay sheegtay inay dalkeeda ka masaafu rinayso sababo la xiriira xagga sharciga.

Soomaali badan oo ka yimaada waddamada bariga Afrika, sida Kenya iyo Uganda ayaa dalka Canada galay, iyagoo ku baxay barnaamijyo ay ku bixiyeen lacago u dhaxeeya $15,000 illaa $20,000, si ay u helaan fiisadaha dal ku galka wad dankaas.

Soomaalida dalka Canada gashay ayaa lagusoo warramayaa inay la kulmeen caqa bado ay kamid yihiin, in loo diiday warq adihii fasaxa shaqada. Qaar kamid ah ay aa sidoo kale laga celiyay markii ay gar oomada dalkaas kasoo dageen.

Shakhsiyaad u abaabulan qaab shirk ado ah oo ku sugan Canada, ayaa dadka lacago uga qaata inay keenayaan dalka Canada, islamarkaana ay usii diyaariyeen warqadihii loogu oggolan lahaa shaqada, iyo sidoo kale shirkadihii ay ka shaqayn lahaayeen.

Arrintan ayaa saamayn weyn ku yeela tay Soomaalida iyo Jabuutiyaan badan oo dalkaas tagay sanadkan, kadibna ku hun goobay hammigoodii ahaa inay dalkaas ka helaan sharciyo ay ku shaqeystaan.

Dowladda Canada ayaa hadda qorshe ynaysa inay dadkaas dib ugu celiso wadd amada ay ka yimaadeen, inkasta oo Soo maalidu ay sameeyeen isu soo baxyo ay uga soo horjeedaan in dadkaas dib loo cel iyo.

Laga bilaabo sanadkii 2015 waxaa soo badanayay tirada Soomaalida ah ee laga musaafurinayo Canada, tirada Soomaalida laga soo tarxiilayo Canada ayaa sanadkii 2020 gaartay 61, halka sanadkan ay gaari karto in ka badan 1oo qof.

Dhulgariir ruxay Dalalka Itoobiya iyo Eratariya

Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 5.6 ayaa fiidnimadii xalay ku dhuftay waqooy iga Itoobiya iyo dalka ay deriska yihiin ee Eritrea Ma jiro wax dhimasho iyo burbur ah oo ilaa hadda la soo sheegay.

Dhulgariirka ayaa ruxay dhowr magaalo oo ku yaalla waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya, oo ay ku jirto caasimadda, Mek elle, sida uu ku warramay TV-ga Tigrayga.

Solomon Maesho oo ah sarkaal sare oo ka tirsan mamaulka Tigrayga ayaa shee gay in dhammaan degmooyinka ku dhow xadka Eritrea laga dareemay gariirka.

Magaalada Irafalle ee dalka Erateriya, ayuu ka soo bilowday dhulgariirkaan sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Eritrea.

Dagaal mar kale ka bilowday Itoobiya

Dagaallo ayaa ka dhacay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya kaas oo u dhexeeya ciida mada dowladda iyo maleeshiyaadka deeg aanka.

Dadka ku nool magaalada taariikhiga ah ee Lalibela oo BBC-da la hadlay ayaa ku tilmaamay isku dhacyada hubaysan kuwa qasbay in la joojiyo duullimaadyadii diyaaradaha ee daagaanka.

Dhaqdhaqaaqayaasha xiriirka la leh meleeshiyaadka loo yaqaan Fano ayaa sheeganaya inay gacanta ku hayaan garoo nka diyaaradaha ee magaalada laakiin BBC ma aysan u suurtagelin inay si madax banaan u xaqiijiso sheegashada.

Dagaallo ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa ilaa ugu yaraan afar magaalo oo kale – kuwaas oo qaarkood ay dadka deegaanku ku tilmaameen "kuwo culus”.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Itoobiya Col. Getnet Adane ayaa u sheegay wari yaasha Talaadadii in ay "qaadayaan” tillaabooyin ka dhan ah "kooxaha hubay san ee ku shaqeeya magaca Fano.”

Toddobaadki hore ciidamo safar ah ayaa lagu weeraray labo aag oo ka tirsan gobolka.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya wadooyin dhowr ah oo lagu xiray geedo iyo dhagxaan si loo xakameeyo dhaq dhaqaaqa ciidamada.

Ururka u dooda xuquuqda bulshada gobolka Amxaarada oo lagu magacaabo Amhara Association of America (AAA) ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen iska hori maadyo dhowr ah oo ka dhacay degaano dhowr ah, waxayna walaac ka muujiyeen ammaanka dadka rayidka ah.

Madaxweynaha gobolka Amxaarada Yilkal Kefale ayaa dhankiisa sheegay in xafiiskiisu u furan yahay in wadahadal lagu

dhameeyo arrimaha taagan.

BBC SOMALI


Donald Trump Oo Markale Lagu Soo Oogay Dacwad Cusub

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagu soo oogay afar dacwadood oo federaal ah oo la xiriira dadaalkiisa uu ku do onayay in uu meesha kaga saaro guuldaradii do orashada 2020 ka soo gaartay rabshadihii Capitol ee Mareykanka ay taageerayaashiisu sameey een 6-dii Janaayo, 2021.

77-jirkan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa Talaadadii lagu eedeey ay inuu male egayay khiy aano Mareykanka, is-ho rtaag ku sameeyay "dac wad rasmi ah” iyo inu uu diiday muwaadiniinta Mareykanka xaqa ay u lee yihiin inay wax doortaan oo la tiriyo codadka. Ha se yeeshee Trump ayaa eedeymahaas ku tilmaa may been abuur.

Eedaymahan oo ka kooban 45 bog, oo lagu soo oogay ayaa waxaa soo gudbiyay la taliyaha gaa rka ah Jack Smith, waana dacwad-dembiyeedkii saddexaad ee Trump lagu soo oogo tan iyo bishii March.

Eedayntan ayaa noqonaysa markii ugu hora ysay ee madaxwaynaha laga guulay stay oo ah musharaxa ugu cadcad musha raxnimada xisbiga Jamhuuriga ee sanadka soo socda, uu la kulma yo arrin sharci oo ka dhan ah xanaaqiisa balse ugu danbayn ku guul daraystay dadaal uu ku doo nayay in uu xukunka ku sii haysto.

Waxay Trump ku eedaysay inuu malee gay shirqool uu ku khiyaameeyay Maray kanka isagoo ka hor istaagaya Congress-ka inay caddeeyaan guusha Dimuqraadiga Joe Biden iyo ka xayuubi nta codbixiya yaasha xuquuqdooda doorasho xalaal ah.

Madaxwaynihii markaasi waxa uu riixay she egashooyin been abuur ah oo uu gar anayay in aanay run ahayn, waxa uu cad aadis ku saaray masuuliyiinta gobolka iyo dawladda dhexe – oo uu ku jiro madax weyne ku xigeenka Mike Pence – in ay wax ka beddelaan natiijada ugu dambaynt iina waxa uu ku kiciyay weerar gacan ka hadal ah oo lagu qaaday Capitol-ka Mara ykanka isaga oo isku dayay in uu wiiqo dimuqraadiyadda oo uu xukunka ku dhego. sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Eedeynta ayaa qeexaysa sida uu Trump marar badan ugu sheegay taageera yaashiisa iyo dadka kale in uu ku guule ystay doorashada, inkastoo uu ogaaday in taasi ay been tahay, iyo sida uu isugu day ay inuu ku qanciyo saraakiisha, madax we yne ku xigeenkiisa iyo ugu dambeyntii Congress-ka inay laallaan natiijada sha rciga ah.

"Weerarka lagu qaaday xarunta qara nkeena Jan. 6, 2021, wuxuu ahaa weerar aan horay loo arag oo lagu qaaday kursiga dimoqraadiyada Mareykanka,” ayuu yiri lataliyaha gaarka ah.

Toogasho ka dhacday qunsuliyad da Swe den ee magaalada Izmir, Turkey

Shaqaale Turkish ah, oo ka howlgalayey qun suliyad sharafeed ay Sweden ku leedahay mag aalada Izmir ee galbeedka Turkey ayaa lagu too gtay, oo si darran loogu dhaawacay bannaanka dhismaha qunsuliyadda, waxaa sidaas Talaadadii werisay warbaahinta dowladda ee TRT. Xafiiska barasaabka Izmir ayaa baya an ku sheegay in muwaadin Turkish ah oo degan gobolka bari ee Agri loo xiray falkan.

Booliska ayaa baaraya dhacdadan, ayuu inta as ku daray xafiiska. Qunsulka guud ee Sweden ayaa maanta oo Arbaco ah u safraya Izmir, si uu xog dheeraad ah uga helo dhacdada, ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sweden.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay wadahadal dhow la leedahay qunsulkeeda guud ee Istanbul iyo shaqaalaheeda Turkey.

Qunsuliyadda Guud waxay xiriir la sameysay Qunusliyad Sharafeedka Izmir iyo mas’uuliyiinta deeg aanka, ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sweden.

Wasaaradda ayaa sheeg tay inaysan faallo intaas dheer ka bixineyn "hal ista ay wajahayaan shaqaalaha diblomaasiy adda iyo tallaabooyinka amni ee la qaaday, ma ada ama tani ay tahay halis ka hor-iman eysa ujeedd ooyinka tallaabooyin kaas.”

Wasiirka Caddaaladda Turkey, Yilmaz Tunc ayaa ku cambaareeyey weerarka, qoraal uu soo dhigay barta X ee horey loogu yaqiin twitter.

Waxa uu sheegay in baaritaan fal dambi yeed la billaabay si loo ifiyo dhacdadan.

Weerarka ayaa imanaya ayada oo bilihii dhowaa ay xiisan ka dhex oogneyd Turkey iyo Sweden.

Ankara ayaa marar badan cambaarey say go’ aanka ay Sweden ku fasaxday dibad baxyo lagu gubayo Kitaabka Qu’raan ka, oo qaarkood kahor dhacay qunsuliy adda Turkey ee caasimadda Sweden ee Stockholm.

Ankara ayaa sidoo kale muddo hortaag neyd damaca ay Stockholm ugu biireyso xulufada NATO, sababo la xiriira qur’aanka la gubay iyo in Sweden ay diiday inay soo gacan geliso shaq siyaad Kurdish ah, oo Turkey ay ku eedeysay argagixisanimo.

Turkey ayaa ugu dambeyn bishii tagtay ogola aatay in Sweden ay kusoo biirto NATO, kadib cadaadis ay billo wadeen Mareykanka iyo xubn aha kale ee ururka.

Qunsuliyad sharafeedka ayaa matala danaha muwaadiniintooda ee dibadda laakiin ma maamu laan diblomaasiyiin xirfad leh. Reuters, VOA

KORONTO LA’AANTA NIGER OO LAGU EEDEE YAY CUNAQABATEYNTII AFGAMB IGA LA SAARAY DALKAASI

General Abdourahmane Tiani ayaa loo magic aabay madaxa cusub ee qaranka kadib afgamb igii militariga ee todobaadkii hore

Magaalooyinka waawe yn ee dalka Niger ayaa waxaa soo food saaray mad madow ka dhashay afgambigii todob aadkii hore ka dhacay dalka ku yaala Galbeedka Afrika.

Koronto yaraanta ayaa ka dhalatay ka dib markii Nigeria ay jartay sahaydii ay siin jirtay dar iskeeda waqooyi, shirkadda koro ntada ee Niger Nigelec ayaa sheegtay.

Ururka ganacsiga galbeedka Afrika ee Ecowas ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Niger sababo la xiriira afgambiga balse ma aysan sheegin in ay ku jiraan sahay kor onto.

Madaxda difaaca ee Ecowas ayaa ku kulm aya Nigeria si ay uga wada hadlaan dhibaatada Niger. Axadii, hogaamiyayaasha Galbeedka Afr ika waxay u qabteen taliska militariga Niger mud do toddobaad ah si ay uga tan aasulaan awoodda haddii kale ay suurtagal tahay faragelin militari.

Wadamada Yurub ayaa hadda muwaadini intooda ka daad gureynaya dalka Niger.

Afrika Live: Warar ku saabsan arrintan iyo sheekooyin kale oo qaaradda ah Hage fudud waxa ka dhacaya NigerInqilaabka Niger: Waa tijaabo dimoqraadi yadeed oo ka jirta Galbeedka Afrika

Dadka ku nool magaalooyinka Niam ey, Maradi iyo Zinder ayaa koronto ku dha waad ​​hal saac ah isku mar heysta ka hor inta aysan damin ilaa shan saacadood.

Koronto goynta kuwan oo kale waa mid aan caadi ahayn Niger, taas oo sida caad iga ah haysata sahay joogto ah oo la isku halayn karo.

Balse wadanku waxa uu aad ugu tiirsan yahay deriskiisa qaniga ah ee koonfurta, Nigeria, oo ah dalka ugu wayn ee koron tada keena.

Shirkadda gudbinta ee Nigeria ayaa diid ay inay ka hadasho goynta korontadda ee Niger. Laakin ilo aan la shaacin ayaa BBC u sheegay in saadka Niger la gooyay Tal aadadii ka dib amar madaxweyne.

Madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo doo rtay ee dalka Niger Mohamed Bazo um ayaa todo baadkii hore afgambi militari ay ku afgambiyeen ilaaladiisa gaarka ah oo taagnaa banaanka qasr igiisa.

Duulimaadka United Airlines ee Chicago kuna socda London oo ku dhawaaqay

Diyaarad ay leedahay shirkadda United Airlines oo ka soo duushay Chicago kuna socotay London ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo ku soo wajahan halkii ay ku socotay.

Duulimaadka United Airlines Duulima adka UA938, Boeing 767 oo ka shaqay naysay adeeg ga transatlantic ka Chicago O’Hare International Airport (ORD) kuna socotay London Heathrow (LHR) ayaa ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah oo guud, iyada oo garaacday 7700 markii ay ka gudubtay xeebta galbeed ee England kuna sii jeeday London.

Diyaarada United UA938 Chicago – London

Xogta duulimaadka ayaa muujineysa in duullimaadku uu ku soo galay lugtii ugu dambey say ee isgoysyada bad-mareenka, iyo ilaalinta heerka socodka 37,000 cagood ka hor inta aan lagu dhawaaqin xaalad degdeg ah oo ah squawk code 7700.

Iyada oo ku sii dhawaanaysa halka ay ku socotay ee London Heathrow, diyaara ddu waxa ay hadda ku socotaa wadda deeda soo galitaa nka, iyada oo hoos uga soo dhacaysa 8,000 cago od gudaha gobolka London.

Xaaladda degdegga ah weli lama oga. Xogtu waxay tusinaysaa duullimaadka ka ambabaxay Chicago (ORD) ka dib dib u dhac aad u dheer – diyaaraddu waxay samaysay waqtiga dhabta ah ee bixida (ATD) ee 00:10 CDT, iyada oo la qor sheeyay bixida duulimaadka oo la siiyay 21:20 CDT.

Cusbooneysii 12:50 BST

Duulimaadka United ee UA938 hadda waxay u jeedsanaysaa jidkii ugu dambe eyay ee RWY27 Heathrow. Cimilada Lon don waa VFR yar ee ima atinka duuli maadka. Duulimaadka UA938 wa xaa maamula diyaarad Boeing 767-300ER, N686 UA; diyaarad 20 jir ah oo ay leedahay

United Airlines.

Tani waa sheeko soo koraysa. Fadlan dib u eeg wixii ku soo kordha




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip