Nasra Abuukar: Maxaa laga yiri gabadhii tartanka oroddada ku mataleysay Soomaaliya?

0
Wednesday August 02, 2023 - 14:21:16 in Wararka by
  • Visits: 1512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nasra Abuukar: Maxaa laga yiri gabadhii tartanka oroddada ku mataleysay Soomaaliya?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Nasra

XIGASHADA SAWIRKA,SONNA

Qoraalka sawirka,

Nasra Abuukar

Maalintii shalay ahayd waxaa guud ahaan baraha bulshada Soomaalida ku baahay hadal hayn ka dhalatay orodyahannaddii Soomaaliya ku metelaysay orodka gaaban.

Gelinkii danbe ee maalinnimadii shalay ayay baraha bulshada Soomaalidu ku wada xidhiidho ku baahday kaddib markii uu soo dhammaaday tartankii ay qaybta ka ahayd.

Nasra Abuukar Cali ayaa dadku siyaabo farabadan uga falceliyeen iyadoo lagu eedeeyey xukuumadda Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay horseedeen guuldarrada Somaaliya.

Nasra ayaa aad uga dambeysay gabdhihii kale ee la tartamayay, taasoo dadka qaar ay ku tilmaameen "in Soomaaliya ay daba ordeysay dunida".

Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya oo ka falcelinayey walaaca bulshada ka dhashay ayaa sheegay in uu baraha bulshada uun ku arkay inantaas.

Waxaana uu sheegay in lala xisaabtami doono ciddii hawshaas ku shaqada lahayd.

"Gabadha sida aad baraha bulshada ku aragteen ayaan annaguna kua ragnay” ayuu yidhi Maxamed Barre Maxamuud.

"Waxa ay ka qaybgalaysay tartanka jaamacada ee dalka Shiinaha sida ay noo sheegeen qolyaha gabadha halkaas u diray. Gabadhu waxay ka socotay jaamacadaha dalka. Nidaamka ay ku timid ee ay halkaa ku tagtay iyo hannaanka lagu soo xulay iyo ciddii soo xushayba waa hawl aan baadhitaan ka samayn doono oo guddi u saari doonno,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa wasiirku.

Bishii July billowgeedii ayay ahayd markii warbaahinta ay ka soo muuqatay Nasra Abuukar oo sheegaysa in dalka China ay kaga qaybgeli doonto tartanka orodka.

Midowga Jaamacaduhu maxay ka yidhaahdeen?

Nasra ayaan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah oo ka horreysa midda hadda, balse guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, Khadiija Aadan Daahir oo aan wax ka waydiinnay waxay noo sheegtay in ay qaadatay layliyo adag oo ay isugu diyaarisay ka qayb galka orodkaas boqolka mitir. Ururka Jaamacadaha Aduunka ayaa hal arday ama ka badan ka xusha jaamacadaha waddamada waxaana la marsiiyaa qiimeyn, taas oo ka dhigan in aysan Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya si toos ah u dirsan iyagu soona xulan ardayga lagasoo xulayo jaamacadaha sida ay Khadiijo noo xaqiijisay, "waxaa lagasoo xulay jaamacadda Jobkey laakiin magaca Jaamacadaha Soomaaliaya ayey ku ordeysaa.” Ayey tidhi Khadiija Daahir oo ka hadleysay sida lagu soo xulay Nasra.

Dhanka kale ururka ay ka midaysan yihiin jaamacadaha Soomaaliya oo iyaguna ka falceliyey arrintan ayaa dhankooda iska fogeeyay hawshaas, iyaga oo sheegay in aanu jirin orodyahan Soomaaliyeed oo ay u direen tartankaas.

Qoraal ay ku baahiyeen baraha bulshada ayay "Maamulka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed” ku shaaciyeen in ay bulshada u caddaynayaan ”in aysan jirin qof orodyahan ah oo Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ay u direen in uu ku matalo tartan caalami ah”

Waxaana ay ka digeen ‘wararka been abuurka’ ee laga faafinayo sida ay sheegeen.

Ka bood Facebook boggan, 1
Oggolow Facebook macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Facebook. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Facebookxeerarka cokieiyokan ku saabsan xogta gaarka ahka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Qoraalka Muuqaalka,Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka Facebook boggan, 1

Taariikhda Nasra oo kooban

Nasra

XIGASHADA SAWIRKA,SONNA

Nasra ayaa ahayd arday jaamacadeed oo dhigan jitey jaamacadadda Jobkey. Waxaana ay jirtey da’aadda 20, xilli sannadkii 2003-dii ku dhalatay magaalada Muqdisho, halkaasna ku soo qaadatay waxbarashada hoose dhexe.

Labadii sano ee ay u danbaysayna y isu diyaarinaysay tartankan, sida ay noo sheegtay Guddoomiyaha xidhiidhka Soomaaliya.

Inkasta oo aan la xaqiijin haddana qaar a mid ah warbaahinta caalamka ayaa sheegaya in Nasra ay dhigtay rikoorka ah orodya ee abid tartankaas tartame ku dhammaysto.

Nasra keli ah kama ay qayb gelin tartankan ee waxaa isna jira Cali Iidow Xasan oo qaybta ragga ku metelayey Soomaaliya, xilli isagu uu ku dhammaystay kaalinta afraad isla mar ahaantaana u sii gudbay wareegga labaad ee tartankaas.

Nasra ayaa gashay kaalinta ugu danbaysa ee tartankaas, oo ahaa orodka gaaban.

Ma aha markii u horreysay ee Soomaaliya tartan caalami ah oo orordka ah ay kaalinta u danbaysa ka gasho.

Sidee dadku uga falceliyeen?

Qaybaha baraha bulshada kala duwan ayaa waxaa qabsaday muuqaal kooban oo ahaa markii ay Nasra ay ordaysay, kaas oo muujinaya sida ay uga danbeysey dhammaan tartamayaashii kale.

Dadka ayaana siyaabo kala duwan uga aragti dhiibtay arrintaas.

Mid ka mid ah dadkaas ayaa sheegay ' in walaasheen ayaysan xoog ku fuulin diyaaradda balse ciddii u dirtay halkan, ciddaasina u baahan tahay in lala xisaabtamo"

Ka bood Twitter boggan
Oggolow Twitter macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Twitter. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Twitterxeerarka cokieiyokan ku saabsan xogta gaarka ahka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Qoraalka Muuqaalka,Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka Twitter boggan

Ka bood Facebook boggan, 2
Oggolow Facebook macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Facebook. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Facebookxeerarka cokieiyokan ku saabsan xogta gaarka ahka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Qoraalka Muuqaalka,Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka Facebook boggan, 2

Ka bood Facebook boggan, 3
Oggolow Facebook macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Facebook. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Facebookxeerarka cokieiyokan ku saabsan xogta gaarka ahka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Qoraalka Muuqaalka,Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka Facebook boggan, 3

Ka bood Facebook boggan, 4
Oggolow Facebook macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Facebook. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Facebookxeerarka cokieiyokan ku saabsan xogta gaarka ahka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Qoraalka Muuqaalka,Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka Facebook boggan, 4

Ka bood Facebook boggan, 5
Oggolow Facebook macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Facebook. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Facebookxeerarka cokieiyokan ku saabsan xogta gaarka ahka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Qoraalka Muuqaalka,Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan


XIGASHO:BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip