
HALKAAN KA AKHRTISO:- WARGEYSKA M.TIMES DAILYN NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 2-DA AGOOSTO 2023-KA
Ra’iisal Wasaare Xamse oo booqday Xerada Turki -Som
Ra’iisul Wasaaraha Xukuum adda Feder aalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo korm eerey Kuliyadda Ciidanka ee Turki-Som, ayaa la dardaarmay cutub yo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soom aaliyeed, gaar ahaan Guu tada Gorgor oo uu halkaas tababar uga soconayey.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in kul iy adda Turki-Som ay soo saartay Saraakiil iyo Cii dan dalka ka sameeyey isbeddel amni, isla mar kaana soo celiyey kalsoonidii ay shacabka Soo maaliyeed ku qabeen Ciidanka Qalabka-Sida, taas oo horseeday in guulo wax ku ool ah laga gaaro dagaalka dalka looga saarayo dalka Al shabaab .
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayay Sar aakiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed , ayaa xusay in ay hubka u sitaan ilaalinta difaaca da lka, diinta iyo dadka, sidaas darteedna laga ra bo in ay ka fogaan wax walba oo xumeynaya sumcaddooda.
Guutada Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Xoo gga dalka Soomaaliyeed ayuu tilmaamay Ra’ iisul Wasaaruhu in ay yihiin qeyb muhiim ah oo door wanaagsan ka ciyaaray xoreynta qeybo kamid ah gobollada dalka, haddana la filayo in ay ka saaraan Alshabaab goobaha ay ku dhuu maaleeysanayaan.
Intii uu socday kormeerka Ra’iisul Wasaar aha waxaa ciidanku ay soo bandhigay dhoola tus la xiriira tababarka iyo duruusta ay ku qaataan kuliyadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiya kaalinta ay ka qaadaneyso dhismaha ciidanka Qaranka, gaar ahaan Ku lliyadda Turki-Som oo soo saarta saraakiil iyo ciidan wax weyn ku soo kordhiyay difaaca Qaranka.
Maamulka Gobolka oo war kasoo saar ay ar rin xiisad xoogan ka abuurtay Muqdisho
Maamulka gobolka Banaadir ayaa mar kii u horeysay ka hadlay sababta dadka loo ga saa rayo dhul ku yaalla Muqdisho, oo ma almihii dambe xiisad xooggan ka taagneyd.
Dhulkaan oo loo yaqaano Kaasa Italia ayaa ah dhul ay leedahay safaaradda dowladda Tal yaaniga, sida uu sheegay ma amulka gobolka Banaadir.
Bayaan kasoo baxay maa mulka gob olka, gaar ahaan guddoomiye Yuusuf Mad aale ayaa waxaa lagu sheegay in burburinta iyo baneynta dhulkaasi ay ku timid codsi uga yimid safaaradda Talyaaniga ee Soo maaliya, oo u baahan tahay dhulkeeda.
"Bur-burinta dhismaha xarunta Kaasa Italia waxay ku timid codsi nooga yimid do wladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulk eeda loo bane eyo oo ay u baahan tahay,” ayaa lagu yiri baya anka kasoo baxay ma amulka gobolka Ban aadir. Sidoo kale waxaa lagu yiri "Waxaa bul sh ada Soomaaliyeed loo sheegayaa in aanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaal iyeed oo dhulkaas isticmaali doonta”.
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn u dhex wareegayay baraha bulshada muu qaa lada qaar kamid ah dadkii deganaa dhu lkaasi oo cabanaya, ayada oo qaarkoodna ay shee geen in dano shaqai ah looga saa ranayo dhulk aasi, taasi oo uu meesha ka saaray maamulka gobolka.
Si kastaba, dhulkaasi ayay dowladda kua billowday burburin, waxaana laga soo xiganaya maamulka gobolka in billo kahor lagu wargeli yay arrintaan dadkii deganaa dhulkaasi.
BF oo Guuleed u yeeray si wax looga weydi iyo Somaliland + Jawaabtiisa
Guddiyada Arrimaha Gudaha iyo dib u heshi isiinta Golaha Shacabka ee BJFS ayaa Dorr aad kulan su’aalo weydiin ah la qaatay Ergay ga gaarka ah ee Madaxwey naha Jamhu uriya dda u qaabilsan Wada hadallada Somal iland Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Ergayga ayaa gu ddiyada warbixin ka siiyey Sooyaalka Wa dahadallada DFS iyo Somaliland iyo sidoo kale ahmiyadda ay wadah adalaas u leeyihiin umadda Soomaaliyeed.
"Wadatashiyada waxaa ay bud-dhig u yihiin in la helo arragti loo dhanyahay iyo siyaasad mi deysan oo ay DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ka yeeshay wadahadallada Somaliland,” ay uu yiri Mr. Guuleed oo ka warbixiyey kulanka.
Cabdikariin Guuleed ayaa tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay er gayga u qaabilsan arrimaha Somaliland wuxuu waday xog uruurin iyo talooyin ku saabsan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadallada.
Gudaha dalka magaalooyinkii uu tegay Guuleed waxaa ka mid ahayd maga alada Bay dhaba ee Koonfur Galbeed, isagoo talooyinkoo da ka soo dhageystay dhaqanka iyo qeybaha bulshada magaala daas.
Ergayga ayaa weli wada la tashiyada ku saa bsan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadallo mar kale ay masiirkooda ka yeeshaan Sooma aliya iyo Somaliland.
Intii uu talada dalka hayey madaxweyne Far maajo ayey fashilmeen wadahadalladii ugu dambeeyey ee dhex maray dowladda federaa lka iyo Somaliland.
Hadda dowladda uu hoggaamiyo madax weyne Xasan Sheekh waxaa u qor shey san in Somaliland ay la furti wad ahadallo ka mug weyn kuwii hore, si natiijo looga ke eno gooni isutaagga ay ku dhawaaqday Somaliland.
G/Banaadir oo shaaca ka qaaday natiij ada Imtixaanka shahaadiga + 10 u sarre eya
Agaasinka waxbara shada gobo lka Ban aadir ayaa Dorraad ku dhawaaqay natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee san ad-dugsiyeedka 2021-2022, kaasi oo sanadkii afaraad uu qaaday maamulka gobolka Banaad ir.Munaasibadda lagu shaaciyay natiijada imt ixaanka oo ka dhacday Muqdisho ayaa lagu sheegay in guud ahaan ay imtixaanka u fa riisteen 31,372 Ardey oo ka kala socotay 76 xar umood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood kamid ah dugsiyada gobolka Banaadir. Sida uu shaac iyay Agaasimaha guud ee wa xbarashada gobolka Banaadir Dr. Cabdifitaax Bare waxa imtixaanka sanadk aan gudbay 30, 837 Arday, halka tirada hartay ay gaareyso 535 Arday, kuwaas oo dhawaan u fadhiistay imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad-dugsiy eedka 2022/2023.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimc aale (Madaale) oo ka qeyb-galay shaa cinta natiijada imtixaanka ayaa hamb alye eyay ard aydii gudubtay imtixaan ka, isaga oo sidoo kale la dardaarmay waalid iinta Soomaaliye ed.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in waxb arashada gobolka la taye eyay, isaga oo digniin u diray xarumo uu shee gay in qaab ganacsi ahaan ah loo furtay, oo kamid ah xarumaha waxbarasho ee ku yaalla mag aalada Muqdisho.
"Marka laga tago xaruma Waxbarasho oo tayadooda sareyso islamarkaana iska xilsa aray horumarinta waxbarashada, hadana wax aa jira kuwa qaab ganacsi loo furtay waana la xisaabtami doona,” ayuu yiri guddoomiye Yuu suf Madaale.
Hoos ka aqriso magacyada Ardayda gashay 10-ka kaalmood ee u horreeya, kuwaasi oo kala ah;
1. Yacquub Maxamed Cadde Maxamed
2. Maxamed Cusmaan Cabdi Macow
3. Amal Cabduqaadir Maxamuud Kaahiye
4. Axmed Maxamed Calasow
5. Ayuub Cabdiweli Cumar Nuur
6. Xafsa Bashiir Maxamuud Maxamed
7. Cali Cumar Cali Faqay
7. Mustaf Salaad Cabdulle Xuseen
7. Abuukar Maxamed Faarax Cali
8. Asma Xasan Aadan Diiriye
9. Maxamed Cumar Cabdi Xuseen
10. Sundus Cabdiweli Nuur Cusmaan
Guddoomiyaha hay’adda maareynta mu siiboyinka oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Save thechilderen
Guddoomiyaha hay’adda Qaran ee mare ynta musiiboyinka mudane Maxamu ud Maca lim Cabdulle ayaa Dorraad xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday hay’adda Save the children, kaas oo uu hogaami naa yey Cabdiladiif Maxamed oo ah ku xigeenka agaasimaha hawlgalada ee hay adda Save the children, wax aana kulanka ku wehlisay
Francesca Sangiorgi agaasi maha waaxda Humanitar an ka ee hay’adda.
Kul anka ayaa looga hadlay in Save the childr en hay’ada SoDMA ka caawiso qo rshaha loo sameeynayo fatahaado laga cabsiqabo in ay ka dhacaan qeybo kamid ah dalka, ka qeyb qa adashada qorsha istaraatijiyada 5-ta sano ee soo socta ee hay’adda maare ynta musibo yinka, dardargalinta mashaarii cda iyo xiriirka labada hay’addood.Masuuliyiinta ayaa kulanka kadib korme er ay xafiisyada hay’adda mare ynta musiib oy inka, iyagoo balan qaaday inay kaalin ka qaa dan doonaan mashaariicda ay hay’addu wado sidii ay waxtar ugu yeelan laha ayeen bulshada Soomaaliyeed.
Taliska Booliska oo dhisaya dhaqanka diineed ee Askarta
Taliye ku xiggeenka ciidanka Booliska Soo maaliyeed Jeneral Sakiya Xuseen iyo hog gaanka Anshaxa iyo wacyi-gelinta Booliska ay aa Dorraad Kutubo Qur’aan ah ku wareejiyey ciidanka Birmadka Booliska iyo sidoo kale Ci idanka Daraawiishta, waxaana goob joog ahaa taliyaha ciidanka Birmadka Booliska Kornel Su leymaan Maxamed Axmed Dulmi-diid.
Saraakiisha ayaa cii danka u soo jeed iyey inay xoogga saar aan aqrinta kalaamka Alle, kuna camal falaan, iya ggoo kula dard aarmay inay si hagar la’aan ah ay ugu shaqe eyaan Qaranka.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in la gu xoojiyo aqoonta diineed ee askarta iyo in la dhiso akhlaaqdooda, si ay uga qayb qaataan dagaalka fikirka ee kooxda Khawaarijta ah lagu la jiro, iyagoo sidoo kale qayb ka ah dagaalka furimaha.
Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo qaabilay ku simaha safiirka Urdun ee Addis Ababa
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa si diiran xafiiskiisa saf aaradda Addis Ababa ugu soo dhoweeyey sa fiir ku xigeenka ahna ku simaha safiirka boqor tooyada Urdun ee dalka Ethiopia mudane Dr. Emad Masalim.
Danjirayaasha Soomaaliya iyo Urdun ee dalka Ethiopia ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal maadaama ay ka mid yihiin dalalka jaamacadda carabta ee uu ka dhexeeyo xiriir mug weyn oo soo jireen ah.
Ambassador Emad ayaa tilmaamay in boq ort ooyada Urdun ay u diyaar garowday sidii ay Jamhuuriyadda Soomaaliya uga taageeri lah ayd wax soo saarka iyo warshadaha.
Danjire Warfaa ayaa dhankiisa si weyn ugu bogaadiyay boqortooyada Urdun taageerada iyo garab istaaga ay doonayso inay ku bixiso arrimaha wax-soo saarka iyo warshadaha Soo maaliya.
Qarax lala eegtay askar ka tirsan ciidan ka dowladda oo ka dhacay magaalada Muqdisho
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo bax aya qarax khasaare geystay oo Dorraad ka dha cay degmada Wadajir ee magaalada Muqd isho.
Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa Miino ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo maraayay Xaafada Buulo xuubeey ee degmada Wadajir.
Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyay waxaa waxy eelo kasoo gaartay hal askari oo ku dhaawac may qaraxa, waxaana sidoo kale uu burbur xo ogan uu soo gaaray gaariga qarxa lala eegtay.
Ma jirtoo wax war ah oo ka soo baxay dhan ka saraakiisha laamaha amaanka dowladda oo ku aadan qaraxa Dorraad ka dhacay xaafada Buulo xuubeey ee degmada Wadajir ee maga alada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soo maaliya waxaa maalmahii ugu dambeeyay kusoo kordhaayay falalka la xariira amaan dar ada, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhowrkii bi lood ee lasoo dhaafay amaanka Muqdisho uu ahaa mid wanaagsan.
Xuska maalinta Naas-nuujinta Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo dar yeelka bulshada Xukuumadda Federaalka So omaaliya Dr; Cali Xaaji Aadam ayaa furay mu naasabadda xuska todobaadka Naas-nuujinta Adduunka oo Dorraad oo kale laga xuso Caa lamka.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Drs; Maryama Maxamed Xuseen, Wasiiru do wlaha Wasaaradda Shaqada arrimaha bulsh ada XFS Agaasime waaxeedyada Wasa ara dda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xuku umadda Federaalka Sooma aliya, Mas’ uuliin ka socotey Maamulka Gobolka Banaadir, xu bno sare oo ka socday Hey’addaha Caalam iga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Dhaqaatiir, bahda Caafimaadka, iyo marti sharaf kale.
Munaasabadda Xuska todobaadka ayaa ujeedadeedu tahay in hooyooyinka lagu dhiirig elliyo iyo in ay nuujiyaan dhallaankooda dhaw aan dhashay si kor loogu qaado difaacooda ji rka, naaska hooyada waxa Kujira nafaqo dha meystiran oo ilmuhu ubaahanyahay ilaa uu ka gaarayo 6 da bilood ee ugu horeysa Naaska ho oyada waxa uu sidoo kale kordhiyaa Garadka caruurta kaas oo ka dhiga ilmaha mid Caqli badan Maskax iyo jir ahaanna u fiyoow, Wuxuu kaloo ka hortaga xanuunada caabuqa ee ku dhaca Neef mareenka Cunaha iyo Dhagaha.
Halku dhigga Sanadkan ee ay qaadatey Wasaa radda Caafimaadka iyo daryeelka bulsh ada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ah "Fursad u siinta Haweenka shaqeeya, in ay Caruurtooda Naaska nuujiyaan waa waajib bulsho”.
Taliyayaasha ATMIS Oo Kulan Ka Yee sha Qorshaha Dhimista 3,000 Oo Askari
Taliayayaasha Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ayaa yeeshay kulan ay ku qiimeynayeen wajiga 1aad ee dhimista laba kun oo Askari iyo dardargelinta wajiga 2aad ee lagu saarayo 3,000 oo Askari dhamaadka bisha soo socota ee September. Taliyayaasha Ciida nka Waddama da; Ke nya, Uganda, Djib outi, Ethiopia iyo Buru ndi, ayaa shaaciyay in wajiga 1aad ee wareejinta Saldhigyadii ATM IS ee lagu wareejiay dowladda Soomaaliya uu guuleystay.
Waxaa kale oo ay sheegeen inn ay isla me el dhigeen dhimista wajiga 2aad oo Sooma aliya looga saarayo 3,000 oo Askari.
Waxyaabaha kale ee ay isku raaceen waxaa ka mid ah goobaha wajiga 2aad lagu wareejinayo Dowladda Federaalka ah Ciida nkeeda si ay ula wareegaan mas’uuliyadda am niga dalkooda.
Taliyaha guud ee Ciidanka ATMIS Sam Oki ding, ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in Ciidamada Dowladda Soomaaliya saldhigyadii ay la wareegeen ilaa hadda gacanta ku hayaan islamarkaana kuwa la soo weeraray ay difa acdeen.
Waxaa kale oo uu sheegay in si waafaqsan qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramada mi doobey ee howlaha kala guurka Soomaaliya ay dhamaadka September saari doonaan 3,000 oo Askari taas oo tirade ka dhigi doonta 5,000 Askari in laga saaray Soomaaliya 2023 kaliya.
Duqeyn lagu laayey Al-Shaba ab oo Dorraad ka dhacday Ruun-nirgood
Howlgal lagu burburiyay fariisin ay lahaa yeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa Dorraad ka dhacay duleedka degmada Ruun-nirgood ee hobolka Shabe ellada Dhexe.
Gadiid dagaal iyo Saa nad Ciidan ayaa lagu bu rburiyey howlgalkaas oo ciidanka Qaranka oo kaa shanaya saaxiibada caa lamka ay Dorraad fuliyeen.
Deegaanka lagu magacaabo Sigato oo ho os taga degmada Ruun-nirgood ee Gob alka Shabeellada Dhexe.
Duqeyn ay geysteen diyaarado dagaal ayaa Dorraad fuliyey howlgalkaan, iyagoo beegsa day goob ay isku uruursaneysay kooxda Al-Shabaab.
"Howlgalkaan ayaa khasaaro xoog leh waxaa lagu gaarsiiyay danbiilayaasha Khawaar ijta ahaa ee ku sugnaa goobta uu howlgalka ka dhacay,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey wa rbaahinta dowladda inka stoo aan lagu shaacin tirada dagaalya hanada lagu dilay howlgalka.
Degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabe ellada Dhexe iyo deegaano badan oo hoos ta ga waxaa weli jooga ama yimaada dagaalyah ano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Ciidanka dowladda oo weerarro culus kala kulmay Al-Shabaab markii ay qabsa deen Ru un-nirgood waxay sii joogi waay een deegaan kaas, iyagoo isaga soo baxay.
Maalmihii ugu dambeeyey duqeymaha ka dhacaya aagga Ruun-nirgood ayaa aad u bad naa, waxaana Jimcihii ugu yaraan 100 Shab aab ah lagu dilay aagga deegaanka Daaruni cma oo degmadaas hoos taga, sidoo kale du qeyntaas waxaa Shabaab loo ga gubay ku dhawaad 10 gaari.
Ciidanka mucaaradka Puntland oo sheegay inay burburtay xabbad joojintii Garowe
Taliska Ciidanka la magac baxay Kumaa ndooska Danab ee Puntland ayaa sheegay inay burburtay xabbad joojin hal dhinac ah oo ay iyagu wadeen.
Qoraal kasoo baxay tal iska Danab ayaa lagu sheegay inay isim ada Puntland ku fashi lmeen inay go’aamo kasoo saar aan xaaladda nabad gal yada iyo jiritaanka Punt land.
Danab waxay sheegeen inay ka jawaab ayaan tallaabo kaste oo uu qaado madax weyn aha Puntlad, oo ay ku eedeeyeen inuu isku diyaarinayo inuu muddo kororsi same ysto.
Danab waxay kaloo uga digeen ururada siy aasada Puntland inay aqbalaan tallaabo kaste oo lagu wiiqayo inay Puntland doora sho ka dha cdo sideeda bisha January ee sanadka 2024.
Warka kasoo baxay taliska ciidaka Dan ab ayaa kusoo aaday, kaddib markii Dorraad gud diga doorashada Puntland uu saaray 8 urur siyaasadeed oo loo aqoonsaday xisbiyo.
Arrintaas oo kooxaha mucaaradku u arkaan tallaabo muujinaysa in madaxweyne Deniuu doonayo in xisbiyada ay u sameey aan muddo kororsi labo sano ah.
SSC- Khaatumo oo yeelatay hogggaan rasmi ah oo doorasho ku yimid
Jaamac Yaasiin Warsame ayaa Dorraad loo doortay hoggaanka SSC-Khaatuma, kaddib doorasho ka dhacday magaa lada Laascaan ood.
Jaamac Yaasiin Warsame ayaa doora shadan uga guul aystay Maxamuud Yuusuf Xa san, waxayna kala heleen 25 cod iyo 20. Iyadoo ay goob jo og ka aha ayeen golaha sare ee dhaqanka SSC.
Ku xigeenka hoggaanka SSC-Khaatuma ay aa sidoo kale loo doortay Jaamac Aadan Ci smaan. Mana jirin doorashada kula tartan tay.
Guddoonka cusub ayaa hoggaam indo ona 45-ka xubnood ee golaha dhexe SSC- Khaa tuma.Waxaa loo wakiishay inay ka shaqee yaan, isku dubaridka xoraynta degaanada SSC, ka shaqaynta arrimaha siyaasada iyo la tac aamulka hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka.
Hoggaamiyaha cusub ee loo doortay SSC- Khaatuma ayaa kamid ahaa barayaasha mag aalada Laascaanood, wuxuu sidoo kale kati rsan yahay shakhsiyaadka aadka ugasoo horj eeda maamulka Somaliland.
Golahan ayaa loo igmaday inay howlahaan sii qabtaan, tan iyo inta SSC- Khaatuma ka hela yso maamul madax bannaan oo lamid ah ma amulada ka jira Soomaaliya, arrintaas oo ay sheegeen inay haatan meel wanaa gsan ma rayso.
Wiilyar oo ku geeriyooday Barkad uu ku dhacay Magaalada Hargeysa
Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Gurmad Badbaado ah lagu soo warg eliyay gaar ahaan Degmada Garabis oo koo nfur galbeed Qiyaas 30KM ah ugu baxay Gu rmadkaas oo ahaa sida dadweynuhu ku soo war geliyeen Wiil yar oo ku dhacay Barkad, da’adiis una Qiyaas ahaan ahayd ilaa 17 Jir, kaasoo ku jiray muddo Barkadaas isagoo Mayd ah.
Naftood Hurayaasha Ciidanka Dab-demi ska ayaa isla markiiba go bt aasi gaaray kana soo saaray Barkada ilmahaas yar, hasayee shee Ilmahaas yari wuxuu ku dhintay Barkada asi waxaana intaa ka dib la wareegay hawsh aas Ciidamada dambibaarista Ciidanka Bool iska.
Ciidanka Dabdemisku waxay tacsi u diray aan Qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuum kaasi. Ilaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo jannooyinkiisana hawgu deeqo.
Booliska India oo saddex qof u soo qabtay dilka Imaam Masjid
Ciidanka Booliska India ayaa saddex nin u soo qabtay weerar aroornimadii hore ee Dorr aad ka dhacay Masaajid ku yaala Mag aalada Gurugram ee Gobolka Haryana.
Raggan oo la rum eysan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha Hi ndus-ka ee midigta fog ayaa rasaas oodda kaga qaaday Mas aajidka Anjuman Jama, iyadoo na markii dambe la she egay inay dab qabads iiyeen Masaajidkaasi.
Booliska ayaa xaqiijiyay geerida Maul ana Saad oo ahaa Imaamkii Masaajidka iyo dhaaw aca nin kale, oo ka mid ahaa illaa saddex qof oo xilligaasi ku sugnaa Masj idkaasi.
"Koox ka kooban 50 illaa 60 qof oo qasw adeyaal ah ayaa rasaas oodda uga qaa day Masaajidka Anjuman saacadihii hore ee Tala adada, taasoo keentay dhimashada hal qof iyo dhaawaca mid kale.” Ayuu yiri Taliye Kuxig een ka Booliska, Nitish Agarwal.
Taliye Kuxigeenka oo Warbaahinta la hadl ay ayaa xaqiijiyay in falkaasi ay u soo qabteen saddex qof oo la aqoonsaday.
"Waxaan xirnay dhowr qof oo aan oobi ka qo nay, waxaana wadnaa baaritaano ku aaddan dhacdadaasi.” Ayuu yiri Taliye Kuxigeenka.
Weerarka ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii rabshado ka dhaceen Degmada Nuh ee deriska la ah ee Waqooyiga Gob olka Haryana.
Kooxaha xagjirka ee Hinduuga ee la safan xisbiga talada haya ee Bharatiya Jan ata Party (BJP) ayaa Magaalada Gurugram ka waday olole ka dhan ah Salaadda Jim caha.
Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaa reey ay falalka lagu gubay Kitaabka Qura’aanka.
Jeddah :- Wasiirrada Arrimaha dibedda urur ka iskaashiga Islaamka ayaa cambaa reeyay fa lkii ka dhacay dalalka Sweden iyo Danmark ee lagu gubay Kitaabka Qur’aanka kariimka. Wasiirrada oo habkaaa lad da fogaan aragga ku yeeshay kulankoodii 18-aad ayay ku dhaleeceeyeen dhacdooyi nka soo laala abtay ee lagu gubayo nuqullo ka mid ah Kita abka Qur’aanka Kariimka, iy agoo she egay in ay taasi tahay mid xurmo darro ah oo abuuri karta nacayb iyo kala fog aasho. Erg eyga joogtada ah ee Soomaaliya u qaabbil san ururka OIC, Dr; Ibraahim Aad en Muuse oo So omaaliya ku matalayay kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in mas’uuliy iinta dowla daha Islaamka ay la yimaaddaan dedaal iyo wax qabad ku salaysan sidii loo ga hor tagi lah aa xurmo darrada lagu hayo muslimiinta.
Dr; Ibraahim Aaden Muuse ayaa sheeg ay in haddii la sahashado ay sii xoogeysan karaan ficillo gurracan oo ay ka mid yihiin caadeysiga Islaam nacaybka, faquuqa, cun suriyadda iyo dambiyo fool xun oo soo noq noqda. Shirka ay aa layskula soo qaaday sidii loo xaqiijin lahaa ballan qaadyada dalal ka saxiixay axdiga Qar amada midoobay ee ku aaddan dhowrista xuqu uqda Aadanaha, ka hor tagga takoorka, ilaalin ta diimaha, kala duwanaashaha, dhaqanka iyo luqa daha Caalamka.
Ukraine Oo Sii Kordhisay Duqeynta Ay Ka Geysanayso Caasimada Ruushka Ee Moscow
Dhisme ku yaalla caasimadda Ruushka ee Moscow ayaa markii labaad laba maalmood gudahood la gu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn. Duqa magaa lada Moscow Sergei So bya nin ayaa hase ahaatee shee gay in dhowr diyaaradood la soo ridey balse mid ka mid ah diyaaradaha ayaa gantaalo ku dhufatay mid ka mid ah daa raha ugu dhaa dheer magaal ada Moscow. Wasaaradda dif aaca ee Ruushka ayaa ku eedeysay Ukraine inay ka dambeysay weerar kii ugu dambeeyay.
Balse Maamulka Kyiv ayaan ka hadlin mas ’uuliyadda, laakiin wuxuu uga digay Ruushka in colaadda ay dhawaan u gudbi karto dhulkee da.Ma jirto cid wax ku noqotay weerarka ka dhacay dabaqa dheer ee IQ-Quarter Tower 1 balse waxaa ka dhashay burbur xoog leh.
Dhismahan waxaa xarumo ku leh kooxo ka socda wasaaradda horumarinta dhaqaalaha ee Ruushka, wasaaradda dhijitaalka ah, iyo wasa aradda warshadaha iyo ganacsiga.
Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa sheegt ay inay fashilisay Weerar Argagixiso ayna soo rideen labo diyaaradood oo kale oo laga leeya hay Ukraine kuwaasoo lagu soo riday nidaam ka lidka diyaaradaha meelo kale oo ka tirsan gobolka Moscow.
Gegida dayuuradaha ee Vnukovo ee Mosc ow ayaa sidoo kale muddo kooban la xiray,sida ay shaacisay wakaaladaha wararka ee Ruush ka. Moscow ayaa marar badan ku eedaysay Ukraine inay duqaymo diyaaradeed ka fulisay dhulkeeda bilihii la soo dhaafay, oo uu ku jiro midkii Kremlin-ka ee uu madaxweyne Vladimir Putin ka deggan yahay caasimadda bishii May.
Inkastoo Ukraine aysan sheegan mas’uuliyad da dhacdooyin gaar ah, madaxweynaha Ukra ine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in wee rarrada ka dhanka ah dhulka Ruushka ay yihiin hannaan lama huraan ah, dabiici ah oo cadaa lad ah. Ruushka ayaa duulaanka buuxa ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022.
SIDA JANARAAL CAYDIID UGA BAXSADAY CIIDAMADA MAREYKANKA
Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid
10 Maarso 2023Waa la cusbooneysiiyay
1-da Agoosto 2023Waa mid ka mid ah dhac dooyinka taariikhda dunida galay. Soddon sano kahor, waxaa waddooyinka magaalada Muq dishu dagaal qaraar uu ku dhexmaray ciidam ada ma reykanka iyo dad hubey san oo tabac san Janaraal Maxamed Faarax Caydiid. Ciidam ada Mareykanka wa xay fulinayeen howlgalka ay ku doonayeen inay kusoo qabtaan Janaraal Caydiid oo ay u arkayeen in uu caqabad ku ya hay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soom aaliya (UNISOM) ee Mareykanku hoggaam inayay.
Waxa uu ahaa howlgal loogu talogalay mud do sagaashan daqiiqo ah oo isku bedelay to ban iyo toddobo saac oo xiriir ah. Jab weyn oo ka mid ah kuwii ugu foosha xumaa ee ay dibe da kala kulmaan ciidamada Mareykanka ayaa qabsaday, howlgalkii wuu fashilmay.
Labo diyaarad oo ay adeegsanayeen ciidam ada Mareykanka ayaa la soo riday, 18 askar Mareykan ah, iyo boqolaal Soomaali ah dad lagu qiyaasay ayaa ku dhintay dagaalkaas oo markii dambe horseeday in ciidamada Marey kanku isaga baxaan Soomaaliya.
Caydiid lama soo qaban oo waa uu baxsad ay isaga oo muddo dheer sii xukumayay dhulka ugu balaaran ee Koonfurta iyo Bartamaha So omaaliya. Ciidamada mareykanka way ka bax een Soomaaliya.
Haddaba, sidee buu Janaraal Caydiid uga badbaaday qorshaha ay Mareykanku ku doona yeen inay ku xiraan? Maxamuud Cabdi Cilmi oo kamid ahaa raggii ugu dhawaa islamarkaas na ahaa xoghayaha gaarka ah ee Janaraal Cay diid ayaa markii ugu horreysay uga jawaabay weydiintaan buug ka qoray dagaalkaas oo lagu soo bandhigay Muqdisho. Waa buuggii ugu hor reeyay ee dhinaca Soomaaliya laga qoro, sida uu weriyay BBC ee Muqdisho Ibraahim Aadan.
Maxamuud Cabdi Cilmi
XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK
Qoraalka sawirka,
Maxamuud Cabdi Cilmi, qoraaga buugga 'Dag aalkii Ranjaliska' ee lagu soo bandhigay Muqd isho. Sabata uu ku badbaaday Jan araal Cayd iid ayuu ku shee gay 'in uu xumaa sirdo onka iyo sahanka ciidanka Mar aykanka' gaar ahaan unu gii kumaandooska oo ahaa mid loogu talagalay in ay fuliyaan weeraro qorsheysan, waqti koo ban na lagu soo afjari karo.
Maxamuud ayaa yiri: "Lix meel ayay ku dageen, hal meel ayay ku guuleysteen. Taasi waxay ku tusineysaa, hadii sirdoonkaagu ilaa heerkaas uu liito, see nin aad rabto inaad soo qabato u soo qabanee?,” ayuu yiri Maxamuud oo la hadlayay BBC.
Black Hawk Down waa filin laga sameeyay dagaalkii Maraykanka iyo dabley taabacsanayd Gen Maxamad Faarax Caydiid
XIGASHADA SAWIRKA,.
Qoraalka sawirka,
Black Hawk Down waa filin laga sameeyay dag aalkii Maraykanka iyo dabley taabacsanayd Janaraal Maxamad Faarax Caydiid
Xilligaas Muqdisho waxay u kala qay san eed laba dhinac oo aan isku gudbi Karin. Mid kamid ah wax aa haystay ciidama da Janaraal Cayd iid. Waxay ahayd Meesha kaliya ee uu ku dhu uman karay.
"Caydiid afartii bilood ee la raadinayay dad kii ugu dhawaa banii’adamka ayaan kamid ah aa,” ayuu yiri Maxamuud. "Guriguu ka soo bax aa, habeenkii ayuu dhaqaaqaa, laba nin ama hal askari oo hubaysan ayaa la socota oo go’ yaal wadata anna waan la socdaa inta badan.”
Marka laga soo tago hugaamintiisa ciidanka, Caydiid wuxuu mararka qaar qayb ka noqon ji ray dagaalada fool-ka-fool ah. Qoraaggu waxa uu buugga ku xusay in maalin uu dagaal ka soc day tarabuunka uu Caydiid ugu tagay mid ka mid ah furimnaha ay dagaalladu ka socdeen.
"Saraakiishu inta qorshe dajiyaan ayay sa raakiisha goobta dagaalka jooga u diraan. Isa gu taas kaliya ma ahayn, wuxuu ku dadaali jiray inuu ka daba tago iyo inuu kormeero,” ayuu yiri Maxamuud.
"Sarkaalku isaga oo aan ogayn ayuu fud ka soo leeyahay [dhinaciisa], markaas ayay leey ihiin ‘anagaa ku jirnee maxaad…?’ isaga ayay u diidayaan in ay wax gaaraan. Markaas ayuu leeyahay ‘maya waan noqnayaa, waxbaan fiir nayay kaliya’. Hadhoow marka la isku soo no qdo ayaad arkeysaa in indha-indheytiisu ay wa aya aragnimo ka buuxday, talooyinku uu bixin ayo halkaas mar ee uu meesha yimid.”
Saddexdii Oktoobar waa maalinkii uu dha cay dagaalkii cuslaa ee dhexmaray ciidamada maraykanka iyo maleeshiyaadkii Janaraal Cay diid. Maalinkaas qorshuhu wuxuu ahaa in la qa bto Caydiid, waxayna weerareen guri uu daga naa. Waxaan waydiinay halka uu ku suganaa maalinkaas ninka ay sida wayn u baadi goobay een kumaandooska Maraykanka.
"Maalintaas lagu soo dagaayay meesha [gu rigii Caydiid], maalinkii ka horeysay ayuu ii yee ray, meel u jirta laba boqol oo talaabo ayuu da ganaa, gurigaas waxaa iska lahaa nin la yir aahdo Cabdiraxmaan Dhooleey,” ayuu yiri Qoraagu.
"Subaxdaas uu noo yeeray aniga iyo nin kale, wuxuu yiri ‘Barafisoor Cawaale ka bixiya guriga [guriga ciidanka Maraykanku ku soo da gi doono]’ Cawaale waa lagu qabtay maali nta as meesha, maxaa yeelay subaxdii markaan u tagnay ee aan niri meesha inaan kaa bixinaan rabnaa, wuxu yiri dhar ma haysto, wxuu ka soo qa ay dagaal ka dhacay Soona K. isaga iyo nin kale ayaa waxay ku soo qaxeen hal boorso”.
Waxay u muuqatay in Caydiid uu sii ogaa haw lgalka la doonayay in lagu qabto.
Maraykanku dhankiisa dagaalkan waxbuu ka qoray. Howlgalkaasi uu Mareykanka hoga aminayay waxaa loogu magac daray "Hawl galkii Rejo soo celinta". Sidoo kale waxaa laga sameeyay film loogu magacdaray Black Hawk Down. Lix bil kadib na, Mareykanku waxay cii damadooda kala baxeen Soomaaliya. XIGASHO:-BBC
MUXUU YAHAY, YAASE LEH DHULKA CASA D'ITALIA?
Xaaafadda Xamarweyne. Waa meesha ay ku taallo Casa d'Italia
Dawladda Soomaaliya ayaa ku amartay dadka ku dhaqmayey dhulka Casa d'Italia inay ka baxaan maada ama uu dhamaa day "wakh tigii loo qabatay". Dhulk an oo ku ya al de gmada Xamarwe yne ee ma gaal ada Muq disho ayaa sod don kii sano ee la soo dhaafay waxaa deg enaa dad soo bara kacay, iyo meelaha qaar laga dhigay goobo gan acsi. Dadka mudada dheer dege naa dhulk aas ayaa ka cago jiidaya inay bane ey aan halkaas, oo ay ku tilmaameen in uu yahay 'dhul dowlo' oo ay tahay in aan laga saarin.
Haddaba, muxuu yahay dhulka Casa d'Italia, yaase iska leh dhulkan, ma dowlad, ma dad shacab mise cid kale?
Maxaan ka ognahay xaruntan
Meel aan ka fogeyn taallada xusaska lagu qab to ee Mudisho – Daljirka dahsoon – wa xaa ku yaalla dhisme fac weyn oo la dhisay xilligii gum eysiga.
Casa d’Italia waxay ahayd xarun jaaliya de ed oo uu Talyaanigu lahaa, waxayna ku taallaa faras-magaalaha Muqdisho, meel aad ugu dhow halkii uu ku oolli jiray Hotel Shabeelle oo iminka gabi ahaanba burbu ray, waxayna dhab arka ku haysaa dhismihii safaaradda Shiinaha.
Waxyaabaha xaruntaas ay lahayd wa xaa ka mid ah meelo lagu cunteeyo, goobo lagu ca yaaro, meel filimada lagu daawado iyo xarunta dhaqanka Talyaaniga.Yaa tegi jiray
Xaruntaas dadka aadka u yaqaanna waxay aa mnisan yihiin in la furay xilligii gumeysiga Talyaanigu haystay Muqdisho iyo gobollada Ko ofureed, waxaana isugu imaan jiray maamula yaashii Talyaaniga, xaasaskooda, carruurtoo da, baadariyadii, soorooyinkii, macallimiintii iyo dadkii Talyaaniga ahaa ee Soomaaliya ka shaq ayn jiray ama soo booqan jiray. Waxaa kaloo loo ogolaa askarta Talyaaniga.
Waxaa xusid mudan in xarunta dhaq anka ee Talyaaniga (Centro culturale Italia no) xilligii dawladda kacaanka loo raray meel aad uigu dhow madaxtooyada Soo maaliya.
"Qof kasta looma ogolayn inuu soo galo. Ma rka laga reebo muwaadiniinta Talyaan iga ah. Dadka Soomaalida ah ee halkaa tagaya waxay ku tegi jireen martiqaad ay u soo diraan muwa adiniinta Talyaaniga oo kaliya
” ayey tiri Shukri Siciid oo ah saxafiyad deggan Talyaaniga.
Xilligii dawladdii kacaanka waxaa aad isku beddelay nidaamka Casa d’Italia. Bac damaa uu dalku dawlad lahaa waxaa aad loola socday dhaqdhaqaaqa gudaha dhism ahaas, laakinse lama fara gelin jirin, maad aama Casa d’Italia ay hoos imaanaysay saf aaradda Talyaaniga, ayadoo xiriirka Sooma aliya iyo Talyaanigana uu aad u wanaagsanaa.
Istaraatijiyadda goobta
Xarunta Casa d’Italia waxay u dhow dahay ama masaafo loo socon karo u jirtaa meel aha ay dadka Talyaaniga ah ka hawlgali jir een ama u badnaayeen.
Meelahaas waxaa ka mid ah Kaniisadda weyn ee Muqdisho (Cattedrale di Mogad iscio), Xaruntii maamulka Talyaaniga (Uff icio gov erno), Iskuulka hoose dhexe ee Xaa woTaako oo markii hore la oran jiray (Sc uola Regina Ele na), Dugsiga sare ee xisa baadka iyo cabir aadda (Scuola ragioneria), Collegioi Nuova Somalo, dugsiga Bartama (Scuola medio cen trale) iyo makhaayadihii talyaaniga u badnaa sida Croce del Sud iyo Café nazionale.
Waxaa kale oo aad ugu dhaw xarumihii safaaradaha sida safaaradaha Talyaaniga, Ame erikaanka, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka.
Yaa iska leh dhulkan?
Dhulka uu ku yaallo dhismaha Casa d’Italia waxaa Milkiyadiisa leh dawladda Talyaa niga, waxaa dagaalladii sokeeye markii ay dalka ka qarxeen loo gaystay boob, ka di bna waxaa galay dad soo barakacay.
"Talyaanigu wuxuu daba socday in dhul kaas loo soo celiyo muddo 10 sano ka bad an” ayey tiri Shukri oo aad ula socotay xiri irka uu talyaanigu ku doonayey soo celinta dhulkaas.
Maamulka gobolka Banaadir wuxuu iminka shaaca ka qaaday in codsi uu ka soo gaaray dawladda Talyaaniga "kaasoo ay u soo direen guddoomiyaha gobolka Banaa dir, ayagoo soo mariyey wasaaradda arrima ha dibadda, sida ku cad dukumentigan hor teenna yaalla, waxayna codsiga ku cadde eyeen in ay doon ayaan dhulkoodii Casa d’Italia, ayna doon aya an inay mashaariic horumarineed ka fuliyaan” ayuu yiri Saalax Xasan Cumar, Afhayeenka maamulka gob olka Banaadir.
Afhayeenku wuxuu sheegay in dhui lkaas qayb ka mid ah ay dad deggan yihiin, qaybna ay tahay geerash, halka labada qay bood ee kalena ay kala yihiin Makhaayad iyo meel gaadiidka la dhigto.
"25/4/2023 ayuu guddoomiyuhu warq addan qoraywaad dareemi kartaa muddada ka soo wareegtay, dadki deganaana waxaa la siiyey muddo ay halkaas kaga guuraan, muddadiina waa dhamaatay” ayuu yiri Afha yeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere.
Ma cadda waxa Talyaanigu uu ka sam ayn doono dhulkaas, iyo goorta uu la war eegi doono.XIGASHO:-BBC
SHEEKADA NAXDINTA LEH EE KALTU UN IYO IBTISAAM OO KUFSI WADAR EED LOO GEYSTAY SUUDA AN
Iyadoo Kaltuum ay kufsi wadareed u geysteen afar dagaalyahan oo ka tirsan cii damada taageer ada degdegga ah ee ku sugan gobolka Darfur ee dalka Suudaan,
ayaa sidoo kale lagula kacay cunsuriyad.
Digniin: She ekadan waxaa macquul ah I nay ku jiraan qoraallo same yn kugu yee la naya ee ka tax adar.
"Waxay ahaayeen kuwo bahallo ah. Wax ay igu soo celiyeen geedkii aan u aaday in aan qoryo ka soo guro si aan u shidanno oo aan diirrimaad uga helno waxay iigu celi yeen si ay iigu kufsad aan," ayay ku tiri cod gariiraya, iyadoo hoos ugu dhigtay khadka taleefanka.
Waxaan beddelnay magaceeda iyada iyo gab adh kale oo la kufsaday isla marka ana aan kasoo xigannay sheekadan.
Kaltuum, oo 40-jir ah, waxay ka soo jeed daa Galbeedka Darfur ee Masalit ee dadka madow, halka kuwii kufsaday ay ahaayeen Carab ka tirs an Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee RSF.
Kooxdan dableyda ah ayaa lagu eede eyaa in ay gaysteen gaboodfallo badan oo ka dhashay Is ka horimaadka kaas oo ku saleysan isir nacaybkii horay u jiray ee Darfur.
Kaltuum oo ku nooleyd El Geneina oo taariikh ahaan calaamad u ah awoodda Afr ikaanka ma dow ee Darfur, iyo caasimadda dhaqanka ee bo qortooyada Masalit ayaa ha dda waxay la soo ca rartay ninkeedii iyo car ruurteeda oo xanuunsan.
Kaltuum waxay sheegtay in kuwii kufsa day ay u sheegeen in ay isaga baxdo maga alada maada ama ay "Carabtu leedahay”, taas oo sii kordhina ysa cabsida ay qabaan dad badan oo Afrikaan madow ah oo ka ca bsi qaba in RSF ay waxy eelleeyaan.
Sudan waxa ay gashay dagaal sokeeye bartam ihii bishii April, kadib markii ay is khil aafeen lab ada janaraal ee ugu awooda bad naa oo kala ah taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo tal iyaha RSF Moham ed Hamdan Dagalo, oo loo ya qaan "Hemedti".Dagaalkooda ayaa dib u soo cel iyay cola adda Darfur, oo markii ugu horreysay bi la abatay 2003-dii, taasoo sababtay dhima shada dad lagu qiyaasay 300,000 oo qof oo gobolkaasi ah. Colaaddii ugu dambeysay ayaa ku qas abtay in ka badan 160,000 oo qof, oo u bad an qowmiy ad da Massalit inay u qaxaan Chad. Ma cadda tir ada dadka lagu dilay gob olka, iyadoo qiyaasta ugu yar ee dhimasha da El Geneina lagu sheegay ilaa 5,000.
Dagaalyahannada RSF-ta ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay xasuuq ka geyst een gobolka ugu dadka badan Suudaan iyo magaaladda caasimad da ah ee Khartoum.
Dagaallada ayaa horseeday inay ka qax aan ku dhawaad laba milyan oo qof tan iyo bartamihii bi shii April. "Waxay iilasoo bexeen qoryiha, waxa yna i waydiiyeen halka aan u socdo, markii aan u sheegay in aan guriga eeddaday u socdo, waxay igu eedeeyeen in aan ka tirsanahay ciidanka nab ad sugidda,” ayay tiri, iyadoo codkeedu aad u gab an yahay.
Askarta ayaa dabadeed ku qasbay inay raacdo baabuurkii ay wateen oo ay u kaxeeyeen guri u dhowaa oo aan aaggaasi ka fogeyn.
"Waxaan arkay nin kale oo guriga ku jira, oo sib tay nigiskii, waxaan isku dayay inaan baxsado, laakiin mid ka mid ah askar ta ayaa si xun ii garaacay, waxaan ku dhacay dhulka, waxay iigu hanjabeen inay i dilayaan ha ddii aan dhaqaaqo ama aan qayliyo" Ayay tiri, in tay taleefoonka ku ilmeysay.
"Saddexdoodaba waxay wey i kufsadeen wa liba halmar kabadan, kadib waxay igu celiyeen ba abuurkoodii, waxayna igu tuureen wadada dhina ceeda markii qorraxdu dhacday," ayay tiri.
Kadib waqti yar oo ay aamusneyd isla markaa na hadalku kasoo bixi waayay, Ibtisaam waxa ay ka warrantay sida ay dareemeyso waxa ay sheeg tay inay ay dareentay "bahdil iyo xumaan aad u weyn".
"Waxaan rabay in aan is dilo, laakin waan is celiyay, waxaan ku laabtay guriga, cidna uma she egin waxa dhacay." Ayey sii raacisay Xafiiska xuq uuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ee dalka Sudan ayaa horaantii bishii July sheegay inay hel een warbixino ku saabsan 21 dhacdo oo xadgud ub galmo ah oo lagula kacay ugu yaraan 57 hawe en iyo gabdho yaryar isugu jira.
Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Mid oobay Volker Türk ayaa xusay in "RSF lagu aqo onsaday dambiyada " ku dhawaad dhammaan kiisaska laga soo sheegay xafiiskiisa.
QM iyo kooxaha xuquuqda maxalliga ah ayaa la baduba waxay rumaysan yihiin in tirooyinkani ay yihiin qayb yar oo ka mid ah miisaanka dhabta ah ee dembiyada.
Ahlam Nasser oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha Suudaan ay aa sheegtay in ays an wax shaki ah ka qabin in kufsiga loo isticmaa lo hub dagaal oo dad ka lagu argagax geli yo. Haweeneydan lafteeda hadda waxa ay ka car artay Suudaan, waxa ayna sheegtay inay iyaduna sheeko naxdin leh ka maqashay qaar ka mid ah haweenkii ku laabtay Khartoum.
"Mararka qaar, hooyooyinka waxaa lagu kufs adaa carruurtooda hortooda," ayay tiri Ms Nasser.
Suudaan RSF ayaa beenisay in dagaalyahann adeeda ay ka dambeeyaan weeraradan xadgud ubyada ah ee la xiriira kusiga.
Cod laga soo duubay afhayeenkooda Moha mmed al-Mukhtar oo BBC-da lalasoo wadaagay ayaa wuxuu ku sheegay in dagaalyahannadooda "ay ka go'an tahay heerka ugu sarreeya ee daga alka".
"Waxaa jira ololeyaal ulakac ah oo lagu xum eynayo sumcadda dagaalyahannadayada kadib guulihii militari ee aan gaarnay," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Markii BBC-du ay u sheegtay in aan la had alnay haween sheegay in dagaalhayannado oda ay waxyeello u geysteen, Al-Mukhtaar wuxuu she egay in dadka iska dhigaya xubnaha RSF ay mas' uul ka yihiin xadgudubyada.
Kaltuum iyo Ibtisaam ayaa waxa ay sheegeen in xanuunka ay la kulmeen aysan waligood hilma ami doonin."Weligay ma ilaawi doono wixii igu dhacay. Ca laamad ceeb ah ayaa i raaci doonta weligeed, sida harkeyga oo kale," Kaltuum ayaa sidaasi tiri. XIGASHO:-BBC


0 



HALKAAN KA AKHRTISO:- WARGEYSKA M.TIMES DAILYN NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 2-DA AGOOSTO 2023-KA
...