DAAWO:-BF oo la yimid dhaqan cusub oo aan looga baran + Video

0
Tuesday August 01, 2023 - 13:10:55 in Wararka by
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO:-BF oo la yimid dhaqan cusub oo aan looga baran + Video

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka wuxuu muddo xileedkiisa ku billowday si caajis ah.

Dadweynaha ayaa niyad-jab ka muujiyay waxa laga filan karo kadib markii si aan aad loo hubin ay u mariyeen sharciyo iyo qaraaro waaweyn.

Hoggaankiisa ayaa sidoo kale aad loo duray, laakiin kalfadhigii u dambeeyay xildhibaannada waxay lasoo laabteen car-car, iska fiirin la xiriirta sharciyada, isla xisaabtanka adag ee golaha wasiirada iyo inay ka fal-celiyaan dhamaan dhacdooyinka ka socda dalka.

 

Inuu hurdadii ka kacay baarlamaanka, gaar ahaan golaha shacabka ayaa si weyn u muuqata xilligaan. Marwalba oo uu jiro baarlamaan tayeysan waxay u badan tahay inay xukuumadda hagaagto.

Haddii ay xukuumadda hagaagtana waxaa hagaagaya hay’adaha kale ee dalka, taasi oo dhabo fiican ku rideysa nidaamka dowliga ah ee ka jira Soomaaliya.

Haddaba, aan dib idin xasuusino doodihii xiisaha lahaa ee muddooyinkii la soo dhaafah ka socday golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya iyo xamaasadda ay xildhibaanada soo bandhigeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip