Abaalka aysan dad badan ka war hayn ee Sinead O'Connor ay u gashay Soomaalida

0
Friday July 28, 2023 - 22:27:17 in Wararka by
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaalka aysan dad badan ka war hayn ee Sinead O'Connor ay u gashay Soomaalida

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Allaha u naxariisto fanaanaddii caanka aheyd ee Irish-ka, ee markii dambe qaadatay diinta Islaamka, Sinead O’Connor ayaa geeriyootay Arbacadii shalay.

"Waxaan annaga oo aad uga murugsan ku dhowaaqeynaa geerida Sinead. Qoyskeeda iyo saaxiibadeeda aad ayey u murugsan yihiin, waxaana xilligan adag codsaneynaa ilaalinta xogteena gaarka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen qoyskeeda, oo ay baahisay warbaahinta dowladda Ireland ee RTE.

Qoyskeeda ma aysan shaacin sababta dhimashadeeda. Waxa ay Sinead O’Connor aheyd 56 jir.

 

Haddaba, waxaa warbixintaan ku eegi doonaa diiwaanka cajiibka ah ee Sinead, gaar ahaan Islaamnimadeedii iyo abaalkii ay u gashay Soomaaliya, xilli ay xaalad adag wajaheysay.

Abaalka aysan dad badan ka war hayn ee Sinead O'Connor ay u gashay Soomaalida


Sinead O’Connor iyo Islaamka

Sinead O’Connor oo ahayd fanaannad u dhalatay dalka Ireland, sagaashamaadkii ayuu fankeedu dunida qabsaday.

 

Fanka waxaa u wehliyey in ay ahayd qof aan runta ka gaban, codkeedana inta dulman ugu hiilisa oo waxaa laga hayaa in ay tiri;

"Ku tala-gal igama aha in aan mushkilad abuuro, laakiin inta badan way dhacdaa in ficilladaydu xasarado kiciyaan, waanse ku faraxsanahay in aan dhibleey ahay.”
 

 

Sinead ayaa bishii October 2018-ka ku dhowaaqday inay qaadatay Diinta Islaamka, "Waxaan ku faraxsanahay inaan noqday Muslim,” ayey tiri.

Waxay sheegtay in go’aankeedu ahaa mid dabiici ah oo uu gaaray qof caqli leh, waxayna baahisay xilligaas muuqaal ayada oo aadameysa.

Sidoo kale waxay markaas tiri "markii aan Juzka labaad ee quraanka aqriyey waxaan dareemay iyo hoygaygii helay, oo aan weligayba Islaam ahaa.”

 

Waxay markaas kadib Sinead qaadatay magaca‘Shuhada Sadaqat’.

Sinead iyo Soomaaliya

Sinead O’Connor ayaa markii ay aragtay muuqaallada laga baahiyey macluushii Soomaaliya ka dhacday 1992-dii ee "Caga-bararka” loogu magac daray waxay qaadatay go’aan geesinimo leh, oo ku aadan xaaladda ay markaas wajahayeen Soomaalida.

 

Sinead ayaa kadib markii ay aragtay codsiga Laanqayrta cas ay ku doonayso lacag lagu gar-gaaro dadka macaluushu ku hayso Soomaaliya ay go’aansatay in ay iibiso guri ay lahayd si loogu caawiyo Soomaalida dhibaataysan.

Gurigaasi ay ku deeqday Sinead ayaa ku yaallay Hollywood, wuxuuna ka koobnaa shan qol iyo barkad lagu dabaasha. Waxaana xilligaasi la soo dhigay xaraash ka socday hotelka Savoy ee London, iyada oo qiimihiisu ahaa $750,000.

Marka laga soo tago arrintaan, Sinead ayaa sidoo kale ahayd qof aan runta ka gaban, codkeedana inta dulman ugu hiilisa, iyada oo lagu xasuusto hal-ku-dhiggeedii "La dirir cadowga runta ah.”

 

Odhaahdaan ayaa si weyn u faaftay kadib markii Sinead oo TV Mareykan ah ay malaayiin si toos uga daawanayaan ay jeex-jeeday sawirka Baadiraga ugu waynaa Diinta Kirishtaanka (John Paul II).

Sinead O’Connor ayaa sidoo kale dhowr jeer iska diiday abaalmarinta caalamiga ah ee la yiraahdo Garrmy Award, taasi oo ay sheegtay "in aan garsoor xaq ah lagu bixin.”

Dhinaca kale, heesaheeda qaarkood mudaaharaad oo kale ayey ahaayeen. Mar laga sugayey in ay qaado mid kamid ah heesaha caanka ah (Nothing compares to you), "cid kula dhigmaan jirin,” ayey masraxa kaga rogtay heestii "War” ee cunsiriyad la dirirka ahayd ee uu qaaday heesaagii waynaa ee Bobe Marley.

 

Allaha u naxariisto Sinead O’Connor ayaa ugu dambeyntii Arbacadii shalay aheyd u yimid xaqii Eebe, iyada oo ifka kaga tagtay saddex caruur ah, waxaana la sheegay inay ku nooleyd oo ay waqtigeeda u kala qaybin jirtay Ireland iyo Britain ka hor dhimashadeeda.XIGASHO:-CAASIADDA.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip