
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA W.ARGEYSKA M. TIMES DAILYNEWYS PEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay magaalada…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxam uud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Roma ee da lka Talyaaniga Madaxaweyne Xasan Sheekh ayaa dalkaas uga qeyb-gaya shirar heer caa lami ah iyo kuwo heer gobol ah oo ka dhacaya Roma.
Shirka ugu weyn ee ka qeyb galkiisa uu madaxweyn uhu u tegay Talyaaniga waa ‘Madasha Geeska Afrika iyo Talyaaniga’ oo ka furmeysa Roma.
Madaxda dalalka Geeska Afrika oo Soomaal iya ay ka mid tahay ayuu Talyaanigu ku casuum ay madashaas. Sidoo kale Madaxweynaha Soom aaliya wuxuu ka qeyb geli doonaa shir seddax geesood ah oo u dhaxeeya Talyaaniga, Sooma aliya iyo Itoobiya.
Sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya shirarka kale ee Madaxweynuhu uu ka qeyb gali doono waxaa ka mid ah, shirka Q/M oo looga haddli doono la dagaalanka cunto yarida iyo ka hor tagga macaluusha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mada xda caalamka la wadaagi doona cunto yarida ka jirta Soomaaliya iyo caqabadaha sababay.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shirka QM. ku soo bandhigi doona warbixin ku saabsan fursada ha balaaran ee dhanka beeraha Soomaaliya, si caalamku u maal-gashado.
Heshiis Horu-Dhac Ah Oo Laga Gaaray Dagaal Beeleedyadii Ka Dhacay Cadale Iyo Raage Ceele
Xubnaha ku jira xal u helidda colaadda ka alo osan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in heshiis horu-dhac ah laga gaaray, dagaalkii dadka badan ku dhinteen ee todobaadkii hore ka dhacay deegaanno hoos taga degmooyinka Cad ale iyo Raage Ceele.
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaminaya wadahadallada qabaa’ilka dhe xmaraya ayaa sheegay in labada beelood ay ku heshiiyeen in xabadda la joojiyo isla markaana cii damada la kala qaado.
Afar goobood ayaa loo cayimay in la kala geeyo miliishiyooyinka qabaa’ilka ee dagaalamay kuwa as oo kala ah Boos Muluq,Gayfo,Ceel Xarar iyo Bursho Sheekh oo dhammaantood hoos yimaada degmooyinka Cadale iyo Raage Ceele.
Colaadda u dhaxaysa beellaha deegaankan ku dagaalamaya ayaa soo jiitaymaysay muddo ka badan sanad, waxana lagu dilay dad aad u badan oo tiradooda si saxa aan loo diiwangalin, iyadoo tuulooyin badan lagu gubay.
Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo shee gay inuusan jirin xariir ka dhaxeeya dow ladda Soo maaliya iyo Iiran
Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo is kaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuusan jirin wax xariir dublamaasiyeed ah oo ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladda Iiraan sidoo kalena waxaa uu tilmaamay inaysan jirin dublamaasiyiin Soomaaliyeed oo ku qoran safaa rradda Iiran,
Wasiirka oo kulan su’aalo wey diin ah la yeeshay guddiga Arrim aha Dibadda iyo Iskaashiga Caal amiga ee Golaha Shacabka BJFS ayaa la weyd iiyay waxa uu ka ogyahay Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda oo safaro joogto ah ku taga dalka Iiraan "Sideedaba Safaarad ay nu leenahay oo nooga furan Iiran iyo xariir dublam aasiyeed oo Iiran aan la leenahay ma jiro, sidaas awgeed ma lihin dublamaasiyiin noogu qoran sa faaradda Iiran, kuwii xilligii uu xariirku go’ay jooge yna waan ka soo ceshanay” ayuu yiri wasiirka Abshir Cumar.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Md. Abshir Cumar Huruuse oo uu wehlinayao Wasiir dowlaha Wasaaradda Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa Guddiga ugu warbixiy ay habsami u socodka howlaha shaqo ee Wasaa radda iyo sida ay u shaqeyaan safaaradaha dalal ka caalamka aan ku leenahay.
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ay Ken ya wax wada hadal kala furayso kiiskii Badda
Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u diiday hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha dowladda Kenya, Willian Ruto, hadalkaas oo ku saabsanaa jiritaanka wada hadal u dhaxeeya labada dowladood oo ku saabsan muranka badda.
Bishii Oktoobar 2021, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), oo ah tan ugu sarreysa ee U.N, ayaa soo saartay go’aan lagusoo afjaray muranka badda, iyadoo Soomaaliya u xukuntay dhul badeedka lagu muransanaa. Muranka ayaa salka ku hayay samaynta xuduud badeed qayb ka mid ah bad weynta Hindiya oo la og yahay in ay haysato kayd badan oo saliid iyo gaas ah.
"Ma jiro wax wada xaajood ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Arrintii muranka badda wa xay ku dhammaatay maxkamadda, wax ka soo no qoshana ma leh. Kiiskaas waa la xidhay oo si wanaagsan ayuu u dhamaaday." Wasiiru Dowla ha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya.” Cali Cumar Balcad, ayaa sidaas ku sheegay mar uu ka hadlaayay kulanka Baarlamaanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa go’aanka maxka madda ICJ ku tilDorraady guul ka dhalatay dadaal keeda aan kala go’a lahayn ee ay ka qaadatay muranka Kenya ay galisay badda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Ken ya William Ruto ayaa dhawaan sheegay inay soc daan wada-hadallo, iyadoo uu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysay hadalka Madaxweyne Ruto, ayaa beenisay in uu jiro wadahadallo ay Kenya kala yeelaneyso xudu udka badda ee maxkamadda ICJ go’aanka ka gaartay.
Inkastoo Maxkamadda Caalamiga ah ee Cad aaladda (ICJ) ay go’aan rasmi ah ka soo saartay dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, ayaa haddana waxaa Soomaaliya ka dha shay walaac ku saabsan ujeedka dhabta ah ee Madaxweyne Geelle. Waxaa jira warar tilmaam aya in madaxweyne Geelle uu si firfircoon ugu olo leynayo in dib loosoo celiyo wadahadallada iyo wada xaajoodyada labada dal ee kiiska badda.
RW Xamse Barre oo laba Qodob kala hadlay Xildhibaanada laga soo doortay Puntland
Ra’iisul Wasaaraha XJF Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan iyo xog-wareysi isugu jira hoygiisa ku la yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee deeg aan doorashadoodu tahay Puntland. Ra’iisul Wasaara ha ayaa Xildhiba ann ada warbixin ka siiyey heshii sya dii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, isla markaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa.
Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xaala dda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriya da Federaalka Soomaaliya Xamsa ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan naba dda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumar ka la hiigsanayo.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudd oomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), iyadoo ugu dambeyn si wanaagsan la isugu afgartay.
Guddoonka 2da aqal ee Baarlamanka oo maga caabay xubnaha Soomaaliya ku matalaya urur ka iskaashiga Islaamka
Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Soo maaliya ayaa Shal ay soo saaray ware egto ay ku magaca be en xubnaha BFS uga mid noq onaya midowga Baarlamaanada ururka iskaash iga Islaamka (OIC), oo ka kooban xubnood.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe ) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay xubnaha BJFeS uga mid noqonaya midowga Baarlamaan ada ururka iskaashiga Islaamka (OIC).
Xubnaha la magacaabay BFS uga mid noqon aya midowga Baarlamaanada ururka iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa kala ah:
Xil. Maxamed Ibraahim Cali
Xil. Cabdiqaadir Sheekh Cali Aadan
Xil. Maxamed Xuseen Abuu kar
Xil. Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed
Sen. Cali Maxamed Gacal
Wasiirka Dhallinyarada XFS oo hortegay Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Aqalka Sare BJFS
Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani’aadanimada, warfaafinta iyo dha qanka Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga
ah ee ka saaran la xisaab tanka hay’adaha dowlad da, ayaa Dorraad xafiiskoo da ugu yeeray mas’uuliyiin ta wasaaradda dhallinyara da iyo cayaaraha oo uu hogaaminayo Mudane Ma xamed Barre Maxamuud iyo Wasiir ku xigeenka Marwo Fahmo Axmed Nuux.
Kulanka oo la isku dhaafsaday su’aalo, war bixinno iyo falanqayn ku saabsan howlaha shaqo ee Wasaaradda, ayaa si gaar ah Wasiirka wax loo ga waydiiyay qorshe howleedka wasaaradda, siya asadda Qaran ee Wasaaradda uga taalla dhalli nyarada, horumarinta ciyaaraha Dalka, garoom ada ciyaaraha, xiriirka Wasaaradda iyo Wasaa radaha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah DFS iyo su’aalo kale oo muhiim aha.
Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha iyo Wasiir ku xigeenka ayaa masuuli yinta Guddiga arrimaha Bulshada Aqalka Sare, waxay faahfaahin dhamaystiran ka siyeen dham maan su’aalihii ay ka qabee howl-qabadka Wasaaradda.
Ugu danbayn Guddoomiyaha Guddiga Arrim aha Bulshada Aqalka Sare Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) oo kulanka su’aalo waydiinta ah soo xiray ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta Wasaaradda dhallinyarada iyo caya araha, sida ay warbixinta uga siiyeen su’aa lihii ay qabeen.
Turkiga oo ka carooday tallaabo ay qaa day DF
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibad da Soomaaliya Cali Balcad ayaa gala bta shee gay in dowladda Turkiga ay ka carootay hadal ka soo yeeray wasiirka caa fimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji.
Wasiirka caafimaad ka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegay inay dowladda Turkiga ka codsadeen in la be delo Agaasi maha guud ee Isbitaalka Erdogan, Ex Dig feer oo Turkidu ay maamusho.
Hadalkaas uu wasiirku shaaciyey waxaa ka carootay dowladda Turkiga oo dooneys ay in arrin taan si hoose loo xaliyo oo la bedelo Agaasimaha, iyadoo aan la ogaan.
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha diba dda Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in xiisadda uu abuuray hadalkii wasiirka caafimaad ka Soomaaliya aan weli la xalin.
"Dowladda Turkiga ayaa cabasho ka muujisay in wasiirka caafimaadka Soomaal iya uu si Public ah u sheegay in Agaasimihii isbitaalka Digfeer la eryey,arintaasna illaa hadda xal uma aanan helin,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.
Wasiirka ayaa sheegay in isbitaalka Dig feer uu leeyahay afar agaasime oo Turki ah iyo afar ku xigeen oo Soomaali ah, isla mar kaana uu yimid khilaaf maamul.
Khilaafkaas ayaa sababay in wasaar adda caafimaadka Soomaaliya ay codsato in laga bedelo agaasimaha guud ee Turkiga ah, waxaana dalabkaas aqbashay dowlad da Turkiga, sida uu maalmo ka hor shaaci yey wasiirka caafimaadka Soomaaliya. Afarta Agaasime ee Turkida ah waxaa horay loogu heshiiyey in dowladda Turkiga ay soo magacowdo, halka afarta ku xigeen ee Soomaalida ah ay soo magacaabeyso dowladda Soomaaliya.
WASIIR hore oo Xalay lagu dilay magaalada Muqdisho
Kooxda Al-Shabaab ayaa magaalada Muq disho ku dhex dishay wasiir hore oo ka tirsanaa maamulka HirShabeelle, sida ay ogaatay Caasi mada Online masuulkaas waxaa Xalay lagu dilay degmada Yaaqshiid.
Masuulka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Axmed Muudey, wuxuuna wasiirka beeraha ka soo noqday dowlad goboleedka HirShabeelle.
Koox ku hubeysan bistoolado ayaa marx uumka Makhribkii ku dishay xaafadda Godey-Makane ee degmada Yaaqshiid, waxaana goobta ka baxsatay kooxdii dilka geysatay.
Kooxda Al-Shabaab ayaa Xalay soo saartay qoraal ay ku sheeganeyso dilka wasiirkii hore ee beeraha HirShabeelle Allaha u naxariistee Xasan Axmed Muudey.
Qaraxyadii ay Muqdisho ka geysa jirtay ko oxda Al-Shabaab oo galaafa jiray nolosha dad shacab ah oo aad u badan ayaa laga joojiyey, ka dib dadaallo iyo xirfado ay la yimaadeen hey’ad aha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Balse hey’adaha ammaanka ee dowladda Soom aaliya weli kuma guuleysan inay magaalada Mu qdisho ka joojiyaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada qofka loogu xiro gaarigiisa.
Maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho waxaa ka dhacay dilal lamid ah kan Xalay loo geystay wasiir kii hore ee beeraha HirShabeelle, sida dilka gud doomiye ku xigeenkii dhanka maaliyadda ee deg mada Awdheegle oo maalin ka hor ay ku dileen degmada Xamarjajab.
Dilalkaan gaadmada ah oo sanado badan ay Al-Shabaab ka geysanayeen Muqdisho, waxaa lamid ah oo weli aan xal loo helin qaraxyada qofkii fursad lagu helo loogu xirayo gaarigiisa, kuwaas oo sababa in qofka si fudud lagu soo afjaro.
Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa soo hagaagayey amniga magaalada Muqdisho oo sidaan ka daraa, ciidan cusub ayaa loo soo taba baray magaaladaan, kuw aas oo gaaf-wareega ha been iyo maalin, waxaana muuqata in tartiib loo gaarayo xubni ay xakameyn karaan hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Alshabaab oo labo todobaad kaddib sii daayay gaadiid xamuul u siday M/Baydhabo
Ururka Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay sii daayeen qaar ka mid ah gaadiidkii ku waja hnaa magaalada Baydhabo, kuwaas oo ay ku xannibeen degaano katir san gobolka Baay.
Warar ayaa sheegaya in gaa diidkan lagusii daayay, kaddib markii odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed ay wada hadal la galeen saraakiil Shabaab ah, si loo sii daayo gaadiidka.
Hase ahaatee, maamulka Koonfur Galbeed ayaa arrintaas beeniyay, wuxuuna sheegay howlg alladii dhowaan laga fuliyay gobolka Baay in ay qeyb ka tahay in gaadiidka ay si nabad ah ugasoo gudbaan degaanada lagu xannibay. Kooxda Alshabaab ayaa weli gacanta ku haya deegaanka Mooda-Moode, oo ah goob la shee gay in Al-Shabaab ay isbaaro u dhigtaan gaadii dka xamuulka ah ee ka yimaada magaalada Muqdisho, kunasii jeeda magaalada Baydhabo.
In ka badan labo toddobaad oo ay gaadiid badan oo xamuul ah ku xannibnaayeen gobolka Baay, waxay sababtay in qiimaha maciishadaha nolasha ay kor u kacaan, arrintaas oo saamayn ku yeela tay dadka degaanka, kuwaas oo awal horeba la daalaa dhacayay saamaynta abaaraha.
Go’doominta Alshabaab ayaa sare u qaaday qiimaha la kala siisto raashinka, shidaalka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah nolasha dad ka ku nool magaalada Baydhabo.
Saddex arrin oo muhiim ka dhigaya qorshaha socda ee Soomaaliya iyo Ruushka
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxam uud ayaa si ficil ah u billowday soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka. Labadaan dal oo ay u dhaxeeyaan dhacd ooyin taban iyo kuwa togan intaba, ayaa muddo laheyn cilaaqaad micno leh.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Abshir Huru use ayaa tegay Ruushka bishii May ee sanadkaan, haddana waxaa socda qorshe lagu xoojinayo xiriirka labada dal.
Dad badan oo Soomaali ah ayaa su’aallo ka keenay waxa waqtigaan muhiim ka dhigaya xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, sidoo kalena waxaa la faafiyay warar sheegaya in labada dal ay heshiis milateri gaareen.
Laakiin wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaa liya oo socdaalkiisa Moscow uga jawaabay guddiga arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa beeniyay inay jiraan heshiisyo millateri oo ay gaareen Muqdisho iyo Moscow.
Ruushka waxa uu kamid yahay dalalka deynta ugu badan ku leh Soomaaliya, xilli dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay olole ugu jirto in laga cafiyo deyn 5 bilyan oo dollar ah oo lagu leeyahay dalka.
Si deyn cafintaasi loogu gun-gaaro dowladda Soomaaliya waxay ku qasban tahay inay saaxiibtinimo gaar ah u muujiso dalalka deynta ku leh.
Sidoo kale Soomaaliya waxaa saaran cuna-qabateyn dhanka hubka ah, xilli adduunka uu sugayo in dowladda federaa lka ah ee Soomaa liya ay ka adkaato argagi xisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxam uud wa xa uu waayahan waday olole xoog gan oo la xirii ra dhanka cuna-qabateynta hubka, Ruushka-na waxay kamid yihiin shanta dal ee awoodda ugu badan ku leh Golaha Ammaanka, wax badan aya yna ka galaan ololaha ay Soomaaliya ugu jirto in laga qaado xayiraadda dhanka hubka.
Iyada oo dhinaca kale la iloobi karin deeqaha waxbarashada ee ay marwalba Ruushka siiyaan dhalinyarada Soomaali yeed, haddana wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Abshir Huruuse waxa uu ku dhiiraday inuu caddeeyo waxa ay Raa shiya muhiim ugu tahay Dorraad.
"Ruushka waa waddan aan laheyn xiriir weyn oo hore, inkasta oo sanadahaan dambe active aheyn, ardeyna ay naga joogto oo sanad walba ina siiya deeqo wax barasho. Waa waddan kamid ah waddam ada deynta ugu badan inagu leh ee aan kala xaajooneyno deyn cafinta, waana wadd an muhiimad u leh in nagala qaado cunaqab atey nta hubka,” ayuu yiri Wasiir Huruuse.
Waxa uu intaas sii raaciyay "Sidaas aawadeed maadaama ay ina-soo casuum een in aan u tagno waanu ajiibnay. Ma jirto heshiis aan galnay oo ah heshiis ciidan ama ganacsi ama mid kaleba.”
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Dorraad booqday kulliyada Ciidamadda ee Dowladda Qatar
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Cabdu lqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo safar shaqo ku jooga Caasimadda dowladda Qatar ee DOHA ayaa Dorraad soo booqday Kulliyadda Ciidamada ee Axmed Bin Muxammad iyo Machadka luqadaha ee Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Qatar.
Booqashooyinka wasiirka iyo wafdigiisa ay booqdeen kulliyadda iyo machadka ayaa daaran sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka tacliinta ciidamada ee wasaaradaha gash aandhigga labada dal.
: Kiiskii dilka ee TikTok ka billowday oo gaaray maxkamadda ciidamada
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa si rasmi ah u billowday dhageysiga kiis dil ah oo ka bilowday gacan ka hadal dhex-maray dhalinyarro caan ka ah aaladda baraha bulshada ee TikTok.
Kiiskaan oo loo haysto Sharmaarke Xuseen Jaamac iyo Maxamed Faarax ayaa ka billowday gacan ka hadal uu ku baxay marxuum Saciid Cabdi Cali oo isaguna kamid ahaa dhallinta TikTok-ga isticm aasha.
Falkaas ayaa dhacay 29-kii Juun ee sanadk aan, xili ay ku soo wada xifaal-tameen goob u dhaxeyso Isbitaalka Dalmar iyo Beerta Banaadir ee degmada Hodan, halkaasi oo ay habeenkii isugu yimadaan dhalinta isticmaasha TikTok-ga, sida laga horsheegay maxkamadda.
Sharmaarke ayaa markaas habeen kadib soo kaxeystay laba askari oo ka tirsan ciidanka NISA, kuwaasi oo lagu kala magac aabo Maxamed Abuukar Dayax iyo Maxa med Cali Cismaan (Sul eey), kadibna halk aas ku dileen marxuum Saciid Cabdi Cali.
Maxamed Abuukar iyo Suleey ayaa sidoo kale kamid ahaa eedeysanayasha dhageysiga max kamadda ka soo hor muuq day. Waxaan maxkam adda laga hor sheeg ay in gacan ka hadalka isku beddelay dilka ee dhalinta TikTok-leyda dhexma ray uu markii hore ku billowday Gabar uu watay mid kamid ah eedesanayaasha.
Xeer ilaalinta iyo baarayasha kiiskan ayaa intii socday fadhiga maxkamadda, ayaa waxay halk aasi ku soo bandhigeen cadeymo lid ku ah eedeysanayaasha kasoo hormuuqday maxkam adda ciidamada qalabka sida.
Intaas kadib waxaa fadhiga maxkam adda soo xiray guddoomiyaha maxkama dda ciidamada qa labka Xasan Shuute, isaga oo ku dhawaaqay in go’aanka ay gad aal kasoo sheegi doonto maxk amadda.
Ma ahan markii u horreysay ee maxka madda ciidamada qalabka sida ay u fadhii sato ka dha shay TikTok, ayada oo horra antii sanadkaan go ’aan ka gaartay kiis la yaab leh oo ka dhashay muuqaal Prank ah aa oo ay sameeyeen koox Tik-Tok-ley ah oo ku sugan M/Muqdisho
Golaha Wakiilada Somaliland oo Guddoomiye Cusub doortay
Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Shalay waxaa ay guddoomiyaha Golaha Wakiilada u doorteen Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon) oo sidoo kale mar soo noqday Wasiirka Arrimaha guddaha Soomaaliland. Guddoomiye faratoon ayaa 64 Cod waxaa uu kaga guuleystay Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo la tartamay, kaas oo helay 3 Cod, waxaana guddoomiyaha cusub uu bedela yaa Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo is casilay.
Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Farat oon) ayaa u mahad celiyay 82 Xildhibaan ee Gol aha Wakiilada Somaliland oo goobta fadhiyay, isa ga oo sheegay in uu si wanaagsan ugu Shaqeyn doono.
Ninkii toogashada ka gaystay Degmada Buur hakaba oo isna la toogtay
Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa Sabtidii toogasho ku dilay nin habeenkii Khamiista toogasho ka gaystay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Ninkan oo lagu magacaabi jiray Isaaq Isma aciil Isaaq ayaa degmada ku dilay laba askari oo ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, halka gabar kalena uu dhaawa cay, xilligaas oo loo maleynayay in uu dib ugu laabtay deegaan ka Buur Eyle ee gobolkaasi oo billo ka hor uu ka yimid.Ninka la toogtay
Dad shacab ah oo arkay in uu ku dhuumaal eysanayo buurta dusheeda ayaa ciidam ada ku soo wargeliyay in dembiilaha uu ku sugan yahay buurta degmada.
"Ciidamada way hareereeyeen, waxayna ka dalbadeen inuu isa soo dhiibo, laakiin wuu ka dhe ga adeygay, wuuna dagaalamay, isna halkaasaa lagu soo afjaray.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado.
"Ciidamada waxay goobta ka soo qaadeen hubkii uu ka qaatay askartii uu ku dilay magaa lada.” Ayuu sii raaciyay Sarkaalkaasi.
Isaaq Ismaaciil ayaa saddexdii bilood ee ugu dambeysay ka tirsanaa Ciidanka Madaniga Buurh akaba, iyadoona ay Saraakiishu sheegayaan in si aan laga fiirsan loogu soo daray ciidamada deeg aanka, haddii uu ka yimid dhul ay Shabaabku ma amulaan, ayna ahayd in la marsiiyo habraacii u degsanaa hay’adaha ammaanka.
Ninkan ayaa waxaa ciidanka ku soo daray askar ay ka mid yihiin labada askari ee uu ku dili doono degmadaasi, kuwaa oo sida la sheegay ay isu heyb yihiin.
2da askari ee uu dilay ayaa lagu kala magaca abi jiray Maxamed Xaaji Madnuur (Mad-muran) iyo Xasan Cabdi Buulle (Baroor) oo nin da’ ahaa. Xigasho:dhacdo.com
Abaabulka Wajiga labaad ee la dagaalanka Al-Shabaab oo ka billaawday Galmudug
Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Xasan Ma xamed Abuukar (Xasan Jaamici ) oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Taliska xoogga dalka, ayna hor muud u tahay Madaxa isku xirka hoggaanka ciid anka iyo shacabka G/dhexe Iimaan Maxamuud Cali Elman ayaa Dorraad booqasho la xiriirta wad atashiga iyo la socodka xaaladohooda ugu tagtey saraakiisha iyo ciidamada deegaanka ee u diyaarsan ka qaybgalka wajiga laba ad ee dag aalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Booqashadan oo ka dhacday fadhi Ciidanka deegaanka ee isku abaabuley ka qayb galka xoreynta deegaanada bari ee gobolka Galgaduud ay ku leeyihiin meel banaanka ka ah Magaalada Dhuusamareb ayay taliyaha qaybta iyo saraakiisha wehlisey xog dha meystiran kaga dhageysteen qaar kamid ah sa raakiisha iyo siyaasiyiinta deegaanadaas
Waxayna uga warameen sida ay goor horeba dagaalkan ugu diyaar garoobeen, iyagoo ciidamo iyo gaadiid dagaal kasoo daabuley meelo Galmu dug ka baxsan.
Ugu dambeyn Taliyaha Qaybta 21-aad ee Cii danka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici ) iyo saraakiisha kale ayaa u khudbeeyay Ciidamada diyaarka u ah wajiga labaad ee howlgalka xorey nta dalka
Madaxaisku xirka hoggaanka ciidanka iyo shacabka G/dhexe Iimaan Maxamuud Cali Elman ayaa balan qaadey in dowladu diyaar u tahay dhii rigelin walba oo ay u baahan yihiin Ciidankan, si gaar ahna ay u tixgelin doonaan macluumaadka ciidan ee ay saraakiishu la wadaageen.
Maxkamadda Racfaanka oo soo gaba-gabey say dhageysiga dacwad loo heysto 36 Ajaaniib
Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ay aa Dorraad soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heysto 36 ruux oo ku eedeysan kall uumeysi sharci darro ah in ay ka sameeyen xe ebaha Soomaaliya.
Eedeysanayaasha oo hore ay xukunka ugu soo riday Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa racfaan kasoo qaatay maadaama qareenadooda ay sheegeen in aysan ku qancin.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa fadhiga Dorraad kusoo bandhigay qalabka lagula socdo dhaqdhaaqa maraakiibta, oo sheegayay xilli yada doomahaan ay soo galeen aaga dhaqa alaha gaarka ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda rafcaanka gobo lka Banaadir Garyaqaan Saciid Cali Maxamed ay aa soo gaba-gabeeyay fadhiga Dorraad waxaana uu sheegay in Maxkamadda ay go’aan kasoo saa ri doonto
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliya oo kulan la yeeshay madaxda howlgalka mido wga Afrika ee ATMIS
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sar eeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la ye eshay madaxa howlgalka midowga Afrika ee Soo maaliya,( ATMS), Amb. Mohamed El-Amine Suoef, Taliyaha Ciidanka Milatariga ATMIS, Sare eye Guud. Sam Okiding iyo Taliyaha Boliiska ATMIS, Commissioner, Hillary Sao Kanu.
Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta Cii danka Boliiska iyo qorshayaaaha hortabinta u leh Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ka hor bixitaanka ATMIS.Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo tiir dh exaad u ah Ciidamada Qalabka Sida ee JFS ayaa u diyaar garoobaya sidii loo hanan lahaa ama anka Dalka maadama ay mas’uuliyada sugida Amniga guud ee dalku dhawaan ay la wareegi
doonaan Ciidamada JFS.
Waa kuma Yaasin: Faratoon – Guddoo miyaha cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland?
Magaalada Hargeysa waxaa Dorraad ka dhacday doorashada Gudoonka Baarlam aanka Somaliland, Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon, ay aana ku guullaystay doorashada guddoomiyaha Golaha Wakii llada Somaliland.
46 Xildhibaan ayaa u codeey ay Faratoon halka xildhibaan Maxamed Khadar-na ay u cod eeyeen 35 Labo sannadood ka hor ayuu xilkaan u tartamay Faratoon oo markaasi guul darro kala kulmay. Waxaa markaas ay tartameen Cab dirasaaq Khaliif Axmed oo ka guuleystay kaas oo helay 42 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.
Hase yeeshee Cabdirisaaq ayaa bannee yay jagadii guddoomiyaha ee xilligaas oo loo doortay sababo la xiriira dagaalka Laasc aanood ka socda ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamo deegaanka ah.
Faratoon wuxuu wasaaradaha Waxbar ash ada iyo Arrimaha Dibadda ka soo qabtay dowlad da Madaxweyne Muusa Biixi. Waa xubin firfircoon oo ka tirsan xisbiga Kulmiya ee Talada haya.
Waa kuma Faratoon?
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxa uu ku dha shay magaalada Laascaanood, sann adkii 1947-kii. Wuxuu dugsigii hoose ku dhammaystay isla magaaladaas, halka uu baxay dusgsigii sare ee Dayaxa ee magaa lada Ceerigaabo.
Waxabarshada jaamacadda qaybta ho re wux uu ku qaatay jaamacaddii Lafoole, gaar ahaan Kulliyadda Barashada Adeegga Bulshada. Isla jaamacaddaas ayuu markii danbena macallin ka noqday.
Ka dib wuxuu shaqo ka billaabay Wasa araddii Waxbarashada, wuxuuna madax ka noqday Qaybtii Waxbarashada Dadka Waa weyn.
Sannadkii 1978-dii ayuu waxabarshada heerka labaad ee jaamacadda u aaday dalka Britain. Wu xuu dhigtay Jaamacadda Manchester.
Sannadkii 1980-kii ayuu ka mid ahaa saraakiil lagu eedeeyey Kacaandiid, wux uuna si dhuuma sho ah markii danbe ugu safray dalka Qatar halkaas oo uu muddo ku noolaa.
Faratoon ayaa sida oo kale qayb ka ah aa aas aaskii iyo nabadeyntii beelaha wada dega Soom aliland. Sannadkii 1991 wuxuu noqday noqday guddoomiyihii ugu horreey ey ee gobolka Sool ee Somaliland.
Sannadkii 1993 ayuu madaxweynihii ugu horre eyay ee Somaliland, ka dib markii ay mad axbana anideeda ku dhawaaqday, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, u magac aabay Faratoon in uu noqdo Wasiirkii Caaf imaadka iyo Shaqada.
Sannadkii 1997, waxa uu ka mid noqday xil dhibaannadii golaha wakiillada ee Jam huuriya dda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, isaga oo qayb ka ahaa Xubnihii qoray dastuurka.
Xilligii madaxweyne Daahir Rayaale ah aa madaxweynaha Somaliland, Faratoon waxa uu no qday Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Dib u dejinta, taas oo markii danbe uu iska casilay.
Sannadkii 2016, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu Faratoon u maga caabay Wasiirkii Arrimaha Gudaha.
Markii la doortay madaxweyne Muuse Biixi wuxuu isna Faratoon u magacaabay Wasiirka Wasaa radda waxbarashada, isaga oo ka mid ahaa golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee xukuumaddaas sannadkii 2017.
Isla xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, wa xaa mar labaad laga dhigay Wasiirka Wasaara dda Arrimaha Dibadda, oo xilkaa hayey ka hor inta aanu isu sharrixin xildhibaan golaha wakiill ada ah, isaga oo haatanna u tartamay guddoomi aha Baarlamaanka oo lagaga guule ystay.Isha: BBC
Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo Qaliin halis ah lagu sameeynayo
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Net anyahu, ayaa sheegay in lagu rakibay qalabka wadnaha. Hadal muuqaal ah oo uu soo saaray, Mr Netan yahu wuxuu u sheegay Israa’iili yiinta inuu la kulmay wadne xanuun usbuucii la soo dha afay, hadalkaasi kadib ayaa la go’aamiyay in re ysal wasaaraha la geliyo qalliin dhanka wadnaha ah.
Wasiirka cadaalada Yariv Levin ayaa noqon doona ku simaha ra’iisul wasaaraha inta Mr Neta nyahu uu ku jiro qaliinka
Waxa uu filayaa in laga saaro cisbitaalka isniinta si uu ugu codeeyo isbedelada garsoorka ee muranka dhaliyay.
Qalliinka ayaa loo qorsheeyay inuu ka dhaco Isbitaalka Tel Hashomer, ayaa lagu yiri bayaanka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa la suuxin doonaa inta lagu jiro qaliinka.
Ukraine oo ka careysiisay Moscow, markii ciidamadeeda ay dileen Wariye u dhashay Ruushka
Wariyahan ayaa Sabtidii lagu dilay weerar ay Ciidamada Ukraine ka gaysteen Koonfur Bari Gob olka Zaporizhia ee dalkaasi Ukraine, sida ay shee gtay Wasaaradda Difaaca Ruushka.
Wariyaha oo lagu magacaabi jiray Rostislav Zhuravlev ayaa ahaa Wariyihii Wakaaladda Wararka Ruushka ee RIA uga soo waramayay furimaha hore ee dagaalka.
Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in Wariyaha iyo saddex Saxafi oo kale oo weerarka ku dhaawacmay laga daadgureeyay goobta, balse Wariyuhu uu markii dambe u geeri yooday dhaawicii ka soo gaaray weerarkaasi.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ukraine ay weerarka u ade egsadeen bambada wax gumaadda ee Cluster, oo dhawaan uu siiyay Mareykanka.
"Wariyeyaasha kale waxay qabaan dhaawac yo heerar kala duwan leh.” Ayaa lagu yiri bayaanka.Safiir Kuxigeenka Ruushka ee QM .Dmitry Polyansky ayaa sheegay in weerarku uu ka dhigan yahay mid ka tarjumaya, sida Ukraine ay uga soo gudubtay sida uu yiri dhammaanba khadadka cas.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa dilka Zhuravlev ku sheegtay dembi fool xun, oo ay si wadajira u soo qorsheeyeen Reer Galb eedka iyo Ukraine.
"Weerarka lagu beegsaday Saxafiyiinta ma ahayn mid si kedis ah u dhacay.” Ayaa lagu shee gay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, Maria Zakharova ayaa weerarka ku tilm aamtay fal dembiyeed argagixiso oo abaabulan, inkastoo aysan Warbaahinta la wadaagin cadd eymo muujinaya in weerarku uu ahaa mid si ula kac ah loo gaystay."Kuwa ka masuulka ah aargoo siga naxariis darada ah ee lagu bartilmaa meedsaday Wariyaha Ruushka, waxaa hubaal ah inay la kulmi doonaan ciqaabta ay mudan yihiin.” Ayay tiri Maria Zakha rova. Maria Zakharova ayaa sheegtay in masuuliy adda dilka Saxafiga ay sidoo kale leeyihiin kuwa hubkan siiyay Ukraine.
Waxay sheegtay in Saxafiyiinta la beegsaday ay ku howlanaayeen uruurinta warbixin la xiriirta qaraxyo ay Ciidamada Ukraine ka gaysteen gobo lkaasi, iyagoo adeegsadanaya bambada Cluster oo laga mamnuucay meelo badan oo dunida ka mid ah.
Wakaaladda Wararka ee RIA ayaa sidoo kale tebisay geerida Wariye Zhuravlev, kaas oo ay sheegtay in lagu dilay weerar ka dhacay meel u dhow deegaanka Piatykhatky oo ka tirsan Degma da Vasylivka ee Gobolka Koonfurta Ukraine ku yaala ee Zaporizhia.
Dowladda Ukraine ayaan weli ka hadlin weera rka la sheegay in ciidamadeeda ay ku bartilmaam eedsadeen koox Saxafiyiin ah oo Ruushka u dha shay. Warbaahinta Galbeedka ayaa sheegeysa in ay jiri doonto jawaab carro leh oo Moscow ka bix in doonto weerarkaasi.
Colaadda Ukraine ayaa u muuqato mid kaga sii dareysa xurgufta Ruushka iyo NATO, xilli ay meel adag mareyso xiisadda labada dhinac.
Dagaalka sokeeye ee Suudaan ka socda oo boqol maalmood jirsaday
Ugu yaraan saddex kun oo qof ayaa la di lay, inkastoo tirada ru nta ah laga yaabo ina an weli la ogaan. In ka badan saddex milyan oo Suudaani ah ayaa ku barakacay colaadda. Dagaalka ayaa salka ku ha ya magaalada caasimadda ah ee Khartoum iyo galbeedka gobolka Darfur halkaas oo ururka qar eenada maxalliga ah ay ku warameen in ugu yaraan labaatan qof ay ku dhinteen gantaallo dha waan la soo riday.
Dhakhaatiirta Waqooyiga Kordofan ayaa sheegay in afar isbitaal oo ku dhow caasimadda El-Obeid la beegsaday Jimcihii iyo Sabtidii.
Waxaa jira calaamad yar oo muujinaysa in mad axa ciidanka, General Abdel Fattah al-Burhan, iyo taliyaha ciidamada militariga, Mohamed Hamdan Dagalo, ay diyaar u yihiin inay doonayaan nabadda
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliya oo kulan la yeeshay madaxda howlgalka mido wga Afrika ee ATMIS
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sar eeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la yee shay madaxa howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya,( ATMS), Amb. Mohamed El-Amine Suoef, Taliyaha Ciidanka Milatariga ATMIS, Sar eeye Guud. Sam Okiding iyo Taliyaha Boliiska ATMIS, Commissioner, Hillary Sao Kanu.
Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta Ciid anka Boliiska iyo qorshayaaaha hortabinta u leh Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ka hor bixitaanka ATMIS.
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo tiir dhe xaad u ah Ciidamada Qalabka Sida ee JFS ayaa u diyaar garoobaya sidii loo hanan lahaa ama anka Dalka maadama ay mas’uuliyada sugida Amniga guud ee dalku dhawaan ay la wareegi doonaan Ciidamada JFS.
WERIYAHA BBC-DA EE MAALINTII AROOS KIISA UU AABBIHIIS IS DILAY
Isaga oo la had la ya wargeyska Sunday Times, wuxuu sheegay in aabihiis Quin tin oo 92 jir aha a uu ka tagey farriin qoraal ah oo dhahaysa "nida amku wuu isasoo xiray" iyo in aysan u "bannaana yn waddo kale".
Walaalka Evan ayaa qoraal kusoo sheegay warka naxdinta leh xilli uu daadihiyaha Radio 4 ku sugnaa qaybta qaabilaadda ee arooskiisa bishii July ee sannadkii tagey.
Daadihiyaha ayaa si kedis ah ugu soo jeed iyay dadkii martida ahaa in uu aabihii dhintay.
Waxa uu sheegay in munaasabadda ay isu bedd eshay "xaalad naxdin, u damqasho, iyo tacsi" - ma uusan u sheegin martida in geeridu tahay is dilis ilaa mar dambve.
Davis, oo caan ku ah daadihinta barnaamijka telefishanka ee Dragon's Den iyo barnaamijka BBC ee Radio 4's PM, wuxuu guursaday Guilla ume Baltz oo ay 2012 isu faraanti galiyeen.
Quintin waxa uu aad u taageeray xidhiidhka wiilkiisa, isaga oo munaasibadaas ka jeediyay khudbad "faan iyo jacayl".
Laakin meherkii London ka dhacay waxa ka mid ahaa dad tiro yar oo aan lagu casuumin xaflada kowaad, oo ay ku jiraan laba iyo toban saaxiibo iyo deris ah.
Intii ay socotay xafladda, Davis wuxuu she eg ay inuu farriin ka helay walaalkiis Roland oo u she egaya inuu soo "waco si degdeg ah".
Markii geerida aabbihii loo sheeg ay, Davis wuxuu jaray taleefanka. shan daqiiqo ka dib ayuu ku celi yay, wuxuuna ogaaday in aabihiis is dilay.
Balse farrinta uu ka helay Ronald iyo walaalkiisa kale, Beric ayaa ku dhiiri geliyey in uu sii wato maalinta.
Davis ayaa maritaiisa ku yiri: " waxaa inasoo ga aray war. Aabahay ayaa geeriyooday. laakiin ma doonayo inaad sastaan. Waayeelbuu ahaa wax aana dhamaatay tiisa.
"Dhab ahaantii ma jiro wax aan ka samayn kar no. Saas darteed waxaan soo jeedinayaa in aan sii wadanno munaasabadda."
Maalinkii xigay ayey ahayd markii ay saaxiibadiisa shaqadu weydiiyeen sida uu arooskiisu ahaa, Davis wuxuu yiri "ilmo ayaa igasoo daadatay".
Davis wuxuu sheegay in Quintin uu saddexdiisa wiil farrin u diray sannadkii hore kuna war geliyey in uu doonayo in uu is dilo.
Balse mar uu la hadlayey wariyaha Sunday Times Decca Aitkenhead, wuxuu sheegay in uus an garanayn sababta uu ugusoo beegay maalinta arooskiisa. Wuxuu yiri: "Waxaan dhamaanteen is weydii nay waxa maskaxdiisa ka guuxayey... maalin fiic an ma jirto, sowma aha? waana ogah ay in uusan sidan u smayn sidii oo u carqaladayn lahaa munaasabadayada." Dhowr farriimood ayaa laga ag helay meydka Quintin.
Waxa uu warqad u qoray xaaskiisa, Davis hooyadii Hazel, oo ku jirtay guri daryeel, isaga oo u sheegay sida uu u jecel yahay, iyo saddex qor aal oo isku mid ah oo uu ukala diray wiilashiisa.
Qoraal kale oo gacan-ku-qoran ayaa u dhignaa: "Dhammaan qoyskayga, aad baan uga xumahay -sidaa darteed, aad baan uga xumahay in aan tan idinku sameeyo. Laakiin waa natiijada ugu wana agsan. "Nidaamkaygu wuu xidhmayaa, waxaanan qarka u saaranahay burbur maskaxeed, tusaale ahaan, waan waalanayaa oo jir ahaan waan kala tagayaa. Runtii ma haysto wax kale. Dhammaant iin waad ku mahadsan tihiin inaad noqotaan qoys aad u wanaagsan."
Quintin si gooni gooni ah ayuu uga tagay qora allo uu ku tilmaamayo in aan "waqti kasta laga caawinin go'aan ka gaarista nafta", iyo in uu sidan u sameeyay "sababtoo ah waxaan rabaa inaan ilaa liyo madax-banaanidayda".
Waxa uu uga tagay naagtiisa boorso dhar cus ub ah, iyo lacag caddaan ah si loogu bixiyo mushaharka dadka beertiisa xanaaneeya.
Davis aabihiis iyo hooyadii oo asal ahaan ka soo jeeda Koonfur Afrika, waxay yimaadeen UK ka dib markii ay ku kulmeen jaamacad, waxayna wada joogeen 65 sano.XIGASHO:-BBC
SADDEXDA DAL EE OGGOL IN LA GUBO KITAABKA QUR'AANKA AH
Dad ayaa lagu xirxiray banaanbaxyo looga soo horjeedo gubidda Kitaabka Sweden
XIGASHADA SAWIRKA,EPA
Eedeymaha la xiriira nac abka diinta Islaamka ee dalalka Yurub ma ahan wax cusub. Laga soo billa abo xirashada xijaabka haweenka Muslimiinta ah iyo gubidda Qur'aanka Kariimka ah, waa wax mar ar badan ka dhacay dalal Yurub ku yaalla.
Waxaa maalmahan aad isugu soo taraya carada laga muujinaya kitaabka Qur’aanka ee lagu gubay waddamo ka tirsan Yurub.
Barta Facebook-ga ayay Jimcihii, koox xagjir ah oo kasoo jeeda Denmark soo dhigeen muu q aal muuqaal nin gubaya wax u muuqday Qur' aanka isla markaana ku tumanaya calanka Ciraaq.
Ficilka kooxda oo lagu magacaabo Dansik Patriot ayaa horseeday caro xooggan iyo dibadba xyo ballaaran.
Ciidamada amaanka Ciraaq ayey Sabtidii iska horyimaadeen boqollaal taageerayaasha wadaad ka Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadr, kuwaas oo isku dayay in ay xoog ku galaan aagga cagaaran oo ay ku yaallaan safaaradaha shisheeye iyo xaru maha dawladda ee caasimadda Baqdaad, si ay uga mudaaharaadaan qur’aanka lagu gubay afa afka hore ee safaaradda Ciraaq ee Denmark.
Dibad baxayaasha Ciraaq oo da’ yar u badnaa ayaa ku dhawaaqayey "haa, haa Quraanka” iyo erayo kale waxayna ciidamada Ciraaq ka hor tag een in ay dibad baxayaashu gudaha u galaan aag ga cagaaran ee aadka loo ilaaliyo. Waxay jareen laba buundo oo soo gasha aagga.
Booliska ayaa muujiyey in ay dibadbaxaya ashu isku dayayeen in ay galaan safaaradda Den marka ee Baqdaad.
Haddaba waa kuwee dalalka oggol in Kitaabka Qur’aanka la gubo?
Dalalkan Yurub ku yaalla ayaa waxay dhammaant ood leeyihiin shuruuc dadka Qur’aanka gubaya u oggolaaneyso taas oo ay ku sheegeen inay ka mid tahay xorriyatul qowlka.
Sweden
Booliska Sweden iyo dad banaanbaxaya
Sweden ayaa dhowr goor lagu gubay kitaabka Qur’aanka, tallaabooyin ay ka dhasheen caro iyo cambaareyn xooggan. Ciiddii ayay ahayd markii nin Ciraaq ka soo jeedo uu kitaabka ku hor gubay misaajid hortii iya doo weliba ay tahay maalin Ciidul Adxa ah. Salwan Momika oo xaggiisa danbe ay taagan yihiin ask ar booliis ah, xilli uu ku sugnaa bannaanka masaa jidka Stockholm, isaga oo lulaya calanka dalka Sweden, heesta qaranka ee dalkaasina ay ka ag baxaysay ayaa laba u kala jeexay dabna qabadsii yey kitaabka qur’aanka kariimka.Telefishinka SVT ee dalka Sweden ayaa sheegay in bandhiggaasi uu ku dhamaaday si nabad ah, iyaga oo sii raa ciyey in ninkii ka dambeeyay banaanbaxa uu jeex jeexay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, uu bogag ka mid ah kabihiisa ku masaxay halka uu qaarna ku laalaabay hilib doofaar caydhiin oo uu watay, arrintaas oo dad badan u arkayeen in uu rabay in dareenka dadka muslimka uu ku kiciyo.
Momika oo ah Qaxooti Ciraaqi ah ayaa u ololaynaya in dalka Sweden kitaabka laga joojiyo. Waxaana falkiisaas ka cadhooday malaayiin Musl imiin ah oo dareenkooda ku muujiyey baraha bul shada iyo dalka Turkiga, oo falkaas ku tilmaamay waxaan loo dul qaadan Karin.
Dowladda Swden ayaa canbaareysay falkan balse waxay wasaaraddeeda arrimaha dibadda sheegtay in Sweden ay leedahay xuquuq uu das tuurka ilaaliyo sida xaqa isu imaatinka, xorriyatul qowlka iyo bannaanbaxyada.
Denmark
Waxaa ugu dambeysay dhacdadii Jimcihii ka dhacday ee carada dhalisay ee ay kooxoo lagu magacaabo Dansik Patriot oo kasoo jeeda De nmark ay soo dhigeen muuqaal muuqaal nin gu baya wax u muuqday Qur'aanka isla markaana ku tumanaya calanka Ciraaq.
Inta badan dadka guba kitaabka Qur’aanka waxay adeegsadaan sharciyada xoriyatul-qowlka.
Nidaamka ka jira dalalka reer galbeedka ayaan xakameyneyn xaqa ay dadka u leeyihiin inay dib adbaxaan xitaa hadalkoodu naceyb ka buuxo.
Rasmus Paludan oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga midigta fog ee Denmark ayaa hore kitaabka Qur’ aanka ugu gubay banaanka safaaradda Turkiga ee Stockholm.
Ninkan ayaa sidoo kale isku dayay inuu UK yimaado si uu isla falkaas ugu celiyo. Wuxuu do onayay inuu tago Yorkshire balse dowladda UK ayaa u diiday inuu dalkeeda yimaado.
Norway
Waxaa sannadadii dambe qaarada Yurub kusoo bada nayay xisbiyada iyo ururada midagta fog, kuwasoo ka soo horjeedo Islaamka iyo ajaaniibta ay baday maciin inay ku noolaadaan dhulalkaan aan kooda asalka ah ahayn.
Haween xaafidul qur'aan ah
Norway ayaa waxay ka mid tahay dalalka Yurub ku yaalla ee lagu gubi karo kitaabka Qur’aanka iya doo ku saleyneyso xorriyatul qowl.
Bishii Febaraayo ee sannadkan ayaa koox dibad baxayaal oo la sheegay inay Islaamka neceb yih iin doonayeen inay Kitaabka Qur’aanka ku hor gu baan safaaradda Turkiga ku leeyahay magaalada Oslo ee dalka Norway.
Dowladda ayaa markii hore u oggolaatay balse markii dambe booliska ayaa joojiyay muddaahara adkaas lagu doonayay in Qur’aanka lagu gubo saacado un ka dib markii wasaaradda arrimaha dinadda Turkiga ay u yeertay safiirkii Norway u fa dhiyay Ankara.Hase yeeshee Booliska ayaa sheegay inay u hak iyeen sababo la xiriira amniga iyagoo aam insan in kooxdan ay xaq u leeyihiin inay dibadbaxaan.XIGASHO:-BBC
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA W.ARGEYSKA M. TIMES DAILYNEWYS PEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN
..