Farsamadii yaabka lahayd ee uu ku fakaday duuliyihii Soomaaliga ahaa ee dagaalka lagu qabtay

0
Saturday July 22, 2023 - 21:41:31 in Wararka by
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farsamadii yaabka lahayd ee uu ku fakaday duuliyihii Soomaaliga ahaa ee dagaalka lagu qabtay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Weeydoow

XIGASHADA SAWIRKA,KEYDKII WEYDOOW

Dagaalkii Soomaaliya iyo Ethiopia ee 1977-kii wuxuu ahaa dagaal dhibaato weyn geeska Afrika ka geystay. Dhul iyo cirka ayey labada dal ku dagaallameen.

Ciidanka cirka Soomaaliya waxay haysteen diyaarado casri ah kuwii xiligii jiray awoodooduna ay aad u sareysay.

Dagaalkaas saraakiil badan Soomaali ah ayaa magac ku yeeshay. Duuliye-Sare Cabdulaahi Weydow Maxamud ayaana ka mid ahaa.

Sarkaalkan maxaa gaar ka dhigay

Markii uu bilowday dagaalka Soomaaliya iyo Ethiopia Duuliye Weydoow wuxuu ka mid ahaa saraakiisha duuliyayaasha ah ee hormuudka ka ahaa dagaalka.

Isagoo dagaalka ku jira ayey qabteen ciidamada Ethiopia oo diyaaradiisa ku amray inay caga dhigato garoonka ciidamada cirka Debre-zeyit balse markii uu dajiyay ayuu degdeg u kiciyay diyaaradda oo aheyd MiG-17, sidaasina waxaa ugu suuragalay inuu baxsado.

Baxsashadaas waxaa ka soo gaaray dhaawac kaddib markii rasaas ku rideen ciidankii Ethiopia ee dhulka joogay. Isag oo dhaawac ah oo duulinaya diyaaradda ayuu soo caga dhigtay magaalada Hargeysa.

Lama filaan ayey ku noqotay ciidankii uu ka tirsanaa markii ay arkeen sarkaalka iyo diyaaradii la qabtay oo hadana soo baxsaday. Waxaa loo sii duuliyay duulyaha magaalada Muqdisho halkaas oo lagu daaweeyay isbitaalka xoogga.

Weydoow

XIGASHADA SAWIRKA,KEYDKII WEYDOOW

Taariikhda Cabdulaahi Weydoow

Duuliye-Sare Cabdulaahi Weydow Maxamud wuxuu ku dhashay magaalada Buuloburde gobolka Hiiraan sanadkii 1940-kii halkaas ayuunua dugsiga qur’aanka iyo iskuulka ka bilaabay. Kaddib Muqdisho ayuu uu soo wareegay halkaasi uu dugsiga dhexe iyo kan sare ka galay.

"Wuxuu ahaa geesi khibrad u lahaa howsha uu qabanayo” ayuu yiri Cabdulqaadir Muuse Xaaji Duwe oo taariikhda Duuliye Weydow wax ka ka qoray.

Sanadkii 1963-kii ayuu ku biiray ciidamada cirka isagoo tabar ciidan u aaday dalalkii Midowga Sofiyeeti halkaasi uu ku bartay duuliye. Ku dhawaad 20 sano ayuu duuliye ahaa. Bilado ayuu ku muteystay dagaalkaas, wuxuuna ciidanka ka gaaray darajada Gaashaanle-sare

"Wuxuu ahaan agoon iyo rajo waxaan soogacan qabtay walaalkii ka weyn Axmed Weydooyow” ayuu noo sheegay Xasan Weydoow oo saacadii u dambeeyay noloshiisa isbitaalka la joogay.

Maalmihii u dambeeyay noloshiisa

Duuliye Cabdulaahi Weydow Maxamud muddo ayuu xanuunsanaa. Daaweyn caafimaad ayaa dibadda loogu qaaday. Ugu dambeyn dib ayaa dalka loogu soo celiyay wuxuuna galay isbitaalka ciidanka xoogga halkaas ayuuna ku qaatay maalimhii u dambeeyay noloshiisa.

Sanadkii 1984-kii ayuu ku geeriyooday isbitaalka Xoogga waxaana lagu aasay magaalada Muqdisho. Alle ha naxariistee Duuliye Weydoow wuxuu ifka kaga tagay wiil iyo gabar oo xiligaa carruur ahaa.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip