Soomaaligii uu Talyaanigu ka qafaalay Masar ee diiday in uu saxiixo xeer ku qaban lahaa maanta

0
Monday July 17, 2023 - 22:10:00 in Wararka by
  • Visits: 995
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaligii uu Talyaanigu ka qafaalay Masar ee diiday in uu saxiixo xeer ku qaban lahaa maanta

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Qoyska Tuuryare

XIGASHADA SAWIRKA,QOYSKA TUURYARE

Author,Cabdirisaaq Axmed Role,Weriye iyo qoraa

Waxa uu ahaa fariid noloshiisa oo dhan u taagnaa difaaca iyo danaha Soomaalida. Isaga oo sagaal iyo toban jir ah ayuu Talyaanigu ka qafaalay Masar, waxa uu sabab u ahaa isfahamkii Jabuuti ku dhexmaray Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Haile Mariam. Waxa uu diiday malaayiin doolar oo laaluun ah si uu u saxiixo heshiis caalami ah oo qaban lahaa qofwalba Soomaali ah maanta.

Allaah ha u naxariisto Barafasoor Maxamuud Macallin Cali Tuuryare oo ku dhintay magaalada Xamar 13 bishan July wuxuu ahaa qof magac weyn ku leh Soomaalida dhexdeeda. Barafasoor Tuuryare oo ku dhashay tuulada Ceelbaraf ee degmada Mahadaay sanadkii 1941dii waxa uu dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed usoo qabtay shaqooyin kala duwan oo qiimo badan. Nin dhinaca aqoonta iyo waxbarashada iyo waayo-aragnimada ku tilmaaman buu ahaa, waayo wuxuu ahaa nin fahmo badan oo aad u jecel waxbarashada. Waxaana sidaas ku barbaariyey aabbihiis oo ahaa macallin quraan

isagoo yar ayaa la keenay Xamar halkaas ayuuna ka billaabay barashada aqoonta kala duwan ee diinta islaamka iyo afka carabiga markii uu noqday xerow cilmi barashada u go’ay. Markii uu meel fiican ka gaadhey taas oo uu weliba ku darsaday xoogaa waxbarasho casri ah ayuu 1954-kii deeq waxbarasho ka helay boqortooyadii Yemen ee Sanca fadhigeedu ahaa. Afka carabiga iyo shareecada islaamka ayuu ka bartay jaamicad Sanca ku taalley. Kabibna wuxuu deeq waxbarasho oo kale ka helay midowgii Soofiyeeti, gaar ahaan jaamicadda Lumumba oo uu ka qaatay darajada masterka 1965-kii, qaybta qaanuunka.

Dalka ayuu dib ugu soo noqday oo uu la shaqeeyey dawladdii Soomaaliyeed, ilaa laga gaadhayey bilowgii toddobaatanaadkii markaas oo uu dib ugu noqday Midowgii Soofiyeeti oo uu deeq waxbarasho ka helay, isagoo shahaadada PhD kasoo qaatay jaamicadda Moosko 1977-kii, kuna takhasusay qaanuunka dowliga ah. Kadibna dalka ayuu kusoo noqday oo wuxuu billaabay inuu shaqooyin kale duwan qabto sida bare ka tirsan kulliyadda qaanuunka ee Gahayr iyo hormuudka kulliyaddaas, iyo la taliyaha wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya dhinaca sharciyada. Dalalka carabta iyo afrikaanka ayuu uga mid noqday guddiyo joogto ah iyo kuwa aan joogta ahayn, maadaama uu ahaa qofka Soomaaliya ugu horreeya dhinaca qaanuunka caalamiga ah.

Markii ay dawladdii Soomaaliyeed dhacday 1991-kiina wuxuu u dhoofay Masar isagoo bare ka noqday jaamicadda mareykanka ee Qaahira, kadibna Mareykanka ayuu uga sii gudbey isagoo macallin ka noqday 1996-kii Virginia College ee North Virginia. 2008-10 ayuu la taliye sharci uga ahaa Qaramada midoobey sidey Soomaaliya u heli lahayd dawlad sal adag.

Jannadii Allaah ha geeyo, lama koobi karo Barafasoor Tuuryare shaqooyinkii uu soo qabtay dal iyo dibed, dawlad iyo khaas, iyo aqoontii uu lahaa, laakiin su’aashu waxay tahay qof caynkee ah ayuu ahaa? Muxuuse caan ku ahaa ama dadka kaga soocnaa?

Wuxuu ahaa nin aaney qabyaaladdu meelna kasoo gelin, aan eexda la soo marsiinin, waddaninnimo ku dhan tahay, diinta iyo dadkeeda jecel, faanka iyo isla weynida aan aqoonin. Waxa uu ahaa xishood badan oo xumaanta iska ilaaliya, sida ugu sarreysa u ilaashada sharaftiisa, jecel inuu dadka dhexgalo oo heshiisiiyo, mar walba isku hawla sidii dawlad e rasmi ah oo xoog leh loogu yeeli lahaa Soomaaliya.

Qof aan runta ka leexleexnin oo aan ka baqin nin haysta xukun ama awood ayuu ahaa oo aan magac iyo maal midna raadinin. Nin aqoontiisa iyo Alle ka cabsigiisa iyo aqooshiisa ku meel mara ayuu ahaa. Nin mar kasta ku dhex jira qoraal iyo aqoon abuurid ayuu ahaa, wuxuuna qoray ku dhowaad labaatan buug oo ay badankood ka hadlayaan Soomaaliya iyo qaanuunka caalimga ah.

Qoyska Tuuryare

XIGASHADA SAWIRKA,QOYSKA TUURYARE

Kitaab qiimo badan oo ka hadlaya dagaalkii iyo dembiyadii ay Itoobiya ka sameysay Soomaaliya 2007-2008 oo uu u bixiyey "Kacdoonnada Soomaaliyeed iyo Cadow Kacbadiiba ku Duuley” ayuu ku daabacay kuna faafiyey Xamar 2009-kii. Afka carabiga ayuu ku gabyi jirey isagoo arday yar ah, darajada ugu sarreysa ayuuna keeni jirey weligiis intii uu waxbaranayey, mana dhaafi jirin fasalka, guriga iyo library-ga. Tusaalooyinka lagu xasuusto toosnaanta iyo turxaan la’aanta dhaqankii BarafasoorTuuryare waxaa ka mid ah mowqifkii uu ku adkeystay markii ay Ururka Afrikaanku (OAU) isku dayeen 1983-84 iney Soomaaliya culeys ku saaraan iney aqbasho in xeerka ururka wax laga beddelo oo ay Soomaaliya oggolaato in xuduudka u dhaxeeya iyada iyo itoobiya laga dhigo mid rasmi ah, si weyn ayuuna u diidey taas isagoo ka wakiil ah dalkiisa. Sidoo kale waxaa dhacday in loo ballan qaaday hal milyan iyo badh doolar si uu u saxiixo iney Soomaaliya xubin la noqoto dawladaha oggol xeerka xuquuqda halabuurka (copyright), wuuna diidey taas waayo dawladda Soomaaliyeed dani uguma jirto taas. Markii ay Mengistu Haile Mariam iyo Siyaad Barre isku mari waayeen kulan ku dhexmaray 1988 Jabuuti isaga ayaa sabab u noqday in la gaadho isfaham.

1991-kii markii la ridey Siyaad Barre wuxuu ku celceliyey oo uu cod dheer ku sheegay in la raaco dastuurka oo aan la dhisin dawlad cusub oo aan heshiis lagu ahayn. Waxayna tani u keentay in la soo weeraro oo leysku dayo in la dilo laba jeer Xamar dhexdiisa 1991-kii, kadibna waxaana lagu khasbay inuu dalkiisa ka cararo. Sidoo kale dawladda Talyaaniga ayaa dhammaadkii kontomeeyadii kasoo qafaashey Qaahira oo markab soo saartay dabadeedna ku xirtey xabsi ku yaal Xamar iyadoo ku andacooneysa inuu qoray maqaallo badan oo uu ku diidan yahay joogitaanka Talyaaniga ee dalka Soomaaliya markii uu Yemen wax ka baranaayey. Dadkii lagu xasuuqay iskuulka Maxamuud Axmed Cali ee Xamar ku yaal 1991-kii ayuu si qoto dheer u baadhay oo uu qoraal ka sameeyey. Gunaanadkii Barafasoor Maxamuud Tuuryare wuxuu ahaa nin darajo sare rabbi siiyey iyo halyey ka baxay dadka Soomaaliyeed. Allaah ha siiyo naxariis iyo nicmo ballaadhan.

Warbixintan waxaa qoray Cabdirisaaq Axmed, oo ah weriye, qoraa iyo cilmibaare muddo dheer saaxiib iyo sheeko-wadaag lahaa Barafasoor Maxamuud Tuuryare. Xogtan waxaa laga soo xigtay buug aan weli la daabicin ee uu sooyaalkiisa ka qoray Barafasoor Tuuryare, iyo xogwaran iyo sheekooyin uu isagu horey u bixiyay. Wixii aragti ah waxaa gaar u leh qoraaga, mana ka turjumeyso aragtida BBC.

XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip