Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu oo Isbitaal la dhigay

0
Sunday July 16, 2023 - 12:23:02 in Wararka by
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu oo Isbitaal la dhigay

    Ra'isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa isbitaalka loola cararay, isaga oo baaritaan caafimaad ku maray Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer Sabtida maanta ah, laakiin xaaladiisu way wanaagsan tahay, sida uu sheegay xafiiskiisa, i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa isbitaalka loola cararay, isaga oo baaritaan caafimaad ku maray Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer Sabtida maanta ah, laakiin xaaladiisu way wanaagsan tahay, sida uu sheegay xafiiskiisa, iyada oo aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya suurtagalnimada inuu xilka wareejiyo. Waxaa la dhigay qolka gargaarka degdegga ah ee Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer, sida uu sheegay TV-ga Channel 12 ee Israa'iil. Netanyahu, oo 73 jir ah, oo ah hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa dalkaas, ayaa ka cabanaya xanuun feeraha ah, in kasta oo uu si buuxda u joogo miyirkiisu. War kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu xaqiijiyay inuu ku sugan yahay Isbitaalka Sheba, waxaana lagu sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay oo uu ku marayo qiimeyn caafimaad. Ilaa hadda ma cadda cidda bedeli karta haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah. Horraantii bishii Oktoobar, ayuu xanuunsaday xilli ay Yuhuuddu soomanayeen Yom Kippur, waxaana muddo kooban la dhigay cusbitaalka. Israa'iil ayaa ku jirtay kuleyl dabayaaqadii todobaadka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip