Waa kuma wiilka Soomaaliga ee tababaraha u noqonaya kooxda ka dhisan Tanzania?

0
Friday July 14, 2023 - 20:29:19 in Wararka by
  • Visits: 1640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma wiilka Soomaaliga ee tababaraha u noqonaya kooxda ka dhisan Tanzania?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Abdihamid

XIGASHADA SAWIRKA,ABDIHAMID Kooxda KMC ee ka dhisan dalka Tanzania ayaa Cabdixamiid Macalin oo ah wiil Soomaaliyeed u magacaabay tababaraha kooxda, kadib qoraal rasmi ah oo ay soo saareen.

Shir jaraa'id oo ay qabteen kooxdu ayay ku dhawaaqeen inuu yahay tababare.

"Maadama aan u baahannahay in aan sameyno wax la taaban karo, oo ay dadkan ay arkaan, waana sababta aan usoo raadinay tababare Cabdixamid oo ah tababare khibrad sare leh. Waxaan aminsanahay in kooxdeena uu siwanaagsan u diyaarin doono liiga soo socda uu guul noo horseedo doono" ayuu yiri Songoro Khamis Mnyonge oo ah madaxa dawladda hoose ee degmada Kinondoni.

Kooxdan ayaa hoostagata dawladda hoose ee degmada Kinondoni ee Caasimadda Daar'salaam.

Abdihamid

XIGASHADA SAWIRKA,ABDIHAMID

Waa kuma Cabdixamiid Macalin?

Cabdixamiid wuxuu horay uga soo shaqeeyay ciyaaraha Soomaaliya isaga oo tababare u ahaa kooxda Horseed ee Soomalaiya. Wuxuu la joogay waqtigii ay ku guulaysaneeynka horyaalkoodii ugu horeeyay muddo dheer kadib isaga oo tababare u ah.

Cabdixamiid wuxuu dhawaan ku sugnaa Soomalaiya, iyada oo ay jirtay rajo ay dadka ciyaaraha u dhuun daloola ka qabeen in loo magacaabo tababaraha xulka kubadda cagta ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadka ciyaaraha ka faalooda ayaa ku tilmaamay talaabada uu qaaday Cabdixamiid mid aysan ku farxin maadaama ay u rajeynayeen inuu hugaamiyo xulka Soomaaliya.

Cabdi Xamiid Macalin wuxuu horey tababare ugu soo noqday koox kale oo ka dhisan dalka Tanzania oo lagu magacaabo Azam.

KMC

XIGASHADA SAWIRKA,KMC

Maxay tahay Kooxda KMC?

Kooxda Kinondoni Municipal Council Football Club, oo magaceeda loo soo gaabiyo KMC ayaa ka dhisan dalka Tanzania gaar ahaan degmada Kinondoni District ee ku taalla caasiamdda dalkaas ee Dar es Salaam.

Waxaa la aasasay sanadkii 2018 kii iyada oo ku ciyaarta garoon lagu magacaabo Uhuru Stadium oo ku yaalla caasimadda. Ciyaaraheeda gudaha ayay ku ciyaaraan Garoonka Qaranka ee Tanzania.

Kooxda ayaa kamid ah lix koox oo ka soo dhalaalay horyaalka Vodacom ee ka jira dalka Tanzania sanadkii 2018 kii.

KMC waxay si dirqi uga badbaaday in ay u laabato heerka labaad ee horyaalka Vodacam xilli ciyaareedkii 2021 - 2022, kaidb ciyaar dhexmartay iyaga iyo kooxda lagu magacaabo Mbiyaye City ee iyana ka dhisan dalka Tanzania.

XIGASHO:BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip